Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ช๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—˜๐—ฒ ๐—•๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—”๐—ต๐—ฎ๐—ฎ ๐—”๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—ซ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—˜๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ. ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑโ€ Shirkii Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Bilaha Ahaa Ayaa Saaka Ka Qabsoomay Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda. Xarunta Wasaaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Waxa Saaka Ka Qabsoomay Shirkii Shaqaale Weynaha Wasaaradda Oo Uu Shir Gudoomiyey Agaasimaha Guud Ee Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Saleebaan Ibraahim Macamuud Oo Uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Mr. Axmed Haybe Colijoog Iyo Agaasime Waaxeedad Wasaaradda Hawlaha Guud. Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Eng. Axmed Haybe Colijoog Ayaa Shaqaalaha Ku Wargaliyey In Qof Kasta Shaqooyinka Kala Duwan Ee Loo Dhiibay Isla Markaan Waaxda Uu Ka Tirsanyahay Uu Masuulka Uga Yahay Inuu Xil Gudahasho Sameeyo, Isla Markaana Kasoo Baxo Shaqo Kasta Oo Waaxda Uu Joogo Ugu Magacaabanyahay. Gobogabadii Kulankan Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Saleebaan Ibraahim Macamuud Ayaa Shaqaalaha Ku Baraarujiyey Inuu Diyaar Loo Ahaado Mashaariicdii Bilaabata Imika Wixii Ka Danbeeya Ka Maamul Ahaan Ay Mudnaanta Siin Doonaan Shaqalaaha Fuliyey Saacadihii Shaqada Ee Ay Ahayd In Qaranka Loo Shaqeeyo, Shaqaale Kastaana Taas Uu Mudnaanta Ku Heleyo, Wuxuuna Shaqalaaha Faray In Qof Kastaa qof Shaqada Uu Wasaaradda Ka Hayo Iyo Booska Uu Ka Joogaba Shaqada Laga Rabo Uu Kasoo Baxo, Shaqadana Si Wadajira Oo Walaaltinimo Ah Loo Wada Shaqeeyo. Gunaanadkii Shirkan Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud Ayaa Ka Felceliyey Dhamaan Weydiimihii Ay Shaqaalahu Soo Jeediyeen. ๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—› ๐— ๐—”๐—›๐—”๐—— ๐—Ÿ๐—˜๐—› ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐—ช๐—ถ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ถ ๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—œ๐˜€๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—œ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฑ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— ๐—ช๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ถ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ต, ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ; ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ, ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ, ๐——๐—ต๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐˜†๐—ผ ๐—š๐˜‚๐—ฟ๐˜†๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ. ๐—˜-๐—บ๐—ฎ๐—ถ๐—น: ๐˜…๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ@๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ถ๐—น.๐—ฐ๐—ผ๐—บ ๐—œ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜„๐˜„๐˜„.๐—ถ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ_๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ_๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฑ_๐—ท๐˜€๐—น/ ๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜„๐˜„๐˜„.๐—ณ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—›๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ต๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ถ๐˜†๐—ผ๐—š๐˜‚๐—ฟ๐˜†๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ/ ๐—ง๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜๐˜„๐—ถ๐˜๐˜๐—ฒ๐—ฟ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ฃ๐˜‚๐—ฏ๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ช๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐˜€๐—Ÿ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฌ๐—ผ๐˜‚๐˜๐˜‚๐—ฏ๐—ฒ: ๐—ต๐˜๐˜๐—ฝ๐˜€://๐˜„๐˜„๐˜„.๐˜†๐—ผ๐˜‚๐˜๐˜‚๐—ฏ๐—ฒ.๐—ฐ๐—ผ๐—บ/๐—ณ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ/๐—บ๐˜†_๐˜ƒ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ผ๐˜€/ : ๐Ÿต๐Ÿฑ๐Ÿฑ๐Ÿต Qaran News
  2. Dowladda Jubaland oo ka warbixisay xiisadda ka taagan Gobolka Gedo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay in uu Gobolkaasi ka hurinayo colaado daba dheeraadaa oo saamayn ku yeesha dalalka deriska ah iyo guud ahaan Geeska Afrika. Madaxtooyada Jubaland oo Warkan soo saartay ayaa sheegtay in Shirkii Golaha Wasiirada Jubaland ee maanta looga hadlay Xiisadda Colaadeed ee Taliska Madaxweyne Xasan Sheekh ka oogayo degaannada Gobolka Gedo ee ku teedsan xuduudka, taasi oo ay sheegtay in ay saamayn ku yeelan karto Ammaanka guud ee Geeska Afrika. โ€œMadaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka Gedo iyo qulqulatooyinka sii kordhaya ee ay hurinayaan Taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.โ€ โ€œWasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka, iyadoo tilmaantay in qorshaha cusub ee Taliska Xasan Sheekh uu yahay in colaadaha uu ka hurinayo gobolka Gedo uu ku fidiyo dalalka dariska ah, arrintaas oo halis ku ah xasilloonida gobolka, kana dhalan karta cawaaqib aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeedโ€ ayuu u dhignaa Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland. Warkan ayaa imaanaya, iyadoo maanta boqollaal kamid ah Ciidamada Jubaland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ku ruqaansadeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan oo taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Jubaland oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay in uu qori dab leh ku dhejinayo Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  3. Hadrawi was shocked to see the civil war that erupted in North Somalia briefly in 1992, and as a full-blown conflict (1994-1996) between Somali National Movement forces. Hargeisa (Commentary) โ€” The late Somali poet and playwright Mohamed Ibrahim Warsame (aka Hadrawi) had strong reservations about secession in Somalia. In one of his interviews before his passing, he said: โ€œI see the same pattern in supporting secession as the reckless process to formalise the union without proper agreementsโ€ that paved the way for the creation of the Republic of Somalia in 1960. In a November 1991 BBC Somali Service discussion on the four-month-long conflict in Mogadishu, which was raging between forces loyal to General Mohamed Farah Aidid and President Ali Mahdi Mohamed, Hadrawi deplored the practice of seeking power through the barrel of a gun, and in the process making citizens suffer. He understood the difference between power and authority, the latter based on consent and accountability at all levels of government. He was shocked to see the civil war that erupted in North Somalia briefly in 1992, and as a full-blown conflict (1994-1996) between Somali National Movement forces. Hadrawi was a member of the SNM. During his active involvement with the armed opposition organisation against the military regime, he wrote many poems against the military dictatorship in pre-1991 Somalia. Authorities in Somalia tried to purge, where possible, his influence in the national curriculum and the arts. They were not able to censor his classic song Hooyoy laโ€™aantaa (about the importance of mother and motherhood). In 2002, Hadrawi launched the Somali Peace March (Socdaalkii Nabadda), in which he visited districts throughout Somalia (both in the North and South) to begin peace dialogues among civilians. He was challenging the conventional wisdom that civilians were accountable for the actions of politicians/warlords they are associated with clan-wise. He viewed this outlook as a continuation of the military dictatorship policies that punished citizens for being associated with an armed opposition group. The hallmark of these policies was the scorched-earth campaigns the military regime carried out in Mudug in the early 1980s against the people falsely labelled sympathisers of Somali Salvation Democratic Front (SSDF, then based in Ethiopia, and in Togdheer and the Northwest (Hargeisa) after 1981, when the Somali National Movement was formed as an opposition force against the military regime in Somalia. The SNM subsequently set up a base in Ethiopia. Hadrawi died in Burao in August 2022, four months before the Laascaanood conflict broke out in 2023. He would have spoken up against the indiscriminate shelling the secessionist forces of the Somaliland Administration subjected Laascaanood to, causing death, destruction and massive displacement. It would have reminded him of the 1988 bombing of Hargeisa by the former Somali military regime when SNM forces launched a surprise attack on the second capital of the Federal Republic of Somalia. ยฉ Puntland Post, 2025 The post Why Hadrawi Did Not Endorse Secession in Somalia appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa goor dhaweyd soo fadhistay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan oo taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamada Jubaland oo horay looga qabsaday Beledxaawo ayaa wakhtigan kaabiga ku hayaa degmadaasi, oo ay joogaan ciidamada taageersan dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Amniga Jubaland ee fallaagoobay Cabdirashiid Janan oo dhawaan diyaarad lagaga soo qaaday magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan dhawaan loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ee Gobolka Gedo ahna Madaxa guud ee Amniga Gobolka, iyadoo diyaarad ku geysay degmada Beledxaawo, taasi oo sababtay dagaalladii Todobaadkii hore ka dhacay Beledxaawo ee khasaaraha naf iyo maal dhaliyay. Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan ayaa mar kale ka aloosan degmada Beledxaawo, waxaana isu muuqdan labada ciidan ee Jubaland iyo kuwa taabacsan Cabdirashiid Janan, iyadoo shacabka degmadaasi bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada, si aan loogu dul dagaallamin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo goor dhaweyd soo dul fadhistay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay war-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, kaas oo aan lagu soo hadal qaadin faragelinta ciidamada Itoobiya ee xaaladda gobolkaasi. Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa kaliya loogu eedeeyay xubno ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland oo uu ugu horreeyao Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Mudane Maxamuud Sayid Aadan. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalka ku sheegtay in raggaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan. โ€œXubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay oobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda gobolka Gedo,โ€ ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka. Haddaba dhaleeceyn ayaa ka dhalatay ka aamusitaanka dowladda ee dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Itoobiya oo haatan saddex cisho uun u qabtay ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, horayna u weeraray ciidamada NISA ee degmada Doolow ee gobolka Gedo. Qaar kamid ah dadeynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si caro leh uga falceliyay aamusnaanta dowladda ee xadgudubyada ay gaysaneyso dowladda Itoobiya. Cabdifitaax Habane: โ€œWaxaan maqli jiray aabe ninka yar iga celi oo ninka wayn igu siidaa hadda Axmed Madoobe oo kaliya maxaad ka xag xaganeysaan? Axmed Cabdi Maxamed: โ€œWar Ethiopia luuqad adag ma kula hadli wayseen horaa waxa loo yiri miskiin ayaa miskiin fuula maad dhehdeen?โ€. Cabdiraxmaan Cumar: โ€œMagaca xabashi maxaa looga ilaaaliyay warqadda?โ€. Mahad Diiriye Maxamed: โ€œXisaabta dhiman maxaa waayey wixi aad tamar haydeen waad so bandhigteen bee?โ€. Cabdiraxmaan Sheekh: โ€œAbiy Axmed laga soo cararaa Axmed Madoobe lagu soo ordayaa miyaa?โ€ Axmed Cabdiwaaxid: โ€œKistoo yar xattaa xabashida ma u bootayn waydeen war imooda?โ€.
