-
Content Count
211,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saaxiibada Soomaaaliya ee Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri. Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto AS iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.” “Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee AS, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka. Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah. Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta As ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Beesha Caalamka. Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka oo kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogosha Wada-hadal ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐇𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐨-𝐒𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐬𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Hadhimo-Sharafeed ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland. Munaasibadda Qado-Sharafta Ganacsatada waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Somaliland, Agaasimeyaal Guud, haldoor iyo mudan kale. Munaasibadda ayaa waxa laga jeediyey hadallo mug leh oo salka ku haya kaalinta weyn iyo doorka Shariifka ah ee ganacsatada reer Somaliland ay kaga jiraan hourmarka dalka, amniga, xasiloonida iyo guud ahaanba nolosha bulshada. Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Ganacsiga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab iyo Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Maxamed Siciid Ducaale iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood soo dhaweeyey sida kal-furnaanta leh ee uu Madaxweynaha JSL isaga xilsaaray inuu kulan gaar ah la yeesho Ganacsatada dalka, waxana ay si cad u sheegeen in ay si dhaw ula shaqaynayaan tallaabooyinka horumarinta ah ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad dalka ka waddo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kulanka Hadhimo-Sharafeedka ka jeediyey hadallo kooban ayaa Ganacsatada uga mahad celiyey doorka lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin nabadda, xasilloonida, horumarka bulshada iyo kobcinta Dakhliga iyo dhaqaalaha Qaranka. Sida oo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ganacsatada uga mahad naqay sida ay u soo ajiibeen kulankan, waxana uu xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in ay si dhaw Ganacsatada ugala shaqeeyaan wax kasta oo ganacsiga, maalgashiga, Dalxiiska iyo Warshadaha dalka kor u qaadaya. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/AQNRP1YLP1YQLZUVpjnbYnCv2dDBLiafYVBdWXPKSMWss8nbLauBQJ_3mUfCKrOoRqnZNOr_1ZN46iKcvtXof_FQ.mp4 Qaran News
-
Taliyaha Ciidamada Somaliland Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Gen. NimcaanYuusuf Gaax-nuug oo ku sugan jiidda degaanka Oog ee gobolka Sool ayaa halkaasi shir deg deg ah, oo aan warbaahinta laga shaacin kula yeeshay saraakiisha ciidamada maamulkaasi. Taliye Nimcaan Gaax-nuug iyo saraakiisha ciidamada Somaliland, waxay taliska Oog ku yeesheen shir deg deg ah oo ku saabsan jawaabta laga bixin karo safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee magaalada Laascaanood, siday tilmaamayaan ilo wareedyo amni oo si hoose uga war helay shirkaasi. Shirka saraakiisha ciidamada Somaliland ay ku yeesheen taliska Oog oo saacado qaatay ayay ku go’aamiyeen in ay safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee Laascaanood ku beegaan weerar saddex aag ah oo ay ku qaadayaan dhinaca khaatumo, si ay degaannada SSC uga bixiyaan sawir muujinaya dhul lagu muransan yahay oo colaadi ka aloosan tahay. Saddex aag ee saraakiisha ciidamada Somaliland go’aamiyeen in ay weerarka kaga qaadaan SSC-khaatumo waxay kala yihiin; Furinta Buqdharkayn, jiidda Qorilugud iyo tan Ceerigaabo, waana markii u horraysay, oo ay Somaliland saddexdaasi aag hal saacad dagaal ka wada furto, sida hadda u qorshaysan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo safarka Ra’iisul wasaare Xamse kaga jawaabaysa weerar saddex aag ah appeared first on Puntland Post.
