Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,717
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Acknowledged at Home, Denied at the UN: #Somalia’s #Somaliland Genocide Contradiction Somalia’s president, Hassan Sheikh Mohamud, has acknowledged and publicly apologized for the genocide committed against the people of Somaliland by the Siad Barre regime, a position that sharply contrasts with statements made by Somalia’s envoy at the United Nations. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/12/3945f0259582f6046381f27b9ff5da92.mp4 During yesterday’s UN Security Council meeting, Somalia’s ambassador to the UN, Abukar Balle, denied that genocide, triggering criticism from survivors, civil society groups, and observers who say the atrocities are extensively documented through eyewitness testimony, mass graves, and international human rights reports. The contradiction between the Somali president’s acknowledgment and the UN envoy’s denial has reignited debate over historical accountability, truth, and justice for crimes committed in the late 1980s, when Somaliland cities including Hargeisa and Burao were subjected to large-scale destruction, resulting in the deaths of hundreds of thousands of civilians. Somaliland restored its sovereignty in 1991 and has since maintained its own governing institutions, security forces, and democratic processes. Madaxweynaha Somaliya Xasuuqii Isaaqa Qaran News
  2. US defends Israel’s recognition of Somaliland at the UN Security Council amid global backlash, drawing further criticism after comparing it with world leaders recognising “nonexistent” Palestinian state. https://www.trtafrika.com/english/article/f6c65390f9b5 Qaran News
  3. Xukuumadda Netanyahu ayaa xalay waji-gabax weyn kala kulantay kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii dhammaan dalalkii ka hadlay kulankaasi ay si adag uga horyimaadeen tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Soomaaliland. Dalalka hadalka ka jeediyay Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen Boqortooyada Midowday (UK), Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Pakistan, Turkiga, Masar, Kuwayt, Koonfur Afrika, Giriigga, Panama, Denmark, Kuuriyada Koonfureed, Jabuuti, Guyaana, iyo Slovenia, ayaa dhammaantood isku mowqif ka qaatay in la diido tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa kulanka si cad uga sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay uu yahay mid sharci-jab ah, kana hor imaanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, xeerarka Qaramada Midoobay, iyo qaraarrada caalamiga ah ee xaqiijinaya midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Wakiillada dalalkaasi ayaa adkeeyay in Soomaaliya tahay dal madax-bannaan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana aysan jirin cid xaq u leh inay si hal-dhinac ah u farageliso arrimaheeda gudaha ama u wiiqdo wadajirka dhuleed ee dalka. Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa kulanka ka sheegtay in mowqifkeeda ku aaddan Geeska Afrika uusan waxba iska beddelin, gaar ahaan arrimaha la xiriira Soomaaliya, iyadoo hoosta ka xariiqday in Washington ay weli taageersan tahay xasilloonida, wada-hadalka, iyo ixtiraamka nidaamka caalamiga ah. kulankii Golaha Ammaanka ayaa si cad u muujiyay go’doon diblumaasiyadeed oo soo foodsaaray xukuumadda Netanyahu, halka beesha caalamka ay si aqlabiyad leh u caddeeyeen in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin kuwo lama taabtaan ah, islamarkaana aan la aqbali karin aqoonsi kasta oo sharci-darra ah. Source: goobjoog.com
  4. Munaasabado waaweyn oo isku soo baxyo ah ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo shacabka iyo maamulladu ay si wadajir ah ugu muujiyeen sida ay uga xun yihiin kana soo horjeedaan damaca ku aaddan kala goynta dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Magaalooyinka Muqdisho, Cadaado, Dhuusamareeb, Guriceel, Gaalkacyo Buuhoodle iyo caasimadda dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Laascaanood ayaa lagu qabtay banaanbaxyo ruxay magaalooyinkaas, iyadoo shacabku ay kor u qaayeen halku-dhigyo lagu difaacayo midnimada dalka, laguna cambaaraynayo qorshayaasha halista ah ee ka dhanka ah qaranimada. Magaalada Muqdisho ayaa noqotay goobta ay ka dhaceen isku soo baxyadii ugu ballaarnaa, waxaana dareenka shacabka ee ka dhashay ficillada Israa’iil iyo xulafadeeda uu u muuqdaa mid mideeyay quluubta dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka oo dhan. Source: goobjoog.com
  5. Click here to read more about this information Qaran News
  6. Riyadh (PP News Desk) — Saudi Arabia has issued a strong statement and expressed disappointment with actions taken by the United Arab Emirates (UAE) in southern Yemen. “ The Kingdom of Saudi Arabia expresses its disappointment by the actions taken by the brotherly United Arab Emirates, pressuring the Southern Transitional Council’s forces to conduct military operations on the southern borders of the Kingdom in the governorates of Hadramout and Al-Mahara, which is considered a threat to the Kingdom’s national security, and the security and stability of the Republic of Yemen and the region” reads the statement. Saudi Arabia emphasised that any threat to its security is a “red line” and warned it would take all necessary steps to protect itself. The Kingdom also criticised the movement of ships carrying weapons and armoured vehicles to the port of Al-Mukalla “without approval from coalition forces.” Saudi Arabia reaffirmed its support for Yemen’s unity, sovereignty and government. It said the conflict in the south can only be solved through dialogue and a political solution involving all Yemeni parties. The Kingdom called on the UAE to withdraw its forces from Yemen within 24 hours and to stop all military and financial support to armed groups. It also said it hopes relations between the two countries can be preserved. © Puntland Post, 2025
