Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa wacad ku maray in dhaawaca ku yimid udub dhexaadkii iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, iyo tuuristii Bashaar Al-Asad aysan waxba u dhimi doonin awoodda Iran. Hadalkii ugu horreeyey ee uu jeediyey ka dib markii al-Asad xilka laga tuuray ayuu Ayatollah Khamenei uu sheegay in dadku aanay aqoon waxa iska caabintu tahay. Waxa uu yiri, “waxay moodayaan in marka kooxaha iska caabintu ay daciifaan ay Iran-na daciifayso. Iran waa xoog awood leh, wayna ka sii xoog badnaan doontaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Xoogaggii mucaaradka ee ku sugnaa dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalka ayaa soo afjaray xukunkii dheeraa ee qoyska reer Asad, kaas oo xulufo la ahaa Iran. Al-Asad ayaa muddo dheer kaalin istaraatiiji ah ku lahaa udub dhexaadka wax iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, gaar ahaan fududeynta saanadda hubka ah ee ay Tehran siin jirtay ururka ay xulufada yihiin ee Xizbullah ee dalka Lubnaan. Udub dhexaadka iska caabinta waxaa ku jiray ururada Xizbullah, Xamaas, Xuutiga Yemen, iyo kooxo yaryar oo Shiico ah oo Ciraaq ku sugan. Kooxahan oo dhan ayaa ku mideysnaa in ay ka soo horjeedeen Israel iyo xulufadeeda ugu weyn ee Maraykanka. Hogaamiyaha Sare ee Iran oo ah qofka ugu dambeeya ee go’aamiya arrimaha dalka ayaa Maraykanka iyo waxa uu ugu yeeray taliska Sahyuuniyadda ee Israel ku eedeeyey inay rideen Bashaar Al-Asad. Waxa uu yiri, “Qofna yuuna shaki ka galin in wixii Suuriya ka dhacay ay ahaayeen shirqool ay Maraykanka iyo Israel isla sameeyeen.” Khamenei ayaa sidoo kale eed u jeediyey waxa uu ku sheegay dariksa Suuriya iyo kaalintoodii muuqatay ee waxa Suuriya ka dhacay, isaga oo aan dalna magaciisa sheegin. Ciraaq, Israel, Urdun, Lubnaan iyo Turkey ayaa xad la wadaaga dalka Suuriya. Dalalkaas la xusay, Turkiga ayaa ahaa dalkii muddaba taageerayey in Asad xilka laga tuuro. Turkiga ayaa ciidamo ay ka joogaan Woqooyiga Suuriya, halka dhinaca koonfureedna ay Israel u dirtay ciidamo galay goob dagaallada ka caaganeyd oo QM ay ilaalinaysay, goobtaas oo daris la ah buuralayda Juulaan oo ay horay Israel u goosatay.
  2. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii lagu xalliyay Khilaafkiii Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa wuxuu intaasi raaciyay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadalada farsamo iyo in geedi socodka heshiiska uu guul ku dhammaado. Xoghayaha Guud ayaa mahadcelin u diray Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee Turkiga, kaasi oo fududeeyay isku keenista hoggaamiyeyaasha, wuxuuna xaqiijiyay diyaar garowga Qaramada Midoobey ee taageeridda geedi socodkan muhiimka ah. Heshiiskani ayaa dhigaya in labada dowladood bilaabaan wada-hadallo farsamo, si loo helo marin badeed ammaan ah, oo ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, kaasi oo bilaaban doona ugu danbayn bisha Febraayo ee sannadka 2025, ayna fududeyn doonto dowladda Turkiga. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo soo dhaweeyay Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNnWKUnV8_PfKscXW2wL8yHU7aBet8lSYTEnGLWxolcIgfeZHqD67cFxLuO5MNbRnkrqt8xRFrD1PmOBh1wldnI.mp4 Qaran News
  4. 𝗔 𝗡𝗲𝘄 𝗘𝗿𝗮 𝗼𝗳 𝗛𝗼𝗽𝗲: 𝗪𝗲𝗹𝗰𝗼𝗺𝗶𝗻𝗴 𝗣𝗿𝗲𝘀𝗶𝗱𝗲𝗻𝘁 𝗗𝗿. 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼 Today marks a monumental moment in Somaliland’s journey—a new chapter filled with promise, optimism, and opportunity. The inauguration of Dr. Abdirahman Abdillahi Cirro as the President of Somaliland is not just a transition of leadership but a profound affirmation of our nation’s unwavering commitment to democracy, stability, and peaceful governance. As one of his campaigners for the past three and a half years, I am filled with pride and anticipation for the future of our nation under his leadership. The peaceful transfer of power witnessed today, as President Cirro took the constitutional oath, is a powerful reminder of the maturity of Somaliland’s democratic institutions. In a region often fraught with turmoil, Somaliland continues to stand tall as a beacon of peace and self-determination. This moment is not just a testament to our new president’s leadership but also a victory for every Somalilander who believes in the values of unity, collaboration, and progress. 