-
Hawlgalka Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM ayaa shalay sheegay in ururka al-Shabaab ay dhowr madaafiic ku garaaceen saldhiggooda ku yaalla caasimadda Muqdisho. Sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen AUSSOM, weerarka ayaan geysan wax khasaare ah amaba waxyeello soo gaartay dhismaha isla markaana xaaladda ay haatan deggan tahay. “AUSSOM waxay ku celineysaa in weerarrada noocaas ah aysan wiiqi doonin sida ay uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta argagixisada iyo nabad waarta iyo amni lagu soo dabbaalo dalka” ayaa kagu yiri warka AUSSOM. Weerarka ayaa imaanaya toddobaadyo uun kadib markii miino waddada lagu aasay ay ka baxsadeen kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas. Kooxda ayaa weli weerarro ka geysata gudaha Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah, inkastoo muddooyinkii dambe ay dagaal adag kula jiraan ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah sida nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika iyo Mareykanka. Bil kahor ayay ahayd markii shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii caalamiga ahaa ee ay ku tageysay Muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee si maalinle ah ayay u tegi jirtay Muqdisho. Tallaabadan ayaa timid ayadoo horraantii bishii hore uu maraykanku markii labaad toddobaad gudihiis soo saaray digniin ku socota muwaadiniintiisa oo uu uga digayo inay u safraan Soomaaliya. “Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay ku raadjoogtaa warar la isku hallayn karo oo la xiriira werarro ay dhici kartoin lagu qaado bartilmaamaeedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, oo u ku jiro garoonka caalamiga ee Aadan Cadde. Dhamaanba dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyey ilaa ogeysiin dambe” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Qoraalka ayaa lagu sheegay in weli digniinta safarka ee heerka afaraad ee Soomaaliya ay tahay mid dhaqangal ah sababo la xiriira “dambiyo, argagixiso, rabshado shacab, arrimo caafimaad, afduub iyo burcadbadeednimo”. Waxay muwaadiniinta Maraykanka xusuusisay in ay jiraan khataro sii socda, sida afduubyo iyo qaraxyo. “Waxay qaadi karaan wakhti yar gudihiis ama digniin la’aan, ayagoo bar-tilmaameedsanaya garoomada dayaaradaha, dekedaha, baraha koontaroollada, dhismayaasha xukuumadda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha dukaamaysiga, iyo meelaha kale ee ay dadka badan isugu yimaadaan, ayna reer galbeedku u badan yihiin, iyo sidoo kale kolonyooyinka xukuumadda, milateriga, iyo reer galbeedka” ayaa lagu yiri qoraalka. Jimcihii, 28 Febraayo, ayaa sidoo kale isla safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay soo saartay digniintan oo kale, ayadoo qoraalkana uu la mid ahaa kii ay soo saartay 4 Maarso. Labada qoraalba waxaa la socda telefoonno ay muwaadiniinta Maraykanka wici karan haddii ay khatar la kulmaan. Xigashada Sawirka,Getty Images Xerada Xalane oo ku dhex taalla Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ayaa hoy u ah AUSSOM, sidoo kalena waxaa ku yaalla xafiisyada Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo caalami ah. Dowladda Soomaaliya, oo kaashaneysa Midowga Afrika, ayaa dhowaan ansixisay in 9,530 oo ciidan shisheeye la geeyo dalka kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta AUSSOM ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa daba-socota warbixinta Golaha Ammaanka ee QM waana horumar lagu soo kordhiyay dadaallada ay Soomaaliya kula dagaallameyso kooxda. Howlgalka AUSSOM ayaa waxaa kusoo biiri doona ciidan ka kala socda shan dal oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Itoobiya, Masar, Uganda, Jabuuti iyo Kenya. Bbcsomali Qaran News
