-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu qorsheynayo inuu aqoonsado Dowladda Falastiin, inta uu socdo shirwaynaha Qaramada Midoobay ee bisha Sebtembar, iyadoo cadaadis dheeraad ah la saarayo Israa’iil, xilli gaajo baahsan ay ka jirto marinka Gaza. Hadalkan ayaa ku soo aadaya ka dib markii Faransiisku sheegay toddobaadkii hore inuu aqoonsan doono Dowladda Falastiin, sidoo kale maalintii Salaasada ahayd ay Britain sheegtay in haddii dagaalka Gaza uusan istaagin marka la gaaro shirka Qaramada Midoobay ee Sebtembar, ay iyaduna aqoonsan doonto. Ra’iisul Wasaare Carney wuxuu warbaahinta u sheegay in xaaladda dhabta ah ee dhulka Falastiin ka jirta, gaar ahaan gaajada ba’an ee dadka Gaza haysata, ay ka dhigan tahay in rajadii dhismaha dawlad Falastiini ah ay si toos ah ugu sii dhamaaneyso hortooda. “Canada waxay cambaareyneysaa in dawladda Israel ay ogolaatay musiibo bani’aadamnimo iney ka dhacdo Gaza,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada, asagoo intaas ku daray in go’aanka Canada uu qeyb ahaan salka ku hayo ballanqaadyo isdaba joog ah oo uga yimid Maamulka Falastiin, oo matala Dowladda Falastiin ee Qaramada Midoobay la macaamisho, kuwaa soo sheegaya in ay dib u habeyn ku sameynayaan maamulka, isla markaana diyaar u yihiin in doorashooyin guud la qabto sanadka 2026, taasoo uu sheegay in ururka Xamaas uusan qeyb ka noqon doonin. Go’aannadan ka yimid xulafada ugu dhow ee Israa’iil waxay muujinayaan carada sii kordheysa ee caalamiga ah oo ka dhanka ah xayiraadaha Israel saartay cunto iyo gargaar bani’aadamnimo ee la gaarsiinayay Gaza intii uu socday dagaalka ay kula jirto Xamaas. Source: goobjoog.com
-
Qaxwadu waa Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo kulul, kaas oo badanaa subaxda hore iyo galabtii shaah ahaan loo cabbo . Magaca cabitaankan waxaa laga soo minguuriyay Afka Carabiga , balse afafku markii ay eray kale u qaataan dhawaq ahaan iyo qoraal ahaanba isbadal baa gala: >Af-Carabi : Qahwah >Af-Soomaali : Qaxwe >Af-turkiga : Kahve <span;>Af-ingiriiska : coffee ➥ Soo if-bixii koowaad ee Qaxwada waxaa lahaa oo baray caalimkii weynaa, Sheekhii Abuu bakar Bin Cabdillaahi Al-Shaadali , oo loo yaqaanay Al-Caydaruusi, kaas oo kamid ahaa culimadii Suufiyada. Sheekhu waxa uu ahaa dhul mareen, isagoo dhanka xabashida u socda ayuuna arkay geedka Bunka, ka dib waxa uu ogaaday in laga heli firfircooni (dhiifo) iyo soo-jeed , kadib markii uu kariyay, uuna cabay sheekhu. Shiikh Abuu bakar sidoo kale waxa uu faray xertiisii iyo dadkii raacsanaaba in ay cabaan qaxwada sidaa ayayna cabidda qaxwadu ugu dhex faafay culamadii Suufiyada ee noolaa xilligiisii iyo ka dibba, sida ay taariikhyahannadu sheegaan. Deegaankii koowaad ee laga cabo Qaxwadu waxa uu ahaa Yaman, soomaaliyana ku dar maxaa yeelay geedkaan waxa uu ka bixi jiray baadiyaha Saylac sida uu ku sheegay Ibnu Xajar kitaabkiisa Al-iicaab, balse qaxwuhu waa wax soosaar Islaami ah iyo daahqaad wax tar u yeeahay gabi ahaan Caalamka . Sida loo badinayo Qaxwadu waxa ay soo if-baxday qarnigii 10-aad ee hijriga oo ku beegnaa qarnigii 15-aad ee miilaadiga , waxa ayna ka tillaabtay Yaman, iyadoo gaartay isla qarnigaas15m dhulka Xijaas( Sucuudiga), Shaam , Masar iyo deegaanno kale , kadibna waxa ay u sii tillaabtay Istanbuul oo aheed xaruntii hoggaanka dowladda Cuthmaaniyiinta, halkaas oo ay ku sii faaftay Oraba ( yurub ) qarnigii 17m . Qaxwada soo if-baxeedii waxaa la kowsaday in la isku khilaafo ma xalaalbaa mise waa xaaraan ? , isku maan-dhaafkaas waxa uu ku soo idlaaday hubin iyo cabir diimeed kadib in ay tahay xalaal, cabiddeeduna tahay mubaax ( cabid bannaan sharci ahaan ) . markii ay gaartay qaxwadu Rooma oo ah xarunta boobka buuq ayaa ka kacay kaniisadaha, kaas oo u dhexeeyay qasaawisada, waxa ayna ku tilmaameen in ay tahay xoola Sheydaan, balse markii ay arkeen carafteeda waxa ay go’aansadeen in uu dhadhamiyo Boobka ugu sareeya waxa uuna yiri : cabitaanka sheydaanku waa cabitaan aad u macaan , waa in aan ka dhigno cabitaan Kirishtaan . La isku wada arag cabidda qaxwaha . ➥ Bunka : Soomaalidu way cunaan, wayna cabaan , waxaana u badan dadka xeebaha dega iyo reer magaalka , gaar ahaan dadka waawayn ayaa u badan , deegaannada qaar waxaa loo keenaa sharfid ahaan oo qofkaan bun loo soo dubin si wacan loo ma sooryeyn . ➥ Hadda dhallinyaradu ma adeegsadaan qaxwo ee waxa ay adeegsadaan