Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. FC Barcelona hit top gear on Wednesday night and all but ensured its place in the Champions League semifinal with a 4-0 win at home to Borussia Dortmund in their quarterfinal first-leg tie. Source: Hiiraan Online
  2. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya ayaa laga saaray kulan uu qabanaye Midowga Afrika toddobaadkan, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid liddi ku ah sharafkiisa. Mas’uul Israa’iili ah oo la hadlay wakaaladda wararka Associated Press Arbacadii ayaa sheegay in safiirka laga saaray xafladda sannadlaha ah ee lagu xusayo xasuuqii Rwanda ee 1994, kaddib codsi uu bixiyay guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Afrika, Maxamuud Yuusuf Cali, oo ka soo jeeda Jabuuti. “Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika wuxuu doortay inuu madasha kusoo daro arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Israa’iil,” ayuu yiri safiirka Israa’iil, Avraham Nigusse, oo Talaadadii ku baahiyay hadalkan baraha bulshada. Waxa uu intaas ku daray in dhacdadani “muujinayso faham la’aan qoto dheer oo laga qabo taariikhda dadka Rwanda iyo Yuhuudda,” isagoo xusay in uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Rwanda. Afhayeen u hadlay Maxamuud Yuusuf Cali, oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, kama jawaabin codsiyo dhowr ah oo la xiriiray faallo laga sugayay. Maxamuud ayaa xilka guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika la wareegay bishii Febraayo, isagoo mudda-xileedkiisu yahay afar sano. Diblomaasi ka tirsan Midowga Afrika oo la hadlay warbaahinta Arbacadii ayaa sheegay in safiirka Israa’iil laga saaray munaasabadda maadaama aysan hadda haysan xubinimadii “goobjooge” ee hay’adda, taasoo xarunteedu tahay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Isra’iil waxay dib u heshay maqaamka goobjooge ee Midowga Afrika sanadkii 2021, labaatan sano kaddib markii laga qaaday, sababo la xiriiray khilaafkeeda kala dhaxeeya Falastiiniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2023 ayaa mar kale la hakiyay, iyadoo arrintaas loo gudbiyay guddi madaxda Afrika ka kooban si dib u eegis loogu sameeyo. Guddigaasi weli ma uusan soo saarin go’aan kama dambeys ah. Bishii Febraayo ee sannadkii hore, diblomaasi sare oo Israa’iili ah ayaa sidoo kale laga saaray shir-madaxeedkii Midowga Afrika, kaddib markii lagu helay inuusan haysan aqoonsi rasmi ah oo u oggolaanaya ka qeybgalka. Midowga Afrika wuxuu xiriir dhow la leeyahay Falastiiniyiinta, iyadoo madaxda Falastiin marar badan lagu casuumo inay khudbado ka jeediyaan shirarka waaweyn ee ururka. Bishii hore, Israa’iil waxay jebisay xabbad-joojin waxayna dib u billowday duullaankeeda milatari ee Gaza. Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, tan iyo weerarkii ay kooxda Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Koonfur Afrika, oo ah dal xubin ka ah Midowga Afrika oo miisaan weyn ku leh, ayaa dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), iyadoo ku eedaysay xasuuq ay ka geysatay Gaza. Israa’iil ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, waxayna ku tilmaantay kuwo “laga xumaado oo been abuur ah.”
  3. MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has ruled out the participation of Jubaland leader Ahmed Mohamed Islam “Madobe” in a planned round of national consultation talks, signaling a decisive shift in the federal government’s approach to political dialogue. According to Caasimada Online sources familiar with a recent closed-door meeting between President Mohamud and U.S. Ambassador Richard H. Riley, the president outlined a two-stage plan to foster consensus on key national priorities. The first phase will be open to all Somali politicians and focus exclusively on strategies to defeat the Al-Shabaab insurgency. These discussions are expected to be broadcast live on national television to promote transparency and inclusivity. However, the second phase—described by Villa Somalia as a “governing conversation”—will be restricted to top federal and state officials. Participation will be limited to leaders with what the presidency views as constitutional mandates and decision-making authority. No Madobe participation President Mohamud has expressed a willingness to engage directly with Puntland’s President, Said Abdullahi Deni, but has made it clear that Madobe will not be part of the discussions. “This is not a reunion. It’s a conversation for those with political responsibility,” said an official from Villa Somalia. “Only those capable of making binding decisions will take part.” The exclusion of Madobe reflects the federal government’s view that his political mandate is no longer valid—a position that further complicates Somalia’s already delicate federal structure. While regional leadership disputes are not new, this marks the first time a federal president has explicitly ruled out a federal member state leader from participating in such high-level talks. The United States, a key partner in Somalia’s security and stabilization efforts, has been briefed on the plan. Ambassador Riley reportedly encouraged President Mohamud to ensure the process remains as inclusive as possible, though the final structure of the talks appears firmly in place. The broader context remains tense. Although Somalia held federal elections in 2022 following lengthy delays, political divisions persist—particularly over a recent package of constitutional amendments passed by the cabinet and parliament, which Puntland and other opposition groups have rejected. Meanwhile, Somali government forces, supported by local Ma’wisleey militias and international partners, are engaged in a sustained military campaign against Al-Shabaab in central regions. The group continues to pose a serious threat, often exploiting political uncertainty to regroup and carry out attacks. With the African Union’s new stabilization mission (AUSSOM) underway following the end of the ATMIS mandate, the urgency to align national leadership around a unified strategy is growing. President Mohamud has positioned the upcoming consultations as crucial for political and security stabilization. Whether excluding confident leaders will strengthen or strain that effort remains to be seen.