𝗔 𝗩𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻 𝗥𝗼𝗼𝘁𝗲𝗱 𝗶𝗻 𝗨𝗻𝗶𝘁𝘆 𝗮𝗻𝗱 𝗣𝗿𝗼𝗴𝗿𝗲𝘀𝘀 In his heartfelt inaugural address, President Cirro captured the essence of what Somaliland needs at this critical juncture. He spoke with humility, hope, and determination, reminding us of the power of unity in nation-building. His words, “𝑂𝑢𝑟 𝑠𝑡𝑟𝑒𝑛𝑔𝑡ℎ 𝑎𝑠 𝑎 𝑛𝑎𝑡𝑖𝑜𝑛 𝑖𝑠 𝑛𝑜𝑡 𝑖𝑛 𝑜𝑢𝑟 𝑑𝑖𝑓𝑓𝑒𝑟𝑒𝑛𝑐𝑒𝑠 𝑏𝑢𝑡 𝑖𝑛 𝑜𝑢𝑟 𝑎𝑏𝑖𝑙𝑖𝑡𝑦 𝑡𝑜 𝑐𝑜𝑚𝑒 𝑡𝑜𝑔𝑒𝑡ℎ𝑒𝑟 𝑓𝑜𝑟 𝑎 𝑠ℎ𝑎𝑟𝑒𝑑 𝑝𝑢𝑟𝑝𝑜𝑠𝑒,” reflect his deep understanding of the challenges we face and the collective effort required to overcome them. Somaliland’s progress has always depended on its people. President Cirro’s message emphasized this, urging every citizen to contribute to the realization of a brighter future. It is a call to action for all of us—not just the government but also the people—to work hand in hand toward economic prosperity, social equity, and political stability. 𝗪𝗵𝗮𝘁 𝗪𝗲 𝗘𝘅𝗽𝗲𝗰𝘁 𝗮𝗻𝗱 𝗪𝗵𝗮𝘁 𝗪𝗲 𝗠𝘂𝘀𝘁 𝗗𝗼 Somalilanders have placed their trust in President Cirro, hoping for transformative change. From addressing unemployment and fostering economic growth to enhancing healthcare, education, and infrastructure, the expectations are vast and urgent. His campaign promises spoke to these needs, offering a vision of hope rooted in the principles of good governance and sustainable development. However, it is crucial to remember that meaningful change takes time. We must temper our expectations with patience, giving President Cirro and his administration the space and support they need to lay the groundwork for lasting progress. As he said during his speech, “𝐵𝑢𝑖𝑙𝑑𝑖𝑛𝑔 𝑎 𝑛𝑎𝑡𝑖𝑜𝑛 𝑖𝑠 𝑎 𝑚𝑎𝑟𝑎𝑡ℎ𝑜𝑛, 𝑛𝑜𝑡 𝑎 𝑠𝑝𝑟𝑖𝑛𝑡. 𝐼𝑡 𝑟𝑒𝑞𝑢𝑖𝑟𝑒𝑠 𝑝𝑒𝑟𝑠𝑒𝑣𝑒𝑟𝑎𝑛𝑐𝑒, 𝑝𝑎𝑟𝑡𝑛𝑒𝑟𝑠ℎ𝑖𝑝, 𝑎𝑛𝑑 𝑡𝑟𝑢𝑠𝑡 𝑖𝑛 𝑡ℎ𝑒 𝑝𝑟𝑜𝑐𝑒𝑠𝑠.” Our role as citizens is equally vital. While we hold our leaders accountable, we must also act as partners in progress, contributing in whatever ways we can to strengthen our communities and advance our shared goals. President Cirro’s leadership provides a roadmap, but it is up to us to walk the journey with him. 𝗔 𝗧𝗶𝗺𝗲 𝗳𝗼𝗿 𝗨𝗻𝗶𝘁𝘆 This moment calls for unity above all else. Political differences, while natural in a democracy, must not divide us to the point of stagnation. As President Cirro wisely noted, “𝐴 𝑑𝑖𝑣𝑖𝑑𝑒𝑑 𝑛𝑎𝑡𝑖𝑜𝑛 𝑐𝑎𝑛𝑛𝑜𝑡 𝑠𝑡𝑎𝑛𝑑, 𝑏𝑢𝑡 𝑎 𝑢𝑛𝑖𝑡𝑒𝑑 𝑝𝑒𝑜𝑝𝑙𝑒 𝑐𝑎𝑛 𝑎𝑐ℎ𝑖𝑒𝑣𝑒 𝑎𝑛𝑦𝑡ℎ𝑖𝑛𝑔.” These words echo the wisdom of ancient proverbs, such as, “𝑆𝑡𝑖𝑐𝑘𝑠 𝑖𝑛 𝑎 𝑏𝑢𝑛𝑑𝑙𝑒 𝑎𝑟𝑒 𝑢𝑛𝑏𝑟𝑒𝑎𝑘𝑎𝑏𝑙𝑒,” reminding us that our collective strength far outweighs individual efforts. The road ahead will undoubtedly present challenges, but Somaliland has always thrived under adversity. From securing peace to fostering democracy, our nation has consistently defied the odds. With President Cirro at the helm, we have a leader who embodies the values of resilience, vision, and inclusivity. The legacy of this government will not be built by President Cirro alone. It will be shaped by the collective efforts of every Somalilander—leaders, professionals, elders, youth, and citizens alike. Let us seize this moment to renew our commitment to Somaliland’s growth and prosperity. Let us engage in dialogue, contribute to development, and support the initiatives that will drive our nation forward. As we celebrate the beginning of this new era, let us reflect on the profound responsibility we all share. Change is not the work of one leader or one government—it is the product of a nation united in purpose and determination. 