-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee ay maanta mileeshiyaadka Al-Shabaab ku qabsadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dowladda Puntland waxay walaac weyn ka muujisay dhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxda Al-Shabaab iyo isku dayadooda ah in ay dib u qabsadaan deggaanadii horay looga xoreeyey iyo kuwo cusub oo muhiimad juqraafi leh. Puntland waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in xaaladda amni ee ka sii daraysa ee gobollada dhexe ay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, si loo helo gorshe mideysan oo lagu wajahayo halista kooxda Al-Shabaab. “Argagixisadu meel walbo oo ay joogto waxay khatar ku yihiin dadkeenna iyo dalkeenna, waana lagama maarmaan in meel looga soo wadajeesto, sidaasi darteed Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay doorkeeda qaadato oo gacan ka geysato dadaalka kasta oo dalka looga sifeynayo argagixisada” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland. Dowladda Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyagoo siinaya taageero muuqata oo dhanka amniga iyo sirdoonka, sil loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya xasilloonida dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo walaac xooggan ka muujisay qabsashadii Al-shabaab ee degmada Maxaas appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaas kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed. Kulankan ayaa hordhac u ah is aragyo gaar gaar ah oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka yeelanayo madaxda ka qeyb-galaysa Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka, oo lagu falanqeynayo xal u helidda caqabadaha ku xeeran helitaanka cunto ku filan dunida, gaar ahaan dalalka ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimilada. Intii uu socday kulanka, labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyaga oo si gaar ah u dul istaagay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhowaan heshiis hordhaca ka gaaray xiisad muddo ka dhex aloosnayd ayaa haatan u muuqanaya inay abuurayaan iskaashi iyo saaxiibnimo aan kalsooni badan ku dhisnayn. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, wuxuu ka tacsiyeeynayaa geerida Allaah ha u naxariistee geerida Dr. Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dr. Dhegaweyne), oo ku geeriyooday deegaanka Kala-bayr ee degmada Boosaaso. “Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo, Dr. Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud (Dr. Dhegaweyne) oo geeriyooday, wuxuu ahaa masuul waxbadan usoo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa. Wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii Puntland oo uu xilal kala duwan oo heer Wasiir illaa la-Taliye Madaxweyne uu kasoo noqday. Wuxuu ahaa shakhsi wakhtigiisa inta ugu badan geliyay ka shaqeynta Amniga, horumarka iyo midnimada dadka reer Puntland, wuxuu hadda ka mid ahaa Guddiga ka shaqeynayey Hawlgalka ka socda Calmiskaad weliba wuu ku dhaawacmay. Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynayaa Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, eheladiisii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday, marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo oo janadii ha geeyo inagana samir iyo iimaan Allaah ha inaga siiyo Aamiin” Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. AHUN Dr. Dhegaweyne wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Dowladda Puntland, wuxuuna soo noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha Guddiga la dagaalanka AIDs-ka Puntland ee (PAC) iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Caafimaadka, isagoo sidoo kale hada xubin ka ahaa Guddiga ka shaqeynaysa Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, wuxuuna ka mid ahaa geesiyaashii reer Puntland ee ku dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ka socda. The post Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Dr. Dhega-weyne oo Galabta geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti maalgashi oo ka socda dalka Sucuudiga. Booqashadooda ayaa ku soo beegantay iyadoo ay si weyn u xiisaynayaan caalamku fursadaha maalgashi ee ka jira dalka. Wasiir Buraale ayaa intii uu kulanka socday waxa uu weftiga warbixin dheer ka siiyey fursadaha maalgashi ee kala duwan ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaana waxa uu si gaar ah u iftiimiyey faa’iidada kheyraadka dabiiciga ah ee aan weli laga faa’iidaysan. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay doorka muhiimka ah ee ay dawladda Somaliland ka ciyaarto horumarinta maalgashiga gudaha iyo dibaddaba. Weftiga Sucuudigu waxa ay aad u danaynayeen maal gashi ay dalka ku samaystaan waxaanay sheegeen in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay qiimayn guud ugu samayn lahaayeen fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira Qaran News
-
The Minister of Investment and Industrial Development, Mr. Said Mohamed Buraale, today received an investment delegation from Saudi Arabia at his office. Their visit comes amid keen interest in investment opportunities within the country. During the meeting, Minister Buraale provided the delegation with a detailed briefing on diverse investment opportunities available across the nation, particularly highlighting the untapped potential in natural resource sectors. He further emphasized the crucial role played by the Somaliland government in promoting both domestic and foreign investment. The Saudi delegation expressed strong interest in the minister’s presentation and stated that the purpose of their visit was to conduct an on-the-ground assessment of viable investment opportunities within Somaliland. Qaran News
-
Ethiopia: UAE, Dubai_Police donate modern motorcycles to Ethiopian Federal Police for VIP escort and highway traffic control The Ethiopian Federal Police Commission (EFP) has received a fleet of modern motorcycles donated by the United Arab Emirates Ministry of Interior and the Dubai Police. The motorcycles are intended for VIP protection, escort services, and highway traffic control. Speaking at a press briefing held earlier today at the Commission’s headquarters, Commissioner General Demelash Gebremichael said the donation marks a further step in the ongoing modernization efforts of the Federal Police. “We are significantly transforming in many aspects since the reform began,” he said. “This donation of modern motorcycles will enhance our capacity in escort services and highway traffic management.” Demelash noted that the police have recently acquired advanced surveillance drones and vehicles, and the new motorcycles will complement these assets. He emphasized that the equipment will play a vital role in ensuring smooth traffic flow and dignified reception for international, continental, and national guests. “These new capabilities will enable us to better manage urban mobility, particularly during major events hosted in Addis Abeba,” he added. EFP quoted Commissioner General Demelash as saying that the EFP will continue to expand its modernization efforts. “The motorcycles will not only help us in the honorable reception of foreign dignitaries but will also be central to upcoming initiatives to improve highway traffic control both within and outside the capital,” he said. Addis standard Qaran News
-
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, iyo Xubnaha Guddida ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Saxaafadda Madaxa Bannaan qaybahooda kala duwan ee ka hawl gala Somaliland. Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd in Qaran ahaan la iska kaashado, meelna looga soo wada jeesto Gurmadka iyo Gargaarka lagula tacaalayo Abaaraha ba’an ee ay dad badan oo reer Somaliland ahi ku tabaaloobeen. Sidoo kale, ujeedada kulanka Saxaafadda Madaxa Bannaan (kuwo soo jireen ah iyo kuwa casriga ahba) iyo Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha waxa ay ahayd in Saxaafaddu ay qaadataan kaalintooda wax-ku-oolka-ah ee bedbaadinta bulshadeenna ay Abaaruhu dhibaateeyeen. Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Xubno ka mid ah Guddida Heer Qaran oo kulanka hadallo ka jeediyey ayaa sheegay in Saxaafaddu ay fadhiga ka kacdaan, maadaama ay yihiin indhiha iyo codka shacabka JSL ee dhawaaqa, dhiillada iyo dhibaatada Abaaraha gaadhsiin kara meel fog. Guddida Gurmadka Abaaraha waxa ay Saxaafadda Madaxa Bannaan u sheegeen in masiibada Abaaruhu ay tahay masuuliyad wadareed Diini iyo Dadnimaba ah oo saaran qof kasta oo reer Somaliland ah, gaar ahaan saxaafadda iyo suxufiyiinta reer Somaliland. Xubnaha Guddida Gurmadka Abaaruhu waxa ay Bahda Saxaafadda u sheegeen in la joogo xilligii aynu ummadeena la dareemi lahayn harraadka, gaajada, xanuunka iyo faro madhnaanta. Waxa ay sheegeen in la joogo xilligii hibooyinka hadalka ee uu Allah ku manaystay Saxaafadda ay ku wacyigelin lahaydeen ummadda, kuna dhiirrigelin lahaydeen is-caawinta, iskaalmaysiga, wax bixinta iyo gargaarka dadkeena tabaalaysan. Dhinaca kale, kulanka waxa iyaguna hadallo qiimo leh ka soo jeediyey xubno door ah oo ka tirsan Saxaafadda Madaxa Bannaan iyo Ururka Solja, iyaga oo dhammaantood sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qaataan doorka iyo masuuliyadda kaga aaddan ka qaybgalka Gurmadka Abaaraha. Intii lagu guda jiray kulanka, Xubnaha Warbaahinta Madaxa Bannaan waxa ay Guddida u caddeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay si firfircoon uga qayb qaataan baraarujinta wacyiga bulshada, baahinta xogaha degdegga ah ee la xidhiidha baahida bini’aadannimo ee ka jirta degaannada Abaaraha, iyo dhiirrigelinta gurmadka ay u baahan yihiin shacabka ay dhibaatadu saameysay. Waxa ay Guddida Heer Qaran ka codsadeen in lala wadaago xogaha muhiimka ah iyo qorshayaasha Gurmadka Abaaraha si ay iyaguna u gudbin karaan warar xaqiiqada ku salaysan. Ugu dambayntii, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha oo kulanka soo xidhay, ayaa Saxaafadda Madaxa Bannaan ugu baaqay in ay sii xoojiyaan baahinta fariimaha dawladda, codadka dadka abaartu saamaysay, iyo dhiirrigelinta gurmadka ay u baahan yihiin shacabka ay dhibaatadu saameysay, Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu Bahda Saxaafadda kula dardaarmay in wararka ay baahinayaan noqdaan kuwo toosiya quluubta iyo damiirka shacabka JSL, in uu warkoodu noqdo biriijyo isku xidha kuwa baahiyaha qaba iyo kuwa wax bixin kara. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Waxaan aqoonsaday oo garwaaqsaday in aad sharciga aqoon u yeelataa, in ay muhiim u tahay qof kasta oo danaynaya fahamka nolosha iyo diintiisa, siyaasadda, ganacsiga, garsoorka, xidhiidhada caalamiga ah iyo majaalo kale oo muhiim u ah horumarinta iyo tayaynta hab-nololeedka bulsho, dawlad iyo dal intaba. Sidaas ayaan u bilaabay degree labaad oo sharciga ah (Bachelor of Law) kuna dhameeyay muddo hore. Sidoo kalena, berri Insha Allah aan u difaacan doonaa, Masters degree 2aad oo aan ku qaadanayo aqoonta Sharciga Ganacsiga Caalamiga ah( International Commercial Law, LLM). Ugu danbayn, Waqtigu waa hanti qaali ah, aan la kaydin karin, aan la iibsan karin, aan dib loo soo celin karin. Haddii laga faa’iidaysan waayo, khasaaraha ugu weyn ayuu sababi karaa. Waa dardaarankayga la xidhiidha fahamka qiimaha waqtiga, in laga faa’daystana ay ahmiyad wayn u leedahay barakada nolosha qofka. Qalinkaa wax suureeya Kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” I have come to fully recognize that legal knowledge is essential for anyone who seeks to understand life, religion, politics, business, justice, international relations, and other critical areas vital to the development and improvement of society, governance, and the state as a whole. Motivated by this belief, I pursued and successfully completed my first second degree in law (Bachelor of Laws LLB) in the past. Now, by the will of Allah, I will be defending my second master’s degree this time in International