Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qaybgalayo Meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya (Antalya Diplomacy Forum 2025). Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyey si diirran, iyadoo munaasabaddaasi ay isugu imaanayaan madaxda caalamka, siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha caalamiga ah. Ujeeddada shirka ayaa ah in la xoojiyo wadashaqeynta caalamiga ah, lana dhiirrigeliyo xallinta khilaafaadka iyo iskaashi horumarineed oo waxtar leh. Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu kulammo gaar-gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda dowladaha iyo wufuudda ka soo qeybgaleysa madasha, isagoo diiradda saaraya xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale, iyo arrimaha amniga iyo horumarka Soomaaliya. Safarkan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee ku aaddan kobcinta xiriirka caalamiga ah iyo ka miro-dhalinta danaha qaranka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe,” uusan ka mid noqon doonin wajiga hore ee wadatashiyada qaran ee la qorsheynayo, taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda dowladda federaalka ee la xiriirta wadahadallada siyaasadeed. Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah kulan dhowaan albaabadu u xirnaayeen oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay qorshe labo weji ah oo loogu talagalay in lagu gaaro is-afgarad qaran oo ku saabsan arrimaha mudnaanta leh. Wajiga koowaad wuxuu u furnaan doonaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaal lagu wajahayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Wadahadalladan ayaa lagu wadaa in si toos ah looga baahiyo telefishanka qaranka si loo dhiirrigeliyo daahfurnaan iyo ka-qaybgal ballaaran. Wajiga labaad, oo Villa Somalia ku tilmaantay “wada-hadal maamul,” ayaa xadidi doona ka-qaybgalka, waxaana lagu casuumi doonaa oo kaliya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan qaadasho. Axmed Madoobe oo laga reebay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay wada-hadal toos ah oo uu la yeesho Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, balse si cad ayuu u sheegay in Axmed Madoobe aanu ka mid noqon doonin ka qaybgalayaasha shirka. “Tani ma aha kulan dib u midayn ah. Waa wada-hadal u dhexeeya mas’uuliyiinta leh xilka iyo awoodda go’aan qaadashada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia. “Kaliya kuwa si sharci ah u metela dowladda iyo shacabka ayaa lagu casuumayaa.” Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu uu dhammaaday, arrintaasoo sii adkeynaysa khilaafka ka jira hab-dhismeedka federaalka ee dalka. Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah. Dowladda Mareykanka, oo ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeeya amniga iyo xasillinta, ayaa si rasmi ah loogu wargeliyay qorshahan. Sida la sheegay, Danjire Riley wuxuu ku boorriyay Madaxweyne Xasan Sheekh in geeddi-socodku noqdo mid furan oo loo dhan yahay, inkastoo qaabka kama dambaysta ah ee shirka uu muuqdo mid horey loo go’aamiyay. Xaaladda guud oo kacsan In kasta oo Soomaaliya ay qabatay doorashooyin federaal ah sanadkii 2022 kadib dib u dhacyo badan, haddana khilaafaad siyaasadeed ayaa weli jira — gaar ahaan muranka ka dhashay isbeddellada dastuurka ee dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, kuwaas oo ay Puntland iyo kooxaha mucaaradka ahi si adag u diideen. Dhinaca amniga, ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyada deegaanka ee Ma’wisleyda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa wali wada hawlgallo ballaaran oo ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada bartamaha dalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli halis amni ku ah dalka, iyadoo inta badan ka faa’iideysata xaaladaha siyaasadeed ee aan xasilnayn si ay dib isu abaabusho una fuliso weerarro. Iyadoo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xasillinta (AUSSOM) uu si rasmi ah u beddelay ATMIS, waxaa sii kordhaya baahida loo qabo in hoggaanka dalka ay gaaraan is-afgarad guud oo ku saabsan jihada siyaasadeed iyo midda amni. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shirka soo socda u arkaa mid lagama maarmaan u ah xasillinta dalka, siyaasiyan iyo amni ahaan. Haddaba, su’aasha taagan waxay tahay: ma ka reebista hoggaamiyeyaal awood leh ayaa lagu gaari karaa ujeeddadaas, mise waxay sii wiiqi doontaa dadaallada lagu raadinayo midnimo qaran?
  3. Sarreeye-guuto, Axmed Saleebaan Cabdalle (Dafle) oo kamid ka ahaa shantii Golaha-sare ee dowladdii kacaanka, sidoo kale ahaa asaasihii Hey’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NSS ayaa geeryooday caawa sida ehelkiisu ay xaqiijiyeen. Janeraal oo muddo dheer ka tirsanaa madaxdii ugu awoodda badnayd dowladdii kacaanka, ayaa burburkii wixii ka dambeeyay ku noolaa qurbaha, wuxuuna ku geeriyooday da’da 88 sano. Dafle wuxuu ku dhashay Burco sanadkii 1937-dii, asagoo aad u da’yar ayuuna ku biiray ciidamada qalabka sida, markii dambena wuxuu kamid noqday shantii nin ee dalka ugu awoodda badnaa, asagoo ahaa madaxweyne ku xegeen iyo Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka oo xilligaas loo yaqaanay NSS. Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ummadda Soomaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Sarreeye Gaas Axmed Saleebaan Cabdalle, asagoo ku tilmaamay halyey Soomaliyeed oo taariikhda baal dahab ah uga jira. Inta badan madaxdii dowladdii kacaanka ayaa horay u geeriyooday, waxaana hadda shantii golaha sare hadda ka nool major General Ismaaciil Cali Obokor oo ahaan jiray madaxweyne ku xegeen iyo Guddoomiyaha baarlamaanka dalka intii u dhexeysay sanadihii 1971 ilaa 1982. Source: goobjoog.com