𝗖𝗼𝗻𝗰𝗹𝘂𝘀𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗙𝘂𝘁𝘂𝗿𝗲 𝗕𝗿𝗶𝗴𝗵𝘁 𝘄𝗶𝘁𝗵 𝗣𝗿𝗼𝗺𝗶𝘀𝗲 Today, we stand at the threshold of a promising future. President Dr. Abdirahman Abdillahi Cirro represents a new era of hope, and his leadership is a chance for Somaliland to reach greater heights. Let us rally behind him, offering him our trust, cooperation, and encouragement as he embarks on this transformative journey. As we celebrate this momentous occasion, let us reflect on the president’s words: “𝐿𝑒𝑡 𝑢𝑠 𝑓𝑜𝑟𝑔𝑖𝑣𝑒 𝑜𝑛𝑒 𝑎𝑛𝑜𝑡ℎ𝑒𝑟, ℎ𝑜𝑛𝑜𝑟 𝑡ℎ𝑜𝑠𝑒 𝑤ℎ𝑜 ℎ𝑎𝑣𝑒 𝑠𝑒𝑙𝑓𝑙𝑒𝑠𝑠𝑙𝑦 𝑠𝑒𝑟𝑣𝑒𝑑 𝑜𝑢𝑟 𝑛𝑎𝑡𝑖𝑜𝑛, 𝑎𝑛𝑑 𝑝𝑟𝑎𝑦 𝑓𝑜𝑟 𝑡ℎ𝑒 𝑐𝑜𝑛𝑡𝑖𝑛𝑢𝑒𝑑 𝑠𝑢𝑐𝑐𝑒𝑠𝑠 𝑎𝑛𝑑 𝑝𝑒𝑎𝑐𝑒 𝑜𝑓 𝑆𝑜𝑚𝑎𝑙𝑖𝑙𝑎𝑛𝑑.” Together, with unity and determination, we can transform challenges into opportunities and work towards a prosperous and recognized Somaliland. Congratulations once again to our new president. May your tenure be marked by success, unity, and progress. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠 𝗠𝘂𝘀𝗮 Public Relations Secretary of Waddani Party E-mail: halimusa4@gmail.com Hargeisa, Rep of Somaliland 𝟭𝟮 𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰 Qaran News
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeeshay kaga hadlay dagaalka ka dhacay Raaskambooni, waxaana Guddi loo saaray baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Al-Shabaab “Al-shabaab waxay u suurtagaliyeen Axmed Madoobe in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimid Kismaayo uu gaaro Raaskambooni, halkaas oo sida la ogyahay u jirta wax ka badan 270 kilo mitir Kismaayo, dhul badan oo Shabaab joogaan ayey soo dhexmareen ciidamadaas” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala. Dhinaca kale, maamulka Jubbaland waxay si kulul u diideen eedeymaha ka imaanaya Dawladda Federaalka, Wasiir ku xigeenka Amniga ee Jubaland Aaden Axmed Xaaji ayaa sheegay in eedahaas aysan waxba ka jirin. “Gaadiidkeena anaga badda ayaan marinnay, Buurgaabo ayaan joognay difaaceenna u dambeeya, Raaskambooni iyagaa ciidankeenna kala furay annagaa joognay” ayuu yiri wasiirka u hadlay Jubbaland. Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in iyada ay weerarka soo qaadday sidaasina uu dagaalka ku bilowday. “Warka ay sheegeen waxba kama jiraan, dowladda iyadaa weerarka soo qaadday, dagaalka drone ayuu ku bilowday, wa haynaa drone-ka” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Amniga Jubbaland. Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in warka dowladda ay warbaahinta u gudbineyso uu been yahay. “Dowladda hadii aysan iyada weerarka qaadin, intaas oo diyaaradood ayey meesha geysay, ciidan ATMIS ahaa oo degganaa Raaskambooni ma jiro, maxay ciidamada u geysay” ayuu yiri. Ciidamada dowladda ee la geeyay Raaskambooni waxaa hoggaaminayay Xasan Aadan Maxamed oo loo yaqaan Xasan Ciraaqi oo ah taliyaha guutada 18 -aad ciidanka Gorgor. Wararka waxay sheegayaan in isaga iyo ciidamo la socday ay u gudbeen dhinaca Kenya oo halkaas ay joogaan, balse ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo Jubaland oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda ee laga saaray Raaskambooni.
  6. TAIPEI (Taiwan News) — Deputy Foreign Minister Francois Wu (吳志中) is in Somaliland to attend President-elect Abdirahman Mohamed Abdullahi’s inauguration. The foreign ministry said in a press release on Wednesday that Wu is serving as special envoy to President Lai Ching-te (賴清德). Wu and his delegation were welcomed in Hargeisa by Deputy Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Rhoda Jama Elmi, Somaliland’s representative to Taiwan Mohamed Omar Hagi Mohamoud, and members of the transition team. Wu will attend the inauguration ceremony on Thursday to congratulate Abdullahi as the new Somaliland president on behalf of the Taiwan government. The foreign ministry said Wu will also meet with outgoing President Muse Bihi Abdi and other government officials. On the campaign trail, Abdullahi reassured Taiwan that bilateral ties would not change under his presidency. The Taiwan representative office in Somaliland maintains connections with his Waddani Party. Taiwan and Somaliland established strong ties in 2020. The two democracies share the similarity of not being globally recognized as countries, and denied membership from the UN and most international bodies due to political circumstances. The two sides cooperate in public health, information technology, agriculture, and education. Taiwan has supported two key projects in Somaliland, including a road infrastructure project and a medical center. Somaliland declared independence from Somalia in 1991. It has functioned as a de facto sovereign state, but it is not officially recognized by any country. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano) ayaa caawa guddoomiyey shir ka dhacay xarunta Taliska Boliiska, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga caasimadda iyo u diyaar garowga sanad-guuradii 81-aad ee aasaaska Boliiska Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Boliiska waxaa ku wehliyey Shirkaan ku xigeenkiisa S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayadoo diiradda lagu saaray qiimeynta howl-gallada amniga ee ka socda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka. Arrimaha la iska warsaday waxaa qeyb ka ahaa dagaalkii Raaskambooni iyo saameynta uu ku yeeshay booliska, maadaama cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee booliska Haramcad ay jiraan Raaskambooni. Taliyaha ugu sareeya Haramcad Cabdixamiid Fanax ayaa hoggaaminaya booliska jira Raaskambooni, kaas oo saacadihii lasoo dhaafay la hadal hayey inay nolosha ku qabteen ciidamada Jubbaland, balse ka soo hadlay xuduuda. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska, Taliye Fanax ayaa shirkaan uga qeyb galay qadka taleefanka, isagoo taliyaha iyo saraakiisha kale ee booliska warbixin ka siiyey xaaladda ay ku sugan yihiin ciidankii Haramcad ee qeybta ka ahaa howlgalka Raaskambooni. Sidoo kale, waxaa warbixin laga dhageystey guddiga uu Taliyuhu u xil-saaray qaban-qaabada munaasabadda, kuwaas kulanka kusoo bandhigay qorshayaasha xuska sanadkan oo lagu wado inuu ka duwanaado sanadihii hore.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay inay Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegtay lacag ku jirtay mid kamid ah Akoonada ay isticmaalaan, sidoo kale waxaa la burburiyey shabakad dhanka maaliyadda u qaabilsaneed kooxda. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay in uu burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxaha argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab weynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Lacagta ay dowladdu la wareegtay waa hal Milyan oo doollar oo laga helay akoonada Al-Shabaab, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa shaaciyey in lacagtaas lagu shubay qasnadda dowladda. “Xafiisku waxa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doollar oo laga helay koontooyin maaliyadeed oo ay adeegsan jireen argagixisadu in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda. Sidoo kale waxaa la xayiray akoono kale oo Shabaab looga shakiyey, kuwaas oo malaayiin doollar ay ku jirto, waxaana ku socda baaritaan. “Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa xayiray, baaritaana ku wada koontooyin kale oo lacag malaayiin doollar ah ku kaydsan tahay, kuwaas oo looga shakisan yahay in argagixisadu u adeegsan jireen uruurinta dhaqaalaha ay shacabka ku waxyeeleeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in Koontooyinkan marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada loo gudbinayo Maxkamadda. “Xafliska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qaraalka. Ugu dambayntii warkaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa lagu yiri, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu farayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka howlgala dalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda ka hortagga lacag-dhaqista iyo maalgelinta argagixisada iyo dhammaan xeerarka kale ee dalka.”
