-
Content Count
211,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa sida uu u dhacay dilka Taliyihii guutada 14-ka October, G/Sare Nuur Farey oo maanta lagu toogtay aagga deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, geerida sarkaalkaas muhiimka ah ayaa gilgishay dalka oo dhan. Ninkii ka dambeeyey dilka Taliyaha ayaa la xaqiijiyey in uusan aheyn askari ka tirsan ciidamada qaranka, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ay deganaayeen ciidan kale. Taliyaha ayaa goortii la dilay ku sugnaa xerada guutada Cumar bin Khadaab, ninka dilay ayaa ka soo dhex baxay ciidankaas, wuxuuna ku lebisnaa tuutaha ciidamada xoogga dalka. Ciidankii la socday Taliyaha la dilay ee guutada 14-ka October iyo ciidankii xerada loogu yimid ee guutada Cumar Binu Khadaab oo aan is aqoonin ayuu ka dhex faa’iideystay ninka dilka geystay, wuxuuna toogtay Taliye Nuur Farey oo shir kula jiray saraakiisha kale ee guutadaas. G/Sare Nuur Farey wuxuu ahaa sarkaalka ugu sareeya dhamaan ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dhex toogtay qol ku dhex yaallay xerada ciidamada guutada Cumar buni Khadaab, halkaas oo saraakiisha guutadaas uu kula shiraayey. Ninka dilay Taliyaha ayaa dhaawacay Taliye kale, intaas kadib wuxuu isku dayey inuu baxsado, waxaa la dagaalamay ciidamadii goobta ku sugnaa, kuwaas oo labo kale uu ka dilay, iyaguna dilay markii dambe. Intaas kadib meydkii Taliyaha, dhaawaca labo askari, hal sarkaal iyo meydkii dhagarqabaha dilka geystay ayaa diyaarad militeri looga soo qaaday xerada, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaaday natiijo hordhac ah. Waxaa la garan waayey wajiga ninkii dilka geystay oo qeybaha sare ee jirkiisa rasaas badan lala dhacay, taasi oo shaki abuurtay, waxaa ciidanka lagu sameeyey tirakoob lagu ogaaday in ninkaas uusan askari dowladda u diiwaan gashan aheyn, sidoo kale waxaa la ogaaday in qoriga dilka lagu geystay aysan dowladdu laheyn. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta amar ku bixiyey in lasoo xiro ilaaladii taliyaha la dilay iyo dhamaan wixii ciidan iyo saraakiil goobta joogay, si baaritaan loogu sameeyo. G/Sare Nuur Farey oo ahaa sarkaal qaali ah wuxuu heystay tababarro sare oo Turkiga, Talyaaniga iyo dalal kale oo waaweyn uu ku soo qaatay, wuxuu aad ugu dhowaa oo qaraabo iyo saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, oo soo saaray qoraal uu ku codsaday in baaritaan deg deg lagu ah lagu sameeyo ciddii ka dambeysay dilka Taliyaha.
-
Culimada Islaamka ee ugu caansan adduunka ayaa si wadajir ah u soo saaray fatwo aan caadi ahayn, iyagoo ugu baaqay dhammaan Muslimiinta iyo dowladaha Muslimiinta in ay qaadaan jihaad ka dhan ah Israa’iil, kadib 17 bilood oo dagaal lagu baabi’inayo Falastiiniyiinta ku sugan marinka go’doonsan ee Gaza. Sheekh Cali al-Qaradaghi, xoghayaha guud ee Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta (IUMS), oo horey u hoggaamin jiray caalimkii weynaa Yusuf al-Qaradawi, ayaa Jimcihii ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay si degdeg ah uga falceliyaan dhibaatada Gaza — milatari ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba — si loo joojiyo xasuuqa iyo burburka baahsan, taasoo waafaqsan masuuliyadooda sharciyeed.” “Ku guuldareysiga dowladaha Carabta iyo Islaamka ee garab istaagga Gaza xilli la baabi’inayo, waxay shareecada Islaamka u aqoonsan tahay dambi weyn oo lagula kaco walaalaheen la dulmiyay,” ayuu yiri Qaradaghi, oo hadalkiisa uu qayb ka ahaa fatwo ka kooban 15 qodob Qaradaghi, oo ka mid ah culimada ugu ixtiraamka badan gobolka, ayaa fatwooyinkiisu culeys weyn ku leh dunida Muslimka ah, gaar ahaan 1.7 bilyan oo Muslimiin Sunni ah. Fatwo, waa go’aan sharciyeed aan khasab ahayn oo uu bixiyo caalim sumcad leh, laguna saleeyo Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada — hadallada iyo ficilladii Nabi Muxammad (NNKH). “Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah” “Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah [Israa’iil] xilli uu dabar-goynayo Muslimiinta Qaza, nooca taageeradu ha ahaato sida ay doonto.” Qaradaghi waxa uu si gaar ah u xusay: “Waa mamnuuc in hub la siiyo, in loo fududeeyo marinada badda, dekedaha, ama hawada, sida Kanaalka Suweys, Baab al-Mandab, Kanaalka Hormuz, ama marin kale oo dhul, cir ama bad ah.” “Guddigu wuxuu soo saaray fatwo waajib ka dhigaysa in cunaqabateyn buuxda — dhanka cirka, badda iyo dhulka — lagu soo rogo cadowga qabsaday, si loogu hiiliyo walaalaheen Gaza,” ayuu sii raaciyay. Baaqan waxaa si wadajir ah u taageeray 14 caalim oo kale oo Muslimiin caan ah, kuwaasoo sidoo kale ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay dib u eegaan heshiisyadooda nabadeed ee ay la galeen Israa’iil,” iyagoo Muslimiinta ku nool Mareykankana ugu yeeray inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Donald Trump si uu “u fuliyo ballanqaadyadiisii ololaha ee ahaa joojinta gardarrada iyo sugidda nabadda.” “Gaza si aamusan ayaa loo dabar-goynayaa” Inkasta oo Donald Trump uu marar badan ololihiisa ku ballanqaaday in uu joojin doono dagaalka, sidoo kalena uu horraantii xafiiska ku guuleystay in uu ku meel gaar ah u hirgeliyo xabbad-joojin, haddana warar la helay ayaa sheegaya in bishii la soo dhaafay uu si buuxda u oggolaaday in Israa’iil ay dib u billowdo weerarka. Tan iyo markii la jebiyay heshiiskii xabbad-joojinta, Israa’iil waxay dishay in ka badan 1,200 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan boqolaal carruur ah. Guud ahaan, laga bilaabo Oktoobar 2023, tirada Falastiiniyiinta la dilay ayaa ka badan 50,000. Jimcihii, ciidamada Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ka dhanka ah Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 qof laga bilaabo waaberigii, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo waaxda difaaca rayidka ee Gaza. Weerarradii ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday iskuullo, xarumo hoy ah, isbitaallo, xarumaha cunto qaybin, meelaha ay Israa’iil sheegtay inay yihiin “goobo ammaan ah,” iyo warshad biyo macaaneysa. Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday duqeymaha ayaa muujinayay burbur baahsan oo ka dhacay xaafado si aad ah u ciriiri ah. Falastiiniyiinta ayaa baraha bulshada ku wadaagayay fariimo ay ugu yeereen “macasalaama” ay la hadlayaan caalamka. Weriyaha Maxamed Abu Mustafaa ayaa bartiisa bulshada ku qoray fariimo uu ku muujinayay niyad-jab iyo cadho: “Nabadgelyo beesha caalamka ee ugu khiyaanada badan taariikhda. Saacado kadib, Gaza way baaba’aysaa. Kaliya jannada ayaad naga heli doontaan.” Suxufiga iyo u dhaqdhaqaaqaha Falastiiniyaanka ah ee Aboud Battah ayaa ku baaqay in la hadlo: “Ka hadla xaaladdeena. Ilaahay baan ku dhaartaye, si aamusan ayaa nala dabar-goynayaa.” Netanyahu: “Cadaadiska waan kordhinaynaa” Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ballanqaaday in Israa’iil ay sii kordhinayso weerarada ay ku hayso Gaza, si ay ugu cadaadiso Xamaas in ay sameyso tanaasul dheeraad ah. “Waqtigan waxaan kala jaraynaa Marinka Qaza, cadaadiskana si tartiib tartiib ah ayaan u kordhinaynaa si ay u soo celiyaan la haystayaasheenna,” ayuu ku yiri muuqaal uu diray Arbacadii. Netanyahu waxa uu dalbanayaa in Xamaas ay siidaayso 59-ka la hayste ee Israa’iil, si loogu beddelo maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo gargaar bini’aadantinimo — balse isagoo aan ballanqaadaynin in dagaalka la joojinayo ama ciidamada la laabanayo. Israa’iil waxay dalbanaysaa in heshiiska xabbad-joojinta lagu xiro shuruud ah in Xamaas hubka dhigto — arrin ay Xamaas ku tilmaamtay “xariiq cas” — iyadoo sidoo kale si cad u taageeraysa qorsheyaal ay kula wareegayso amniga Qaza isla markaana lagu barakicinayo Falastiiniyiinta. Xamaas ayaa ugu baaqday in lagu soo laabto heshiiskii hore ee saddexda weji lahaa, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay mar qura siidaayaan dhammaan la haystayaasha haddii la helo xabbad-joojin buuxda. Source
-
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo safar shaqo ku jooga dalka Maraykan ayaa waraysio uu bixiyay waxa uu kaga waramay xaqa ay Somaliland u leedahay inay hesho Aqoosi buuxa sida dalalka la midka ah ay u heleen oo kale, sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadalada ah in Soomaaliya ay ka hor istaagi karto Somaliland Aqoosi, waxaanu xusay in ay Soomaaliya tahay mid aan iskeed isku maamulin waxaani sheegay Waxaanu yidhi.“Aaya ka tashigu shucuub kasta wuu u furan yahay waad ogayd Elatariya, waad ogayd Suudaanta Koonfureed 2011-kii, wax u diidaya Somaliland ma jiraan, tan dalka aad leedahay Soomaaliya way idiin diidan yihiin, xagee bay iyadu Soomaaliya maraysaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadiis waad ka war qabtaa halka ay marayso, qabyo ninkeedaa dhamays tira, markaa halka la kala marayo waad og-tahay”. Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa aad ugu dheraaday amniga, xasiloonida iyo Doorashooyinka ay Somaliland ku naaloonaysay mudada badan waxaanu tilmaamay Waxaanu yidhi.“Rajada dawlada Soomaaliyeed halka ay marayso waa la arkayaa oo isma maamuli karaan, Somalilandna waad aragtaa halka ay taagan tahay maanta, waxa aanu haysanaa dawlad shuruudaheegu u dhamays tiran yihiin, waxa aanu dunida tusnay in badan in tallada dalku ay tahay mid qori isku dhiib ah, waxa aanu galnaa doorashooyin qof iyo cod ah, taasi oo aan dunida inteeda badan aan suurtagal ka ahayn”. Gebo’gabadii gudoomiye ku xigeenka golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland oo hayo jidkii nabada cid kasta oo Somaliland ka maqan iyo bulshada Laascaanoodba lagu soo dabaalayo wada hadal iyo nabad, sidaasi xuduudaha dalka lagu sugayo waxaanu sheegay Waxaanu yidhi.“Dagaal sokeeye wuu dhacay oo wax la beenin karo maaha, laakiin maantaba waa nagaa hawsha madaxwayne ku xigeenkii Qaranka loo diray Bariga in ciidamadii Madaniga ahaa meesha laga saaro oo ciidanka Qaranka ay ka mid noqdaan, si hagid iyo maamulida ciidanku mid u noqdaan, dabadeedna walaalahayga Laascaanood iyo inta Somaliland ka maqan wada hadal lagu soo dabaalo, sidii 2007-dii madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu nabada ugu soo dabaalay iyada oo aan dhiig daadan, taasi teedii buu madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro wadaa, in aan dhiig lagu qabsan karin dadkan, laakiin wada hadal, nabad iyo wada hadal iyo is qancin lagu wada hadlo xuduudaha Somalilandna la soo sugo”. Source
-
Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday in dadka rayidka ahi hub ku dhex qaataan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, kaddib markii uu iska hor imaad dhowaan ku dhexmaray beelo deegaankaas wada dega. Xukuumaddu waxay amaradan soo rogtay kaddib shir dib-u-heshiisiin ah oo dhexmaray dadka deegaanka, kuwaas oo ay hore u dhexmareen dagaallo soo noqnoqday. “Galabta hawlgalkii ayaanu bilaabaynaa. Cid kasta oo degmada Ceel-afwayn lagu qabto iyadoo qori wadata, waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. Lama arki karo ciidan madani ah oo hub magaalada ku dhex sita ama lasoo galay,” ayuu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada madaniga ah ee ku sugan deegaanka Ceel-afwayn, ee aan weli la qaramayn, loo samayn doono xeryo ay ku sugnaandoonaan inta la qaramaynayo, isla markaana haddii magaalada lagu arko qof xidhan labis ciidan oo aan ka tirsanayn ciidanka rasmiga ah, lagaga saari doono suuqa dhexdiisa. Guddoomiye Muuse waxa uu xusay in guul weyn laga gaadhay qorshaha nabadaynta gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo, islamarkaana gobolka ay ka socoto hub ka dhigis guud oo lagu samaynayo shacabka si loo xoojiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka deegaanka. Xukuumaddu waxay sidoo kale gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo, kaddib markii la qaramay ciidamadii madaniga ahaa ee halkaas ku sugnaa. Waxa kale oo ay ugu baaqday ku dhawaad 45,000 oo qof oo magaalada ka barakacay in ay dib ugu soo noqdaan. Source