  4. Ka-naxsade ayaa dhacay siyaasiga maqaayadda ku dhex ooyay. Nayroobi (Faallo) — Dhowr toddobaad ka hor siyaasi Soomaaliyeed ayaa magaalo dal shisheeye ku taalla ku dhex baroortay. Goobtu waxay ahayd maqaayad weyn oo Soomaalidu ka shaahdo kuna fadhi-ku-dirirto. Mar uun buu si qeylo dheer u “booyay”. Dadka maqaayadda fadhiyay baa soo wada eegay isaga. Ninku wuxuu ahaa siyaasi dad badan ay yaqaannaan. “Hoodayeey, ba’ayeey, lay dhacyeey”. Dadka maqaayadda ku sugnaa waxay moodeen in qalinshubato ninka ku dhex boobtay maqaayadda. Dhowr nin baa aamusiyay ninka siyaasiga ahaa. Kaddib markuu in yar degay buu sheegay sababta uu maqaayadda ugu dhex baroortay. “Nin ganacsade ah ayaan lacag ku darsaday. Inuu khasaaray oo uusan waxba haysanin buu ii sheegay. Aniguse ma hubo waayo ninku dad hore ayuu sidaas u dhacay oo waan ogaa” buu ninka siyaasiga ahaa u sheegay dadka. In nin dadka lacagta ka urursada oo kaddib dhaca uu lacag ku aamminay baa yaab noqotay. Ninka siyaasiga ah laftigiisu lacagta uu ku darsaday ninka ganacsadaha ah (laakiin dad badan hadda u yaqaannaan ka-naxsade) waxay ahayd lacag booli ah. Lacag laga soo dhacay dadweynaha Soomaaliyeed. Yaabka kale wuxuu ahaa in ninka siyaasiga ahaa aan lagu aqoonin carrab li’ sababi karta inuusan karin ku dhawaaqista xarfaha qaarkood. Waxay filayeen inuu dhihi karay “hoogayeey ba’ayeey” halkii uu “hoodayeey ba’ayeey” ka lahaa markii uu gocday ka-naxsadihii afka iska mariyay boolidii siyaasigu u malaynayay inuu ka faa’iido karo. Nin maqaayadda ka qaxwaynayay ayaa kaddib sidan u fallooday: “Siyaasiga Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay inuu sito dejiye”. “Ma daawo oohinta bi’isa baa?” nin ag taagnaa baa ninka kale su’aalay. “Maya waa caagga carruurta afka loo geliyo marka ay ooyaan si loo dejiyo. Magaaladan waxaa looga yaqaannaa ‘pacifier’” ayuu ku jawaabay. © Puntland Post, 2025 The post “Siyaasiga Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay Dejiye” appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa geeriyooday aas-aasihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Jeneraal Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) siyaasigii ugu saameynta badnaa qaaradda Afrika sanadihii lixdamaadkii, sidoo kalena ahaa saraakiishii ugu xukunka adkeed dowladdii kacaanka ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Isagoo ah nin da’a ah ayuu caawa geeriyooday Dafle, muddo dheer ayuu ka soo shaqeynayey Hay’adda NISA, isagoo ahaa Agaasimihii aas-aasay, sidoo kale wuxuu door cajiib ah ka soo qatay dagaaladii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya iyo xornimada dalal badan oo Afrikan ah. Fahad Yaasiin oo NISA Agaasime ka soo noqday ayaa kamid ah dadka ka hadlay geerida Dafle, wuxuuna sheegay inuu la yaabay xogtiisa markii uu ugu tegay Taliska NISA ee Habar-Khadiija, isagoo sheegay inuu ugu magac daray Masjid laga dhisay xarunta NISA. “Aasaasihii koowaad Sirdoonka Soomaaliya Dafle, wuxuu mar ahaa siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah, loollankii dagaalkii qaboobaa wuxuu udub dhexaad u ahaa tartanka labadaas quwadood ee Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta qaarkeed” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Wuxuu sheegay in awoodda Sirdoonka Soomaaliya uu gaarsiiyey heer ay ka war qabeen nolosha ka jirtay guriga Mingistu Xayla Maryam-kii Itoobiya. “Guulihii furimaha dagaalkii 1977-kii waxaa saldhig u ahaa in sirdoonku heli jiray xogta Ciidanka Itoobiya, Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay Sidoonka Qaranka Soomaaliya ayaa weli lagu hoggaamiyaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin. Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii uu noqday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, inuu arkay taariikhda uu Dafle ka tagay, isagoo yiri, “waxaan ugu magac daray Masjidka weyn ee xarunta Hay’adda ka dhisan – Allaha u naxariisto Axmed Saleebaan Dafle.” Wasiirka Amniga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo isna ka hadlay geerida Jeneraal Dafle ayaa yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay Allaha u naxariistee Jeneraal Axmed Saleebaan Dafle oo kamid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa, mudda dheerna u soo adeegayey dalkiisa, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira kuwa ciidan iyo maamul.” Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka. Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre. General Axmed Saleebaan Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya, sanadkii 1937-kii, waxaana 1971-kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran, intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga. Burburkii dowladii dhexe kadib, Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka oo uu caawa ku geeriyooday.