commercial Law (LLM). Finally, time is the most valuable asset, it cannot be stored, bought, or brought back once lost. If not used wisely, it can lead to the greatest loss. This message emphasizes the importance of understanding the value of time, as making good use of it is essential to the blessings and success in a person’s life. “The pen creates greatness, It guides you wherever you wish to go, It is an open-hearted friend.” Mohamed Ibrahim Warsame “Hadraawi” Illaahay ayay mahad oo dhami kelligiis u sugnaatay! Tu’san Siyaasi Farxaan Adan Haybe Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/07/VID-20250727-WA0000.mp4 Qaran News
-
Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah an cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada . Golaha Baarlamaanka Puntland oo warbixin soo saaray ayaa sheegay in ay fadhigii maanta ku meel-mariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada, oo ay soo gudbisay wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland. Fadhiga oo ay soo xaadireen 34 mudane, waxaa ogolaaday ansixinta Xeerkan 32 mudane, waxaana ka aamusay 2 xildhibaan, islamarkaana ma jirin cid diiday, sida uu shaaciyay Baarlamaanka Puntland oo warkan soo saaray. “Xildhibaanada golaha wakiillada dowladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada ee Puntland, waxaa oggol ugu codeeyay 32 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 2 mudane” ayaa lagu yiri warka Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta meel mariyay Ansixinta wax-ka bedelka Xeerka la-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee (NISA) oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku qabatay hawlgal qorsheysan oo ay xalay ka fulisay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hay’adda NISA waxay Warsaxaafadeedka ku sheegtay in ay hawlgalkaasi ku soo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Afgooye, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaad uu ka tirsanaa waaxda waxa ay ugu yeeraan amniyaadka. Sida ku cad Warsaxaafadeedka NISA, Qabashada Horjoogahan Al-shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. “Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka NISA. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo degmada Afgooye ku qabtay horjooge iyo xubin kale oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Calleenta matcha ayaa adduunka aad u qabsatay. Shaaha cagaarka ah ee Japanese-ka ah waxaa laga heli karaa meel kasta oo lagu iibiyo kafeyga iyo shaaha. Waallida matcha-ga caalamiga ah waxaa buunbuuniyay warbaahinta bulshada (social media), iyada oo dadka caanka ah ay soo wadaagaan talooyinka wax soo saarka, faallooyinka iyo cuntooyinka. Hashtag-ka “Matcha Tok” waxa uu soo jiitay tobanaan milyan oo aragtiyo ah. Caannimada Matcha ee sii kordheysa ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dalxiiska Japan ee ka dib xanuunkuu Covid, iyadoo lacagta daciifka ah ee waddanku ay ka dhigtay meel soo jiidasho leh iyo sidoo kale kor u qaadista baahida badeecadaha Japan. Inta lagu jiray buunbuuninta, baahida loo qabo budadan ayaa kor u kacaysa. Haweeneyda soo dejisa shaaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka Lauren Purvis ayaa BBC-da u sheegtay in macaamiisheeda ay arkayaan waxa bishii dhan in la isticmaalo loogu talogalay oo maalmo gudahood lagu dhammeystay. Makhaayadaha qaar ayaa xitaa waydiisanaya kiilo maalintii. Waxay aad ugu baahan yihiin inay sii wadaan,” ayay tiri Ms Purvis, oo maamusha Mizuba Tea Co. Faa’iidooyinka caafimaad ee matcha Matcha wuxuu qani ku yahay antioxidants – maaddooyinka kaa caawiya inay jirkaaga ka ilaaliyaan dhaawaca unugyada waxayna hoos u dhigaan khatarta cudurrada daba dheeraada. Daraasad ay daabaceen saynisyahanno ka socda Jaamacadda Konkuk ee magaalada Seoul ayaa lagu sheegay in matcha ay ku jirto ilaa 10 jeer in ka badan antioxidants marka loo eego shaaha cagaaran ee caadiga ah. Shaaha cagaaran iyo matcha ayaa aad isugu dhow, shaaha cagaaran