-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In the early evening of November 11, after four days at sea, the passengers of two boats carrying 75 Somali migrants spotted distant lights and a hill. They could hear the muezzin calling for the Maghreb, Muslim evening prayers. Their destination, Mayotte, a French island in the Indian Ocean, was finally in sight. Source: Hiiraan Online
-
Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u tagay ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan. Source: goobjoog.com
-
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/G Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayas si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab. Qeybtan cusub ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska. Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed G/sare Mahdi Cumar Muumin Guddoomiyaha Degmada Xajajab iyo Masuuliyiin ka kala socdey Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir . “Xabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg hufan oo xushmad leh, gaar ahaan marka ay timaado daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye ku xigeenka. Source: goobjoog.com
-
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee Puntland (DXAP) ayaa sheegay in ay sare u kaceen rabshadaha qoyska, kuwaas oo si xun u saameeyey qoysaska, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Wuxuu tilmaamay in rabshadahan ay qayb ka yihiin caqabado la xiriira dhaqaale-xumo iyo shaqo la’aan, taas oo dhalinyarada si gaar ah u saameysay. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo wacyigelinta iyo ka-hortagga rabshadaha qoyska, iyadoo la siinayo mudnaan gaar ah dadka nugul iyo ilaalinta xuquuqdooda. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee Dawladda Puntland (DXAP) ayaa baaq ku aaddan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha u diray shacabka iyo maamulka Puntland. Xuskan, oo sanadkan looga dabbaal-degayo 76 sano guuradii kasoo wareegtay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, wuxuu diiradda saaray ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta caddaaladda. Guddoomiyaha Xafiiska DXAP ayaa ku booriyey dowladda iyo bulshada Puntland inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta fulinta sharciyada iyo xeerarka lagu difaacayo xuquuqda aadanaha, iyagoo ka hortagaya xadgudubyada ka dhanka ah dadka nugul. Source: goobjoog.com
-
Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Recep Tayyip Erdoğan. Qoraal Rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdiga uu hoggaaminayo magaalada Ankara u tageen ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. “Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri Qoraalka oo intaasi ku daray” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in ay u mahadcelinayso dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Soomaaliya oo ka warbixisay Wareegga Saddexaad ee Wada-hadallada Itoobiya iyo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir ayaa ku dhawaaqay, in uu billaabay dhaqaajinta howlaha qaran ee dalka, kaddib marki uu taageero buuxda ka helay dhammaan kooxaha fallaagada ee xukunka ka tuuray madaxweynihi hore Bashar Al-Asad. Khudbad kooban oo laga baahiyay telefishanka, ayuu Al Bashiir ku sheegay in uu dowladda ku meel gaarka ah hoggaamin doono ilaa 1-da bisha March ee sannadka foodda nagu soo haya. Ninkan ayaanan si wanaagsan looga aqoon guud ahaan Suuriya, balse ku soo caan baxay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, halkaas oo uu hogaamiyay maamul hoosaadka ay dhiseen kooxaha mucaaridka ee taageerada ka hela dowladda Turkiga. Magaalada caasimadda ee Dimishiq, bankiyada, goobaha ganacsiga ayaa shalay dib loo furay marki ugu horreysay tan iyo Axaddii marki ay mucaaridka awoodda ka riday rajiimki dalka soo maamulayay 50-ki sano ee lasoo dhaafay. Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa marki u horreysay shalay si rasmi ah uga hadashay is baddalka siyaasadeed ee ka dhacay Suuriya. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay si buuxda u taageeryso hannaanka kala guurka siyaasadeed ee Suuriya ayna rajeyneyso in uu horseeddo maamul loo dhan yahay oo aan kooxaysi ahayn. Mareykanka ayaase jabhadda ugu weyn ee Asad xakunka ka tuurtay ee Xayaat Taxriir Al Sham u aqoonsan koox argagixiso ah, lamana oga in uu liiskaasi ka saari doono iyo in kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir oo shaqa bilaabay appeared first on Puntland Post.
