Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhusamareb (HOL) — At least eight people were killed and ten others wounded in a deadly inter-clan conflict on Friday in Harar Heyle, a rural area under the El-bur district of Galgadud region. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caaasimada Online) – Kadib heshiiskii ay todobaadkii hore Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen magaalada Ankara ayaa waxaa soo baxaya su’aallo dheeraad ah oo la xiriira tallaabooyinka ay horay u qaaday Itoobiya ee ka dhanka ahayd Soomaaliya. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka falceliyay heshiiskaasi, wuxuuna tilmaamay in labada dhinacba ay guullo ka gaareen. “Itoobiya waxay Ankara kala soo laabatay gaarista Badda Soomaaliya ee gelid iyo bixid, Soomaaliyana gobbonimo, madaxbannaani iyo wadajir dhul oo ay dunidu 64 ka hor noo aqoonsatay” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabada xigta la rabo inay noqoto qunsuliyadaha Itoobiya ee ka furan magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe in lasoo mariyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo in gebi ahaanba la xiro safaaradda Somaliland ee Addis Ababa. “Haddaba, haddii ay aqoonsatay gobbonimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa sida loo dabaaldegee, waxaan arki doonnaa qunsulayadiheeda ka furan Hargaysa iyo Garoowe oo wasaarada arrimaha dibadda dowladda federaalka ah soo maraya iyo in ay safaaradda Somaliland ee Addis-Abbaba xirto” ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Cabdushakuur. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:- Itoobiya waxay Ankara kala soo laabatay gaarista Badda Soomaaliya ee gelid iyo bixid, Soomaaliyana gobbonimo, madaxbannaani iyo wadajir dhul oo ay dunidu 64 ka hor noo aqoonsatay. Xadgudubka Abiy wuxuu ka soo hojeeday sharciga caalamiga ah, waxaa diiday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Midowga Yurub iyo Maraykanka, Wejigabax iyo takoor diblomaasiyadeed ayuu ku jiray, hadda waa laga saaray, waa faa’iido kale oo uu Ankara kala soo gadoomay. Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Itoobiya marna ma oran waxaan diidanahay gobbonimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya ee ficilkeed gurracan iyo MOU ay Somaliland la saxiixatay ayaa ku tiri. Haddaba, haddii ay aqoonsatay gobbonimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa sida loo dabaaldegee, waxaan arki doonnaa qunsulayadiheeda ka furan Hargaysa iyo Garoowe oo wasaarada arrimaha dibadda dowladda federaalka ah soo maraya iyo in ay safaaradda Somaliland ee Addis-Abbaba xirto. Istaraatiijiyada Abiy waxay ahayd ku qabso ku qadi maysid, isagoo ka faa’iidaysanaya kala qaybsanaanta Soomaalida. Madaxweyne Xasan halkii uu dadkiisa midaysan lahaa, wuxuu ka shaqeeyey kala qaybintooda. Hoggaanka dowladda waxaa ka idlaaday sumcaddii lagu aamini lahaa, hadalkoodana lagu rumayn lahaa. Waxay soo kiciyaan dad kale oo u hadla, nafna waxay ka dayaan warka mucaaradka Itoobiya. War hooy weli fursad ayaad haysataan ee dadkiina la heshiiya. “Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi naqon waa” Timacade (AUN)
  3. Wareegtooyin Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/WM/222-003/122024 uu ku magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku xigeennada Jamhuuriyadda Somaliland ee Xukuumadda Cusub yeelan doonto. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasaaradaha hoos ku xusani u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka; Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan: 1. Mudane Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 2. Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin) Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland 3. Mudane Yoonis Axmed Yoonis Muxummad Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland 4.Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 5. Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland 6. Dr Xuseen Bashiir Xirsi Wahan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 7. Mudane Xuseen Axmed Caydiid Warsame Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland 8. Mudane Khadar Xuseen Cabdi Looge Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland 9. Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland 10. Mudane Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland 11. Eng Axmed Jaamac Barre Rooble Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland 12. Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland 13. Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 14. Proff Ismaaciil Yuusuf Ducaale Guuleed Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland 15. Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good Wacays Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 16. Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe) Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland 17. Mudane Maxamuud Cige Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 18. Mudane Fu’aad Axmed Nuux Nuur Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland 19. Mudane Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle Wasiirka Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland 20. Mudane Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland 21. Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland 22. Mudane Jamaal Maxamed Jaamac Axmed Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland 23. Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. Wasiirka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland 24. Mudane Axmed Maxamed Faarax Coofle Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland 25. Mudane Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye Wasiirka Wasaaradda Xannaanada iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland 26. Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland 27. Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur Furre Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland 28. Mudane Siciid Maxamed Buraale Carraale Wasiirka Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Wasiiru-dawlayaal 29 Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland 30 Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 31 Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Wasiir Ku xigeenno 32 Mudane Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 33 Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland 34 Mudane Muuse Askar Guuleed Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland 35 Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 36 Mudane Jamaal Jaamac Xaamud Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland 37 Mudane Cali Axmed Cabdi Cantar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland 38 Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 39 Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland 40 Mudane Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland 41 Mudane Cabdiraxmaan Shide Bile Dharaar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland 42 Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaarada ee Jamhuuriyadda Somaliland 43 Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland 44 Eng Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga & Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 45 Mudane Jawhar Siciid Warsame Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland 46 Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland 47 Mudane Maxamed Muuse Bucul Bookh Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland 48 Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ALLAA MAHAD LEH ________________¬ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  4. Liiska Golaha Wasiiradda xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Dr Cirro & sida BEELAHA SOMALILAND u kala heleen. 1: Cabdale Maxamed Sandheere: Wasiirka Arimha gudaha iyo Amniga – Gabiley Clan, Ciise Muuse. 2- Xasan Axmed Macalin: Wasiirka Dawladaha Hoose – East Burco Clan, Cimraan 3- Yoonis Axmed Yonis: Wasiirka Cadaalada – Toljeclo. 4 -Cabdulaahi Xasan Cawale: Wasiirka Maaliyada – Gabiley Clan, Sacad Muuse 5- Cabdiraxmaan Dahir Bakaal: Wasiirka Arrimaha Dibadda – Gadabuursi, Habarcafaan 6- Dr Xuseen Bashir Wahan: Wasiirka Caafimaadka – Ayuub. 7- Xuseen Axmed Caydiid: Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka & guriyaynta – Arab, Muuse Abokor. 8- Khadar Xuseen Looge: Wasiirka Madaxtooyada – West Burco Clan, Ciidagale. 9- Cali Jamac Buureed: Wasiirka Kaluumaysiga – Harti, East Sanaag Clan. 10- Maxamed Yusuf Ilkacase: Wasiirka Gaashaandhiga – East Burco Clan, Solamadow 11: Axmed Jaamac Barre: Wasiirka Macdanta iyo Tamarta – Awdal Clan, Maxamed Case. 12: Marwo Kaltun Sheikh Xasan: Wasiirka Qorshaynta – Gabiley Clan, Sacad Muuse. 13: Cismaan Ibrahin Afgaab: Wasiirka Gaadiidka – West Burco Clan, Habaryoonis 14: Prof Ismail Yusuf Du’ale: Wasiirka Waxbarashada Somaliland – East Burco Clan, Muuse Abokor. 15: Abubakar Cabdiraxman Good: Wasiirka Biyaha – Awdal Clan, Maxamed Case. 16: Marwo Milgo Maxamed Sanbalooshe: Wasiirka Shaqada – Arab, Hashim. 17: Maxamuud Cige Yusuf: Wasiirka Beeraha, Gabooye. 18: Fuad Axmed Nuux: Wasiirka Duulista – Gabiley Clan, Sacad Muuse. 