-
Content Count
214,717 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Pakistan ayaa kamid noqatay dalalka sida adag uga horyimid tallaabadii xadgudubka ah ee maamulka Israa’iil uu ku aqoonsaday Soomaaliland . War Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Pakistan ayaa u qornaa sidan ” Pakistan waxay si buuxda u taageeraysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku waddo sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen. Waxaan sidoo kale ammaaneynaa dadaallada Imaaraadka Carabta ee arrintan ku aaddan. Waxaan hoosta ka xariiqaynaa baahida loo qabo in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Yemen, waxaana rajeyneynaa in daneeyayaasha Yemen ay ka fogaan doonaan tallaabooyin kasta oo hal dhinac ah oo keeni kara sii xumaansho xaaladda. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada Yemen inay si wax ku ool ah oo niyad wanaag ah uga qayb qaataan xal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo gorgortan ku salaysan oo ku salaysan xuduudaha la isku raacay. Pakistan waxay muujineysaa rajada ay ka qabto dadaallada diblomaasiyadeed ee socda inay ka dhalan doonaan tallaabooyin la taaban karo oo lagu gaarayo nabad waarta oo ka dhacda dalka, iyo in la soo afjaro dhibaatada haysata dadka Yemen”. Source: goobjoog.com
-
Xuseen Sheekh Cali Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Shalay oo ahayd 26kii Diseembar 2026, Israa’iil waxa ay dal ahaan u aqoonsatay maamul loogu yeero Soomaalilaan. Arrin muddo dheer ahayd xanshaashaq ayaa isu beddeshay ficil siyaasadeed oo lagu dhawaaqay. Ma ahayn arrin fahanxumo, xan ama madmadow siyaasadeed ah ku dhacay. Waxa ay ahayd tillaabo loo qasday. In warqaddii aqoonsiga ee Ra’iisalwasaaraha Israa’iil saxiixay loogu mahadceliyay hay’adda Moosaad ma ahayn arrin dhayal ah. Laakiin, ugu horrayn, xaqiiqadu waxa ay tahay waa in la ogaado: tallaabada ay Israa’iil ku dhaqaaqday waxa ay khusaysaa gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya, ma khusayso dawlad madaxbannaan oo gaar ah. Ereyga “Soomaalilaan” waa in loo fahmaa gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya. Xaaladdani waxa ay markhaati ka tahay wareerkii ugu horreeyay waxyaabo aan hore uga digay, taas oo ah sida aysan Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedu ugu diyaarsanayn sida ay uga samatabixi karaan Nidaamla’aanta Cusub ee Caalamka (the New World Disorder). Faahfaahinta nidaam-la’aantan waa ciwaan ka mid ah buuggayga cusub ee Aragtida Dawladnimada. Si kooban, waa xaalad dunidu gashay oo xeerarkii caalamiga ahaa ay daciifeen, ismaquunintii ay xargaha goosatay, dowladaha nuglaa ee iska-dabawareegga ku jirayna ay faragalin shisheeye wajahayaan. Nidaam-la’aantaasi hadda waxa ay soo gaartay Soomaaliya. Muxuu Aqoonsigani Yahay, Muxuuse Ahayn? Aqoonsiga Israa’iil ee “Soomaalilaan” waxaa xasarad-abuur siyaasadeed, balse sharci ahaan waa mid aan jirin. Xitaa haddii ay dowlado kale soo raacaan Israa’iil, oo ah arrin suuragal ah, wali aqoonsiga caynkaas ahi waxa uu xadgudub ku yahay Xeerka Caalamiga ah, mabaadii’da uu ku dhisan yahay Midowga Afrika iyo nidaamka Qaramada Midoobay ee u aqoonsan Soomaaliya hal dal, oo madaxbannaan oo leh xuduuddo dunidu og tahay. Aqoonsiga ay bixiyaan dawlado gaar ah ma keeno sharciyad. Ma abuuro shakhsiyad-daleed oo qaanuuni ah oo caalamku aqoonsan yahay. Waxba uma dhibayo xubinnimada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, sidoo kalana meesha ka saari maayo mabda’a dhowrista madaxbannanida dalalka ee la isla qaatay nidaamkii caalamiga ahaa ee gumaysiga ka dib. In kasta oo uu halis yahay, sababaha kore awgood ayuusan haddana aqoonsiga macno-buuran u sii lahayn. Xaalad-abuur waa la samayn karaan. Buuq iyo sawaxan waa la abuuri karaa. Balse sharciyad qarannimo laguma gaaro sidaas, haddii aysan gabi ahaanba meesha ka bixin dowladda laga go’ayo. Haddaba, halista dhab ahi kuma koobna tallaabada qar-iska-tuurka ah ee Israa’iil. Sidoo kale jawaabta Soomaaliya haddii aan taxadar lagu darin halis baa ka iman karta. Dab Gobolka iyo Meelo Ka Fogba Hulaaqa Ugu horrayn, arrintan soo korortay waa in lagu fahmaa maskax ka ballaaran heer-goboleedka Geeska. Gacanka Badda Cas haatan wuxuu ka mid yahay marinnada ugu halista iyo nugaylka badan adduunka. Aragti walba, ha ahaato mid xaqiiqo ah ama buunbuunin ah, oo ay Israa’iil siyaasada ahaan ama istiraatiiji ahaan uga samayso gobolka Afrika ee xiga Baabul-Mandab, waxa uu saamayn ku yeelan doonaa meelo ka baxsan Soomaaliya. Dhinacyo kale oo laga xusi karo Xuutiyiinta ayaa marmarsiiyo u heli doona in ay tallaabooyin qaadaan. Dawlaha saamaynta leh ee heer gobolka, oo ay ka mid yihiin Sucuudiga iyo Masar, arrintan waxa ay ku eegi doonaan muraayado ku qotama amniga Badda Cas, isku-dheellitirka awoodaha gobolka, iyo tartan. Geeska Afrika kama badqabo qalalaasaha ka aloosan Bariga Dhexe, muddooyinkii u danbeeyayna wuuba soo gaarayba. Sidaas awgeed, Soomaalida waxaa la gudboon in ay si dhab ah naftooda ugu diyaariyaan xaaladdan. Waa suuragal in cadaadisyadu intaan ka sii bataan. Khataraha dhaqaale, kuwa amniga iyo culaysyada siyaasadeedba intaba waa suuragal in ay kordhaan. Sidaas oo ay tahay, taariikhda waxaan ka baran karnaa arrin xaqiiqo ah: dawladaha ay xaaladahan oo kale la soo darsaan ee iskuduubni la yimaada way xoogaystaan. Balse kuwa cabsada, kala daata ama siyaasado iska-dabawareeg ah ku mashquula way burburaan. Soomaaliya waa inay Masuuliyadda Qeybteeda Qaadataa Falcelin