  9. Nyeri County Commissioner, Ronald Mwiwawi, has directed all deputy Commissioners, chiefs and their assistants to organize frequent public barazas to address the surging suicide cases in the area. Source: Hiiraan Online
  10. Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada sharciga ee Isku kaashiga dacwadaha dembiyada Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macallin iyo wasiirka cadaaladda Turkiga, Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday heshiiskan. Heshiiskan wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada aharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada ayaa muhiim u ah xoojinta wada shaqaynta dhinaca sharciga. Heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhamaystaan xabsigooda, unala sii joogaan qoysaskooda iyo deegaanka ay yaqaaniin. Heshiiska kaalmada sharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah. Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo qoto dheer, wuxuuna heshiiskan qeyb ka noqonaya heshiisyada muhiimka ah ee gaareen labada dhinac.
  11. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQOM9NnzG6HejP0YTdhHdFMFTB83y6uOXg0YyV5OuRkRdB1aYXAn6eHQWZ9_wpsY8WlP2N0yz-DVYx4KWqs8Jjwc.mp4 Qaran News
  12. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa walaac xooggan ka muujiyay heshiis shaqo-qoris ah oo dhexmaray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya iyo dhiggeeda Sacuudiga. Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Riyaad ku saxiixay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, iyo Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada ee Sacuudiga, Mudane Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-Rajhi. Qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa ka cabanaya dhibaatooyinka ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, marka ay gaaraan dalka Sacuudiga. Mid kamid ah shacabka oo la hadlay Goobjoogtv ayaa sheegay in ay ka naxeen markii maqleen heshiiskaan xilli horay dhibaato loogu geystay Sacuudiga Gabadho Soomaaliyeed “Ma doonayno in dhalinyaradeenna lagu kadeedo dal shisheeye, waxaa muhiim ah in marka hore la xaqiijiyo xuquuqdooda iyo nabadgelyadooda.” ayuu yiri. Qof kale oo la hadlay Goobjoogtv ayaa tilmaamay: “Sacuudiga waxaa horey looga soo wariyay gabdho Soomaaliyeed oo lagu tacadiyay. Dowladdu waa inay ka digtoonaataa saxiixa heshiisyo aan dhalinyaradeenna badbaado u ahayn.” Shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, in ay dib u eegaan heshiiskan, iyagoo mudnaanta siinaya ilaalinta sharafta iyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  13. Ankara (Caasimada Online) – Baaqa oo soo baxay saqdii dhexe ee xalay waxaa uu yimid ka dib kulamo gaar-gaar ah oo dhex maray madaxweynaha martida loo ahaa ee kulanka qaban qaabiyey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulankaan oo ahaa markii ugu horreysay ee ay kulan fool-ka-fool ah yeeshaan tan iyo markii khilafka uu soo dhex galay labada dal, horraantii sannadkan. Shir jaraa’id oo seddexda mas’uul ay wada qabteen ayey ku muujiyeen yididiillo iyo inay doonayaan hore loo socdo. Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Da’uud Aweys oo ka hadlayey wixii lagu heshiiyey ayaa yiri “labada dhinac waxay ku heshiiyeen, ayadoo lagu salaynayo warmurtiyeedka wadajirka ah, dhamaan arrimihii la isku hayey, sida heshiiskii khilaafka dhaliyey in meesha laga saaray, ayna yihiin taariikh tagtay, labada dalna ay u bilaabanayso isqaddarin ku salaysan dhowrista qarannimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal”. Inkastoo uu wasiirku sheegay in meesha laga saaray heshiiska is fahan ee Itoobiya iyo Somaliland dhex maray, misna ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu carrabka ku dhuftay in weli ay doonayaan marin badeed, wuxuuna yiri; “ii ogolaada mar kale in aan halkan ka sheego rabitaanka Itoobiya ee ah inay hesho marin-badeed la isku hallayn karo, taasoo loo marayo waddada nabadda, faa’iidana u ah dhamaan deriskeenna, ayadoo la eegayo tirada da’ yarta ee sii kordheysa, baahida dhaqaalaheenna ayaa qiil noo siinaysa helidda galaangalkaas. Heshiiskii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland Luqadda ay madaxdu isticmaaleen waxay ahayd luqad diblomaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku dhuftay in “heshiiskii khilaafka dhaliyey meesha laga saaray”. Soomaaliya waxay muddadii khilaafku taagnaa ku adkaysanaysay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, shardigaas oo u muuqda in uu hadda hirgalay, maadaama ay itoobiya sheegatay in ay u marayso danaheeda Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya. Abiy Axmed dhankiisna wuxuu sheegay inay doonayaan marin badda ku xiraya oo ay ganacsigooda sii marsiistaan, soona marsiiyaan. Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Muuse Biixi ayaa isna kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey madasha caleema saarka madaxweynaha cusub ueddadii ay Somaliland heshiiska isafgarad ula gashay Itoobiya, wuxuuna cambaarayn kala dul dhacay madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee si toos ah uma uusan sheegin weli inuu heshiiska jiro iyo in kale. Haddaba baaqa Ankara muxuu uga dhigan yahay Somaliland oo heshiis is afgarad la gashay Itoobiya? “Runtii, Hargeysa iyo Addis Ababa way u muuqatay in heshiiskii ay gaareen uusan shaqaynayn, waxna aysan ka hirgelin, maamulkii heshiiska galay ee Hargaysana meesha ayuu ka baxay, sidaa darteed waxay u muuqataa inuusan is-afgaradkaas shaqaynayn. Haddii Itoobiya ay arrintan u hirgeli lahayd way adkaan lahayd in ay maalgelin caalami ah u hesho waddan ama deked ay sharciyaddiisu su’aal ka taagan tahay” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo falanqeeya arrimaha gobolka. Warmurtiyeedka kulanka ka soo baxay ayaa isna lagu sheegay in labada dhinac ay “si dhow uga wada shaqayn doonaan heshiisyo laba geesood ah oo ay ku jiraan mucaahadooyin, heshiisyo muddaysan, iyo qaabab noocaas ah oo u saamaxaya Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya inay ku naallooto marin-badeed la isku hallayn karo, sugan, oo joogto ah ayadoo loo marayo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya”. Waxay ku heshiiyeen in ilaa bisha Febraayo ay bilaabaan arrimaha farsamada, lana soo gabagabeeyo oo la saxiixo 4 bilood gudahood. Haddaba Waddadee loo marayaa in laga miro dhaliyio qodobbadii ay labada dhinac isku afgarteeen. Maxamed Mukhtaar wuxuu falanqeeyaa arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, wuxuuna qabaa in haddii arrimaha Soomaaliya walaaca ku hayey ay meesha ka baxeen ay macquul tahay inay suurtogasho. “Soomaaliya laba qodob ayaa muhiim u ahaa. Kan hore waa in heshiisku noqdo mid qaranka Soomaaliya oo dawladda federaalka ay matalayso looga dambeeyo oo aan wax aqoonsi la yiraahdo lagu beddelan, iyo in uusan meesha soo gelin saldhig milateri. Itoobiyana waxay danaynaysay in ay hesho marin badeed ay isku hallayn karto oo joogto ah, labada dhinacna guiul ayey u tahay” ayuu yiri. Heshiiska waxaa ku qoran in muddo afar bilood ah lagu soo gabagabeeyo arrintan. Maxamed Mukhtaar wuxuu qabaa in wax badan looga fadhiyo guddiga farsamo inuu qabto. “Arrintan waa baaq, waxa loo socdana waa in heshiis rasmi ah la gaaro, guddiga farsamo ayaa laga doonayaa inay u gudbaan farsamadii sheegeysay qaabka labada dhinac ay heshiis uga gaari lahaayeen marin-badeedka ay Itoobiya rabto.” “Goobta ay noqonayso, heshiiska muddada uu soconayo, maamulkiisa, isticmaalkiisa iyo waxyaabo badan oo laga doonayo in guddiga uu soo faahfaahiyo, ka dibna uu u soo gudbiy mas’uuliyiinta labada dhinac,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Mukhtaar. Heshiiskan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah mid gobolka si weyn uu isha ugu hayo iyadoo Itoobiya ay si weyn u isticmaalaysay dekedaha Berbera iyo Jabuuti. “Haddii dhanka wanaagsan laga eego, ma jirto sabab diidaysa in dekedaha Boosaaso, Hobyo, Berbera, ama Garacad ganacsi lagala sameeyo Itoobiya” ayuu yiri isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay tahay suuq weyn oo fursado fiican oo ganacsi laga heli karo. Khilaafka muddada sannadka ku dhow jiitamayey ayaa keenay in kulamo heerkoodu sarreeyo aysan yeelan madaxda labada dal. Isha: BBC