-
The Scoop Somaliland, a self-governing region within Somalia, will be much closer to being recognized by the United States as the world’s newest country when Donald Trump returns to the White House in January. Support for the region has grown strong among Republican US-Africa policy leaders on Capitol Hill, right-leaning Washington DC think tanks, and likely Africa advisors of Trump’s incoming White House. Many of these people told Semafor Africa they would encourage Trump to recognize Somaliland “even if it wasn’t on Day One.” Recognizing Somaliland could enable US intelligence to set up long term operations to monitor the movement of weapons in a volatile region as well as keep an eye on Chinese activity. China already has a permanent military base in neighboring Djibouti. It should allow the US to better monitor Houthi activity in Yemen. Last month the territory held its sixth successful election since reclaiming independence from Somalia in 1991, bringing opposition leader Abdirahman Mohamed Abdullahi to office as president. Republicans and other supporters have been encouraged by Somaliland’s democratic strides with a one-person, one-vote system even as conflict-ridden Somalia struggles to organize any elections. Peter Pham, a former Africa envoy in Trump’s first term, said Somaliland’s democratic process had “demonstrated its attractiveness as a partner for the United States and other countries.” Somalilanders who spoke with Semafor Africa from the capital Hargeisa soon after the Nov.13 election said they were confident Trump’s return to the White House will boost their aspirations for independence. “We have a golden opportunity to be closer if not for full recognition but much closer engagement with the US,” said Bashir Goth, who heads the Somaliland mission in Washington DC. Know More If Trump does recognize Somaliland it will likely be disruptive to the Horn of Africa region — which includes Somalia, Ethiopia, Djibouti and Eritrea — say US-Africa watchers, including some who support the idea. “I support recognizing [Somaliland] because they’ve fundamentally proved they can run their own country and there’s no plausible scenario where they’d willingly return to Somalia,” said Joshua Meservey, an analyst at the Hudson Institute think tank. While Somalia’s leaders would likely be displeased with such a decision, Meservey said they hadn’t done enough for the US to not prioritize its own interests in the sub-region. “Recognizing Somaliland would undoubtedly rattle the rump state of Somalia, further destabilize the Horn, and elicit a sharp rebuke from the African Union,” argues Ken Opalo,a political science professor at Georgetown University. Title iconYinka’s view The support for recognizing Somaliland from Africa watchers on the US right is ostensibly about long-term relations with people in the territory. But it’s also about strategic military and shipping interests in the region, as well as countering China. In particular, the Bab-el Mandeb strait in the Gulf of Aden between Somaliland’s Berbera port, Djibouti and Yemen is a “critical shipping choke point” for moving goods and military wares in the sub-region. Based on conversations I’ve had with likely advisors to Trump, Hargeisa shouldn’t expect an easy ride with the Trump White House. As we’ve noted previously, this is going to be a very transactional administration which will want to be sure they’re getting something in exchange for official support. The View From Ethiopia Ethiopia has already made a big bet on Somaliland by signing a controversial maritime agreement with the territory. Africa’s second most populous country is landlocked and very keen to have access to Somaliland’s Berbera port for trade and much