waxa uu kordhiyaa dhimista miisaanka sababtuna waa heerka sare ee antioxidants. Daraasaduhu waxay muujinayaan shaaha cagaaran inuu kaa caawiyo kordhinta dheef-shiid kiimikaadkaaga iyo gubashada baruurta, taasoo ay gacan ka geysato heerarka sare ee kafeynta ku jirta. Qaadashada caadiga ah ee matcha latte (hal qaaddo oo ah budada matcha) ayaa ka kooban qiyaastii 38-176mg oo kafeyn ah. Tani waa kafeyn ka yar koob kafeega caadiga ah. Si kastaba ha ahaatee, Galati ayaa sheegaysa in matcha loo maleynayo in ay leedahay ‘saamayn xasiloon’ oo ka badan qaxwada sababtoo ah waxa ku jira L-theanine. “Aashitada amino-ga ee matcha waxaa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay habdhiska dareenka, ka caawinta dhimista walbahaarka, fududaynta walwalka iyo yaraynta hurdo la’aanta,” ayay tiri. Daraasadaha qaarkood waxay ku xireen qaar ka mid ah waxyaabaha ay ka kooban tahay matcha – oo ay ku jiraan antioxidants iyo qaybaha kale sida chlorophyll, kafeyn iyo L-theanine – oo leh horumarinta shaqada maskaxda. Kafeyn waxaa lagu yaqaannaa inuu ka shaqeeyo habdhiska dhexe ee neerfayaasha, kordhinta dheef-shiid kiimikaadka maskaxda oo dhan, iyo sidoo kale kor u qaadista feejignaanta iyo xusuustaada. Cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Shizuoka ee Japan waxay soo jeedinaysaa in matcha laga yaabo inay leedahay faa’iidooyinka garashada. Daraasadda, oo lagu daabacay Maktabadda Qaranka ee Daawada, waxay ku lug lahayd 12 kaqeybgalayaasha waayeelka ah – laba rag ah iyo toban dumar ah – kuwaas oo cunayay labo garaam oo budada shaaha cagaaran ah maalin kasta muddo laba bilood ah. Natiijooyinku waxay muujiyeen calaamadaha shaqada maskaxda oo soo hagaagtay. Si la mid ah dhammaanba waxyaabaha kale ee kafeynta laga helo, waxaa fiican in matcha si dhexdhexaad ah loo isticmaalo. Matcha waxaa ku jira kafeyn ka badan shaaha cagaaran iyadoo qaadashada kafeyn badan ay saameyn taban kugu yeelan karto sida isku buuq, hurdo la.aan iyo wadno-garaac badan. Kafeyn wuxuu kordhiyaa soo jeedkaaga, kaas oo loo arki karo faa’iido. Si kastaba, qaadashada xaddi badan ayaa sababi karta in jirku sii daayo adrenaline oo ah hoormoon si ku meel gaar ah u kordhiya tamarta balse sidoo kale horseedi kara inaad dareento isku buuq. Xaddiga ugu badan ee kafeynta lagula taliyo dadka qaan-gaarka ah waa 400mg, taas oo micnaheedu yahay inaadan cabin wax ka badan hal amaba labo koob oo matcha ah maalintii. Kuwa xasaasiyadda ku qaba kafeynta, matcha ayaa laga yaabaa inay u fiican tahay maaddaama ay ku jirto kafeyn ka yar kafeyga, iyadoo sidoo kale L-theanine-ta ku jirta ay gacan ka geysato yareynta in jirku nuugo kafeynta. Fiiro ku aaddan tayada Iyadoo matcha ay sanadihii dambe caan noqotay, in ka badan match-ada ka baxda Japan ayaa dunida loo dhoofiyaa. Wararka qaar ayaa xitaa saadaaliyay in dalabka kordhay uu horseedi karo gabaabsiga matcha ee labadaba gudaha Japan iyo adduunka. Iyagoo ka jawaabayay dalabka sii kordhaya ee matcha, shirkadaha shaaha ee Japan ee kala ah Ippodo Tea iyo Marukyu Koyamaen ayaa ku dhawaaqay markii ugu horreysay inay xaddidayaan iibka matcha. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Beeraha Japan, dalkaas ayaa soo saaray 4,176 oo tan oo matcha ah sanadkii 2023 – taas oo saddex jeer ka badan intii ay dhoofisay sanadkii 2010. Balse matcha ayaa noqoneysa mid dunida caan ka ah, sidoo kalena waxaa badanaya noocyadeeda kala duwan dhanka tayada. Qaarkood waxaa lagu daray sokor iyo dhadhan amaba wax lagu macaaneeyo, taas oo hoos u dhigeysa faa’iidadeeda caafimaad. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu dhawaan socdaal ku aado magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Madaxweyne Deni, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa ku wajahan Badhan, halkaasi oo la filayo in uu shirar kula yeesho salaadiinti dhaqanka gobolka Sanaag iyo bulshada degmadaaasi. Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya, iyadoo magaalada Laascaanood uu ka socdo Shirka dhammaystirka maamul u samaynta SSC-khaatumo, kaasi oo Villa Somalia abaabushay, si ay hal maamul ugu samayso labada gobol ee Sool iyo Sanaag. Isimada dhaqanka gobolka Sanaag oo uu hoggaaminayo suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan ayaa horay u diiday Shirka Laascaanood, oo ay ku tilmaameen mid aysan cidna ku metelin, inkastoo ay jiraan dad ka soo jeeda Sanaag oo qeyb ka ah Shirka ka socda Laascaanood. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Faransiiska ayaa bisha Sebtembar si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad ay leeyihiin Falastiin, sida uu sheegay madaxweyne Emmanuel Macron, taas oo ka dhigaysa waddankii ugu horreeyay ee G7 ee aqoonsaday. Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Macron ku sheegay in ku dhawaaqista rasmiga ah lagu sheegi doono fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York. “Baahida degdega ah ee maanta waa in dagaalka Gaza la soo afjaro oo dadka rayidka ah la badbaadiyo, nabad waa suurtagal, waxaan u baahanahay xabbad joojin degdeg ah, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, iyo gargaar bini’aadannimo oo ballaaran oo la gaarsiiyo dadka Gaza,” ayuu qoray. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Macron, halka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in tallaabadan “ay abaal-marinayso argagax” ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ka dhacay Israa’iil. Qaran News
-
France will officially recognise a Palestinian state in September, President Emmanuel Macron has said, which will make it the first G7 nation to do so. In a post on X, Macron said the formal announcement would be made at a session of the UN General Assembly in New York. “The urgent need today is for the war in Gaza to end and for the civilian population to be rescued. Peace is possible. We need an immediate ceasefire, the release of all hostages, and massive humanitarian aid to the people of Gaza,” he wrote. Palestinian officials welcomed Macron’s decision, while Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu said the move “rewards terror” following Hamas’s 7 October 2023 attack in Israel. Reuters Palestinian Authority President Mahmoud Abbas (left) and French President Emmanuel Macron during talks in Paris in July 2022Reuters Palestinian Authority President Mahmoud Abbas (left) and French President Emmanuel Macron during talks in Paris in July 2022 France will officially recognise a Palestinian state in September, President Emmanuel Macron has said, which will make it the first G7 nation to do so. In a post on X, Macron said the formal announcement would be made at a session of the UN General Assembly in New York. “The urgent need today is for the war in Gaza to end and for the civilian population to be rescued. Peace is possible. We need an immediate ceasefire, the release of all hostages, and massive humanitarian aid to the people of Gaza,” he wrote. Palestinian officials welcomed Macron’s decision, while Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu said the move “rewards terror” following Hamas’s 7 October 2023 attack in Israel. The US “strongly rejects” Macron’s announcement, Secretary of State Marco Rubio said, calling the decision “reckless”. The G7 is a group of major industrialised nations, which alongside France includes the US, the UK, Italy, Germany, Canada and Japan. In his Thursday post on X, Macron wrote: “True to its historic commitment to a just and lasting peace in the Middle East, I have decided that France will recognise the State of Palestine. “We must also guarantee the demilitarisation of Hamas, and secure and rebuild Gaza. “Finally, we must build the State of Palestine, ensure its viability, and ensure that by accepting its demilitarisation and fully recognising Israel, it contributes to the security of all in the Middle East. There is no alternative.” Macron also attached a letter to Palestinian Authority President Mahmoud Abbas confirming his decision. Responding