  7. Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay caddeeyaan mowqifka reer Puntland ee midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaliyeed. Cali Xaaji ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ku yiri “madaxda Puntland waxaa looga fadhiyaa inay maanta caddeeyaan mowqifka reer Puntland oo ah wadajirka ummadda Soomaaliyeed & midnimadda dhuleed ee dalka”. “Iskuma heli karaan inay Xamar xilka dalka ugu sarreeya u doontaan ama hadda u socdaan, haddana markii laga hadlayo wadajirka & midnimadda dalka ay hoos u hadlaan” ayuu raaciyay. Cali Xaaji wuxuu sheegay in khilaafka gudaha ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe uusan sababi karin in laga aamuso duulaanka midnimadda dalka lagu yahay. “Waxa ka dhexeeya Puntland & dowladda dhexe waa meesheedii, waxaana looga wada hadlayaa gole furan & war cad oo ah dal la wada leeyahay oo loo wada-talinayo, dastuur heshiis lagu yahay & doorashooyin waqtigoodii ku dhaca laakiin marna lama aqbali karo in laga aamuso duulaanka midnimadda dalka lagu yahay” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame. PUNTLAND POST
  8. New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii dhageystay diidmo xooggan oo ballaaran, kaddib markii Israel ku dhawaaqday inay si rasmi ah ugu aqoonsatay Somaliland inay tahay “dawladd madax-bannaan oo qaran,” tallaabo ay Soomaaliya ku tilmaantay weerar ka dhan ah midnimadeeda iyo tusaale khatar ah. Kalfadhigan degdegga ah, oo la isugu yeeray codsi ka yimid Soomaaliya, ayaa muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Israa’iil ay ku noqotay go’doon difaaca go’aankeeda. Halka Israa’iil ay ku dooday in tallaabadani tahay “qirashada xaqiiqo taariikhi ah,” quwadaha waaweyn iyo ururrada gobolka ayaa ka digay in xuduudaha Afrika oo si hal dhinac ah loo beddelo ay hurinayso kala-qaybsanaan. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cismaan, ayaa Golaha u sheegay in “aysan jirin awood shisheeye oo xaq u leh inay beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.” Isagoo ku hadlayay magaca Algeria, Guyana, iyo Sierra Leone, Danjire Abuukar wuxuu ugu baaqay xubnaha Golaha inay tallaabada Israa’iil u arkaan mid “waxba kama jiraan ah” (null and void) marka la eego Cahdiga QM iyo sharciga caalamiga ah. Wuxuu ka digay in falkan gardarrada ah loola jeedo in lagu dhiirrigeliyo kala-burburinta Soomaaliya, uuna ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika. Wakiilka Israel ayaa jawaab ahaan sheegay in go’aanku yahay mid sharci ah oo ku dhisan mabda’, isagoo ku dooday inuu ka tarjumayo “xaqiiqo soo jirtay muddo dheer,” halkii uu ka ahaan lahaa go’aan siyaasadeed oo cusub. Wakiilka ayaa soo hadal-qaaday madax-bannaanidii koobnayd ee Somaliland ee 1960-kii iyo xasuuqii loo geystay beesha Isaaq dhammaadkii 1980-yadii, isagoo xusay in aqoonsigu xambaarsan yahay cudur-daar taariikhi ah iyo mid akhlaaqi ah. “Aqoonsiga Israel ee Somaliland ma aha mid kicin ah, mana aha wax cusub,” ayuu ku adkeystay wakiilku. “Waa aqoonsi sharci ah oo mabda’ leh, kana waafaqsan sharciga caalamiga ah.” Inkastoo ay xiriir dhow la leeyihiin Israa’iil, xulafada waaweyn ee Reer Galbeedka ayaa diiday inay raacaan dhabahaas, iyagoo dib u xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska, iyadoo u maraysa Danjire James Kariuki, ayaa sheegtay in London “aysan aqoonsanayn madax-bannaanida Somaliland,” iyadoo ku nuuxnuuxsatay in xalku ku jiro wadahadal dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa. Danjiraha ayaa ka digay in khilaafyada gudaha ay fursad siin karaan Al-Shabaab. Maraykanku wuxuu qaatay hadal taxaddar leh. Ku-xigeenka wakiilka Maraykanka, Tammy Bruce, ayaa Golaha u sheegtay inaanay jirin “wax ku dhawaaqis ah” oo ku saabsan aqoonsi Maraykan ah, isla markaana “aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Maraykanka.” Si kastaba, Washington waxay horey ugu cel-celisay in ay ixtiraameyso midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay. Cambaaraynta ugu culus waxay ka timid dalalka Afrika iyo Carabta. Goobjoogaha Midowga Afrika ayaa ka digay in wiiqidda madax-bannaanida Soomaaliya ay “kasoo horjeeddo mabaadi’da ugu weyn ee Midowga Afrika” ee dhowrista xuduudaha. Wakiilka Jaamacadda Carabta ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamay “mid taxadar la’aan ah,” isagoo sheegay inay gogol-xaar u tahay “joogitaan sharci-darro ah,” barakicinta Falastiiniyiinta, iyo in dekedaha waqooyiga Soomaaliya loo adeegsado saldhigyo ciidan. Jabuuti iyo Turkiga ayaa iyaguna ka digay in tallaabadani ay sii kicinayso xaaladda Geeska Afrika. The post Golaha Ammaanka QM oo diidmo xooggan ka muujiyey aqoonsiga Israel ee Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  9. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ka socoto munaasabad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, waxaana kulankooda diiradda lagu saari doonaa qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, xaaladaha gobolka, iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac. Ilo ay soo xigatay warbaahinta Middle East Eye ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale ka wadahadli doonaan horumarrada la xiriira aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland iyo iskaashiga socda ee dhinaca tamarta badda, gaar ahaan sahaminta iyo qorshayaasha qodista shidaalka. Sida ay ilo wareedku sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uga hadli doona natiijooyinka sahaminta shidaalka ee la dhammeeyey bishii Oktoobar, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne ay ku dhowaaqaan billaabista qodista shidaalka ee 2026. Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Ankara ay qorshaynayso inay billowdo hawlgallada qodista badda Soomaaliya sannadka 2026, isagoo tilmaamay in xogta sahanku muujisay calaamado muujinaya jiritaanka khayraadka hydrocarbon-ka. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey ballaariyey xiriirkooda, iyagoo xoojiyey iskaashi ku dhisan difaac iyo tamar, oo ay ku jirto sahamin badeed oo Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya. Turkiga ayaa horey u fuliyey howllo sahmin ah oo ka dhacay badda Soomaaliya, kuwaas oo lagu sameeyey heshiiska ay labada dal wada galeen. Turkiga ayaa sidoo kale joogitaan weyn ku leh Soomaaliya tan iyo 2011, isagoo bixiya gargaar bani’aadannimo iyo iskaashi amni, oo ay ka mid tahay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii shalay magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay wada-tashi iyo isku-duwid dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifka dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah ee si cad uga soo horjeestay kala-qaybinta Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray Turkiga – Maxaa maanta lagu dhowaaqayaa? appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaysa diidmada adag ee dalalka caalamka iyo ururradu uga hor imanayaan xad-gudubka Israa’iil, taas oo sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland. Madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Carabta, Mudane Ibraahim Boughaali ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa ku aaddan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo loogu xad-gudbayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo leh xaq buuxa oo ku aaddan ilaalinta dhulkeeda, amnigeeda iyo go’aanadeeda siyaasadeed, iyadoo la tixraacayo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka. Midowgu wuxuu sidoo kale cambaareeyey tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madaxbannaanida Soomaaliya ama lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka Carabta iyo Afrika, isagoo caddeeyey in amniga Soomaaliya uu si toos ah ula xiriiro amniga guud ee Gobolka. Ugu dambayntiina, Midowga Baarlamaanada Carabta wuxuu mar kale xaqiijiyey taageeradiisa buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya. Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil. Sida lagu xusay qoraal ay faafisay mid ka mid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee saxiixay bayaanka, dalalkan ayaa ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Bayaankaas ayaa sidoo kale si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda. The post Diidmada aqoonsiga Israel ee Somaliland oo xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
  11. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen magaalada New York, uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. Inta badan xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ku jiraan Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka oo leh diidmada qayaxan (Veto power) ayaa diiday go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna taageereen midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Maraykanka oo go’aankiisa aad isha loogu hayay ayaa ku gaabsaday in siyaasadiisii hore ee Soomaaliya aysan waxba iska beddelin, Israa’iil na xaq u leedahay cidda ay xiriir la sameynayso. Kulankan ayaa ku soo aaday, iyada oo toddobaad kaddib ay shir-guddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la wareegayso Soomaaliya. PUNTLAND POST
  12. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/12/842c3656fa9fdddc7e6f709e862a02ba.mp4 Qaran News
  13. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ku muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si cad u diiday aqoonsiga ay Israa’iil ku sheegtay inay siisay Soomaaliland, kaasi oo la sheegay in aan lagu difaaci karin dood sharciyeed oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah. Dalal badan oo ka tirsan Golaha Ammaanka iyo kuwa martida ku ahaa kulanka, oo ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha, Pakistan, Faransiiska, UK, Masar, Turkiga, Jabuuti, Kuwayt, Koonfur Afrika, Giriigga, Guyaana, Baanama iyo Aljeeriya, ayaa si mideysan u adkeeyay in Soomaaliya tahay dal leh xuduud la aqoonsan yahay, isla markaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo hal-dhinac ah oo lagu dhaawacayo midnimadeeda. Wakiillada dalalkan ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay uusan lahayn sal sharciyeed, isla markaana uu khilaafsan yahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da ixtiraamka madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah QM. Qaar badan oo ka mid ah dalalka hadalka qaatay ayaa si toos ah u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen faragelin cad oo uu maamulka Israa’iil ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Sidoo kale, dalalka Masar, Turkiga, Jabuuti iyo Kuwayt ayaa si gaar ah u muujiyay walaac ku saabsan saameynta amni ee tallaabadaasi ku yeelan karto Geeska Afrika, iyagoo sheegay in kala-qaybinta dalalka ay fursad siin karto kooxaha argagixisada ah iyo xasillooni-darro hor leh. Dhanka kale, Wakiilka Mareykanka ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Washington aysan waxba iska beddelin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isagoo xusay in Mareykanku weli taageersan yahay dadaallada nabadda, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada ee gobolka. Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo la sheegay in ay ka dhacayso munaasabad taariikhi u ah xiriirika iyo iskaashiga labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay isu maray dalalka Jabuuti iyo Turkiga oo uu ku tagay safarro diblomaasiyadeed. PUNTLAND POST
  15. Dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska (UK), Pakistan, Shiinaha iyo Giriigga, ayaa si wadajir ah oo adag u diiday tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid khilaafsan sharciga caalamiga ah isla markaana halis ku ah xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Wakiillada dalalkan oo ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka ayaa si cad u sheegey in Somaliland ay ka mid tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax aqoonsi caalami ah oo ka madax-bannaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Waxay ku adkeeyeen in midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin mabda’ aan gorgortan ka geli karin. Ruushka iyo Shiinaha ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinka hal-dhinac ah ee noocan ah ay wiiqayaan nidaamka caalamiga ah, isla markaana ay abuuri karaan xiisado siyaasadeed iyo amni darro hor leh. UK iyo Giriigga ayaa dhankooda carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga Israa’iil uu carqaladeynayo dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in kala-qaybin lagu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay ay horseedi karto khataro amni oo gobolka iyo caalamkaba saameeya, gaar ahaan marka ay timaaddo la dagaallanka argagixisada. Dalalkan ayaa ugu baaqay Israa’iil inay dib uga laabato go’aankeeda, iyagoo ku boorriyay beesha caalamka inay u hoggaansamaan qawaaniinta iyo axdiyada caalamiga ah, kana fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  16. Tel Aviv (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Isniintii weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyay fashil siyaasadeed oo la xiriira aqoonsiga Somaliland iyo safarka uu ku tagay Maraykanka isagoon wadan qorshe cad. Lapid, oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Baarlamaanka (Knesset-ka), ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka Jimcihii lagu aqoonsaday Somaliland uusan haysan oggolaanshaha Golaha Wasiirrada amaba Golaha Amniga Qaranka. “Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay tahay dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dowlad qaran,” ayuu yiri Lapid. “Laakiin tani ma ahayn go’aan xukuumadeed… wuxuu ahaa go’aan ku kooban xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.” Wuxuu tilmaamay in tallaabadani ay banaanka soo dhigayso “maqnaanshaha siyaasad arrimo dibadeed oo fadhiya,” iyadoo dhalisay cambaarayn caalami ah oo kaga timid Turkiga iyo dalal badan oo Afrikaan iyo Carbeed ah, kuwaas oo u arka xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa ku dhawaaqay aqoonsigan 26-kii December, kadib markii Israa’iil iyo Somaliland ay kala saxiixdeen bayaan is-aqoonsi ah. Wuxuu ballan-qaaday inuu Somaliland la yeelan doono iskaashi ballaaran oo dhinacyada beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada iyo dhaqaalaha ah, isagoo tallaabadan ku saleeyay “ruuxda Heshiisyada Abraham.” Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tallaabadan ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, iyadoo wacad ku martay inay u mari doonto waddo kasta oo diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ah si ay uga hortagto. Cambaaraynta caalamka Go’aankan ayaa durbadiiba la kulmay dhaleecayn kulul oo kaga timid dalalka gobolka iyo xulafada muhiimka ah ee Soomaaliya—sida Masar, Turkiga, iyo Jabuuti—kuwaas oo ka digay khatarta ay arrintani ku hayso xasilloonida gobolka iyo xeerarka caalamiga ah. Midowga Afrika ayaa isna cod dheer ku taageeray, isagoo dib u xaqiijiyay mowqifkiisa adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, Adeegga Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la ixtiraamo “midnimada iyo qarannimada Soomaaliya,” isagoo dhiirrigeliyay in khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Somaliland lagu xalliyo wadahadal. Dowladda Shiinaha ayaa Isniintii ku biirtay mowqifka caalamiga ah, iyadoo si adag uga hortimid aqoonsigaas. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lin Jian, ayaa dhaliilay dalalka taageera dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka ah iyagoo eeganaya dano gaar ah, wuxuuna ugu baaqay Somaliland inay joojiso “falalka kala-goynta” iyo xiriirka shisheeye. The post Mucaaradka Israel oo ka hor-yimid aqoonsiga SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  17. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa door weyn ka qaadanaya dagaalka diblumaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto difaaca midnimadeeda. Madaxweyne Erdogan ayaa khadka telefonka kula hadlay Amiirka Kuwait, Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, iyagoo labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen arrimaha xiriirka laba-geesoodka ah iyo xaaladaha Soomaaliya, sida ay baahisay Madaxtooyada Turkiga. Erdogan ayaa intii uu kulanka socday adkeeyay taageerada Soomaaliya ee midnimadeeda iyo xuduudaheeda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay mudan tahay taageero dhab ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay go’aankii Israa’iil ee Jimcihii ay ku aqoonsatay Somaliland, taasoo muujinaysa qorshaha Israel ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xasilloonida gobolka. Erdogan ayaa sidoo kale ku baaqay in Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka laga taageero xasillooni siyaasadeed iyo horumar, isagoo tilmaamay sida ay taageerada caalamiga ah muhiim ugu tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo ka hortagga dadaallada lagu kala fogaynayo waddamada gobolka. Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya. Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil. Sida lagu xusay qoraal ay faafisay mid ka mid ah wasaaradaha arrimaha dibadda ee saxiixay bayaanka, dalalkan ayaa ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Bayaankaas ayaa sidoo kale si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumaysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii lasoo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda. The post Erdogan oo door weyn ka ciyaaraya ka hortagga xad-gudubka Israa’iil ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  18. Map of the Horn of Africa by Xarbi Graphics and Logo Designs, Public Domain (Wikimedia Commons). Source: Wikimedia Commons, Map of the Horn of Africa.png. On December 26th 2025, the State of Israel became the first country in the world to formally recognize Somaliland as an independent country. After talks between Israel and Somaliland, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu announced the recognition of Somaliland and invited the President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi, to visit Israel. As part of recognition, Somaliland has pledged to join the Abraham Accords, a treaty brokered in 2020 between Israel and several Muslim countries by the United States. The recognition is likely to give Israel a strong ally near the Bab el-Mandeb Strait as well as providing Israel with a strategic partner close to Yemen. The backlash against Israel was immediate and the move has drawn sharp criticism from the African Union, Arab League, and the OIC (Organization of Islamic Cooperation). Israel also drew direct criticism from Egypt and Turkey, two of Somalia’s staunchest allies. The UN mission of the government of Somalia requested an emergency meeting of the United Nations Security Council which is expected to take place on Monday, December 29th. Despite Somaliland being de facto independent, the Somalia government views Somaliland as an integral part of their territory under international law, a claim backed up by the United Nations and African Union though it does not reflect the situation on the ground. The US has shown some indication that they will consider recognition of Somaliland. The head of US Africa Command, General Dagvin Anderson, visited Somaliland in late November 2025. In addition to this, Republican Representative Scott Perry introduced the Somaliland Independence Act in June 2025 which currently has backing from several Republican representatives. US President Donald Trump spoke to the New York Post on Saturday and asked a question many people around the world are wondering. He said, “Does anyone know what Somaliland is, really?” He also said he would study the issue further. Based on current reporting the President seems to have indicated that he will not move to recognize Somaliland in the coming weeks. The move by Israel has led to renewed international attention including from President Trump about Somaliland, a territory that has operated independently from Somalia since 1991. Background of Somaliland: Somaliland is a small self-governing territory located in northern Somalia. Somaliland is located south of the Gulf of Aden close to the vital Bab el-Mandeb Strait. The territory borders Somalia to the east, Ethiopia to the south and west, and Djibouti to the northwest. Somaliland has 530 miles of coastline along the Gulf of Aden. The state claims maritime rights over part of the Gulf of Aden but this maritime territory is internationally treated as part of Somalia. Directly north across the Gulf of Aden lies Yemen. Somaliland is made up of six regions which in total make up a land mass of approximately 68,000 square miles. The capital of the territory is Hargeisa which is currently estimated to have a population of about 1.2 million people according to World Population Review. The total population of the country is estimated to be about 5.7 million as of 2019 but numbers vary. Most of the country is dry and desert-like. The vast majority of Somaliland is considered arid while some of the country is considered semi-arid. The country has three official languages, Somali, Arabic, and English. The official religion is Islam with about 99 percent of the inhabitants being Muslims. Almost all of these Muslims are Sunnis. History of Somaliland: Somaliland traces its current borders and right to exist to the colonial period. In 1884 the British Empire began negotiating with different clans in Somaliland in order to supply meat to the British garrison, at the Port of Aden, in Yemen. Following more treaties Britain established the protectorate of Somaliland which remained a backwater of the British Empire. At this time Italy controlled the rest of Somalia as a colony which they called Italian Somaliland and France held the colony of French Somaliland which is present day Djibouti. British Somaliland achieved independence from Britain on June 26th 1960 and was initially recognized by over 30 countries including Israel and the United States. The modern state of Somaliland traces its right to its territory to this brief period of independence and the colonial period. Upon independence from Britain, Somaliland’s parliament voted for union with Italian Somaliland to form the modern country of Somalia which took effect on July 1st, 1960, five days after their initial independence. In 1969 the president of Somalia Abdirashid Ali Shermarke was assassinated and General Mohamed Siad Barre launched a military coup which took over the country. Said Barre installed himself as President and ruled as a dictator until his overthrow in 1991. From 1977 to 1978 President Siad Barre launched a failed invasion of the ethnic Somali Ogaden region of Ethiopia leading to the brutal Ogaden war. Following the Somali loss to Ethiopia, Somalia fell into increasing violence. Despite his official state policy of Scientific Socialism, Siad Barre, who was a member of the Marehan subclan of the Darod clan family, increasingly tried to manipulate the various Somali clans off of each other in order to stay in power. Somaliland is mostly made up of the Isaaq clan which was seen as an enemy by President Siad Barre. These historical developments set the stage for Somaliland to declare independence from Somalia in 1991. The Independence and Formation of Somaliland: The Somalia National Movement (SNM) was a rebel group which sought to separate the mostly Isaaq Somaliland from the government of Somalia in Mogadishu. In response to increasing unrest Siad Barre ordered the bombing of the city of Hargeisa which destroyed the city and combined with other violence killed tens of thousands of people in Somaliland. President Siad Barre was overthrown in 1991 and he fled to Kenya. After the overthrow of President Siad Barre most of Somalia broke down into a protracted civil war marked by large scale violence and state collapse. This included the battle of Mogadishu in 1993 which is best known for the infamous Black Hawk Down incident in which 18 US soldiers were killed. The country of Somalia has remained unstable since the civil war with the Al Qaeda affiliated terrorist group Al Shabaab controlling large portions of the country as well as the region of Puntland operating autonomously though not declaring independence. Somalia has struggled with numerous security issues including terrorism and maritime piracy. Despite being internationally recognized as part of Somalia, Somaliland presents a very different picture. Following the fall of Siad Barre Somaliland declared independence from Somalia. The government of Somalia views this move as illegal and a violation of their sovereignty to this day. The African Union and United Nations have supported the Somali Government’s territorial integrity and see Somaliland as part of that territory. The international community fears that a recognition of Somaliland’s independence would result in the further breakup of Somalia and would destabilize the Horn of Africa region. This follows the African Union’s general policy of respecting colonial era borders in order to secure peace and stability throughout Africa. While Somaliland claims that they are respecting colonial rule and are the successor to the British Protectorate of Somaliland, the international community has largely rejected this claim. This is due to the fact that Somaliland voluntarily voted for union with the rest of Somalia in 1960 which complicates their claim to independence. In 1991 various clans of Somaliland held a Shir. A Shir is a traditional Somali custom for resolving conflicts between clans and for making sure there is no violence in the future. While this is not the same as a western backed peace process the Shir held in 1991 largely served the same purpose. It established peace between the clans and began the process of government formation. Over the next ten years the clans largely disarmed and formed a national police force in order to enforce the laws. The process culminated in a 2001 referendum in which Somaliland adopted the current constitution that it uses today. Governance and Freedom in Somaliland: Despite having low income levels by global standards, Somaliland has comparatively high degrees of political stability and governance compared to the rest of the Horn of Africa according to Freedom House and other international analysts. Since its independence in 1991, the state has maintained a democracy despite being largely dominated by the Isaaq clan family. The government structure takes influence from both western styles of government as well as traditional Somali customs and laws. The government has a bicameral parliament which is made up of an elected house of representatives and an