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagaal kula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo saaka qaaday weerar culus ay gudaha u galeen degmadaasi oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha degmadaasi, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanaayeen. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada huwanta ay hadda howlgallo ka wadaan degmada Ruun-nirgoo, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen duleedka degmada, waxayna ku wajahan yihiin deegaanno kale, sida Hilowle Gaab oo hoostaga Ruun-nirgood. Ciidamada ayaa horay u gaaray degmadaan, inkastoo markii dambe ay kasoo baxeen, ayna dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka socdaan howlgallo culus. Qabashada degmada ayaa timid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay gulufka ay ka waddo gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga hortago abaabulka kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo horay looga xoreeyay. La wareegitaanka Ruun-nirgood ayaa sidoo kale waji cusub u yeeleyso dagaalka, waana guul wayn oo ay howlgallada socda ka gaareen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda. Jiidda hore ee dagaalka ayaa waxaa haatan ku sugan taliyaha ciidamada Xoogga dalka, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle oo isku dabaridayo dagaalka ka socda deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah, ayaa saaka aroortii hore fuliyay howlgal amni xaqiijin ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay gudaha degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen gudaha magaalada. Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab si buuxda looga saaray Ruun-Nirgood. Ciidamada ayaa wali howlgallo ka wada xaafadaha magaalada si loo xaqiijiyo in aysan jirin wax haraaga kooxda ah oo ku dhex dhuumaaleysanaya shacabka. Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in ciidamada ay si nabad ah kula wareegeen magaalada, iyadoo aysan jirin khasaare kasoo gaaray shacabka intii uu socday howlgalka. Source: goobjoog.com
-
HUWANTII WAXAY ISU DIYAARINAYSAA INAY DAGAAL KU SOO QAADO S. LAND SIDAAS AWGEED LOOMA BAAHNA SALAADIIN WARBBAAHINTA ISKA CAAYA. Xasan shiikh wuxuu bilihii u danbbeeyay dhaqaale aan xad lahayn iyo awood wixii uu hayay isugu geeyay huwanta bariga sool iyo sanaag joogtaa inay weeraraan s. Land isagoo ku xajiimaynaya aqoonsiga qaranka s. Land. Wuxuu u soo iibiyay Mar qudha gaadiid gaadhaya 184 gaadhi iyo qoryihii la saarayay oo uu u soo diray, wuxuu dhinacwaday lacag kaash ah oo ku hawl gelinayo huwantu inay ku carqaladayso s. Land iyagoo siyaabo kala duwan ku bixinayay, ugu danbbayn waata sababtay xamse barre inuu yidhaahdo waxaan tegayaa laascaanood isagoo aan ku dhicin inuu yimaaddo. Safarka xamse barre waa xaalad abuur iyo baro bagaandho ma imankaro laascaanood waxaana ka taagan iyagiyo fallaagada khilaaf huursan oo aan dhammaad lahayn. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Former Somali National Army (SNA) commander General Ibrahim Sheikh Muhyiddin has expressed grave concern that the al-Shabaab militant group may have infiltrated into the Somali military, following the assassination of Senior Lieutenant Colonel Nur Mohamed Gaabow, known as Nur Farey. Source: Hiiraan Online
-
Hay’adda xogta dhulka iyo biyaha u qaabilsan Puntland ee IMAC ayaa shaacisay in degaanadda Puntland ay wajahayaan sannadka roob yari iyo daahitaan ku imaanaya xiligga la filanayay di’itaanka roobabka guga. Roobka gu’ga ayaa la filayay in uu bilowdo dhamaadka bisha Maarso ee sannadkaan, balse waxa uu bilaaban doonaa wixii ka danbeeya 10-April, xaddi ahaana wuxuu ka yaryahay celceliska roobabkii la heli-jirey sannadihii hore. Hay’adu waxay sheegtay in tani ay ka dhalan-doonto abaar iyo biyo yari saamayn ku yeelata nolosha dadka iyo xoolaha Puntland oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee dadkeenu ay ku tiirsan yihiin. Waxay ku baaqday hey’ada IMAC in dadku ay tashiilsadaan biyaha, sidoo kalena ay kaydsanaan wixii cuno ah oo ay heli-karaan, xoolaha loo diyaarsho calaf, caws iyo wixii kale ee loo awooda si abaarta iyo biyo yaridda sannadka jiri-doonta ay uga samata-baxaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka walaacsan Roob-yari iyo abaar laga cabsi qabo sannadkan appeared first on Puntland Post.