-
Mas’uuliyiin Masri ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u hurinayso xiisado, kadib markii ay si been ah u sheegtay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda waqooyiga Sinai ay jabinayaan heshiiskii nabadeed ee labada dal ay gaareen. Diblomaasi sare oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye (MEE) in xiriirka Masar iyo Israa’iil uu hoos u dhacay ilaa heerkii ugu liitay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo cabsi laga qabo in duullaanka cusub ee Israa’iil uu hordhac u yahay qorshe barakicin qasaba ah oo lagu saari karo Falastiiniyiinta ka harsan gudaha Gaza. Falanqeeyayaal Israa’iiliyin iyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ka digay in maamulka Israa’iil uu xoojinayo khilaafka si uu u beddelo ra’yiga shacabka oo uu uga dhigo mid ka soo horjeeda Masar — arrin lagu micneeyay in lagu fududeynayo barakicinta Gaza, isla markaana lagu horumarinayo yoolalka istiraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka. Assaf David, agaasimaha barnaamijka “Israel in the Middle East” ee Machadka Van Leer ee magaalada Jerusalem ahna bare ka tirsan Jaamacadda Cibraaniyada, ayaa MEE u sheegay: “Hurinta waa muuqataa. Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Netanyahu ay si dhab ah ugu go’an tahay qorshaha nadiifinta qowmiyadeed.” “Haddii dareenka shacabka Israa’iil ee ku wajahan Masar is beddelo, arrintu way u fududaanaysaa. Sidaas darteed, dagaal lagu abuuro Masar wuxuu dhigayaa salka qorshahan.” Warbixino marin habaabin ah Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan werisay in Masar ay kordhisay joogitaanka ciidan ee waqooyiga Sinai — xuduudda Gaza — iyadoo ka tallaabeysa xaddiga ciidanka ee lagu oggol yahay heshiiska, isla markaana la dhisay kaabayaal cusub oo ku yaalla dekedaha iyo saldhigyada cirka. Mas’uuliyiin Israa’iili ah ayaa sheegay in arrimahan lala wadaagay Qaahira iyo Washington. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in Masar ay jebiso heshiiskii Camp David ee 1979. Balse sarkaal sare oo hore oo Masar ah ayaa u sheegay MEE in aysan jirin wax jabin ah oo dhacay, isagoo xusay in joogitaanka ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee milatari ay waafaqsan yihiin heshiiskii asalka ahaa iyo wax-ka-beddelladii xigay. Janaraal Ahmed Ibrahim Kamel — oo hore u soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka milatari ee Masar iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee sirdoonka — ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay heshiiska sanadkii 2005 uu Masar u oggolaaday inay geyso hal cutub oo ka tirsan ciidanka ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo si buuxda u hubeysan, isla markaasna la geeyay xadka Gaza kadib markii Israa’iil ay ka baxday halkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgaladii la dagaalanka argagixisada ee Sinai muddadii u dhexeysay 2013 ilaa 2021 ay ahaayeen kuwa si buuxda loola kaashaday Israa’iil. Kamel wuxuu MEE u sheegay: “Sida caadiga ah, Israa’iil iyo warbaahinteeda marin-habaabinta ahi ma bixinayaan xaqiiqooyinka oo dhan, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay lifaaqa milatari ee heshiiska. Waxay si joogto ah u diidaan inay Masar u aqoonsadaan la-hawlgalaha nabadda, iyagoo doorbidaya inay ku muujiyaan Masar mid dhibaatada qayb ka ah. Taasi waxay si gaar ah ugu muuqatay xasaradda Gaza ee sanadkii iyo bar ee la soo dhaafay.” Sayed Ghoneim, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Sare ee Ciidanka Masar iyo janaraal hore, ayaa isna u sheegay MEE in Israa’iil ay si qaldan u fahantay qodobbada heshiiska. Wuxuu xusay in ay jiraan hannaan sharci ah oo u oggolaanaya Masar iyo Israa’iil inay wax ka beddelaan abaabulka milatari iyadoo aan la baabi’in heshiiska, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamadii Masar ee loo diray xuduudda Rafax sanadkii 2021. MEE waxay la xiriirtay Ciidanka Caalamiga ah iyo Kormeerayaasha (MFO), hay’adda caalamiga ah ee la aasaasay si ay u kormeerto fulinta heshiiskii 1979, si loo weydiiyo haddii ay diiwaangeliyeen wax jabin ah oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, wax jawaab ah lagama helin waqtiga la daabacayay warbixinta. Safiiro maqan Cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Israa’iil ay qorshaynayso barakicin qasab ah oo loogu raro Falastiiniyiinta Gaza dhanka Sinai — taasoo ay sal u tahay soo jeedintii hore ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump — ayaa sii xumeysay xiriirka labada dal. Diblomaasi Masri ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay MEE in xiriirka hadda uu ka xun yahay sidii uu ahaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023. Wuxuu sheegay in Masar ay diiday inay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Israa’iil, Uri Rothman, oo la magacaabay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay. Shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Masar iyo wadamada kale ee Carabta ayaa intooda badan laga daadgureeyay sababo la xiriira amniga, iyadoo Israa’iil ay kaliya si kooban u joogto safaaraddeeda Qaahira. Masar iyaduna ma hayso safiir rasmi ah oo jooga Israa’iil kadib markii aan la magacaabin beddelka Khaled Azmi, oo si qarsoodi ah uga tagay xilka toddoba bilood kahor. Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ka baxsan barakicinta shacabka Gaza oo sidoo kale saameynaya xiriirka labada dal. Assaf wuxuu qiray in yoolka ugu weyn ee Israa’iil uu yahay in la abuuro xaalad horseedaysa in dadka Gaza loo raro dhulka Masar. Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in arrintu ay muujinayso khilaafyo siyaasadeed iyo is-qabqabsi ka dhex jira dowladda Israa’iil, iyo sidoo kale loollanka Masar iyo Qatar ee ku saabsan doorka dhex-dhexaadinta wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Masar iyo Israa’iil inta badan gacanta ugu jiray hay’adaha milatari iyo amniga ee Israa’iil, kuwaasoo xiriirkaas u maareeyay si masuuliyadi ku dheehan tahay, iyagoo sal ka dhigaya heshiisyada nabadeed ee labada dhinac. Assaf wuxuu sidoo kale sheegay in fadeexadda loo yaqaan “Qatargate” — taasoo lala xiriiriyay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Netanyahu oo lagu eedeeyay xiriirka saraakiil Qataari ah — ay muujineyso in laga yaabo in xukuumadda Israa’iil ay qorsheyneyso in Masar laga riixo doorka dhexdhexaadinta. Xariiqda cas ee Sisi Ameer Makhoul, u dhaqdhaqaaqe Falastiini ah oo qoraa ka ah Israa’iil, ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso in xaalad degdeg ah lagu barakiciyo shacabka Gaza, iyada oo la adeegsanayo duqeymo xooggan si ay ugu qasbanaadaan inay u guuraan dhulka Masar. Wuxuu sidoo kale xusay in Israa’iil ay raadinayso yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda Ashdod si ay u gaarto Gaza — qeyb ka ah mashruuc lagu sameynayo marin ganacsi oo isku xira Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo jasiiradda Carabta — iyo la wareegidda ilaha gaaska badda ee xeebaha Gaza. Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ka mid ahaa dhismaha kanaal cusub oo la tartama kanaalka Suweys — oo laga bilaabo Deir al-Balah ee Gaza loona mariyo dekedda Eilat ee Badda Cas — taasoo sidoo kale ku lug leh barakicinta beelaha Bedouin ee Negev. “Dhammaan arrimahani waxay khatar ku yihiin ammaanka qaranka Masar waxayna wiiqayaan istiraatiijiyadda gobolka. Arrintaas waxay Israa’iil ku khasbaysaa inay xiriirka ku adkayso ama Masar isku daydo inay cabburiso,” ayuu yiri. Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa si adag u diiday in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo Masar ay soo jeedisay qorshe kale oo ay taageerayso Jaamacadda Carabta oo ku saleysan in Gaza dib loo dhiso iyadoo aan dadkeeda laga raraynin. Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa barakicinta ku tilmaamay “xariiq cas” oo khatar ku ah ammaanka qaranka Masar. Israa’iil ayaa mar kale qaaday duullaan ballaaran oo ka dhan ah Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay Khamiistii sheegtay in laba-meelood meel dhulka Gaza ah lagu soo rogay amarro barakicin ah ama uu noqday “goob mamnuuc ah,” waxaana ka mid ah magaalada Rafax iyo inta badan koonfurta Gaza. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa bilaabay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka, ka dib in ka badan laba bilood oo ay socotay qabanqaabada xafladda ku dhawaaqista canshuurahan. Khudbad uu ka jeediyay Rose Garden ee Aqalka Cad, ayuu ku sheegay ,in taariikhda lagu xasuusan doono maalinta xorriyadda marka barwaaqadu ay dib ugu soo noqoto Ameerika. Madaxweyne Trump waxaa uu sheegay inuu canshuuro cusub ku soo rogayo badeecooyinka Mareykanka ka soo gala dalalka kale ee caalamka. Dhaqaalayahanada ayaa ka digay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan hanaanka ganacsiga ee caalamka, kadib tallaabada cusub ee uu qaaday Mareykanka. Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in noloshu ay hadda ku adkaan doonto qof walba, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ku nool, kuwaas oo bixin doona canshuuraha alaabaha dibedda laga soo dhoofiyo ee uu soo rogay Trump. Donald Trump wuxuu aaminsan yahay in xannibaadaha ganacsigu ay ku qasbi doonaan saaxiibbadiisa iyo cadawgaba in aanay le gelin heshiisyo, marka loo eego heshiisyo dhaqaale iyo kuwo dhulba. Waddamada lagu soo rogayo canshuuraha sare ayaa waxaa kamid ah xulafada dhow ee Mareykanka iyo sidoo kale kuwa ka soo horjeeda intaba,. Dhinaca kale, cashuurta uu Madaxweyne Trump soo rogay ayaa keentay jawaab celin degdeg ah, iyada oo dowladda Shiinaha ay ka soo horjeesatay cashuurta uu Mareykanka soo saaray, iyada oo sheegtay in ay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka, si loo ilaaliyo danaha Shiinaha. Sidoo kale, madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in Canshuuraha uu Mareykanka soo saaray ay dhabar jab xooggan ku yihiin dhaqaalaha adduunka ayna saameyn taban ku leh malaayiin adduunka ku nool. Si kastaba, Canshuurahaan ayaa dalalka ugu badan ee ay saameyn doonto waxa ay u badan yihiin waddamada dhaca waqooyiga Ameerika iyo Aasiya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay howlgallo ay ka fulisay lix goobood oo lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab. Sidoo kale, howlgalladaan ayaa sabab u noqday in toddobaadkii tegay la xakameeyo oo si buuxda looga hor tago dhamaan weerarradii joogtada ahaa ee Al-Shabaab. Howlgallada ayaa ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoona sidoo kale lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warbixinta NISA. Howlgalka koowaad wuxuu ka dhacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, duqeymaha waxaa barbar socday howlgal toos ah oo ciidamada dhulka ee NISA ay fuliyeen, waxaana lagu dilay 21 Shabaab ah. Howlgalka labaad wuxuu ka dhacay goob ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku taalla aagga degmada Al-kowthar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay dhammaan Horjoogeyaashii halkaas ku sugnaa, sida ay shaacisay NISA. Howlgalka seddaax wuxuu ka dhacay deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu khaarijiyay in ka badan 19 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Howlgalka afaraad wuxuu ka dhacay isla deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay, 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo markii la beegsaday go’doon ku ahaa deegaanka, qaarkoodna ay qabeen dhaawacyo ka soo gaaray weerarkii hore. Howlgalka shanaad ayaa ka dhacay deegaanka Aw-baalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay tiro Mooto FEKON ah oo lagu soo raray miinooyin, iyada oo isla goobta lagu dilay, 7 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa, sida ku cad war-saxaafadeedka NISA. Howlgalka lixaad ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Al-kowthar, xoogagga difaaca deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana weerarkaas kadib isla goobtaas duqeymo ka fulisay NISA, waxaana lagu dilay 13 xubnood oo Shabaab ah. Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay duqeymaha Al-Shabaab, waxaana toddobaadkii tegay dhacay duqeymo tixane ah, kuwaas oo lagu naafeeyey kooxda Al-Shabaab, una diiday jaanis ay ku soo abaabulaan weerarro kale.
-
Shirkadda Shiinuhu waa inay iibisaa hawlaheeda Maraykanka 24-ka saacadood ee soo socda ama waxay wajaheysaa shaqo joojin. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay jiraan dad iibsan kara, uuna ku kalsoon yahay in heshiis lagu gaadhi karo waqtigii loogu talagalay. App-ka caanka ah ee Shiinaha oo ay isticmaalaan 170 milyan oo reer Maraykan ah kuwaas oo rajaynaya in aan laga xirin shabakadaasi oo ay dhalinyarada si weyn u isticmaalaan. Sannadkii hore, maamulka Biden waxa uu dalbaday in la iibiyo app-ka Shiinaha ama wajaho mamnuucid waddanka oo dhan ah isagoo cuskaday arrimaha amniga qaranka. Markii uu soo dhawaaday waqtigii kama dambaysta ahaa ee Janaayo, app-ka si kooban ayaa loo xiray, laakiin wuxuu soo laabtay ka dib markii Trump uu saxiixay amar fulin ah oo lagu siinayo waqti dheeri ah. Wakhtiga kama dambaysta ah ee iibka waa 5ta Abriil. Ilaa hadda, Saraakiisha Shiinaha ayaa si cad uga soo horjeeda iibka waxayna si cad u sheegeen in xogta algorithm ee shirkadu ay tahay tignoolajiyada aan ka bixi karin gacanta Shiinaha. TikTok waa shirkad hoos timaada shirkada ByteDance oo si gaar ah loo leeyahay. Marka loo eego tirooyinka ay daabacday TikTok, ku dhawaad 60% ByteDance waxaa iska leh maalgashadayaasha hay’adaha, 20% kale waxaa iska leh aasaasaha shirkadda iyo 20% shaqaalaha ByteDance. Source
-
Ciidamada Mareykanka oo sheegay inay ka cabsi qabaan in weerarrada Yemen ay saameyn xun ku yeelan doonaan diyaargarowga ciidamada ee badweynta Hindiya iyo Pacific-ga. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa Jimcihii sheegay in cabsida laga qabo saameynta duqeymaha ka dhanka ah kooxda Ansar Allah (Xuutiyiinta) ee Yemen ay ku leeyihiin diyaargarowga ciidamada Mareykanka ee ku sugan badweynta Hindiya iyo Baasifigga “la buunbuuniyay,”. CNN oo soo xigatay ilo-wareedyo aan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka cabsi qabaan in weerarrada Yemen ay saameyn xun ku yeelan doonaan diyaargarowga ciidamada ee badweynta Hindiya iyo Pacific-ga. Wararka ayaa sheegaya in askartan ay ka xumaadeen hubka qaar ee loo adeegsaday Xuutiyiinta, maadaama ay muhiimad gaar ah u lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Shiinaha, waxayna sidoo kale ka cawdeen in loo adeegsaday hubka riddada dheer. Shabakadda oo soo xiganeysa mas’uulkan ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in ay adag tahay in la ogaado tirada hubka u harsan xuutiyiinta. Laakiin waxa uu intaa ku daray, “Wax walaac ah kama qabno isticmaalka hubka riddada dheer marka loo baahdo si kor loogu qaado waxtarkayaga.” Dhinaca kale, ilo-wareedyadu waxay CNN u sheegeen in kharashka hawlgalka Maraykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta uu yahay ku dhawaad hal bilyan oo doollar wax ka yar 3 toddobaad, “in kasta oo saameyntiisa xaddidan tahay.” Waxay u badan tahay in ciidamadu ay u baahan doonaan inay dhaqaale dheeraad ah ka codsadaan Congress-ka si ay u sii wadaan weerarrada, iyagoo xusay in boqolaal milyan oo doolar oo rasaas ah loo adeegsaday weerarrada. Source
-
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay Jimcihii in ay dileen taliyihii Xamaas Xasan Farhat ee gobolka Sidoon ee koonfurta Lubnaan. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa duqayn ka geystay magaalada dekedda leh ee Sidon ee dalka Lubnaan, waxaana Jimcihii lagu dilay xubin ka tirsan ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta, sida uu sheegay sarkaal Falastiini ah. Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyey weerarka waxayna sheegeen inay dileen taliyihii Xamaas, Xasan Farhat. Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay wiil uu dhalay Farhat, oo xubin ka ahaa kooxda Falastiniyiinta, iyo gabadhiisa, sida uu sheegay garabka militariga ee Xamaas. Garabka Milateriga Xamaas ee Ezzedine Al-Qassam Brigades, ayaa sheegay in Farhat lagu dilay gudaha gurigiisa oo ku yaalla magaalada Sidoon ee koonfurta Lubnaan, isaga iyo gabadhiisa oo shahiiday Jenan Hassan Farhat iyo wiilkiisa Xamza, oo sidoo kale xubin ka ahaa garabka milateri ee kooxda Falastiin. Source
