Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somalia team has revived their title hopes in the Boys category at the on-going Zonal CAF African Schools Football Championship in Uganda. Source: Hiiraan Online
  2. ANKARA, Turkey (HOL) — Ethiopia and Somalia have agreed to resolve a year-long diplomatic feud in a historic agreement brokered by Turkish President Recep Tayyip Erdogan on December 11, 2024. The deal, reached after marathon negotiations in Ankara, seeks to ensure Ethiopia's access to the sea while respecting Somalia's territorial integrity. Source: Hiiraan Online
  3. Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya. Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. DFS waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dagaalkii Raaskambooni ku dhex maray ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland uu muujinayo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. “Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo. “Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir looga gudbo caqadaha haysta dalka a oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuqmaasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka. Halkaan ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Farmaajo PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Farmaajo oo ka hadlay jabkii Raaskambooni kaga dhacay ciidamada dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Turkish President Recep Tayyip Erdogan said the leaders of Somalia and Ethiopia had reached a deal to end a nearly year-old bitter dispute following hours of talks in Ankara on Wednesday. Hailing it as a “historic agreement,” Erdogan said he hoped the deal would be “the first step towards a new beginning based on peace and cooperation between Somalia and Ethiopia.” Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed and the Somali President Hassan Sheikh Mohamud flew into Ankara earlier on Wednesday for the latest round of Turkish-brokered talks following two earlier rounds that made little progress. The two neighbors have been at loggerheads since landlocked Ethiopia struck a deal in January with Somalia’s breakaway region Somaliland to lease a stretch of coastline for a port and military base in exchange for recognition, although this was never confirmed by Addis Ababa. The move sparked a fierce diplomatic and military row between Ethiopia and Somalia, which branded the deal a violation of its sovereignty, setting international alarm bells ringing over the risk of renewed conflict in the volatile Horn of Africa region. Speaking at a joint press conference, Erdogan said he believed that Wednesday’s agreement, which came after talks that reportedly lasted eight hours, would eventually bring about a way to ensure landlocked Ethiopia’s access to the sea. “I believe with the meeting we had today, especially with Ethiopia’s demands to access the sea, my brother Sheikh Mohamud will give the necessary support for accessing the sea,” he said. Speaking alongside him, his remarks translated into Turkish, Ethiopia’s Abiy said: “We have addressed the misunderstandings that have occurred over the past year.. Ethiopia wants safe and reliable access to the sea. This will also benefit all our neighbors.” He said he believed the talks would allow the two nations to enter “the New Year in a spirit of cooperation, friendship and the desire to work together.” The Somali leader, whose remarks were also translated, said the agreement had “put a halt to their differences” and said his nation was “ready to work with the Ethiopian leadership and the Ethiopian people.” Turkey has been mediating between the two sides since July, leading discussions aimed at resolving their differences, but two earlier rounds of talks in Ankara failed to produce any tangible progress. AlArabiya Qaran News
  6. AQNOWR0_1HCjMBk0tRS-4e2PyMWjddkood6m-F6ahnUy9BVA9YKXqH3RlpTjG8bKth9SlQ3OrkDzfjSZGFjMgBzM Qaran News
  7. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan. Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka ka soo baxay shirka. War-murtiyeedka Ankara ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay fududeysay Jamhuuriyadda Turkiga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, 11-kii December 2024, magaalada Ankara. Kulanka oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo isfaham, ayaa suurtageliyey wada-hadal furan oo wax-ku-ool ah. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay mar kale si cad u xaqiijiyeen xushmad iyo ka go’naantooda ku aadan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka siyaasadeed iyo dhuleed ee midba midka kale, iyo ku dhaqanka qiyamka caalamiga ah ee ku xusan sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika. Waxay ku heshiiyeen in ay ka gudbaan khilaafaadka iyo murannadii hore, una dhaqaaqaan waddo wadajir ah oo ay ku raadiyaan horumar iyo barwaaqo wadaag ah iyada oo lagu dhisayo is-ixtiraam iyo saaxiibtinimo dhab ah. Soomaaliya waxay aqoonsan tahay naf-hurnimada iyo dadaalka ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee ka qayb galay hawlgalada Midowga Afrika. Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxya sidoo kale ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa’iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doonoqaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. Waxay soo dhaweeyeen taageerada iyo doorka Turkiga ee ku aadan fulinta ballanqaadyadan, waxayna isku raaceen in wixii muran ah ee la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiisyadan lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed iyadoo ay gacan ka geysanayso Turkiga marka loo baahdo. Waxay ugu mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, dadaalkiisa iyo taageeradiisa joogtada ah ee ku aaddan geeddi-socodkan.
