Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dil wadareed loo geystay 48 qof, kuwaas oo lagu toogtay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda falkan dusha ka saartay jabhadaha halkaas ka dagaalamaya. Weerar oo ay fulisay Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo ah mid Addis-Ababa ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayaa toddobadkii tegay ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC). Ugu yaraan 48, oo uu ku jiro mas’uul degmo, ayaa la dilay. “Xaaladda aagga hadda aad ayay u kacsan tahay,” ayay tiri Ato Badassa, oo ah madaxa gobolka ee ee hay’adda EHCR ee dowladda xiriirka la leh, balse ka madax-banaan, sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka AFP. Xaaladda Itoobiya ayaa ah mid cakiran, dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo jabhadaha hubaysan ayaana inta badan gobollada dalkaas ka socda, balse maamulka Abii Axmed ayaa dadweynaha ku mashquulinaya hardanka gobolka geeska Afrika, iyo arrimaha badda-cas. Source: goobjoog.com
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Xildhibaannadan oo laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxay halkaasi uga qeyb-galayaan shir wadatashi ah oo uu isugu yeeray madaxweyne Axmed Madoobe Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo intaas kadib loo sii galbiyay madaxtooyadda maamulkaasi. Xildhibaannadan oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa aqbalay shirka wada-tashi ee ugu yeeray Axmed Madoobe, iyaga oo ugu dambeyn maanta ka degay Kismaayo. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland, iyadoo uu shirka wadatashi furmi doono maalinta berri ah, haddii uusan wax iska beddelin qorshaha. Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe uu ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka qabsoomay. Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan. Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dowlad-goboleedyada. Axmed Madoobd oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad-goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo. The post Xildhibaanno ka tirsan BF oo maanta gaaray Kismaayo iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
  3. AQNl4vV02474Rexnu8_jUcEc3ygQWX6Oh9E9tfuT8gquboVQ9mTDt2qP87jN1GhnbDaYS9vdYai1kEbkOaj-kvEs Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) iyo guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka ee gobolka ayay ka dhex tafatay, waxaana la’isku qabtay fulinta xukunnada ay soo saarto maxkamadda. Arrintan ayaa daba socoto, kadib markii qaar kamid ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ay sheegeen in aan lasoo wargelin marka la fulinayo xukunnada dhulka ku yaalla degmooyinkooda, taasina ay tahay mid laga haboon yahay. Saalax Dabaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag ula hadlay maamullada degmooyinka, wuxuuna sheegay in aysan ka hadli karin xukun maxkamad ay riday oo ku saabsan guryaha ama dhulalka ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiyeyaashu shaqadooda ay tahay kaliya inay ka shaqeeyaan nadaafadda degmooyinka, isla markaana aanay shaqo ku lahayn xukunnada. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xukun ay rideen aysan kusoo wargeli doonin gudoomiye degmo, shaqadaasna ay leedahay maxkamadda gobolka. “Guddoomiye Degmo waxa ay mas’uuliyadiisu tahay inuu naadafad ka shaqeeyo, maahan inuu sharci ka shaqeeyo, sharci mas’uuliyad kama saarna, xaq uu kuleeyahay ma jirto, shaqo uu ku leeyahayna ma jirto, maxkamad ayaa ka garnaqda doodaha dadka ee u dhaxeeya xaqqa iyo miilkiilaha laisku haysto cidda mas’uuliyadeeda is kaleh waa Maxkamad” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir. Dabaan ayaa sidoo kale ugu goodiyay guddoomiyihii ka hor yimaado go’aanka maxkamadda isaga qudhiisa laga saari doono guriga uu dagan yahay, lana xiri doono. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oohaatan caasimada ay ka taagan yihiin murano xoogan oo ka dhashay dhulalka la’isku haysto iyo kuwa danta-guud oo ay dowladda federaalka Soomaaliya bilowday in laga saaro shacab ku dhowaad 30 sano kusoo noolaa. The post Maxkamadda gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ay ka dhex tafatay appeared first on Caasimada Online.