-
Egypt, Turkey FMs discuss efforts to restore Gaza ceasefire
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Minister of Foreign Affairs Badr Abdelatty and his Turkish counterpart Hakan Fidan addressed Saturday efforts to restore the Gaza ceasefire agreement and ensure the implementation of its three phases. Source: Hiiraan Online -
VIDEO: Manchester United vs Man City 0-0: Premier League Source: Hiiraan Online
-
Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan iyo dil uu ka dhacay aagga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, xilli ay halkaasi ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, xilli ay marayeen waddo dhex-marta deegaanka Buurane ee Shabeellaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu khasaare kasoo gaaray ciidamada Burundi, waxayna kadib fureen rasaas dhalisay khasaare kale oo gaaray shacab. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Burundi ee ka howlgalka gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo xusay inuu burburay, sidoo kalena uu jiro khasaare kale. Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in rasaasta ay fureen ciidamada uu ku dhintay nin shacab ah oo xoolo dhaqato ahaa, isla markaana kamid aha dadka deegaanka Buurane. “Adeerow meeshaan dhibaato ayaa ka dhacday qaraxaa dhacay, qoladaan waxaa lala beegsaday Burundi markii uu ku qarxayne nin maskiin ah oo Geeley ah ayay xabad la dhaceen, waana dhintay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Goobjoogaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mar kasta oo la qarxiyo ciidamada shisheeye ay badanaa rasaas furaan, taas oo ay waxyeelo kasoo gaarta rayidka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Burundi oo ku aadan qaraxa ay ciidamadooda la beegsatay kooxda Al-Shabaab. Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo dhowaan uun soo galay deegaannadii horay loogala wareegay ee gobolkaasi oo ay dib u qabsadeen. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa haatan gobolka ka wada guluf culus oo ay uga hortagayaan culeyska ay Al-Shabaab soo saareen gobolka Shabeellaha Dhexe.
-
Washington (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay inuu eegayo suurtagalnimada in xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah lala yeesho Somaliland. Landau ayaa xaqiijiyay arrintan isagoo qoraal soo dhigay barta X (oo hore loo oran jiray Twitter), waxaana qoraalkiisu jawaab u ahaa taageere Somaliland ah oo Maraykanka ugu baaqay inuu joojiyo maalgelinta Soomaaliya, kuna taageero Somaliland himilooyinkeeda istiraatiijiyadeed. “Aad ayaan ugu kuur galay xaaladdan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa. Jawaabta Landau ee uu soo dhigay aroornimadii hore ee Sabtida ayaa ahayd markii ugu horreysay oo sarkaal sare oo Maraykan ahi si shaacsan u muujiyo in Washington dib-u-qiimeynayso mowqifkeedii muddo dheer ay ku diidday aqoonsiga Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991 balse aan weli helin aqoonsi caalami ah. Somaliland, oo leh dawlad u gaar ah, lacag iyo ciidan madax-bannaan, ayaa hore u diidday inay xiriir la samayso Shiinaha, tallaabadaasoo soo jiidatay indhaha siyaasiyiinta reer Galbeedka ee doonaya inay ka hortagaan saameynta sii kordheysa ee Shiinaha iyo Iiraan ee Bariga Afrika. Magaalada dekedda leh ee Berbera ayaa loo arkaa goob muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, iyadoo ku dhow marinka muhiimka ah ee Baab al-Mandab iyo Badda Cas, waxayna noqon kartaa xarun muhiim ah oo taageero u ah hawlgallada Maraykanku ka fuliyo gobolka. Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta Somaliland inay tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan dhulkeeda, waxayna waddaa olole siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay uga hortagto xiriir kasta oo toos ah oo Maraykanku la yeesho magaalada Hargeysa. Si looga hortago in maamulka Trump la-macaamilo Somaliland, dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay ka mid tahay in ay Maraykanka usoo bandhigtay in ay maamulaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysa Maarso 16, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu warqaddiisa ku xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo bilowday xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, markaas oo xukuumaddii militariga ee Soomaaliya ay ogolaatay in Maraykanku uu isticmaalo saddex garoon oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera. Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dekedaha dalka si gaar ah ugu soo bandhigay dowladda Maraykanka ayaa laga yaabaa inuu ku saleysnaa sidii loo heli lahaa ballanqaadyo amni, balse wuxuu abuuray khilaaf siyaasadeed oo halis gelin kara dadaallada gudaha ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah. Toddobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu warqad u qoray dhiggiisa Maraykanka Donald Trump, isagoo soo bandhigay deked ku taalla Puntland iyo mid kale oo ku taalla Somaliland inay Maraykanku si gaar ah u isticmaalaan. Warqadda, oo uu faafiyay qof aan la aqoonin, ayaa tilmaantay in Maraykanku heli doono isticmaal gaar ah oo ku saabsan saldhigyo ciidan iyo dekedo muhiim ah. Toddobaadkan, maamulka Somaliland ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Maraykanka u soo bandhigo maamulka gaarka ah ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, halkaas oo Somaliland gacanta ku heysay tan iyo 1991. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo horay diblomaasi Soomaaliyeed u ahaa, ayaa arrintan ka hadlay isagoo yiri: “Cidna awood uma laha inay ka ganacsato dhulka Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh xitaa Muqdisho kama taliyo.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo bandhigay saldhigga cirka ee Ballidoogle, oo qiyaastii 90 km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho iyo dekedda Boosaaso, isagoo sheegay inuu doonayo inuu “xoojiyo ka qeybgalka Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika.” Dekedda Boosaaso, oo qiyaastii 1,500 km waqooyi-bari ka xigta Muqdisho, waxay hoos timaadaa maamulka Puntland oo kamid ah maamullada Federaalka Soomaaliya. Maamullada kale ee Federaalka waxaa kamid ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Somaliland ayaa dhinaceeda ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale bishii May 1991, waxayna diiday inay qeyb ka noqoto nidaamka Federaalka. Somaliland looma aqoonsanin waddan madax-bannaan, balse waxay leedahay lacag u gaar ah, bangi dhexe, ciidan, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah oo madaxweyne iyo baarlamaan. Siyaasiyiinta Somaliland ayaa tallaabadan u arkay isku day lagu dhacay dhulkooda iyadoo loo dhiibayo dowlad shisheeye iyadoo aan lala tashan. Wargeyska Somaliland Chronicle ayaa tifaftirkiisa ku sheegay in Soomaaliya ay bixineyso “dhul aysan maamulin tan iyo markii George HW Bush ahaa madaxweyne (1980-meeyadii).” Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho iyo Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka midkoodna kama aysan hadlin arrimaha ku xeeran warqadda iyo soojeedinteeda. Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha ku jira warqadda ayaa tijaabo adag ku noqday xiriirka dowladda Federaalka iyo maamullada kale ee dalka, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha amniga. Tan iyo sannadkii hore, Puntland waxay guulo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, balse waxay dowladda Federaalka ku eedaysay inaysan taageero siin. Dowladda Federaalka lafteeda waxay dagaal adag kula jirtaa Al-Shabaab, oo ah koox awood badan ku leh gobollada dhexe iyo koonfureed ee Soomaaliya. Tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka, khubarada siyaasadda sida Maxamuud Maxamed waxay qabaan in awoodda dowladda dhexe ay xadidan tahay, gaar ahaan iyadoo xiriirka Puntland iyo Muqdisho aanu wanaagsanayn sannadihii la soo dhaafay. Maxamuud Maxamed ayaa yiri, “Haddii soojeedinta la sameeyay iyadoo aan Puntland lala tashan, xiriirka Garowe iyo Muqdisho wuxuu noqon karaa mid sii xumaada.” Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku celcelisay inay leedahay madax-bannaani dhuleed, iyadoo qaar ka mid ah khubaraduna ay u arkaan in soojeedintan loogu talagalay inay fariin siyaasadeed gudbiso. Baashiir Goth, oo madax ka ah Ergada Somaliland ee Maraykanka, ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray warqadda, isagoo yiri: “Aqoonsiga Somaliland waxaa Soomaaliya u adeegsaneysaa inay Maraykanka ku soo jiidato isticmaalka iyo maamulka dekedda Berbera.” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Maraykanku doqon ma aha, waxayna og yihiin cidda ay kala xaajoonayaan arrimaha dekedda Berbera.” Sebtember sannadkii hore, Soomaaliya waxay mamnuucday in Somaliland loo tilmaamo waddan madax-bannaan, iyadoo ka dalbatay shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya inay macluumaadkooda ku muujiyaan in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya. Shirkadaha diyaaradaha sida Turkish, Qatar iyo Ethiopian ayaa amarkaasi fuliyay, iyadoo markii dambe shirkadda xawaaladda Dahabshiil ay sidoo kale tallaabadan raacday. Soomaaliya waxay tallaabadan adag qaaday kadib markii Somaliland iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis ay Somaliland ku siisay Itoobiya dhul xeebeed dhan 20 km. Xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ayaa markii dambe qabowday kadib markii Turkigu soo dhexgalay, isagoo dhex-dhexaadin ka sameeyay Addis Ababa iyo Muqdisho.
