-
Content Count
214,717 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah lagu qaaday kooxda Daacish ee ku sugan waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria. Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo mas’uul ka ah howlgallada Afrika ayaa sheegay in weerarka cirka lagu dilay tiro badan oo Daacish ah, kadsib markii ay tilmaameen in uu codsi uga yimid madaxda dalka Nigeria. “Aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerada iyo iskaashiga dowladda Nigeria” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth. Duqeynta Maraykanka oo ka dhacday magaalada Sobota ee gobolka Sokota ayaa dabasocota amar ka yimid madaxweyne Trump, kaas oo tilmaamaya in la bilaabo duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dalka Nigeria oo cadaadis ba’an ku haya dadka Masiixiyiin ah ee ku dhaqan dalkaas. PUNTLAND POST
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballanqaaday inuu gogol wadahadal oo furan u dhigayo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si xal looga gaaro tabashooyinka la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, isaga oo sheegay in “dhammaan albaabadu u furan yihiin” wadahadal iyo dib-u-heshiisiin qaran oo dhab ah. Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta kaddib markii uu shalay codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid “taariikhi ah” iyo guul weyn oo laga gaaray safarka dheer ee Soomaaliya ugu jirto dowladnimo dimoqraadi ah. Wuxuu xusay in doorashadani ay ka tarjumayso bisayl siyaasadeed iyo hirgelinta mabaadi’da dastuuriga ah. “Maanta waa maalin taariikhi ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo hoosta ka xariiqay in u-guurista nidaamka “Qof iyo Cod” ay tahay tallaabo weyn oo lagaga guurayo nidaamkii wax-doorashada dadban ee muddada dheer soo jiray. Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in wadahadalka loo dhanyahay uu muhiim u yahay dhismaha kalsoonida iyo midnimada qaran. Isagoo ka jawaabayay walaaca ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku aaddan dib-u-habeynta doorashooyinka iyo fulintooda, wuxuu yiri: “Dowladda waxaa ka go’an wada-tashi, daah-furnaan, iyo geeddi-socod siyaasadeed oo nabdoon.” Wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay danta guud iyo xasiloonida dimoqraadiyadda ka hormariyaan wax kasta. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shacabka Muqdisho oo muujiyay dhabar-adayg inkastoo magaalada lagu soo rogay bandow iyo tallaabooyin amni oo adag. Sidoo kale, wuxuu ammaan u jeediyay laamaha amniga iyo guddiyada doorashada oo suurageliyay in codbixintu u dhacdo si nabad ah. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isna kamid ahaa mas’uuliyiinta sar-sare ee codkooda dhiibtay Khamiistii, isagoo booqday dhowr degmo oo codbixintu ka socotay. Dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee magaalada iyo duullimaadyada garoonka Aadan Cadde ayaa gebi ahaanba la hakiyay maalintii oo dhan si loo xaqiijiyo amniga doorashada. Doorashadan Golaha Deegaanka ee Banaadir ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah (Qof iyo Cod) ee ka dhacda Muqdisho muddo ka badan 50 sano, iyadoo lagu dooranayo goleyaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee caasimadda. Soomaaliya markii ugu dambeysay ee ay doorasho toos ah qabato waxay ahayd 1969-kii—bilo ka hor afgambigii milatari ee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, Soomaaliya waxay 2004-tii qaadatay nidaam doorasho dadban si loo maareeyo loolanka beelaha iyo xaaladaha amni darro. Dadka dhaliila nidaamkaas ayaa aaminsan inuu abuuray musuq-maasuq baahsan, halka xisbiyada mucaaradku ay ku doodeyaan in dardargelinta nidaamkan cusub ee degdegga ah ay tahay mid loogu daneynayo dib-u-doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay haddii xaaladda amni ee dalku ay saamaxayso codbixin dadweyne oo ballaaran, iyagoo tixraacaya weerarada joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab, taas oo weli gacanta ku haysa dhul badan oo miyi ah. Si kastaba ha ahaatee, codbixintan ka dhacday Muqdisho—magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad saddex milyan oo qof—ayaa si weyn loogu arkaa inay tahay tijaabo lagu qiimeynayo suurta-galnimada in doorasho toos ah laga hirgeliyo heer qaran. The post Xasan Sheekh oo yabooh u sameeyey mucaaradka kadib guushii doorashadii Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn ka fulisay waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria, halkaas