Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AQOzFNGeL_DjiRIuQuXOuMjAkUg6l_ALDomYdYWYAb6IkHIvtMjRDFJL8mymbRUZ4wmns9212ds4p9MIfojQ88sA Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Raaskambooni ee lagu jabiyay ciidamada ay dowladda gaysay halkaasi. Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarka ay qaadeen ciidamada Jubbaland ee ugu dambeyn la wareegay magaalada oo dhan. Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe, waxayna ku eedeeyeen inuu xiriir kala dhexeeyo kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale golaha ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya baaris ay sheegeen in lagu sameeya nooca xariir ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Khawaarijta. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab” ayaa lagu yiri go’aanka golaha wasiirada. Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo faah-faahiyay kulankooda iyo go’aanka kasoo baxay, wuxuuna sheegay in ciidamada weeraray Raaskambooni ay soo dhex-mareen kooxda Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ay sii xoojineyso tuhun markii hore laga qabay Axmed Madoobe oo ku aadan inuu xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahay Al-Shabaab. “Dhul badan oo Khawaarijta ay joogto ayay soo dhex mareen ciidamadii goobtaas weeraray arrintaas oo khatarteeda leh, waxayna xoojineysaa shakiga horay looga qabay eedeysane Axmed Madoobe iyo Khawaarijta uu xiriir ka dhexeeyo” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigtay taliyihii hoggaaminayay ciidamada ay dowladda gaysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo soo bandhigtay, kadibna baahisay sawirradiisa. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen taliye Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamaday ay dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. “Ciidamada amniga Jubbaland oo xaqiijinaya nabadgelyada guud ee deegaanka Raaskambooni ayaa gacanta kusoo dhigay horjooge Xasan Ciraaqi, kaasi oo subaxnimadii hore ee shalay ka baxsaday goobihii ay dagaalladu ka socdeen” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Xasan Ciraaqi oo ahaa hogaamiyaha ciidamadii laga keenay Xamar ayaa ciidankiisa ka cararay shalay subax abaare 11:30 barqanimo, markii uu dagaalku bilowday” Waxaa kale oo ay Jubbaland sheegtay in dowladdu haysay hoggaan xumo, taas oo dhibaato u horseeday ciidamada laga geeyay deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay. “Arrintan ayaa muujinaysa hogaamin xumo iyo dhibaatooyin baahsan ee haystay ciidamada lagu soo daabulay Raaskambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Ciidamada Jubbaland ayaa hadda si buuxda u maamulayo deegaanka Raaskambooni oo fadhi u ahayd ciidamada dowladda oo haatan qaarkood ay gudaha u galay dalka Kenya.
  4. (Bloomberg) -- The semi-autonomous region of Puntland is planning a new offensive to combat a growing Islamic State insurgency in Somalia’s mountainous north. Source: Hiiraan Online
  5. Hargeisa (HOL) – Somaliland's newly elected President, Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro, was sworn in as the breakaway's president at a ceremony in the capital, Hargeisa, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  6. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQP3akHDvFxHXgrEOsXG8TYgBmUXAOX8TsO5xXEzmO7DNYSRi-X_73JL68xIpwSJOgeop4mDocOLqGbV6oTGLiGr.mp4 Qaran News
  7. Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka. Qoraal kooban oo ka soo baxay golaha wasiirrada XFS ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, in uu noqdo Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow”. Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali dhuxulow oo muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka dalka ayaa horay u soo noqday wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh. Source: goobjoog.com
  8. ANKARA, Turkey — The Ankara Agreement, brokered by Turkey on December 11, 2024, has dramatically reshaped the geopolitics of the Horn of Africa. This landmark accord, mediated by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, has nullified Ethiopia's contentious Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, reaffirmed Somalia's territorial sovereignty, and placed Turkey at the center of the region's power dynamics. Source: Hiiraan Online
  9. Kismayo (HOL) – Jubbaland forces have taken full control of Raskamboni, a strategic town in Somalia's Lower Jubba region, following fierce clashes with federal troops, a regional official said Thursday. Source: Hiiraan Online
  10. Kismayo (HOL) – Jubbaland forces have taken full control of Raskamboni, a strategic town in Somalia's Lower Jubba region, following fierce clashes with federal troops, a regional official said Thursday. Source: Hiiraan Online
  11. Ankara (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay heshiiska ay xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku gaareen Ankara, kaas oo uu fududeeyey madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Itoobiya ayaa marka hore si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo. Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay isku raaceen in ay billaabaan wada-xaajoodyo farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. Haddaba sidee looga fal-celiyay heshiiska Somalia iyo Itoobiya? Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa fal-celintiisa ku yiri “Waa heshiis mirodhal ah haddiiba ay xabashidu aqbashay ilaalinta madaxbanaanida dalkeenna”. Yuusuf A. Xasan “Ethiopia waa cadow halkaas hanooga harto qiiro jabankii hadda waa soo dhammaaday”. Cabdiraxmaan Haariz “Wan ku faraxsanahay in aan ka guuleysanay xabashida dhul boobka waday”. Siyaad Maxamed Dool “Lama kulmaayo oo mahor fariisanayo Abiy, illaa uu ka laabto MOU-ga sidaan miyaa ka dambeysay?, Allow Alle”. Magan Warfaa “Xasan go’aan malahan Abiy go’aankiisa wuu cad yahay inuu marin biyood helo kamana tanaazulin, laakiin madaxwaynaha go’aan malahan”. Maxamed Shiiqow “Waa guul weyn haddiiba lagu qasbay Ethiopia inay ka laabato heshiiskii MOU, runtii waa guul usoo hoyatay Somali Maxamed”. Mascuud Cilmi “Wixii 1000 sano ka badan Itoobiya ee xoog nooga qaadi waysay bay maanta si fudud qalin nooga qaadatay”.
