-
Content Count
214,717 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dood siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhalatay wararka sheegaya in Israa’iil ay aqoonsatay Soomaaliland, iyadoo su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo ay tahay in aqoonsiga Israa’iil uu Soomaaliland ka dhigi karo dowlad madax-bannaan oo si buuxda uga mid noqota beesha caalamka. Khabiirro ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda iyo sharciga caalamiga ah ayaa isku raacay in aqoonsiga hal dal, xitaa haddii uu yahay dal saameyn leh sida Mareykanka ama Ruushka uusan ku filnayn in maamul gooni u taagan uu helo sharciyad caalami ah oo buuxda, isla markaana uu noqdo dowlad madax-bannaan marka la eego xeerarka caalamiga ah. Si ay Soomaaliland u gaarto heer dowladnimo oo caalami ah, waxaa lama huraan ah inay hesho aqoonsi ballaaran oo ay bixiyaan hay’adaha muhiimka ah ee caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika, oo leh kaalin muhiim ah oo ku saabsan go’aaminta masiirka xuduudaha dalalka Afrika, iyo sidoo kale dalalka waaweyn ee saameynta ku leh siyaasadda caalamka. Sidoo kale, Soomaaliland waxay u baahan tahay aqoonsi ka yimaada ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo inta badan mowqif mideysan ka qaata arrimaha la xiriira midnimada dalalka xubnaha ka ah, gaar ahaan Soomaaliya. Inkasta oo aqoonsiga Israa’iil uu horseedi karo iskaashi toos ah oo labada dhinac ah dhex mara, sida dhinacyada amniga, ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo beeraha, haddana khubaradu waxay sheegayaan in iskaashigaas uu ahaan doono mid laba geesood ah, balse uu ku ekaan doono xiriir u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, isagoo aan si toos ah u beddeli karin xaaladda sharci ee Somaliland ee heer caalami. Waxaa sidoo kale aqoonsiga Israa’iil waxa uu dhiirrigelin u noqon karo dalal kale inay ku daydaan tallaabadaas, gaar ahaan dalal leh danaha istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdel Aati, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Turkiga iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, si ay uga wada hadlaan xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee sii xumaanaya ee ka taagan Geeska Afrika. Intii lagu jiray wadahadallada, wasiirradu waxay si adag u cambaareeyeen kuna gacan sayreen tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah. Waxay adkeeyeen taageerada buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo dhaawici karta madaxbannaanida Soomaaliya ama wiiqi karta xasilloonida dalka. Sidoo kale, wasiirradu waxay muujiyeen taageerada hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya, iyagoo diiday isku-day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo ka hor imanaya midnimada qaranka. Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu xusay in aqoonsiga gooni-isu-taagga qaybo ka mid ah dalalka uu yahay tusaale khatar ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ka soo horjeeda mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay. Waxaa la adkeeyay in ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dalalku yahay tiir-dhexaadka xasilloonida nidaamka caalamiga ah. Ugu dambayn, wasiirradu waxay si wadajir ah u diideen qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin ee ka baxsan dhulkooda, iyagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi ay si buuxda u diidan yihiin inta badan dalalka caalamka, kuna tilmaamay mid aan la aqbali karin. Source: goobjoog.com
-
The President of Somaliland administration Abdirahman Abdullahi taking a call from Netanyahu earlier today. Garowe (PP Editorial) — Benjamin Netanyahu, the Prime Minister of Israel, who is wanted by the International Criminal Court for war crimes and crimes against humanity, has today claimed that he recognises the Somali secessionist entity, the Somaliland administration, as possessing a right to self-determination. The man held responsible for the killing of more than 60,000 Palestinians in Gaza now seeks to use Somalia as a political gimmick to divert attention from crimes against humanity. The United Nations, the African Union, the European Union and the Arab League will reaffirm the political and territorial unity of the Federal Republic of Somalia. Abdirahman Mohamed Abdullahi, the President of the Somaliland administration, appears to have been deluded into believing that seeking recognition from Israel