oo ay ku beegsatay dagaalyahanno ka tirsan Daacish. Madaxweyne Donald Trump iyo milatariga Mareykanka ayaa Khamiistii xaqiijiyay in weerarkan uu yimid codsi ka yimid dowladda Nigeria, iyagoo ku sababeeyay in kooxdaasi ay si gaar ah u beegsanayso dadka Kirishtaanka ah ee gobolkaas. “Caawa, anigoo bixinaya amarka Taliyaha Guud, Mareykanka wuxuu qaaday weerar xooggan oo dhimasho badan dhaliyay, kaas oo lagu beegsaday argagixisada Daacish ee waqooyiga-galbeed Nigeria. Kooxdan waxay si arxan darro ah u laynayaan, gaar ahaan dadka Kirishtaanka ah ee aan waxba galabsan, heer aan la arag muddo sanado ah,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa barta X ku sheegay in duqeynta lagu dilay xubno badan oo Daacish ah, ayna ku timid codsi rasmi ah oo ka yimid mas’uuliyiinta Nigeria. Weerarkan ayaa imanaya kaddib markii Trump uu tan iyo dhammaadkii bishii Oktoobar ka digayay in Kirishtaanka Nigeria ay wajahayaan “halis jiritaan,” isagoo ku hanjabay inuu faragelin milatari sameyn doono haddii dowladda Nigeria ay wax ka qaban weydo rabshadaha ka dhanka ah bulshooyinka Kirishtaanka ah. Wakaaladda Reuters ayaa Isniintii werisay in diyaaradaha sirdoonka Mareykanka ay duulimaadyo ku sameynayeen hawada Nigeria tan iyo dhammaadkii bishii Nofembar si ay xog u ururiyaan. Dowladda Nigeria ayaa iyadu ku doodaysa in kooxaha hubeysan ay si isku mid ah u beegsadaan Muslimiinta iyo Kirishtaanka, iyagoo sheegay in eedeynta Mareykanka aysan ka tarjumaynin xaqiiqada dhabta ah ee amni darrada dalkaasi. Hase yeeshee, waxay oggolaadeen inay Mareykanka kala shaqeeyaan xoojinta ciidamadooda si loola dagaallamo kooxaha xagjirka ah. Madaxweyne Trump ayaa warkan soo saaray Maalinta Kirismaska isagoo ku sugan hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida, halkaas oo uu fasaxa ku qaadanayo. The post Ciidamada Mareykanka oo weerar ku qaaday Nigeria appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho waxa ay maanta u jihaysatay waddadii isbeddelka iyo horumarka, dadka reer Muqdisho waxa ay saaka u dareereen doorashada golaha degaanka, iyada oo qof kasta si xor ah codkiisa u dhiibanayo. Muwaadiniinta kaarka codaynta qaatay ayaa u galay safaf dhaadheer si ay codkooda u dhiibtaan ayna u dareemaan in ay iyaga codkooda wax baddeli karo. Codbixiyayaasha saakay doorashada u soo istaagay waxaa ka muuqatay in ay u wada dhammaayeen oo aan doorashada iyo codbixinta loo kala maqnayn. Hadday noqon lahaayeen shacabka caadiga ah: haweenka, dhallinyarada; shaqaalaha dowladda iyo dhammaan inta xaqa u lahayd in ay codeeyaan oo haystay kaarka doorashada. Dadka saakay doorashada ka qeybgalay waxa ay iskugu jireen dad dhallinyaro ah, dad waayeel ah iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida, dadka naafada jireed qaba oo gaari ku socda iyo kuwo indhaha naafo ka ah. Falcelinta ay dadkaasi gudbinayeen waxay muujinaysay in ay la dhacsanyihiin in maantay ay gudanayaan xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin, qaran koodana ku taageerayaa dadkii si hufan ugu hogaamin lahaa golahooda degaanka. Madaxweynaha JFS oo Codkiisa Dhiibtay Muwaadiniinta maanta u soo kacay in ay codkooda dhiibtaan waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo gaarigiisa kaxaysanaya marwada koowaad ee qaranka la socota ayay si wada jir ah ugu codeeyeen Seejada Tiyaatarka Qaranka ee degmada Warta Nabadda. Madaxweynaha JFS wuxuu bulshada Soomaaliyeed u sheegay muhiimadda ay leedahay maalintan weyn iyo sida ay dadka Soomaaliyeed taariikh weyn ugu tahay, hadallada Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa in uu yiri: “Maanta waxaan rognay baal cusub oo taariikhdeenna ka mid ah. Waxaan qaadnay jidkii nabadda, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si guud ula hadlay bulshada soomaaliyeed ee aragtidiisa raacsan iyo kuwa ku diidanba waxa uu ku yiri: “Tani waa mustaqbalka guud ee ummadda Soomaaliyeed oo maanta waddo cusub qaadday, waxaan rejaynayaa mustaqbalka in aan dhammaanteenna waddadaas wada mari doonno, waxaan sidaas si la mid ah diyaar u nahay in aan furno waddo kasta oo saaxiibbada kale ay ku soo mari karaan wadaadaan cusub.” Doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxay muujinaysaa amniga magaaladda Muqdisho iyo nabadda ka jirta. Muqdisho maanta waxay ku istaagtay lugaheeda, waxayna u socotaa sidii ay ku gaari lahayd horumar iyo xasillooni amniyeed. Sannadaha soo socda waxaa la rejaynayaa in isbeddel ballaaran oo la taaban karo uu ku yimaado xagga doorashooyinka, maadaama dadka golaha degaanka ku tartamaya ay u badan yihiin dhallinyaro oo tamar badani ku jirto. Doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxa ay barbillow fiican utahay doorashooyinka ka dhici doonaa dhamaan dalka Soomaaliyeed. Waxaa muuqda in laga wada guuri doono doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhici jiray oo loo guuri doono doorasho xor iyo xalaal ah ama qof iyo cod ah. Source: goobjoog.com