  4. Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa warbaahinta dunida qabsaday ololaha aqoonsi raadinta Soomaaliland, ayadoo falanqeeyaal siyaasadeed,wargeysyo caan ah, iyo dublumaasiyiin hore oo reer galbeed u badani ay arrintaas siyaabo kala duwan uga hadlayeen. Hadal-heynta Soomaaliland ayaa sare u kacday ka dib markii ay dowladda Imaaraadka Carabta casumaad gaar ah u sameysay madaxweyne Cirro, uuna ka qeyb-galay shirka caalamiga ah ee world government’s Summit. Sidoo kale Mareykanka ayaa dhowaan sheegay inuu qorshaynayo inuu dadka reer Qasa ku soo barakiciyo Soomaaliya, asagoo si gaar ah farta ugu goday deegaanada Soomaaliland iyo Puntland, taas oo Hargeysa ay ka gaabsatay, balse warbaahinta dunidu warisay in masuul ka tirsan maamulkaasi uu xaqiijiyey wada-hadallo u socda labada dhinac. Sidoo kale maamulka Trump ayay warbaahinta reer galbeedku sheegtay inuu ka fakarayo inuu dhinaca Soomaaliland kala xaajoodo saldhig uu ka helo Barbara iyo xariir gaar ah oo labada dhinac yeeshaan ama xittaa aqoonsi. Dowladda Mareykanku weli kama hadlin arrintan oo warbaahintu buunbuuninayso, balse Soomaaliland ayaa dhaqaale iyo dadaal gelinaysa sidii ay u sii jiri lahayd hadal-heynta aqoonsi raadinteedu, ayadoo ololeeyaasheeda dibeddu ay Xildhibaanno ingriis ah, iyo aqoontahanno iyo siyaasiyiinta Mareykanka, warbaahinno caan ah, iyo dadka baraha bulshada isticmaala ku qanciyeen inay arrintan ka aragti dhiibtaan. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland oo dhowaan tagey Minnesota ayaa dadka ka soo jeeda deegaannadaas ee Mareykanka jooga ku tilmaamay wakiilo iyo dublumaasiyiin aqoonsi raadinta ku howlan, asagoo niyad-sami ka muujiyay in Mareykanku garwaaqsan doono ahmiyad Juquraafi iyo hana-qaadka maamul ee Soomaaliland. Soomaaliland ayaa in ka badan 33 sano raadinaysay aqoonsi ay dunida ka hesho, xilliyo kala duwan ayayna hadal-heyni ka dhalatay fursado la sheegay inay doodeeda dunidu ku aqbali kartay, balse illaa haatan ma jiro dal ku dhiiraday inuu si toos ah ugu dhawaaqo in Hargeysa Xukuumadda Hargeysa fadhigeedu yahay uu u yaqaanno dowlad madax-bannaan. Source: goobjoog.com
  5. Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si ku-meelgaar ah u hakisay dhowr nooc oo fiisooyin ah oo loogu talagalay muwaadiniinta 14 dal, oo ay ka mid yihiin Masar, iyadoo ay socoto u diyaar garowga xilligii xajka. Sida ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin u warramay ARY News, joojinta fiisooyinka Cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoyska ayaa looga golleeyahay in laga hortago dadka aan iska diiwaangelin ee isku dayaya inay xajka u gutaan si sharci-darro ah. Sanadihii la soo dhaafay, dad badan oo xajiyiin ah ayaa ku sii nagaanayay dalka kadib marka ay dhacdo muddada fiisadooda, iyagoo isku dayaya inay si qarsoodi ah uga qaybqaataan xajka. Arrintan ayaa sababtay ciriiri xad dhaaf ah iyo walaac dhanka amniga ah. Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale muujiyeen cabsi laga qabo in dad wata fiisooyin ganacsi ama qoys ay u beddelaan inay si sharci-darro ah uga shaqeeyaan gudaha dalka, taasoo saameyneysa suuqa shaqada isla markaana ku xad-gudbeysa shuruudaha fiisada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in lagu nidaamiyo habraacyada socdaalka loogana shaqeeyo badbaadada xilliga xajka. Qof kasta oo lagu helo inuu si sharci-darro ah ugu sugan yahay Boqortooyada waxaa laga yaabaa in laga mamnuuco gelitaanka dalka muddo shan sano ah. Dalalka ay joojintu saameysay waxaa ka mid ah: Hindiya, Pakistan, Bangladesh, Masar, Indonesia, Ciraaq, Nigeria, Urdun, Aljeeriya, Suudaan, Itoobiya, Tuunis, Yemen, iyo Marooko. Mas’uuliyiintu waxay u sheegeen ARY News in dadka haysta fiisada Cumrada ay wali geli karaan boqortooyada illaa 13-ka Abriil. Si kastaba ha ahaatee, hakinta fiisada ayaa la filayaa inay sii socoto ilaa bartamaha bisha Juun, marka uu xajku si rasmi ah u soo gabagaboobo. In ka badan 1,000 oo qof oo ku dhintay xajka 2024 Xilliga xajka ee 2024, ugu yaraan 1,301 xaaji ayaa geeriyooday, badankoodna waxaa sababay kulaylka daran. Inta badan dadka dhintay ma haynin ruqsad xaj oo rasmi ah. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in ilaa 400,000 oo xaaji aan iska diiwaangelin ay ka qayb galeen xajka sanadkan, tiro badan oo ka mid ahna ay ka yimaadeen Masar. Dal kasta waxaa loo qoondeeyaa tiro cayiman oo ruqsado xaj ah oo lagu qaybiyo nidaam cabbir iyo lotari ah. Si kastaba, sababo la xiriira kharashka sarreeya ee baakadaha xajka rasmiga ah, dad badan ayaa isku daya inay si aan sharci ahayn uga qaybqaataan xajka. Xaajiyiin badan oo aan is diiwaangelin badanaa ma helaan adeegyo muhiim ah sida teendhooyin qabow leh, isbitaallo, ama adeegyo gurmad degdeg ah — taasoo khatar sii gelisa safarka xajka oo horeyba u ahaa mid adag oo culus.