-
Wakaaladda wararka ee isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Abdullah bin Zayed uu magaalada Abu Dhabi ku qaabilay dhiggiisa Israa’iil Gideon Sa’ar, waxayna kulankooda diiradda ku saareen xooninta xiriirka ka dhexeeya. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen xaaladaha ka taagan gobolka, gaar ahaan dhibaatada bini’aadantinimo ee Qasa, ayadoo isla soo qaaday dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu doonayo in dib loo bilaabo heshiiskii xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha. Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay taageerada Imaaraadka Carabta ee dadaalka diblumaasiyadeed ee loogu tala-galay ilaalinta dadka rayidka ah iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Marinka Marinka. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Israa’iil ay sanadkii labaad waddo gumaadka dadka reer Qasa, islamarkaana maamulka Trump iyo Tel Aviv ay ku howlanyihiin qorshaha ay ku doonayaan inay ku barakiciyaan falastiiniyiinta Qasa. Source: goobjoog.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa gaashaanka ku dhufatay dalabka Mareykanka ee ah inay si toos ah uga wada xaajoodaan barnaamijkeeda nukliyeerka ama ay wajihi karto weerar militari, iyadoo uga digtay dalalka deriska ah ee saldhigyada siinaya Mareykanka inay noqon karaan bartilmaameedyo haddii ay ku lug yeeshaan arrintaas, sida uu sheegay sarkaal sare oo reer Iran ah. Inkastoo Iran ay diiday dalabka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee wadahadallada tooska ah, haddana waxay dooneysaa inay sii waddo wadaxaajoodka dadban ee dalka Cumaan, oo muddo dheer soo ahaa marin ay labada waddan ee xifaaltamaa isugu gudbiyaan farriimaha, sida uu Reuters u sheegay sarkaalka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. “Wadahadallada dadban waxay fursad u siinayaan in la qiimeeyo sida ay dhab uga tahay Washington inay xal siyaasadeed ka gaarto arrinta Iran,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Inkastoo wadadu ay noqon karto mid adag, haddana wadahadallada ayaa bilaaban kara dhowaan haddii farriimaha Mareykanku ay muujiyaan taageero arrinkaas ku saabsan, ayuu intaa raaciyay. Iran ayaa si rasmi ah digniin ugu dirtay dalalka Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar, Turkiga iyo Baxreyn, iyadoo u sheegtay in taageero kasta oo ay siiyaan weerar uu Mareykanku ku qaado Iran—oo ay kamid tahay isticmaalka hawadooda ama dhulkooda—loo arki doono fal cadawtooyo ah. “Ficilkaasi wuxuu yeelan doonaa cawaaqib xun,” ayuu yiri sarkaalkaasi, isagoo xusay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, uu ciidamada Iran galiyay heegan sare. Digniinaha Madaxweyne Trump ee ku saabsan weerarka militari ee ka dhanka ah Iran ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, kaasoo markii horeba la daalaa dhacayay dagaallada Gaza iyo Lubnaan, duqaymaha ka socda Yemen, isbeddelada hoggaanka Suuriya, iyo dagaallada ay iswaydaarsadeen Israa’iil iyo Iran. Waxaa jira walaac weyn oo laga qabo in gobolka uu ku fido dagaal ballaaran, taasoo walaac badan ku abuurtay dalalka gacanka Carbeed ee uu hal dhinac ka xigo Iran, dhinaca kalena boqortooyooyinka Carabta ee Mareykanku xulafada la yahay, kuwaasoo sidoo kale ah marin muhiim u ah shidaalka caalamiga ah. Afhayeenada dawladaha Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Baxreyn ayaan wali ka