  6. Beledxaawo (Caasimada Online) โ€“ Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta kacdoon shacab oo wayn uu ka bilowday degmada Beledxaawo, kaas oo looga soo horjeedo farogelinta ay ciidamada Itoobiya ku hayaan xaaladda gobolkaasi. Shacab careysan ayaa maanta isugu soo baxay gudaha magaaladaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidanka dowladda, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay weerar ku yihiin madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Sidoo kale, shacabka ayaa dalbaday in ciidanka Itoobiya ay joojiyaan dhaq-dhaaqyada ay haatan ka wadaan gobolka Gedo, isla markaasna ay dib ugu laabtaan dalkooda. Bannaanbaxan ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin. Waxaa dibad-baxani ka horreeyay mid kale oo ay shalay dhigeen shacabka degmada Doolow, kaas oo isna looga soo horjeedyay farogelinta Itoobiya ee gobolka Gedo. Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo. Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraaโ€™id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo. Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay. Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.
  7. Beledxaawo (Caasimada Online) โ€“ Taliyaha NISA ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay xaaladda gobolkaasi, isagoo soo hadal qaaday farogelinta ciidamada Itoobiya ee gobolka. Janan ayaa marka hore shaaca ka qaaday in kaliya ay is hayaan Axmed Madoobe, ayna Itoobiya iyo Kenya u arkaan laba dal oo daris ah oo ay ka dhexeyso is ixtiraamid. โ€œAnnagu isma hayno cadowgeenana maโ€™ahan Itoobiya iyo Kenya waa dowlado aan daris nahay, waxaana naga dhexeyso is xormeyn iyo wada shaqeyn,โ€ ayuu yiri C/rashiid Janan. Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay inay ka hortagi doonaan cid kasta oo diidan qaranimada Soomaaliya, ayna difaaci doonaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed. โ€œCid kasta oo qaranimada Soomaaliyeed diidan annagana waa diidanahay ma ogolin, waxaa rabno waxaa wayay shacabka oo nabad ku noolaado heybadda qaranimo ee dalkeenna oo taagnaato,โ€ ayuu mar kale yiri taliyaha NISA ee maamulka Jubaland. Waxaa kale oo uu farriin u diray ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka, isaga oo faray inay gutaan waajibaadka qaran ee saaran, isaga oo ballan qaaday inay ka war qabi doonto dowladdooda. โ€œGobolkan waxaa rabnaa inuu kala dambeyn sax ah uu yeesho, ciidamada qalabka sidana ay waajib gutaan wax kastana waxaa diyaar ula ah dowladda Soomaaliyed,โ€ ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Itoobiya ay muddo saddex cisho ah u qabatay Janan iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo, sida uu shalay xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir). Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii ciidanka Itoobiya ay weerareen xerada taliska NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aadan xadgubka Itoobiya. โ€œ
  8. Ugu yaraan 7 muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa u dhintay gaajo iyo harraad kadib markii doonidii ay saarnaayeen uu badda ku ciladoobay, iyaga oo safar tahriib ah kaga soo ambabaxay magaalada Bosaaso, kuna wajahnaa xeebaha koonfureed ee Yemen. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Heyโ€™adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), doonida ayaa siday 250 muhaajiriin Itoobiyaan ah, waxaana la filayay in safarka uu qaato 24 saacadood. Doonidaan ayaa ugu dambeyn gaartay xeebta Arqa ee gobolka Shabwah, ee Yemen, iyadoo xaaladda rakaabka saarnaa ay aad u liidatay. Sida ay sheegtay IOM, 7 qof ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay dhinteen intii lagu jiray safarka, halka kuwa kale ay ku sugnaayeen xaalad caafimaad oo liidata. Kooxaha caafimaad ee IOM ayaa si degdeg ah u gaaray goobta waxayna siiyeen dadka badbaaday biyo nadiif ah, cunto, iyo daryeel caafimaad, iyadoo qaar badan lagu daweeyay xarumo caafimaad kadib markii ay la ildarnaayeen fuuq-bax, nafaqo-darro iyo dhaawacyo kale. Wakiilka IOM ee Yemen, Cabdul-Sataar Cisoyif, ayaa sheegay in muhaajiriinta ay soo mareen safar argagax leh oo aan la qiyaasi karin. โ€œToddobaad ayay badda dusheeda saarnayaan, iyagoo aan haysan cunto iyo biyo ku filan, Waxay ahaayeen xaalad nafsi ahaan iyo jireed ahaanba aad u adag, Tani waa masiibo baniโ€™aadantinimo oo kale.โ€ ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay sii socon doonaan musiibooyinka noocan ah haddii aan si dhab ah wax looga qaban sababaha dadka u khasbaya inay tahriibaan, sida sababaha dhaqaale, shaqo laโ€™aanta, colaadaha iyo rabshadaha ka jira dalalka qaar ee geeska Afrika. Source
  9. Tareenka Putin, wuxuu u socdaa si xawli ah isagoo wata waxa loo yaqaan โ€œHawlgalka Milatari ee Gaarka ahโ€: dagaalka Ruushka ee Ukraine. Hoggaamiyaha Kremlin-ka uma muuqdo mid doonaya inuu joojiyo colaadda ama uu ku dhawaaqo xabad joojin rasmi ah oo muddo dheer socota. Trump ayaa sare u qaaday cadaadiska Moscow, isagoo soo saaray goโ€™aan kama dambeys ah, wuxuu ku hanjabay cunaqabatayn cusub, wuxuuna bartilmaameedsanayaa saaxiibada ganacsiga ee Ruushka sida Hindiya iyo Shiinaha. Dhanka kale, โ€œtareenka Trumpโ€ ayaa dardargelinayay dadaallada lagu cadaadinayo Moscow inay joojiso dagaalka: isagoo ku dhawaaqaya waqtiyo kama dambeys ah, hanjabaado, cunaqabateyno dheeraad ah oo laga saari doono Ruushka iyo canshuuraha culus ee lagu soo rogi doono la-hawlgalayaasha ganacsi ee Ruushka, sida Hindiya iyo Shiinaha. Marka lagu daro dhammaan taas, waxaa jira laba markab-hoosaadyo nukliyeer oo Mareykanka ah oo Madaxweyne Trump sheegtay inuu u dhaqaajiyey meel u dhow Ruushka. Markaad ka soo tagto is dhaafsiga tareennada una gudubto maraakiibta Nukliyeerka, waxaad ogtahay in arrimuhu ay halis yihiin. Laakiin, taas macnaheedu ma yahay in Aqalka Cad uu runtii ku jiro โ€œjidka isku dhacaโ€ oo uu la leeyahay Kremlin-ka arrinta Ukraine? Mise booqashada toddobaadkan ee ergayga gaarka ah ee Donald Trump, Steve Witkoff, ee Moscow waa calaamad muujineysa in inkastoo ay jiraan muuqaallo siyaasadeed oo adag, heshiis dhex mara Ruushka iyo Mareykanka oo lagu joojinayo dagaalka weli uu suurtagal yahay? โ€œBilow diirran oo ku soo beegmay soo laabashada Trumpโ€ Toddobaadyadii ugu horreeyey ee muddo xileedka labaad ee Trump, Moscow iyo Washington waxay u muuqdeen kuwo si wanaagsan ugu socday inay dib u bilaabaan xidhiidhkooda laba geesoodka ah. Ma jirin wax calaamad u muuqata isku dhac toos ah. Xaqiiqdii, mararka qaar waxay u muuqatay sidii Vladimir Putin iyo Donald Trump ay ku jiraan hal gaari, oo ku socda jihada isku mid ah. Bishii Febraayo, Mareykanku wuxuu dhinac istaagay Ruushka Qaramada Midoobay, isagoo ka soo horjeestay qaraar ay diyaariyeen Yurub oo cambaareeyay โ€œgardarradaโ€ Ruushka ee Ukraine. Wicitaan telefoon oo labadan madaxweyne ay is dhaafsadeen bishaas ayaa looga hadlay booqasho midba midka kale dalalkooda. Waxay u muuqatay in shir heer sare ah oo u dhexeeya Putin iyo Trump uu dhici karo maalmo kasta. ,Mareykanku wuxuu taageeray Ruushka bishii Febraayo shirkii Qaramada Midoobay, isagoo ka codeeyay qaraar ay soo diyaariyeen waddamada Yurub oo cambaareynayay gardarrada Ruushka ee Ukraine. Dhanka kale, maamulka Trump wuxuu cadaadis saarayay Kyiv, ma aha Moscow, isaga oo dagaal siyaasadeed la gelayay saaxiibadii dhaqanka u ahaa Mareykanka sida Kanada iyo Denmark. Khudbadaha iyo wareysiyada telefishinka, saraakiil Mareykan ah ayaa si kulul u dhaleeceeyay NATO iyo hoggaamiyeyaasha Yurub. Dhammaan arrimahaan waxay ahaayeen โ€œmuusig dhegaha Kremlin-ka ka farxiyay.