could facilitate the break-up of Somalia. Netanyahu himself has rejected the Palestinian state recognised by many Western countries, with the exception of the United States. This represents a new phase in the undermining of the global order and a move that risks emboldening predatory states. The reaction of religious elites in Hargeisa to this flimsy gesture of recognition by Netanyahu remains unknown. The crimes committed by Israeli forces in Gaza will be taught in schools across countries where a sense of justice is still valued. Somalia will never accept its name being associated with any attempt by Netanyahu to divert attention from his criminality. His decision to violate Somalia’s sovereignty will only deepen the moral panic that has gripped Western countries in the aftermath of the Gaza genocide. Normalising injustice inevitably leads to ever more heart-rending crimes against humanity. “…what he [the 20th-century Christian bourgeois] cannot forgive Hitler for is not the crime in itself, the crime against man, it is not the humiliation of man as such, it is the crime against the white man, the humiliation of the white man, and the fact that he applied to Europe colonialist procedures which until then had been reserved exclusively for the Arabs of Algeria, the coolies of India, and the blacks of Africa” wrote Aimé Césaire in Discourse on Colonialism. The colonial designs of Netanyahu will not succeed. © Puntland Post, 2025
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada kasoo cusboonaday aqoonsiga Somaliland. Ololahan ayaa imanaya xilli xeero iyo fandhaal kala dhaceyn, ayna Israa’iil si rasmi ugu dhawaaqday inay dal madax-banaan u aqoonsatay Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka telefoonka kula hadlay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Turkiga, Masar iyo Jabuuti. Saddexdan dal ayaa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay taageersan yihiin “Soomaali hal ah”, iyagoo si adag uga horyimid aqoonsiga ay heshay Somaliland. Wasiiradda ayaa sidoo kale waxay adkeeyeen in jebinta midnimada dalalka ay khatar ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxayna si adag u muujiyeen diidmadooda ku aadan qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin, taas oo qeyb ka ah heshiiska Somaliland iyo Israa’iil. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horeysay si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac. Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka. Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv. The post DF oo bilowday olole cusub iyo 3 dal oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Israa’iil waa maamul aan weli aqoonsi ka helin dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan dunida Islaamka, Carabta iyo qaar ka mid ah Afrika, sababo la xiriira khilaafka muddada dheer soo jiitamayay ee Falastiin iyo mowqifyo siyaasadeed oo ku saleysan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Dalalka aan Israa’iil aqoonsanayn waxaa ka mid ah Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Aljeeriya, Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Liibiya, Kuwayt, Pakistan, Afghanistan, Bangladesh, Indonesia, Malaysia, Iran iyo dalal kale oo badan. Dalalkan ayaa si joogto ah u muujiya taageerada ay u hayaan qadiyadda Falastiin, iyagoo Israa’iil ku eedeeya ku xadgudubka xuquuqda Falastiiniyiinta iyo jebinta sharciga caalamiga ah. Wararka la xiriira sheegashada Israa’iil ee ah inay aqoonsatay Somaliland ayaa si weyn u soo jiitay indhaha beesha caalamka, gaar ahaan dalalka aan Israa’iil aqoonsanayn iyo ururrada caalamiga ah, kuwaas oo tallaabadan u arka mid si toos ah u taabanaysa midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dalalkan ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan in aqoonsi noocan ah uu noqon karo tusaale halis ah oo dhiirrigeliya gooni-isu-taagyo kale, taasoo wiiqi karta xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika, oo muddo dheer ku dhisnayd mabda’a dhowrista xuduudihii dalalku lahaayeen xilligii gumeysiga. Khabiirro ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda ayaa tilmaamaya in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, haddii uu sii socdo, uu keeni karo xiisado diblomaasiyadeed iyo xasillooni darro gobolka soo food saarta. Source: goobjoog.com
-