  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa Arbacadii magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar . Badr Cabdulcaati. Kulanka ayaa dhacay xilli ay socdeen shirarka shirweynaha labaad ee Wasiirrada “Hawlgalka Khartuum”, iyadoo lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istaraatijiyadeed ee labada dal, iyo sahminta fursado cusub oo iskaashi ah oo dhex mara labada shacab ee walaalaha ah. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo gobolka iyo caalamka khuseeya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyadoo labada wasiir ay muujyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa si loo gaaro xasillooni iyo nabad guud ahaan gobolka, loogana hortago caqabadaha wadajirka ah, iyada oo la adeegsanayo wada-shaqeyn joogto ah iyo diplomaasiyad firfircoon. Kulankan ayaa dhabbaha u xaaray kor u qaadista wadashaqeynta saddex-geesoodka ah ee Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya, iyadoo labada wasiir ay soo dhoweeyeen wadatashiyada la xiriira xoojinta wada-hadallada iyo howlgal wadaagga ah ee dalalkan, iyagoo diiradda saaraya is-dhexgalka goboleed, xasilloonida, iyo yoolalka horumarineed ee wadaagga ah. Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso Soomaaliya meelo badan oo muhiim ah, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee Masar ku leedahay xasilloonida iyo horumarka dalka. Sidoo kale waxa uu caddeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay Masar si loo gaaro danaha guud ee labada dal. Dhankiisa, Wasiir Badr Cabdulcaati ayaa adkeeyay in Masar ay ixtiraamayso midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, ayna taageersan tahay hay’adaha qaran ee Soomaaliya iyo dadaallada ay ku doonayso xasillooni waarta. Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay mideynta gobolka si looga hortago khataraha amni iyo in la horumariyo dhaqaalaha. Source: goobjoog.com
  7. Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa xayiraad saartay in ka badan18 Shirkadood oo Mareykanka laga leeyahay, kuwaas oo qaarkood ay hoostagaan waaxda difaaca, ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu dhaqan geliyay hanjabaadiisa ah inuu Beijing ku soo rogi doono canshuuro dheeraad ah. Maamulka Trump ayaa dhowaan canshuuro 50% ku soo rogay badeecadaha Shiinaha, taas oo sii xoojisay dagaalka ganacsi ee ka dhexeeya labadan dal oo ah kuwa ugu awoodda badan dunida markii la eego dhinaca dhaqaalaha. Maamulka Trump ayaa inta badan dalalka dunida, gaar ahaan kuwa Mareykanka wax u soo dhoofiya saaray canshuuro xoog leh, balse Shiinaha ayaa u muuqda inuu si dhab ah uga aargoosanayo tillaabo kasta oo ay qaado Washington. Source: goobjoog.com
  8. CAIRO, Egypt – Egyptian Foreign Minister Badr Abdelatty held talks on Wednesday with his Somali counterpart, Ahmed Moallim Fiqi, reaffirming Egypt’s full support for Somalia’s sovereignty, stability, and national institutions during mounting tensions in the Horn of Africa. During the meeting in Cairo, Abdelatty stressed Egypt’s deep respect for Somalia’s territorial integrity and unity, underlining the importance of preserving the country’s cohesion in the face of growing security challenges. He also highlighted the need to strengthen cooperation between the two countries in combating terrorism and extremist ideologies that continue to destabilize the region. Abdelatty called for increased regional and international efforts to confront terrorism, urging joint action to tackle the root causes of violence and insecurity. He reaffirmed Egypt’s readiness to stand with Somalia as it rebuilds state institutions and restores peace. The two ministers emphasized the value of close coordination between Cairo and Mogadishu on regional and global issues, particularly in forums focused on the Horn of Africa. Both sides praised the long-standing and friendly relationship between Egypt and Somalia, shaped by decades of cultural, political, and religious ties. This diplomatic engagement follows the December 2024 Ankara Declaration, a significant development where Turkey successfully mediated talks between Somalia and Ethiopia. The agreement aimed to resolve tensions arising from Ethiopia’s earlier maritime deal with Somaliland, which had threatened to destabilize the region. Under the Ankara Declaration, both nations agreed to respect Somalia’s sovereignty while facilitating Ethiopia’s access to the sea through Somali territory, marking a pivotal step towards regional stability .​ Egypt, which has been locked in a years-long dispute with Ethiopia over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Nile, sees the latest developments as a strategic concern in its broader regional calculus. For Egypt, reaffirming its support for Somalia is more than a gesture of solidarity—it reflects a calculated effort to maintain influence in the Red Sea and the Horn of Africa, where geopolitical competition is intensifying. Somali Foreign Minister Fiqi expressed his appreciation for Egypt’s continued support, particularly during moments of political uncertainty and external pressure. He voiced Somalia’s strong desire to deepen bilateral ties with Egypt and work together to promote regional stability and development.