  8. Somalia and Ethiopia have reached a deal to end a nearly year-old bitter dispute following hours of Turkish-brokered talks in Ankara, President Recep Tayyip Erdogan said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. Raaskambooni (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uga hadashay sababtii ciidanka qaranka maanta loogu jebiyey dagaalka Raaskambooni, iyadoo cadeysay in dagaalka ciidamada Jubbaland aan loo bareerin. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga oo warbaahinta dowladda lagu baahiyey ayaa lagu cadeeyey in Axmed Madoobe soo abaabulay weerarkaas, isla markaana lagu soo duulay ciidankii qaranka ee ATMIS kala wareegay xeryaha ay baneeyeen. “Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan,” ayaa lagu yiri warka dowladda. Dowladda ayaa Axmed Madoobe ku eedeysay in go’aan uu ku gaaray in ciidamada uu isku laayo, halka dowladdu ay dhiigga askarta labada dhinacba ku sifeysay mid qiimo badan. “Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga. Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda. Caawa Raaskambooni waxaa jooga ciidamada Jubbaland oo ku qabsaday dagaal qaraar oo saakay soo bilowday, kadib markii ay ciidanka qaranka ku weerareen saldhigyadooda. Dagaalkii bilowday saakay ayaa joogsaday gabal-dhicii, waxaana ciidamada Jubbaland u suurtagashay inay magaalada qabsadaan, dhanka xuduuda Kenya ayey u ruuqaansadeen ciidamadii dowladda federaalka ay diyaaradaha ku geysay Raaskambooni. Dowladda ayaa saakay Axmed Madoobe ku eedeysay inuu xiriir la sameystay Al-Shabaab oo ciidankiisa ay soo dhexmareen Khawaarijta si ay u gaaraan Raaskambooni oo weerar ay ku ekeeyeen, halka Jubbaland ay dowladda ku eedeysay in ciidankeeda loo adeegsatay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee ciidanka xoogga dalka.
  10. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Raaskambooni ay amar ku siiyeen in ay ka baxaan Magaaladaas islamarkaasne aysan dagaal gelin. Axned Madoobe ayay ku eedeysay Dowladda in uu bannaystay in weerar uu ku qaado Ciidanka taasina ay keentay in dib u ruqaansi ay sameeyaan Ciidamada la geeyay Raaskambooni. “Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Talaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaliyeed oo Dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay. “Ciidamada Xoogga Dalku ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta,waxaana ka goan in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah Ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka Dadka iyo diinta” ayaa lagu yiri warka dowladda. Source: goobjoog.com
  11. Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ee daacadda u ah Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyey inay qabsadeen inta badan magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaal soo bilowday saakay oo dhowr jiho ay ka soo qaadeen ciidamada Jubbaland ayaa sababay in galabta Raaskambooni ay gashay gacanta Axmed Madoobe, waxaana dib u gurasho sameeyey ciidamada qaranka. Waxaa maanta dhacay dagaal la isku riiqmay, waxaana adkaatay in Raaskambooni ay ka degaan diyaaradaha sida gurmadka iyo saanadda ciidan ee dowladda. Ciidamada dowladda federaalka oo ka dagaalamayey afaafka hore ee deegaanka Raaskambooni ayaa gabal-dhicii dib u gurasho sameeyey, waxayna isugu tageen dhinaca dambe ee magaalada ee xiga xuduudda Kenya. Barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya ayaa lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda. Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah. Jubbaland ayaa maanta dowladda federaalka ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, iyagoo ku andacooday in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso qaadista cunaqabateyntii hubka. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe ku eedeysay inuu la heshiiyey Al-Shabaab, isla markaana ay u ogolaadeen inay dhex maraan ciidamadiisa oo aroortii hore ee saakay weerar ku qaaday ciidamada qaranka. Dowladda Soomaaliya ayaa 20-kii cisho ee lasoo dhaafay Raaskambooni diyaarado ku geyneysay ciidanka maanta ku jabay dagaalka, ciidanka dowladda hadii ay si rasmi ah ugu jabaan dagaalka Raaskambooni, waxay gelayaan xaalad go’doon ah oo saameyn culus ku yeela doonta.