The Prime Minister announcedtoday the official recognition of the Republic of Somaliland as an independent and sovereign state. Prime Minister Netanyahu, Foreign Minister Sa’ar, and the President of the Republic of Somaliland signed a joint and mutual declaration. This declaration is in the spirit of the Abraham Accords, signed at the initiative of President Trump. Prime Minister Netanyahu congratulated the President of Somaliland, Dr. Abdirahman Mohamed Abdallah, and praised his leadership and commitment to promoting stability and peace. The Prime Minister invited the President to pay an official visit to Israel. The President thanked Prime Minister Netanyahu for his historic declaration and expressed appreciation for the Prime Minister’s achievements in fighting terrorism and advancing regional peace. The Prime Minister thanks Foreign Minister Sa’ar, the Head of Mossad David Barnea and the Mossad, for their contribution to today’s development and wishes the people of Somaliland success, prosperity, and freedom. The State of Israel plans to immediately expand its relations with the Republic of Somaliland through extensive cooperation in the fields of agriculture, health, technology, and economy. Photos: GPO, Somaliland Presidential Palace Media Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shir degdeg ah iskugu yeeray Golaha Wasiirrada, sida ay ogaatay Caasimada Online. Shirkan ayaa looga hadlaya arrinta kasoo korortay aqoonsi raadinta Somaliland, kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dal madax-banaan u aqoonsatay Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horeysay si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac. Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo dhankiisa xaqiijiyay go’aankan, ayaa sheegay inuu la hadlay Madaxweyne Cirro, ayna isla garteen in maanta ay tahay “maalin weyn” oo u soo hoyatay labada dhinac. Wuxuu intaas ku daray inay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan aqoonsiga iyo aasaaska xiriir diblomaasiyadeed oo dhameystiran. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv. Waxaana la filayaa inay xukuumadda Soomaaliya si adag uga hortimaado dhawaaqa kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israel. The post R/W Xamza oo golaha wasiirrada iskugu yeeray kadib aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Dalalka Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday dalalkii u horreeyay ee ka soo horjeestay go’aanka ay dowladda Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. Wasiirrada arrimaha dibada Turkiga, Masar iyo Jabuuti oo wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggooda Soomaaliya ayaa sheegay in ay taageersanyihiin madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo Jabuuti waxay tilmaameen in aqoonsiga madax bannaanida qaybo ka mid ah dhulka dalalka uu yahay tusaale khatar ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana ka hor imanaya mabaadi’da caalamiga ah ee Sharciga iyo Axdiga Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST
-
Maamulka Israa’iil ayaa sheegtay inay si degdeg ah u bilaabi doonto hirgelinta qodobada ku jira heshiis ay la gashay Soomaaliland, kaddib bayaan ay soo saartay oo ay ku shaacisay waxa ay ugu yeertay aqoonsi rasmi ah oo ay siisay Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay inuu maanta ku dhawaaqay aqoonsiga Soomaaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh dowlad buuxda, isaga oo xusay in tallaabadan ay timid kaddib wada-hadallo iyo is-afgarad dhex maray labada dhinac. Bayaan lagu faafiyay warbaahinta ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland ay wada saxiixeen war-murtiyeed wadajir ah, kaas oo lagu tilmaamay mid ku saleysan ruuxa Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), oo lagu saxiixay hindisaha Madaxweynaha hore ee Mareykanka Donald Trump. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isaga oo ku ammaanay hoggaamintiisa, doorka uu ka qaatay xasilloonida iyo nabadda gobolka, isla markaana ku martiqaaday booqasho rasmi ah oo uu ku yimaado Israa’iil. Aqoonsiga Soomaaliland waxaa ka shaqeeyay madaxda sirdoonka Israa’iil ee mossad iyo dhinacyo kale, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Netanyahu, balse lama oga tallaabada xigta heshiiskan sida weyn u saameynaya Geeska Afrika iyo dalalka Carabtaba. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Israa’iil ayaa dowlad madax bannaan u aqoonsatay Somaliland, sida uu maanta ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Aqoonsiga wuxuu yimid, kaddib markii ay khadka fogaan-aragga ku wada hadleen madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Kulanka ayaa lagu gaaray is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu madaxweynaha Somaliland u fidiyey booqasho uu ku yimaado Tel Aviv. PUNTLAND POST