cofee, iyagoo ka raadinaya eragaa ilbaxnimo . ➥ Ugu danbeentii bunku inkastoo dalal badan oo dunida kamid ah ka baxo, haddana sidoo kale waxaa lagu tiriyaa geed soomaali, waxaana tusaale cad u ah in dhulka soomaaliya mar lagu magacaabi jiray dhulkii bunka أرض البن. <span;>W/Q: Shiikh Maxamed Aadan Mu’min محمد ءادم مؤمن الاشعري Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo xalay soo saaray Warsaxaafadeed wadajir ah ayaa shaaciyay in uu maanta oo Khamiis ah furmayo Shirkaasi, kaddib markii la xalliyay Khilaafkii ka taagnaa qabsoomiddiisa. Shirkan oo ku saabsan u qareemidda Horumarinta Gobolka Mudug ayaa sida la go’aamiyay wuxu Gaalkacyo ka furmaya maanta oo ku beegan 31/07/2025, waxaana si wadajir ah u qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug. “Annagoo ah guddiga Horumarinta degmada Gaalkacyo, waxaa Eebbe nagu guuleeyay in farqigii u dhexeeyay qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ku aaddanaa Maamulka iyo Ajandaha Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaana go’aaminay in Shirku furmo 31/07/2025, islamarkaana soo geba-gaboobo 01/08/2025.” “Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaa wada qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed wadajir ah oo ay xalay soo saareen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland: Khilaafkii ka taagnaa qabsoomidda Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo la xalliyay appeared first on Puntland Post.
-
Ka dib muddo uu shirar ka socdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay magaca, astaanta, iyo calanka maamulka deegaannadaas kamid noqanaya dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah JFS. Magaca rasmiga ah ee Maamulka ayaa laga dhiga Waqooyi bari Soomaaliya, ayadoo calankana laga dhigey midabyada baluugga,cagaarka, iyo caddaan xagal ah oo faras dhexda kaga jiro, waxaana durba dhammaystirka dowlad goboleedkan cusub soo dhoweeyay masuuliyiin hore iyo xubno ka tirsan goleyaasha DFS. Sidoo kale waxaa la soo bandhigay dastuurka maamulka, waxaana caasimadda loo aqoonsaday Laascaanood, halka baarlamaanku uu ka koobnaan doono 83 xubnood oo sida la sheegay si qof iyo cod ah loo dooran doono. Si kastaba ha ahaatee maamulkan cusub ayaa noqanaya dowlad goboleedka 7-aad ee dalka markii lagu daro 5 maamul oo ka horreeyay iyo gobolka Banaadir, balse wuxuu wajahayaa caqabo xooggan iyo diidmo siyaasadeed oo saameyn toos ah ku yeelan kara. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Raas Casayr ee Puntland ayaa sheegaya in saddex kalluumeysato ah lagu la’ yahay xeebaha degaanka Tooxin ee degmada Bareeda, kuwaasi oo ka baxay marsada Daamo ee nawaaxiga Tooxin. “Waxaa la la’ yahay Saddexda Kalluumeyste oo aan mid kamid ah ehel nahay, kuwaasi oo doon yar kaga baxay marsada Daamo ee u dhaw degaanka Tooxin degmada Bareedo, kuwaasi oo u kalluumeysi tegey badda. Waxaana aad iyo aad werwer noogu haysa xaaladda maqnaanshahooda.” “Xilligan waxaa badda ka dhacaya dabaylo xooggan oo aysan xamili karin laashashka iyo doonyaha yar yar ee Kalluumeysiga, taasi cabsi badan ku abuurtay Kalluumeysatada degaanka ee nolol maalmeedka ka raadsada badda, haddana qaarkood lagu la’ yahay badda” ayuu yiri qof ku sugan degaanka Tooxin oo aan ka xigannay warka ku saabsan Kalluumeysatada lagu la’ yahay xeebaha Tooxin. PUNTLAND POST The post Kalluumeysato lagu la’ yahay xeebaha degmada Bareedo ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐮 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska (UK) u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Charles King oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Danjiraha waxa kulankiisa ku wehelinayey masuuliyiinta ugu sarreeya Xafiiska uu Ingiriisku ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku qotoma danaha ay wadaagaan labada dhinac, iyada oo laga duulayo xidhiidhka qotoda dheer leh ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo salka ku haya nabad, horumar, wada shaqayn dhab ah iyo iskaashi istiraatiiji ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Danjiraha uga mahad naqay booqashada uu yimid Somaliland. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay doorkeeda Taariikhiga ah ee taageerada Somaliland, waxana uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga labada dhinac ee ku dhisan nabad, horumar iyo dano-wadaag. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjire Charles King uga xog-warramay tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay qaaday Xukuumadda Somaliland muddadii koobnayd ee ay xilka haysay ka hirgelisay Gobollada Bariga Somaliland; sida Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii, soo afjarka colaado sannado badan ka jira degaannada Ceel Afweyn iyo tiro koobka, tayaynta iyo kordhinta mushaharka qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha u xaqiijiyey in arrimaha xagga amniga ee ka jira Bariga Sool iyo Sanaag ay Dawladda Somaliland ka go’an tahay in lagu xalliyo wada hadal iyo wada xaajood. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in laga bilaabo maalintii xukunka dalka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku dhawaaqay gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn, uu sameeyey Guddida Nabadda Qaranka JSL, marar badanna uu ku celceliyay baaqa gogosha Nabadda, si wada hadal loogu dhammeeyo wixii colaad ah ee ka jira Bariga Sool iyo Bariga Sanaag. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha Dawladda Ingiriiska u sheegay in Xukuumadda Xasan Sheekh ay qayb weyn ku leedahay hurinta colaadaha degaannada Bariga Somaliland, iyada oo kaga gabbanaysa mushkiladaha tirada badan ee haysta maamulkiisa. 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚: 1. Ka wada shaqaynta Nabadda iyo Ammaanka Gobolka: Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta ay Somaliland ka leedahay xasilloonida gobolka, waxana uu xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dedaallada ay Xukuumadda Somaliland ugu jirto adkaynta nabadda iyo xasilloonida mandaqadda, si loo helo nabad waarta iyo degenaansho siyaasadeed. 2. Xoojinta iyo ku dhaqanka Sharciga, Caddaaladda iyo Hufnaanta Maamulka Dawliga ah si loo hanto kalsoonida dadweynaha. 3. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Gobolka. 4. Maalgashiga iyo kobcinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha. Isaguna dhankiisa, Danjiraha Dawladda Boqortooyada Ingiriiska Mudane Charles King waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu ay si weyn u qiimaynayso, kuna faanayso xidhiidhka adag ee taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka iyo dalka Somaliland. Danjiruhu waxa uu sheegay in Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera ay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirri-galiyo Maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha koboca dhaqaalaha. Dhinaca kale, Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska waxa uu Somaliland ku bogaadiyey, amniga iyo xasiloonida ka jira, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah dadaallada nabadda ee ay waddo Dawladda Somaliland, gaar ahaan Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida. Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda Laascaanood, taasoo uu sheegay in ay Gobolka ku keeni karto amni darro, waxa uu sheegay in ay Dawladdiisu dhammaan dhinacyada ay khusayso ugu baaqayso in laga looga fogaado colaad hor leh. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 Qaran News
-
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib dagaallo culus oo toddobaadkii la soo dhaafay ka socday halkaas. Dagaallada ayaa u dhaxeeyay ciidamo uu hoggaaminayay C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda (NISA) ee Jubbaland, iyo maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wararka laga helayo gudaha Beled-Xaawo ayaa sheegaya in ciidamadii mucaaradka ahaa lagu jabiyay dagaalka, islamarkaana ciidamada Dowladda ay si buuxda u hanteen xarumaha muhiimka ah ee degmada, oo ay ku jirto saldhigga booliska, xarunta degmada iyo kastamyada ganacsiga. Sidoo kale, waxaa dib loo hawlgeliyay isgaarsiinta degmada oo maalmahan hawada ka maqneyd, taas oo shacabka ku nool Beled-Xaawo ay la daalaa-dhaceen maalmo xiriir la’aan ah. Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin howlgalkan, balse ilo-wareedyo milatari ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay amniga degmada gacanta ku hayaan, isla markaana ay bilaabeen howlgallo nadiifin ah oo lagu baacsanayo kooxaha ka cararay dagaalka. Xaaladda guud ee Beled-Xaawo ayaa haatan degan, iyadoo shacabka ay si tartiib tartiib ah ugu laabanayaan noloshoodii caadiga ahayd. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu booqasho ku tegi doono dhawaan dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhigga ee Mareykanka. Madaxweyne Cirro oo u waramayey Bloomberg, waxa uu xusay in Mareykanka ay u socdaan wada hadallo meel wanaagsan maraya oo uu rajaynayo in ay midho dal noqdaan “Waxaan weli ka wadahadaleynaa arrimahaas. Waxaan rajeyneynaa in wadahadalladaas ay midho dhal noqdaan mustaqbalka.” Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in Mareykanku xiisaynayo Saldhi Militeri oo ay Somaliland ku yeeshaan, taasna ay Somaliland diyaar u tahay. Saleban Saxansaxo Qaran News
