-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
SOMALILAND WAXAY MARAYSAA MEEL WANAAGSAN WAALLA AQOONSANAYAA EE QAYLADA JOOJIYA. Waddanka Somaliland waxa dhibaato in badan ku hayay dawladihii kala danbbeeyay ee soomaaliya kuwaas oo adeegsanayay dad ka mid ah oo dib u dhac faro badan u geystay waddanka,. Xaaladda mandaqaddu maanta way adagtay indhaha caalamkaa ku soo jeeda Somaliya waxa laga muujiyay rajo la’aan intii uu xasan shiikh yimidna god ayay kusii dhacday waad arkaysaan degmadii laascaanood iyo dadkeedii siday u baabi’iyeen, waataas maraakiibta hubka ah loo soo iibsanayo soomaalidii. Adduunyadu waxay u soo jeesatay Somaliland xasiloonida taal in la ilaaliyo, sidaas awgeed dadweynaha s/Land waxa waajib ku ah inay ka fogaadaan buuqa ay shaanshadaha isula fadhiisanayaan ee xaalad abuurka ah. Waddanka waalla aqoonsanayaa ee meel hallooga soo Wada jeesto jaaniska maanta jira ee qaaliga ah. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — A Somali military court has sentenced a former officer from the Haram'ad special police unit to death by firing squad after finding him guilty of murdering an unarmed day labourer in a brazen, unprovoked shooting that has reignited public debate over accountability within the country’s security forces. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku qaadeen Xarunta Warashadda Birta oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, halkaas oo maalmo kahor laga saaray dad shacab ah. Weerarka oo ahaa mid xooggan, loona adeegsaday qoryaha Sabanka ayaa lasoo wariyay in lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa halkaas, isla markaana waday howlo burburin ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus oo ay is waydaarsadeen labada dhinac, kadib iska hor imaad kooban oo halkaasi ka dhacay. “Waa habeenkii labaad oo dadka ku hareereysan laamiga warshadaha ee hurdada uga salalaan dhawaaaqa qoryaha dabajeexa iyo sabanka ilaahow na amaanso” ayuu yiri Firdhiye Axmed Jimcaale oo kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay weerarka. Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkan, waxaase ka dhalatay cabsi iyo walaac xooggan oo soo wajahday shacabka daggan aagga Warshadda Birta ee degmada Dayniile. Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Shalay waxaa xarunta la weeraray booqday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kuwaas oo metala shacabka laga saaray dhulkaasi, waxayna dhaleeceeyeen madaxda dowladda. Indhowaanahan waxaa Muqdisho ka taagnaa xiisado culus oo ka dhashay murannada dhulka, iyada oo shacabkii ugu badnaa laga saaray xurumaha kala duwan ee dowladda.
-
While President of Somalia enacted National Takaful Law Somalia on May 16, 2025, and Central Bank approved insurance/takaful regulations and guidelines on May 24, 2024. It’s another step in the country’s reconstruction journey and new wave in the financial sector that has been protecting several masses from risks globally after 30 years of the collapse of the central government. Source: Hiiraan Online
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ciidanka Jubaland oo Arbacadii laga saaray Beledxaawo ay mar kale dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen duleedka magaaladaasi, gaar ahaan dhinaca Kenya. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale ay dib isku soo abaabuleen Daraawishta Jubaland, isla markaana ay haatan joogaan bannaanka degmada Beledxaawo, halkaas oo ay ka wadaan is uruursi ciidan iyo abaabul dagaal oo horleh. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Jubaland ay heleen gurmadyo iyo sidoo kale taakulo ay siiyeen ciidamada Kenya, taas oo keentay inay dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabaan halkaasi. Sidoo kale, waxaa lagu soo warramayaa in ciidanka Jubaland ay qorsheynayaan in mar kale ay soo weeraraan magaalada oo haatan ay si buuxda u maamulayaan ciidanka dowadda Soomaaliya, walow looga adkaaday dagaalladii horay uga dhacay halkaasi. Xaaladda Beledxaawo aya hadda deggan, waxaana dib usoo laabtay shacabkii horay uga barakacay dagaaladii horay uga dhacay magaaladaas oo looga adkaaday ciidanka Jubaland. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah iyo dadaallo dheeraad ah ka wada gudaha degmada, waxaana sidoo kale socda kulamo uu Janan la yeelanayo waxgaradka deegaanka iyo odayaasha, loogana hadlayo isbeddalka ka dhacay halkaasi. Dhanka kale, waxaa weli Xero UK ka degaya diyaaradaha dagaalka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo shalay ay ugu dambeysay Beledxaawo ka soo qaaday dhaawacyo wax looga qaban waayey isbitaalka guud ee degmada, waxaana la keenay isbitaallada Muqdisho. Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday. Si kastaba, Horay Jubaland waxay u sheegtay inay ku fara dirireyso gacan ku heynta degmadaas, iyadoo markii horeba dowladda ka qabsatay xarumihii danta guud ee ku yaalla magaalada, balse dowladda oo ciidamo gaysay magaalada ayaa ku guuleysatay dagaalka.