  12. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQORDHupeSB70mErONl0aaVlE52DVort6gpLVSWDI9xMYQPlqx21IHXj3XA2WEcshberTK_BEGFVNRSRUr6XBumK.mp4 Qaran News
  13. Waxaa maanta degan xaaladda deegaanka Raaskambooni oo shalay ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland. Ciidanka Jubbaland ayaa gacanta ku haya deegaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay ka saartay magaalada. Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab. Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose. Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba. Source: goobjoog.com
  14. Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanka Raaskambooni oo ay shalay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana guud ahaan deegaanka la wareegay daraawiishta Jubbaland. Xaaladda ayaa haddaxasilloon, waxaana deegaanka iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada Jubbaland oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi. Jubbaland oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanka, isla markaana uu soo galay gacanteeda. Sidoo kale waxa ay ku eedeysay ciidamadii dowladda federaalka ee la geeyay halkaasi in muddada ay joogeen ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen aagga Raaskambooni. “Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa diyaaradaha ku geeyeen deegaanka nabada ahaa ayaa inta ay joogeen Shacabka ugeysanayay dhac iyo boob lkn Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ayaa arintaas ka hortagay soona afjaray Shalay galinkii dambe” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubbaland. Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay deegaanka, waxayna u gudbiyeen dhinaca dalka Kenya, waxaana barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda. Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah. Si kastaba, waxaa Jubbaland ay ku dhawaaqay inay gebi ahaan soo afjartay howlgalkeeda ku aadanaa Raaskambooni, gebi ahaana ay ka saartay ciidamadii dowladda, taas oo meesa ka saaray dhaq-dhaqaaq culus oo labadii todobaad ay ka wadday dowladda federaalka.
  15. AQNkfpAAq8ixoJv2YnKuKVqHcKTUmeIFxYmBWwyerUleS4iUCX6KtIvz_3xG1q9MbLMvcRJDQfda7gX7UG8bx_qJ Qaran News
  16. Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalkii Raaskambooni ku dhex-maray ciidamada Dowladda Federaalka iyo Jubaland uu ka dhigan yahay dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. Dagaalkaas ayaa horseeday in ciidamada dowladda ay isaga baxaan Raaskambooni, iskuna dhiibaan ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudda. Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda. Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee dhex maray Ciidan Soomaaliyeed oo walaalo ah, lehna hal cadow oo ah argagixisada dhibaatada ku ah dadkeenna waxa uu muujinayaa xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada. Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna. Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir aynu uga gudubno caqadaha haysta qarankeenna oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuq-maasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka.