-
Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Puntland, Axmed Jaamac Jawle oo saaka looga yeeray xarunta Maxkamadda Rafcaanka G/Bari ee magaalada Boosaaso ayaa sida la xaqiijiyay ku imaan waayay wakhtigii loo qabtay. Amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka G/Bari ayaa lagu faray Agaasime Axmed Jawle in uu maxkamadda hor-yimaado 30/07/2025 oo ku beegan Arbaco 9:00am subaxnimo, si loo weydiiyo su’aalo maxkamadeed oo aan faahfaahin lagaga bixin warqaddaasi. Sida ku cad warqadda ka soo baxday Maxkamadda Rafcaanka G/Bari, haddii Agaasime Jawle uu wakhtiga loo qabtay ku hor imaan waayo maxkamadda, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan, “waxaa lagu farayaa inaad u hogaansanto amarka maxkadda, haddii aad soo ajiibi wayso waxaa ka dhalanaaya habraac sharci. Guddoomaha Maxkamadda Racfaanka G/Bari.” Dhinaca kale, La-taliyaha dhinaca Sharciga u qaabilsan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu magacaabo Axmed Ciise Guulwade ayaa si jees jees ah uga jawaabay warqadda ka soo baxday Maxkamadda, waxaana uu ku tilmaamay mid qaldan oo baalmarsan hannaanka sharciyeed, islamarkaana luminaysa Kalsoonidii lagu qabay garsoorka. PUNTLAND POST The post Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Maxkamad looga yeeray balse imaan waayay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa maanta Boosaaso ku qaabiley wefdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) oo ay hoggaaminayso Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda IOM, marwo Ugochi Daniels. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu maanta qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) oo ay hoggaaminayso Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda IOM, marwo Ugochi Daniels. Madaxtooyada Puntland oo ka warbixisay Kulan dhexmaray labada dhinac ayaa qoraalkaasi ku tiri”Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, waxaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Hay’adda IOM, Qulqulka tahriibta iyo mashaariicda hay’adda IOM ka fuliso Puntland.” PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta qaabiley Agaasime ku xigeenka guud ee hay’adda IOM appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul uga hadlay abaabulka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo Bariga Gobolka Sool, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Somaliland. Isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayuu Madaxweyne Cirro caddeeyey in aan wax wada hadal ah lala geli karin Dowladda Soomaaliya inta ay gacanta ku hayso hawlo uu ku sifeeyey “dibi-daabyo ka dhan ah Somaliland.” Madaxweynaha ayaa yiri: “Soomaaliya ma wada hadli karno, wada hadalna Somaliland lama gelayso, iyadoo qayb Somaliland ka mid ah ka abaabulayso maamul kale. Waxaanu nahay dad nabad jecel. Waanu difaacaynaa dalkayga iyo dadkayga.” Hadalka Madaxweynaha ayaa si toos ah ugu wajahnaa abaabulka maamulka SSC-Khaatumo ee uu sheegay in lagu taageerayo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Bariga Gobolka Sool, arrin uu sheegay in ay halis ku tahay midnimada dhuleed ee Somaliland. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal ku dhisan is-ixtiraam iyo midnimo qaran, balse aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo midnimada dhulkeeda ama lagu abaabulayo maamul kale oo ka baxsan xeerarka Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa ku adkaystay in Somaliland ay tahay dawlad madax bannaan oo leh xuduudeedii hore ee ay kaga mid ahayd British Somaliland, isla markaana ay xaq u leedahay in ay difaacdo shacabkeeda iyo dhulkeeda. Source: goobjoog.com
-