  5. Golaha Wasiirada Puntland ayaa Maanta oo Khamiis ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025. Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland. “Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 waxaa ay Miisaaniyadu korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024” ayay sheegtay Madaxtooyada Puntland. Shirka Golaha Wasiirada ee Khamiistan ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Xabsiyada Puntland oo ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025 appeared first on Puntland Post.
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kubsaxiixday heshiis cusub oo looga cafinayo lacag in ka badan 100 milyan oo dollar. Heshiiskan oo si wada-jir ah u saxiixeen wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo safiirka dowladda Japan ee dalka Kenya Ogihara Hiroshi, ayaa waxay dowladda Japan ku cafinaysa lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan 100 milyan oo dollar. Heshiiskaan uu maanta saxiixay wasiirka maaliyadda ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal walba gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee sanadkaan. Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, wasiir Biixi ayaa u mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqay in ay saamexeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu wasiirka sheegay in tani ay dhiirigalin u tahay dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirtan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga si loo gaaro isku filanaan dhaqaale. Safiirka dowladda Japan oo isna hadalo kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta dowladda Soomaaliya. Waxa uuna xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu garabsiin doonaan mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo gudaha dalka, taas oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya. The post Xogta heshiis ay maanta saxiixday Somalia oo looga cafinayo Malaayiin dollar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Nairobi (HOL) — Somalia’s government announced Thursday that it had reached a debt forgiveness agreement totalling $100 million with Japan as part of its ongoing economic reform and debt relief initiatives. Source: Hiiraan Online
  8. Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Kismaayo. Mudanayaasha ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland, waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland. Xildhibaannadaasi Jubaland ku matala Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ajiibay codsi uga yimid Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku casumay Shir Wada-tashi ah, kaasi oo ka dhici doonaa Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee laga soo doorto Jubaland ayaa lagu wadaa in ay Shirkooda Wada-tashiga ah uga arrinsadaan Khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubaland. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Labada Aqal BFS ee laga soo doorto Jubaland oo maanta Kismaayo gaaray appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaro xaaladda guud ee dalka iyo waxqabadka xukuumadda DanQaran. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goob joog ka ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada ee dalka. Inta uu socday kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qiimeynta qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta. Sidoo kale golaha ayaa lala wadaagay warbixinno gaar ah oo ka hadlaya amniga guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Warbixinnada kale ee muhiimka ah ee shirka lagu soo qaaday waxaa kamid ah Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 —2029) oo hadda qoristiisu ka socoto magaalada Muqdisho “Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Shirkan oo la qabto todobaadkii mar maanta oo kale ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan dowladda federaalka ay wajaheyso xaalad adag oo ku aadan khilaaf ka dhashay hannaanka loo jiheynayo doorashooyinka dalka oo durbo dhaliyay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso Villa Soomaaliya, maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. The post Maxay yihiin warbixinnada maanta lagu soo bandhigay shirka golaha wasiirada? appeared first on Caasimada Online.
  10. Golaha wasiirrada xukuumadda Faederaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii manta diiradda ku saaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, iyo lacag dhaqista. Golaha Wasiirrada oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Qiimeynta Qaranka ee la-dagaallanka kooxda Alshabaab iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab iyo Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029). Source: goobjoog.com