qaran oo dhab ah waxa ay u baahan tahay daacadnimo iyo isdhiibid-la’aan. Midnimada Soomaaliya uma ay dhantaalmin si soobooddo ah. Waxaa dhaliyay xasuuqyo taariikhda ku xusan oo uu Taliskii Milateriga ka gaystay Gobollada Waqooyi, kuwaas oo ka tagay nabarro waaweyn. Waxaa dhaliyay sanado badan oo faquuq, kala’aaminbax, iyo iyada oo lagu guuldarraystay in nabarradaas la dhayo. Dhab ahaan tabashooyinkaasi waa gar, waana in laga garaabo. Sidaas oo ay tahay, masuuliyadda Soomaaliya kali ah kuma eka in ay taariikhdii la soo maray ka garowdo. Soddonkii sano ee la soo dhaafay xukuumadihii isaga danbeeyay Soomaaliya waxa ay ku guuldarraysteen in ay gobollada Waqooyi-Galbeed siiyaan mudnaan qaran oo istiraatiiji ah. Haba yaraatee ma aysan jirin siyaasad qaran oo hadafkeedu yahay in muwaadiniinta Waqooyi dib loogu soo celiyo ujeeddo cad oo heshiis lagu yahay oo dastuuri ah. Dawladdu way iska indhatirtay, iyada oo u haysata in wakhtigu daawayn doono kalaqoqobnaanta, xaaladduna si iskeed ah isaga xalismi doonto. Waxaa iska khalday iska-indhatirka iyo dulqaadka. Muddo ka dib, tabashooyinkii sharciga ahaa waa laga badbadiyay, waa la siyaasadeeyay oo la xagjireeyay. Codkii doonista caddaaladda ahaa waxaa loo rogay aragti goosato, oo ay gadaal ka riixayaan fursado bannaanka laga soo minguuriyay iyo iscajabin gudaha ah. Hal arrin waa xaqiiqo aan waxba laga beddeli karin: beesha Isaaq waa Soomaali iyo Muslim dhab ah. Ma aha dadka kaliya ee doonaya in dagaalsiyaasadeedku gooni u soocdo. In badan oo ka mid ah dhab ahaan way ka soo horjeedaan ficillada Israa’iil, si gaar ah xilligaan oo ay ku eedaysan tahay, qiyam ahaan iyo caalami ahaanba, jariimooyinka ay Qasa ka gaysatay. Intaa waxaa dheer in aysan ku farxi doonin in doonista Israa’iil ee ah in ay Falasdiiniyiinta dhulkooda u soo barakiciyaan. Isa-seegga u dhexeeya siyaasiyiinta dabo socda danaha siyaasad-goboleedka (geopolitics) iyo mooraalka shacabweynaha wuxuu wiiqayaaa mashruuca gooni-goosadka. Dareenka iyo cabsida aan qabo waa in xaaladdan si aan munaasib ahayn loo galo, taas oo dhalin karta dhibaato weyn. Xanaaqa iyo bahdilaadda ay muwaadiniinta Soomaaliyeed dareemayaan, oo ay beesha Isaaqi ku jirto, waxaa laga yaabaa in uu burburo haddii ay waayaan hoggaan dowladnimo oo ku haga aragti cad iyo xilkasnimo. Dhanka kale, xaaladdan oo kale ururrada xagjirka ah sida Alshabaab waxaa laga yaabaa in ay isku dayaan in ay ka faa’iidaystaan talaxumada Israa’iil ku dhaqaaqday, iyaga oo isku walaaqaya diin iyo waddaniyad bug ah, iskana dhigaya in ay yihiin cidda kali ah ee wajihi karta faragalinta shisheeye. Taariikhdu waxa ay ina baraysaa marka ay dowladuhu ka labalabeeyaan ama ku guuldarraystaan in ay bixiyaan jawaabo maangal ah, qaar ka mid ah waddayiniyiinta aan asal ahaan rabshado ka shaqaynin ay isu beddelaan kooxo hubaysan. Ma aha sabab aydhiyoolajiyeed awgeed, balse waa sabab niyadjab. Taasi waa natiijada dhabta ah ee ay tahay in ay Soomaaliya ka digtoonaato, iyada oo la adeegsanayo hoggaamin suubban, isku-duubni iyo xilkasnimo qaran. Muqdisho Weli Fursado ayay Haysataa In kasta oo ay anfariir tahay xaaladdani, haddana Soomaaliya awood la’aan ma aha. Laakiin awooddaasi waxa ay macno yeelanaysaa marka si miyir qabta looga faa’iidaysto. Waajibka koowaad ee Dawladda Soomaaliya waa in la raadiyo midnimo ujeeddo ku dhisan, oo aan ahayn laab-la-kac, farriimo maran ama ku sii nagaashaha xaaladdii lagu jiray. Waa in tallaabadani ka bilaabataa gudaha. Soomaaliya waa in ay si degdeg ah u dhammaysaa masraxa siyaasadeed ee iska-dabawareegga ah ee doorashada. Dhabtii, Soomaaliya way u baahan tahay doorashooyin, balse waa in ay noqdaan kuwo heshiis lagu yahay, ee aan lagu kala fogaanayn. Madaxweynuhu waa in uu garabyada mucaaradka ugu yeeraa wadahadallo dhab ah, kuwaas oo dhabbada u xaaraya doorashooyin hufan iyo in xukunka la isugu wareejiyo si hufan. Inta arrintaas lagu jiro, dalku waa in uu mid ka ahaadaan hal ujeeddo oo muhiim ah, taas oo ah difaaca madaxbannaanida iyo ka hortagidda hagardaamada shisheeyaha. Doorashada Xukuumadda ka dhalata, ciddii doontaba ha hoggaamisee, waa lama huraan in lagu dhiso midnimo qaran, ka-go’naansho, iyo waddaniyad. Arrimahaas la’aantood waxba kaararka dublumaasiyadeed ma tari doonaan. Gunaanad Aqoonsiga Israa’iil ay siisay “Soomaalilaan” ma qeexi doono mustaqbalka gobollada Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya. Balse waxa uu bannaanka keenay khasaaraha ka dhasha iscajabinta istiraatijiyadeed ee waddan sameeyo. Qawlaysatanadan Caalamka la iskula bareeray, madaxbannaanida laguma difaacdo nugayl, ee waxaa lagu difaacaa ka-go’naasho. Marna gacan shisheeye ma kala goyn karto dal taladiisu ku dhisan tahay is-oggolaansho. Sidoo kale, ma jiro mabda’ caalami ah oo dowlad kartixumo iyo basarxumo isku darsatay badbaadin kara. Waa in aan taxaddarno. Waa suuragal in arrimuhu xumaadaan ka hor inta aysan fiicnaan. Arrimuhu haatan waxa ay hagaagi karaan haddii ay Soomaalidu gacmaha is qabsado oo sarakacdo. Waxaa la marayaa xaalad adag oo la ina tijaabinayo. Waxaa la eegi doonaa in aan si karti leh xaaladda u wajahno, ama iska indhatirno sidii dhici jirtay. Source: goobjoog.com
-