Breakaway #Africa Region seeks #US recognition with base, minerals #Somaliland, which proclaimed independence from Somalia in 1991, is willing to offer the US a military base at the entrance to the Red Sea and critical-minerals deals in its quest for international recognition as a sovereign state. While the US currently acknowledges Somalia’s claim to the territory, Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi is lobbying Washington to support the semi-autonomous region’s push for recognition — joining a wider competition for Donald Trump’s attention as the US vies with China for strategic resources in Africa. Abdullahi, who came to power in the breakaway Horn of Africa region in 2024, said talks with the US Embassy in Somalia and Department of Defense are aimed at securing a new partnership on economic cooperation, security and counter-terrorism. “We discussed ways and means to collaborate in security, in trade and in regional stability,” the president said in an interview on Monday, noting that the US ambassador to Somalia has visited Somaliland several times in recent months, while defense officials traveled to his region in December. The U.S. Department of Defense did not respond to requests for comment. Somaliland has failed to gain international recognition as a sovereign state since proclaiming independence. But while Somalia has grappled with three decades of civil war and an entrenched Islamist-militant insurgency, the breakaway region has been mostly peaceful. Recognizing strategically placed Somaliland would strengthen America’s foothold in an increasingly important region, where Iran-backed Houthi rebels in Yemen target ships with links to Israel, the US and other nations supporting the war in Gaza. The United Arab Emirates, a close US ally, already runs a port at Berbera in Somaliland and controls a nearby airstrip that’s used by military planes. The US would also have to consider what Somaliland recognition would mean for security co-operation with Somalia, where it’s played a major role in helping the government fight Islamic State and Al-Qaida affiliates. Africa Command deputy head John Brennan said fighting terror groups was “our main effort,” especially in eastern Africa. “That’s where most of our people are,” he told reporters Monday. “It’s the biggest investment that we have.” https://www.bloomberg.com/news/articles/2025-07-30/breakaway-africa-region-seeks-us-recognition-with-base-minerals Click here to read more about this article Qaran News
-
Boqortooyada Ingiriiska ayaa aqoonsan doonta dowlad Falastiin ah bisha Sebtembar haddii Israa’iil aysan qaadin “tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo xaaladda foosha xun ee Qasa,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Israa’iil sidoo kale ay tahay in ay buuxiso shuruudo kale, oo ay ka mid yihiin: in ay oggolaato xabad-joojin, in ay ballanqaaddo nabad waarta oo horseedda xalka laba-dowladood, iyo in Qaramada Midoobay loo oggolaado inay mar kale gaadhsiiso gargaar. Haddii kale, UK waxay tallaabadan ku qaadi doontaa shirwaynaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhici doona Sebtembar. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid “abaal-marin u ah argagixisada bahallada ah ee Xamaas”. Markii la weydiiyay haddii uu horey u ogaa hadalka Ra’iisul Wasaaraha UK, Donald Trump wuxuu sheegay in “aysan arrintaas ka wada hadlin” kulankoodii Isniintii, markaas oo Trump uu booqasho ku joogay Scotland. Wuxuu warfidiyeenka u sheegay: “Waa laga doodi karaa taas, haddiise aad samayso sidaas waxay abaalmarinaysaa Xamaas, mana filayo in loo baahan yahay in la abaal mariyo.” Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska waxaa ku sii kordhaya cadaadiska uga imanaya xitaa qaar ka imanaya xildhibaannadiisa si uu tallaabo uga qaado arrinta si degdeg ah. Toddobaadkii hore, Faransiiska ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u aqoonsan doono dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah bisha Sebtembar wuxuuna noqonayaa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan kooxda G7 ee wadamada ugu dhaqaalaha badan dunida ee sidaas sameeya. Dalalka Islaamka ee doonaya hub ka dhigista Xamaas Xigashada Sawirka,Getty Images Todoba iyo toban waddan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Qatar, Urdun, Turkiga iyo Masar, ayaa ugu baaqay Xamaas inay hubkeeda ku wareejiso Maamulka Falastiiniyiinta intii lagu guda jiray shir Qaramada Midoobay ay isugu yeedhay si dib loogu soo nooleeyo xalka laba dowladood ee khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Bayaan loo bixiyay “Axdiga New York,” oo ay diyaariyeen Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya kuwaasoo guddoomiyay shirka ayaa waxaa saxiixay 15 dal oo kale (oo ay ku jiraan Brazil, Kanada, Turkiga, Urdun, Qatar, Masar, iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyo sidoo kale Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta. Bayaankaasi wuxuu ku baaqayay in dagaalka ka socda Marinka Qasa la joojiyo si loo helo xal caddaalad ah, nabadeed, oo waara oo ku dhisan laba dowladood oo xal u ah khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Bayaanku wuxuu xaqiijiyay in dalalkaasi ay ka go’an tahay inay qaadaan tallaabooyin dhab ah, wakhti xaddidan leh, oo aan dib looga noqon karin, si loo gaadho xal nabadeed oo rasmi ah oo ku saabsan arrinta Falastiin, iyo hirgelinta xalka laba dowladood. Iyadoo arrintan laga duulayo, waddamadan waxay si xooggan u adkeeyeen in “maamulka, kala dambeynta, iyo sugidda ammaanka dhamaan dhulka Falastiiniyiinta ay tahay mas’uuliyad gaar ah oo uu leeyahay Maamulka Falastiiniyiinta, iyadoo la siinayo taageero ku habboon,” iyo sidoo kale in “Isra’iil ay tahay inay ka baxdo Marinka Qasa… Xamaasna ay joojiso gacanta ay ku hayso Qasa, ayna ku wareejiso hubkeeda Maamulka Falastiiniyiinta.” Dhanka kale, toddoba iyo toban-ka waddan waxay ku baaqeen in gargaar bini’aadantinimo si aan caqabad lahayn loo gaadhsiiyo Marinka Qasa, oo halis ugu jira macaluul, iyagoo si adag u diiday “in gaajo loo adeegsado sidii hub dagaal.” Waxa kale oo ay taageereen “in la geeyo hawlgal caalami ah oo ku-meel-gaar ah si loo xasiliyo xaaladda” Qasa. Isbeddel siyaasadeed oo weyn Aragti falanqayn ah oo ku saabsan mowqifka Boqortooyada Ingiriiska, oo sameeyay Jeremy Bowen, tifaftiraha arrimaha caalamiga ah ee BBC-da fadhigiisuna yahay Qudus, ayaa sheegay in hanjabaadda Ingiriiska ee ah inuu aqoonsan doono dowlad Falastiini ah ay muujinayso “isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddiisa arrimaha dibadda.” Bowen wuxuu aaminsan yahay in fursadaha ay Israa’iil ku aqbali karto shuruudaha ay soo jeedisay dowladda Ingiriiska ay aad u yar yihiin, maadaama dowladda hadda talada haysa ee Israa’iil si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu gaadho karo xal laba dowladood ah. Xalka laba dowladood kaliya ma’aha mid ay diidanyahiin, balse qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Israa’iil kuwaas oo ah tiir siyaasadeed muhiim u ah taageerada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay muujiyay rabitaankooda ah in ay ku darsadaan [dalkooda] dhulka ay Falastiiniyiintu sheeganayaan in uu qeyb ka yahay xalka laba dowladood. Bbcsomali Qaran News
-
Xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Taiwan waxa uu galay marxalad cusub oo istiraatiiji ah, kaddib markii labada dhinac si rasmi ah u shaaciyeen heshiis iskaashi oo dhinaca badda ah. Heshiiskan oo loogu talogalay in lagu horumariyo sugnaanta badda, xoojinta ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo wada shaqayn dhanka ilaalada xeebaha ah, waxa uu muujinayaa tallaabo cad oo labada dal ay u qaadayaan dhanka sare u qaadidda danahooda wadajirka ah. Iskaashigan cusub ayaa noqonaya mid sal u ah siyaasadda istiraatijiyadda badda ee Somaliland, maadaama xeebteeda dheer ay leedahay muhiimad istaraatiji ah oo ku taalla marin-biyoodka caalamiga ah ee Baabul Mandab. Taageerada Taiwan ee dhinacyada qalabaynta ciidamada badda, tababarka ilaalinta xeebaha, iyo tiknoolajiyadda lagu ogaanayo khataraha badda ka imaan kara, waxa ay Somaliland siin doontaa fursad ay ku adkaysato madaxbannaanideeda, kuna xaqiijiso bad qabka xuduudaheeda badeed. Xaaladda gobolka oo kacsan iyo loollanka saameynta ee ka socda Badda Cas, waxay kordhinayaan qiimaha juqraafiyeed iyo siyaasadeed ee iskaashiga noocan ah. Taiwan oo iyaduna wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo uga imaanaya Shiinaha, waxay dani ugu jirtaa inay la yeelato xidhiidhyo adag oo istiraatiji ah, gaar ahaan wadammo leh halgan la mid ah kan ay iyadu ku jirto. Sidaas darteed, Somaliland iyo Taiwan waxay isu arki karaan lamaane ay danahoodu isku dhigmaan, kana faa’iidaysan kara iskaashi dhinacyo badan leh oo aan ku ekaan arrimaha badda, milatari iyo technologyada. Iskaashigan waxa uu sidoo kale tilmaamayaa isbeddel cusub oo Somaliland