-
Hungary ayaa ku dhawaaqday inay go’aansatay inay ka baxdo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, kaddib markii Netanyahu uu dalkaasi ku yimid booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah. Belgium ayaa khamiistii muujisay sida ay uga xuntahay go’aanka Hungary ay uga baxday maxkamada dambiyada caalamiga ah (ICC). “Waa wax aad looga xumaado in Hungary ay ka baxayso heshiiskii Rome, heshiiskii aasaaska ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah,” Wasiirka Arrimaha Dibadda Belgium Maxime Prevot ayaa ku qoray bartiisa X. Prevot wuxuu xusay in Hungary ay noqon doonto dalka kaliya ee xubin ka ah Midowga Yurub ee aan lagu darin heshiiskii Rome. “Tani waxay dib u dhac weyn ku tahay cadaalada caalamiga ah iyo dagaalka lagula jiro isla xisaabtan la’aanta dambiyada ugu daran, oo ay ku jiraan xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah bini’aadanimada, dambiyada dagaalka, iyo dembiga gardarrada,” ayuu yidhi. Prevot wuxuu ka digay in go’aankani uu halis ugu jiro kobcinta adduun “laga yaabo inay saxdo.” “Waxaa muhiim ah in la xasuusiyo Hungary in ilaa iyo inta aysan si rasmi ah uga noqon, waxay weli ku xiran tahay in ay ixtiraamto qaanuunka iyo in ay si buuxda ula shaqeyso maxkamadda, oo ay ku jirto u hoggaansanaanta waarannada xiritaanka ee ay soo saarto,” Prevot ayaa sidoo kale ku celiyay taageerada joogtada ah ee Belgium ay siiso ICC, isaga oo iftiimiyay in ay “muhiimada aasaasiga ah” siinayso ilaalinta madax banaanida maxkamada iyo dhexdhexaadnimada. Hungary ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay go’aansatay inay ka baxdo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, kaddib markii Netanyahu uu dalkaasi ku yimid booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah. Booqashada Netanyahu ee Hungary ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu cagta saaro dhulka Yurub tan iyo markii maxkamadda ICC ay soo saartay amar lagu soo xirayo bishii November ee la soo dhaafay, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza. Hay’adaha xuquuqul insaanka oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ugu baaqay Hungary inay qabato Netanyahu oo ay u gacan geliso ICC haddii uu u safro dalkaas. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu bisha soo socota la kulmo madaxweynaha Suuriya, Ahmed Al-Sharca, kulan la sheegay inuu ka dhici doono Sacuudi Carabiya, sida uu weriyay bogga wararka Israa’iiliga ah ee I-24 News Arbacadii, isagoo soo xiganaya ilo xog-ogaal u ah arrimaha Suuriya. Warbixinta ayaa sheegtay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga ah, Mohammed bin Salman, oo ah hoggaamiyaha rasmiga ah ee dalka, uu door muhiim ah ku lahaa abaabulka kulankan la qorsheynayo. Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu booqan doono Sacuudi Carabiya bisha May, islamarkaana ay suuragal tahay inuu sidoo kale tago dalal kale oo ka tirsan Khaliijka. Madaxweyne Al-Sharca ayaa la kulmay Bin Salman bishii Febraayo ee la soo dhaafay, taasoo ahayd safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu hoggaamiyay kacdoonkii mucaaradka ee December 2024, kaasoo meesha ka saaray xukunkii muddada dheer haystay Bashar al-Assad. Sida ay sheegtay mareegta Al-Modon, oo ah farac ka tirsan warbaahinta The New Arab, ilo Suuriyaan ah ayaa xaqiijiyay in Sacuudi Carabiya ay isku dayeyso inay isu keento Trump iyo Ahmed Al-Sharca, hase yeeshee waxa ay xuseen inaan la hubin in dadaalkaasi guuleysan doono. Isha wararka ayaa tilmaamtay in Sacuudigu doonayo in Mareykanka si rasmi ah u aqoonsado dowladda Al-Sharca, islamarkaana la qanciyo Trump si uu u qaado cunaqabateyntii lagu soo rogay Suuriya xilligii xukunka Assad. Mareykanka ayaa dhawaan si taxaddar leh u soo dhaweeyay dhismaha dowladda cusub ee Suuriya, isagoo door muhiim ah ka qaatay heshiis dhexmaray dowladda Sharca iyo Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) oo ay Kurduudu hoggaamiyaan, heshiiskaas oo dhigaya in SDF lagu daro hay’adaha dowladda. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka wuxuu shuruudo ku xiray qaadista cunaqabateynta, oo ay ka mid yihiin: in dagaalyahannada ajaanibta ah laga saaro xilalka dowladda, in laga tanaasulo falalka “argagixisada”, in laga hortago in Iiraan iyo xulafadeeda ay ka faa’iideystaan dhulka Suuriya, in la ilaaliyo xuquuqda diimeed iyo qowmiyadeed ee laga tirada badan yahay, iyo in la sugo xorriyadaha aasaasiga ah ee dhammaan muwaadiniinta Suuriya. Xulafada Mareykanka ee Israa’iil ayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray Assad fulinaysay weerarro joogto ah oo dhanka dhulka iyo cirka ah oo ka dhan ah Suuriya, kuwaasoo sababay dhimashada dad badan. The New Arab ayaa isku dayday inay la xiriirto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay u xaqiijiso kulanka la sheegay ee u dhexeeya Trump iyo Sharca, balse wax jawaab ah lagama helin xilliga la daabacay warbixinta. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo tan maamulkiisa, kadib markii uu dhowaan soo gaaray gudah caasimada. Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah, sida amniga iyo siyaasadda dalka. Sidoo kale waxaa kulanka labada mas’uul lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii loo dardar-gelin lahaa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi. Sidoo kale Laftagreen iyo Zenengaayaa iska xog-waraystay xaaladda amni ee deegaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, taageerada ay u baahan yihiin bulshada deegaanka iyo dadaallada socda ee lagu daadejinayo adeegyada dowladda. Waxaa kale oo kulanka labada dhinac lagu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardar-geliyo mashaariicda horumarineed iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Cabdicasiis Laftagareen ayaa Muqdisho u yimid ka qayb-galka gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo looga hadlayo xaaladaha ka jira dalka, sida doorashooyinka 2026 oo uu muran ka taagan yahay iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale haatan socda diyaar garowga shirkan oo la filayo inay ka qayb-galaan madaxdii hore ee dalka iyo kuwa mucaaradka, si looga soo saaro natiijo wax ku ool ah. Dhanka kale, marka la dejiyo ajendaha gogosha, sidoo kalena la isla qaato dhinacyada mudan in lagu casuumo ayaa la iclaamo doonaa goorta la’isku imaanayo, sidoo kale waxaa jira safar dibadda ah oo soo galay Xasan Sheekh, balse markii uu soo laabo ayaa la guda geli doonaa furitaanka gogosha. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa taladooda ku biiriyay madaxda haatan shireysa oo ay ugu horreeyaan madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle oo iyagana soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Si kastaba, waxaa haatan kulamada bilowday ka maqan maamullada Jubbland iyo Puntlnad, mana cadda sida ay ka yeeli doonto dowladda federaalka oo uu haatan kala dhexeeyo khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka & wax ka beddalka dastuurka.
-
Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta deegaanno ka tirsan gobolkaasi ay ka dhaceen duqeymo culus iyo dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Duqeymaha oo ahaa kuwa xooggan ayaa waxaa lasoo wariyay inay ka dhaceen aagga degmada Galcad, waxaana lagu beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen xubnaa Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta gantaallada, waxaana lagu garaacay deegaanno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga degmada Galcad, waxaana sidoo kale jira khasaare culus oo la gaarsiiyay kooxda. Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dhashay weerarkan dhanka cirka ah ee ka dhacay gobolka Galgaduud, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa isna maanta ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo hoos yimaada degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah. Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay guul wayn ka gaareen dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, ayna jab culus ku gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla markaana ujeedkooda uu yahay in Khawaarijta ay ka saaraan gobolka Galgaduud oo dhan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Galmudug iyo HirShabelle , kadib markii ay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen maleeshyaadka Al-Shabaab oo la wareegay deegaanno horay looga xoreeyay.
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — A Minneapolis man has become the third person to plead guilty in a scheme to bribe a federal juror with $120,000 in cash during last year’s high-profile “Feeding Our Future” fraud trial, which involved the alleged theft of at least $250 million in federal child nutrition funds. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Pakistan Navy Ship (PNS) Aslat has conducted counter-piracy patrols in the Arabian Sea off the eastern coast of Somalia, as part of operations led by the Pakistan-commanded Combined Task Force 151 (CTF-151), Pakistani officials confirmed Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo warbixin kooban soo saaray ayaa ka hadlay waxqabadkiisa, muudada uu hoggaamnayay wasaaradda difaaca ee dalka, isaga oo ku faanay inuu soo saxiixay illaa 10 heshiis difaac oo lala soo galay dalal kala duwan. Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu muddada uu joogay lagu sameeyay isbedallo waa wayn oo ku saleysan aragtida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuna aadan aragti ah Soomaaliya ammaan ah, midaysan oo madax-bannaan. Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay inuu galay illa heshiis oo difaac iyo 200 oo safarro diblomaasiyadeed ah oo uu baxay dibadda. “10 heshiis oo dafaac ayaanu soo galnay 200 oo safar diblomaasiyadeed ahna waan u baxnay, intii aan haya xilka wasiirka wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya” ayuu yiri Waxaa kale oo uu tilmaamay in la dilay illaa 5,000 oo Al-Shabaab ah, kadib howlgallo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya oo loo tababaray in ka badan 20,000 oo askari, kuwaas oo haatan qayb ka ah howlgallada xoreynta ee ka socda dalka. Hoos ka akhriso nuxurka warbixinta:- In ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan CXDS ayaa la tababaray In ka badan 5,000 oo argagixiso Khawarij ah ayaa la diley In ka badan 10 heshiisyo difaac ayaa la saxiixay In ka badan 200 safarro diblomaasiyadeed ayaa la fuliyay “Dhaxalkaani waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed ee diiday inay isdhiibaan” ayaa wasiirkii hore gaashaandhigga ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray. Dhinaca kale, Wasiir Jaamac ayaa illaa iyo hadda aan xilka ku wareejin wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin. Jaamac ayaa weli sii wata shaqada, waxaana dhowaan uu bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay xukuumadda Ankara. Sidoo kale Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga. Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.