more. Prime Minister Abiy Ahmed’s stance with Hargeisa has sparked diplomatic tensions with Somalia’s leaders in Mogadishu and even some mutterings of potential conflict. But if Trump was to recognize Somaliland, Abiy’s gamble could pay off. Title iconRoom for Disagreement Republicans are particularly critical of a so-called “One Somalia” policy which has been supported by the US State Department under President Joe Biden’s administration. The basic policy supports the idea that Somaliland is fully part of Somalia. American Enterprise Institute’s Michael Rubin argues that even if the US isn’t about to recognize Somaliland the State Department should “revert to the policy of the past and treat it in a way that is parallel to its approach to Taiwan.” Source Semafor Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan. Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay jirataanka kulanka Ankara ee Xasan iyo Abiy, waxayna sheegeen in Ethiopia ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay. Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada berri ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya. Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka berri dhacaya ayaa noqonaya kii 3-aad, lamana saadaali karo natiijada.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay jirataanka kulanka Ankara ee Xasan iyo Abiy, waxayna sheegeen in Ethiopa ay codsatay kulanka, Madaxweynaha Soomaaliya-na uu aqabalay. Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Ankara Arbacada berri ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya. Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka berri dhacaya ayaa noqonaya kii 3-aad, lamana saadaali karo natiijada. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in mowqifkii ay ka joogtay arrinta Itoobiya aysan waxaba iska bedelin, wadahadalada dhacayana ay dalbatay Itoobiya, casuumadana uu fidiyey madaxweynaha Turkiga Erdogan. Billihii August iyo Septemper, ayaa wadahadallo laba wareeg ahaa oo uu Turkigu garwadeen ka ahaa ay guuldareysteen. Isla bishii September ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday soo jeedin la xiriirta inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, xilli ay ka qeyb galayeen shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacayay magaalada Beijing, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed. Madaxweynaha ayaa kullankaas shardi uga dhigay in Ethiopia marka hore ay ka noqoto Is-afgaradkii ay la saxiixatay Somaliland, 1-dii bishii Janaayo. Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhex-dhexaadiyaan kulanka, balse kuma guuleysan. Waxaa ka horeeyay, dadaal ay dooneysay dowladda Kenya inay labada madaxweyne isugu keento, kaasi oo isna fashilmay. Dhawaan ayaa sidoo kale, Madaxweynaha Kenya Wiiliam Rutto waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Uganda ay doonayaan inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Ethiopia. VOA
-
Guddoomiyaha la magacaabay ee maamulka gobolka Benaadir mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Deyniile, waxaana uu waxbarshadiisa hoose ilaa heer jaamaceed ku qaatay Magaalada Muqdisho. Guddoomiye Amiir jaamacadaha dunida qaarkood ayuu wax ka soo bartay, wuxuuna shahaadooyin kala duwan ka haystaa Culuumta Islaamka, Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda, Maamulka iyo Maareynta oo uu ka qaatay Jaamacadaha SOAS, University of London, Dugsiga Dhaqaalaha ee Jaamacadda Moosko, Jaamacadda Yale iyo Universiteit Leiden ee dalka Holland. Maxamed Amiir waxaa uu leeyahay waaya-aragnimo dhanka Maamulka iyo Maareynta, iyo amniga iyo siyaasadda ah, Waxaa uu ka soo shaqeeyey wasaaradda Maaliyadda muddo laba jeer ah intii u dhexaysay sanadihii 1986-1990, iyo mar kale oo uu ka noqday khabiir