19: Axmed Yasiin Sheikh Cali: Wasiirka Warfaafinta – Awdal Clan, Makaahiil. 20: Cabdullahi Cisman Geeljire: Wasiirka Deegaanka – West Burco Clan, Habaryoonis. 21: Axmed Awdahir Xaji: Wasiirka Dastuurka iyo Xiriirka Golayaasha – Harti, Sool clan. 22: Jamal Mohamed Jama: Wasiirka Isgaarsiinta – Harti, Sool clan. 23: Saleebaan Ducaale Xaj: Wasiirka Dib udejinta – East Burco Clan, Reeryoonis. 24: Axmed Maxamed Coofle: Wasiirka Ciyaaraha – Ciise. 25: Cumar Shucayb Maxamed: Wasiirka Xanaanada Xoolaha – Gabiley Clan, Ciise Muuse. 26: Sheikh Abdulahi Bashe: Wasiirka Diinta & Awqaafta – East Burco Clan – Cumar. 27: Cabdiraxmaan Xasan Nur Furre: Wasiirka Ganacsiga – West Burco Clan, Ciidagale. 28: Siciid Maxamed Buraale: Wasiirka Maalgashiga – Harti, East Sanaag Clan. Qaran News
  5. Abdi Farah Saeed:”Puntland State of Somalia calls for the reimposition of the arms embargo on Somalia to prevent a civil war.” Garowe (PP News Desk) — The Puntland State of Somalia Minister of Interior, Abdi Farah Saeed (Juha), stated that serious national security threats have arisen due to the lifting of the arms embargo on the Federal Republic of Somalia. Juha claimed that the weapons supplied to the Federal Government of Somalia “have been used for politically motivated conflicts based on personal and political interests.” He denounced the recent deployment of Somali Army troops to Raaskambooni in Jubaland State, describing it as an attempt to destabilise a peaceful federal member state. “It is an act of irresponsibility on the part of the Federal Government of Somalia, which is unfit to be entrusted with such weaponry,” said Juha. The minister cited an example where President Hassan Sheikh Mohamud’s government allegedly misused drones that were provided to fight terrorist groups. He noted that there are no clear rules governing the use of the limited number of drones in the Somali Army’s possession. The decision of the Federal Government of Somalia to resolve the Jubaland controversy through military means has raised concerns about the misuse of arms supplied to Somalia to fight terror groups, following the lifting of the 30-year embargo on Somalia one year ago. “Puntland State of Somalia calls for the reimposition of the arms embargo on Somalia to prevent a civil war. It is clear that Somalis cannot handle the responsibility that comes with the lifting of the arms embargo” said Juha. Thabit Mohamed, the former Mayor of Mogadishu, expressed a similar sentiment about the alleged irresponsibility to use Somali Army weapons for settling political scores. “ It is time for [the] International Community to review the management of lifting of the arms embargo for Somalia after Cowsweyne disaster and now Raskamboni national humiliation. The sole responsibility for the latter lies with the Federal Government of Somalia” tweeted Thabit. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Interior Minister Urges Reimposition of Arms Embargo on Somalia appeared first on Puntland Post.
  6. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, haddana ah taliyaha guud ee ciidanka dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, Cali Jayte Cismaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay dalka. Cali Jayte ayaa ka horyimid tallaabada ay dhowaan qaadday dowladda dhexe ee ay ciidamada ku gaysay deegaannada maamul goboleedka Jubbaland, isaga oo wax laga xumaado iyo qorshe xumo ku tilmaamay tallaabadaasi. Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo Macawiisleyda ay garab ka waayeen dowladdooda, isla markaana hubka ay ku dagaalamaan ay iyaga soo iibsadeen, taas beddalkeeda dowladdu ay ciidamo ku gureyso hal jiho ah oo kaliya. “Inay dagaalamaan dad masaakiin ah oo qoryo ay kala baxeen geelooda ku dagaalamayo ay cidi saad siineyn ee cidi mushaar siineyn, meel kalena ciidamadii Soomaaliya lagu guro oo hal jiho ah Soomaali baan u bandhigeynaa” ayuu yiri gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu farriin u diray dalalka Soomaaliya ka taageera dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay hoos u eegayaan waxa ka socda gudaha dalka. “Dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya ee gacanta ka siiya xagga dagaalladana, waxaana leenahay talo ayaa Soomaaliya ku leedihiin hoos u eega” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan lagu kala baxay arrintii Raaskambooni, kadib dagaal ka dhacay magaaladaas oo looga adkaayay ciidamada dowladda. Dhammaan ciidamadii halkaasi la geeyay ayaa noqday, kuwa la qabtay, kuwa isku dhiibay ciidanka Kenya iyo kuwa oo kale noqday dhimasho iyo dhaawac.