-
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si diiran u bogaadiyay nabadgalyada iyo hufnaanta ay maanta ku dhacday doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir. AUSSOM ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, dhisidda dowladnimada casriga ah, iyo horumarka laga sameeyay dhanka amniga. Iyadoo ay hadal-hayntan caalamiga ahi socoto, waxaa hadda si rasmi ah u bilaabatay tirinta codadka ka dib markii ay soo xirmeen goobihii codbixinta. Shacabka ayaa isha ku haya natiijada ka soo bixi doonta sanduuqyada, taas oo go’aamin doonta hoggaanka cusub ee degmooyinka gobolka. Source: goobjoog.com
-
Xaaladda doorashada dalka ayaa galay weji cusub ka dib markii si rasmi ah loo soo xiray goobihii codbixinta, waxaana hadda si habsami leh u socota tirinta codadka ay dhiibtaan shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ayaa xaqiijiyay in doorashadu ay ku soo dhammaatay jawi nabad ah, haddana lagu guda jiro wejigii ugu dambeeyay ee kala saarista codadka. Guud ahaan waxaa lagu soo xareeyay sanaadiiqda cod bixinta goobihii loogu talagalay. Source: goobjoog.com
-
War Saxaafadeed Petrosoma Limited, oo ah shirkad ka ka diwaan gashan dalka British Virgin Island oo ay leeyihiin Ganacsadaha Somaliland u dhashay ee Mohammed Yusuf Ali oo ay ku weheliyaan maalgashadeyaal Ingriis iyo Irland u kala dhashay, waxay ku faraxsan tahay inay idinla wadaagaan war saxafadeedkan ku saabsan in ay shirkadaha Genel Energy PLC iyo Afentra PLC ay dib ugu soo wareejiyeen xuquuqdii saami ee ay ku lahaayeen Odweyne Block shirkadda Petrosoma. Shirkadda Petrosoma imika waxay haysataa 100% saamiga Odweyne Block halka ay sannadkii 2012kii ay 50% ku wareejisay xuquuqda baadhitaanka Shirkadda Genel Energy PLC kadibna 34% ay ku wareejisay Shirkadda Afrenta PLC. Shirkadaha Genel, Afentra iyo Petrosoma isku aragti way ka noqon waayeen qiimaha khayraadka Odweyne Block. 5tii sano ee lasoo dhaafay shirkadda Petrosoma waxay si madaxbanaan u aruurinaysay baadhitaan farsamo oo ku saabsanaa xogta joolaji ee Block Odwayne taas oo si adag u tusmaysay in rajada qiimaha iyo tayada ganacsi ee saliida ceegaagta Odwayne Block ay tahay mid aad u saraysa. Petrosoma waxay heshiis kula gashay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland inay sii wadayso barnaamijkii sahaminta ugu dambaysa ee ay ka gaabisay shirkadda Genel Energy PLC. Waxaa ka mid ah barnaamijka sahimineed, wajigiisa afaraad in ay Petrosoma 18ka bilood ee soo socota samayso sahamintii ugu danbeeyay iyo bilowga wajiyada ugu dambeeya. Hawshaas oo dhan waxaa fulinaysa Petrosoma oo ah imika kali ku ah hirgalintooda. Qaran News
-
Doorashada goleyaasha deegaanka ee ka dhacday caasimadda ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, iyadoo ay ku soo dhammaatay jawi nabadgelyo iyo kala dambeyn leh. Cod-bixinta oo subaxnimadii hore ee saaka ayaa la soo gabagabeeyay saacado yar ka hor, ayadoo ay ciidamo gaar ahi daadgureeyeen sanduuqyadii codbixinta. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in ay si rasmi ah u soo xirantay codeyntu, islamarkaana la guda gali doono tirinta codadka. “Maqribnimadii ayay soo xirmatay codeynta doorashada, waxaana bilaabanaysa tirinta codadka, iyadoo ay goobjoog ka yihiin goobjoogayaal iyo wakiillo caalami ah, waxayna qaadan doontaa waqti yar,” ayuu yiri Guddoomiyuhu. Sidoo kale, guddiga doorashooyinka ayaa xusay in habraacyada tirinta codadka loo marayo si waafaqsan xeerarka iyo tilmaamaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo kalsooni ay bulshadu ku qabto natiijada kama dambaysta ah. Doorashadan goleyaasha deegaanka ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo xoojinta maamul-daadejinta, iyadoo natiijooyinka rasmiga ah la filayo in la shaaciyo maalmo ka dib. Warbaahinta dunida ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u qaadaa-dhigaysay doorashadan oo ah tii ugu horreysay ee dalk ka dhacda taniyo sanadkii 1969-kii, balse diblumaasiyiinta iyo wakiillada beesha caalamka ayaan wel wax war ah ka soo saarin doorashadan taariikhiga ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa hambalyo u diray shacabka gobolka Banaadir oo maanta si nabad ah u dhiibtay codkooda doorashada qof iyo cod. Madaxweynayaasha saddex maamulka oo mid walba soo saaray qoraal ayaa ku bogaadiyay shacabka Banaadir biseylkooda siyaasadeed, wacyigooda iyo sida ay uga go’an tahay ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, iyagoo xusay in doorashadani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka. Saddexda madaxweyne ayaa sidoo kale ammaanay hay’adaha ammaanka, guddiyada doorashooyinka iyo dhammaan mas’uuliyiintii ka shaqeysay hirgelinta doorashada Muqdisho, kuwaas oo suurtageliyey in codbixintu ku qabsoonto jawi nabad iyo kala dambeyn leh. Madaxweynayaasha Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay sii wadaan ka qeybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo helo hoggaan lagu doortay rabitaanka shacabka, loona xoojiyo midnimada iyo horumarka dalka. PUNTLAND POST
-
Saakay waxaa magaalada Muqdisho looga dareeray doorashada golaha degaanka muddo ku dhow lixdan sano kadib. Doorashanda waxaa loo tartamay 390 kursi oo taalla 16 degmo, waxaana ku tartamay 1,600 murashax oo ka kala socday 20 urur siyaasadeed. Toban kun oo ciidan ayaa ka qeybqaatay sugidda amniga doorashada, halka 5,000 oo hawlwadeenno ah ka shaqeynayeen. Sidoo kale waxaa codeeyay in ka badan 500,000 qof, oo isugu jira carruur, cirroole, iyo dadka baahiyaha gaarka ah. Waxaa sidoo kale xarunta Golaha Murtida iyo Madaddaalada ee Tiyaatarka Qaranka codkiisa ka dhiibtay Madaxweyhana JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwada Kowaad ee Madaxweynaha. Maxaa laga soo Diiwaangaliyay Doorashadii Maanta? Warbaahinta Dunida Warbaahinta dunida wax ay tabisaba Muqdisho oo qiiqaysa, qarax ka dhacay, dhaawac iyo meydadka waddooyinka daadsan yihiin, saakay, waxa ay tabiyeen war ka duwan warkaas kana wanaagsan. Warbaahinta ugu waaweyn dunida sida Reuters, Al-Jazeera, Qatar News Agency, Daily Nation, TRT Africa iyo Arab News ayaa wadajir u tebiyay safafka dheer ee dadweynuhu ugu jiraan in aycodkooda u dhiibtaan, iyo ciidamada booliska sugaya amniga doorashada golaha degaanka maanta ka dhacday Muqdisho. Dareenka Shacabka Marka laga yimaado in ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasiyiinta, waxaa muuqata shacabka Muqdisho oo ku faraxsan in ay codkooda dhiibtaan. Shacab u badan dhallinyaro aan hore codkooda u dhiiban, kuna soo koray dagaalladii sokeeye ayaa saakay u dareeray doorashada. Iyaga oo wejiyadooda laga dheehan karay farxad iyo raynrayn. Dadkii u soo joogay doorashii ugu dambeysay oo muddo aad u dheer laga joogo ayaa dib u milicsaday waayihii wacnaa. Damqashada iyo Daryeelka Ciidanka Waxyaabaha dhegta loo taagayay waxaa ka mid ahaa sida loo maareeyo amniga doorashada, waana halka ka guulaysan kartay ama ka fashilmi kartay doorashada maanta. Dad badan ayaa isweydiin jiray doorasho ma lagu qaban karaa Muqdisho? Dhammaan su’aalahaas waxaa loo helay jawaabo ku habboon. Ciidamada Qalabka Sida, si gaar ah Ciidanka Booliska oo loo xilsaaray sugidda amniga doorashooyinka, ayaa qaatay kaalin adeega-qarannimo oo ah caawinta dadka qaba baahiyaha gaarka ah, dadka da’da ah iyo hooyooyinka. Dhallinyarada iyo Baraha Bulshada Dhallinyarada baraha bulshada adeegsada ayaa door muhiim ah ka qaatay baahinta iyo habsami u socodka doorashadii maanta. Baraha bukshada waa awood ka jirta dunida iyo see laba afle ah, haddii si wacan looga faa’ideystana wax dhista, si aan wanaagsaneyna wax dumisa. Maanta ayayna soo baxday taas oo waxa ay qabteen hawl aan sahlaneyn. Dhabbaxaarid iyo Jidfurid Doorashadan waxa ay dhabbaha u xaartay doorashooyinka dhici doona, dad badan oo aan ka qeybqaadan doorashadaan, ugana baaqday duruufo kala duwan, ayaa ku rejo weyn in ay ka qeybgalaan doorashooyinka dhici doona. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ka codeeyay goob codbixin oo ku taalla degmada Warta Nabadda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal kooban jeediyay ayaa yiri “tani waa mustaqbalka Soomaaliya oo wado cusub qaaday, waan hubaa iyaguna (mucaaradka) in ay maalin maalmaha ka mid ah ku soo biiri doonaan”. Doorashada Muqdisho waxaa ka qaybgalaya ilaa 1,600 oo musharrax oo ku tartmaya 390 kursi oo loo kala qaybiyay A iyo B, kuwaas oo ka kala socda 20 urur siyaasadeed oo ugu weyn yahay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Doorashadan oo ah tii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacda Muqdisho tan iyo 1969 kii ayaa ku socota jawi deggan oo xasilloon, waxaana lagu wadaa in codbixintu soo xirmato lixda maqribnimo ee xilliga Muqdisho. PUNTLAND POST