โ€ โ€œMaraykanku wuxuu hadda wax badan la wadaagaa Ruushka marka loo eego waxa uu la wadaago Brussels ama Kyiv,โ€ ayuu yidhi khabiirka siyaasadda ee Konstantin Blokhin oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Amniga ee Akadeemiyada Cilmiga ee Ruushka, mar uu la hadlayey wargeyska Izvestia bishii Maarso. Bishii xigtay, isla wargeyskaasi wuxuu si farxad leh u qoray: โ€œTrumpist-yadu waa kacdoonayaal. Waa burburiye-yaasha nidaamka. Waxaa kaliya lagu taageeri karaa arrintaas. Midnimadii Reer Galbeedka ma jirto intaas wixii ka dambeeya. Xagga juquraafiyeed ahaan, waa iskaashi aan jirin. Trumpism-ku wuxuu si kalsooni leh oo degdeg ah u dumiyay is-afgaradkii Transatlantic.โ€ Steve Witkoff, ayaa afar jeer booqday Ruushka muddo labo bilood gudahood ah, isagoo saacado badan wadahadallo gaar ah la yeeshay Madaxweyne Putin. Dhanka kale, ergayga Donald Trump, Steve Witkoff, ayaa si joogta u booqday Ruushka. Wuxuu afar jeer u safray Moscow wax ka yar laba bilood gudahood, isagoo wadahadallo saacado qaatay la yeeshay Vladimir Putin. ka dib mid ka mida kulamadaas hoggaamiyaha Kremilinka ayaa guddoonsiiyey isaga sawirka Trump si uu geeyo Aqalka Cad. Warar ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu si cad uga helay hadiyaddaas, isagoo lagu tilmaamay inuu ahaa โ€œmid si qoto dheer u taabtay.โ€ Laakiin Madaxweyne Trump ma aanay dooneyn oo kaliya sawir. Wuxuu ka rabay Madaxweyne Putin inuu saxiixo xabbad-joojin dhamaystiran oo aan shuruudo lahayn oo lagu joojinayo dagaalka Ukraine. Niyad-jabka sii kordhaya ee Trump Kalsoonida ah in Ruushku hayo hindisaha hadda goobta dagaalka, Vladimir Putin wuu ka gaabsaday inuu joojiyo dagaalka, inkastoo uu ku andacoonayo in Moscow ay ka goโ€™an tahay xal dublamaasiyadeed. Taasi waa sababta uu Donald Trump u muujiyay niyad-jab sii kordhaya oo ka dhan ah Kremlin-ka. Toddobaadyadii u dambeeyay, Trump wuxuu si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Ruushka ku hayo magaalooyinka Ukraine, oo ku tilmaamay โ€œwax laga yaqyaqsoodoโ€, โ€œwax laga xumaadoโ€ wuxuuna ku eedeeyay madaxweyne Putin inuu โ€œcaayo badanโ€ ku sheegay Ukraine. Labada nin ayaa ku kulmay oo si qoto dheer uga hadlay magaalada Helsinki 2018 laakiin xidhiidhkoodu hadda wuu xun yahay Bishii la soo dhaafay, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay waqti kama dambeys ah oo 50 maalmood ah oo uu siiyay Madaxweyne Putin si uu dagaalka u joojiyo, isagoo ku hanjabay cunaqabateyn iyo canshuuro. Wuxuu markii dambe hoos ugu dhigay muddo 10 maalmood ah. Waqtigii loo qabtay ayaa la filayaa inuu dhammaado dhamaadka toddobaadkan. Ilaa hadda, wax calaamad ah ma jirto oo muujinaysa in Vladimir Putin uu u jilciyay cadaadiska ka imaanaya Washington. Haddana, suโ€™aashu waxay tahay: Vladimir Putin ma dareemayaa cadaadis dhab ah? โ€œNasiib darro, maadaama Donald Trump uu waqtiyada kama dambaysta ah marar badan beddelay oo uu dhinac walba u leexday, ma aaminsani in Putin uu si dhab ah u qaadanayo,โ€ ayay tiri Nina Khrushcheva, oo ah borofaysar ka tirsan culuumta arrimaha caalamiga ah ee jaamacadda The New School ee ma Trump ayaa si fagaare ah ugu yeeray duqaymaha Ruusha ee Ukriane kuwa โ€œlaga yaqyaqsadoโ€ โ€œoo laga xumaadoโ€ โ€œPutin wuu dagaalami doonaa intuu awoodo โ€“ ama ilaa Ukraine ay tiraahdo, โ€˜Waan daalnay, diyaar baan u nahay inaan aqbalno shuruudahaaga.โ€™ Waxaan aaminsanahay in Putin uu fadhiisto gudaha Kremlin-ka isagoo aaminsan inuu rumeynayo riyooyinkii boqorka Ruushka, iyo kadibna hoggaamiyeyaashii sida Joseph Stalin, isagoo doonaya inuu Reer Galbeedka tuso in aan Ruushka si xaqiraad ah loola dhaqmi karin.โ€ Heshiis weli waa suurtagal Sawirka aan ilaa hadda sawiray waxa ay u ekaan kartaa in isku dhac fool-ka-fool ah oo dhexmara labada tareen ee Putin iyo Trump ay lama huraan tahay. Donald Trump wuxuu isu arkaa inuu yahay heshiis sameye weyn marka loo eego arrimaha, kama aanay qaanay inuu isku dayo inuu mid ka helo Vladimir Putin. Steve Witkoff waxaa la filayaa inuu toddobaadkan dib ugu laabto Ruushka si uu wadahadallo ula yeesho hoggaamiyaha Kremlin-ka. Lama oga nooca dalab ee uu la imaan doono, laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ku sugan Moscow ayaa saadaalinaya in la filayo in la adeegsado dhiirrigelin iyo abaalmarinno ka badan cadaadis iyo hanjabaad. Waxaa si weyn loo arkay in Axaddii Madaxweyne Trump uu sheegay in Ruushku โ€œu muuqdaan kuwo si fiican uga baxsada cunaqabateynta.โ€ Isniintii, Ivan Loshkarev, oo ah borofisar ku-xigeenka aragtida siyaasadda ee Jaamacadda MGIMO, Moscow, ayaa u sheegay Izvestia in si loo fududeeyo wada-hadallada, Mr Witkoff laga yaabo inuu soo bandhigo โ€œdalabyo iskaashi oo faaโ€™iido u lehRuushka, kaas oo furmi doona ka dib heshiiska Ukraineโ€. Miyay taasi ku filnaan kartaa in Kremlin-ka lagu qanciyo inuu nabad sameeyo ka dib saddex sano iyo bar oo dagaal ah? Ma jiro dammaanad Intaas oo dhan ka dib, ilaa hadda gudaha Ukraine Vladimir Putin kama aanay soo bixin dalabaadkiisa ugu sarreeya ee dhulalka, dhexdhexaadnimada Ukraine iyo xajmiga mustaqbalka ee ciidamada Ukraine. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saak xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay. Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Saddexda marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun oo loo yaqaanay (Hubka), waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa masโ€™uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah. Dhammaan ragga la dilay ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada. Cabdi Afey iyo Ibraahim hubka iyo Yaxye ayaa saddexduba lagu helay inay horay dilal qorsheysan uga gaysteen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeellaha Hoose. Maxkamadda Ciidamada ayaa marar badan tiirka gaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo sidaan oo kale loogu helay inay dilal iyo qaraxyo dilal ka fuliyeen caasimada.
