-
Content Count
212,846 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ceerigaabo,(Qaran news)- Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta goboka Sanaag ayaa nabdoon oo wax waliba ay aadigoodii iyo sidii loogu talo galay ay u socdaan mana jiraan wax iska hor imaad ah oo ka dhacay Magaaladda Ceerigaabo. Waxba kama jiraan wararka sheegaaya in xalay uu magaalada Ceerigaabo uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidan beeleed iyo kuwa Somaliland sida ay baahinayaan warbaahinta cadawga Somaliland. Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta safar ugu baxo dalka Turkiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo doonaya in uu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Ilo wareedyo kala duwan ayaa ayaa laga soo xigtay in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Turkiga uu salka ku hayo xallinta xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana wada hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu dhowr jeer diiday in uu la kulmo Abiy Ahmed kadib markii uu shardi ka dhigay in marka hore dowladda Itoobiya ka laabato is afgaradkii badda ee dhexmaray xukuumadda Addis Ababa iyo Somaliland kaasi oo dhigayay in marin badeed Itoobiya ka hesho xeebaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la filan karo in ay Kulan toos ah yeeshaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu u safro dalka Turkiga, sida ay ogaatay Caasimada Online. Safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan. Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya safarka madaxweynaha ku tegayo Turkiga ayaa sheegaya in wada-hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex-dhexaadinayo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan madaxda gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo. Xasan ayaa horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin Abiy iyo madaxda Itoobiyaanka illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland. Si dhab ah looma waxa beddelay mowqifkii madaxweynaha Soomaaliya ee la kulanka madaxda Itoobiya, maadaama xogaha ay sheegayaan in Anakara lagula kulansiinayo Abiy, waxaana isha lagu hayaa sida ay wax u dhici doonaan.
-
Inkastoo ay muwaadiniin yihiin, haddana ciidamadu way ka duwanyihiin dadweynaha iyo xittaa shaqaalaha kale ee dowladda, waxaana saaran masuuliyad ballaaran iyo xil gudashadiisu ay hab-dhaqan gaar ah u baahantahay. ku kicidda fal kasta oo sharciga iyo waajibaadka ciidanka ka baxsan ayaa keeni karta halis baaxad leh, si darteed waxaa jira qodobo ka reeban ciidamada qalabka sida oo aan la oggolayn inay fara-gashadaan haddii aan laga maarmi waayin. Qodobadaas waxaa kamid ah isticmaalka maan-dooriyaha, bixinta ama dusinta xogaha qarsoodiga ah ee la xariira qorsheyaasha ciidanka ama sirta guud ee qaranka, ku lugleelashada dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo aanay fasax u haysan, ka tagidda howl loo igmaday fasax la’aan, ku tashkiilinta iyo abaabulka waxyaabo mabaadii’dooda iyo sharciga guud ka hor imaanaya, iyo jabinta ama ka dhaga-adayga amarrada la siinayo. Inkastoo dal walba ciidankiisu ay leeyihiin mabaadii’ iyo hab-dhaqan gaar ah oo looga baahanyahay, haddana qodobadani waa kuwo anshaxa guud ee ciidamada dunidoo dhan lagama maarmaan u ah, loona dejiyay si loo yareeyo xadgudubyada iyo falalka guracan ee ka dhalan kara haddii askartu ay sameeyaan wax ka baxsan shaqadooda. Si kastaba ha ahaatee ciidanku waa cududda ilaalisa madax-bannaanida, nabadda iyo sharciga qaran walba, waxaana looga baahanyahay inaysan u dhaqmin sida dadka aan xilku saarnayn ee noloshooda siday doonaan ugu mardaadinaya, ayagoo aan xeer iyo anshax gaar ah ka baqayn, markii laga reebo diinta iyo shatciga guud. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweynaha xilka kasii degaya ee Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saartay go’aano xasaasi kahor xil wareejinta la qorsheynayo inay dhacdo maalinta Khamiista. Shirka amniga oo ka dhacay gudaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, uuna shir guddoomiyey wasiir Maxamed Kaahin, ayna ka soo qayb-galeen taliyayaasha guud ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa lagu go’aamiyey in la joojiyo qabashada shirarka qabiilaysan “Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee Somaliland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga xuduudaha iyo kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Somaliland illaa inta madaxda dooran lagu wareejinayo xilka. Hoos ka aqriso go’aannada kasoo baxay xukuumadda Somaliland; 1- Waxaa shirka la iskula qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darro, sharcigana la horkeeno qofkasta oo ku kaca wax taabanaya nabadgalyada guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 2- In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku hadlaya cayda, aflagaadooyinka lagu kala qaybinayo bushada, kuwaas oo abuuraya colaad iyo xumaan bulshada dhexdeeda ka dhacda. 3- Waa in saxaafaddu ka fogaataa in ay baahiyaan hadalo xanaf leh oo dhaawacaya wada jirka bulshada iyo guud ahaanba qarannimada jamhuuriyadda Somaliland. 4- Maanta laga bilaabo waxaa la joojiyey in Hoteelada iyo meelaha kale ee la isugu yimaaddo in lagu qabto shirar qabiilaysan, waxaana la farayaa hotelada in ay ka digtoonaadaan shirarka qabilaysan, hotel ka lagu qabto shirar noocaas ah tallaabo ayaa laga qaadayaa. 5- Waxaa shirka la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee dalka, gaar ahaana amniga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. 6- Shirka waxaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga Xuduudaha iyo Kaantaroolada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s burgeoning E-Sports scene takes a transformative leap as the E-Somali Sports Federation and Accord University announce the launch of the Accord E-Sports Club, a pioneering initiative set to empower youth and redefine digital innovation in the country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladaha dunida intooda badan ayaa bogaadiyay isbadelka ka dhacay dalka Suuriya, waxayna qaarkood billaabeen inay wada-xaajood xariir hagaajin ah la yeeshaan kooxahan oo markii hore intooda badani ay argagixiso u aqoonsanaayeen. Dowladda Britain ayaa sheegtay inay ka fiirsan doonto inay liiska ururada argagixisada ka saarto kooxda Hayat Tahrir Sham, taas oo kamid xoogagga hormuudka u ah jabhadaha talada ka tuuray Bishaar Al-assad. Sidoo kale madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay inuu dhowaan booqan doono Dimishiq, asagoo sheegay in badelka dalkaas ka dhacay uu guul u yahay gobolkoo dhan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan talada laga fara maroojiyay Bishaar Al-assad oo asaga iyo Aabbihiis ay 54-tii sanoo la soo dhaafay maamulayeen dalkan ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe, waxayna dunidu isha ku haysaa hab-dhaqanka xoogaggan huwanta ah ee xukunka la wareegay. Source: goobjoog.com
-
Since the collapse of Somalia’s central government in 1991, the international community has grappled with how to address the nation’s relentless crises. Civil war, recurrent droughts, foreign invasions, the rise of religious extremism, entrenched criminal networks, waves of refugees, and pervasive poverty have converged to make Somalia a case study in protracted state failure. Source: Hiiraan Online
-
TikTok has asked a court for an emergency injunction to prevent it becoming unavailable in the US next month. Source: Hiiraan Online
-
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Danab ee deegaanada Jubbaland, Carab Dheeg Axmed. Waxaa lagu bedelay nin lagu magacaabo Caarif Hire Salaad. Ninkaan ayaa dhawaan eedeymo u soo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay in ururkooda aysan helin wax dalacsiin ah. Balse wuxuu taageero u muujiyay Madaxweynaha Jubbaland ee is doortay. Taliyaha oo qoraal soo saaray ayaa yiri: “Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/12/2024 waxaa la iga qaaday xilkii aan u hayay dalka, diinta, iyo dadka Soomaaliyeed, kaasoo markii horeba dowladdu ii idmatay oo aan soo hayay mudo 4 sano iyo 6 bilood ah.” Xilka qaadista ninkaan ayaa timid xilli dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si adag uga hortimid doorashadii ka dhacday dhawaan Jubbaland. Sidoo sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa boqolaal askari geysay deegaanada Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The SSC-Khaatumo administration