-
Kooxo mileeeshiyo beeleed ah oo hubeysan ayaa muddo dhawr cisho ah haysta xarumaha adeegyada bulshada ee degmada Godob-Jiiraan ee gobolka Nugaal. Xarumaha ay la wareegeen waxaa ka mid ah xafiiskii dowladda hoose, isbitaalka iyo ceel biyoodka oo ay saaka sii daayeen. Kooxdaan oo Warbaahinta ka hadlay ayaa sheegtay in xukuumadda Puntland ay bixin weyday magdhow la xiriira nin ka tirsan qoyskooda oo ay ciidamada dawlada dhaawaceen. Waxay dowladda ku eedeeyeen inay ka baxday ballan hore oo ku saabsan daryeelka iyo magdhowga ninka la dhaawacay. Dhinaca kale, odayaasha degmada Godobjiraan ayaa ku hawllan xal u raadinta tabashadan si kooxda hubaysan looga saaro xarumaha dowladda ee degmadaasi, halkaasi oo ay xanniban yihiin adeegyadii loo qaban jiray dadweynaha, maadaama kooxdu xirtay xarumihii adeegyada danta guud. PUNTLAND POST The post Puntland: Mileeshiyo beeleed qabsaday xarumihii dowladda ee degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Jimcaale, isagoo bedelkiisana u magacaabay mas’uul dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdulmajiid Daahir Aadan. Cabdulmajiid ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, isagoo ballanqaaday inuu xoogga saari doono horumarinta adeegyada bulshada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadidda nadaafadda guud ee caasimadda Muqdisho. Tallaabadan ayaa noqonaysa tii labaad ee madaxweynaha uu xil uga qaado masuul sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo dhowaan xilka laga qaaday xoghayihii guud ee gobolkaasi. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in isbeddelladan ay qeyb ka yihiin qorshaha guud ee dib u habeynta maamulada hoose, si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxqabadka adeegyada dowliga ah ee shacabka ku nool caasimadda. Source: goobjoog.com
-
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa guuleysatay dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalkaasi. Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da August 2025, safaaraddu waxay si rasmi ah dalka ugu soo celisay 18 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xayirnaa xaaladaha cakiran ee Sudan. Waxaa muwaadiniintan si ammaan ah loogu kala celiyey magaalooyinka kala ah: 16 muwaadin oo si nabad ah loogu celiyay magaalada Hargeysa, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. 2 muwaadin ayaa loo duuliyay Muqdisho, iyaguna si nabdoon ayey u gaareen caasimadda. Dadaalkaan waxaa uu qeyb ka yahay howlo joogto ah oo ay safaaraddu ku daryeesho muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan meelaha ay colaadaha ama xaaladaha amni-darro ka jiraan. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa shaaca ka qaaday in Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari uu si rasmi ah u dhaqan galay, taasoo u gogol xaaraysa in la guda galo marxaladaha xiga ee dhismaha maamulkaasi. Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay munaasabad rasmi ah ayaa sheegay in tallaabada ugu dhow ay noqon doonto qabashada doorashooyin lagu soo dooranayo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari iyo ku xigeenkiisa, isagoo xusay in howlahani ay yihiin kuwo socda oo aan dib uga laaban doonin. “Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari waa dhaqan galay, waxaana xigi doona doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, howlahana waa sii socon doonaan,” ayuu yiri wasiirku. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dadaallo xooggan ay socdaan si loo dardargeliyo dhismaha maamullo deegaan oo cusub oo ka mid noqon doona nidaamka federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Waqooyi Bari ayaa si diirran u soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay fursad muhiim u ah horumarka gobolka. Dowladda Federaalka ayaa horey u ballan qaaday in ay taageeri doonto dadaallada dhismaha maamullo cusub, si loo helo nidaam daahfuran oo matala dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in guddiyo doorasho la magacaabo, iyadoo ay socdaan kulamo siyaasadeed iyo wadatashi ku saabsan habraaca doorashooyinka la filayo in dhawaan la qabto. Source: goobjoog.com
-