  6. Mogadishu (HOL) — Türkiye and Somalia signed a new agreement Thursday for onshore oil and gas exploration. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮. Waa safarkii ugu horeeyey ee Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed u uku tegayo Laascaanood, waa booqasho qeyb ka ah ‘dadaallada xukuumadda Xamsa ee nabadda, midnimada, iyo horumarinta dalka’ sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan adag oo ay ku ilaalineyso midnimada dalka, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si dhow ugu kuur-geli doona xaaladda dhabta ah oo ay ku noolyihiin bulshada ku dhaqan deegaanada SSC Khaatumo. Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay Xamza Cabdi Barre uu booqashadaan diiradda ku saari doono arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, six al waara loogu helo duruufaha ay la tacaalayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada SSC Khaatumo. Masuuliyiinta SSC Khaatumo ayuu Xamsa Cabdi Barre la kulmi doonaa inta uu ku sugan yahay Laascaanood, sidoo kale wuxuu la kulmayaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ay shaacisay xukuumaddu. Hormarka deegaanka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira ayaa diiradda lagu saari doonaa safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ee Laascaanood, nabadeynta deegaanka iyo mideynta bulshada ayaa saldhig looga dhigi doonaa wax kasta. Xamza Cabdi Barre, ayaa Laascaanood ka dhagax-dhigi doona, kuwa la hirgeliyana xarigga ka jari doona, sida lagu shaaciyey faahfaahinta xukuumadda ee safarkaas. “Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo tayo leh” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Hoos ka daawo
  8. Mogadishu (HOL) — The body of General Sheegow Ahmed Ali, a former Somali military officer who died earlier this week, was flown to Jowhar on Thursday following funeral prayers in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. Ankara (Caasimada Online) – Türkiye iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska gudaha dalka, taasoo ah tallaabo weyn oo hor leh oo lagu xoojinayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ee dhinaca tamarta. Heshiiskan oo Khamiista maanta ah lagu saxiixay magaalada Ankara, ayaa shirkadda shidaalka qaranka Türkiye ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) siinaya oggolaansho ay ku sahamiso saddex aag oo dhuleed oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaas oo guud ahaan baaxaddoodu gaareyso ku dhawaad 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Türkiye, Alparslan Bayraktar, iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskan, kaasoo ah tillaabo cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta. “Heshiiskan wuxuu billow u yahay iskaashi cusub oo dhinaca dhulka ah,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan ku bilaabi doonnaa baaritaanno seismic ah oo laba-iyo-saddex-cabbir ah, iyadoo aan si degdeg ah ugu tallaabi doonna qodista marka aan helno xog dhammeystiran.” Tani ma aha markii ugu horreysay ee labada dal ay ka wada shaqeeyaan arrimaha tamarta. Xagaagii hore, Türkiye iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis wadaag ah oo ku saabsan sahaminta shidaalka badda. Türkiye waxay markaas u dirtay markabka sahmintaee Oruç Reis, oo ah mid ay dalka gudihiisa ku horumarisay, si uu baaritaanno uga sameeyo biyaha Soomaaliya. Markabkan ayaa weli ka shaqeynaya saddex aag badeed oo guud ahaan dhul ahaan gaaraya qiyaastii 15,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. “Ilaa hadda, mashruuca waxaa la dhameystiray boqolkiiba 78,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan hiigsaneynaa in baaritaannada seismic-ka la dhammeeyo bisha May. Marka xogta la falanqeeyo, ayaa la go’aamin doonaa tallaabooyinka xiga ee qodista.” Iskaashi ka baxsan shidaalka Labada dal waxay sidoo kale eegayaan fursado iskaashi oo ka baxsan shidaalka iyo gaaska. Wasiir Bayraktar wuxuu sheegay in Türkiye ay rajaynayso in iskaashiga lagu ballaariyo qeybta macdanta. “Waxaan dooneynaa inaan xiriirka sare u qaadno, annagoo bilaabayna mashaariic la taaban karo oo dhanka macdanta ah,” ayuu yiri. “Iskaashigan wuxuu ka tarjumayaa aragti dheer oo ku wajahan horumar waara iyo xasillooni goboleed.” Wasiirka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah, wuxuuna sheegay in uu sare u qaaday heerka xiriirka labada dal. “Heshiiskan wuxuu xiriirkeena u gudbinayaa marxalad cusub,” ayuu yiri. “Waxaan ku faraxsanahay inaan si wadajir ah u horumarino khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, si ay labada dhinacba uga faa’iideystaan. Markii shuruucdeenna iyo habraacyadeenna sharciyeed ay diyaar noqdaan, waxaan si diirran u soo dhoweyn doonnaa shirkadaha macdanta ee Turkiga.” Bayraktar wuxuu intaa ku daray in wafdiga Soomaaliyeed ay Türkiye sii joogayaan dhowr maalmood si ay u booqdaan xarumo muhiim ah oo ay kamid tahay markabka qodista ee Fatih. Türkiye sidoo kale waxay dadaal xooggan ku bixineysaa horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee tamarta. Bisha May 2-deeda, magaalada Istanbul waxay martigelin doontaa Shirka Caalamiga ah ee Khayraadka Dabiiciga ah, halkaas oo wasiirrada tamarta iyo shirkadaha waaweyn ee caalamka ay ka wada hadli doonaan fursado cusub. Shirka waxaa marti-gelin doona Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdoğan. “Türkiye waxay garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii ugu adkaa,” ayuu yiri Bayraktar. “Hadda, waxaan ku faraxsanahay inaan garabkooda ku sii soconno xilli ay u jiheysanayaan mustaqbal ifaya.”
  10. Somalia is located in a very strategic location crucial not only for the success of the ongoing operations to contain Houthis and deter their attacks on trade vessels in the Red Sea and Gulf of Aden, but also to protect Somalia's natural resources and destroy Houthi bases in Somalia and their reported influence in the region. Furthermore, due to proximity, Somalia can play a pivotal role in the operation by providing both human resources and military bases for the coalition. Thus, Somalia benefits from this operation and helps protect global order and security. Source: Hiiraan Online
  11. ANKARA, Türkiye—Türkiye and Somalia have signed a new agreement for onshore oil and gas exploration, taking another big step in their growing energy partnership. The deal, signed Thursday in Ankara, gives Türkiye’s national oil company, Turkish Petroleum Corporation (TPAO), the green light to explore three land blocks in Somalia covering around 16,000 square kilometers. Turkish Energy and Natural Resources Minister Alparslan Bayraktar and Somali Minister of Petroleum and Mineral Resources Dahir Shire Mohamed signed the agreement, which adds a new layer to the countries’ ongoing cooperation in energy. “This agreement marks the start of a new onshore partnership,” Bayraktar said. “We’ll begin with two- and three-dimensional seismic surveys, and based on what we find, we’ll move quickly to drilling.” This isn’t the first time the two countries have teamed up on energy. Last summer, Türkiye and Somalia signed a production-sharing deal for offshore exploration. Türkiye sent its locally developed seismic vessel, Oruç Reis, to Somalia’s coastal waters. That vessel is still at work, surveying three offshore areas that span about 15,000 square kilometers. “So far, the project is 78% complete,” Bayraktar said. “We’re aiming to finish the seismic surveys by May. Once we’ve analyzed the data, we’ll decide on the next steps for drilling.” Looking beyond oil Both countries are also eyeing future opportunities beyond oil and gas. Minister Bayraktar said Türkiye hopes to expand the partnership into the mining sector next. “We’re preparing to take this relationship to the next level by launching concrete mining projects,” he said. “This isn’t just about energy—it’s about long-term development and building regional stability.” His Somali counterpart, Minister Dahir, echoed those thoughts and called the agreement a historic moment. “This deal takes our relationship to a whole new level,” he said. “We’re excited to develop Somalia’s natural resources in a way that benefits both sides. And once our legal frameworks are ready, we’re looking forward to welcoming Turkish mining companies to Somalia.” Bayraktar added that Somalia’s delegation will stay in Türkiye for a few more days to visit key facilities, including the Fatih drillship. Türkiye’s commitment to global energy cooperation is also moving forward. On May 2, Istanbul will host the International Natural Resources Summit, where energy ministers and major companies worldwide will explore new opportunities. The summit will be held under the patronage of President Recep Tayyip Erdoğan. “Türkiye stood by Somalia during its most difficult times,” Bayraktar said. “Now, we’re proud to walk alongside them as they move toward a brighter future.”