-
Guutada 14-ka Oktoobar waa mid kamid ah cutubyada ugu firfircoon Ciidanka Xoogga dalka, waxayna ka howlgallaan degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ciidanka lagu ammaanay inay guulo wax ku ool oo ah ka soo hooyeen sugidda amniga deegaanada ay joogaan. Aas-aaska guutadani wuxuu ka yimid kacdoon dadweyne oo ka dhashay qaraxii lagu hoobtay ee 14-kii ee sanadkii 2017 ka dhacay isgoyska Soobe ee degmada Hodan, sida uu sheegay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Shiikh Cumar Cali Rooble, oo bixinta magacaas asagu lahaa sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladdu. Ciidankan oo lagu aas-aasay dhallinyaro firfircoon ayaa intii aan lagu biirin militariga, waxaa loo xilsaaray sugidda ammaanka caasimadda, waxayna ka howlgeli jiraan baraha hubinta, iyo meelaha laga soo galo magaalada, oo xilligaas laga dareemay isbedel nabad-gelyo. Muddo yar oo ay magaalada Muqdisho ka howlgallayeen ka dib waxay guutada la geeyay furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay saodhigyo ka sameysteen, islamarkaana uga biireen dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab. 13-kii Oktoobar, sanadkii 2022 ciidanka waxaa Taliye looga dhigey Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow( Nuur Farey), kaas oo guutadan hoggaanka u hayay ilaa sabtida maanta ah oo la dilay asagoo ku jira gudashada waajibaadkiisa Qaran. Guutadan oo ka kooban 6 urur ayaa haatan ka howlgasha magaalooyinka Marka, Afgooye, Jannaale, Awdhiigle, mareeray, arbacow, iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose, waxayna hormuud u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolkaas. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda. Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo iskaashiga ganacsi. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmi doona dhiggiisa Uganda, Mudane Yoweri Museveni, si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin taageerada ciidamada Uganda ee howlgalka AUSSOM oo bedeli doona ATMIS. Booqashadaan ayaa sidoo kale muhiim u ah sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Shabaab. Source: goobjoog.com
-
President Donald Trump is preparing to issue a new travel and visa ban for citizens of countries whom he deems a security risk or who have a history of illegally remaining in the United States. During his first term, Trump issued several executive orders that banned entry for citizens of 15 countries. While many in the media labeled his actions a “Muslim Ban,” this was unfair: Myanmar, North Korea, and Venezuela are not Muslim, and Nigeria and Eritrea are only half Muslim. Seeking to use Islamophobia to stymie real debate and concern about immigration only polarized the debate further. While former President Joe Biden rescinded the ban, Trump now seeks not only to reimpose it but also widen it to 41 countries. Not all banned countries are equal, however. The draft directive categorizes countries into red, orange, and yellow lists. All red-listed countries would face visa bans, orange-listed countries would face significant restrictions, and yellow-listed countries would have 60 days to address Trump administration concerns to prevent their moving into the higher categories. The red list includes Afghanistan, Bhutan, Cuba, Iran, Libya, North Korea, Somalia, Sudan, Syria, Venezuela, and Yemen. Every red-list country deserves its status except perhaps for poor Bhutan, a friendly but insular Himalayan kingdom that lacks a U.S. embassy. Cuba’s inclusion is overdue. Ten percent of Cubans have fled their country over the last two years, most often to the U.S. When I was at Havana’s Jose Marti International Airport, a line snaked through the terminal with Cubans heading to Nicaragua, a destination for which they needed no visas. Most were excited: They were going to the U.S. illegally. Buses would meet them at Managua’s airport, they said, and take them directly to the U.S. border with Mexico. Somalia, too, deserves the visa ban. Mogadishu is happy to take billions of dollars in aid, even as it embraces Beijing and vocally supports Hamas and other terrorist causes. The Somali government’s corruption has allowed Al-Shabaab, the local al Qaeda affiliate, to return to the outskirts of Mogadishu. Fahad Yasin, Somalia’s previous national security adviser, was a former Al Jazeera reporter who subsequently joined an al Qaeda-linked group. To offer Somalis visas absent incredible vetting beyond the scope of U.S. intelligence is to risk terrorism on American soil. But not all of Somalia is the same. Somaliland, while unrecognized, is night and day different from the rest of Somalia. Somaliland is democratic — unlike Somalia, which appoints its leaders. While Somalia embraces China, Somaliland partners with Taiwan. While Somalia cheers Hamas, Somaliland courts Israel. While Mogadishu is unsafe, Somaliland’s capital, Hargeisa, and its port of Berbera are safer than any American city. My nine-year-old daughter visited without security. While terrorist gangs smuggle weaponry across Somalia, Somaliland secures its 450-mile coastline Somaliland is also home to the Abaarso network, perhaps the United States Agency for International Development’s most successful project. Abaarso school graduates have ended up at nearly every Ivy League school and have reached the top echelons of American business. The taxes they pay more than offset any grant USAID originally made. Abaarso graduates stay legally but also return to pay it forward. Today, Hargeisa boasts perhaps the best schools not only in the Horn of Africa but along the continent’s entire east coast. Rather than punish Somaliland for doing the right thing, tweaking the visa ban to allow Somalilanders but prohibit those from Mogadishu-controlled Somalia would send the signal that behavior and accountability matter. Somalia might complain, but the answer would be simple: Be more like Somaliland. The Trump administration is reportedly now considering leasing a base in Berbera to help counter Houthi terrorists and secure freedom of navigation. Somaliland is willing to do what Washington requests, while anti-Americanism is the currency in Mogadishu. The State Department would never treat Taiwanese and Chinese as the same, whatever China’s fanciful claims. To conflate Somalilanders and Somalis would be equally ridiculous. By Michael Rubin Washington Examiner Qaran News