In recent years, Somalia’s financial landscape has undergone a profound transformation thanks to mobile money platforms such as EVC Money, operated by Hormuud Telecom, and ZAAD Money from Telesom. In a country where traditional banks remain inaccessible or scarce for much of the population, these digital services have emerged as essential tools, enabling millions of Somalis to participate more fully in the economy. Transforming Somali Commerce and Society Mobile money has revolutionized how Somalis conduct business and manage their finances. Entrepreneurs and small businesses benefit immensely from instant, cashless transactions, enabling faster payment of employees and suppliers as well as smoother customer interactions. This shift has spurred local economic growth and encouraged investment in micro and small enterprises. Perhaps one of the most significant impacts of mobile money is its role in financial inclusion. Large segments of the population—especially women, youth, and those living in rural areas—now have access to financial services through their basic mobile phones. No longer confined to traditional banking’s limited reach, they can save, borrow, and spend securely, reshaping Somalia’s economic participation from the ground up. Additionally, Somalia’s heavy reliance on remittances from its global diaspora has been streamlined. Mobile money platforms allow families to receive funds more quickly, safely, and with fewer transactional hurdles, thereby injecting vital income into local economies and households. Challenges and Risks Ahead Despite these transformative benefits, mobile money services in Somalia face significant challenges that threaten the sustainability of their impact. One of the foremost concerns is the dominance of the U.S. dollar on these platforms, which—coupled with a weak and counterfeit-prone Somali shilling—has exacerbated inflation and accelerated the depreciation of local currency. As mobile money facilitates rapid money flow without a proportional increase in goods and services, inflationary pressures continue to mount. The technological backbone supporting mobile money also reveals vulnerabilities. Dependence on stable telecommunications infrastructure means that network outages or cyber-attacks could potentially disrupt economic activity for entire regions, eroding user confidence. Moreover, Somalia currently lacks comprehensive regulatory frameworks for digital financial services. This regulatory gap leaves users exposed to fraud, operational risks, and limited avenues for recourse in the event of service failures or disputes. Furthermore, a lack of interoperability between different mobile money services limits market efficiency and user flexibility. Lastly, despite their reputation for inclusivity, platforms like EVC and ZAAD inadvertently exclude marginalized groups—especially the elderly, illiterate, or those without mobile phone access—highlighting the need for strategies to bridge these divides. Looking Toward a Balanced Future Mobile money services have undeniably opened new pathways for economic engagement and empowerment in Somalia. However, without deliberate actions to address their risks, these advances may contribute to long-term instability. Experts suggest a multifaceted approach to sustain progress: creating robust digital financial regulations, investing in reliable telecommunications infrastructure, fostering financial literacy across all population segments, and promoting the Somali shilling’s stabilization and increased use within mobile platforms. Such measures are essential to harness the promise of mobile money while mitigating its economic vulnerabilities. EVC and ZAAD stand at a crossroads between opportunity and risk. Their continued integration into Somalia’s economy demands balanced policies and regulatory reforms to ensure that mobile money remains a catalyst for inclusive and sustainable development—rather than a source of inflationary pressures or financial exclusion. As Somalia navigates this critical juncture, building stronger institutions and inclusive digital ecosystems will be key to securing a prosperous economic future for all its citizens. Salim Abdullahi Elmi Senior Advisor – Protocol Department Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation Federal Republic of Somalia Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.