jawaabin codsiyo lagu waydiistay faahfaahin dheeraad ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay inaysan ka warqabin digniin rasmi ah, balse fariimaha noocaas ah lagu gudbin karo qaabab kale. Arbacadii, warbaahinta dowladda Iran ayaa shaacisay in Kuwait ay u xaqiijisay Tehran inaysan marnaba oggolaan doonin in dalkeeda loo isticmaalo fal cadawtooyo oo ka dhan ah waddan kale. Ruushka, oo ah xulafada Iran, ayaa Khamiistii sheegay in hanjabaadaha Mareykanka ee weerarka ka dhanka ah Iran ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, Jimcihiina wuxuu ku baaqay in xaaladda la dejiyo. Iran ayaa isku dayaysa inay taageero dheeraad ah ka hesho Ruushka, balse waxay ka shakisan tahay sida dhab ahaan ay Moscow uga go’antahay inay difaacdo xulafadeeda. Arrintaas waxay ku xirnaan doontaa xiriirka ka dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayuu sheegay sarkaal labaad oo reer Iran ah. Laba bilood oo fursad ah Trump ayaa sheegay inuu doorbidayo heshiis lala gaaro Iran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka halkii uu dagaal militari qaadi lahaa, isagoo 7-dii Maarso warqad ku saabsan arrintan u qoray hoggaamiyaha sare ee Iran, Khamenei. Sarkaalka koowaad ee reer Iran ayaa sheegay in wareegga hore ee wadahadallada dadban laga yaabo inay dhex-dhexaadiyaan mas’uuliyiin ka socda Cumaan oo ka kala dhex shaqeyn doona wafdiyada Iran iyo Mareykanka. Khamenei ayaa oggolaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi ama ku-xigeenkiisa Majid Takht-e Ravanchi ay ka qaybgalaan wadahadallada laga yaabo inay ka dhacaan magaalada Muscat. Afhayeen u hadlay dowladda Cumaan ayaan wali ka jawaabin codsi faahfaahin dheeraad ah lagu waydiistay. Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ayaa sheegay in la heli karo fursad laba bilood ah oo heshiis lagu gaari karo, isagoo ka digay in haddii wadahadalladu ay dib u dhacaan laga yaabo in Israel ay qaaddo weerar gaar ah, taasoo sababi karta dib u soo celinta dhammaan cunaqabateynada caalamiga ah ee lagu soo rogo Iran, si looga hortago inay hesho hubka nukliyeerka. Iran ayaa muddo dheer iska fogeysay eedaynta ah inay raadineyso hub nukliyeer ah, laakiin hay’adda tamarta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Iran ay si weyn u kordhisay kobcinta Yuraaniyamka heerka 60%, taasoo aad ugu dhow heerka loo isticmaalo hubka ee 90%. Dalalka reer Galbeedka ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Yuraaniyamka loo kobciyo heerkaas sare barnaamij rayid ah darteed, iyagoo sheegay inaan waddan kale oo sameeyay tallaabadan aysan ka harin hub nukliyeer ah. Inkastoo Iran sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho Mareykanka haddii looga hadlayo arrimaha nukliyeerkeeda, haddana waxay gabi ahaanba diiday inay toos u wadaxaajoodaan inta Mareykanku uu hanjabaado wado. Iran ayaa sidoo kale sheegtay in barnaamijkeeda gantaalaha aanay marnaba diyaar u ahayn inay ka wadaxaajoodaan. Taliyaha sare ee ciidamada kacaanka Iran (IRGC), Amirali Hajizadeh, ayaa Isniintii sheegay in saldhigyada Mareykanku uu ku leeyahay gobolka ay noqon karaan bartilmaameed haddii dagaal dhaco. Sannadkii 2020, Iran ayaa bartilmaameedsatay saldhigyo Mareykanku ku lahaa Ciraaq kaddib markii Mareykanku dilay Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga, iyadoo lagu bartilmaameedsaday weerar gantaallo oo ka dhacay magaalada Baqdaad.