to Macron’s announcement, Abbas’ deputy Hussein al-Sheikh said, “This position reflects France’s commitment to international law and its support for the Palestinian people’s rights to self-determination and the establishment of our independent state”, according to the AFP news agency. Meanwhile, Netanyahu wrote in a post on X: “We strongly condemn President Macron’s decision to recognise a Palestinian state next to Tel Aviv in the wake of the 7 October massacre. “A Palestinian state in these conditions would be a launch pad to annihilate Israel – not to live in peace beside it. Let’s be clear: the Palestinians do not seek a state alongside Israel; they seek a state instead of Israel,” Netanyahu added. Hamas said France’s decision was a “positive step in the right direction” and urged all countries of the world “to follow France’s lead”. Currently, the State of Palestine is recognised by more than 140 of the 193 member states of the UN. A few European Union countries, including Spain and Ireland, are among them. But Israel’s main supporter, the US, and its allies including the UK have not recognised a Palestinian state. In a statement on Thursday, UK Prime Minister Sir Keir Starmer said he will hold an “emergency call” with French and German leaders on Friday to discuss “what we can do urgently to stop the killing”. Statehood is an “inalienable right of the Palestinian people”, Sir Keir said, adding that a ceasefire would “put us on a path to the recognition of a Palestinian state and a two-state solution”. Sir Keir’s statement came as he faces growing pressure, including from his own MPs, for the UK to follow France’s lead. On Friday, a majority of MPs on the foreign affairs committee, which scrutinises UK foreign policy, called for the immediate recognition of the state of Palestine, adding it should make the move “while there is still a state to recognise”. “An inalienable right should not be made conditional,” a committee report said. Saudi Arabia’s foreign ministry praised France’s decision, saying it “reaffirms the international community’s consensus on the Palestinian people’s right to self-determination and the establishment of an independent state”. The Israeli military launched a campaign in Gaza in response to the attack on southern Israel, in which about 1,200 people were killed and 251 others were taken hostage. At least 59,106 people have been killed in Gaza since then, according to the territory’s health ministry. Much of Gaza has been reduced to rubble since then. Earlier on Thursday, the UN’s Palestinian refugee agency (Unrwa) said that one in five children in Gaza City was now malnourished and cases were increasing every day. More than 100 international aid organisations and human rights groups have also warned of mass starvation in the Gaza Strip – pressing for governments to take action. Israel, which controls the entry of all supplies into the Palestinian territory, has repeatedly said that there is no siege, blaming Hamas for any cases of malnutrition. Source BBC News Qaran News
-
Dowladda Maraykanka oo maanta bayaan kooban soo saartay ayaa xaqiijisay hawlgalkii ay wadajirka u fuliyeen ciidamada Puntland iyo kuwa Maraykanka ee lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish. Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayuu ku xaqiijiyay hawlgalkaasi wadajirka ah oo sida Puntland shaacisay lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac). Taliska AFRICOM oo warkan soo saaray ayaa sheegay in aysan sii dayn doonin Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan Hawlgalkii shalay, si loo xaqiijiyo ammaanka xogta hawlgallada, balse wuxu sheegay in ay sii wadayaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Daacish, si looga hortago in ay fuliyaan weerarro ka dhan ah danaha Maraykanka iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda. Warkan ka soo baxay Maraykanka ayaa imaanaya, maalin kaddib markii Puntland shaacisay in hawlgal