-
Pakistan iyo Iran waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ku ballan qaadayaan in ay kor u qaadaan ganacsiga laba geesoodka ah oo gaadhaya $10bn, waxaana ay ballan qaadayaan in ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa khatarta “argagixisada” si loo helo nabad iyo barwaaqo gobolka. Heshiiska oo uu ku jiro iskaashiga dhinaca tamarta iyo ganacsiga, ayaa la saxiixay inta lagu guda jiro booqasho laba maalmood ah ee Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ku joogo Pakistan. Sharif ayaa ku celiyay mowqifka Pakistan ee ah in ay taageerto xuquuqda Iran ay u leedahay barnaamijka Nukliyeerka ujeeddooyin nabadeed sida waafaqsan axdiga Qaramada Midoobay, wuxuuna cambaareeyay gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, isagoo sheegay in aysan jirin “wax cudurdaar ah” oo ku aaddan iskahorimaadkii 12-ka maalmood ahaa ee bishii June kaas oo uu Mareykanku la saftay Israel. Waxa uu sheegay in labada dal ay qaadi doonaan tillaabooyin wax ku ool ah oo ay ku ciribtirayaan “argagixisada” ee gobolka. Pakistan iyo India oo ay isku hayaan gobolka ayuu dagaal dhexmaray horaantii sanadkan kahor inta aan lagu dhawaaqin xabad joojinta kadib dhowr maalmood oo ay isweydaarsanayeen duqeyn culus. Madaxweynaha Iran waxa uu yidhi, “Runtii waxaa rumaysanahay in aan si fudud, muddo gaaban gudaheed, u kordhin karno mugga xiriirka ganacsi ee naga dhexeeya $3bilyan oo iyo yoolka la saadaalinayo oo ah $10bilyan.” Wuxuu u mahadceliyay dowladdaha iyo dadka taageeray Iran “intii lagu jiray dagaalkii gardarrada ahaa ee 12-ka maalmood ay argagixisada maamulka Sahyuuniyadda iyo Mareykanka”. Source
-
Milatariga Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 92 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 56 gargaar-doon ah, kadib duqaymo ay ka fuliyeen gudaha Marinka Qasa ee ciidda Falastiin. Xafiiska warbaahinta Falastiiniyiinta ee marinka Qasa ayaa sheegay in in ka badan 22,000 oo baabuurta gargaarka bini’aadantinimo ay ku sugayaan meel ka baxsan Marinka Gaza. Xamaas ayaa sheegtay in ay u furan tahay hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) in ay gargaar gaarsiiso maxaabiista Israa’iil ee ku sugan Gaza. Gurmadka la gaarsiinayo Marinka Qasa ayaa aad usii yaraanayey muddooyinkii dambe, waxaana la sheegay in 32 gaari oo gurmad sida ay gaareen ilaa Sabtidii la soo dhaafay. Source
-
Mogadishu (HOL) — Somali government troops and allied Ma’awisley militia have launched a coordinated mobilization to retake the strategic town of Mahas in the Hiiraan region, days after Al-Shabaab militants seized control in a significant blow to federal counterinsurgency efforts. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araqchi ayaa sheegay in xitaa uusan garanayn halka lagu hayo yuraaniyumta la horumariyay ee laga saaray xarumaha nukliyeerka Iiraan. Waa in la xusuustaa in ka dib dagaalkii ay la galeen Israa’iil iyo weerarradii Maraykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, saraakiisha Iiraan waxay ku andacoodeen in yuraaniyumta hodanka ah laga saaray xarumahaas ka hor weerarrada. Wareysi uu dhawaan siiyey joornaalka caalamiga ah ee Financial Times, Araqchi waxa uu sheegay in aanu garanayn halka lagu kaydiyo yuraaniyumta. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku andacoodey in Iiraan ay weli leedahay awoodda ay ku hodmin karto yuraaniyumteeda. “Dhismaha dib ayaa loo dhisi karaa, baabuurta waa la beddeli karaa sababtoo ah waxaan haysannaa tignoolajiyadda.” Waxa uu sheegay in Iiraan ay leedahay saynisyahanno iyo farsamo-yaqaanno badan oo hore uga soo shaqeeyay xarumahan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in goorta iyo sida Tehran ay dib ugu bilaabayso kobcinta yuraaniyumta ay ku xiran tahay duruufaha. Mar sii horreysay, sarkaal sare oo Israa’iil ka tirsan ayaa sheegay in marka loo eego qiyaasaha hay’adaha sirdoonka Israa’iil, Iiraan aysan ka saarin kaydka yuraaniyumta lagu tayeeyey ee xarumaha nukliyeerka ee Fordo, Nazan iyo Isfahan oo ay weli halkaas yaallaan Bbcsomali Qaran News
-
12-ka qof ee saarnaa doonta Madleen ee saaka Israa’iil ka qabsatay biyaha badda Mediterranean-ka waxaa ku jirta Rima Hassan oo ah xildhibaanad Faransiiska ku matasha Baarlamaanka Yurub. Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah baaqyada aqoonsiga loogu raadinayo dowlad ay yeelato Falastiin. Wuxuuna wax ka guddoomin doonaa shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobey ee New York. Shirkan oo ay wada guddoominayaan dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu baadi goobo xalka labo dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israa’iil. Hindisahaas oo Israa’iil ay si adag u diiddan tahay. “Waa in aan hadalka ficil ku darnaa. Waana in aan qaadnaa tillaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa iyo colaadda guud ee u dhexeysa,” ayey tiri Anne-Claire Legendre oo ah la taliyaha Madaxweyne Emmanuel Macron ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Macron ayaa dhawaan Qaramada Midoobey u sheegay in „daruufaha ka jira Qasa ay qasbayaan in la soo nooleeyo rajada dowlad Falastiin ay yeelato”. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu amar ku bixiyay in la diro labo markab oo Nukliyeer ah, taasoo jawaab u ah “daandaansi” hadal ka soo yeeray sarkaal sare oo Ruush ah. Dagaal dhanka afka ah oo baraha bulshada ku dhex maray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Dmitry Medvedev, oo ahaa madaxweynihii hore ee Ruushka, haddana ah guddoomiye ku xigeenka golaha ammaanka ee Ruushka, ayaa horseeday in Trump uu hawlgeliyo laba kamid ah maraakiibta Nukliyeerka ee Maraykanka oo laga yaabo inay u dhow yihiin Ruushka, sida lagu sheegay qoraal uu Trump ku qoray bartiisa bulshada. Dmitry Medvedev oo horey u soo noqday madaxweynaha Ruushka 2008 ilaa 2012, waxa uu sheegay in hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka ee ah in uu canshuuro ku soo rogayo dadka iibsada saliidda Ruushka, sida Hindiya, ay ka dhigan tahay “ciyaar kama danbays ah” taas oo ah khatar soo dadajin karta “dagaal” ka dhex qarxa Ruushka iyo Mareykanka. “Iyada oo laga duulayo hadaladii kicinta ahaa ee Madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev…, waxaan amar ku bixiyay in laba Markab Nukliyeer ah la dhigo gobolada ku haboon (nawaaxiga Ruushka), waaba haddii hadalladan nacasnimada iyo xamaasadda leh ay dhab yihiin,” ayuu qoray Trump. Jawaabta Trump ayaa ku soo beegantay xilli ay sii xoogaysanayeen weerarrada Ruushku ku hayo Ukraine, iyadoo Trump uu ku hanjabayo cunaqabatayn adag haddii aanu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin aqbalin xabbad-joojin maalmaha soo socda. Dhinaca kale, maalin baroor diiq ah ayaa lagu qabtay caasimadda Ukraine Jimcihii, maalin kadib markii Ruushka uu gantaalo iyo diyaarado Drone ah ku garaacay caasimada dalkaas ee Kyiv, halkaas oo ay ku dhinteen 31 qof in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen. Source