-
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka oo khamiis ah u dareeray goobaha codbixinta ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka golaha deegaanka ee 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. Doorashadan oo mucaaradka ku tilmaamay mid hal dhinac ah waxaa ka qaybgalaya 20 urur siyaasadeed oo ugu weyn yahay kan madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo ee JSP. Dad nus milyan ruux gaaraya ayaa isu diiwaangaliyey doorashadan, kuwaas oo maanta codkooda ka dhiibanaya xarumaha codbixinta oo gaaraya 523 goobood. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana xiran isugu socodka gaadiidka, duulimaadyada iyo waxbarashada. PUNTLAND POST
-
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay magaalada Garowe kaga qeyb-galay munaasabad lagu saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf. Heshiiska is-afgarad ayaa dhexmaray Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo shirkad maxali ah oo lagu magacaabo Gaalkayo Development Group (GDG), waxaana uu ku saleysan yahay dhismaha iyo maamulka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, si loo gaarsiiyo heerar caalami ah oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka duulista. Mashruuca dhismaha garoonka Gaalkacyo oo la sheegay in lagu maalgelin doono lacag dhan 17 milyan oo doolar ayaa la dhisi doonaa dhabaha diyaaradaha (Runway) oo 3.5 km ah, Terminal-ka rakaabka, goobta kala wareegga diyaaradaha (Taxiway), qaybta dhigista diyaaradaha (Apron) iyo Air Navigation Tower. Sidoo kale, heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid horseedi doona ballaarinta fursadaha maalgashi, kobcinta dhaqaalaha deegaanka, iyo abuurista shaqooyin cusub, kaas oo si toos ah uga faa’iideysan doonaan bulshada ku nool magaalada Galkaacyo iyo guud ahaan gobolka. Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay tiir muhiim u ah horumarinta kaabayaasha dalka, iyagoo xusay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskan si hufan, daahfuran oo waxtar leh. PUNTLAND POST
-
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee mucaaradka ayaa markale ku celiyay in ay qaadacsan yihiin doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir oo la qorsheynayo in ay dhacdo berri oo khamiis ah. Xubno ay ka mid yihiin madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Waasaarayaal hore Xasan Cali Khayre & Maxamed Xuseen Rooble, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa doorashada Muqdisho ku tilmaamay mid hal dhimac ah oo lagu sheegi karin doorasho. Waxay sheegeen in aysan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashadaas, iyaga oo ku tilmaamay mid madaxweyne Xasan keligiis maamulanayo oo aysan jirin cid la tartamaysa. Eedeymaha ay mucaaradka soo jeediyeen waxaa ka mid ah in shirkada qalabka doorashada maamulaysa ay tahay mid ay leeyihiin xubno ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP, iyo sidoo kale in aan la garanayn cidda la dooranayo. Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay sheegeen in waxa ka socda Muqdisho aysan ahayn doorasho sharci ah, balse ay tahay mid laga leeyahay ujeeddo gaar ah oo la xiriirta waqti kororsi. PUNTLAND POST
-
Ireland ayaa xabsi afar sano iyo bar ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu isticmaalay baasaboorro diblomaasiyadeed si uu haween dhowr ah ugu fududeeyo inay dalkaas ku galaan. Ninkan oo lagu magacaabo Cabdallatif Maxamed (40 jir), kana loo yaqaan Hussein, ayaa muddo saddex bilood ah sannadkii 2024 adeegsanayay baasaboorro diblomaasiyadeed oo Soomaali ah, si haween isaga la socday uga soo degaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dublin. Maxkamadda Dambiyada ee Dublin Circuit ayaa sheegtay in Maxamed uu qirtay afar dacwadood oo la xidhiidha ka caawinta gelitaan sharci-darro ah, taas oo ka hor imaanaysa Qodobka 6-aad ee Xeerka Caddaaladda Dambiyada ee 2021. Booliiska Ireland (Garda) ayaa ogaaday in haweenkii la socday ayna ahayn dadka ku sawiran baasaboorada diblomaasiyadeed, inkastoo baasabooradu ahaayeen kuwo sax ah. Waxaa sidoo kale la helay lacago doolar ah iyo taleefanno, iyadoo haweenku sheegeen inay bixiyeen lacag u dhexeysa $14,000 ilaa $15,000 si dalkaas loo soo geliyo. Garsoore Dara Hayes ayaa xukunka ku sheegay in dambigu yahay mid culus, gaar ahaan isticmaalka baasaboorro diblomaasiyadeed, kuwaas oo leh maqaam gaar ah. Wuxuu xusay in falkaasi ahaa mid faa’iido-doon ah, islamarkaana eedeysanuhu uu door muhiim ah ku lahaa, inkastoo aan la helin caddeyn muujinaysa in haweenka lagu tahriibiyay si qasab ah. Source