la taliye sare ah ee hagaajinta maamulka maaliyadda iyo fadhisinta hannaanka dowlad wanagga 2010 ilaa 2012. Duqqa Cusub ee Muqdisho Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey Barnaamijka MIDA/TIS ee ay maalgelineysay dowladda Mareykanka hay’addeeda kaalmada dibadda ee USAID, laguna taageerayey dowladda Soomaaliya. Mudane Amiir waxaa in muddo ahba ku noolaa Dalka Ingriiska oo uu ku lahaa Xafiis kala talaiya hay’adaha gaarka ah dhinaca kordhinta dakhliga iyo hagaajinta maamulka iyo maareynta. Sidoo kale, guddoomiyaha cusub waxaa uu leeyahay waayo-aragnimo dhicana la talinta shirkadaha ah iyo madaxda dalka waxaanu la taliye u soo noqday Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo uu kala talinayey hay’addii uu Golaha Ammaanka abuuray ee (Somali-Erateriya Monitoring Group) Sidoo kale waxaa uu la taliye u noqday USAID. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odeyaasha ee ka soo jeeda deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo maanta kulan yeeshay ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan deegaanada Jubbaland. Odayaasha ayaa sheegay hadii aan arrintaas wax laga qaban oo xal loo waayo in ay sababi karto in la dagaalamo oo qaxooti badan oo hor leh ay buux dhaafi doonaan xeryaha qaxootiga Kenya. Cismaan Ibrahim Cabdi oo ah guddoomiyaha guddiga nabadgelyada Dhadhaab BBC u sheegay in waxa hadda ka socda Jubbaland ay horseedi karaan dhacdooyin lamid ah wixii dhacay 1992-dii, xilligaas oo qaxooti badan oo Soomaali ah ay gudaha u galeen dalka Kenya. “Waxaan ka walaacsannahay hadii mar labaad uu dagaal dhaco, meesha ugu horeysa oo ay ku soo ordayaan dadkaas waa gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanda Wajeer” ayuu yiri Guddoomiye Cismaan. Ma jiraan qaxooti hadda galaya Kenya oo ka qaxaya xiisadda colaadeed ee ka jirta gobolada Jubbooyinka, balse odayaashaan waxay sheegeen in mar kasta ay yimaadaan dad qaxooti ah, vabashada odayaasha ayaa ku saleysan in laga hortago wax keeni kara in ay dadku soo qaxaan. Sidoo kale Odayaasha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in weli ay xusuustaan saameyntii ay ku reebtay amni xumadii ka dhalatay dagaaladii Soomaaliya ka dhacay 1991-kii. Odayaasha beelaha deggan xadka Soomaaliya iyo kenya ayaa sheegay in xitaa dagaalka uu saameyn ku yeelan karo dhulkooda, waxayna doonayaan in dowlada Kenya ay bilowdo dadaallo heshiis nabadeed loogu raadinayo xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka wada abaabul dagaal oo aad u weyn, halka dowladda federaaka ay maalin kasta ciidan ku sii gureyso gobolka Jubbada Hoose, xaaladda ayaa u muuqata mid aan dagaal huri doonin. Hadii dagaal bilowdo waxaa laga digayaa inay dhici doonto musiibo sababi karta inay dalka dhan ka qarxaan dagaalo sokeeye oo sii faafa, maadaama dowladnimada Soomaaliya ay tahay mid aad u tabar yar.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saartay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Turkiga iyo wadahallada la sheegay inuu la yeelanayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Telefishinka Qaranka ayaa baahiyey qoraal lagu xaqiijiyey xogtaan, waxaana Xasan Sheekh casuumay oo wadahaladaan daadihinaya Madaxweynaha Turkiga Erdugan. “Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.” Dowladda ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay sii amba qaadi doonaan wareegga 3-aad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya. “Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu baahiyey SNTV. Ugu dambeyntii dowladda ayaa xaqiijisay in wadahadal kasta oo dhaca aysan ka gorgortami doonin xaqqa ay umadda Soomaaliyeed oo ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirka dalka ay ugu horeyso. “Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.