  11. Iran ayaa sheegtay inay dil toogasho ah ku fulisay nin lagu helay inuu u basaasayay Israel. Masโ€™uuliyiinta dalka dalka Iran ayaa sheegay, in Roozbeh Vadi, uu gudbiyay xogta ku saabsan saynisyahan nukliyeer oo lagu dilay weerarradii Israaโ€™iil ay ka geysatay dalkaas bishii June. Saraakiisha ayaa sheegay, in ninkaasi uu gudbiyay xog sir ah ka dib markii qaab online ah looga shaqaaleysiiyay Mossad, oo ah hayโ€™adda sirdoonka Israel. Ka dib dagaalkii socday 12 maalmood bishii June, Tahraan waxa ay wacad ku martay in maxkamadayn degdeg ah la marsiin doono kuwa la xidhay ee lagu tuhunsan yahay in ay la shaqaynayeen Israaโ€™iil. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Iran ay toogatay in ka badan lix boqol oo qof qeybtii hore ee sanadkan, in ka badan laba jibaar isla muddadaas sannadkii hore. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Markii danjiraha cusub ee Itoobiya, Suleiman Dedefo, uu warqadihiisa aqoonsiga gudbiyay magaalada Muqdisho 5-tii Agoosto, munaasabadda waxaa si rasmi ah loogu sifeeyay โ€œdib-u-habeyn diblomaasiyadeedโ€ oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, indheer-garad badan, magacaabistan uma aysan arkin mid nabadeed, balse waxay u arkeen xeelad diblomaasiyadeed oo ku saleysan qasab iyo maquunin. Tallaabadan, oo timid bilo kadib heshiis badeed oo gilgilay degganaanshaha gobolka lagana galay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, ayaa soo dirista ergey loo arko inuu taageersan yahay gooni-isu-taagga Somaliland si weyn loogu fasiray aflagaaddo si ula kac ah loo qorsheeyay โ€” waa tallaabo si gaar ah loogu talagalay in lagu bahdilo Soomaaliya laguna qasbo inay aqbasho xaqiiqo cusub oo liidasho ku dhisan. Aqbalaadda Soomaaliya ee danjiraha โ€” goโ€™aan la gaaray iyadoo aanay jirin culaysyo siyaasadeed iyo cadaadis qasbaya โ€” waxay qaranka gelisay xaalad sharaf-dhac ah. Xiisaddan oo qaraxday 1-dii Janaayo 2024, ayaa salka ku haysay heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding โ€“ MoU) oo uu Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, la saxiixday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya, oo aan lahayn bad, siinayo kiro 50 sano ah oo ay ku yeelanayso saldhig milatari badeed oo ku yaal xeebta Badda Cas, taasoo ay ku beddelanayso saami ay Somaliland ka siiso shirkadda Ethiopian Airlines iyo โ€” qodobka ugu muranka badan โ€” โ€œqiimeyn qoto dheerโ€ oo ku saabsan aqoonsi rasmi ah oo loo siiyo madaxbannaanida Somaliland. Muqdisho, oo u aragta Somaliland inay tahay qayb aan ka goโ€™in dhulkeeda, ayaa si kulul uga jawaabtay, iyadoo ku tilmaantay heshiiskaas โ€œfal gardarro ahโ€ iyo ku xadgudub madaxbannaanideeda. Dowladda Soomaaliya waxay u yeertay danjirihii u fadhiyay Addis Ababa, waxay meel marisay sharci burinaya heshiiska is-afgaradka, waxayna billowday olole diblomaasiyadeed oo ay beesha caalamka kaga hortagayso arrintaasi. Tani waxay gogol-xaar u noqotay is-horfadhi khatar leh, iyadoo Raโ€™iisul Wasaare Abiy uu helitaanka bad ku tilmaamay โ€œxaq lama huraan u ah jiritaanka qarankiisaโ€ oo ay ku nool yihiin 125 milyan oo qof. Is-muujintan gardarrada ah waxay astaan u tahay waxa falanqeeyayaashu ugu yeeraan โ€œCaqiidada Abiyโ€: siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan shakhsi-jeclaysi, dan gaar ah iyo shacbiyad raadis. Hab-dhaqankani wuxuu meesha ka saarayaa hannaankii hayโ€™adeed ee diblomaasiyadda, isagoo u adeegsanaya qalab looga leexiyo dhibaatooyinka gudaha ee baโ€™an โ€” sida isku dhacyada qowmiyadeed iyo dhaqaale xumida โ€” iyo hurinta dareenka qowmiyad-jacaylka. Heshiiska is-afgaradka, oo noqday โ€œqarax diblomaasiyadeed,โ€ ayaa si qumman ugu adeegay ujeeddadaas. Dabin diblomaasiyadeed Magacaabista Danjire Dedefo waxay ahayd sii wadid rasmi ah oo istiraatiijiyaddaas ah. Markii ay soo dirtay diblomaasi matalaya isla siyaasaddii ay Soomaaliya cambaareysay, Itoobiya waxay muujisay in heshiiska is-afgaradka uu yahay mid aan laga laaban karin. Tani ma ahan diblomaasiyad lagu doonayo heshiisiin; waa diblomaasiyad loo adeegsanayo hab qasab ah, si Soomaaliya loogu cadaadiyo inay si dadban u sharciyeyso heshiiska โ€” iyadoo la macaamileysa wakiilka siyaasaddaasi. Tallaabadan waxay dhamaystireysaa istiraatiijiyad si ula kac ah loogu talagalay bahdilaadda qaranka, waana aalad awood leh oo maamul-goboleedku adeegsado si uu u liido una hoos geeyo cidda kasoo horjeeda. Ololahan wuxuu ku bilowday hadalladii Abiy, waxaana sii xoojiyay hadallo uu jeediyay danjire hore oo Soomaaliya ku tilmaamay qaran โ€œay abuureen gumeystayaal.โ€ Waxaa u sii dheeraa hanjabaado kale oo uu Abiy sameeyay, sida ballanqaadkiisii ahaa inuu โ€œbahdili doonoโ€ cid kasta oo ka hor timaada Itoobiya. Aqbalaadda Dedefo waxay Soomaaliya ku qasbeysaa inay si dadban uga qayb qaadato bahdilaaddeeda, taasoo ah tallaabo daxaleysa sharafta qaranka. Goโ€™aanka ay dowladda Soomaaliya ku aqbashay danjiraha wuxuu ahaa qalad istiraatiiji ah oo weyn, mid aan waafaqsanayn danaha qaran ee Soomaaliya. Sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Qodobka 4-aad ee Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, wuxuu bixiyaa gaashaan sharciyeed oo u oggolaanaya dal martigelinaya inuu diido magacaabista danjire (agrรฉment) isagoon bixin wax sabab ah. Tani waxay ahayd fursaddii ugu nadiifsanayd uguna awoodda badnayd ee ay Soomaaliya ku hor istaagi kartay daandaansiga Itoobiya โ€” kahor inta aysan xaaladdu sii foorarsan. Markii ay aqbashay ergey matalaya siyaasad si cad ugu xadgudbeysa madaxbannaanideeda, dowladda Soomaaliya waxay wiiqday ololihii diblomaasiyadeed ee socday bilooyin, waxayna muujisay nuglaansho u eg is-dhiibid. Tallaabadani waxay caadiyeysay bahdilaadda qaranka, waxayna abuurtay tusaale khatar leh oo muujinaya in xariiqyada cas ee madaxbannaanida Soomaaliya ay noqon karaan kuwo laga gorgortamo. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo la sameeyay khaladaadkan hore, sharciga caalamiga ah wuxuu weli bixinayaa xal sharciyeed oo xoog leh โ€” inkastoo khatar lagu laray. Sida ku cad Qodobka 9-aad ee isla Axdiga Vienna, dal martigelinaya wuxuu waqti kasta, sabab laโ€™aan ku magacaabi karaa diblomaasi โ€œqof aan loo baahnaynโ€ (persona non grata โ€“ PNG), taasoo keeni karta in si rasmi ah dib loogu yeero. Xaqaasi waa mid aan xadidneyn, waana la adeegsan karaa xitaa kadib marka la aqbalo warqadaha aqoonsiga danjiraha. Soomaaliya horay ayay u adeegsatay isla awooddan, iyadoo bishii Abriil 2024 ay cayrisay danjirihii hore ee Itoobiya sababo la xiriiray โ€œfaragelin gudaha ahโ€ oo ku saleysneyd heshiiska is-afgaradka. Cayrinta Danjire Dedefo hadda waxay noqon lahayd tallaabo cad oo dib loogu adkaynayo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saxayo khaladkii hore ee siyaasadeed. Waxay fariin adag u diri lahayd Itoobiya iyo xulafada istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya โ€” sida Turkiga iyo Masar โ€” taasoo muujinaysa in xariiqyada cas ee madaxbannaanida Soomaaliyeed ay yihiin kuwo sugan, aan gorgortan geli karin.