  7. Hargeisa (HOL)— Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro announced his Council of Ministers on Saturday, unveiling a 48-member cabinet shortly after his inauguration as the region's sixth president. Source: Hiiraan Online
  8. Dagaal xooggan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay ayaa maanta o Sabti ah ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan bilowday kaddib markii ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan mileeshiyaad abaabulan ay weerar ku qaadeen dhinaca beelaha Harti ka deggan yihiin magaalada Ceerigaabo. Wararka ayaa tilmaamaya in xaafadaha la weeraray ay amnigooda sugayeen ciidamada SSC-khaatumo iyo ciidamada Maakhir kuwaasi oo si weyn u difaacay shacabka iyo hantidooda islamarkaana dib u riixay ciidamadii soo weeraray. Maamulka SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalkaasi ayaa si adag u cambaareeyay duullaanka Somaliland ku qaaday magaalada Ceerigaabo waxaana uu caddeeyay in uu difaacayo shacabka ku dhaqan degmadaasi. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka SSC PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Ceerigaabo iyo SSC oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo kooxaha argagixisada ay halis ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo ladagaallanka Maalgelinta argagixisada, ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha xagjirka ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo. “ Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“. Mudane Xamsa, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero la dagaallanka kooxaha xagjirka ah iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo sanad ah ayaa waxaa laga joogaa maalintii guusha wayn laga gaaray barnaamijka deyn cafinta oo dowladda federaalka ay kasoo hoysay guul wayn, kadib markii dhammaan laga cafiyay daymihii lagu lahaa. Sanad kadib waxa ay dowladda Soomaaliya soo saartay warbixin cusub oo ay uga hadleyso guushan, taas oo lagu sheegay in aanu weli wax isebaddal ah ku imaanin. Wasiirka maaliyadda, Biixi Imaan Cige oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in wax deyn ah amuddada sanadkan ah aysan qaadan dowladda federaalka, taas oo ah guul kale. Hoos ka akhriso warbixinta:- Waxaa muddo sanad ah laga joogaa gaariddii Dowladda Soomaaliya ee hannaanka deyn cafinta oo soo socday muddo ku dhaw 10 Sanadood, hada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu uga hadlay marxaddda Soomaaliya ee sanad kadib qorshii gaaridda barta kama dambeynta ah ee deyn cafinta Mudane Wasiir Biixi ayaa qormadiisa ku bilaabay sidatan, Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar, taas oo cuuryaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, xiligaasi waxa uu ahaa gaba gabada halgankii dib-u-habaynta Maaliyadda oo lagu guulaystay kadib muddo toban sano ku dhow oo uu soconayay. Sannad ka dib, waxa aan si guul leh u wada xoojinay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 oo aan saxiixnay heshiisyo is xig-xiga, sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah taas oo kale la galnay dalalka aan ka midka aheyn Naadiga ee loo yaqaano 𝐍𝐨𝐧-𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛, intaasi waxaa sii dheer iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale hadana wax deyn cusub ah Dowladda Soomaaliya ma galin muddadaas Sanad ka ah, innagoo ilaalinay xasilloonida dhaqaalaha guud ee dalka, sare u qaadidda dakhliga, sii wadidda dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta maamul-wanaagga Maaliyadda. Dowlad ahaan waxa aanu ku sii adkaysanaynaa sii wadidda qorshe yaasha dib-u-habaynta iyo kobcinta dakhliga si aan u maalgalino adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo ay ku jiraan shaqaaleysiinta macalimiin badan iyo maalgalinta adeegyada caafimaadka”.
  11. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQMyL56doIo2sJhL0jFNoie7DDzmQXIAaseE_BrRxuc_oGcBudu3Z3MCE2hAH0M9HG0Mg2pIiXlpzwjRfntByqWG.mp4 Qaran News
  12. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa faray muddo saddex cisho gudahood ah inay xilalka ku wareejiyan wasiirada Xukuumadii hore kuna wareejinayan masuuliyinta cusub ee loo magacaabay. Qaran News
  13. Ceelbuur (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Xarar-Xayle oo hoostaga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo saaka qarxay ayaa u dhexeeyAY labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee isla gobolka Galgaduud. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 9 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah. Xaaladda deegaanka ayaa weli aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kasii wada halkaasi. Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa weli wada isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi lagu hoobtay ee ka dhacay deegaankeeda. Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug.