  9. Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa dib u bilaabay gargaar cunto oo degdeg ah oo dhan $169.8 milyan oo la siinayo Soomaaliya, isagoo ka laabtay go’aan lama filaan ah oo hakiyay gargaarkaas – arrin cabsi badan ku abuurtay hay’adaha samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo la hadlay Reuters. Lacagtan ayaa lagu maalgelinayaa barnaamijyo muhiim ah oo ay waddo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo ay ka mid yihiin nafaqeynta carruurta nafaqo darradu saameysay, bixinta raashiin gargaar ah, iyo adeegyada duulimaadka degdegga ah ee bani’aadannimo. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dhowr dal oo si lama filaan ah loogu hakiyay gargaarka toddobaadyo ka hor, iyadoo tallaabadaasi qayb ka ahayd isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay siyaasadda gargaarka dibadda ee Mareykanka ee Madaxweyne Donald Trump. Go’aanka degdegga ah ee dib loogu celiyay gargaarka, wax yar un ka dib markii la hakiyay, wuxuu muujinayaa cadaadis gudaha ah oo sii kordhaya iyo jahawareer hareeyay qaabka maamulka Trump u wajahayo arrimaha gargaarka bani’aadannimo. Sida ay sheegeen lix ilo-wareed oo arrintan si dhow ula socda, ugu yaraan lix barnaamij oo gargaar ah ayaa dib loo hawlgeliyay – oo ay ku jiraan barnaamijyada raashiinka ee Soomaaliya, Suuriya, Lubnaan, Urdun, Ciraaq iyo Ecuador. Go’aanka dib-u-celinta ayaa lagu shaaciyay email gudaha ah oo uu diray ku-simaha ku-xigeenka aAgaasimaha USAID Jeremy Lewin, oo hore uga tirsanaa Waaxda Hufnaanta Dowladda ee uu hoggaamiyo Elon Musk. Jahawareer gudaha ah iyo isbeddello degdeg ah oo ka jira USAID “Waan ka xumahay isbeddelka badan ee abaalmarinnada,” ayuu Lewin ku qoray farriinta ay heshay Reuters. “Waxaa jira dhinacyo badan oo daneynaya arrimahan, waana in aan si wanaagsan u dheelitirnaa danta guud. Anigaa qaladka iska leh, mas’uuliyaddana waan aqbalayaa.” Kooxda Stand Up for Aid, oo ka kooban saraakiil hore iyo kuwo xil haya, ayaa sheegtay in qandaraasyada WFP ee la joojiyay ee dalalka Lubnaan, Suuriya, Soomaaliya iyo Urdun ay gaareen in ka badan $463 milyan. Qaybta Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu wajahneyd taageero loogu talagalay bulshooyin nugul oo wajahaya cunto-yari ba’an. Reuters ayaa horey u soo tabisay in maamulka Trump uu hakiyay barnaamijyo gargaar oo ka jiray in ka badan 12 dal — oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Yemen, Soomaaliya, iyo Suuriya — taasoo ka dhigan jaris ka badan $1.3 bilyan. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa horay ugu oggolaaday qaar ka mid ah barnaamijyadaas inay helaan ka-dhaafis miisaaniyadeed, balse barnaamijyo badan ayaa si kedis ah loo hakiyay dhammaadkii toddobaadkaas. Hay’adaha samafalka ayaa si weyn uga walaacay arrintaas. Isniintii, WFP ayaa ka digtay in jarista gargaarka cunnada ee degdegga ah ee 14 dal ay noqon karto “xukun dil ah” oo lagu riday malaayiin qof oo durba ku nool xaalad gaajo daran. Gargaar dibadeed oo ay la socdaan shuruudo Wasaaradda Arrimaha Dibadda kama aysan hadlin markiiba dib-u-soo-celinta gargaarka, balse afhayeenkeeda Tammy Bruce ayaa markii dambe saxaafadda u sheegtay in maamulka Trump uu weli u heellan yahay gargaarka dibadda – inkastoo ay jiraan shuruudo. Waxay sheegtay in Mareykanku uu hakiyay gargaarkii loogu talagalay Afgaanistaan oo ay xukumaan Taliban iyo Yemen oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, iyadoo laga baqayo in gargaarkaasi uu u faa’iideeyo kooxaha hubeysan. “Barnaamijyo dhowr ah ayaa si qalad ah loo joojiyay, balse hadda waa la soo celiyay oo dib ayaa loo hawlgeliyay,” ayay tiri Bruce. Si kastaba, dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in isbeddellada joogtada ah ee maamulka Trump ay muujinayaan dhibaato weyn. Maamulku wuxuu si weyn u jaray miisaaniyadda USAID — hay’adda u xilsaaran maaraynta gargaarka bani’aadannimo ee Mareykanka. Bilyaanno dollar ayaa laga jaray tan iyo markii uu Trump mar labaad xafiiska la wareegay bishii Janaayo, iyadoo go’aannadaas ay inta badan ahaayeen kuwo aan laga fiirsan oo ay hareeyeen isbeddello degdeg ah iyo jahawareer gudaha ah. Xildhibaannada Dimuqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka ayaa warqad ay u direen Xoghayaha Rubio ku muujiyay walaac, iyagoo si adag u dhaleeceeyay qorshaha lagu doonayo in lagu hoos geeyo USAID Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo ay ku tilmaameen “mid dastuuri-darro ah, sharci-darro ah, aan caddaalad ahayn, waxyeello leh, isla markaana aan habboonayn.” Waqtigan xaadirka ah, barnaamijyada gargaarka degdegga ah ee cunnada Soomaaliya waa la soo celiyay. Hase yeeshee, hubanti la’aanta ka taagan gargaarka Mareykanka ayaa weli jirta — iyadoo malaayiin qof ay wali ku sugan yihiin xaalad mugdi ah.