  13. Khartoum (Caasimada Online) โ€“ Ciidanka Cirka ee Suudaan ayaa burburiyay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo siday calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay dalka Colombia, xilli ay ku degeysay garoon ay maamulaan Ciidamada Gurmadkaa Degdegga ah (RSF) oo ku yaalla gobolka Darfur. Ugu yaraan 40 qof ayaa halkaas ku dhintay, sida uu weriyay telefishinka dowladda ee taabacsan militariga, maalintii Arbacada. Sarkaal ka tirsan militariga Suudaan, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in diyaaradda Imaaraadka โ€œla duqeeyay oo gebi ahaanba la burburiyayโ€ xilli ay ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Nyala ee gobolka Darfur. Garoonkan ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u bartilmaameedsanayay duqeymaha ciidanka cirka ee militariga Suudaan, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada RSF tan iyo bishii Abriil 2023. Ilaa hadda, wax war ah oo degdeg ah kama soo bixin dhinaca RSF iyo dowladda Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha dalka Colombia, Gustavo Petro, ayaa sheegay in dowladdiisu ay isku dayayso in ay ogaato tirada muwaadiniinta Colombian-ka ah ee weerarkaas ku dhintay. โ€œWaxaan eegi doonnaa haddii aan soo celin karno meydadkooda,โ€ ayuu ku qoray bartiisa X (horey Twitter). Telefishinka dowladda ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay kasoo duushay saldhig cirka oo ku yaalla gobolka Khaliijka, ayna siday tobannaan dagaalyahanno shisheeye ah iyo qalab militari oo loogu talagalay ciidamada RSF, kuwaasoo gacanta ku haya inta badan gobolka Darfur. Militariga Suudaan, oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa muddo dheer ku eedeynayay Imaaraadka in uu siiyo RSF hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isagoo u soo mariya garoonka diyaaradaha ee Nyala. Abu Dhabi waxay si adag u beenisay eedeymahan, inkasta oo ay jiraan warbixino kala duwan oo kasoo baxay khubaro Qaramada Midoobay ah, saraakiil Maraykan ah iyo hayโ€™ado caalami ah. Sawirro dayax-gacmeed ah oo uu soo saaray Shaybaarka Cilmi-baarista Baniโ€™aadannimada ee Jaamacadda Yale (Yale Universityโ€™s Humanitarian Research Lab) ayaa muujiyay dhowr diyaaradood oo nooca riddada dheer ah oo laga sameeyay dalka Shiinaha, kuwaasoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee caasimadda gobolka Koonfurta Darfur. Bishii Juun, saddex goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda AFP in diyaarad xamuul ah la duqeeyay wax yar kadib markii ay ka degtay garoonka Nyala. Maalintii Isniinta, dowladda Suudaan ee ay militarigu gacanta ku hayaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu qoranayo oo uu maalgelinayo calooshood-u-shaqeystayaal Colombian ah si ay ula dagaallamaan ciidamada RSF, iyadoo sheegtay in ay hayso caddeymo qoraal ah oo muujinaya arrintaas. Wararka ku saabsan joogitaanka dagaalyahannada Colombian-ka ah ee Darfur ayaa soo socday tan iyo dhammaadkii sannadkii 2024, waxaana xaqiijiyay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. Toddobaadkan, Ciidamada Isbahaysiga (Joint Forces) โ€” oo ah isbahaysi taageersan militariga oo ka howlgala gobolka ballaaran ee galbeedka Darfur โ€” ayaa soo sheegay in in ka badan 80 calooshood-u-shaqeyste oo Colombian ah ay dhinaca RSF kaga dagaallamayeen magaalada El-Fasher, taasoo ah caasimaddii ugu dambeysay ee gobolka Darfur ee weli ku jirta gacanta militariga. Qaar ka mid ah dagaalyahannadaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen hawlgallo ay isugu jireen duqeymo drones ah iyo madaafiic, kuwaasoo dhacay intii uu socday weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadayeen ciidamada RSF, sida uu sheegay isbahaysigaasi. Militariga ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaallo fiidiyow ah oo ay sheegeen in ay muujinayaan โ€œcalooshood-u-shaqeystayaal shisheeye ah oo la rumeysan yahay inay kasoo jeedaan Colombiaโ€. Wakaaladda AFP si madaxbannaan uma xaqiijin sax ahaanshaha muuqaalladaas. Bishii Diseembar, dowladda Suudaan ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia ay ka shallisay โ€œka qaybgalka qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ee dagaalka Suudaanโ€. Calooshood-u-shaqeystayaasha Colombian-ka ah, oo intooda badan ah askar iyo jabhado hore, ayaa horay uga qaybgalay colaado ka dhacay meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaana horey u adeegsaday Imaaraadka si ay hawlgallo uga fuliyaan Yemen iyo dalalka Khaliijka. Qoraalkiisii Arbacada, madaxweyne Petro wuxuu sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu u mamnuuci lahaa hawlaha calooshood-u-shaqeysi, isagoo ku tilmaamay โ€œka ganacsiga dadka oo loo beddelay badeecad dil geysataโ€. Dagaalka Suudaan, oo haatan galay sannadkiisii saddexaad, ayaa sababay geerida tobannaan kun oo qof, barakaca 13 milyan oo qof, wuxuuna dalka geliyay xaaladdii ugu darneyd ee dhinacyada gaajada iyo barakaca dunida laga diiwaangeliyo.