Irshaad M. Daahir (Tubeec) Falanqeeye Siyaasadeed & Xeeldheere Siyaasadda Guud Hal saxiix dal ma dhalo! Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan, keligiis kuma filna in ay hesho aqoonsi caalami ah iyo dal madaxbannaan. Xiriirka caalamiga ah marka la joogo, dal waxaa lagu aqoonsadaa taageero ballaaran oo ka timaadda dalal badan, gaar ahaan kuwa awoodda leh iyo ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay (QM), Midowga Afrika (AU), iyo Ururka Midowga Yurub (EU). Tani waxay sidoo kale u baahantahay rabitaanka shacabka iyo dowlaha kala go’aya (tan danbe ayaa awoodda u badan leh). Dhanka kale, maadaamma Soomaalilaan ku taallo Afrika, Midowga Afrika wuxuu door weyn ka ciyaaraa arrimaha aqoonsiga dalalka Afrika. sidaas darteed, aragtida Midowga Afrika iyo dalalka deriska ah sida Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya waa arrin aad muhiim u ah in la helo oggolaanshahooda iyo aqoonsigoodaba. Haddii Israa’iil ay kaligeed aqoonsato Soomaalilaan, balse Midowga Afrika iyo dalalka Afrika intooda kale ay ka gaabsadaan, aqoonsigaasi wuxuu ahaanayaa mid xaddidan oo aan wax badan ka beddelin xaaladda caalamiga ah ee Soomaalilaan. Si aan arrintaas dhab ugu fahanno aan isla dhuganno tusaalayaashan dhawrka ah: Tusaalaha 1aad: Falastiin waxaa aqoonsaday in ka badan 130 dal, haddana weli ma ahan xubin buuxda oo QM ah sababo la xiriira diidmada iyo saameynta dalal awood leh. Tani waxay muujinaysaa in aqoonsi badanba mararka qaar uusan ku filnayn, marka ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo istiraatiiji ah. Tusaalaha 2aad: Waa Taiwan, oo leh dowlad shaqeyneysa, dhaqaale xooggan, iyo xiriir ganacsi oo caalami ah, haddana waxaa si rasmi ah u aqoonsan dalal aad u yar. Waloow ay taageero ka hesho dalal saameyn leh, haddana cadaadiska siyaasadeed ee Shiinaha awgiis, Taiwan weli ma helin aqoonsi caalami ah oo buuxa. Tani waxay muujinaysaa in danaha awoodaha waaweyn iyo siyaasadda caalamiga ahi ay ka miisaan culus yihiin aqoonsiga hal dal. Dhanka kale, sharci ahaan, aqoonsiga hal dal keligiis kuma filna in dal cusub uu helo aqoonsi buuxa. Xeerarka xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Montevideo (1933), waxay dhigayaan in dal jiritaankiisu ku xirnaado afar shardi: dhul qeexan, dad joogto ah, dawlad shaqaysa, iyo awood uu kula xiriiro dalalka kale. Inkasta oo Soomaalilaan ay buuxin karto qaar ka mid ah shuruudahan, misana aqoonsiga caalamiga ah wuxuu weli u baahan yahay oggolaansho ka baaxad weyn inta ay haysato. Tusaale kale oo sharci ah waa Kosovo, oo aqoonsi ka heshay dalal badan, balse weli ma ahan xubin QM, sababtoo ah diidmada qaar ka mid ah dalalka awoodda leh. Sidaas daraaddeed, xitaa haddii Israa’iil ay aqoonsato Soomaalilaan, aqoonsigaasi sharci ahaan ma beddelayo xaaladda Soomaalilaan ilaa ay ka hesho taageero ballaaran oo caalami ah, gaar ahaanna ururrada caalamiga ah Midowga Afrika, Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay. Gabagabo Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan wuxuu horseedi karaa qalalaase amni, xasilloonidarro siyaasadeed iyo kalafogayn bulsho oo hor leh in ka badan inta uu faa’iido u yahay labada dhinac ee wax isla meeldhigay. Sababtuna waa: sida aan wada ogsoonnahay waxa dalka Soomaaliya ka jira ururro argaggixiso oo ka faa’iidaysta dareennada noocaas ah, dhanka kalana kuwo kale ayaa gobolka ka jira oo awood toos ah u yeelan kara inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed iyo kuwo dariskaba. Haddaba, aqoonsigaas dacar mooyee, daawo u keeni u maayo Soomaalilaan iyo Geeskaba. Sida aan kor ku sheegayna ma bixin doono madaxbannaani buuxda oo timirtii horaba dab loo waa; oo macneheedu yahay: dalalkii hore ayaa hal taaj aqoonsi buuxa ku heli lahaa Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka. Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan. Source: goobjoog.com
-
Why Somaliland Deserves Recognition from Israel-explained. This is peak hypocrisy. The same Muslim Brotherhood–aligned government in Mogadishu now loudly protesting Israel over Somaliland is the very same government that was quietly begging Israel in 2023 to join the Abraham Accords—and again in May 2025, lobbying Washington and Tel Aviv to use normalization as leverage to block Somaliland’s recognition. The receipts are public: Meetings, emails, and requests with U.S. congressional staff, the NSC, and Israeli-linked policy circles—all aimed at one goal: trade normalization with Israel for political survival. Now suddenly they’ve discovered “principle.” Let’s be honest about the real argument they’re making: They claim that if Somaliland is recognized, Somalia will become a failed state again. That’s not a legal argument—it’s an admission of weakness. A state that survives only by denying others recognition is already failing. Enough is enough. Somaliland was sovereign on June 26, 1960. Recognition isn’t a gift—it’s a restoration. December 26, 2025, should mark the end of this hostage politics. The truth is simple: What threatens these mullah politicians isn’t Israel. It isn’t international law. It’s losing the leverage of forced unity. And that’s why recognition terrifies them. GuledWiliq @GuledWiliq Qaran News
-