  12. Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda Turkiga, waxaana lagaga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka tamarta. Kulanka kadib, labada dhinac waxay qaadeen tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa iskaashiga istaraatijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Waxaa si rasmi ah loo saxiixay heshiis u dhexeeya Shirkadda Dawooyinka Batroolka Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Maamulka Batroolka Soomaaliya, heshiiskaas oo loogu magac daray: “Heshiiska Sahaminta iyo Soo Saarista Hydrocarbon-ka ee Dhulka Hoostiisa ku jira ee Soomaaliya.” Iyadoo heshiiskan la fulinayo, TPAO waxay ka hawl-geli doontaa saddex aag oo dhulka gudaha Soomaaliya ah, kuwaas oo wadartoodu tahay 16,000km². Waxa ay shirkaddu ka samayn doontaa sahamin dhameystiran oo laba iyo saddex-cabbir leh (2D & 3D seismic surveys). Marka la helo xogta muhiimka ah, waxaa la guda geli doonaa howlgalka qodista ceelasha shidaalka. Source: goobjoog.com
  13. Washington (Caasimada Online) – Guulo dhowaan ah oo ay ka gaareen falaagada Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa sababay in qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay soo jeediyaan in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isla markaana laga daadgureeyo inta badan shaqaalaha, si looga hortago khataraha amni, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wadahadallada gudaha oo la hadlay New York Times. Hase yeeshee, masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Trump, gaar ahaan kuwa ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, ayaa ka digaya in xiritaanka safaaradda uu dhaawici karo kalsoonida lagu qabo dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana uu sababi karo burbur degdeg ah. Taa bedelkeeda, waxay taageersan yihiin in la kordhiyo howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya si loogu sii xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Doodaha is khilaafsan waxaa hurinaya xusuusta dhacdooyin xanuun badan oo hore u dhacay, sida weerarkii 2012 ee koox Islaami ah ku qabsatay xarunta Mareykanka ee Benghazi, Liibiya, iyo burburkii lama filaanka ahaa ee xukuumaddii Afghanistan xilligii ciidamada Mareykanka ay ka baxayeen dalkaas sannadkii 2021. Tani waxay sidoo kale muujinaysaa caqabadda ballaaran ee hortaagan maamulka Trump marka uu dejinayo istiraatiijiyadda siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya — dal ay hareeyeen khilaafaadyo qabiil iyo kala dambeyn la’aan, halkaas oo Mareykanku muddo labaatan sano ku dhow ku waday dagaal xadidan oo ka dhan ah argagixisada, balse horumar muuqda aan laga gaarin. Arrintan ayaa u muuqata inay iska hor keenayso la-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee la-dagaalanka argagixisada, Sebastian Gorka — oo taageersan in si adag loo wajaho kooxaha Islaamiyiinta ah — iyo xubno kale oo xag-jir ah oo ka tirsan isbahaysiga siyaasadeed ee Trump, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaallada “aan dhammaan” ee bilowday kadib weeraradii 11-kii September 2001, kuna dooda in Soomaaliya aysan ahayn mid dan weyn ugu fadhida Mareykanka. Toddobaadkii hore, Gorka ayaa shir isugu yeeray saraakiil ka kala socota hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, si looga arrinsado jihada siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin xog ogaal u ah wada-hadalladaas, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Shirkaas ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday iyadoo aan la gaarin go’aan rasmi ah. Dowladihii Mareykanka ee kala dambeeyay ayaa raacay siyaasad ku qotonta taageeridda dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tababar iyo qalab u fidinayay unugyada gaarka ah ee Danab, sidoo kalena adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn si ay u siiyaan taageero cirka ah marka ay la dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida. Siyaasaddan ayaa loogu talagalay in ay dhidib u dhigto awoodda dowladda Soomaaliya si ay mustaqbalka u sugi karto ammaankeeda. Laakiin, sida dhacday meelo kale oo ay ka mid tahay Afghanistan, yoolkaasi wali ma rumoobin. Xaaladdu waxay kasii dartay warar sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya aysan dagaalka u istaagin, iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay inuu ka leexday taageerayaal ka tirsan beelaha mucaaradka iyo xitaa kuwa garabkiisa taagnaa. Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaan ka jawaabin codsiyo falcelin ah oo arrintan la xiriira. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Arbacadii sheegay in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay “si buuxda u shaqeyneyso” isla markaana wasaaraddu ay “si joogto ah u qiimeyso ugana falceliso xogaha la xiriira khataraha, iyadoo la waafajinayo tallaabooyinka ammaanka iyo howlgalka.” Maureen Farrell, oo horey u ahayd masuulka siyaasadda Afrika ee Wasaaradda Difaaca xilligii maamulka Biden, ayaa sheegtay in Al-Shabaab aan lagu jabin karin kaliya awood milatari. Waxay ku talisay in Mareykanku diiradda saaro xubnaha xagjirka ah ee halista leh, iyadoo lagu dadaalayo in inta kale ee kooxda lagu qanciyo wadahadal siyaasadeed. “Haddii aan ka fekerayno in aan yareyno joogitaankeenna, waa in aan ka faa’iideysanaa fursaddaas si aan cadaadis ugu saarno horumar dhab ah oo lagu gaaro himilooyinkeenna,” ayay tiri Farrell, oo haatan ah madaxweyne ku xigeen ka tirsan shirkadda la-talinta amniga ee Valar Solutions. “Waa fursad naadir ah oo aan si daacad ah u sheegan karno in aan diyaar u nahay in aan baxno haddii isbedello la taaban karo aan la helin.” Muddadii ugu badneyd ee xukunkiisa hore, Madaxweyne Trump wuxuu xoojiyay howlgalka milatari ee Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ka qaaday xayiraado xilligii Obama la saaray duqeymaha. Balse toddobaadyadii ugu dambeysay ee xafiiskiisa, wuxuu si lama filaan ah u amray in inta badan ciidamada laga saaro Soomaaliya, marka laga reebo tiro yar oo ilaalinaysa safaaradda. Ciidamadii ayaa dib loogu daabulay Kenya iyo Jabuuti, hase yeeshee si wareegto ah loogu soo celinayay gudaha Soomaaliya si ay u taageeraan ciidamada Soomaaliya ee Mareykanku tababaray. Sannadkii 2022, kadib markii hoggaanka milatariga ay sheegeen in gelitaanka iyo ka bixitaanka dalka uu khatar yahay, Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday in ciidamada Mareykanka dib loogu celiyo joogitaan rasmi ah gudaha Soomaaliya. Waxaa haatan gudaha Soomaaliya ku sugan 500 ilaa 600 oo askari Mareykan ah, sida uu sheegay Taliska AFRICOM. Maamulka cusubna wuxuu fuliyay dhowr duqeyn oo ka dhan ah xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan waqooyiga dalka. Toddobaadyadii la soo dhaafay, guulo dagaal oo ay gaareen Al-Shabaab ayaa keenay in kooxda ay ku soo dhowaato magaalada Muqdisho, taas oo keentay walaac ku saabsan ammaanka safaaradda Mareykanka — xarun si weyn loo ilaaliyo oo ku taalla gudaha garoonka diyaaradaha. Roobabkii xilli roobaadka ayaa hakiyay dagaalka, taas oo bixisay waqti dheeraad ah. Omar Mahmood, falanqeeye sare oo ka tirsan Hay’adda Crisis Group una qaabilsan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, ayaa sheegay in weerarradii ay Al-Shabaab bilaabeen dabayaaqadii Febraayo ay si lama filaan ah ugu dhaceen dowladda, taas oo keentay in kooxda ay dib u qabsato qaar ka mid ah tuulooyin ay horey u weysay laba sano kahor. Si kastaba, wuxuu sheegay in guulaha la sheegayo ay yihiin kuwo la buunbuuniyay, isla markaana kooxda aysan hadda u muuqan inay Muqdisho bartilmaameedsanayso. “Dowladdu si dhab ah ayay ula tacaaleysaa xaaladda – ciidamadii dhawaan la tababaray ma aysan la falgelin dagaalka si wanaagsan, siyaasadduna si xun ayay u kala firdhan tahay – balse cabsi laga qabo in Muqdisho la qabsado waa mid si weyn loo buunbuuniyay,” ayuu ku yiri email. “Tani waa wax ku caadi ah Soomaaliya, gaar ahaan dhexdeeda saaxiibada caalamiga ah, in marka ay wax yar qaldamaan, ay dadku si degdeg ah ugu rido cabsi iyo saadaal xun.” Si kastaba, qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wali taageersan in safaaradda la xiro, lagana daadgureeyo shaqaalaha si nidaamsan, si looga fogaado baahi degdeg ah oo lagu sameeyo howlgal samatabixin, sida tii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Kabul, Afghanistan, bishii Agoosto 2021. Waxaa kale oo jirta cadaadis lagu saarayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay isku ururiso howlaheeda safaaradeed ee qaaradda Afrika. Sidaa darteed, ururinta shaqaalaha Mareykanka ee Soomaaliya meel kale oo Bariga Afrika ah, sida Kenya ama Jabuuti, ayaa u adeegaysa yoolka dhimista kharashaadka dowladda, sida ay sheegeen masuuliyiin arrinta ka warqabay. Qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa si iskood ah isugu caleemo saaray maamullo madax-bannaan. Mid ka mid ah ikhtiyaarrada la tixgelinayo ayaa ah in qaar ka mid ah xarumaha iyo hantida Mareykanka la geeyo saldhig militari oo wakhtigii Soviet-ka laga dhisay Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan u soo jeediyay maamulka Trump inuu la wareego saldhigyo ciidan iyo dekedo, oo ay ku jirto mid ku taalla Somaliland, inkastoo dowladda federaalka aysan maamul u lahayn dhulkaas, sida ay Reuters daabacday dabayaaqadii Maarso. Shirkii toddobaadkii hore, Gorka ayaa la sheegay inuu si adag uga hor yimid fikradda ah in la yareeyo joogitaanka Mareykanka, isagoo ku dooday in aan la aqbali karin in Al-Shabaab ay dalka la wareegto, isla markaana soo jeediyay in la kordhiyo weerarada lagu beegsanayo dagaalyahanada kooxda. Isbedel kasta wuxuu saameyn ku yeelan karaa xiriirka Mareykanka la leeyahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Masar ayaa leh ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka Kenya ay si toos ah u la kulantay weerarro ay kooxdaasi ka fulisay gudaha dalkooda. Yaraynta howlgallada