  12. Taiwan’s Deputy Foreign Minister François Wu (left) speaks with his Somaliland counterpart Rhoda Jama Elmi on Wednesday. Photo courtesy of Ministry of Foreign Affairs Dec. 11, 2024 Taipei, Dec. 11 (CNA) Taiwan’s Deputy Foreign Minister François Wu (吳志中) is visiting Somaliland to attend President-elect Abdirahman Mohamed Abdullahi’s inauguration ceremony, the Ministry of Foreign Affairs (MOFA) said Wednesday. Serving as special envoy to President Lai Ching-te (賴清德), Wu arrived in Somaliland’s capital Hargeisa around Wednesday noon (local time) and was welcomed by Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Rhoda Jama Elmi, MOFA said in a press release. Somaliland’s representative to Taiwan Mohamed Omar Hagi Mohamoud and Khadar Hussein Abdi, a member of the new government’s transition team, also accompanied Elmi to welcome Wu and his delegation, MOFA added. Wu will attend Abdullahi’s inauguration ceremony scheduled for Thursday to extend congratulations from Taiwan’s government to the new Somaliland president, it said. Wu will also meet with outgoing President Muse Bihi Abdi and other senior officials, it added. The 69 year-old Abdullahi won 64 percent of the vote in the Nov. 13 presidential election to become Somaliland’s sixth president since it broke away from Somalia in 1991. The former speaker of Somaliland’s parliament beat Muse Bihi, who took 35 percent of the vote. Ties between Taiwan and Somaliland have warmed since the two sides set up representative offices in each other’s capitals in 2020. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 and has functioned as a de facto sovereign state ever since, but is not officially recognized by any other countries. (By Joseph Yeh) Enditem/AW Qaran News
  13. Cidamadii dowladda FDS oo isu dhiibaya Kenya Ciidamada dowladda Jubaland ayaa gebi ahaanba qabsaday degaanka Raas Kambooni oo dhawaanahan dowladda Federaalka Soomaaliya ku daabulaysay ciidamo gaashaaman. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Jubaland si buuxda ula wareegeen Raas Kambooni kadib dagaal xooggan oo maanta halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay degaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu ka dhashay khasaare xooggan islamarkaana ciidamada Federaalka laga qabtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal kadib markii la jabsaday difaacyadoodii hore. Boqolaal ka mid ah Ciidankii dowladda ee maalmihii la soo dhaafay diyaarado lagu geeyay Raaskambooni ayaa isu dhiibay Ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudka. Barta Twitterka ee Hey’adda Ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee Kenya ayaa lagu daabacay sawirada ciidamo raxan raxan u socda oo hubka dhigay kuwaasi oo isu dhiibaya ciidanka Kenya. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo si buuxda ula wareegay degaanka Raas Kambooni appeared first on Puntland Post.
  14. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara. Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay, kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban wasiirro, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, iyo la-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa weli ku taagan go’aankii ay dawladdiisu hore u shaacisay oo madallo iyo munaasabado badanna ku soo difaacday, kaas oo ahaa in aanan Itoobiya laga qaadanayn wax ka yar in ay ka laabato heshiiskii Somaliland ee lagu sheegay isku-dayga dhul-boobka iyo ku-xad-gudubka madax-bannaanida Soomaaliya. Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee markale Ankara ka furmaya ayaa ku billaaban doona qaab u-kala-dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan madaxweyne Erdogan oo isna u gogol xaari doona isku-soo-dhawaasho horseedi karta in kulan toos ah la isugu yimaado oo heshiis lagu gaaro. Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Abiy Axmed uu muujinayo rabitaan ku saabsan in uu si buuxda uga tanaasulo damacisii ku riixayay heshiiskii muranka dhaliyay ee uu la galay Somaliland. Xeel-dheerayaasha diblumaasiyadda ayaa u arka in arrimahan soo dedejiyay kulanka Ankara ay qayb ka tahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan wixii ka dambeeyay bixitaanka ATMIS ee dhammaadka sannadkan, iyadoo howl-galka Midowga Afrika uu magac cusub ku howl-galayo.