  14. Dowladda Ghana ayaa xaqiijisay in laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda, oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Edward Omane Boamah iyo Wasiirka Deegaanka Ibrahim Murtala Muhammed, ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha dalkaas. Ciidamada qalabka sida ee Ghana ayaa sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin milatarigu ay ka duushay caasimadda Accra subaxnimadii Arbaco, iyadoo kusii jeeday magaalada Obuasi oo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda, balse ay si lama filaan ah uga baxday raadaarka duulimaadka. Sawirro laga helay goobta shilka ayaa muujinaya burburka diyaaradda oo ku gubanaya kayn, iyadoo dad deegaanka ahna ay ku hareeraysan yihiin si ay gargaar u fidiyaan. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay shilka, hase yeeshee militariga ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah la bilaabay. Inta la xaqiijiyay, dadka shilkaas ku dhintay waxaa ka mid ah: Wasiirka Difaaca Edward Omane Boamah Wasiirka Deegaanka Ibrahim Murtala Muhammed Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga talada haya ee National Democratic Congress Lataliye sare oo ka tirsan laanta amniga qaranka Saddex kamid ah shaqaalihii diyaaradda waday Shilkan ayaa gilgilay siyaasadda Ghana, waxaana la filayaa in dowladda ay si buuxda uga hadasho dhacdadan saameynta leh marka baaritaanku uu soo gabangaboobo. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho โ€“ Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday saddex eedeysane oo ka tirsanaa kooxda Shabaab, kuwaasoo lagu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose. Saddexda qof ee la toogtay ayaa kala ah: Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye) Cabdi Xassan Rooble (Afeey) Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) Sida lagu sheegay war ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida (ุงู„ู…ุญูƒู…ุฉ ู„ู„ู‚ูˆุงุช ุงู„ู…ุณู„ุญุฉ), raggan ayaa horay loogu helay dambiyo argagixiso ah oo ay ka mid yihiin weerarro dil ah oo ay geysteen shacabka iyo ciidamada ammaanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay xaaladda gobolka Gedo, iyadoo eedeyn culus u jeedisay xubno ka tirsan Jubbaland oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan uu ugu horeeyo. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in isha lagu hayo dhaqdhaqaaqa xubno โ€œqaswadayaal ah oo ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, kuwaas oo ku mashquulsan shirgoollo iyo falal ay colaad uga hurinayaan Gobalka Gedo,โ€ sida lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalkaan ku sheegtay in ragaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan. โ€œXubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay Gobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda Gobalka Gedo,โ€ ayaa lagu yiri qoraalka dowladda federaalka. Dowladda ayaa sheegtay in Gobalka Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo halkaas ka hawlgelaya. โ€œ15-kii sano ee lasoo dhaafay ayuu Ciidanka Qaranka joogaa Gobalka Gedo, iyagoo gudana waajibaadkooda Qaran ee uu dastuurku u xilsaaray,โ€ ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka dowladda. Dowladda ayaa sheegtay Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Gobalka Gedo ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadka ka saaran difaaca dalka iyo adeegga bulshada deegaanka. โ€œCiidamada ayaa u idman sugidda amniga, xasilinta gobolkaas iyo la dagaalanka argagixisada,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka. Dowladda Federaalka Soomaaliya digniin u dirtay shaqsiyaadka yo kooxo ay sheegtay inay ku howlan yihiin xiisad abuurka, kuwaas oo lala socdo dhaqdhaqaaqooda, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay ka waantoobi waayaan ficiladooda gurracan, sida qoraalka lagu yiri. โ€œDawladdu waxay u mahadcelinaysaa Shacabka Gobalka Gedo iyo maamulkooda, kuwaas oo muujiyay midnimo, dawlad-jacayl iyo waddaniyad, waxayna dawladda Federaalka garab taagan tahay shacabkeeda,โ€ ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.
  17. Minneapolis (Caasimada Online) โ€“ Nin Soomaali ah oo degan gobolka Minnesota ayaa Arbacadii lagu xukumay 28 sano oo xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay door muhiim ah oo uu ku lahaa qorshe ay xeer-ilaalintu ku tilmaantay inuu ahaa musuq-maasuqii ugu weynaa ee la xiriira masiibadii COVID-19 ee dalka Maraykanka โ€“ qorshe โ€œsi weyn loo habeeyay oo xeeladaysan,โ€ kaasoo lagu lunsaday in ka badan $47 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan. Abdiaziz Shafii Farah, oo 36 jir ah, ayaa lagu tilmaamay maskaxdii ka dambeysay nidaamkan musuq-maasuqa, kaasoo si arxan darro ah looga faaโ€™iideystay barnaamij ay dowladda dhexe maalgelinaysay si carruurta loogu quudiyo xilligii uu socday safmarkii COVID-19. Isaga iyo dadkii la shaqeynayay waxay si been abuur ah u sheegeen inay bixiyeen in ka badan 18 milyan oo cunto ah iyagoo adeegsanaya goobo aan jirin, si ay u lunsadaan lacago laga soo qaaday canshuur-bixiyeyaasha. Marka laga reebo xukunka xabsiga, Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minnesota, Nancy E. Brasel, ayaa sidoo kale ku amartay Farah inuu bixiyo magdhow lacageed oo gaaraya $47.9 milyan. Xukunkan ayaa yimid kadib dacwad socotay muddo toddoba toddobaad ah, halkaas oo xeer-beegti ay ku heshay Farah dambiyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin khiyaano elektaroonig ah, laaluush, iyo lacag dhaqid. โ€œHalkan Maraykanka waxaad ka gaartay guulo, laakiin waxaad muujisay tixgelin laโ€™aan iyo ku tumasho sharciyada dalka Maraykanka,โ€ ayay tiri Garsoore Brasel xilligii xukunka la ridayay, iyadoo falkiisa ku tilmaantay mid ka dhashay โ€œhunguri aan xad lahayn.โ€ Liisas been abuur ah iyo laaluush Dacwaddan ayaa qayb ka ah baaritaan ballaaran oo lagu magacaabay Feeding Our Future, taasoo ku saabsan hayโ€™ad aan faaโ€™iido doon ahayn oo fadhigeedu ahaa Minnesota, isla markaana xeer-ilaalintu sheegtay inay kormeeraysay musuq-maasuq baaxad weyn oo gaaraya $300 milyan. Dowladda Maraykanka ayaa si weyn u fududeysay shuruucdii Barnaamijkeeda Quudinta Carruurta ee Federaalka (Federal Child Nutrition Program) xilligii masiibada, si loo hubiyo in carruurtu aysan gaajoon โ€“ fursad uu Farah si xun uga faaโ€™iideystay. Laga bilaabo Abriil 2020, Farah wuxuu shirkaddiisa Empire Cuisine & Market u diiwaan geliyay inay tahay goob qaybisa cuntada. Wuxuu si degdeg ah u aasaasay in ka badan 30 xarumood oo la sheegay inay cunto qaybiyaan, kuwaasoo intooda badan ahaa dhulal bannaan ama xafiisyo maran oo aan marnaba cunto laga bixin. Si ay u xoojiyaan sheegashadooda beenta ah, Farah iyo saaxiibbadiis waxay gudbiyeen qaansheegadyo iyo liisas tirakoob cunto oo la been abuuray. Waxay sidoo kale soo gudbiyeen liisas ay ku qoran yihiin carruur aan jirin, iyagoo adeegsanaya magacyo been abuur ah sida โ€œSerious Problemโ€ iyo โ€œBritishy Melony,โ€ sida ku cad dokumentiyada maxkamadda. Si uu qorshuhu si habsami leh u socdo, Farah wuxuu bixiyay kumanaan doollar oo laaluush iyo gunnooyin sharci darro ah oo uu siiyay shaqaale ka tirsan hayโ€™adaha kafaala qaada sida Feeding Our Future iyo Partners in Nutrition. Farah wuxuu shakhsi ahaan jeebka ku shubtay in ka badan $8 milyan oo dollar muddo 18 bilood gudahood ah โ€“ lacago uu u adeegsaday inuu ku noolaado nolol raaxo iyo barwaaqo leh. Xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay fariimo qoraaleed uu u diray mid ka mid ah eedeysaneyaasha la shaqeynayay, isagoo leh: โ€œ7 bilood gudahood, haddii ay arrimuhu sidaan ku sii socdaan, waxaad noqonaysaa multi-milyaneer aan wax deyn ah lagu lahayn.