ayaa sidoo kale keeni karta su’aalo ku saabsan in hay’adda CIA ay sii wadi karto hawlaheeda gudaha Soomaaliya. Xusuusin ahaan, weerarkii Benghazi, kooxaha weerarka geystay waxay weerareen xarunta CIA-da ee ku taallay meel u dhow safaaradda Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan arrimahan waxay ku xiran yihiin go’aanka siyaasadeed ee Mareykanka ka qaadanayo Soomaaliya: in la sii wado siyaasadda hadda jirta si Al-Shabaab loo xakameeyo, in si weyn loo kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda, ama in la yareeyo joogitaanka iyadoo la ilaalinayo awoodda lagu fulin karo weerarro fogfog oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada argagixisada. Qayb muhiim ah oo ka mid ah su’aashu waxay tahay: haddii Al-Shabaab ay la wareegto dhul ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya, ma ku ekaan doonaan xukun gudaha ah, mise waxay bilaabi doonaan weerarro dibedda ah ama martigelin doonaan kooxo argagixiso ah oo sidaas sameeya? Kooxda Al-Shabaab waxay ka dhalatay fowdadii siyaasadeed ee Soomaaliya bartamihii 2000-meeyadii, waxayna 2012-kii daacad u noqotay Al Qaacida. Qaar ka mid ah garabyadeeda ayaa weerarro ka fuliyay meel ka baxsan Soomaaliya, sida toogashadii 2013 ee ka dhacday xarunta Westgate Mall ee Nairobi, Kenya, iyo weerarkii 2020 ee lagu qaaday saldhig Mareykanka leeyahay oo ku yaalla Manda Bay, Kenya, kadib markii maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha. Soomaaliya waxay ka soo horjeeddaa gacanka Cadan, dhinaca dalka Yemen, halkaas oo maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto, kuwaas oo khatar ku haya marin-biyoodka ganacsiga caalamiga ah ee Suez. Taliyaha Taliska AFRICOM, Gen. Michael E. Langley, ayaa toddobaadkii hore u sheegay Congress-ka in milatarigu uu si dhow ula socdo calaamado muujinaya xiriir suurtagal ah oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta. Charlie Savage wuxuu wax ka qoraa arrimaha ammaanka qaranka iyo siyaasadda sharciga. Eric Schmitt waa weriye ka tirsan The New York Times oo ku takhasusay arrimaha ammaanka qaranka, isaga oo si gaar ah diiradda u saara howlaha milatari ee Mareykanka iyo arrimaha la xiriira la-dagaallanka argagixisada ee dibadda. Wuxuu ku hawlanaa tabinta mowduucyadan muddo ka badan soddon sano.
  14. Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen ka dib marki i uu halkaasi ka dilaacay xanuun soo ritay dadka deegaanka, kaas oo aan ilaa hadda noociisa la garan. Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid ayaa VOA u sheegay in xanuunka uu wato qufac iyo qandho daran, taas oo sababtay in, inta ay xaqiijiyeen, afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay u dhinteen. Waxa uu la hadlay wariyaha VOA, Yuusuf Maxamuud Yuusuf. 49d07f5a-e0fb-4b6e-3544-08dd5c897904_hq Qaran News
  15. Kuwait (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta (Arab Monetary Fund – AMF) heshiis looga cafinayo dayn gaaraysa $306.5 milyan, tallaabo muhiim ah oo ay dowladda ku tilmaantay guul istaraatiiji ah oo kaalin weyn ka qaadaneysa barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka. Soomaaliya, oo muddo tobannaan sano ah la daalaa-dheceysay dagaallo sokeeye iyo burbur baahsan, ayaa hadda ku jirta dadaallo dib-u-dhis dhaqaale. Dhibaatada waxaa sii xumeeyay abaaro, fatahaado iyo weerarro xagga dalagga ah oo ayaxa geystay sannadihii u dambeeyay. Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee Soomaaliya ay ugu jirto cafinta deymaha culus ee dalka ku dhacay tobannaan sano kahor, xilli uu burbur ku yimid hay’adihii dowladda kaddib markii uu billowday dagaalkii sokeeye sanadkii 1991. Intii u dhaxeysay, Soomaaliya waxay ka baxday nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo aan lahayn awood ay ku maamusho daymaha ama ay ku hesho deeqo iyo maalgelin caalami ah. Sanadkii hore, Soomaaliya waxay ku guuleysatay in laga cafiyo 99% dayntii ay ku lahayeen waddamada xubnaha ka ah Paris Club – tallaabo lafdhabar u ahayd dadaallada ay ku dooneyso in ay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Heshiiska ay la gashay AMF—oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, islamarkaana hormuud u ah xasilloonida maaliyadeed iyo horumarka dhaqaale ee dalalka Carabta—ayaa salka ku haya dib-u-habayn lagu sameynayo deynta ay Soomaaliya ku lahayd sanduuqaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu AMF soo saaray. Balse, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin heshiiska. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay dadaallada Soomaaliya ee dhinaca cafinta daymaha, isla markaana uu yahay “tallaabo aasaasi u ah dib-u-xirirka Soomaaliya la leedahay sanduuqa.” Saxiixa heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay magaalada Kuwait, ayaa sidoo kale “ka tarjumaya kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamka ay ku qabto jihada cusub ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-habaynta.”