has accused Puntland of undermining its autonomy and progress, escalating tensions between the two Somali regional administrations. The accusations come as SSC-Khaatumo claims its neighbour is engaging in actions that jeopardize cooperation and stability in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Baidoa (HOL) — Youth voices took center stage at a conference in Baidoa, where Somali leaders and activists convened from December 5 to 9 to discuss South West State’s Anti-Corruption Aid Bill. The bill aims to combat the diversion of humanitarian aid, a persistent issue impacting marginalized communities across Somalia. Source: Hiiraan Online
-
AQN6DmPXWeEZ9DETTOWAtK5VDMs6ITSbFB3Q6XPB8qhHuEUhHC6xXqsSbCcF0-ujWaEbFbaugUN1qlMsqNZUA1vZ Qaran News
-
Dalalka Jarmalka iyo Austria ayaa hakiyay qaabbilaada qaxootiga Suuriyaanka, waxaa kalo la hakiyay qoysaskii la isku keenayay , iyadoo Austria ay sheegtay inay diyaarinayso barnaamij dib loogu celinayo Suuriyaanka dalkooda. In ka badan 13,000 magangalyo doon Suuriyaan ah ayaa sannadkan gudbiyay codsiyadooda dalka Austria, sida ay ku warrantay CNN. Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka, Nancy Faeser ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in la hakiyay codsiyada magangalyo doonka Suuriya u dhashay. Wuxuu ka mid yahay Jarmalka dalalka ay Suuriyaanka ugu badan magangalyada ka codsadeen, kaliya sannadkii 2015-kii 1 milyan oo Suuriyaan ah ayuu qaabbilay, balse waqti hore waxaa bilowday doodaha dib u celinta Suuriyeenka. Dalalkan Yurub ayaa soo saaray go’aamadan, maalin kaddib markii xukunka laga riday nidaamka Bashaar Al-assad, oo dhaliyay in tobannaan milyan oo Suuriyaan ah ay dalkooda ka qaxaan, kaddib dagaallo sokeeye oo dalkaa ka socday tan iyo 2011-kii. PUNTLAND POST The post Jarmalka iyo Austria oo hakiyay qaabilaada Qaxootiga Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Danab ee deegaanada Jubbaland Carab Dheeg Axmed oo saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta la hadlay ayaa aad u dhaliilay dowladda federaalka, taliska ciidanka xoogga dalka iyo qorshaha ciidamada loogu daabulay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Gocashada ugu weyn ee Taliye Carab Dheeg uu sheegay inay ka hadashiisay waa dalacsiinta ay dowladda federaalku siisay ciidamadii Jubbaland ee ka soo goostay Axmed Madoobe, isagoo cabasho ka muujiyey sababta loo dalacsii diiday Danab oo sanado badan dagaal uga jirtay Jubbooyinka. Taliye Carab ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay sababta loo dalacsiiyey ciidankii Jubbaland oo kaliya, iyadoo aan hoos loo eegin kuwa Danab oo muddo dheer dagaal ku soo jiray. Sidoo kale Taliyaha ayaa dowladda ku dhaliilay ciidanka ay geysay Raaskambooni, isagoo halis weyn ka muujiyey in Jubbaland uu ka bilowdo isku dhac ciidamada dhexdooda ah oo laga baaqsan karo. Sarkaalkaan ayaa halis weyn ka muujiyey in laga mashquulo dagaalka Khawaarijta, isagoo si cad u sheegay in wiilashada ka wada tirsan ciidamada qaranka aysan cadow isku aheyn, balse siyaasadaha is diidan ay horseedayaan halis aan laga soo kabsan, hadii ciidamadu soo farogeliyaan. “Anigu ma qabo in ciidan la isku adeegsado, siyaasaddu waa wax dhibadan goor kasta ayey qaldameysaa, laakiin ciidan laguma sixi karo, halis waaye qorigu ee wadahadal ku dhameysta waxa la isku hayo, yaan la isku adeegsan wiilasha u caaboon dagaalka Khawaarijta oo ah halka cadow oo aan leenahay,” ayuu yiri Taliyaha Danab ee deegaanada Jubbaland Carab Dheeg. Eedeyntaan ayaa toos ugu dhaceysa madaxda ugu sareysa dalka oo u bareeray in xoog loo adeegsado Axmed Madoobe, waxaana suurtagal ah in taliyahaan shaqo ka joojin lagu sameeyo, maadaama uu galay arrimo xasaasi ah. Taliyaha markii uu hadalkaan sheegayey waxaa garbihiisa taagnaa ciidan aad u badan, sida caadiga ah Danab looma ogola inay dhexgasho siyaasadaha gudaha ee dalka, waxaana loo tababaray kaliya inay argagixisada la dagaalamaan. Waligood hal mar ayaa loo adeegsaday dagaal sokeeye, xiligaas oo Ahlu-Sunna ay kula dagaalameen Guriceel, balse Mareykanka oo gacanta ku haya ciidanka Danab ayaa xiligaas ganaaxay ururkii Galmudug joogay ee dagaalkaas galay, waxaana dhowr bilood laga jartay mushaarkii, sahaydii iyo saanadii ay heli jireen.