-
Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa nin Swedish ah ku xukuntay xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii duuliye u dhashay dalka Urdun oo ay kooxda ISIL (ISIS) nolosha ku gubtay gudaha dalka Suuriya sannadkii 2015-kii. December 24, 2014, diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Jordan ayaa lagu soo riday Suuriya. Duuliyaha ayaa isla maalintaas waxaa gacanta ku dhigay dagaalyahano ka tirsan kooxda hubeysan ee ISIL oo xiligaasi gacanta ku haysay dhul baaxad leh oo ka tirsan dalalka Siiriya iyo Ciraaq. Waxa la gubay bishii Feberaayo 2015, markaas oo la shaaciyey muuqaal naxdin leh, sida ay sheegtay xeer ilaalinta. Garsoore Anna Liljenberg Gullesjo ayaa war ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in baaritaanku uu muujiyay eedaysanaha – oo lagu sheegay dukumeentiyada maxkamadda in lagu magacaabo Osama Krayem – “uu ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacayay, isagoo lebisan oo hubaysan, uuna oggolaaday in isaga filim laga duubo”. In kasta oo caddaymaha muuqaalku muujinayaan in nin kale uu dhab ahaantii shiday dabkii dilay Muath al-Kassasbeh, garsooraha maxkamadda degmada Stockholm ayaa sheegay in “eedaysanuhu uu ka qayb qaatay dilka dhibbanaha oo ay tahay in loo tixgeliyo dembiile”. Krayem waxa uu horey loogu xukumay xabsi dheer doorkii uu ku lahaa weeraradii Paris iyo Brussels ee 2015 iyo 2016. Waxaa loo soo gudbiyay Sweden isagoo laga keenay Faransiiska si loogu maxkamadeeyo Stockholm. 32-jirkan, oo diiday in uu si ula kac dil u geystay, ayaa lagu xukumay “dambiyo dagaal oo halis ah iyo fal argagixisnimo”. Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay qareenkiisa. Source
-
Cutubyo tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa lagu wadaa in dhawaan loo daabulo degmada xeebeedda Laasqoray ee gobolka Sanaag oo dhacda badda Cadmeed. Ilo wareedyo amni oo xaqiijiyay Warkan ayaa sheegaya in ciidanka badda Puntland ee PMPF uu saldhig Rasmi ah ku yeelanayo degmada Laasqoray, halkaasi oo dhawaan loo daabulayo cutubyo gaashaaman oo ka tirsan PMPF. Wararka ayaa tilmaamaya in degmada Laasqoray laga hirgelinayo saldhiga labaad ee ugu weyn oo ay lee yihiin ciidanka PMPF marka laga yimaado kan Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee xeebaha degmadaasi. Tallaabadan ayaa imaanaysa wakhti dowladda Puntland isu diyaarinayso Hawlgalkii la baxay ONKOD ee ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab, kaasi oo ciidamada Puntland ka fulinayaan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Saldhiga labaad ee ugu weyn ciidanka badda Puntland oo laga hirgelinayo degmada Laasqoray appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Gaashaandhigga Suuriya iyo ciidamada Kurdish-ka hoggaamiya ee (SDF) ayaa isugu eedeeyay weerar ka dhacay magaalada Manbij ee waqooyiga Suuriya maalintii Sabtidii, arrintaas oo mugdi gelisay heshiis muhiim ah oo ay wada saxiixdeen bishii Maarso. Wasaaradda Gaashaandhigga Suuriya ayaa ku eedeysay SDF inay weerar gantaallo ah ku qaadeen saldhig ciidamada dowladdu leeyihiin oo ku yaalla duleedka magaaladaas, taasoo keentay dhaawaca afar askari iyo saddex rayid, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee SANA. Weerarkaasi waxaa lagu tilmaamay mid masuuliyad darro oo aan wax sabab ah loo haynin, balse SDF oo taageero ka