  15. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si adag u cambaareeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamadii dalka u adeegsatay hannaan siyaasadaysan. “Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, kala aaminbax bulsho iyo burbur dowladeed. Mabaadi’da dib u dhiska dowladnimada dalka iyo dastuurka ku meel gaarka ah waxaa ku cad in aan ciidanka loo adeegsan siyaasadda” ayay ku sheegeen qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Ciidanka dowladda federaalka ah ee la geeyey Raaskanbooni iyo kuwa daraawiishta Jubaland ee ay la dirirayaan waa wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwas oo ay ahayd in awooddooda ku wajahaan argagexisada iyo cadawga kale ee qaranka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintaasi. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre iyo siyaasi Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in deg deg lagu joojiyo dagaalka Raas Kambooni appeared first on Puntland Post.
  16. Ankara (Caasimada Online) – Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa markale lagu wadaa inay marti-geliso wada-hadallo xasaasi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Ankara ayaa waxaa haatan ku sugan laba wafdi oo Soomaaliya iyo Ethiopia ka socda oo labaduba martiqaad ka helay madaxweynaha Turkiga Erdogan. Kadib marka uu madaxweynaha martida loo yahay uu midba gooni ula kulmo ayaa la filayaa in labada hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaare Abiy Axmed ay fool ka fool isu arkaan, ayada oo uu goobjoog yahay madaxweynaha Turkigu. Galabta iyo caawa ayaa la filayaa in fadhiyada xasaasiga ahi ay qabsoomaan, sida uu sheegay Yuusuf Garaad oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Wafdiga culus ee madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Qxmed Macallin Fiqi, wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin iyo Axmed Jaamac Cillal oo ah la-taliye sare oo madaxweyne. Sidoo kale waxaa wafdiga Soomaaliya ee madaxweynaha ku wehlinaya wada-hadalladan kamid ah madax sare oo xagga amniga ah iyo khubaro ay ka mid yihiin sharci-yaqaanno, sida uu sheegay Yuusuf Garaad. “Ma jirto cid qiyaasi karta waxa ka soo baxaya wada-hadalka maaddaama aanuu weli billaaban, hase yeeshee, waxay rajadu tahay in mowqifka Soomaaliya uu meel-maro,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo ka hadlay natiijada la filan karo inay kasoo baxdo wada-hadalladan. Tan ayaa haddii ay dhacdo dhabaha u xaari doonta in meesha laga saaro khilaafka labada dal ee jaarka ah Soomaaliya iyo Ethiopia.
  17. Kampala (HOL) – Somalia's U-15 football team celebrated its first win in the CAF African Schools Football Championship – CECAFA qualifiers, defeating Rwanda 2-0 on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. Dagaal-yahannada ay hoggaamiyaan kooxda mucaaradka Hayat Tahrir al-Sham ee (HTS) oo ku socda kolonyo gawaarida yaryar ah iyo mootooyin ayaa si xowli ah ugu sii siqaya waddada weyn ee waqooyi-koofureed taasoo fududeyneysa in Dimishiq lala wareego iyadoo aan wax iska caabbin ah lala kulmin. Balse iyadoo dad badan oo dalkaas ku nool ay u dabaal-degayaan dhicitaankii qoyska Asad ee Suuriya xukumayay muddada dheer, haddana mustaqbalka dalkaas ayaan caddeyn xaaladda gudahana jahwareer ayaa ka taagan, iyadoo kooxo kala duwan oo mucaarad ah ay maamulaan qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Dhicitaankii xukunka Assad ayaa keenay in si lama filaan ah oo degdeg ah ay kooxda HTS isku ballaariyaan dalkaas, inkasoo kooxdu ay gacanta ku heyso magaalooyinka ugu waaweyn Suuriya, haddana ma xukumaan