-
Maamulka SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda. Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dowladda Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi. SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah. Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka SSC PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-khaatumo oo fara gelin ku eedeeyay dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay banaanbax weyn oo lagu soo dhaweynayo in xukunkii laga tuuray madaxweynihii sanadaha badan awoodda militeri ku heystay dlka Suuriya Bashar al-Assad. Banaanbaxaan waxaa dhigay dadka Suuriyaanka ah eek u nool magaalada Hargeysa, waxayna muujiyeen dareen dabacsan iyo sida ay ugu farxeen in Madaxweyne Bashar al-Assad uu ka tegay Suuriya, isagoo qasban. Maxamed Kheyr oo kamid ah dadka ka soo cararay colaadaha Suuriya iyo xukunkii adkaa ee Bashar al-Assad ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in qof kasta oo Suuriyaan ah uu maanta faraxsan yahay. “Qofta kasta oo Suuriyaan ah, guud ahaan muslimiinta, Carabta iyo Afrikaanka waa farxeen, sababtoo ah waa na jecelyihiin, dulimigii iyo dhagartii qoys 50 sano na xukumayey ayaa naga tegay,” ayuu yiri Maxamed Khayr oo ah Suuriyaan ku noopl Hargeysa. Maxamed oo ah nin oday ah, isagoo ilmeynaya ayuu sheegay in tan iyo carruurnimadiisii uu xusuusto nidaamkii adkaa ee Assad oo ahaa aabihii dhalay Bashar Assadka hadda xukunka laga tuuray. Dhinaca kale, Haysam Cabdisalaan oo ah wiil dhalinyaro ah oo sagaal sano ku noolaa Hargeysa, isla markaana bartay Af-Soomaaliga ayaa si cajiib ah u cabiray dareenkiisa ku aadan is bedelka siyaasadeed ee Suuriya ay gashay. “Sagaal sano ka hor ayaan imid halkaan, waxaan bartay af-Soomaaliga oo aad u adag, walaahi waxaa dhacay is bedel weyn 50 sano musiibo dalkeena heysatay ayaa na dhaaftay, Somaliland waa dalkeyga labaad, xaas iyo carruur ayaa ii jooga, Alxamdulilaah,” ayuu yiri Haysam Cabdisalaan oo Suuriya u dhashay. Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin dadka Suuriyaanka ah ee ku nool magaalada Hargeysa Wafaan Saam Al-Saayid ayaa sheegay in Suuriya ay gashay xaalad deg deg ah oo lama filaan ah, isla markaana ay dalkoodii ku noqo doonaan, markii ay xaqiijiyaan in xaaladu degtay. “Kadis ayey noqotay arrintaan, waa wax xagga alle ka socda, ilaah ayaa xoreeyey dhulka Shaam, adduunka dhan waa na jecelyahay, laakiin dalkeena waxaa la degay qoyska reer Assad, hadii amniga la sugo waan ku laabaneynaa Suuriya, dadka Soomaaliyeed ayaa aad noo soo dhaweeyey, Somaliland waa dalkeena labaad,” ayuu yiri guddoomiyaha qaxootiga Suuriya ee Hargeysa ku nool.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, oo uu hoggaaminayo Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si guul leh u suura-gelisay dib usoo celinta 22 muwaadin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa dalka Suudaan. Dhalinyaradan ayaa la xiray kafib markii lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay socdaal sharci-darro ah sameeyaan. Shaqsiyaadkaasi oo ka kooban 17 wiil dhalinyaro ah iyo 5 hablood dhalinyaro ah, ayaa muddo saddex bilood ah lagu hayay xabsiyada Dongola iyo Gadaref. Dhamaan 22 qof ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigeysa guul kale oo muhiim u ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku ilaalinayso xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, islamarkaana lagu la dagaallamayo tahriibinta bani’aadamka. Sii deynta dhalinyaradan ayaa waxaa door weyn ku laheyd hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawl-gala Portsudan. Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo, si ay ugu laabtaan dalkooda hooyo. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celisay dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyadoo xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku jira. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysay furdaaminta iyo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biimeeyay tahriibka.