  17. Mogadishu (HOL) — A two-day workshop organized by EUCAP Somalia and the Ministry of Fisheries and Blue Economy in Mogadishu aims to empower women in Somalia’s fisheries sector by addressing systemic barriers and fostering leadership opportunities. Held on December 9-10, 2024, the event drew participants from across the industry to discuss challenges and create pathways for sustainable development. Source: Hiiraan Online
  18. Ferran Torres scored twice as FC Barcelona claimed a valuable 3-2 win away to Borussia Dortmund that moves it closer to assuring direct qualification for the last-16 of the UEFA Champions League. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) – Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has expressed deep concern over the recent clashes between federal government forces and Jubbaland troops in Raskamboni, Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Jubbaland forces captured the strategic border town of Raaskambooni on Thursday. Jubbaland officials claim that more than 40 soldiers from the Somali army's elite Gorgor unit surrendered during the operation, marking a major setback for the Federal Government of Somalia in its efforts to assert authority over the area. Source: Hiiraan Online
  21. Somalia and Ethiopia affirmed each other's sovereignty, unity and independence in a joint declaration, Türkiye's Communications Directorate said Wednesday Source: Hiiraan Online
  22. Clashes erupted on Wednesday between forces from Somalia's federal government and the semi-autonomous Jubbaland region, raising concerns that internal rivalries are diverting attention from the fight against the al Qaeda-linked al Shabaab group. Source: Hiiraan Online
  23. ANKARA, Turkey (AP) — Ethiopia and Somalia agreed on Wednesday to hold “technical talks” to resolve a dispute sparked by Ethiopia’s deal with Somalia’s breakaway region of Somaliland, according to a statement following talks in Turkey. Turkey has been mediating between the two east African countries as tensions between them have simmered since Ethiopia signed a memorandum of understanding with Somaliland in January to lease land along its coastline to establish a marine force base. In return, Ethiopia would recognize Somaliland’s independence, which Somalia says infringes on its sovereignty and territory. A joint declaration was reached after Turkish President Recep Tayyip Erdogan met separately with Somali President Hassan Sheik Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Wednesday. It says the sides agreed the talks, which would begin by February 2025 and conclude within four months, would respect Somalia’s territorial integrity while recognizing “potential benefits” of Ethiopia’s access to the sea. The declaration also says the sides would work to “finalize mutually advantageous commercial arrangements” to allow Ethiopia “to enjoy reliable, secure and sustainable access to and from the sea,” under Somalia sovereignity. Somaliland seceded from Somalia more than 30 years ago, but is not recognized by the African Union or the United Nations as an independent state. Somalia still considers Somaliland part of its territory. Over the years, Somaliland has built a stable political environment, contrasting sharply with Somalia’s ongoing struggles with insecurity amid deadly attacks by al-Qaida-linked militant group al-Shabab. In November, Somaliland held a presidential election that gave a boost for its push for international recognition. With a population estimated at over 120 million, Ethiopia is the most populous landlocked country in the world. Turkey has previously hosted two rounds of talks between the African nations’ foreign ministers but a third round, expected in September, was delayed, raising concerns of escalating tensions. Erdogan, flanked by Mohamud and Abiy, told reporters at a late night news conference in the Turkish capital, Ankara, that the sides have reached an “important stage” in efforts to solve their dispute. The joint declaration, Erdogan said, focuses “on the future and not the past.” “By overcoming some resentments and misunderstandings, we have taken the first step toward a new beginning based on peace and cooperation between Somalia and Ethiopia,” Erdogan continued. He also said he hoped Somalia would take steps to give Ethiopia sea access. Turkey has previously hosted two rounds of talks between the African nations’ foreign ministers but a third round, expected in September, was delayed, raising concerns of escalating tensions. Erdogan, flanked by Mohamud and Abiy, told reporters at a late night news conference in the Turkish capital, Ankara, that the sides have reached an “important stage” in efforts to solve their dispute. The joint declaration, Erdogan said, focuses “on the future and not the past.” “By overcoming some resentments and misunderstandings, we have taken the first step toward a new beginning based on peace and cooperation between Somalia and Ethiopia,” Erdogan continued. He also said he hoped Somalia would take steps to give Ethiopia sea access. Qaran News
  24. Kenya is now on high alert after fighting broke out in Somalia's semi-autonomous Jubbaland region that neighbours Kenya along the Somali border. Source: Hiiraan Online
  25. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa gaaray heshiis ku saabsan xallinta Khilaafkii labada dal, kaddib markii uu dhex-dhexaadiyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku heshiiyay in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato, kadib markii loo maro heshiis ku dhisan hannaan ganacsi oo laba geesood ah. Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay dhawrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal, taasi oo ku salaysan is-qaddarin iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana meesha ka saaraysa tallaaba kasta oo waxyeellayn karta midnimada iyo wadajirka labada waddan. Heshiiskani ayaa dhigaya in labada dowladood bilaabaan wada-hadallo farsamo, si loo helo marin badeed ammaan ah, oo ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, kaasi oo bilaaban doona ugu danbayn bisha Febraayo ee sannadka 2025, ayna fududeyn doonto dowladda Turkiga. Wada-hadallada, waxaa lagu dhammaystiri doonaa mudda 4 bilood ah, si loo gaaro heshiis rasmi ah oo u ogolaanaya Itoobiya in ay marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato. Halkaan ka akhriso Heshiiska labada dal PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ku heshiiyay in Itoobiya la siiyo marin badeed appeared first on Puntland Post.