WQ: Ayuub Jafaal Sharciyaqaan iyo Suxufi Si aan u fahanno waxa uu ka dhigan yahay aqoonsiga maamulka Soomaalilaan ee Israa’iil, waa in aynu marka hore fahan ka haysanno waxa uu sharciga caalamiga ah ka qabo, aqoonsiyada caynkan ah. Waxaa jira dawlado faro badan oo iskudayay inay ka go’aan “dawladihii hooyo” (mother states) ee ay ka tirsanaayeen, oo aynu tusaale usoo qaadan karnaa, South Sudan, Kosovo, Taiwan iyo Ruushka oo goostay gobollo ka mid ah dalka Ukraine, se aan ku guulaysan aqoonsi caalami ah oo sharci ah, maxaa yeelay arrin sahlan maaha in ay aqoonsi helaan dawladaha goonni u goosadka ah, haba jireen sababo siyaasadeed ama istiraatiiji oo gadaal ka riixa ka guulgaaridda helitaankooda aqoonsi buuxa oo caalami ah, haddana sababahaasi ma aha kuwo ku filan ka *****nta riyadooda. Waxaa jira mabaadii’ asaasi ah oo uu jideeyay Cahdiga Qaramada Midoobay gaar ahaan Qodobkiisa 1(2) oo dhigaya Xaqa Aaya-ka-tashiga iyo Ilaalinta Midnimada Dhuleed ee Waddamada, sidaas daraaddeed, maamullada ku dhawaaqa goonni-isu-taagga (self-declaration) sida Soomaalilaan oo kale, si ay ugu soo biiraan saaxadda caalamiga ah, waa in maamulladaasi jid sharci ah u maraan goonni-isu-taaggooda, oo micnaheedu yahay, in “dawladda hooyo” (mother state) ee ay ka tirsan yihiin u oggolaadaan go’itaanka, waana habka ugu fudud ee ay u mari karaan dawladahaasi aqoonsi miradhal leh. Laga yaabee in aad isweydiinaysid, haddii Cahdiga Qaramada Midoobay uu jideeyey xaqa aayo ka tashiga, waa maxay sababta xaqaas loo dabray? Waxaan oran karnaa sababta arrintan loo dabray waa in laga hortago in sidii tusbax furtay oo kale goonni-u-goosadku bato, maadaama oo arrintaasi dhali! karto khalkhal ku yimaadda nidaamka caalamiga ah. Haddaba, kiiska Soomaalilaan ee ah aqoonsiga Israa’iil ma aha mid sal sharci ah leh, aqoonsiyada noocan ah waxaa lagu magaaabaa: aqoonsi hal dhinac ah (unilateral recognition), waana aqoonsi aan waxba kaga duwanayn khad warqad lagu dhigay ama aan sal u noqon korin kal-buuxsanka iyo dhammaystiranka dawladnimo ee maamulkaas, saaxadda caalamiga ahna waxba ugama goyn doono! Tusaale ahaan, dalka Kosovo oo ka goostay, dalka Serbia sannadkii 2008, ayaa aqoonsi hal dhinac ah ka helay waddamada reer Galbeedka, laakiinse arrintaasi uma sahlin in Kosovo noqoto waddan buuxa oo kursi ku leh Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa, waxaynu sidoo kale tusaale u soo qaadan karnaa Falastiin, oo aqoonsi ka haysata tiro ilaa 100 dawladood ah, se aan ilaa immika haysan aqoonsi buuxa oo dawladnimadeed dhammaystira. Dhanka kale, waddanka South Sudan oo ah waddan lagu tilmaamo guridanbayska caalamka ayaa sannadkii 2011kii helay aqoonsi caalami ah, oo u sahlay inuu noqdo waddan sharci ah, kursina ku leh Qaramada Midoobay, iyo ururrada gobolka, sida Midowga Afrika, aqoonsiga South Sudan ayaa ku yimid xaalad ka duwan xaaladihii aynu kor kaga soo hadalnay, taasoo ah inuu helay aqoonsi laba dhinac ah (biletral recognition) oo micnaheedu yahay la dib kolkii uu ku dhawaaqay xaqiisa aaya-ka-tashiga, in “dawladdii hooyo” (mother state) ee uu asal ahaan ka tirsanaa waa dalweynaha Suudaan e, uu oggolaaday xaqiisa aaya-ka-tashi. Gabagabadii, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu si cad uga hadlayaa midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida dalka, sida ku cad 1aad, 4aad, iyo 7aad, in muwaadinku u ololeeyo kalago’a dalka ama hanbalyeeyo ku xagudubka madaxbannaanida iyo wada jirka dalka, waxay ka dhigan tahay khiyaano qaran oo ay tahay in lagu maxkamadeeyo. Source: goobjoog.com
-
Israa’iil mar labaad mahadsanid. Waxa ay ahayd 26kii Juun 1960kii markii Jamhuuriyada Somaliland ay Ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska, xiligaa oo ay Jamhuuriyada Barakaysani Kusoo biirtay wadamada aduunka Ka jira. Waxa se Judhiiba ugu hor ictiraafay Dawlada Israa’iil oo noqotay 1960kii Dawladii ugu horaysay ee ictiraaftay aduunka. Waxa dhacday in Jamhuuriyada barakaysani madaxbanaanideedii Ku khamaartay markii ay yidhaahdeen, hal dawlad oo ay heysteen, aynu Shan dawladood Ku raadino, se ay haleeshay Wax badso wax beel ayey tartaa!, markii iyagii Dawladoodii ugu horeysay shanta ay Ku waayeen!. Duurgal iyo Dirir dabadeed Alle wuxuu Ku guuleeyey inay dib u hantaan dalkoodii, iyaga oo mudo dhan Dhowr iyo sodon sanadood Mudo kor martay ay baadi goob u galeen sidii ay markale u heli lahaayeen, Dawladoodii Sibiqda kaga baxday ee ay sahalka Ku waayeen ama walaaladaa ardaa wada kulaala aafadu Ka gaadhay. Hadana maanta oo Xiligaa hore ee aafadu kasoo gaadhay Walaalo-doonka ay kasoo wareegtey mudo 65 sanadood ah, se xiligii ay raacdada rogaal celiska ah ay u galeen dib u hanashada dalkii ay lumiyeen hada laga joogo 35 sanadood, ayaa markii aduunku Ka dhabar adaygey, waxa markale si-dhiiran ugu soo baxay oo u hor ictiraafay Dowlada Israa’iil, waana mid aanu ugu mahad naqayno sida hagar la’aanta ah ee markii hore iyo iminkaba noogu soo baxeen, Waana mid aanu Abaal idiinku hayno dhamaan Dawlada iyo Shacabka reer Israa’iil, waxaana leeyahay Israa’iil mar labaad mahadsanid. Mar wax kutare, laba goor wax kutaraa kasii mudan, taana waan idiin ognahay. Qadar Hooyoley qadarnimcoqadija@gmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xiriirro diblumaasiyadeed oo heerkiisu sarreeyo la sameeyey hoggaamiyeyaasha ugu horreeya ee Gobolka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika. Wada-hadalladan oo dhacay maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Diseembar, 2025, ayaa ujeedkoodu ahaa in looga falceliyo xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kaas oo uga yimid dhinaca Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda. Madaxweynaha ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto oo hoggaamiya dalladda EAC, Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Intii ay wada-hadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashan ayaa muujiyey mowqif adag oo mideysan, iyagoo si aan gabasho lahayn u caddeeyey inay barbar taagan yihiin