  14. Boqortooyada Ingiriiska ayaa si adag u cambaaraynaysay iska horimaadkii ka dhacay Raas Kambooni maalintii shalay, iyo khasaaraha aan loo dulqaadan karin ee nolosha dadka. War ay soo saartay Safaaradda ayaa lagu sheegay in wadahadallo lagu bedelo dhacdooyinka gacan hadalka keenay. “Waa wax aad looga xumaado in khilaafaadka siyaasadeed ay sababeen dagaallo halis ah, iyadoo baaqyada loo jeedinayay xasilloonida la iska indho tiray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda. warka ayaa intaaasi kusii daray “Dhacdooyinkan laga fursan karay waxa ay wiiqayaan nabadgelyada Jubbaland, waxaana ay u adeegayaan Al-Shabaab. Waxaan si gaar ah u canbaaraynaynaa saamaynta xun ee ay ku yeesheen dad rayid ah oo noloshooda lagu dhibay jarista adeegyada isgaarsiinta iyo xaddidaadda dhaqdhaqaaqa” Ingiriiska waxa uu ku baaqay in la dajiyo xaaladda, isagoo ku celinayay baaqa ah in dhammaan dhinacyadu dib ugu noqdaan wada hadallo wax ku ool ah si loo abuuro waddo lagu gaari karo dib u heshiisiin. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan guul wayn ka sheegatay wada-hadalladii ka dhacay magaalada Ankara ee waddanka Turkiga ee heshiiska looga gaaray xiisaddii u dhexeysay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay heshiiska la gaaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib damacii badda ee Itoobiya. Al-Cadaala ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda federaalka ay qabatay hal sano oo shaqo adag ah, isla markaana ay arrintu ku soo dhammaaday guul xil-gusho ah. “Hal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Wasiirku ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahad-celiyay Alle SWT, madaxda qaraknka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay si wadajir ah ugu istaageen difaaca qarannimada Soomaaliya. “Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Insha’Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,” ayuu sii raaciyay. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xalay rasmi ah ku gaaray magaalada Ankara, kadib markii ay ku kulmeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Abiya Axmed, waxaana heshiiskan taariikhiga ah fududeeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyo farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah.
  16. Badhaadhe (Caasimada Online) – Kadib dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka dhashay hadal-heyn xooggan iyo cambaareyn, maadaama ay wada dagaalameen ciidamo Soomaaliyeed. Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare xooggan iyo in ciidamadii dowladda ay ka cararaan Raaskambooni, ayna isku dhiibaan ciidamada Kenya, iyaga oo ka tallaabaday xadka. Barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya ayaa lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda. Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah. Haddaba yaa qaaayo mas’uuliyadda wixii ka dhacay Raaskambooni? Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, isaga oo ku tilaamay musiibo laga xumaado. Muungaab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mas’uuliyadda wixii dhacay uu qaadi doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isaga oo kaliyana lagula xisaabtami doono. “Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni waa musiibo aad looga xumaaado, in Ciidankii Qaranka ee loo tababaray difaaca Dalka iyo Dowladnimada ay dhexdooda is laayaan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaliya ayaa dusha u ridanaya masuuliyadda wixii maanta halkaas ka dhacay oo dhan, waayo isaga ayaa colaad ka huriyay degaan nabad ah, ciidankii Qarankana u adeegsaday dano siyaasadeed oo gurracan” ayuu yiri Muungaab. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xasanow tan cibro qaadasho hakuu noqoto, kusoo laabo miiska wadahadalka, ka joog duullaanka aad ku qaadeyso maamul Goboleedyada iyo burburinta ciidanka Qaranka, taasoo sii kala geyneyso bulshada Soomaaliyeed”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay ciidamada dowladda looga adkaaday dagaalkii ay la galeen daraawiishta Jubbaland, laakiin waxay dowladdu sheegtay inay ciidamadu haysan amar ay ku dagaalamaan, ayna dib uga gurteen aagga Raaskambooni.