  14. DRG DEG Hormada cusub ee wasirada xukumada ciro oo hada la so dayay. . Magacyada wasirada cusub 1. Cabdallaha Sandheere, Minister of Security. 2nd time. 2nd time Fuaad Ahmed Nuux, Minister of Aviation. 3.\n Cabdillahi Geeljirka, Minister of Environment Ministry. 4.\n Ismail Duale Yusuf, Minister of Education. 5 . 5 Yusuf Kayse Cabdillahi, Deputy Minister of Air Aviation. 6th of the day. Ahmed Yasin Sh Ali Ayanle, Minister of Information. 7th grade. Hussein Axmed Caydiid, Minister of General Affairs. 8. Mrs. Kaltuun Sheikh Hassan the minister of planning. 9.\n Miss Milgo Family Minister. 10. 10. Yoonis Ahmed Yoonis, Minister of Justice. 12.\n Khadar Hussein Abdi, the minister of the presidential palace. 13. Cabdilahi Baashe the minister of Religion and Religion. Geljire wasirka degaanka. Khader wasirka madaxtooyada. La soco liiska oo dhamaystiran Qaran News
  15. Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay golaha xukuumaddiisa cusub. Xukuumadda cusub oo ka kooban 28 wasiir, saddex wasiiru-dowle iyo 17 wasiir ku xigeen, islamarkaana tirada guud dhan tahay 48 xubnood, waxaa ku dhawaaqay af-hayeenka madaxweyne Cirro, Xuseen Aadan Cige (Deyr). Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha, halka Xasan Axmed Ducaale (Macallin) loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Somaliland. Yoonis Axmed Yoonis Muxummad ayaa loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, halka Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland. Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, halka Xuseen Bashiir Xirsi Wahan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Xuseen Axmed Caydiid Warsame ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, halka Khadar Xuseen Cabdi Looge loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada. Sidoo kale, Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca, halka Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Somaliland. Halkaan ka akhriso Liiska oo dhan Wareegtooyin Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/WM/222-003/122024 uu ku magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku xigeennada Jamhuuriyadda Somaliland ee Xukuumadda Cusub yeelan doonto. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasaaradaha hoos ku xusani u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka; Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan: 1. Mudane Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 2. Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin) Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland 3. Mudane Yoonis Axmed Yoonis Muxummad Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland 4.Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 5. Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland 6. Dr Xuseen Bashiir Xirsi Wahan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 7. Mudane Xuseen Axmed Caydiid Warsame Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland 8. Mudane Khadar Xuseen Cabdi Looge Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland 9. Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland 10. Mudane Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland 11. Eng Axmed Jaamac Barre Rooble Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland 12. Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland 13. Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 14. Proff Ismaaciil Yuusuf Ducaale Guuleed Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland 15. Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good Wacays Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 16. Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe) Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland 17. Mudane Maxamuud Cige Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 18. Mudane Fu’aad Axmed Nuux Nuur Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland 19. Mudane Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle Wasiirka Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland 20. Mudane Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland 21. Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland 22. Mudane Jamaal Maxamed Jaamac Axmed Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland 23. Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. Wasiirka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland 24. Mudane Axmed Maxamed Faarax Coofle Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland 25. Mudane Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye Wasiirka Wasaaradda Xannaanada iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland 26. Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland 27. Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur Furre Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland 28. Mudane Siciid Maxamed Buraale Carraale Wasiirka Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Wasiiru-dawlayaal 29 Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland 30 Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 31 Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Wasiir Ku xigeenno 32 Mudane Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 33 Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland 34 Mudane Muuse Askar Guuleed Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland 35 Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland 36 Mudane Jamaal Jaamac Xaamud Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland 37 Mudane Cali Axmed Cabdi Cantar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland 38 Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 39 Mudane Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland 40 Mudane Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland 41 Mudane Cabdiraxmaan Shide Bile Dharaar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland 42 Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaarada ee Jamhuuriyadda Somaliland 43 Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland 44 Eng Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga & Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland 45 Mudane Jawhar Siciid Warsame Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland 46 Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland 47 Mudane Maxamed Muuse Bucul Bookh Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland 48 Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ALLAA MAHAD LEH PUNTLAND POST The post Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo ku dhawaaqay golihiisa xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-002/122024 uu ku magacaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland. Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland. Ninkaan ayaa horay usoo noqday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland. Cirro ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland kuwaasoo ka imaanaya Xisbiga talada la wareegay ee Wadani. Source: goobjoog.com
  17. Hargeisa (HOL) — Somaliland's new government announced plans to reevaluate its memorandum of understanding (MoU) with Ethiopia following the recent Somalia-Ethiopia agreement mediated by Turkey, which resolved a year-long diplomatic dispute over the MoU. Source: Hiiraan Online
  18. Hargeisa,(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa afhayeenka madaxtooyada u magacaabay Mudane Xuseen Dayr. Mr Dayr ayaa dhawaan lagu wadaa in uu warbaahinta kaga dhawaaqo liistada cusub ee xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu soo dhisay. Qaran News
  19. Wararka ka imaanaya deegaanka Latakiya ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada Ruushku ay billaabeen inay rartaan saanad militari oo u yaallay saldhig weyn oo ay halkaas ku lahaayeen. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya oo ku sugan aagga Latakiya ayaa sheegay in diyaarad xamuul oo Ruushku leeyahay ayaa Sabtidii u duushay Liibiya, taas oo la rumaysanyahay in qaatay saanad ciidan. Dowladda Ruushka oo xulufo la ahayd maamulkii Bashaar Al-assad ee dhowaan la riday ayaa haatan u muuqanaysa inay soo afjarayso joogitaankeeda militari ee dalkaasi Suuriya, balse Kremlin-ku kama hadlin inay xariir la yeelanayaan maamulka cusub iyo in kale. Source: goobjoog.com
  20. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in halis amni oo xooggan ka timid cuna-qabatayntii hubka ee laga qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Juxaa ayaa sheegay in dagaallo siyaasadaysan oo dano shakhsiyaad ku dhisan loo adeegsaday hubkii dowladda Xasan Sheekh ku heshay magaca Soomaaliya, taasi oo muujisay mas’uuliyad-darrada dowladda Federaalka, oo uu ku tilmaamay mid aan lagu aamini karin hubkaasi. Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in dowladda Xasan Sheekh dagaalkii Raaskambooni u adeegsatay diyaaradaha drone-ka ee lagu bixiyay magaca Soomaaliya, si looga taageero dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, taasina muujimayso heerka mas’uuliyad-darro ee dowladda talada haysa. Wasiir Juxaa ayaa sidoo kale ku baaqay in cuna-qabatayntii hubka dib loogu celiyo Soomaaliya, si aysan Soomaalidu isugu layn hubka gacantooda galaya, maadaama aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo hub lagu aamini karo, islamarkaana maamulka Xasan Sheekh qeyb ka noqday dagaallada sokeeye. “Waxaa muhiim ah in cuna-qabatayntii hubka ee la joojiyay dib loo soo celiyo, Soomaalidu mas’uuliyaddaasi ma qaadi karto, hubka la siiyana iyaga isu adeegsan doonaa. Hadda drone ba isu isticmaaleen, wax ka weyna waa isu isticmaali doonaan” ayuu yiri Juxaa. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaalidu aysan weli dhexdooda heshiin, oo weli ku jiraan marxaladdii dagaallada, islamarkaana aysan helin dowlad dhexe oo mas’uuliyadda hubkaasi qaadi karta, sidaasi darteedna loo baahan yahay in cuna-qabataynta hubka lagu celiyo. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku baaqday in Soomaaliya dib loogu celiyo cuna-qabatayntii hubka appeared first on Puntland Post.
  21. Baaralamaanka Koonfurta Kuuriya ayaa waxay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, waxaana u codeysay 204 xubnood. Arrintaan ayaa waxaa micnaheedu yahay in Yoon sida ugu dhaqsiyaha badan looga mamnuuci doono xafiiska, ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaana noqon doono sii hayaha xilka madaxweynaha. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhiibtay codkooda ku aadan mooshinka xilka qaadista ah, waxaana ay haatan warbaahinta gudaha dalkaas tabineysaa in la rajeynayo in natiijada cod bixinta lagu ogaado saacad gudaheed, xilligaas oo ku aadan gudaha dalkaas, 17:30, kuna beegan 11:30 waqtiga geeska Africa. Mooshinka ay keeneen mucaaradku ayaa waxa uu u baahan yahay oo kaliya sideed cod oo ay ka helaan dhanka xisbiga talada haya ee PPP si uu u dhaqan galo. PUNTLAND POST The post Baarlamaank Koonfurta Kuuriya oo u codeeyay xilka qaadista madaxweyne Yoon Suk Yeol appeared first on Puntland Post.