-
Garsoore ka tirsan maxkamad federaal ah oo kutaala dalka Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo nin Soomaali ah 43 jir ah oo ay ICE xidhay intii lagu jiray ololaha adag ee lagu xoojinayay fulinta shuruucda socdaalka. Amarkan oo la soo saaray maalintii Arbacada ee shalay, ayaa Garsoore Jerry Blackwell wuxuu sheegay in ninkani uu Maraykanka yimid sannadkii 1999 isaga oo weli carruur ah, xilli waalidiintiisu ay magangalyo doon ka ahaayeen. Ninkan ayaa markii dambe galay dambiyo, wuxuuna xabsi kala duwan ku muteystay xukunno u dhexeeyay 2004 illaa 2010. Sida ay sheegtay Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (DHS), ninkan waxaa lagu helay dambi ah dhac ka dhacay magaalada Cincinnati, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah. Sannadkii 2011, waxaa lagu xukumay in laga masaafuriyo Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, masaafurintiisa Soomaaliya ayaa dib loo dhigay, waxaana lagu soo rogay amar kormeer (supervision order). Garsoore Blackwell ayaa sharraxay in tan iyo markii la bixiyay amarka masaafurinta, ninkan uu si buuxda u raacay dhammaan shuruudihii kormeerka lagu soo rogay. ICE ayaa mar kale xidhay ninkan toddobaadkii hore, xilli uu ku joogay ballan joogto ah oo uu la lahaa saraakiisha socdaalka. Saraakiisha DHS ayaa sheegay in ay ku guda jireen joojinta dib-u-dhigista masaafurinta ninkan, isla markaana ay si firfircoon u wadeen isku dubbaridka masaafurintiisa Soomaaliya ama dal kale. Hase yeeshee, Garsoore Blackwell ayaa qoray in DHS aysan weli helin dal aqbala in ninkan la geeyo. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in qodista shidaalka qaydhiin ee Somaliland ay ku bilaabmi doonto muddo laba sano ah gudahood. Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibadda Carwada Macdanta Somaliland oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in qodista shidaalku ay si rasmi ah u bilaabato sannadka 2027. “Waxaan shacabweynaha Somaliland ugu bushaaraynayaa in muddo badan aynu isweydiinaynay goorta shidaalka Somaliland la soo saari doono. Waxaan maanta idiin sheegayaa in ugu dambayn qodista shidaalka Somaliland ay bilaabmi doonto sannadka 2027,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. Waxa uu intaa ku daray in haddii hawlaha la dardargeliyo ay suuragal tahay in qodistu ka horreyso waqtigaas, isla markaana ay bilaabato sannadka 2026. Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay macdanta iyo shidaalka, isla markaana inta badan la ogyahay goobaha ay ku jiraan, taas oo sahlaysa in si fudud looga faa’iidaysto. Waxa uu ku dhiirrigeliyey maalgashadayaasha caalamiga ah in ay yimaadaan Somaliland oo ay maalgashadaan khayraadka dabiiciga ah, isaga oo xusay in xukuumaddu diyaarisay dhammaan kaabeyaasha iyo shuruudihii fududayn lahaa maalgashiga. Baadhista shidaalka Somaliland ayaa socotay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay ku hawlanaayeen shirkado ajnabi ah oo heshiisyo la galay xukuumadda, waxaana sannado ka hor la shaaciyey in la helay ceelal shidaal oo diyaarsan una baahan qodis rasmi ah. Source
-
Hay’adda La-Dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah ee Liibiya ayaa shaacisay inay masaafurisay muhaajiriin Soomaali ah oo si sharci-darro ah ku joogay dalkaas, kaddib markii ay ku xadgudbeen shuruucda socdaalka ee Liibiya. War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in muhaajiriinta la masaafuriyay ay ku xidhnaayeen xarunta lagu hayo ee Bariga Tripoli, isla markaana tallaabada masaafurinta lagu fuliyay iyadoo lagu saleynayo dukumentiyadooda safarka iyo amarrada maxkamadaha ee faraya in laga saaro Liibiya, maaddaama ay jebiyeen shuruucda dalka. Hay’addu waxay sidoo kale caddeysay in howlaha masaafurinta ay sii socon doonaan, iyadoo loo marayo jadwal horay loo diyaariyay. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli todobaad ka hor Dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugu soo celisay 161 muwaadin oo Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya, kuwaas oo intooda badan la kulmay xaalado adag oo ka dhashay tahriibka sharci-darrada ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in 74 ka mid ah muwaadiniinta dib loo soo celiyay ay gaareen magaalada Hargeysa, halka 87 kalena lagu soo dhoweeyay caasimadda Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa dib usoo celinta muwaadiniinta ku tilmaamtay in loo maray barnaamijka Voluntary Humanitarian Return (VHR) ee ay taageerto Qaramada Midoobay. Inta badan dadka la soo celiyay ayaa ahaa dhalinyaro ka yar 30 sano jir, kuwaas oo muddo bilo ah ku xayirnaa Liibiya. Source