  16. Horaa Loo Yidhi; “RIYO HADAY DUB LEEYIHIIN DABADOODA AYAY KU QARIN LAHAAYEEN” Dalka Waan Aqaanaa Bahal Iga Da’ Waynoo Dad Cun ihi Ma Joogee Ma Dido Eh Harkoolow Haygu Tumin Durbaanada Iyo Daasadaha Madhan Dawladda Muqdisho Xaalkeeda Waynu Og Nahay. Todobaadyadii Ugu Dambeeyay Afgooye Al Shabaab Baa Ka Qabsaday. Oo Weliba Soo Dhaafay Oo Ceelashii Biyaha U Soo Gaadhay. Ilaa Shalay Al Shabaab Muqdisho Ayay Hoobiye Ku Garaacayeen. Xasan Sheekh Oo Madaxwayne Isu Haystana Waa Tii La Ogaa Ee Muqdisho Dhexdeeda Jidgooyada Looga Galay. Nin Sigtay Ma Nabadgelin. Muqdisho Ayaa La Wada Joogaa Alshabaabna Waa Xaadir. Dhawaan Suuqyada Xamar Cadeey Ayaa La Is Dhex Baacsan Doonaaye Iga Qora. Oo Heedhe Muxuu Daaran Yahay Horta Booqashada Khayre Ee La Inoo Buunbuuninayaa taniyo Shalay.? Hadii Aanu Nin Soo Qaxay Ahayn Xasan Sheekhna Ku Soo Dabajirin Anigu Maan Fahmin. Hadaa Ma In Laascaanood Ay Hiil Taraan Bay U Socdaan? Taa Dameero Loo Sheeg. Horaa Loo Yidhi RIYO HADAY DUB LEEYIHIIN DABADOODA AYAY KU QARIN LAHAAYEEN. Somaliland Waa Dheeldheel Ee Safarka Khayre Wuxu Geeri Uga Dhigan Yahay Nimankii Shalay HIIL HARTI Ku Soo Dagaalgalay Ee Markii Sool clan Laascaanood Isku Hubsadayne WID La Yidhi Ee Majeerteen, Maantana Laga Dulbooday Dawladii Xasan Sheekh Oon Dabka La Kala Qaadan Loo Soo Horgalay. Anigu Baga Odhan Maayo Oo Waa Digasho Cali Guray Aragti Shakhsi Ah Caligurey Qaran News
  17. Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba muwaadin oo Shiinaha u dhashay, kuwaasi oo u dagaallamayay ciidammada Ruushka ee gobolka Donetsk, bariga Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Volodymyr Zelensky. Talaadadii ayaa madaxweynaha Ukraine waxa uu tilmaamay in ay hayaan xogo muujinaya in tirada ciidanka Shiinaha ee ka barbar dagaallamaya ciidammada Ruushka ” ay laba qof ka badan tahay.” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in ciidammada Shiinaha ee ku sugan carrada Ukraine “ay su’aal gelinayaan mowqifka Shiinaha uu ka taagan yahay aaddan doorka nabadda” isagoo intaas ku daray in wakiillada shiinaha ee Kyiv loo yeedhay si sharaxaad loogu helo dhacdadan. Eedayntan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay oo rasmi ah oo Ukraine u jeediso Shiinaha. Ruushkuna ayaan ilaa hadda ka jawaabin xogta uu Zelensky soo bandhigay Arbacadii. Bbcsomali Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – 24-kii saac ee la soo dhaafay, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley waxay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen kooxda Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo geesiyaasha Xoogga iyo kuwa deegaanka ay Shabaabka ugu dhigeen cashir lama ilaawaan ah. Deegaanka Aboorey Argagixisada ayaa lagu gaarsiiyay khasaare culus, kaddib dagaallo dhowr jeer la isku noqday oo socday muddo saddex maalmood ah. Waa deegaanka keliya ee argagixisada lagu gaarsiiyay jabkii ugu cuslaa tan iyo muddooyinkii u dambeeyay, iyagoo cududdooda isugu geeyay halkaas. Waxaa la sheegay in kooxdaasi ay halkaas keeneen ajaaniibtii ugu badneyd, kuwaas oo u badnaa Oromada. Muhiimadda deegaanka Aboorey u lahayd argagixisada waxay ahayd laba ujeeddo: Marka koowaad, inay deegaankaas kaga tallaabaan dhanka Yasooman, halkaas oo ay ku taallo dhul buuraley ah si ay weerarro uga fuliyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ka tirsan. Marka labaad, in ay gurmad degdeg ah ka helaan dhanka galbeed, gaar ahaan jiinka webiga Shabeelle. Gurmadkooda wuxuu ka imaan karaa deegaanada galbeedka Hiiraan sida Buq-Aqable, taasoo muujineysa istiraatiijiyadda muhiimka ah ee deegaanka Aboorey u leeyahay kooxdaasi. Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xoogagga xaq u dirirka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyay Al-Shabaab, oo dib u gurtay kaddib markii ay ku guuldarreysteen weerarkii rogaal-celiska ahaa ee ay markale ku soo qaadeen deegaankaas. Dagaalka Aadan Yabaal Shalay duleedka degmada Aadan Yabaal wuxuu ahaa goob ay argagixisadu isku dayeen inay ku yareeyaan cadaadiska ay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ku saareen Aboorey, si aysan u helin gurmad. Labada dagaal oo isku waqti dhacay waxay muujinayaan sida sare ee uu u yahay mooraalka iyo isku xirka ciidamada. Saraakiishii hoggaaminaysay labada dagaal waxay muujiyeen adkeysi iyo dhiiranaan si ay u xaqiijiyaan ujeeddada dagaalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa, iyo saraakiil kale oo ka tirsan XDS, NISA, iyo Macawiisley oo ku sugnaa Aboorey, waxay isku dhaarsadeen in argagixisada aan laga joojin xabbad iyo hub culus ilaa godadkooda laga soo saaro iyagoo meyd ah. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, iyadoo dagaalka lagu xoojiyay diyaarado casri ah, kuwaas oo garab siinaya ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka si loo ciribtiro kooxaha argagixisada.
  19. Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka (State Department) ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, kaddib markii ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee Muqdisho. Wargeyska New York Times oo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in xubno kamid ah Waaxda Arrimaha dibadda (State Department) ay soo jeediyeen in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, sababo ammaan dartood, kaddib markii argagixisada Al-shabaab kaabiga u yimaadeen Muqdisho. Mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka ee uu soo xigtay wargeyska New York Times ayaa xaqiijiyay in argagixisada Al-shabaab ay kaabiga u yimaadeen magaalada Muqdisho, kaddib dhaq dhaqaaqii ay dhawaanahan ka wadeen gobollada Shabeellooyinka ee deriska la ah Muqdisho, kuwaasi oo ay degaanno badan ka qabsadeen ciidamada dowladda. Xubnahan ayaa Wargeyska u sheegay in walaac amni oo dhab ah loo qaadanayo dhaq dhaqaaqa sii kordhaya ee dagaallamayaasha As ka wadaan gobollada deriska la ah Muqdisho, sidaasi darteedna ay tahay in la xiro safaaradda Mareykanka lagana daad-gureeyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta ku sugan. PUNTLAND POST The post Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la soo jeediyay in sababo amni loo xiro lagana daad-gureeyo diblomaasiyiinta appeared first on Puntland Post.