hesha Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka jawaabeen weerar madaafiic ah oo si lama filaan ah lagu bartilmaameedsaday deegaanno ay dad rayid ah ku nool yihiin,taasoo lagu garaacay in ka badan toban madfac, sida ay sheegeen. Bishii Maarso, SDF waxay heshiis la saxiixatay dowladda Dimishiq ee uu hoggaamiya Axmed Sharac si ay ugu biiraan hay’adaha dowladda Suuriya, ayadoo ujeeddada heshiiskaasi ay ahayd in dib loogu mideeyo dalka Suuriya oo ay colaado muddo 14 sano ah socday burburiyeen, waxayna taasi horseedi lahayd in ciidamada SDF iyo maamulka Kurdish ee gobolladaasi ay la midoobaan dowladda dhexe ee Suuriya. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaasi ma caddeyn qaabka ay ciidamada SDF ugu biiri doonaan ciidamada dowladda, ayadoo SDF ay horay u sheegtay in ay doonayaan inay ku biiraan iyaga oo koox ahaan, halka dowladda Suuriya ay rabto inay askartu ku biiraan si gaar ah. Source: goobjoog.com
-
Al-Shabaab militants say they have killed more than 20 Ugandan soldiers and wounded 34 others during fierce clashes on Friday in the strategic town of Barire, southwest of Somalia’s capital, Mogadishu. The Uganda People’s Defence Forces (UPDF), operating under the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), have been advancing on Barire for several weeks. The operation, supported by U.S. and Turkish drone strikes, has involved sustained shelling that has reportedly devastated large parts of the town. According to a statement issued by the Al-Qaeda-linked group on Friday, militants ambushed the peacekeepers shortly after they entered the town, destroying five armoured vehicles in the process. The insurgents said the surprise attack forced the Ugandan forces to retreat after hours of heavy fighting. Independent sources, including the open-source intelligence account Military Observer, reported similar casualty figures and confirmed the loss of several military vehicles, lending weight to Al-Shabaab’s claims. ATMIS and Somali federal officials have yet to comment or confirm whether Barire has been recaptured. Footage circulating online this week, reportedly recorded by overhead drones, shows artillery targeting defensive positions believed to be manned by insurgents around Barire. The authenticity of the footage has not been independently verified. Barire, a strategically vital town due to its road links between Mogadishu and southern Somalia, fell to Al-Shabaab in March during the group’s Ramadan offensive. Since then, the militants have consolidated their control over the area. Ugandan forces previously recaptured the nearby town of Sabiid last month after intensive shelling and drone strikes. However, progress on the broader offensive has been slow and costly. Sabid itself was briefly retaken by insurgents in a counter-attack late last month. Military analysts say the push to reclaim Barire, Sabiid, and Awdhegle is critical to forestalling a potential insurgent advance on Mogadishu. All three towns feature key bridge crossings over the Shabelle River, linking the capital to Al-Shabaab strongholds in the southern hinterlands. Despite weeks of operations, the offensive has so far yielded limited territorial gains, while Ugandan forces have sustained significant casualties. The fighting underscores the resilience of the militant group, which continues to pose a potent threat to Somalia’s fragile security landscape. somaliguardian Qaran News