unelected clan appointed house of elders. The country has a president and a supreme court with lower courts throughout the country. The country has had 6 presidents since its independence in 1991. While it is very difficult to start a political party in Somaliland, the country has had competitive parliamentary and presidential elections between its three major parties. The most recent presidential elections took place in 2024 where current President Abdirahman Mohamed Abdullahi was elected for his first term. While Somaliland has a democratic system the state has had some problems with maintaining freedom and democracy. While there is some freedom of the press the government owns and operates one of the major TV stations and also the only domestically licensed radio station. In addition there have been some reports of harassment and detention of journalists who are critical of the government. The elections in 2003, 2010, and 2017 have been contested though none of these erupted into large-scale violence. The country has a ranking of 42/100 by Freedom House which makes it a partially free country as of 2021. To see this compared to the Freedom House scores of other countries in the region and the world check the data listed below. State 2021 Freedom House score: (0-100) Status Somaliland 42 Partly Free Djibouti 24 Not Free Ethiopia 22 Not Free Somalia 7 Not Free Israel 76 Free United States 83 Free Source: Freedom House, Freedom in the World 2021 This means that Somaliland is more free than many of its neighbors but nevertheless has significant issues. There have been some border disputes with the bordering autonomous Somali region of Puntland over territory both sides claim which has led to clashes. Internally there has not been a major terrorist attack since 2008. Somaliland arrests and jails members of the terrorist group Al Shabaab which is strong in the rest of Somalia. Hargeisa has a relatively low crime rate compared to other cities in the Horn of Africa. Why has Somaliland Remained Unrecognized: Somaliland has existed as a state since 1991 but it has failed to gain recognition by any country except for Israel, which extended recognition of December 26th 2025. While a state does not need international recognition to be a state under international law, the lack of recognition has significantly hurt the country. Under the Montevideo Convention of 1933 in order for a territory to be a state the territory needs a settled population, a defined territory, a government, and the ability to enter into relations with other states. Somaliland has all four of these things but has largely failed to gain international recognition or a seat at the United Nations. While no country other than Israel recognizes them, they have entered into unofficial relations with the governments of 19 countries in which they have diplomatic missions though not formal embassies. These countries include Djibouti, Ethiopia, South Africa, the United States, Saudi Arabia, the United Arab Emirates as well as several other countries. Despite having these diplomatic missions none of these countries recognize Somaliland as a country. The lack of recognition means that the country has difficulty accessing humanitarian aid or global finance, has a hard time doing trade, and has received very little business investment. Somaliland issues passports which are accepted by a small set of countries on a de facto basis. This lack of international recognition has resulted in a stunted economy with a GDP per capita of only about $675 as of 2017. The economy is mostly pastoral with most of the GDP coming from the trade of livestock. A few western businesses operate in Somaliland such as Western Union and Coca Cola. Somaliland exists in a precarious situation internationally. While it does have a sovereign territory, a functioning government, and a partial democracy, it lacks international recognition from any country except for Israel. Somaliland has been uniquely stable and democratic for the region it is in. Despite this, its future largely depends on whether it can successfully court recognition from the international community, receive international aid, and build up a strong economy. It will be interesting to watch in the coming weeks what the effects of Israel’s recognition of Somaliland will be, whether other countries follow suit, and what will happen in the future to this unique country of Somaliland. About the Author William Goloboy was born in Sharon Massachusetts in 2006. He is currently a Freshmen at the American University of Paris where he is studying International Affairs. https://blogs.timesofisrael.com/somaliland-a-detailed-explainer/ Qaran News
  19. Adeega Internet-ka ee shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa tan iyo maanta galinkii dambe ka maqan deegaannada Puntland, marka laga reebo magaalada Boosaaso. Cilladan ayaa la sheegay in ay timid kaddib markii xariga internet ee dhulka hoostiisa mara (Fiber-ka) ee shirkadda Golis uu ka go’ay deegaanka Laag oo hoostaga degmada Boosaaso. Shirkadda Golis ayaa weli ka hadlin cillada ku timid Internet-keeda oo ah kan loogu isticmaalka badan yahay deegaannada Puntland. PUNTLAND POST