ay kaga jawaabeyso xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda iyo weliba xayndaabka diblomaasiyadeed ee ay ku jirto. Waa tallaabo ka tarjumi karta kartida iyo go’aan adag ee dowladda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ku doonayo in uu ku xoojiyo aqoonsiga Somaliland iyo iskaashiga caalamiga ah, isaga oo wax ka beddelaya jihadii hore ee xirldhiidhka shisheeye. Sidoo kale, tallaabadan waxa ay xambaarsan tahay fariin cad oo la xidhiidhta masiirka madax bannaanida Somaliland: in waddanku diyaar u yahay in uu iskaashi la yeesho cid kasta oo ixtiraamaysa jiritaankiisa, ilaalinaysa danihiisa, kana fog eex siyaasadeed ama faragelin xad dhaaf ah. Waa heshiis noqon kara tusaale u ah sida Somaliland u maarayn karto xiriir dibadeed oo ku dhisan dheelitirnaan, istaraatijiyad iyo danta guud ee shacabka. Ugu dambayn, heshiiska badda ee Somaliland iyo Taiwan waa horumar weyn oo diblomaasiyadeed, istiraatiji ah, amni iyo dhaqaaleba leh. Waa fursad qaran oo u baahan in si qaranimo leh loogu midoobo, lagana faa’iidaysto si loo adkeeyo jiritaanka Somaliland, loona gaadho yoolalka fog ee ay hiigsanayso mustaqbalka dhow iyo ka dheerba. Daahir Cabdi Ciise Daahircamey@gmail.com Qaran News
-
Baarlamaanka Puntland oo maanta soo saaray go’aan gole ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Gobollada Sanaag iyo Haylaan, taasi oo sababtay xasilooni darro, qalalaase Amni iyo dhibaatooyin kale. Baarlamaanka Puntland wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay si ula kac ah isku-dir iyo kala-qaybin siyaasadeed, mid dhaqan iyo mid Bulshaba uga dhex abuurtay beelihii ku mideysnaa difaaca degaanada SSC, taasoo khatar ku ah wadajirka bulshada iyo nabadgelyada degaanka, waxaana uu si cad u muujiyay in mas’uuliyadda dhabta ah ee ka dhalatay falalkaas sharci-darrada ah ay dusha u saaran tahay Villa Somalia. Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale cambaareeyay duullaanka sharci- darrada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday Gobolka Gedo ee Juballand, waxaana uu tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda Jubaland iyo shacabkii ku waxyeelloobay dhibkaasi. Dhinaca kale, Golaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay culeyska joogtada ah ee Argagixisadu ku hayso shacabka iyo ciidanka difaaca ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ee Hirshabeelle, wuxuuna si cad ugu dhaliilay arrintaasi dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guuldarraysatay taageerada iyo taakuleynta dadka degaanka iyo ciidamada difaaca. Baarlamaanka Puntland wuxuu sidoo kale bogaadiyay ciidamadda difaaca Puntland ee hawlgalka ciribtirka Argagixisada ka wada Buuraha Calmiskaad, kaasi oo hadda maraya marxalad gebo-gebo ah, kaddib markii argagixisada laga sifeeyay dhammaan degaannada Calmiskaad, inkastoo ay weli ku go’doonsan yihiin meelo kooban oo Boosaaso u dhaw. Halkaan ka akhriso go’aanka Baarlamaanka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyay go’aan gole oo ka dhan ah fara-gelinta Villa Somalia ku hayso Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Xaalad nololeed oo adag ayaa ka jirta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in nolosha magaalada ay adkaatay, ayna wajahayaan dhibaato weyn kadib dagaaladii ka dhacay, iyadoo adeegyada aas-aasiga ah ay hoos u dhaceen. Isgaarsiinta magaalada Beledxaawo ayaa la soo warinayaa gebi ahaanba go’an, taasoo sii adkeynaysa xiriirka bulshada. Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo Beledxaawo ayaa tilmaamaya in xaaladdu hadda tahay mid deggan, balse wali ay is hor fadhiyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, taas oo keeni karta in mar kale uu dagaal qarxo. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay intooda ka badan ka barakaceen xaafadahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaal mar kale ka qarxa magaalada. Ciidamada Jubbaland ayaa la xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin gudaha magaalada, halka kuwa dowladda federaalka, oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay fariisin ka sameysteen Xerada UK ee duleedka Beledxaawo. Xiisadaha siyaasadeed iyo militari ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa mar kale dib u kiciyay khilaafkii gobolka Gedo, iyadoo sidoo kale xaalad deggenaansho la’aan ah laga dareemayo magaalada Doolow.