  11. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan Boqol Milyan oo Doolar. Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka. Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqay in ay saamexeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen Dowladda Soomaaliya, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tani ay dhiirigalin u tahay Dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirtan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga si loo gaaro isku filanaan dhaqaale. Safiirka Dowladda Japan oo hadalo kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa balan qaaday in Dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo ku garabsiinta Mashaariicda Horumarineed oo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  12. Dembi-baarayaasha dalka Kenya ee ku howlan ka sal-gaaridda galdacwadeedka Haashim Dhaqane Muxumed oo loo haysto dilka 3 gabdhood oo isku qoys ahaa ayaa soo bandhigey caddaymo hor leh oo muujinaya dilka gabar kale oo lala xariirinayo inuu ninkaasi ku lug lahaa. Baareyaasha ayaa sheegay inay heleen haraaga jir bini’aadam oo si xun loo jar jaray, islamarkaana la dhigey xabaalaha loo yaqaanno lang’ta ee magaalada Nairobi, ayagoo soo bandhigey muuqaalka gabar sii galaysa dhismaha uu deganaa Haashim, iyo asagoo gacmaha boorsooyin mad madow ku wata oo isla dhismahaas ka soo baxaya. Gabadha cusub ee la sheegay in loo malaynayo inuu diley eedeysane Haashim oo lagu magacaabo Deeqo Cabdinuur Qorane ayaa la waayay 24-kii bishii oktoobar, waxayna markii ugu dembaysay sii galaysay dhismaha uu deganaa Haashim. Baareyaasha dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raad joogaan milkiilihii dhismahaas oo la sheegay inuu dhacdadaas ka dib nadiifiyay dabaqa oo dhan, islamarkaana rijinka ka badalay. Galdacwadeedka Haashim Dhaqane Muxamed ayaa hor yaalla maxkamadda ugu weyn dalkaasi Kenya, waxaana ku socda baaritaan xooggan oo ku saabsan faldambiyeedyada loo haysto. Source: goobjoog.com
  13. LONDON (AP) — The verdict of U.S. voters was more decisive than most pollsters and pundits had predicted. Now the world waits to see whether the election of Donald Trump as president for a second time will prove as destabilizing as many American allies fear. Source: Hiiraan Online
  14. FRANKFURT, Germany (HOL) — Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud issued an ambitious call to German business leaders at the German-African Investment Conference. Mohamud presented Somalia as a high-potential investment destination, declaring Somalia as “open for business” and ready to welcome bold partnerships. Source: Hiiraan Online
  15. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Shabakad ka kooban labo xubnood oo Shabaab u qaabilsanaa qeybta sahanka. Sirdoonka dalka oo hayay xogta labadaan nin isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Shabaab ku dhibaateyso shacabka. Sida ay sheegtay NISA Labada nin ee la qabtay ayaa kala ah Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Shabaab u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa. Xubnaha la qabtay ayaa qirtay fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo Shabaab ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah. Sida ay sheegtay NISA. Source: goobjoog.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale qaaday tallaabo la xiriirta heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, isagoo ku adkeysatay dhaqan-gelinta heshiiskaasi. Muuse Biixi Cabdi oo hadda ku jiro ololihiisii ugu dambeeyay ee doorashada hoggaanka Somaliland ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin in horay loo sii dhaqaajiyo heshiiska, isla markaana la fuliyo, si marin biyood loo siiyo dowladda federaalka Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in fulinta heshiiskan ay dano badan uga xiran yihiin Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in Itoobiya ay tahay dal muhiim ah oo aad loo daneeyo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi in heshiiskan ay faa’iido wayn ugu jirtay iyaga, isla markaana uu muhiim u yahay ictiraaf ay hesho Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. “Heshiiskaasi wax badan ayaa inooga xiran, Itoobiya waa dal muhiim ah cid kastana daneynayso in ay xiriir la yeelato – wuxuu sidoo kale muhiim u yahay heshiiskaasi in aan helno Ictiraaf” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay haddii dib loo doorto inuu kasii shaqeyn doono horumarinta Somaliland, gaar ahaan saaxibada ay ku leedahay gobolka iyo caalamka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, oo si weyn looga dareemay gobolka, waxaana fashilay dadaallo la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo labada dowladood. Dowladda Federaalka ayaa si weyn uga carootay heshiiska Abiy uu la galay Muuse Biixi, waxayna ku tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. The post Muuse Biixi oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta heshiiska BADDA appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) — In Saudi Arabia, nearly 50 Somali nationals face execution for drug trafficking, prompting urgent appeals for clemency from their families and the Somali government. Many of these young detainees, originally seeking work, were reportedly coerced or deceived into smuggling illegal substances across the Saudi border. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) — Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA) has announced the arrest of two individuals linked to the militant group Al-Shabaab following an extended surveillance operation that tracked their intelligence-gathering efforts aimed at civilian targets. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku tegey dalka Jabuuti oo qeyb ka ah dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Socdaalka waxaa Wasiirka ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka (CXDS). Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka warbixinayay Socdaalkiisi Jabuuti ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta dalkaasi ka wada-hadleen Amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025” ayuu yiri Wasiirka. Socdaalkaasi Jabuuti ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ay dowladda Jabuuti ka wada-hadleen Amniga Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  20. NAIROBI (Xinhua) -- Kenya's counter-terrorism police unit said its special forces carried out intelligence-led operations on the border with Somalia, destroying two al-Shabab makeshift camps. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenyan authorities have tied Hashim Dagane Muhumed, already in custody for a notorious triple murder in Nairobi’s Eastleigh neighbourhood, to a fourth killing. The new revelation—linking Muhumed to the brutal death and dismemberment of another woman—has intensified community outrage and amplified calls for justice in a city increasingly anxious about violence against women. Source: Hiiraan Online
  22. Muwaadin, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxa uu kuugu bushaaraynayaa in doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ay dhici doonto 13-ka November 2024, oo ay maalmo koobani inaga xigaan.Codkaagu waa muhiim, wuxuuna saameyn ku leeyahay jihada siyaasadda iyo horumarka mustaqbalka dalkaaga JSL. Si aad uga qaybqaadato doorashadan, fadlan samee qodobadan: 1) Hubi in aad haysato Kaadhkaagii Codbixinta. 2) Ogow goobta codbixinta ee aad ka dhiiban doonto codkaaga adiga oo garaacaya *318#. 3) Ku dhiirrigeli qoyskaaga iyo asxaabtaada inay doorashada ka qaybqaataan. 4) Ilaali nabadda iyo anshaxa xilliga doorashada.Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan la xidhiidh Xarunta Wicitaanka KDQ adiga oo garaacaya 318. Codkaagu Waa Mustaqbalkaaga.Mahadsanid.Fariinta Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Qaran News
  23. Waxaa la soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah oo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Elmi Mahamoud Nur, uu la yeeshay madaxda qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah. Wasiirka ayaa ka qeyb galay Shirka Magaalaynta Adduunka ee ka socda Qahira, Masar. Kulamadaasi oo gaar-gaar ah ayaa wuxuu Wasiir Elmi ku kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), gaar ahaan Qaybta Xalka Waara, Madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka, iyo Wasiirka Wasaaradda Guriyeynta & Horumarinta Dhulka ee dalka Morocco. Wasiir Elmi ayaa madaxda kala duwan ee uu la kulmay kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda Hawlaha Guud iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda iyo hay’adahaasi si loo dardargeliyo mashruucyada dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wadda u diyaar garow ku aadan howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo uu qorshuhu yahay inuu bilowda sanadka soo socda ee 2024-ka, si loo helo ciidamo bedala kuwa hadda jooga. Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah, waxaana madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan booqashooyin kusoo kala bixiyay waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlay kaalintooda ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalkeenna. Sidoo kale waxaa haatan safar kale oo la xiriira qorshaha dowladda ee xiga ATMIS u baxay wasiirka gaashaandhigga oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Xoogg dalka oo gaaray dalka Jabuuti, waxayna kala hadleen qorshaha dowladda ee la xiriira howlgalka cusub oo ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Jabuuti. Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Jabuuti ay kala hadleen arrimaha howlgalka iyo sidoo kale xaaladda guud ee Geeska Afrika. “Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri. Intaas kadib wasiirka iyo taliyaha ayaa usii gudbay dalka Uganda oo ay madaxdiisa kala hadli doonaan isbeddalka dhacaya iyo doorkooda ku aadan howlgalka cusub ee Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi kusii daray in sidoo kale ay usii gudbi doonaan Kenya iyo Burundi oo qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si ay ugala hadlaan qorshaha socda. Dhammaan kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta howlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka. Si kastaba, howlgalka cusub ayaa waxaa kamid noqon doonin Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda haatan kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda. The post Wararkii ugu dambeeyay howlgalka cusub ee ka bilaabanaya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  25. Mogadishu (HOL) — The head of the Banadir Regional Court, Salah Ali Mohamud, issued a warning on Monday to district leaders in Mogadishu, ordering them to refrain from intervening in court rulings on land and property disputes. Mohamud said that the authority to enforce legal decisions rests solely with the judiciary, not district officials. Source: Hiiraan Online