qarannimada iyo midnimada dalka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana ka horimaneysa mabaadi’da aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Dadaalladan diblumaasiyadeed ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay adeegsato dhammaan dariiqyada sharciga iyo siyaasadda ee caalamiga ah si loo difaaco sharafta iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kalena laga feejigan yahay wax kasta oo dhib u keeni kara xasilloonida guud ee gobolka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Qatar ayaa si cad uga hortimid ku dhawaaqista aqoonsiga labada dhinac ee u dhexeeya mas’uuliyiinta guumaysiga Israa’iil iyo gobolka Somaliland. War Saxaafadeed ay soo saartay dowladda Qatar ayaa lagu yiri” Dowladda Qatar waxay si cad u diidaysaa ku dhawaaqista aqoonsiga labada dhinac ee u dhexeeya mas’uuliyiinta qabsashada Israa’iil iyo gobolka Somaliland, waxayna xaqiijinaysaa in tallaabadani ay tahay tallaabo khatar ah iyo tallaabo hal dhinac ah oo ka soo horjeeda mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ee walaalaha ah ee Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku nuuxnuuxsanaysaa diidmada Dowladda Qatar ee isku dayga lagu dhisayo ama lagu soo rogo hay’ado is barbar socda oo wiiqaya midnimada Soomaaliya, iyadoo xaqiijinaysa taageerada buuxda ee ay u hayso hay’adaha sharciga ah ee dawladda Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Iyo inuu ilaaliyo danaha dadkiisa walaalaha ah. Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in mas’uuliyiinta qabsashada Israa’iil ay tahay inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, oo xuquuqdeeda ah inay ka dhisto dalkeeda madaxbannaan dhulkeeda qaran ay si wadajir ah ugu heshiiyeen bulshada caalamka, iyo inay ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda Marinka Gaza si waara, halkii ay sii wadi lahaayeen inay wiiqaan sharciyadda caalamiga ah iyo inay raacaan siyaasadahooda aan taxaddarka lahayn ee gacan ka geysta hurinta xiisadda iyo xasillooni darrada gobolka. Wasaaraddu waxay ku celinaysaa mowqifka adag ee Dowladda Qatar ee ku aaddan taageerada madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeysaa in la raaco sharciga caalamiga ah iyo in la ixtiraamo qaraarrada caalamiga ah ee sharciyeynta. Waxay sidoo kale dib u cusboonaysiinaysaa baaqeeda ku aaddan dadaallada caalamiga ah ee wadajirka ah si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika”. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Ciraaq waxay si adag u cambaareysay aqoonsiga uu nidaamka Israa’iil u fidiyay waxa loogu yeero “Somaliland”, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid ka horimanaysa mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo xadgudub badheedh ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Ciraaq oo hadda haysa hoggaanka wareegtada ee Jaamacadda Carabta waxay caddeysay in go’aankaas uu khatar toos ah ku yahay amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika uuna sii murjinayo xaaladaha gobolka, iyadoo loogu baaqay beesha caalamka iyo ururrada caalamiga ah inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta sharciga iyo difaaca madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro), ayaa xalay kulan deg-deg ah la qaatay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore, Shir-guddoonka labada Gole Qaran, hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray aqoosniga ay Somaliland ka heshay Israel, kaas oo shalay dhacay, kadib heshiis ay gaareen labada dhinac. Ugu horreyn Madaxweyne Cirro ayaa si faahfaahsan uga xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi-socodka ictiraafka Somaliland, iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee horseeday in Israel ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in ictiraafkan yahay mid midho-dhal u ah halgankii dheeraa ee Qaranka Somaliland, isla markaana u baahan midnimo Qaran, talo-wadaag iyo masuuliyad wadajir ah si fursaddan taariikhiga ah loo xoojiyo loona arko guul wayn oo u soo hoyatay dadka iyo dalka JSL. Dhankooda kulanka waxa iyaguna hadallo kala duwan madasha ka jeediyey Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland oo dhammaantood Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeeyay ka miro dhalinta aqoonsiga Somaliland, waxana ay ku baaqeen in Xukuumadda la isbar-bar taago, lana muujiyo midnimo Qaran, sidoo kalena Bulshada JSL la wacyigeliyo laguna baraarujiyo in ay ku fara adaygaan guusha taariikhiga ah ee mar kale u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka oo ku soo dhammaaday is-afgarad guud iyo taageero Qaran ayaa waxaa xigay shir kale oo aan caadi ahayn oo Madaxweynaha Somaliland isugu yeeray Golaha Wasiirrada, kaasi oo si gaar ah loogu lafo guray arrimaha la xiriira aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland. Fadhigan ayaa waxa lagu qiimeeyay marxaladda cusub ee taariikhiga ah ee uu dalku galay, dejinta istiraatiijiyad Qaran oo ku wajahan Amniga, ka faa’iidaysiga fursadaha la socda aqoonsiga, xoojinta Hay’adaha Dawliga ah, iyo dar-dargelinta xagga diblomaasiyadda, iyo fursadaha dhaqaale ee ka dhalanaya aqoonsiga, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen golaha. Ugu dameyn Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in arrintani tahay masuuliyad Qaran oo u baahan in lagu qaabilo midnimo, isku-duubni iyo wada-shaqayn buuxda, isla markaana ay Xukuumaddu si midaysan ugu hawlgasho ilaalinta danaha Qaranka & xaqiijinta