  17. AQPqS15V267RYxr0J-uNhBfxZjGjZIZqFjzFjhA5jJyBdpptLws0V3oZA1Kk-k3Fha8OEwmr-a8DJZBCCJJi4Xor Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Onine) – Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha. Magacaabista Dhuxulow ayaa waxaa isla maanta go’aan ka gaaray golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho. “Golaha Wasiirrada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, in uu noqdo Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagu shaaciyay magacaabistan. Mustafe Dhuxulow oo ah siyaasi rug-cadaa ah aya beddalaya Axmed Siciid Maxamed oo horay xilkan u hayay, isla markaana la magacaabay markii uu dalka ka cararay agaasimihii hore ee hay’adda Cabdul oo mar lagu eedeeyay musuq-maasuq, balse lagu waayay. Magacaabista Dhuxolow ayaa la hadal-hayay maalmahan, waxaana ugu dmabeyn maanta shaaciyay xubnaha golaha wasiirada oo ku magacaabay shirkooda todobaadlaha ah. Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda tallaabooyin isbeddal ah, waxaana ay ahayd maalin kahor markii xilka laga qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir. Waxaa sidoo kale la filayaa inay dhacaan isbeddallo kale oo saameynayaa shaqsiyaad iyo hay’ado waa wayn oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
  19. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bayaan soo saaray ayaa ka horyimid Heshiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee ku saabsan in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato. “Itoobiya waxa ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland. Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba waxa ay ka gilgisheen duullaankaas, waxa ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed “ “Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay” ayuu yiri Xasan Khayre. “Heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1dii Jannaayo 2024 waa folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba. Si khatartaas looga gaashaanto waa in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaataa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato. Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan” ayuu sii raaciyay Khayre. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka in ay ka feejignaato halista ku geedaamaan heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan laga baaraandegin islamarkaanacdhaawac ku noqon doona madaxbannaanida, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare hore Xasan Khayre oo ka horyimid Heshiiskii xalay dhexnaray Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (HOL) — Veteran Somali lawmaker Mustaf Ali Duhulow has been appointed Director General of the Immigration and Naturalization Agency. The decision was announced Thursday during a cabinet meeting chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre. Source: Hiiraan Online
  21. Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in dhaawaca ku yimid udub dhexaadkii iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, iyo tuuristii Bashaar Al-Asad aysan waxba u dhimi doonin awoodda Iran. Hadalkii ugu horreeyey ee uu jeediyey ka dib markii al-Asad xilka laga tuuray ayuu Ayatollah Khamenei uu sheegay in dadku aanay aqoon waxa iska caabintu tahay. Waxa uu yiri, “waxay moodayaan in marka kooxaha iska caabintu ay daciifaan ay Iran-na daciifayso. Iran waa xoog awood leh, wayna ka sii xoog badnaan doontaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Xoogaggii mucaaradka ee ku sugnaa dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalka ayaa soo afjaray xukunkii dheeraa ee qoyska reer Asad, kaas oo xulufo la ahaa Iran. Hogaamiyaha Sare ee Iran oo ah qofka ugu dambeeya ee go’aamiya arrimaha dalka ayaa Maraykanka iyo waxa uu ugu yeeray taliska Sahyuuniyadda ee Israel ku eedeeyey inay rideen Bashaar Al-Asad. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran oo ka hadlay ridistii Bashar Al Asad appeared first on Puntland Post.
  22. Mogadishu (HOL) — Former Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has condemned the recent Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia, labelling it a grave threat to Somalia's sovereignty. The deal, brokered by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, reaffirms Somalia's territorial integrity but fails, Khaire argues, to address Ethiopia's controversial maritime ambitions and its unilateral agreement with Somaliland. Source: Hiiraan Online
  23. AQMjmIfOrMMgW9YVHaynkgzzgPpXLFU3kAmFUnoa92xjkksrYE9RBxU266hcebJCi3Zpa7iASI5TRUFVATBKNSoD Qaran News
  24. Mogadishu (HOL) — Somalia's Federal Government has accused Jubbaland's administration of collaborating with Al-Shabaab militants in a recent attack on government forces in Raas Kambooni, a strategic coastal area in Lower Jubba. The incident, which forced Somali National Army (SNA) troops to withdraw, has further strained Mogadishu's relations with the semi-autonomous region. Source: Hiiraan Online