-
Maanta oo ay taariikhdu tahay 26.12.2025, Maamulka Israel ayaa si rasmi ah u aqoonsataySomaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland. Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal. Raysal Wasaaraha Dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Somaliland u fidiyey booqasho rasmi ah oo ku tegi doono Israel. Somaliland ayaa ku dhawaaqday in 1991 ay ka baxday Soomaaliya inteeda kale balse wali dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aamisan in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐞𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Maanta oo ay taariikhdu tahay 26.12.2025, Dawladda Dalka Israel ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kadib kulan khadka fogaal-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal. Aqoonsigan taariikhiga ah ee ay Dawladda Israel u fidisay Somaliland waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland u furayaa bog cusub oo taariikhi ah oo ku aaddan iskaashi caalami ah, amni, dhaqaale, tiknoolajiyadeed iyo diblomaasiyadeed, isaga oo xoojinaya doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Raysal Wasaaraha Dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda u fidiyey booqasho rasmi ah oo ku tegi doono dalka Israel si looga wada hadlo danaha iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dal. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Tel Aviv (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa maanta oo ah 26-ka December 2025 si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac. Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo dhankiisa xaqiijiyay go’aankan, ayaa sheegay inuu la hadlay Madaxweyne Cirro, ayna isla garteen in maanta ay tahay “maalin weyn” oo u soo hoyatay labada dhinac. Wuxuu intaas ku daray inay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan aqoonsiga iyo aasaaska xiriir diblomaasiyadeed oo dhameystiran. “Xiriirkan wuxuu ka dhigan yahay is-dhaafsiga safiirro iyo furashada safaarado,” ayuu yiri Sa’ar, isagoo raaciyay inuu faray wasaaraddiisa inay si degdeg ah u billowdo meel-marinta iskaashiga dhinacyada kala duwan. Xafiiska Netanyahu ayaa intaas ku daray in Israa’iil ay qorsheynayso inay ballaariso iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada beeraha, caafimaadka, teknoolajiyadda iyo dhaqaalaha. Netanyahu ayaa sidoo kale casuumaad rasmi ah u fidiyay Madaxweyne Cirro si uu booqasho ugu tago Israa’iil, iyadoo hoggaamiyaha Somaliland uu uga mahadceliyay waxa Israa’iil ku tilmaantay “bayaan taariikhi ah.” Dhanka kale, Madaxtooyada Somaliland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay ku faahfaahineyso kulan dhanka maqalka iyo muuqaalka ah, oo dhexmaray Madaxweyne Cirro iyo Netanyahu, kaas oo lagu gaaray is-afgarad siyaasadeed, mid diblomaasiyadeed iyo mid istiraatiijiyadeed. Madaxtooyada ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku raaceen in la furo waji cusub oo xiriir ah oo isugu jira iskaashiga amniga, dhaqaalaha, iyo tiknoolajiyadda. Go’aankan ayaa taabanaya arrin xasaasi ah oo siyaasadeed oo ka taagan Geeska Afrika. Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991-kii, iyadoo leh hay’ado dowladeed oo shaqeynaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, balse ma haysan aqoonsi caalami ah oo ballaaran. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiddan madax-bannaanida Somaliland, iyadoo u aragta gobol ka mid ah dhulkeeda. Haddii heshiiskan loo fuliyo sida ay saraakiisha Israa’iil sheegeen, aqoonsigan iyo xiriirka diblomaasiyadeed wuxuu si weyn u xoojin karaa maqaamka Somaliland ee caalamka, isagoo dhinaca kale cadaadis saaraya sida dalalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah ay u wajahaan muranka dhuleed ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho. The post Israel oo SOMALILAND u aqoonsatay “dal madax-banaan” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo haatan ah murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Saacid iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi, iyadoo uu kulamo kala duwan la qaadan doono mas’uuliyiinta iyo bulshada kala duwan ee