โ€ Wuxuu iibsaday gaadiid raaxo leh oo ay ka mid yihiin Porsche, Tesla, iyo GMC qiimihiisu kor u dhaafayo $300,000. Waxa uu sidoo kale dhaqay ku dhowaad $4.2 milyan isagoo ku iibsaday guryo iyo dhulal ku yaal Minnesota iyo Kentucky, oo ay ku jiraan laba dhul oo ku yaal agagaarka haro, halkaas oo uu qorsheynayay inuu ka dhiso guri casri ah. Lacagta la lunsaday ayaa sidoo kale loo diray dibadda. Farah wuxuu hanti ka iibsaday dalka Kenya, oo ay ku jirto dhismo dabaqyo dhaadheer ah oo ku yaal Nairobi, sidoo kale wuxuu lacag ku dhaqay hayโ€™ado ku yaal Shiinaha. Sida laga soo xigtay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, hantidan ayaa haatan ka baxsan gacanta hayโ€™adaha sharci fulinta ee dalka. Fadeexadda Feeding Our Future Musuq-maasuqa uu Farah hormuudka ka ahaa wuxuu qeyb ka ahaa shirqool ballaaran oo salka ku hayay hayโ€™adda aan faaโ€™iido doonka ahayn Feeding Our Future, taasoo ahayd in ay noqoto kafaala-qaade iyo maamulaha barnaamijka cuntada ee federaalka. Taas beddelkeeda, waxay noqotay xarunta shabakad lunsatay boqollaal milyan oo dollar. Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykanka (U.S. Department of Justice) ayaa dacwado la xiriira fadeexaddan ku soo oogtay in ka badan 70 qof, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah kiisasii ugu waaweynaa ee la xiriira musuqmaasuq la xariira masiibada COVID-19 ee dalka ka dhacay. Kiiskan ayaa si qoto dheer u saameeyay jaaliyadda Soomaalida Maraykanka ee Minnesota, halkaas oo ay kasoo jeedaan qaar badan oo ka mid ah eedeysanayaasha iyo dhibanayaashooda. โ€œCawaaqibka dambigaaga waxaa laga dareemi doonaa Minnesota iyo bulshadaada โ€“ bulshada qaxootiga โ€“ muddo dheer,โ€ ayay tiri Garsoore Brasel. Dambiyada Farah ma ahayn oo keliya musuqmaasuqa. Kadib markii wakiillo federaal ah ay ka qaadeen baasaboorkiisa intii lagu jiray baaritaan bishii Janaayo 2022, wuxuu si been abuur ah u sheegay in baasaboorku ka lumay si uu u helo mid cusub. Wax ka yar laba toddobaad kadib, waxaa lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu raaco diyaarad hal jaho ah oo ku socotay dalka Kenya. Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ayaa dhacay intii ay socotay maxkamadayntiisa bishii Juun 2024, markaas oo Farah iyo afar qof oo kale lagu eedeeyay inay isku dayeen inay laaluushaan xubin ka tirsan xeer-beegtida, iyagoo ula tagay boorso ay ku jirto $120,000 oo lacag caddaan ah si loogu beddelo goโ€™aanka maxkamadda. Farah ayaa dambigaas qirtay, waxaana la filayaa in lagu xukumo goor dambe. Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Joseph H. Thompson, ayaa ku eedeeyay Farah inuu khiyaamay dalkii siiyay magangalyada iyo fursad nololeed. โ€œDalkan wuxuu Farah siiyay wax walbaโ€ฆ waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah,โ€ ayuu yiri Thompson. โ€œHaddaba sidee buu ugu abaal-guday dalkan iyo gobolkan? Isagoo naga dhacay hantidii ummadda.โ€ Sargaalka sare ee Hayโ€™adda Dambi-baarista Federaalka (FBI), Alvin M. Winston, Sr., ayaa ku tilmaamay dambigan โ€œkhiyaano lagu sameeyay aaminaaddii bulshada,โ€ isagoo ballan qaaday in hayโ€™adaha sharci fulinta ay โ€œaan ka laaban dooninโ€ dadaallada lagu la xisaabtamayo โ€œkuwa dhibaateeya dadka ugu nugul bulshadeenna.โ€
  18. Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo xaaladda gobolka Gedo, ayadoo eedeyn culus u jeedisay siyaasiyiin uu ku jiro madaxmeyne ku xegeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo deegaannadaas ka wada abaabul ciidan. saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda amnigu ayaa waxaa lagu yiriโ€ Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhaqdhaqaaqyo qaswadayaal ah oo ay hormuud u yihiin xubno ka amar qaata eedeysane Axmed Madoobe, kuwaas oo wali ku hawlan shirqoollo iyo falal lagu hurinayo colaado cusub oo ka dhaca Gobolka Gedo. Sidoo kale, waxay sii wadaan faafinta warar been abuur ah iyo marin habaabin ujeeddadiisu tahay in lagu qariyo dambiyada ay gacanta kula jiraan. Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan, oo horey loogu eedeeyay tacaddiyo badan oo ka dhacay Gobolka Gedo. Maalmihii u dambeeyay, Maxamuud waxaa uu ku lug lahaa olole been abuur ah oo uu si khaldan ugu sheegayo xaaladda dhabta ah ee gobolka. Gobolka Gedo waxaa hadda ku sugan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo muddo 15 sano ah halkaas ka fulinayay waajibaadkooda Qaran, sida uu Dastuurka dalka u xilsaaray. Ciidamadan, oo kaashanaya shacabka deegaanka, waxaa ka goโ€™an inay sii wadaan hawlgalladooda, si ay u sugaan amniga, xasilloonida, una wajahaan la dagaallanka argagixisada iyo kooxaha nabad-diidka ah. Dowladdu waxay si cad uga digeysaa shaqsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan xiisad abuurka iyo fidinta dacaayadaha, iyadoo ay dowladda ka goโ€™an tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo carqalad ku ah nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa shacabka iyo maamulka Gobolka Gedo, kuwaas oo muujiyay midnimo, dowlad-jacayl iyo wadaninimo. Dowladda Federaalka ah waxay mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee u taagan difaaca dowladnimada iyo midnimada dalkaโ€. Warsaxaafadeedkani wuxuu muujinayaa goโ€™aanka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay wax ka qabashada hardanka siyaasadeed ee uu wajahayo gobolka Gedo, lama oga waxa xiga ee dhici doona maadaama dhinaca maamulka Jubbaland uu wado is abaabul Ciidan oo ay dib ugu qabsanayaan baladxaawo, Itoobiyaanka aaggaas joogana lagu xanto inaysan arrintan dhexdhaxaad ka ahayn oo Axmed Madoobe ay taageersanyihiin. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa saaka daah-furay olole wayn oo lagu nadiifinayo caasimada, kaas oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Muungaab oo qaatay oo badiilka ayaa ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ay ka dhigi doonaan magaalo nadiif ah, isla markaana ay soo celin doonaan bilicdii caasimada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kordhiyeen shaqaalaha waaxda nadaafadda, isla markaana hadda kadib si gaar ah looga war qabi doono, si ay u qabtaan shaqo muhiim ah. โ€œHalkan waxaan ka bilownay mashruuca ololaha nadaafadda maalmo dhaweyd markii aan xilka la waeegnay bil kadib waxaan waaxda nadaafadda ku biirinay illaa shaqaale gaaraya 300 oo mushaari ahโ€ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Waxaa kale oo uu raaciyay โ€œShaqaalaha nadaafadda waxa ay noqon doonaan kuwa ugu muhiimsan ee la siiyo dheerogelinta gaarka ah, waxaan dooneynaa magaaladaan inay nadiif ahaatoโ€. Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ololahan uusan noqon doonin igu sawir, ayna ku dadaali doonaan in la gaarsiiyo caasimadda oo dhan. Sidoo kale masโ€™uuliyiinta dowladda iyo dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay inay qaataan doorkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta caasimada. โ€œOlolahaan igu sawir maโ€™ahan waa mid rasmi ah oo shaqo ah masโ€™uul kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan inuu ka qayb qaato ololaha nadaafadda ee Muqdishoโ€ ayuu ku daray. Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.