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa martigelisay shir muhiim ah oo lagu gorfeynayo horumarinta marinka ganacsi ee muhiimka ah ee isku xira dekedda Berbera (Somaliland) iyo magaalada Addis Ababa (Itoobiya). Shirka waxaa ka qeyb-galay maayarro iyo mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Somaliland. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii dib-u-habeyn iyo horumarin loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo ganacsiga, isu-socodka dadka iyo badeecooyinka. Marinkan ayaa loo arkaa inuu yahay xariiq istiraatiji ah oo xoojin kara xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee ka dhaxeeya labada dhinac. Faa’iidooyinka mashruuca iyo aragtiyaha mas’uuliyiinta Injineer Shaafi Axmed Macallin, maayarka magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in marinkan uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhaqaale iyo istiraatiji ah, isagoo tilmaamay in uu fure u noqon karo isku xirka bulshada iyo kor u qaadidda iskaashiga gobolka. “Waa mashruuc la isku hallayn karo oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha gobolka. Waxaa la rajeynayaa in dhammaan magaalooyinka uu marayo ay si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu yiri Injineer Shaafi oo la hadlay BBC-da. Wuxuu sidoo kale xusay in shirkan lagu falanqeynayo caqabadaha iyo fursadaha mashruuca, iyadoo jaamacadaha maxalliga ah, sida Jaamacadda Jigjiga, ay sameeyeen daraasado ku saabsan saameynta iyo faa’iidada uu leeyahay. Dekedda Berbera iyo doorka Itoobiya ee gobolka Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Berbera iyo Addis Ababa ayaa bilowday sanadkii 2021, kaddib heshiis dhex maray shirkadda DP World iyo Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya. Shirkadda DP World ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan $1 bilyan oo doollar, taasoo la qorsheeyay in lagu fuliyo muddo 10 sano ah si loo horumariyo kaabayaasha ganacsi ee marinka muhiimka ah. Dekedda Berbera, oo shirkadda DP World si weyn u ballaarisay, ayaa kaalinta 165-aad kaga jirta dekedaha ugu sarreeya caalamka, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Sidoo kale, waxay noqotay deked si weyn ula tartami karta kuwa kale ee gobolka Geeska Afrika. Itoobiya, oo leh dad kor u dhaafaya 100 milyan, ayaa si weyn ugu baahan dekedo wax ku ool ah si ay uga soo dejiso badeecooyin iyo ugu dhoofiso wax soo saarka dalkeeda, sida bunka. Inkasta oo Itoobiya muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha Jabuuti iyo Suudaan, haddana waxaa muuqata in ay dooneyso in ay balaadhiso xulashooyinkeeda, iyadoo qorsheyneysa in ay la wareegto saami ka mid ah dekedaha ay leeyihiin dalalka dariska ah.
  21. ADDUUNYADU WAXAY LA YAABANTAY HABDHAQANKA FOOSHA XUN EE UU XASAN SHIIKH ULA DHAQMAY MAAMMULADII SOOMAALIYA IYO S. LAND. Xasan shiikh wuxuu dhabanna hays ku riday caalamkii iyo wax garadkii ummadda soomaaliyeed wuxuu u dhaqmayaa sidii hoggaamiye kooxeed (war lord) wuu dagaallansanyay waxba reebimaayo. Wuxuu ka bilaabay jamhuuriyadda s. Land oo uu dagaal qaawan oo nolosha ah uu la galay isagoo raadkiisa guray madaxweynihii hore ee s. Land si uu u go’doomiyo s. Land oo ilaa imminkana uu cirro kula jiro dagaal qaawan oo caalamiya kaas oo ay kaga guulaysatay s. Land Wuxuu argagixisada u go’doomiyay puntland oo dagaal culus kula jirta daacish, wuxuu ka jaray xitaa dhaqaalihii kabka ahaa ee ay dawladda dhexe siin jirtay iyo caawimooyinkii caalamiga ahaa intaba. Wuxuu si qaawan oo Soomaalinimada ka baxsan u weeraray axmad madoobe isagoo go’doon cirka ahna saaray oo aanay weli diyaaraduhu tegi karayn kismaayo. Wuxuu marayaa laascaanood oo aanay nololiba ka jirin inuu xamse u diro oo uu sawir ku soo galo, firdhiyene uu shaadh ka weyn u soo geliyo si ay xaaladda laascaanood u sii adkaato. Anigoo soo koobaya xasan cid kale ayuu u shaqeeyaa fidmaduna gondihiisa ayay imanaysaa ee maammuladu degdeg hawga tashadaan intay xaaladdu dhawday. Ummadda turkigu u haynmaayo waxa imandoonta xamar oo gacantiisa ka baxda. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  22. COPENHAGEN, Denmark (HOL) — Danish police are searching for a man suspected of fatally stabbing a 21-year-old Somali woman on Gormsvej in Herning Monday night, in an incident investigators believe was not random. Source: Hiiraan Online
  23. Garowe (HOL) — Puntland’s regional government has issued an urgent appeal for humanitarian assistance as a worsening water crisis threatens lives and livelihoods across the northeastern Somali state. Severe water shortages, triggered by prolonged drought and failed seasonal rains, are forcing mass displacement, killing livestock, and endangering public health, particularly among women and children. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar. Heshiiskan ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, taas oo u oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah. Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka. Golah ayaa looga warbixiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha qaranku deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab. Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo. Sidoo kale waxaa la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardar-galiyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada. Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan xaqiijiyay xoojinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi taakulada geesiyaasha dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish.
  25. Mogadishu (HOL) — Somali government forces killed five Al-Shabaab militants and destroyed several vehicles in a planned military operation in the village of Ceelka Nuur Gadoow in Middle Shabelle, the Ministry of Defense announced Thursday. Source: Hiiraan Online