  10. he worldwide recognition of Somaliland cannot be ignored for even a second longer. Somalia is a failed state. The president is already proving a liability — failing to combat terrorism, lawlessness on the streets, and presiding over an appalling human rights record. Baseless and damaging claims regarding the legitimacy of critical infrastructure such as Berbera Port and Berbera Airport, represent nothing more than a land grab and a desperate attempt to laud power over a sovereign state in Putin-like fashion. Therefore, the world, including the United Kingdom, must wake up and recognise Somaliland to not only reward a key ally, but also for the crucial benefit of Western intelligence including a say over one of the most strategic maritime checkpoints in the world. China, Iran, and Russia are watching with eagle eyes. They are hoping that Western nations miss a crucial opportunity to fill a vacuum and allow their totalitarian regimes to form a destructive coalition with Somalia that will have devastating consequences for global trade. We have already seen Chinese, Iranian, and Russian aggression in shipping lanes as they seek to exert their influence, disrupt supply chains, and damage the economy of democratic nations. Failing to recognise Somaliland would allow this to continue at pace. Somaliland’s Berbera Port presents a direct line of access into the Gulf of Aden and the Bel el-Mandeb Straight, a passage through which almost 12% of global trade flows. China has been flooding the region to form economic and military alliances, whilst Iran’s proxy war with Yemen has crashed economies and held goods at ransom. Expansionist rhetoric and propaganda can only be combatted by recognising Somaliland — a stable, functional, and successful nation with a strong record of holding democratic elections. In stark contrast, Somalia is wracked with in-fighting and provides a haven for piracy with a president willing to use his own people as collateral in a never-ending campaign of self-promotion and regional dominance. As war ravages in Somalia, peace prevails in Somaliland. Therefore, it is simply astonishing that governments across the world are making a conscious decision to put Somaliland’s future in the hands of the despots that are running Somalia into the ground. Figures from the United Nations lay bare the humanitarian crisis unfolding in Somalia. The recent poverty report shows that 52% of Somalis are living well below the poverty line, with the government failing to put sufficient measures in place to combat natural disasters and alleviate the severe deprivation across the country. Somalia was the lowest ranked African country in the Human Development Index — ranking 193 in the worldwide standing. The Index itself was created to demonstrate how a country supports the wellbeing of its citizens and thus Somalia’s positioning makes for sobering reading. The only conclusion that can be drawn is Somalia’s president does not care about his people, infrastructure, or development of human rights. The litany of abuses that Somalia’s president has presided over is endless. His direction of travel is creating international turmoil and the only way to achieve stability as well as to prevent rogue nations dictating strategic territories, is to recognise Somaliland. Dithering will only worsen an already dire situation. The time to recognise Somaliland is now before it’s too late. Politics.co.uk Qaran News
  11. Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa Arbacadii wadahadallo rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, isagoo mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Masar u hayso madax-bannaanida, midnimada, iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli xiisado siyaasadeed ay ka taagan yihiin Geeska Afrika. Intii uu socday kulanka ka dhacay Qaahira, Abdelatty wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Masar uga go’an tahay dhowrista midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in ilaalinta midnimada dalka ay lama huraan u tahay la tacaalidda caqabadaha amni ee isa soo taraya. Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda iskaashi dhow oo labada dal ku dhex mara la-dagaallanka argagixisada iyo fikradaha xagjirka ah ee wiiqaya nabadda iyo xasilloonida gobolka. Abdelatty wuxuu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada gobolka iyo beesha caalamka ee lagula tacaalayo argagixisada, isagoo carabka ku dhuftay baahida loo qabo tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabto sababaha salka u ah rabshadaha iyo xasillooni darrada. Wuxuu mar kale caddeeyay in Masar ay diyaar u tahay inay garab istaagto Soomaaliya inta ay dib u dhiseyso hay’adaha dowliga ah ayna xasillooni buuxda ku soo celineyso gudaha dalka. Labada wasiir waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in labada dal si joogto ah uga wadashaqeeyaan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan madalaha lagu falanqeeyo xaaladaha Geeska Afrika. Waxay si wadajir ah u ammaaneen xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, oo salka ku haya is-dhaafsi dhaqan, siyaasadeed, iyo diimeed muddo dheer soo taxnaa. Wadahadalladan ayaa yimid kadib heshiiskii muhiimka ahaa ee Bayaankii Ankara oo la gaaray bishii Diseembar 2024, kaasoo uu Turkigu ka dhex-dhexaadiyay Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaas ayaa lagu xalliyay xiisad ka dhalatay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo khatar geliyay xasiloonida gobolka. Bayaanka Ankara wuxuu dhigayay in labada dhinac ay ixtiraamaan madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana loo oggolaado Itoobiya inay marin badeed ku hesho iyada oo loo marayo dowladda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid horseedi karta degganaansho ballaaran oo gobolka ah. Masar, oo horey khilaaf ballaaran uga dhexeeyay Itoobiya arrinta Biyo-xireenka Weyn ee Webiga Nile (GERD), waxay horumarkan cusub u aragtaa mid si toos ah u taabanaya danaha istaraatiijiyadeed ee ay ku leedahay gobolka. Taageerada Masar ay mar kale u muujisay Soomaaliya waxa ay ka tarjumaysaa in ka badan xiriir diblomaasiyadeed oo saaxiibtinimo ah—waxa ay muujinaysaa dadaal la xisaabtamay oo ay Masar ku doonayso inay xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, meelahaasoo uu tartanka geostrategic-ku sii xoogeysanayo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageeradeeda joogtada ah, gaar ahaan xilliyada ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo cadaadis dibadeed. Wuxuu xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka laba-geesoodka ah ee kala dhaxeeya Masar, si wadajir loogu shaqeeyo nabadda, horumarka, iyo xasilloonida gobolka.