guud ahaan dalkaas. Suuriya ayaa muddo waxaa gacanta ku hayay kooxo fallaago ah oo kala duwan oo ay ku jiraan HTS oo Idlib ku sugneyd iyo kooxaha Kurdiyiintu horkacayaan oo waqooyi-bari dalkaas ku sugan, oo qaarkood ay sidoo kale la wareegeen dhul maalmihii iyo toddobaadyadii lasoo dhaafay. Midna kooxaha mucaaradka uma aysan baroor-diiqin dhicitaanka Assad, balse in heshiis laga gaaro sida loo maamulayo dalkaas ayaa weli adag iyadoo waqooyiga dalkaas ay ka jiraan isku dhacyo u dhaxeeya firqooyin uu tartan ka dhex jiro. Bbcsomali Qaran News
  19. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada, Mudane, Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi heshiis shaqo qoris ah, taas oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan hirgelinta heshiiskan. Heshiiskan ayaa diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah: 1) Is-afgaradkani wuxuu dejinayaa hannaan habaysan oo loogu talagalay shaqaalaha u shaqo tagaya Saudi Arabia, iyadoo la hubinayo in hab-ka socdaalka shaqaaluhu uu yahay mid nidaamsan, sugan, badbaado leh, oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka shaqada, waxa kale oo uu dejinaaya qaab cad oo sharci ah oo ku saabsan hababka qorista, hubinta u hoggaansanaanta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha. 2) Heshiiskan wuxuu kordhinaya dakhliga Dhaqaale ee Wadanka, taas oo qayb ka qaadan karta horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida amni ee Dalka . 3) Horumarinta Xirfadda: Is-afgaradku waxa uu noqon doonaa mid bixiya tababaro iyo barnaamijyo horumarineed, tasoo u oggolaanaya shaqaalaha Soomaaliyeed inay helaan xirfado iyo hal’abuur cusub. 4) Shaqo la’aanta oo yaraata: Shaqaale Soomaaliyeed oo u shaqo tago dalka dibaddiisa waxa ay wax ka tari kartaa inay helaan xirfado noloshadooda shaqo wax ka bedesha mustaqbalka. 5) Sidoo kale, Heshiiskaan, waxa uu yaraynayaa khataraha ka dhashta ka faa’iidaysiga iyo ka ganacsiga dadka iyo tahriibintooda. 6) Xiriirka Diblomaasiyadeed: Is-afgaradka oo si wanaagsan loo fuliyo waxa uu xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal kaaso kor u qaadaaya iskaashiga, iyo is fahamka Labada dal. Source: goobjoog.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalkii maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi ay ka dambeeyeen ciidanka dowladda oo uu ku eedeeyay inay soo weerareen ciidankooda. Aadan Axmed ayaa sidoo kale dowladda federaalka ku eedeeyay in dagaalkii maanta ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, ayna ka hor imaaneyso qaadista cunaqabateyntii hubka. “Drone-ta maanta naloo adeegsaday dowladaha iska leh waan soo bandhigeynaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadooda ay is difaaceen, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen ciidamada ay dowladdu ku daabushay gobolka Jubbada Hoose. “Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waa inay ogaadaan dagaal xaq darro ah in nagula soo qaaday, Jubbaland-na way is difaaceysaa, waana la jabiyay” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in isa soo dhiibeen illaa 42 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, ayna ula dhaqmeen si wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay. “Hadda waxaa isa soo dhiibay horin kamid ah ciidamadii Muqdisho laga keenay, waana lasoo dhaweeyay, si fiicana waa loola dhaqmay” ayuu mar kale yiri wasiirku. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxayna ku eedeysay ciidamada Jubbaland inay weerareen ciidamada qalabka sida oo ay sheegtay in Raaskambooni loo geeyay inay la wareegaan xarumaha ATMIS iyo la dagaallanka Shabaab.