  20. Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka imaanaya dalalka gobolka iyo beesha caalamka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ka digtay in aan dalna “kicin ama taageerin kooxaha gooni-goosadka ah” si uu u dabagalo “dano gaar ah,” iyadoo Somaliland ku tilmaantay qeyb ka mid ah Soomaaliya oo aan marnaba ka go’i karin. “Shiinuhu wuxuu si adag u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo horjeedaa tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Lin Jian, afhayeenka wasaaradda, oo hadlay galabnimadii Isniinta. Lin Jian ayaa intaas ku daray in Beijing ay ugu baaqeyso maamulka Somaliland “inay xaqiiqada garwaaqsadaan, isla markaana si degdeg ah u joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka iyo xiriirrada ay la samaysanayaan awoodaha shisheeye.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta Somaliland ay tahay “mid gabi ahaanba u taalla Soomaaliya,” isla markaana ay tahay in lagu xalliyo habraacyada dastuuriga ah iyo xaaladda qaran ee Soomaaliya, si ay u hoggaamiyaan dadka Soomaaliyeed. Dhanka kale, dowladda Eritrea ayaa sheegtay in Shiinuhu uu awooddiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsan karo inuu is-hortaago aqoonsi kasta oo rasmi ah oo ay Somaliland hesho. Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Eritrea Axaddii ayaa aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay “shirqool” muddo soo karkarayay oo lagu doonayo in lagu khal-khal geliyo gobolka, looguna gogol-xaaro “qalalaase caalami ah iyo fowdo.” Eritrea waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in “gaar ahaan ay waajib akhlaaqi ah ku tahay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha inay qaadato mas’uuliyaddeeda,” iyadoo ku doodday in xaaladdan ay si dhow ugu ekaan karto tan Taiwan. Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991, balse Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu waafaqsan yahay “ruuxda Heshiisyada Abraham,” oo Maraykanku dhexdhexaadiyay sannadkii 2020 si loo caadiyeeyo xiriirka Israa’iil iyo dalal Carab iyo Islaam ah. Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso inay ballaariso xiriirka ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada iyo dhaqaalaha. Si kastaba, tallaabadan ayaa la kulantay cambaarayn xooggan oo kaga timid Soomaaliya iyo dalalka deriska ah. Ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka—sida Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo IGAD—ayaa ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Shiinaha, oo dano ballaaran ka leh Geeska Afrika, ayaa muddo dheer diidanaa in Somaliland la aqoonsado. Mowqifkaas ayaa sii adkaaday kaddib markii Hargeysa ay xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Taiwan, gaar ahaan tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo wakiillo ka fureen Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020. Beijing waxay Taiwan u aragtaa gobol ka mid ah dhulkeeda, umana aqoonsana dowlad madax-bannaan, iyadoo aan meesha ka saarin in xoog lagu soo celiyo haddii ay u aragto in loo baahdo. David Shinn, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda George Washington, ayaa sheegay in Shiinuhu Somaliland u arko inay xiriir dhow la leedahay Taiwan, sidaas darteedna “uu samayn doono wax kasta oo karaankiisa ah si uu u niyad-jabiyo aqoonsiga Hargeysa,” isagoo si adag u taageeraya midnimada Soomaaliya. Markii la weydiiyay in Maraykanku raaci doono tallaabada Israa’iil, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku jawaabay “Maya,” balse wuxuu raaciyay inuu “daraasad ku samayn doono” arrinta. Inkastoo ay taasi muujisay mad-madow, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay sii waddo aqoonsiga midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Shinn ayaa qiyaasay in Washington ay hadda dib u dhigi doonto aqoonsi kasta, qayb ahaan sababo la xiriira walaac ah in tallaabadaasi ay wiiqi karto dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab iyo Daacish. “Laakiin haddii Maraykanku beddelo mowqifkiisa oo uu aqoonsado Somaliland, waxay albaabka u furi doontaa in kuwa kale ay ku daydaan. Dalal badan malaha ma raaci doonaan Israa’iil, balse aqoonsiga Washington wuxuu yeelan karaa saameyn gaar ah,” ayuu yiri Shinn. The post Shiinaha oo jawaab culus ka soo saaray aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  21. Dawladda Koonfur Afrika ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib bayaan ay soo saartay Wasaaradda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga ee dalkaas. Bayaanka oo ku taariikheysan 29-ka Diseembar 2025, ayaa Koonfur Afrika si weyn uga muujisay walaac ay ka qabto ku dhawaaqistii dhowaan ay Israel ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Dowladda Koonfur Afrika waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana khatar ku ah nabadda Geeska Afrika. Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay mabda’a Midowga Afrika ee “uti possidetis”, oo ah ilaalinta xuduudihii dhaxalka ahaa ee dalalka Afrika, kaas oo loo arko tiir muhiim u ah ka hortagga colaadaha qaaradda. Sidoo kale, bayaanka ayaa si cad u kala saaray xornimada gumeysiga ka dib (decolonisation) iyo gooni-isu-taagga (secession), iyadoo la xusay in midda hore ay soo celiso madax-bannaanida, halka tan dambena ay burburiso midnimada dowladnimo. Koonfur Afrika waxay sheegtay in tallaabada Israel ay dhiirrigelin karto kala-go’ iyo xasillooni darro ku faafta gobolka. Ugu dambeyn, Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si wadajir ah u diidaan faragelinta dibadda, isla markaana ay taageeraan Soomaaliya mideysan, xasilloon oo madax-bannaan. Source: goobjoog.com