magaalada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saacid ayaa maalmo kadib Caabudwaaq uga sii gudbi doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Inta uu ku sugan yahay degmooyinkan, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la tashiyo iyo xogwareysi la yeelan doonna bulshada gobolka oo xilligan wajahaya duruufa adag oo ay abaaraha kamid yihiin. Saacid ayaa haysta taageero siyaasadeed oo xooggan, kadib markii dhawaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah ay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed oo lagu dhisayo. Hoggaamiyeyaashan ku midoobay isbaheysigan ayaa la baxay xisbiga “Midowga Haybad Qaran.” Hoggaamiyeyaashan ayaa waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka, oo ay kamid yihiin: Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed Mudane Cabdi Aadan Hoosoow Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre Mudane Ducaale Aadam Maxamed Mudane Faarax Calı Shıre Mudane Taabid Cabdi Maxamed Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay durba, sare u kacday marka la eego isbaheysiga siyaasadeed ee qeybta ka yahay. Saacid, oo ah siyaasi rug caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer aaminaad sare, ayaa dad badan u arkaan in uu noqon karo qofka ka soo dhex-baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan. The post Saacid oo maanta bilaabay safaro uu ku tegayo magaalooyin dalka + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Somaliya oo jahawareer xoogan ka qaaday hadal haynta aqoonsiga Somaliland ee 24 saacadood ee ugu dambeeyay aad u xoogeysatay. Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heegan galiyay golihiisa wasiirada iyo xubno ka mida safiiradiisa wadamada dibada kadib markii ay xoogeystay in Jamuuriyadda Somaliland aqoonsigeeda ay ku dhawaaqayaan laba wadan 48 saacadood ee soo socda gudahooda . Arinta cajiibka ayaa noqotay in culayska ugu badan saaraan inay ogaadaan Magacyada wadamada ku dhawaaqaya aqoonsiga Somaliland , wadamada qaarkood oo xogtay heleyeen ku sheegeen inay yihiin kuwa ku dhawaaqaya aqoonsiga ayay xidhiidho la sameeyeen, halka qaarkoodna ay ku guuldareysteen inay deg deg ugaadhaan madaxdooda sare . Madaxweyne Dr. Cirro ayaa si dublamaasiyadeysan u maamulay in aan la ogaan xogta iyo Magacyada wadamada diyaarka la ah inay Somaliland dal u aqoon sadaan ilaa maalintii uu shaaciyay in December lagu dhawaaqayo aqoonsiga Somaliland . Madaxda Somaliya ayaa weli 5 dambe ee December ka baadhaya aqoonsiga Somaliland loo balan qaaday si la mida sida shacabka ay maamulaan iyo duniduba u sugayso. Fiifa Media Qaran News
-
Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saddex askari geeriyootay, shan kalena dhaawacmatay, kaddib markii qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland. Qaraxa oo sida lagu soo warramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa maanta ka dhacay wadada cusub ee xiriirisa magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala, waxayna la sheegay in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay halkaas ka wadeen miino baaris. Ma ahan markii ugu horreysay oo waddooyinka qarax loogu aaso ciidanka Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad, marar badan ayaa qaraxyo khasaare kala duwan geystay ka dhaceen waddooyinka ay isticmaalayaan. Ciidamada Puntland ayaa muddo sanad ah dagaal kula jira koox argagixisada ah ee Daacish, oo weli ku dhuumaalaysa meelo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad. PUNTLAND POST
-
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in muddo ka badan 30 sanno oo ay Qaramada Midoobay kor joogtaynaysay Soomaaliya, isla markaana ciidammo shisheeye ilaalinayeen oo ay qabsadeen shirar aan dhammaad lahayn, haddana Soomaaliya weli aanay awoodin inay sugto ammaanka caasimaddeeda oo ay qabato doorashooyin waqtigooda ku qabsooma. Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku fashilantay inay hanato dawladnimadeeda iyo inay ka kaaftoonto ciidamnada shisheeye ee Muqdisho ku ilaaliya. Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA oo uu ku baahiyay barta X(Twitter), waxaannu tilmaamay in Go’aanka Qarammada Midoobay ay ku xidhayso hawlgalkii siyaasadeed ee ay ka waday Soomaaliya aanu ahayn isbeddel farsamo, balse uu noqday mashruuc fashilmay isla markaana Hay’adaha dawladnimada Soomaaliya ay yihiin kuwo aan iskood isku taagi karin oo ku socday hay’ado dibadeed. Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, waxa uu iftiimiyay in dib ugu yeedhida danjirihii Maraykanka ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay hoos u dhigid ka dhalatay fashilka dawladnimada Soomaaliya,wuxuuna carabka ku dhuftay in farriinta Maraykanku ay tahay mid cad oo la xidhiidha tobanaan sannadood oo ay taageereen Soomaaliya ay dawladda Muqdisho noqotay mid laga quustay oo aan hirgelin dawladnimo taabogal ah iyo dimuqraaddiyad. Mr. Xuseen Deyr wuxuu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku naalloonayso hannaan ka duwan xaaladda Soomaaliya, waxaannu ka warramay dawladnimada JSL ku timid rabitaanka shacbiga oo ay dhisatay laamaheeda dawliga ah, iyadoo aan helin taageero dibadeed, loona baahan ciidammo shisheeye oo xasiliya ammaanka JSL. Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay sugtay xudduudaheeda, isla markaana qabatay doorashooyin badan oo xor iyo xalaal ah, kuwaasi oo u qabsoomay hanaan qof iyo cod ah. Xuseen Deyr wuxuu sheegay in farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya uu la xidhiidho kalsoonida iyo hufnaanta lagu qabo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kulan degdeg ah iskugu yeeray golihiisa wasiirrada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan aan caadiga ahayn ayaa Madaxtooyada Somaliland ka qabsoomaya makhribnimada maanta oo Jimce ah. Kulankan degdegga ah ayaa imanaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaar tabinayeen dhambaallo aqoonsi oo Somaliland uga iman kara Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta. Inkasta oo wararkaasi la isla dhexmarayo, haddana ma jirto wax faahfaahin rasmi ah oo ilaa hadda laga bixiyay arrintaas. Sidoo kale, kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Hargeysa ay goordhoweyd soo gaareen wafdi ka socda Dowladda Mareykanka. Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Cirro, wafdiga Mareykanka ayaa kulamo la qaadan doona mas’uulliyiinta xukuumadda Somaliland. Waxaa kale oo la sheegay in wafdigan ay socdaal ku tegi doonaan magaalada Berbera, oo ah goob muhiim ah isla markaana si weyn u daneynayo Mareykanka. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online The post Madaxweyne Cirro oo shir deg deg ah iskugu yeeray wasiirrada xilli Mareykanka uu… appeared first on Caasimada Online.
-
Gabadhii caan ka ahayd TikTok ga Soomaalida ee ‘u dhimatay daroogo ay isku durtay’ Maydka gabadh 22 jir ah oo laga helay mid ka mid ah waddooyinka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii hore ayaa daaha ka qaaday dhibaatada gabdhaha daroogada isticmaala. Shaqaalaha caafimaadku waxay sheegeen inay u geeriyootay isticmaalka daroogada opioid oo xad dhaaf ah. Gabadhan oo baraha bulshada caan ka ahayd ayey saaxibbadeed sheegeen inay in muddo ahba daroogo isku duri jirtay. Waxay sheegeen in marka ay muuqaallada TikTok duubayso ay badanaaba adeegsan jirtay daroogooyin. Booliska ayaa diiwaan galiyey kor u kac ku yimid adeegsiga daroogada ee magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan, iyada oo dumarku ay ka mid yihiin dadka maandiiriyaha isticmaala. Waxaa la sheegay in dadka ay helaan noocyo cusub oo daroogo ah. Iyada oo dadka ay cuni jireen khaadka oo isagu aan sharci darro ka ahayn Soomaaliya – cabitaanka khamriga, dhuuqista koollada ama cabitaanka xashiishka, ayaa hadda waxay dad badan barteen isticmaalka daroogada la isku mudo taas oo si toos ah luugu durayo xididdada dhiigga qaada. Waxaa ka mid ah daroogooyinkan kuwa loo yaqaan morphine, tramadol, pethidine iyo codeine. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Sarkaalkan, oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdullaahi, kana mid ahaa saraakiisha da’da yar, laguna yaqaanay Sandhiiqo, ayay miinadu ku haleeshay deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo hoos yimaadda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa askarta tababarka ku soo qaadatay xerada TURKSOM ee magaalada Muqdisho. Wararka la helayo ayaa sheegaya in markii miinadu haleeshay sarkaalkan uu soo gaaray dhaawac culus, kaas oo sababay in uu u geeriyoodo waqti kooban gudaheed, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ka mid ahaa hawlgallada lagu sugayo amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta Afgooye iyo Marka, isaga oo la shaqeynayay ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa deegaanka iyo askarta Midowga Afrika ee AUSSOM, si loo adkeeyo amniga. Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo la xiriira qaraxa uu sarkaalku ku dhintay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli socda hawlgallo ay ciidamada dowladda ka wadaan deegaannada ku dhow aagga Nambar 50, halkaas oo miinadu ku haleeshay sarkaalkan da’da yar. The post Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Codbixintii Muqdisho ee Khamiistii, ma ahayn oo kaliya mid lagu dooranayay gole deegaan; waxay ahayd dharbaaxo lagu burburiyay sheeko-xariir tobanaan sano soo jirtay oo ku dhisnayd “waxba ma suurtagalayaan.” Diiwaangelinta in ka badan 500,000 oo qof iyo doorashada ka dhacday 16 degmo, waxay muujisay wax ka weyn doorasho gole deegaan. Dowladda Federaalku waxay fashilisay laba kooxood: Al-Shabaab oo dadka cabsi ku haysta, iyo siyaasiyiinta aaminsan in talada dalka aysan socon karin la’aantood. Guusha ugu weyn waa tan farsamada iyo amniga. Muddo badan waxaa la lahaa doorasho qof iyo cod ah ma dhici karto amni xumo darteed. Al-Shabaab way hanjabeen. Dowladda waxay xirtay waddooyinka magaalada, waxayna soo saartay 10,000 oo askari. Al-Shabaab way awoodi waayeen inay joojiyaan doorashada. In maalintaas ay nabad ku dhacday waa guul weyn oo dowladda u soo hoyatay. Guushaan dhanka amniga ah waxay dhibaato ku noqotay mucaaradka. Isbaheysiga “Golaha Mustaqbla Soomaaliya” way qaadaceen doorashada, iyagoo ku tilmaamay mid uu watay Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxay aaminsanaayeen inaan waxba socon karin haddii aysan “madaxda waaweyn” heshiis ku ahayn. Laakiin Khamiistii warkoodii been ayuu noqday. Dadka safafka dhaadheer ku jiray waxay caddeeyeen inay rabaan inay codkooda dhiibtaan, ayna ka daaleen nidaamka qabiilka. Markii mucaaradku diideen tartanka, doorashadii waxba kama dhimin; kaliya iyagaa saaxadda ka baxay. Diidmadoodu waxay dadka tustay in nidaamka 4.5 uu yahay mid madaxda dantooda ku ilaashadaan, ee uusan ahayn caddaalad. Arrintani waxay saameyn weyn ku leedahay doorashada guud ee 2026. Mucaaradku waxay Kismaayo ka sheegeen inay sameynayaan “maamul barbar-socod ah” haddii aan heshiis la gaarin Janaayo 2026. Laakiin hanjabaadaas macno ma samaynayso marka la arko sanduuqa codbixinta oo shaqeynaya. Dooddii ahayd “doorasho toos ah ma dhici karto” way dhimatay. Dooddii kale ee ahayd “waa khatar badan tahay” iyana meesha ayay ka baxday. Soomaaliya hadda marxalad cusub ayay gashay. Waxa ka dhacay Banaadir lagama noqon karo. Inkastoo weli ay jiraan caqabado, haddana dowladdu waxay tustay inay doorasho qaban karto xitaa xilli dagaal jiro. Hadda su’aasha taagani waxay tahay: Mucaaradku ma aqbali doonaan xaqiiqadan cusub, mise way diidi doonaan? Hadda, shacabku way hadleen, farriinta ay u direen madaxdana waa caddahay: Tareenka soo raaca ama gadaal u hara. The post Doorashadii Muqdisho oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhufatay laba dhinac appeared first on Caasimada Online.
-
Puntland oo saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan garoonka…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cabdullaahi Yuusuf International Airport. Saxiixa heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor. Heshiiskan ayaa isugu jira dhismaha, ballaarinta iyo casriyeynta qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyada oo ay iska kaashanayaan maamulka Puntland iyo Shirkadda Kooxda Horumarinta Gaalkacyo (GDG), oo ah shirkad maxalli ah. Waxaa si isku-tashi bulsho ah uga qayb qaadan doona mashruucan bulshada gobolka Mudug, iyada oo garoonka loo diyaarinayo qaab casri ah si uu ula jaanqaado hannaanka garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xusay mudnaanta iyo muhiimadda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, isaga oo ku dheeraaday sida ay maamulka Puntland iyo dadkeedu, oo isku tashanaya, uga go’an tahay dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta isu-socodka dal iyo dibed ee dadweynaha Puntland. Mashruuca dhismaha garoonka Gaalkacyo, oo la sheegay in lagu maalgelin doono lacag dhan 17 milyan oo doolar, ayaa ka koobnaan doona dhismaha dhabaha diyaaradaha oo dhererkiisu yahay 3.5 km, hoolka rakaabka, goobta kala wareegga diyaaradaha, qaybta lagu dhigto diyaaradaha, iyo munaaradda hagidda duulimaadyada. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta heshiiskan si hufan, daah-furan oo waxtar leh. The post Puntland oo saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan garoonka… appeared first on Caasimada Online.