-
Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka (Crisis Group) ayaa Somaliland u aqoonsatay meesha kaliya ee Afrika ay ka jirto daganaansho siyaasadeed iyo amni laysku halayn karo, sida ku cad warbixinteeda sanadkan 2024. Warbixinta Crisis Group waxay xustay in Somaliland ay ka gudubtay hubanti la’aantii siyaasadeed kadib doorashadii madaxtooyada iyo xisbiyada ee 13 November 2024, taas oo si nabad ah oo daahfuran u qabsoontay. Warbixintu waxay tilmaantay in doorashadani ay horseedi karto dib u soo celinta xidhiidhada Somaliland iyo Jabuuti, iyo sidoo kale xalinta xiisadaha kala dhexeeya SSC Khaatumo oo sannadihii u dambeeyay colaado ka dhex jireen. “Doorashada madaxweynuhu waxay ku qabsoontay nabad kadib xiisad taagnayd muddo billo ah iyo laba sano oo dib u dhac ah. Hoggaamiyihii mucaaradka ayaa ku guulaystay, taas oo rajo galinaysa horumar ku saabsan xidhiidhada gudaha iyo dibedda,” ayaa lagu sheegay warbixinta. Sida ka muuqata maabka ay baahisay Crisis Group, Somaliland waa meesha kali ah ee qaaradda Afrika ay ka jirto xasilooni siyaasadeed iyo mid amni oo laysku halayn karo. Somaliland wali waxa ay kasoo kabanaysa isjiidjiid siyaasadeed oo soo taxnaa labada sano ee u dambeeyay, dhica kale waxa wali taagan xiisadaha u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, kuwaas oo wali maxaabiis kala haysta. HOL Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. “Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024” ayaa lagu yiri qoraalka. Haddaba sidee looga falceliyay? Maxamed Shidane “Midkii shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda anfaca allaha nooga dhigo guddoomiyaha cusub”. Cabdirsaaq Xaashi ayaa isna yiri “Ninkii Madaale ahaa sidaan miyaa Tareenka looga tuuray?”. Aadan Mungaay “Guddoomiye Yuusuf Madaale, Banaadir wax u dhaamay malah runta marka laga hadlo”. Tayip Xuseen Xasan “Hambalyo gugdoomiyaha cusub, waxaan rajaynaynaa inuu ka shaqeeyo hormarka Caasimadda”. Saajid Axmed “Waxaa fiicna lahayd in la kala qaado guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, hal reer isku beddalaayo wax qurux badan maahan”. Cabduqaadir Yuusuf “Waa tallaabo soo dhowayn mudan, waxaana u rajeynayaa gudoomiye Amiir in xilkaa culus ee loo magacaabay ilaahay u fududeeyo guul iyo horumar”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis ayaa kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka. Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay iskaashiga iyo danaha labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda. Xamza ayaa danjiraha UK la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa. Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, xilli baarlamaanka labadiisa gole ay meel-mariyeen xeerarka muhiimka u ah doorashada iyo sidoo kale guddigii ka shaqeyn lahaa. Dhankiisa danjiraha UK ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka. Go’aanka uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadayo, xilli weli mucaaradka ay diidan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya, iyaga oo qaadacay guddiga doorashooyinka. Waxaa sidoo kale arrintan kasoo horjeedo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo gebi ahaan xiriirkii u jaray dowladda, sababo la xiriirka khilaafka xooggan ee kala dhexeeya.
-
Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan. Dawladda Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wada-hadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka sharci darrada ahaa. Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan, kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goordhow xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul cusub. Sida lagu caddeeyay wareegtada waxaa Madaale lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir oo kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. “Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ku magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ay Villa Somalia ku tilmaantay aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka ahna Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Muqdisho, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024. Source: goobjoog.com
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo ay ka dageen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo maalmahan laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ugu yaraan 2 diyaaradood ay ka dageen saldhigga loo yaqaan UK ee ay ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin degmada Baladxaawo. Wararka ayaa intaaasi ku daraya in diyaaradahan ayaa sidoo kale la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo halkaas u tegay hoggaaminta gulufka dowladda federaalka ee ka dhanka ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Beledxaawo ayaa waxaa haatan si buuxda u maamulayo ciidamada dowladda, kadib markii ay dhawaan isa soo dhiibeen ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugnaa degmadaasi. Arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ay ku kala fur-fureyso maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana hadda ay isku sii fidineysaa gobolka Gedo. Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaas ay si buuxda u maamulaan ciidanka Xoogga dalka. Xaaladda ayaa u muuqata inay kasii dareyso, iyada oo dowladda dhexe ay isku dayeyso in gebi ahaan meesha laga saaro maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugagaa natiijada iyo halka ay ku dambeyn doono xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso labada dhinac.