  12. A Prestigious Celebration of Innovation and Excellence in Shariah-Compliant Financial Technology (April 09, 2025 Dubai – UAE): The 2nd Global Islamic FinTech Awards organized by AlHuda Centre of Islamic Banking and Economics (CIBE) will take place on April 15, 2025 at the Dusit Thani Hotel Dubai, UAE. This esteemed event will recognize and honor groundbreaking achievements in Islamic FinTech, spotlighting the individuals, organizations and initiatives that are driving the convergence of financial technology and Shariah-compliant solutions. As the Islamic FinTech sector continues to flourish—valued at $100 billion and projected to reach $180 billion by 2026—the awards ceremony will serve as a global platform to celebrate innovation, ethical finance, and financial inclusion. The event will coincide with the 2nd Global Islamic FinTech Forum (GIFT 2025), creating a synergistic environment for knowledge-sharing, networking, and collaboration among industry leaders, regulators, and innovators. They will explore cutting-edge developments in digital payments, Blockchain solutions, Islamic crowdfunding, and wealth management. The awards will honor achievements across a diverse range of categories, including Best Islamic FinTech Startup, Shariah-Compliant Investment Platforms, Tech for Social Good, Best Islamic Digital Bank, and Best Islamic Blockchain Solution. Other notable categories include Best Islamic Cryptocurrency and Excellence in Islamic FinTech Regulation, showcasing the breadth of innovation in the sector. Nominations are open through self-submissions or research-based recommendations by AlHuda CIBE’s expert team. The deadline for submissions is April 12, 2025 with finalists announced on April 13, 2025. Mr. Muhammad Zubair, Managing Director of AlHuda CIBE, emphasized the significance of the awards: “The Global Islamic FinTech Awards are more than just recognition—they are a catalyst for growth and innovation in ethical finance. By honoring trailblazers in this space, we inspire further advancements that align with Islamic principles while addressing global financial challenges.” Organizations and individuals are invited to submit nominations by completing the Awards Form available at www.alhudacibe.com/giftf2025/awards and emailing it to info@alhudacibe.com Attendees can also register to witness the celebration of excellence at the Dusit Thani Hotel, UAE. 2nd Global Islamic Fintech Awards 2025 is a must-attend event for FinTech entrepreneurs, investors, policymakers and Islamic finance professionals seeking to shape the future of ethical digital finance. AlHuda Center of Islamic Banking and Economics (CIBE) is a well-recognized name in Islamic banking and finance industry for research and provides state-of-the-art Advisory Consultancy and Education through various well-recognized modes viz. Islamic Financial Product Development, Shariah Advisory, Training Workshops, and Islamic Microfinance and Takaful Consultancies etc. side by side through our distinguished, generally acceptable and known Publications in Islamic Banking and Finance. We are dedicated to serving the community as a unique institution, advisory and capacity building for the last twelve years. The prime goal has always been to remain stick to the commitments providing Services not only in UAE/Pakistan but all over the world. We have so far served in more than 104 Countries for the development of Islamic Banking and Finance industry. For further Details about AlHuda CIBE, please visit: www.alhudacibe.com For Media Contact: Ms. Shaguftta Perveen Manager Communications info@alhudacibe.com Call: +971 52 865 5523
  13. Addis Abeba –Recent reporting by Reuters indicates Somalia’s willingness to grant the United States “exclusive control of strategic air bases and ports.” According to the article, President Hassan Sheikh Mohamud, in a letter dated March 16 and addressed to former U.S. President Donald Trump, outlined this offer. Authenticated by a regional diplomat with knowledge of the matter, as reported by Reuters, the letter identifies assets including the Balidogle and Berbera air bases, as well as the ports of Berbera and Bosaso. However, Somaliland has rejected an attempt by the federal government of Somalia to give the US exclusive control of a port and airbase in Berbera. According to the BBC, Somaliland’s Foreign Affairs Minister Abdirahman Dahir Aden dismissed the move as “desperate.” President Hassan Sheikh Mohamud’s letter to Washington reads like a desperate plea for relevance. By attempting to insert Somalia into a discussion about Somaliland’s strategic Berbera Port, Mogadishu exposes its own weakness. For more than three decades, Somaliland has stood as a beacon of stability in a volatile region. Unlike Somalia, which has been marred by internal conflict and terrorist insurgencies, Somaliland has maintained peace, held multiple democratic elections, and fostered economic growth. These facts are irrefutable, no matter how much Mogadishu tries to distort them Somalia’s leadership has consistently failed to provide basic governance to its people, let alone exert control over Somaliland. While President Hassan Sheikh Mohamud clings to outdated narratives, Somaliland is engaging directly with international partners, securing investments, and positioning itself as a key player in regional stability. Somaliland’s successful management of the Berbera Port, in collaboration with DP World and Ethiopia, is a testament to its capability. This economic lifeline is critical not only for the Horn of Africa but also for global maritime trade passing through the Red Sea. While Somalia continues to struggle with insecurity, piracy, and terrorist threats, Somaliland has ensured the safe passage of goods and maintained stability along one of the world’s most crucial trade routes. This alone should be enough for global powers to recognize the stark contrast between Somaliland’s governance and Somalia’s dysfunction. Yet, Somalia persists in its attempts to undermine Somaliland’s quest for independence through baseless diplomatic maneuvering. President Hassan Sheikh Mohamud’s administration, rather than addressing