wadajir ah, oo ay Mareykanka la kaashadeen ku qabteen Madaxii Maaliyadda Daacish, kaasi oo laga soo qabtay degaanka Laag ee degmada Xumbeys. PUNTLAND POST The post Puntland: Maraykanka oo xaqiijiyay Hawlgalkii lagu qabtay Madaxii Maaliyadda Daacish Cabdiweli Walalac appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Cayn Korneyl Cabdiraxmaan Cabdillaahi Axmed (Afweyne) oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan in dowladda Puntland bixiso mushaarka iyo xuquuqda ciidamada fadhiya difaacyada hore ee SSC-khaatumo. Korneyl Afweyn oo wareysi dheer bixiyay ayaa u jawaabay wasiirka Warfaafinta SSC-khaatumo oo dhawaan dafiray wararka sheegaya in Puntland bixiso mushaarka qeyba kamid ah ciidamada fadhiya jiidda hore ee laga difaaco degaannada SSC-khaatumo, kuwaasi oo ay Puntland sheegtay in ay bil kasta ku bixiso $1.8 milyan oo mushaar iyo xuquuq ah. Taliye Cabdiraxmaan Afweyne wuxu caddeeyay in Puntland bixiso mushaarka in ka badan 1,000 askari oo fadhiya difaaca Gobolka Cayn, kuwaasi oo ka kooban Daraawiish iyo Boolis, halka jiidda hore ee Gobolka Sool ay fadhiyaan ciidamo kala duwan oo mushaar iyo xuquuq ka qaata Puntland, sida uu warkiisa u dhigay. Ciidamada Puntland ka mushaar qaata ee fadhiya difaacyada Gobolka Sool ayuu sheegay in ay kala hoggaamiyaan Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor, Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Karaash, Korneyl Mubaarik Jiqda iyo Korneyl Bacayoos. PUNTLAND POST The post Korneyl Afweyne: Puntland waxay mushaar siisaa Inta badan ciidamada fadhiya difaaca SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac). Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay qabashada Madaxii Maaliyadda Argagixisada Daacish ahaana wakiilka kooxda u qaabilsan Ajaanibta oo magaciisu yahay, Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac). Dowladda Puntland waxay sheegtay in horjooge, Abdiweli Walalac lagu qabtay hawlgal qorshayaan oo ka dhacay degaanka Laag ee degmada Xumbeys, kaasi oo ay faliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Mareykanka oo taageero ka helaya Hawlgalka Calmiskaad. “Waxaa laqabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta Argagixisada Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.” “Hawlgalka Calmiskaad ayaa maraya meel gebogebo ah, waxaana socda ugaarsiga firxadka Argagixisada iyo Horjoogeyaashoodii ka cararay Calmiskaad” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Maraykanka oo maanta hawlgal wadajir ah ku qabtay horjooge sare oo ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan taageersaneyn qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hantido dekedda Assab ee dalka Eritrea, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kadib khadka taleefanka uu kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Qoraalka warbixinta ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay diiradda saareen is-afgarad ku saleysan “dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka,” iyadoo aan marna lagu xusin wax ku saabsan marin badeedka Cas ama sheegashooyin dhuleed oo Itoobiya leedahay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa intii ay wada hadleen adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu sidoo kale ammaanay isbeddellada dhaqaale ee Itoobiya oo fursado u abuurey ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka. Wararka isha lagu hayo oo kaladuwan ayaa muujinaya in Mareykanka uu dhiirrigelinayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, halkii uu ka taageeri lahaa ballaarinta dhuleed ama danaha xasaasiga ah ee marin badeedka Itoobiya. Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Maraykanka ay sheegtay inay ka shaqeynayso sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo Masar. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa muujiyay mahadcelin uu u jeediyay waxa uu ku tilmaamay dadaalka Trump ee ku aaddan in la gaaro heshiis caddaalad ah oo u dhexeeya Masar, Suudaan, iyo Itoobiya. Source