himilooyinka Somaliland. The post Cirro oo tallaabo kale qaaday kadib aqoonsiga ay ka heleen Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay maanta oo Sabti ah si rasmi ah u shaaciyaan natiijada horudhaca ah ee doorashadii golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo dhacday 25-kii bishan Diseembar. Doorashadan oo ahayd tii ugu horreysay ee “Qof iyo Cod” ah oo ka dhacda caasimadda muddo ka badan nus qarni, ayaa waxaa si weyn u sugaya shacabka Soomaaliyeed iyo ururada siyaasadda ee tartamayay. In ka badan 1,600 oo musharax oo ka kala socda 20 urur siyaasadeed ayaa u tartamayay 390 kursi oo ay ku tartameen 16-ka degmo ee gobolka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Kuwait ayaa si cad u diidday tallaabada ay maamulka Israa’iil ku sheegeen aqoonsiga Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, iyadoo arrintaas ku tilmaantay mid si toos ah uga hor imaneysa sharciga caalamiga ah. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait, Sabtidii, ayaa lagu sheegay in aqoonsi hal-dhinac ah oo noocan ah uu jebinayo xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah, isla markaana uu dhaawacayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaraddu waxay mar kale adkaysay in Kuwait ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya guud ahaan dhulkeeda, isla markaana ay si adag uga soo horjeeddo siyaasad kasta oo wiiqaysa qaranimada Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Kuwait ayaa muujisay garab-istaaggeeda buuxa ee hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadaallada lagu ilaalinayo midnimada, xasilloonida iyo sharcinimada qaranka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dadka Dibadda ku maqan waxay xaqiijisay taageerada buuxda ee Boqortooyada ee madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ee walaalaha ah ee Soomaaliya, iyo diidmadeeda buuxda ee ku dhawaaqista aqoonsiga labada dhinac ee Israa’iil iyo gobolka Somaliland, taasoo ah xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay iyo xadgudub ku ah madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ee walaalaha ah ee Soomaaliya. Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda, Ambassador Fouad Al-Majali, ayaa xaqiijiyay in Boqortooyadu ay si buuxda u diidantahay isku day kasta oo lagu doonayo in lagu soo rogo hay’ado is barbar socda oo khatar ku ah midnimada Soomaaliya iyo sharafta dhulkeeda ee Soomaaliya. Jordan ayaa taageero u muujisay hay’adaha sharciga ah ee dawladda Soomaaliya, ayadoo sheegtay inay danaynayso inay ilaaliso xasilloonida Soomaaliya iyo dadkeeda walaalaha ah, iyo inay diidayso tallaabooyin kasta oo bartilmaameedsanaya midnimadeeda oo wiiqaya amnigeeda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay wada-hadal deg-deg ah oo khadka taleefoonka ah la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Wada-hadalkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira tallaabada Israel oo shalay ku dhawaaqday in aaqoonsatay Somaliland. Madaaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha uu la xiriiray si gaar ah ugala hadlay sidii loo qaadan lahaa mowqif mideysan oo qaran kuna aadan go’aanka qaraar ee kasoo baxay Israel, maadaama uu halis ku yahay midnimada dalka. Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow wada-hadalka dhacay ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu sidoo kale xubnaha mucaaradka ku casuumay xarunta Madaxtooyada, si ay u yeeshaan wada-hadallo toos ah oo ku aadan xaaladda soo korotay. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan jawaab laga sugayo xubnaha Samatabixinta oo maanta go’aan ka gaari doono dalabka uga yimid Xasan Sheekh, waxayna u badan tahay inay aqbalaan soo jeedinta Madaxweynaha. Sidoo kale, waxaa jiri doono dood adag oo ku saabsan ajendaha kulanka, gaar ahaan in la kala hormariyo arrimaha qaran iyo qodobkii rasmiga ahaa ee loogu yeeray, si ay go’aan mideysan uga qaataan aqoonsiga Israel ee Somaliland. Dowladda Federaalka oo xalay jawaab rasmi ah soo saartay ayaa go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada. Mucaaradka ayaa dhankooda tallaabada ay qaadday Israel ku sheegay mid meel ka dhac wayn ku ah madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga QM iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha. The post Xogta wada-hadal dhex-maray Xasan, Farmaajo iyo Madasha Samatabixinta appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxa Isgaarsiinta Madaxtooyada Türkiga, Burhanettin Duran, ayaa si adag u cambaareeyay hadalka Israa’iil ee ku saabsan aqoonsiga madaxbannaanida Soomaaliland, isaga oo ku tilmaamay tallaabo si cad ugu xadgudbeysa sharciga caalamiga ah. Duran ayaa sheegay in go’aankan uu faragelin toos ah ku yahay arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu si toos ah u beegsanayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, taas oo khatar gelinaysa xasilloonida jilicsan ee ka jirta Geeska Afrika. wuxuu intaas ku daray in mowqifkan uu ka mid yahay waxa uu ku tilmaamay siyaasad mas’uuliyad-darro ah oo ay qaadato xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, taas oo, sida uu sheegay, leh taariikh madow oo ku saabsan xasuuq iyo gumeysi, isla markaana dhaawacaysa dadaallada lagu doonayo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka. Burhanettin Duran ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaataan mowqif mideysan oo ka dhan ah tallaabooyinka noocan ah, kuwaas oo uu sheegay inay