  22. Wakaaladda wararka ee Reuters, waxay soo bandhigtay khiyaannada uu Bashaar Al-assad kula kacay la-taliyayaashiisa amniga, saraakiisha militariga, sirdoonka iyo howlwadeennada xafiiskiisa, saacadihii u dambeeyay ee uu ka baxayay Dimishiq. Saacado ka hor inta uusan u baxsan Moscow — Bashaar waxa uu la kulmay 30 ka tirsan saraakiisha u sarreysa ciidamada, nabadsugidda iyo la-taliyayaasha amniga, wuxuu markaa u sheegay in ay soo socoto taageerrada militari ee Ruushka oo si dhaqso ah u burburin karta horu socodka ciidanka mucaaradka , isagoo ku boorriyay inay adkaystaan—waxa uu soo gaba gabeeyay shirkii, waxa uuna ku wargaliyay maareeyaha xafiiskiisa in uu ku laabanayo gurigiisa, balse waxa uu aaday dhanka saldhigga ciidamada Ruushka si uu uga baxsado. Intii uu sii socday ayuu wacay lataliyihiisa dhanka warbaahinta Buthaina Shaaban, wuxuuna ka codsaday in ay timaado gurigiisa si ay khudbad uu kula hadlayo dadweynaha Suuriya iyo caalamka ugu diyaariso — laakin markii Buthaina ay timid gurigiisa, waxay oggaatay inuu gabi ahaanba gurigu madhan yahay, waxay qaadatay 24 saac in la oggaado halka uu aadday Bashaar! Wax walba uu sameeyay Bashaar, waxay ahaayeen wax ku talagal u dhacay wuxuu si bareer ah ula kulmay taliyaasha, halka uu ula kac u wacay Buthaina , isagoo ku wargelinaya inay u diyaariso khudbad uu ku sawiran yahay , wax kasta wuxuu u sameeyay waa inuu ka baxsanayay in la dilo! Warkan wuxuu soo baxay , iyadoo maalin ka hor ay soo bandhigtay shabakadda Bloomberg in baxsashada Bashaar Al-assad ay diyaariyeen sirdoonka Ruushka , kuwaa oo xataa sameeyay in la damiyay raadaarka diyaaradda geysay saldhigga Ruushka oo labo mar la beddelay jihada ku toosan illaa la dambiyay raadaarkii lagala soconayay duulimaadka. PUNTLAND POST The post Warbixin laga helay Khiyaano uu sameeyay Bashaar Al-assad ka hor inta uusan ka baxsan dalkiisa appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) — Kenya has intensified security along its border with Somalia following violent clashes between Somali federal forces and Jubbaland troops in Raskambooni, a strategic town in the Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
  24. The EU on Thursday expressed satisfaction with the resolution of the dispute between Ethiopia and Somalia, recognizing Türkiye's "important" role in the process. Source: Hiiraan Online
  25. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka hadlay guusha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan deyn cafinta, isagoo xusay in sanad ka hor ay Soomaaliya ka gudubtay caqabadihii dhaqaale ee waaweynaa. “Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar.” Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in muddada sanad ka soo wareegtay aysan dowladda Soomaaliya wax deyn cusub ah qaadan, iyadoo la sii wado dib-u-habaynta maaliyadda, kor u qaadidda dakhliga, iyo maalgalinta adeegyada bulshada. Wasiirka ayaa yiri: “Sannad ka dib, waxa aan si guul leh uga wada xaajionay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca Naadiga Paris… sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah la galnay dalalka aan ka midka ahayn Naadiga ee loo yaqaano Non-Paris Club.” Dowladda Soomaaliya ayaa ka faa’iideysatay fursadaha ay bixiyeen is-afgaradyada caalamiga ah, iyadoo xoogga saartay ilaalinta xasilloonida dhaqaale, maalgalinta adeegyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, iyo shaqaaleysiinta macallimiinta cusub. Source: goobjoog.com