-
Askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad ayaa saaka xirtay wadada gasha garoonka diyaaradaha Boosaaso. Dhaawacyadii Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad, oo ay ka tirsanayaan xukuumadda madaxweyne Deni ayaa jidka ka xirtay afaafka hore ee isbitaalka Marsuuq, taasi oo xannibtay isu socodkii gaadiidka adeegsanaya wadada gasha Airport-ka magaalada Boosaaso. Mas’uuliyiinta degmada Boosaaso iyo Taliska ciidanka Booliska gobolka Bari oo halkaasi tegey ayaa ka dalbaday askarta dhaawacyada qabta ee jidka xirtay in ay banneeyaan wadada, islamarkaana waxay u sheegeen in ay dowladda ka heli doonaan daryeel caafimaad oo dhamamaystiran. Balse, sida wararku sheegayaan weli laguma guulaysan in la furo jidkan oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso, waana markii labaad oo askar ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad ay xirtaan wadada Airport-ka, iyagoo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad. PUNTLAND POST The post Puntland: Askar ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxaa bilihii dambe kusoo badanayay dilalka qorsheysan, iyadoo ugu dambeeyay dil shalay ka dhacay gudaha magaalada. Dilalkan ayaa loo adeegsaday bastoolado, toorey iyo agab kale, waxaana ugu cuslaa dil habeen dhaweyd ka dhacay bartamaha magaalada Hargeysa, kaasi oo nin hubeysan uu toogtay laba wiil oo dhalinyaro ah. Waxaa xusid mudan in booliska Somaliland oo dadaal badan ka galay soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha dilalka geystay ayaa badankooda ku guuleystay soo qabashadooda, marka laga reebo gacan ku dhiiglihii toogtay habeenka dhaweyd labada wiil. Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan ayaa gacan ku dhiiglaha markii uu fuliyay dilka isla markiiba waxa uu ka baxsaday goobta. Hargeysa oo kamid aheyd magaalooyinka Soomaaliyeed ee ugu nabdoon ayaa haatan wajaheysa dilal qorsheysan. Caasimada Online oo xiriir la sameysay Taliska Booliska Somaliland ayaa ogaatay in muddo ka yar 5 bilood ay gudaha caasimada ka dhaceen in ka badan 33 dil. Taliska Booliska ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen dadkii geystay dilalka, marka laga reebo gacan ku dhiiglihii habeen dhaweyd labada wiil ku dilay bartamaha magaalada Hargeysa. “Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku guuleysteen inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha dhowr iyo soddanka kiis dil, waxaana weli ku raadjoogna gacan ku dhiiglaha labada qof dilay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Somaliland oo la hadlay Caasimada Online. Dilkan aan weli lasoo qaban gacan ku dhiiglihii geystay ayaa 20-kii bishan ka dhacay bartamaha magaalada, gaar ahaan boosteejo laga raaco basaska u kala goosha xaafadaha Hargeysa, wuxuuna falka dhacay fiidkii hore. Lama oga sababta ka dambeysa dilka, wuxuuna argagax wayn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan reer Hargeysa oo haatan dalbanaya in deg-deg dambiilaha loo soo qabto.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo ku howlgeli doona magaca iyo calanka qaranka, islamarkaana dib loogu howlgelin doono shirkaddii diyaaradaha Somali airlines. Airbus A320 waa diyaarad rakaab oo nooca ganacsiga ah, waxaana soo saarta shirkadda caanka ah ee diyaaradaha ee Airbus SE, oo xarunteedu tahay magaalada Toulouse ee dalka Faransiiska, waxaana la soo saaray sanadkii 1987-dii, ayadoo la howlgeliyay 1988-dii. Diyaaradaha Airbus A320 waxaa loogu talagalay duullimaadyada masaafada gaaban ilaa kuwa dhexe, waana mid ka mid ah diyaaradaha ugu isticmaalka badan dunida, waxayna diyaaradahani ka koobanyihiin noocyada A318, A319, A320, iyo A321. Dhinaca Farsamada dhererka diyaaraddani waa 37.57 mitir, ayadoo baalasha garbaheedu ay gaarayaan 35.8 mitir, halka jooggeedu yahay 11.76 mitir, waxaana halkii mar ku safri kara 180-186 qof. Masaafada duulimaad ee diyaaradani waa qiyaastii 6,300 km, ayadoo xawaaraha ugu badan ee ay saacaddii jari kartaahi uu yahay qiyaastii 871 km/h, waxaana ku rakiban matoorka loo yaqaanno CFM56 ama IAE V2500. Dhanka Tignoolajiyadda casriga ah, airbus A320 waa diyaaraddii ugu horreysay ee isticmaasha “fly-by-wire” oo ah nidaamka elektaroonigga ah casriga ah ee xakameeya duulista halkii laga isticmaali lahaa xarigyo iyo tuubooyin, waxayna sidoo kale leedahay hannaan 15-20% yareeya isticmaalka Shidaalka. Airbus A320 waxaa isticmaala in ka badan 300 shirkadood oo diyaarado ah oo caalami ah, waxaana ka mid ah,Qatar Airways,Turkish Airlines, Lufthansa iyo qaar kale, waxayna noqotay mid ka mid ah diyaaradaha ugu badan ee hawada saaran maanta, iyadoo lagu ammaano hufnaanta, kalsoonida, iyo tamarta-badbaadinta, ayadoo ay ka howlgeli karaan laba duuliye iyo ilaa 4-6 shaqaale ah. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has called for strengthened international solidarity to support sustainable and inclusive food systems, emphasizing that transforming agriculture is not merely a strategic choice but a moral obligation and national imperative. Source: Hiiraan Online