  21. Mogadishu (HOL) – The Somali National Women Organization chairperson, Batulo Sheikh Ahmed Gaballe, has strongly opposed the federal government's decision to transfer the Mother's House compound to the Ministry of Family and Human Rights Development. Source: Hiiraan Online
  22. Waxaannu Beesha Caalamka UN-ka iyo AU-ka ugu Baaqaynaa in ay Aqoonsadaan Somaliland Ururka Somaliland Advocacy And Development Foundation oo beesha caalamka ku canaantay in Somaliland u dabreen dal fashilmay Hargaysa (Dawan): Uruka Somaliland Advocacy and Development Foundation (SADFO) ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay aqoon sadaan jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku tilmaameen in ay buuxisay dhamaanba shuruudihii qaran looga baahnaa. SADFO oo ah urur u heellan horumarinta xuquuqul insaanka, maamulka dimuqraadiga ah, iyo horumarka waara ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay beesha caaalamka ugu baaqeen in ay shacabka reer Somaliland siiyaan xuquuqda ah in la aqoonsado dawladda Somaliland. Ururkan SADFO oo ay ku midoobeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo aqoon yahamiin ah, ayaa war-saxaafadeedkoodan waxay ku soo beegeen maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka, taasoo wadamo badan oo caalamka ah laga xuso 10-ka bisha December. Waxaanu nuxurka booqaadani taabanayaa xaqa Somaliland ee Aqoonsiga iyo Qaranimada dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegayn dhalasho, qowmiyad, ama asal ahaan, iyagoona tilmaamay in aanay madaxbanaanida Somaliland ahayn mid riyo ah, balse ay tahay xaqiiq quluubta shacabka reer Somaliland ku jirta tan iyo 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii. Baaqaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Baaq ku saabsan xaqa Somaliland ee Aqoonsiga iyo Qaranimada dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegayn dhalasho, qowmiyad, ama asal ahaan. Sannadkan waxa aanu indhaha ku haynaa xaaladda xuquuqal insaanka ee Somaliland, oo ah gobol muddo ka badan soddon sannadood la duudsiyay xuquuqdii aasaasiga ahayd iyo aqoonsiga uu mudan yahay. Go’aankii aftidii shacbiga Somaliland ee sanadkii 2000 ay dib ula soo noqdeen xoriyadoodii la diiday 26-kii June 1960-kii waa mid joogto ah oo aan laga noqon karin. Madaxbanaanida Somaliland riyo ma aha ee waa xaqiiq quluubta shacabka reer Somaliland ku jirta tan iyo 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii. Reer Somaliland waxay doorteen halka ay u socdaan, ma na aha kuwo u soo jeesta wax kasta oo ay ku kacdo. Somaliland kaliya ma mudan tahay in la aqoonsado ee waxay sidoo kale mudan tahay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, oo ay ku mutaysatay guulaha ay ka gaadhay nabadda, dib u heshiisiinta iyo dawlad wanaaga. Shacbiga Somaliland waxay 33 sanno ka hor doorteen hannaan dimuqraadi ah, ka dib 31 sannadood oo ay ku guul-darraysteen inay si iskood ah ula midoobaan Soomaalidii hore ee Talyaaniga. In kasta oo Somaliland ay dedaal ugu jirtay sidii ay u hanan lahayd dawlad nabad ah oo dimuquraadi ah, haddana beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay (UN) iyo Midowga Afrika (AU), waxay ku guul-darraysatay inay aqoonsato dawladnimadeeda. Diid ma dani waxay soo kordhisay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul iinsaanka oo ka dhan ah dadka reer Somaliland, kuwaas oo weli raadinaya ictiraaf-raadinta iyo xuquuqda ay u leeyihiin dhammaan ummadaha. Haddaan si yar u idhaahdo waa laba-jibbaar, caddaalad-darro iyo takoorid in dadka Somaliland ay noqdaan kuwo ay Beesha Caalamka u hayso Soomaaliya. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah dadka Somaliland waxay go’aansadeen mustaqbalkooda waxayna dib ula soo noqdeen xoriyadoodii ay diideen 64 sano ka hor xaqna way u leeyihiin. Ictiraaf la’aanteed Somaliland heli mayso deeqaha horumarineed ee caalamiga ah ee sida weyn loogu baahan yahay iyo maalgashiga, cadaalad daradan iyo cuna qabatayntan caalamiga ahi waxay la mid tahay (Apartheid) caalami ah oo lagu hayo dadka reer Somaliland. Waa in la Qaado Tallaabo Ficil ah: Waxaanu beesha caalamka, UN-ka iyo AU-da ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabo cad oo ay Somaliland ugu aqoonsanayaan dal madax-bannaan. Ma jiro axdi iyo xeer caalami ah oo ka hor imanaya xaqa ay Somaliland u leedahay in ay hesho aqoonsi. Runtii, aqoonsigu waxa uu awood u siinayaa Somaliland in ay si buuxda uga qayb-gasho wada-hadallo caalami ah, si loo hubiyo in