-
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa dhammaam mas’uuliyiinta gobolka Raascasayr ee heer gobolka iyo heer degmo uga yeertay magaalada Garowe. Warqad ka soo baxay wasiir Juxa oo ku socotay guddoomiyaha gobolka Raascasayr, isuduwa wasaaradda ee gobolkaas, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xoghayayaasha ayaa lagu wargeliyay in 25 bishan Diseembar ay yimaadaan magaaalda caasimadda ah ee Garowe. Ujeedka loogu mas’uuliyiinta gobolka Raascasayr ayaa lagu sheegay in wax laga weydiinayo howlaha shaqo ee u idman yihiin. Gobolka Raascasayr waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka jiray xiisad iyo khalgal maamul oo ay sababeen khilaaf u dhexeeya wasaaradaha maaliyadda & kalluumaysiga Puntland, iyo hubkii laga dejiyay markabka Sea World oo labo jeer lagu dhacay gobolkaas. PUNTLAND POST
-
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku diray askar magaalada Muqdisho ka gaysatay dil, dhaawac iyo dhac. Dable xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) ayaa lagu xukumay dil toogasho ahna qisaasta marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim oo ahaa guddoomiyaha waaxda salxiiska degmadda Dayniile, falkaas todobadii bishii Juun ee sanadkan ka dhacay Dayniile. Dable xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) ayaa lagu xukumay toban sano oo xabsi ciidan ah, halka dable xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake), Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka), dable xoogga Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag), dable xoogga Cabdishakuur Eelaay oo (maqane) ah iyo Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga) oo (maqane) lagu xakumay min shan sano oo xabsi ciidan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay dhaawac iyo dhac. Sidoo kale Maxamed Cabdi Cismaan (Wadna-qabad) ayaa lagu ku xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah, halka dable xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) lagu xukumay hal sano oo xabsi ciidan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay dhaawac iyo dhac. Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) oo eedeysane ahaa ayaa maxkamaddu siisay xorriyadiisa. Xukunadan waxaa warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST
-
Kabtanka diyaarad helicopter ah oo u dhashay dalka Ukraine, kana mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya, ayaa kasoo muuqday muuqaal ay sii daysay kooxda Al-Shabaab, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Ukraine iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay si degdeg ah u bilaabaan wada-xaajood lagu doonayo sii-deyntiisa. Duuliyaha, oo lagu magacaabo Oleynik Aleksandr, ayaa sheegay inuu yahay kabtanka diyaarad helicopter ah oo Qaramada Midoobay heshiis kula jirtay, taasoo lagu qasbay inay si degdeg ah u degto bishii Janaayo 2024, kaddib markii ay la kulantay xaalad degdeg ah, kuna degtay dhul ay maamusho kooxda Al-Shabaab. Muuqaalkan, oo ay baahiyeen garabka warbaahinta Al-Shabaab ee Kataib, ayaa muujinaya Aleksandr oo si toos ah ula hadlaya kaamirada, kana codsanaya gargaar degdeg ah. Aleksandr wuxuu sheegay inuusan ahayn nin xor ah, balse uu yahay maxbuus dagaal oo ay haystaan Al-Shabaab. Wuxuu intaas ku daray in isaga iyo shaqaalihii la socday ay fulinayeen duulimaadyo caafimaad oo daad-gureyn ah, si ay u taageeraan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku jiray howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasoo socday bartamihii 2022 illaa horraantii 2024. “Bishii Janaayo 2024, anagoo ku sugnayn gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayaa xaalad degdeg ah na soo wajahday, taasoo nagu qasabtay inaan ku degno dhul ay maamusho Al-Shabaab,” ayuu yidhi Aleksandr. Fiidiyowga, wuxuu si gaar ah codsi ugu diray Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, isagoo ka dalbaday inuu adeegsado cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed si loo helo sii-deyntiisa. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Ukraine inay kiiskiisa kor u qaadaan, si aan loo illoobin. “Fadlan u adeegso saameyntaada si loo bilaabo wada-xaajood lagu doonayo sii-deyntayada,” ayuu yidhi. Aleksandr ayaa sidoo kale baaq u diray Qaramada Midoobay, isagoo carrabka ku adkeeyay in xilliga la qabtay uu ku guda jiray waajibaad rasmi ah oo hoos imanaya hay’addaas. “Waxaan la hadlayaa Qaramada Midoobay, maaddaama aan howsheenna ku gudanayay calankeeda iyo magaceeda. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, annaga ayaa halkan noogu soo dirtay. Maanta se, waxaan u baahan nahay ilaalin iyo gargaar degdeg ah,” ayuu yidhi. Wuxuu intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay mas’uuliyad ka saaran tahay badbaadinta qandaraasleyaasheeda lagu afduubto howlgalada nabadeynta. Farriin qiiro leh oo uu u diray Xoghayaha Guud, ayuu ku yidhi: “Waxaan kaa baryayaa inaadan indhaha ka qarsan dhibaatada na haysata.” Ilaa hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Ukraine midkoodna si rasmi ah ugama hadlin muuqaalka la sii daayay ama suuragalnimada wada-xaajood la xidhiidha maxaabiistan. Kooxda Al-Shabaab, oo in ka badan toban 15 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, ayaa horay dhowr jeer u adeegsatay muuqaallo ay ku soo bandhigayaan dad ay haystaan, si ay cadaadis ugu saaraan dowlado iyo hay’ado caalami ah. Source
-
Saraakiisha Puntland ayaa qirtay in ay jiraan goobo ku yaalla Calmiskaad oo ay weli ku sugan yihiin Daacish, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay joogaan hoggaamiyeyaasha sarsare iyo maatada kooxdaas. Gaashaanle Jaamac Qorrax Sugulle oo ka mid ah saraakiisha Puntland ee dagaalamaysa Calmiskaad oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Boosaaso ayaa sheegay in ay kooxda Daacish hadda joogaan Baalade hoose, gaar ahaan ceelasha Dallaas iyo Afka Haqay. “Wax yar oo firxad ah ayaa ku dhuumaaleysanaya Baalade hoose, sida ceelasha la yiraahdo Dallaas iyo Afka Haqay. Ilmihii ayay afka ku sitaan, wixii ay hayeena waxay kula dhuumaalaysanayaan togga Baalade” ayuu yiri Kornayl Sugulle. Sarkaalka oo xusay in uu deegaankaas ku dhashay uuna aad u kala yaqaano ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay tagi doonaan goobahaas ayna ka sifeyn doonaan kooxda argagixisada ah ee Daacish. Puntland ayaa dhawaan lix bilood oo dheeri ah ku kordhisay waqtiga howlgalka la dagaalanka Daacish ee Calmiskaad, kaas oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo dhammaadka sanadka 2025. PUNTLAND POST
-
Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo ka soo dagaalamay buuraha Calmiskaad ayaa gadood ka sameeyay degmada Carmo, iyaga oo muujiyay cabasho ay u qabaan maamulka. Ciidamadan oo dhawaan tababar ku soo qaatay degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa tilmaamay in ay ka cabanayaan musuqmaasuq iyo eex lagu sameeyay wixii ay xaqa ugu lahaayeen dowladda. Waxay ku dhawaaqeen in ay ka madax bannaan yihiin dawladda inta laga saxayo cabashadooda, islamrkaasna hab isku tashi ah kaga hawlgalayaan deegaannada Calmiskaad iyo la dagaalanka Daacish. PUNTLAND POST
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasme Cabdi Barre ayaa cayriyay wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Axmed Geesood iyo wasiirkii howlaha guud & guriyeynta Cilmi Maxamuud Nuur. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Jamaal Maxamed Xasan oo hore ugu tartamay xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari u magacaabay wasiirka ganacsiga & warshadaha, halka uu xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf u magacaabay wasiirka howlaha guud & guriyeynta. Wareegtada magacaabista xubnaha cusub ee wasiiradda waxaa akhriyay afhayeenka xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir. PUNTLAND POST
-
Puntland ayaa waaran soo qabasho ah u jartay taliyihii hore ee howlgalinta ciidamada PMPF ee gobolka Raascasayr Axmed Maxamed Jaamac (Jidgooyo), iyada oo lagu eedeeyay burcadnimo iyo dhac hanti dowladeed. Xeer-ilaayaha guud ee dowladda Puntland Axmed Taaraan ayaa warqad uu soo saaray ku amray taliyaha booliska Puntland in uu soo qabto Axmed Jidgooyo oo la sheegay in uu ku sugan yahay gobolka Raascasayr, gaar ahaan degmada Bareeda. Degmada Bareeda waxaa dhawaan lagu dhacay qayb ka mid ah hub hore looga dejiyay markabkii Sea World oo markaan la doonayay in lagu wareejiyo madaxtooyada Puntland. Hubka oo laga soo iibiyay dadkii deegaanka ee hore u dhacay ayay la wareegeen ciidamo ka soo gadooday buuraha Calmiskaad, sida wareysi uu bixiyay ku sheegay Axmed Jidgooyo oo isagu iska fogeeyay in uu wax lug ah ku leeyahay dhacaas. PUNTLAND POST