its own internal crises, has resorted to fabricating claims over territories it neither controls nor has any influence over. This is not just a matter of political posturing—it is a deliberate attempt to mislead the international community. The question remains: how can a government that cannot secure its own streets claim sovereignty over a nation that has functioned independently for over three decades? Somaliland’s case for international recognition is stronger than ever. It has proven itself to be a responsible and capable state, one that respects democratic principles, upholds security, and actively contributes to regional stability. In contrast, Somalia continues to rely on foreign troops to maintain order within its own borders, with its government struggling to assert control beyond a few city blocks in Mogadishu. The international community must recognize this for what it is—political theater meant to distract from Somalia’s internal chaos. Mogadishu’s continued attempts to interfere in Somaliland’s affairs serve no purpose other than to delay the inevitable. The fact remains that Somaliland is not, and never has been, under Mogadishu’s rule since 1991. No degree of diplomatic deception can alter this reality. It is time for the international community to cease indulging Somalia’s unfounded claims and begin recognizing the truth: Somaliland’s quest for independence is poised to be successful. The international community has long engaged with Somaliland on security cooperation, economic development, and trade partnerships. The United States, the United Kingdom, and the European Union have all worked with Somaliland on counterterrorism efforts, infrastructure development, and humanitarian aid. This tacit acknowledgment of Somaliland’s legitimacy makes Mogadishu’s claims even more absurd. If Somaliland is good enough to be a security and trade partner, why is it not good enough to be recognized as an independent nation? Somalia’s desperation is evident, and President Hassan Sheikh Mohamud’s letter is only a desperate cry from a regime that has lost its grip on reality. No credible government in the world takes Mogadishu’s claims seriously, yet Somalia continues to waste its diplomatic efforts on a lost cause. Instead of addressing its internal governance failures, economic struggles, and growing security threats, it fixates on Somaliland—a nation that has already moved on. A final message to Mogadishu: Somaliland’s independence is not up for negotiation. Its people have spoken, its government is functional, and its future does not include being dragged back into Somalia’s chaos. The international community must see Somalia’s desperate tactics for what they are—a last-ditch effort to remain relevant in a geopolitical landscape that has already passed it by. Somaliland’s legitimacy stands firm, unshaken by Mogadishu’s hollow rhetoric. The time for recognition is now. AS Abdi Halim M. Musa is a political analyst and a former Deputy Minister at the Ministry of Commerce in Somaliland. He can be reached at halimusa4@gmail.com Qaran News
  14. AQMf_XQONldi_gRTekPAHIHKg4xqXy9fbP_XrFEOVlhEGZCAkhpnyLz-Pa4o4XAbR3-2nVBTSrC2skBkFw74TZWI Qaran News
  15. LONDON, UK (HOL) — A Somali asylum seeker who helped stop a deadly knife attack in the German city of Aschaffenburg will not be deported, Bavarian authorities announced Monday, reversing earlier reports that he would be removed from the country. Source: Hiiraan Online
  16. Nairobi (HOL) — Somali musician Saalax Abdirisaq Mohamed, widely known as Saalax Sanaag, was awarded Best Somali Artist and Most Dedicated Performer in East Africa at the 2025 Africa Arts Entertainment Awards in Nairobi, Kenya. Source: Hiiraan Online
  17. Hargeisa (HOL) — Regional officials from Ethiopia and Somaliland are accelerating efforts to develop a key trade route connecting the Port of Berbera to Addis Ababa, a project expected to transform trade flows and economic integration in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  18. Garowe (HOL) — Puntland has launched its own civilian identification authority, intensifying its standoff with Somalia’s federal government over the rollout of a national biometric ID system. Source: Hiiraan Online
  19. WASHINGTON, April 8 (Reuters) - President Donald Trump's administration on Tuesday moved to reinstate at least six recently canceled U.S. foreign aid programs for emergency food assistance, six sources familiar with the matter told Reuters. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Second Deputy Prime Minister Abdisalaan Abdi Ali visited wounded soldiers in Mogadishu hospitals on Wednesday, pledging full government support and urging Somalis across the country and abroad to contribute financially to the ongoing war against Al-Shabab and ISIS. Source: Hiiraan Online
  21. Dowladda Puntland oo baaq deg deg ah soo saartay ayaa ku dhawaaqday in abaar iyo biyo la’aan baahsani ka jirto dhammaan gobollada iyo degaannada Puntland. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Puntland ayay ku sheegtay in ay jirto abaar iyo biyo la’aan daran oo saamaysay dhammaan degaannada Puntland. “Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada puntland taas oo sababtay biyo la’aan baahsan oo saamaysay dhammaan gobolada iyo deeganada puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Dowladda Puntland, waxay ka dalbatay bah-wadaagta hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada in ay gurmad iyo biya-dhaan deg deg ah gaarsiiyaan degaannada abaartu saamaysay, waxaana ay sheegtay in ay ku hawllan tahay ka hortagidda khatarta abaaraha iyo biya la’aanta jirta. “Wasaarada ayaa ugu baaqaysa hay,adaha bah wadaagta la,ah ee ka shaqeeya arimaha bini,aadanimada inay kawada qayb qaataan sidii Gargaar biyo dhaan ah loogu samayn lahaa dadka ay saamaysay abaartu .Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii looga looga hortagi lahaa khataraha ka dhalankara abaaraha iyo biyo yarida ee ka jira deegaanada puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo gurmad deg deg ah ka dalbatay hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha bini’aadanimada appeared first on Puntland Post.