sii hurinayaan xiisadaha, islamarkaana kordhinayaan khataraha amni ee ka taagan Geeska Afrika. Ugu dambeyn, Dowladda Türkiga ayaa mar kale si cad u xaqiijisay in ay si buuxda oo go’aan adag leh u sii wadi doonto taageerada ay u hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo garab istaagaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Urur goboleedka dalalka bariga iyo Geeska Afrika ee IGAD ayaa si weyn uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland. IGAD ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda adag ee ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo dhul-weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib horumaro dhawaanahan ka dhacay Geeska Afrika. War-saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socday wararka la xiriira sheegashooyinka ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee ay sheegtay dowladda Israa’iil. IGAD waxay ku adkaysatay in Soomaaliya ay tahay dowlad xubin ka ah IGAD oo leh qaranimo buuxda, islamarkaana midnimadeeda iyo xuduudaheeda ay si buuxda u aqoonsan yihiin shuruucda caalamiga ah. Xoghaynta IGAD ayaa tilmaantay in tallaabo kasta oo aqoonsi hal-dhinac ah ay ka hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Aasaaska Midowga Afrika, iyo heshiiska lagu aasaasay IGAD, kuwaas oo dhammaantood dhowraya madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka xubnaha ka ah. Sidoo kale, IGAD waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibada caalamiga ah iyo daneeyeyaasha inay dhowraan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wadahadallo iyo hannaano siyaasadeed oo xoojinaya nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka. Ugu dambeyn, IGAD waxay mar kale adkaysay garab-istaagga ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ballan-qaadday inay sii wadi doonto taageerada geeddi-socodyada siyaasadeed ee loo dhan yahay iyo iskaashiga goboleed, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni iyo horumar ka hanaqaada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka IGAD. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland oo xalay howlgal qaaday ayaa soo xiray culimo iyo shaqsiyaad kale oo ka horyimid aqoonsiga Israel oo shalay ku dhawaaqday in ay dal u aqoonsatay Somaliland. Booliska oo ka duulayo arrintaas ayaa soo xiray rag culimo ah oo ka digay in aan lagu deg-degin ictiraafka ay Israel ku dhawaaqday oo si weyn looga dabaal dagay Somaliland. “Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa caawa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad ku eedaysan in ay si cad uga soo horjeesteen aqoonsiga, midnimada iyo jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland. Sidoo kale, wuxuu Booliska sheegay in uu beegsan doono cid kasta oo ay u arkaan inay wax u dhimayaan qaranimada Somaliland, sida lagu cadeeyay warsaaxafadeedka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay kasoo horjeestaan dadka diidan horumarkooda. “Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu adkaynaya in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku hawlan falal wax u dhimaya midnimada, nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland. Sidoo kale, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa in ay si mideysan uga soo horjeestaan shakhsiyaadka noocaas ah, isla markaana la soo wadaagaan Ciidanka Booliska JSL” ayaa mar kale yiri qoraalka. Dhinaca kale, wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo isna qoraal kooan soo saaray ayaa si weyn u difaacay heshiiska ay la galeen Israel ee soo dadajiyay aqoonsiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diin kula heshiin, balse uu heshiiskoodu quseeyo arrimaha siyaasadda oo kaliya. “Israel Diin kulamaanan heshiin ee siyaasad baan ku heshiinay” ayuu yiri wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal. Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal. Si kastaba, Aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland ayaa durbaba la kulmay diidmo xooggan oo caalami ah, waxaana si cad uga soo horjeestay dalal iyo ururro goboleed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana jebinaysa mabaa’diida aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah. The post Somaliland oo xabsiga dhigtay culimo diiday aqoonsiga Israel appeared first on Caasimada Online.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/12/d42a4aadf984b2289fdbb3ac5e8843e3-1.mp4 Qaran News
-
Trump oo sheegay inuu mudnaanta siinayo Gaza. “Ma jiraa qof yaqaanna meesha ay ku taallo Somaliland? Ma aqoonsanayo Somaliland” ayuu yiri. Garoowe (Faallo PP) — Maalin kaddib markii Israa’iil u aqoonsatay Maamulka Somaliland dal xaq u leh aaya-ka-talin. waxaa soo baxaya in aqoonsigu kala kulmay diidmo Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa dhowaan soo saari doona mowqif ay ku taageerayaan midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad uga hor yimid aqoonsiga uu Benjamin Netanyahu ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay heshiis lagu tilmaamo Abraham Accords. “Gaza ayaan mudnaanta siinayaa; ma aqoonsanayo Somaliland” ayuu u sheegay wargeyska New York Post. Aqoonsi la helo macnaheedu ma aha kursi lagu yeesho Qaramada Midoobay. Falastiin waxaa aqoonsaday in ka badan 130 dal; Kosoofo 110 dal baa aqoonsaday. Dalka Shiinaha ayaa ka hor yimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland oo xiriir dhow la leh Taiwan. Dhulalka aqoonsiga helay laakiin aan kursi ku lahayn Qaramada Midoobay. Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi weli si rasmi ah uguma hambalyaynin madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo filaya inuu dhowaan booqasho ku tago Qudus oo ku jirta gacanta Israa’iil. Marka aqoonsi la siiyay dhul uu helo taageerada shanta dal oo leh diidmada qayaxan (Veto power) uun buu dhulkaas noqdaa dal xubin ka Qaramada Midoobay. © Puntland Post, 2025