  20. MINNEAPOLIS, United States โ€“ A Minnesota man was sentenced Wednesday to 28 years in federal prison for his central role in what prosecutors have called the largest COVID-19 pandemic fraud scheme in the United States, a โ€œbreathtakingly elaborateโ€ plot that siphoned over $47 million intended to feed needy children. Abdiaziz Shafii Farah, 36, was a principal architect of the fraud, which exploited a federally funded child nutrition program during the global health crisis. He and his co-conspirators falsely claimed to have served more than 18 million meals from shell locations to embezzle taxpayer funds. In addition to the prison term, U.S. District Judge Nancy E. Brasel ordered Farah to pay $47.9 million in restitution. The sentencing comes after a seven-week trial where a jury convicted Farah on multiple counts, including wire fraud, bribery, and money laundering. โ€œYou achieved successes here in the United States and yet youโ€™ve shown utter and flagrant disregard for the laws of the United States,โ€ Judge Brasel told Farah during sentencing, describing his actions as motivated by โ€œpure unmitigated greed.โ€ Phony rosters and bribes The case is part of the sprawling โ€œFeeding Our Futureโ€ investigation, named after the Minnesota-based non-profit that prosecutors say oversaw a massive $300 million fraud. The U.S. government dramatically eased rules for its Federal Child Nutrition Program during the pandemic to ensure children would not go hungry, a change that Farah and others ruthlessly exploited. Beginning in April 2020, Farah enrolled his company, Empire Cuisine & Market, as a food distribution site. He quickly established more than 30 purported distribution centers, many of which were merely vacant lots or empty offices where no food was ever served. To support their fraudulent claims, Farah and his associates submitted falsified invoices and meal count sheets. They also created rosters of fictitious children, using absurd and fake names such as โ€œSerious Problemโ€ and โ€œBritishy Melony,โ€ according to court documents. To ensure the scheme continued uninterrupted, Farah paid thousands of dollars in bribes and kickbacks to employees at the sponsoring organizations, Feeding Our Future and Partners in Nutrition. Farah personally pocketed over $8 million from the scheme in just 18 months, which he used to fund a lavish lifestyle. Prosecutors presented evidence of text messages where he boasted to a co-defendant, โ€œIn 7 months, if things stay the same, you are a multi-millionaire with 0 debt.โ€ He purchased a fleet of luxury vehicles, including a Porsche, a Tesla, and a GMC truck valued at over $300,000. He also laundered approximately $4.2 million through real estate purchases in Minnesota and Kentucky, including two lakefront lots where he planned to build a custom home. The stolen funds were also moved overseas. Farah bought property in Kenya, including a high-rise apartment building in Nairobi, and laundered money through entities in China. According to the U.S. Attorneyโ€™s Office, these international assets are beyond the reach of American law enforcement. โ€˜Feeding Our Futureโ€™ scandal The fraud orchestrated by Farah was part of a much larger conspiracy centered around the non-profit Feeding Our Future, which was supposed to act as a sponsor and administrator for the federal food program. Instead, it became the hub of a network that embezzled hundreds of millions of dollars. The U.S. Department of Justice has charged over 70 individuals in connection with the scandal, making it the largest prosecution of pandemic-related fraud in the country. The case has deeply impacted Minnesotaโ€™s Somali-American community, from which many of the defendants and their victims were drawn. โ€œThe repercussions of your crime will be felt in Minnesota and your communityโ€”the refugee communityโ€”for a long time,โ€ Judge Brasel noted. Farahโ€™s criminal activity did not end with the fraud. After federal agents seized his passport during a raid in January 2022, he falsely claimed it was lost to obtain a new one. Less than two weeks later, he was arrested while attempting to board a one-way flight to Kenya. In a stunning development during his trial in June 2024, Farah and four others were charged in a separate case for attempting to bribe a juror with a bag containing $120,000 in cash in exchange for a not-guilty verdict. Farah has since pleaded guilty to the bribery charge and will be sentenced for that crime at a later date. Acting U.S. Attorney Joseph H. Thompson argued that Farah betrayed the nation that had offered him refuge and opportunity. โ€œThis country gave Farah everythingโ€ฆ a free college education,โ€ Thompson said. โ€œAnd how did he repay this country and this state? By robbing us blind.โ€ FBI Special Agent in Charge Alvin M. Winston, Sr. called the crime โ€œa betrayal of societal trust,โ€ vowing that law enforcement would remain โ€œunyieldingโ€ in holding accountable โ€œthose who prey on the most defenseless in our communities.โ€
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha. Danjire Aweys waxa uu leeyahay khibrad qoto dheer oo ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka, isagoo hore u soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin: โ€ข Hogaaminta Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka (2012โ€“2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda. โ€ขHoggaaminta wadahadallada heer-sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah. โ€ขSafiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga (2023โ€“2025), isagoo door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal. Madaxweynaha oo ku tixgeliyey Lataliye Aweys waayo-aragnimadiisa amni iyo hoggaamineed, ayaa ka rajeeyey in uu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho, waxaa maanta ka dhacay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray is-waafajinta adeegyada dowladda ee ku saabsan Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Goโ€™aannada Muhiimka ah ee Kulanka: Laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, qof kasta oo qaadanaya baasaboorka Soomaaliya waa inuu haystaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, dhammaan socdaalka gudaha dalka waxaa lagu xirayaa isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Ujeeddada goโ€™aannadan ayaa ah: Sugidda saxnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadiniinta. Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee baasaboorka Soomaaliga. Xoojinta isku xirnaanta nidaamyada xog-wadaagga ee NIRA iyo Hayโ€™adda Socdaalka. Masโ€™uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu mideynayo xogaha muwaadiniinta, isla markaana lagu horumarinayo hufnaanta iyo amniga adeegyada dowliga ah. Source: goobjoog.com
  23. Saaka aroortii hore ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay bilaabeen howlgal ballaaran oo burburin ah oo ka socda Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa sheegay in cagaf-cagafyo culus lagu soo daad gureeyay suuqa, halka waddooyinka soo gala deegaankaas lagu xiray xalay saqdii dhexe si aysan dadka iyo ganacsatadu u soo galin. Axmed MacallinCumar oo Goobjoog la hadlay , ayaa yiri: โ€œWaxaa muuqata in howlgalka uu si qorshaysan u dhacay, iyadoo aysan jirin cid ka socota mucaaridka dowladda oo goobta jooga. Dhulka suuqa waxaa durba la sheegay in iibkiisu bilowday.โ€ Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay dul dhigeen ciidan xoogan guriga xildhibaan Yaasiin Fareey, oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka soo horjeeday burburinta suuqa. Ganacsatada suuqa ayaa ka walaacsan khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay burburinta, iyagoo sheegay in aan la siin ogeysiis ku filan ama xal kale oo beddel ah. Source: goobjoog.com
  24. Wararka ka imaanaya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacado ka hor saraakiil sar sare oo militariga Itoobiya ka tirsani ay halkaas booqdeen, kuwaas oo la kulmay guddoomiyaha degmada iyo masuuliyiin kale oo dhinaca maamulka Jubbaland ah. Saraakiishan oo la socday diyaarado militari, islamarkaana aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, ayadoo amar ku bixiyay in ciidanka dowladda ee dhowaan la wareegay magaalada Baladxaawo ay muddo seddax bari ah uga baxaan degmadaas. Amarka ay soo saareen saraakiishani ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo yar ka hor ciidanka Itoobiya ay weerareen xarumaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Doolow, islamarkaana halkaas ay ka afduubteen askar iyo taliyaal, saldhigyo muhiim ahna ay burburiyeen. Amarkan ka soo baxay ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa waxaa si kulul uga hadlay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Garbahaarey, balse DFS wax tillaabo ah ma qaadin. Source: goobjoog.com
  25. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gacanta lagu hayo kiisaskii ugu badnaa ee la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelinta kooxaha argagixisada, kuwaas oo gaaraya in ka badan 250 kiis. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah ee la soo saaray, xafiisku wuxuu ku guuleystay in la burburiyo shabakad maaliyadeed oo kooxaha argagixisadu isticmaali jireen si ay u dhaawacaan hantida shacabka Soomaaliyeed. Xafiiska ayaa sheegay in la ogaaday in in ka badan 3,500 akoonto bangi ay si toos ah ama dadban u adeegsanayeen kooxaha argagixisada. Tallaabadan ayaa keentay in la xayiro lacag dhan HAL MILYAN oo doolar, taasoo qeyb ka ah dadaallada xafiisku ku xaqiijinayo in hantidaas ay dowladda Soomaaliyeed dib ula wareegto. War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay in NUUS MILYAN (500,000) doolar oo kamid ah lacagahaas la hayay, si rasmi ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya, kadib markii si sharci ah loo adkeeyay xiriirka lacagahaasi la leeyihiin argagixisada. Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in ay xukun ku ridayaan 13 eedeysane, halka in ka badan 50 kiis oo kale loo haysto dadka ku lugta leh lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada. Qaarkood ayaa dibadda ku maqan, waxaana xafiisku ka dalbaday Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL in la soo qabto. Ugu dambeyn, Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ugu baaqay ganacsatada, hayโ€™adaha maaliyadeed iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si dhow ula shaqeeyaan hayโ€™adaha garsoorka iyo laamaha baarista, si looga hortago dhaq-dhaqaaq kasta oo taageeraya kooxaha argagixisada. Source: goobjoog.com