  22. The corridor project includes a road network that links Berbera Port in Somaliland with Ethiopia’s capital. It is expected to support regional trade and reduce reliance on other trade routes that Ethiopia currently uses. A forum on the East Africa Trade Corridor has officially opened in Addis Ababa, Ethiopia. The corridor connects the port city of Berbera in Somaliland with Addis Ababa and is considered a key trade route for the Horn of Africa. The event is being attended by mayors from various Ethiopian regional cities and representatives from cities in Somaliland The main focus of the forum is the development and improvement of infrastructure to facilitate trade and the movement of goods and people between the two regions. Shaafi Ahmed Macallin, the mayor of Jigjiga in Ethiopia’s Somali Regional State, stated that the corridor is important for Ethiopia and the broader Horn of Africa. “This route is indeed crucial for the entire Horn of Africa, connecting Ethiopia and Somaliland. It is expected to boost economic cooperation, improve regional integration and strengthen people-to-people ties,” he told the BBC. According to Mayor Shaafi, the forum provides an opportunity to discuss how to implement the corridor project effectively. “This conference serves as a platform to discuss studies conducted by universities — especially Jigjiga University — regarding the potential challenges this project might face, as well as the benefits it could bring,” he said. The corridor project includes a road network that links Berbera Port in Somaliland with Ethiopia’s capital. It is expected to support regional trade and reduce reliance on other trade routes that Ethiopia currently uses. In 2021, DP World, a Dubai-based logistics company, signed an agreement with Ethiopia’s Ministry of Transport to develop the corridor. The agreement outlined plans for infrastructure investment to support the connection between Berbera and Ethiopia. DP World announced that it would invest up to $1 billion over ten years to develop the corridor. The road will be connected to Ethiopia’s modern road system and is expected to strengthen the role of Berbera Port as a regional commercial gateway. Mayor Shaafi emphasised the importance of ensuring that all cities along the corridor benefit from the project. “The goal is to work collaboratively to maximize the economic advantages of this corridor by linking the cities it passes through and preparing them for potential future challenges,” he said. He also commented on the current progress of the road construction. “The project is progressing and has reached approximately 30 per cent completion. There is hope and confidence that the remaining work will be completed in the near future,” he said. Eastleighvoice Qaran News
  23. The sudden death of General Shegow Ahmed Ali — may Allah grant him mercy — has left a profound sense of shock and suspicion in its wake. Enveloped in uncertainty, the details of his arrest, prolonged detention, and the ensuing unjust verdict have ignited widespread concern and scepticism. Source: Hiiraan Online
  24. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐫-𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐲𝐧𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐨𝐨𝐝𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Waftigii u hoggaaminayo ayaa maanta deegaanka Tuurka ee Degmada Gar-Adag kaga qaybgalay munaasabad ballaadhan oo lagu qaramaynayey Ciidamo Madani ah iyo Gadiidkoodii dagaalka. Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay bulshada degaanka Tuurka, maadaama ay door mihiim ah ka qaateen qaramaynta Ciidanka Madaniga. Geesta kalena Madaxweyne Ku-xigeenka JSL iyo Weftiga uu hoggaaminayey ayaa gaadhay Xarunta Gobolka Saraar Caynaba, halkaasi oo ay kaga qayb-galeen xaflad ballaadhan oo lagu Qaramaynayey Dufcadii ugu horraysay ee Ciidanka maddaniga ah ee Gobolka Saraar iyo gadiidkoodii dagaalka, kuwaasi oo si toos ah loo qarameeyey, isla markaana lagula kala wareegay Degmada Oog. Ugu dambeyntii Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo halkaasi hadalo dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyey ayaa si weyn ugu dheeraday Qorshaha Xukumadda Waddajir iyo Wax-qabad ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah, waxana uu yidhi: “Xukumadda Waddajir iyo Wax-qabad waxa ka go’an in ay qaramayso guud ahaanba Ciidamada Maddaniga ah iyo gadiidkoodaba, arrintaasi waa qorshe culus, balse Xukumaddu iyada oo cusub waxa ay door biday in uu Qaranka JSL yeesho hal ciidan oo adag oo wakhtigan xaadirka ah ku fillan difaaca iyo amniga Qaranka JSL.” 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  25. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku sameeyay Hay’adda lagu sheegay inay ka shaqayn doonto bixinta aqoonsiga dadweynaha deegaanadaas. Dhismaha hay’addan oo lagu magacaabo PID ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay dhowaan diiday in dadka ku nool deegaannadeedu ay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA. Madaxweynaha Puntland ayaa horay u sheegay in maamulkiisu uu sameysan doono lacag u gaar ah, sidoo kalena wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in dalku noqdo dowlado kala madaxbannaan, balse iskaashi ka dhexeeyo. Source: goobjoog.com