-
Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyaga oo muujiyay taageero ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Boqortooyada Sacuudiga ayaa garab-taag u muujisay Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imanaysa xeerarka caalamiga ah. Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda ah guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan Israa’iil ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika. Jamhuuriyadda Yemen ayaa iyaguna si cad u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland. Sidoo kale dowladda Kuwait ayaa caddeysay in ay taageero buuxda u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diiday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah, waxayna xustay in garab-taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya. Boqortooyada Urdun ayaa iyaduna xaqiijisay in ay taageeran tahay midnimada iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay. Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa iyaguna si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka. PUNTLAND POST
-
Shicibka dalka Jabuuti oo dabaal degay aqoonsiga Somaliland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/12/b83ee56ffd7f787c9515f4bc82750a7e.mp4 Qaran News -
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/12/5144110ccc22c9e664b3a759d40e145d.mp4 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay qaaday Israel, kuna aqoonsatay Somaliland. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada Israel ay meel ka dhac ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kalena ay kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha. Sidoo kale, waxaa mucaaradka uu si weyn uga horyimid qorshaha la doonayo in shacabka Falastiin loogu soo raro dhul Soomaaliyeed, iyag oo tilmaamay in tallaabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin, kana soo horjeedaan. “Shacabka Soomaaliyeed marna ma aqbali doonaan in shacabka Falastiin la duudsiiyo xaqooda oo dib loo dejiyo dhul Soomaaliyeed, halkii loo celin lahaa xuquuqda sharciga ah ee dalkooda hooyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Waxaa kale oo ay Madasha Samatabixinta farriin cad u dirtay beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo ay ka dalbatay in ay garab istaag buuxa u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka dhiidhiyaan xadgudubka Israel. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxey ugu baaqaysaa Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Qaramada Midoobay in ay garab istaagaan dawlada iyo shacabka Soomaaliya kana hortagaan fal kasta oo xadgudub ku ah midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka ay soo saartay Madasha Samatabixinta. Hadalkan waxaa ka horreeyay jawaab rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka bixisay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, iyada oo tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, oo aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada. Dowladda ayaa sidoo kale ku adkaysatay in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay ilaalinta nabadda gobolka, xasilloonida caalamka, iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan oggolaan doonin tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. The post Mucaaradka oo war culus kasoo saaray aqoonsiga Israel ee Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Sopmaaliland ayaa abuuray buuq diblumaasiyadeed oo xooggan, islamarkaana dhaliyay cambaareyn ballaaran oo ka timid dalal iyo ururro caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u diidday aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo faragelin ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dalka. Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celisay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, islamarkaana aan la aqoonsan karin si ka baxsan rabitaanka qaranka iyo hay’adaha caalamiga ah ee khuseeya. Sidoo kale, ururro goboleed iyo kuwo caalami ah ayaa si wadajir ah uga horyimid tallaabada Israa’iil, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Khaliijka (GCC), iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la ixtiraamo xuduudaha iyo go’aannada caalamiga ah ee jira. Dalal dhowr ah oo saameyn ku leh siyaasadda gobolka iyo tan caalamiga ah ayaa sidoo kale si cad uga soo horjeestay aqoonsiga la sheegay, Shiinaha, Turkiga, Sacuudiga, Masar, Ciraaq, iyo Jabuuti ayaa muujiyay diidmo, iyagoo ku adkeystay in arrinta Soomaaliland lagu xalliyo wada-hadal Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka gaabsaday in Mareykanku qaado tallaabo la mid ah tan Israa’iil, isagoo sheegay in waqtigan aanay qorshahooda ku jirin aqoonsiga Somaliland, balse ay arrinta ka fiirsanayaan. Hadalkan ayaa muujinaya kala aragti duwanaansho weli ka taagan masraxa caalamiga ah, ayadoo ay xusid mudantahay in Israa’iil lafteedu aysan aqoonsi ka haysan in ka badan 30 dal oo taageersan qadiyadda Falastiin, kuwaas oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto. Source: goobjoog.com