muwaadiniinteedu ay ku naaloon karaan xuquuqdooda iinsaanka oo ay ka qayb qaataan xasilloonida gobolka. Maxay Somaliland Ugu Mudan Tahay Ictiraaf: Dulucda Taariikhiga ah: Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay gooni isu taagtay 1991-kii ka dib dagaal sokeeye oo bahalnimo ah, iyada oo dhidibada u taagtay hab dawladnimo oo degan oo dimuqraadi ah oo ka duwan qalalaasaha ka socda gobolka. U heellanaanta Dimuqraadiyadda: Somaliland waxa ay qabatay doorashooyin badan oo dimuqraadi ah, taas oo muujisay sida ay uga go’an tahay mabaadi’da dimuqraadiga ah iyo ku dhaqanka sharciga. Bishii hore 13-kii November waxa Somaliland ka qabsoontay doorasho nabad ah oo ay shacabka Somaliland si xor ah u doorteen Madaxweynihii 6-aad ee Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ahaa musharraxa xisbiga Waddani oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka. Madaxweynaha xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si sharaf leh u qariyey guul-darrooyinkii, waxaana Khamiista 12-ka bisha December la qaban doonaa caleema-saarka Madaxweynaha. Nabadda iyo Deganaanshaha: Aqoonsiga Somaliland ma xaqiijinayso oo keliya xuquuqda dadkeeda ee waxay sidoo kale qayb ka qaadanaysaa nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika. U doodista Xuquuqda Aadamiga: Somaliland waxay muujisay sida ay uga go’an tahay xuquuqul insaanka, iyada oo inta badan tusaale u ah dawladnimada iyo xorriyadda madaniga ah ee gobolka ay colaaduhu ragaadiyeen. Gabagabo: Maalintan caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, waxaanu u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay ixtiraamaan xuquuqda aadamaha cid kasta oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan ku baaqaynaa in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan si loo xaqiijiyo in muwaadiniinteedu ay si buuxda u helaan xuquuqdooda iyo xorriyaddooda. Waqtigii wax qabadku hadda waa; aan u wada istaagno sidii aan xuquuqul insaanka u ilaalin lahayn dhammaan aadamaha. Qadiyada Somaliland waa in ay xasuusisaa wadamada xoriyada jecel in ay qadariyaan oo ay qiimeeyaan dimuqraadiyada iyo sinnaanta ay u soo halgamayaan oo ay ku talaabsadeen dhawr iyo toban sano. Nabad iyo gobonimo jecel dadka reer Somaliland wax ka yar ma istaahilaan”. War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa guddoomiyaha ururka Somaliland Advocacy and Development Foundation Prof. Iid Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha, iyo sidoo kale xoghaya guud ee isla ururkaasi Dr. Cabdi Cabdillaahi Xasan (Mataan). Qaran News
  23. Mogadishu (HOL) – Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, ex-Prime Minister Hassan Ali Kheyre, and opposition lawmaker Abdirahman Abdishakur Warsame have denounced Wednesday's clashes between federal military forces and Jubbaland regional troops in Raskamboni, Lower Jubba. Source: Hiiraan Online
  24. Dimishiq (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay, in uu billaabay dhaqaajinta howlaha qaran ee dalka, kaddib marki uu taageero buuxda ka helay dhammaan kooxaha fallaagada ee xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Bashar Al-Asad. Khudbad kooban oo laga baahiyay telefishanka, ayuu Al Bashiir ku sheegay in uu dowladda ku meel gaarka ah hoggaamin doono ilaa 1-da bisha March ee sannadka foodda nagu soo haya. Ninkan ayaanan si wanaagsan looga aqoon guud ahaan Suuriya, balse ku soo caan baxay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, halkaas oo uu hogaamiyay maamul hoosaadka ay dhiseen kooxaha mucaaridka ee taageerada ka hela dowladda Turkiga. Magaalada caasimadda ee Dimishiq, bankiyada, goobaha ganacsiga ayaa shalay dib loo furay marki ugu horreysay tan iyo Axaddii marki ay mucaaridka awoodda ka riday rajiimki dalka soo maamulayay 50-ki sano ee lasoo dhaafay. Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa marki u horreysay shalay si rasmi ah uga hadashay is baddalka siyaasadeed ee ka dhacay Suuriya. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay si buuxda u taageeryso hannaanka kala guurka siyaasadeed ee Suuriya ayna rajeyneyso in uu horseeddo maamul loo dhan yahay oo aan kooxaysi ahayn. Mareykanka ayaase jabhadda ugu weyn ee Asad xakunka ka tuurtay ee Xayaat Taxriir Al Sham u aqoonsan koox argagixiso ah, lamana oga in uu liiskaasi ka saari doono iyo in kale.
  25. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNn_RCnGokXZXCgcMu0Wae6pZ_FgABc2JSvGNtay3TXNTddddPqYDsXKqV-OOWNK4E62dRPuKxPYpjWNbux_Yyn.mp4 Qaran News