-
Ciidamada Daraawiishta dawlad goboleedka Puntland ayaa hawlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ka sameeyay deegaanka ceelka Bacool ee togga Miiraale oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Ciidamada ayaa intay hawlgallada ku jireen gacanta ku dhigay 6-kamida gaadiidka, gaar ahaan awrta ay isticmaali jirtay kooxda, islamarkaana sahayda ku qaadan jireen. Si dookale ciidamadu waxay gubeen xarumo kooxdu ay ku lahayd aaggaas, dhinaca kalena waxay gaareen fariisimo ay horay u duqeeyeen diyaaradaha dhanka cirka ka taageeraya hawlgalka halkaas ka socda. Ciidanka Daraawiishta Puntland oo bilihii la soo dhaafay dagaal xooggan kula jirey kooxda Daacish ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray howlgallada ay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda iyo saraakiisha hey’adaha qaabilsan sugidda ammaanka Muqdisho, kadib weerarro hoobiye loo adeegsaday shalay iyo maanta lagu qaaday Madaxtooyada Qaranka iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ah labada goob ee ugu muhiimsan Caasimadda. Guddoomiye Yabooh oo metelayey maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ugu muhiimsan hay’adaha amniga ayaa hor fariistay caawa Madaxweynaha oo aad uga careysan weerarradii dhacay oo ilaa hadda aan cidna loo soo qaban ayaa su’aalo adag weydiiyey saraakiisha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee amniga qaabilsan weydiiyey sababta ay uga hortegi waayeen weerarradaas, hadii ay taas ku guul dareysteena ay u ugaan waayeen goobta laga soo tuuray iyo cidda soo riday. Ilo wareedyo kulankaas uga waramay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku canaantay saraakiisha amniga sababta ay ku waayeen xogta magaalo ay 24-ka saac ka shaqeeyaan, galaan galka ay bulshada ku dhex leeyihiin ayuu sidoo kale su’aalo badan ka weydiiyey. Madaxweynaha ayaa ugu goodiyey in saraakiisha amniga lagu xisaabi doono oo xabsi, baaritaan iyo xil ka qaadis ay wajihi doonaan hadii hoobiye dambe lagu soo rido Muqdisho, isagoo u muujiyey in wax dulqaad ah uusan u heynin amni darrada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa shalay ku dhiiraday inay gudaha Muqdisho isaga duubaan muuqaal, iyagoo Hoobiye ka ridaha gudaha caasimada, taasi oo abuurtay qalqal amni oo xoog leh, muuqaalkaas oo ragga hoobiyaha ridaya ay afka soo xirteen ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada. Amniga Garoonka Muqdisho ayey maanta saameyn ku yeesheen hoobiyaashii lagu soo riday, waxaana la xaqiijiyey inay hawada ka laabatay diyaaradda Turkish Airline, taas oo ka degtay dalka Jabuuti, kuna laabatay Ankara, dadka saaraa ee maanta Muqdisho ka soo dego waayey waxaa kamid ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maalmahaan ku maqnaa dalka Ingiriiska. Guddoomiye Amiir oo hadda weysan diyaarad dalka keenta, kadib markii uu maanta ka laabtay hawada Muqdisho, hoobiyaha soo dhacaya dartiis ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Madaxweynaha oo ku amray inuu deg deg dalka u yimaado, maadaama ay socdaan qulqulatooyin amni, sidoo kalena ay socdaan shirarkii golaha wadatashiga qaranka.