-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
On January 1, Ethiopia and the unrecognized republic of Somaliland signed a memorandum allowing Addis Ababa access to the Red Sea. As a result, Somalia’s government withdrew its ambassador from Addis Ababa and nullified the agreement between Somaliland and Ethiopia. Ethiopian transit customs points were opened in the port of Berbera, Somaliland. These points will be responsible for transporting unloaded cargo to various destinations within Ethiopia, the Somaliland Ministry of Financial Development announced on Tuesday. This step is part of an initiative outlined in a memorandum of understanding from January between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland. It has led to protests from Somalia, which considers Somaliland an integral part of its territory, and has heightened tensions across the Horn of Africa. Qaran News
-
Ambassador Cabdifatax oo Booqasho ugu Tagay Macalinkiisi Siyaasadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan… Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale kaahin oo shalay kusoo laabtay dalka, una yimi ka qaybgalka caleemo-saarka Madaxweyne Cusub ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro. kulanka dhexmaray Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayay labada masuul waqti badan ka wada sheekeysteen taariikhdii iyo marxaladihii ay soo wada-mareen iyo weliba Somaliland waqtiyada adkaa ee ay kasoo gudubtay. Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin iyo Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa ahaa saaxibo aad isugu dhow, waxanu Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed kamid ahaa Masuuliyiintii u magacaabay Madaxweyne Riyaale. 2004-tii ayuu Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin u magacaabay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed April xidhiidhiyaha jaaliyadaha yurub ee Somaliland sidoo kale Safiirka Somaliland u Fadhiya Erland. Geesta kale, Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa shalay Gurigiisa booqasho ugu tagay Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ay waqti badan ku qaateen halka, iyagoo iska xaal-waraystay arrimo badan oo ay kamid yihiin xilliyadii kala duwana ee ay Somaliland soo martay. Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta booqasho , Salaan iyo Duco ugu yimid madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro ) Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa madaxweynaha la doortey ugu horeyn alleh SWT uga baryey inuu xilka loo doortey u fudeydiyo , waxaana uu siiyey talooyin . Madaxweyne Riyaale ayaa dhawaan dalka u yimid sidii uu uga qeyb geli lahaa caleemo saarka iyo dhaarta madaxweynaha la doortey ee Somaliland . Kulanka waxaa ku wehelinaayey madaxweynaha la doortey madaxweyne ku xigeenka la doortey AMB Maxamed Cali Aw Cabdi . Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war kasoo saaray xiisadda kasii dareysa ee dowladda federaalka iyo Jubbaland ee maanta isku rogtay dagaalka, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland. Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir ah u soo saaray qoraalka ayaa nasiib darro ku tilmaamtay dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada dowladda iyo daraawiishta Jubbaland. Sidoo kale saddexdan siyaasi ayaa si weyn uga horyimid khudbaddii uu Jimcihii jeediyay madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu awood iyo dagaal u adeegsanayo xalka. “Waxaa ayaandaro ah in madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadiisii Masaajidka ku sheegay in isaga iyo Axmed Madoobe ay doorasho keliya isku hayaan oo khilaafka ku xaliyo xabad iyo dhiig daata” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaay ku baaqeen in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Raaskambooni, isla markaana wax weliba lagu dhameeyo miiska wada-hadalka. “Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn” ayaa lasii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo qaadayo, iyada oo ay haatan xaaladda faraha ka baxday, isla markaana dagaal uu dhiig ku daatay uu ka socdo Jubbada Hoose, kaas oo ay guullo ka kala sheegteen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.
-
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si adag uga hadlay weerarka uu maanta Axmed Madoobe ku soo qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay caddeyn buuxda u tahay aragtida argagixisada ku saleysan dagaal-oogidda ee Axmed Madoobe, taas oo u muuqata mid lagu raadinaayo ujeeddooyin siyaasadeed oo sharciga ka soo horjeeda. Wasiir Jibriil ayaa ku nuuxnuuxsaday in Axmed Madoobe uusan marnaba ku guuleysan doonin inuu si awood qori ah ugu taliyo Jubaland. Wuxuu xusay in Soomaaliya haatan ku socoto dariiq dimoqraadi ah, oo shacabka Soomaaliyeed ay taladooda ku dhisanayaan codkooda xor ah, isla markaana la soo dhaafay waayihii dagaal-oogayaasha iyo kuwa shisheeye kalkaalka ah ay awoodda ku haysan jireen. Wasiirka ayaa sidoo kale ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan difaaca nidaamka dastuuriga ah iyo inay shacabka reer Jubaland gaarsiiyaan fursadda ay ku dooran karaan hoggaamiyeyaal ka shaqeeya danaha dadka iyo deegaanka. Wasiirku wuxuu muujiyey taageerada buuxda ee ay dowladda dhexe u hayso ciidanka iyo hawlahooda muhiimka ah ee lagu difaacayo midnimada iyo dowladnimada dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiir Jibriil kula taliyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku xiran taageeridda Axmed Madoobe, inay ka waantoobaan ficillada sharci-darrada ah iyo inay ilaashadaan sharafkooda iyo badbaadadooda. Wuxuu sheegay in Axmed yahay eedeysane, isla markaana looga baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan si aysan ugu eedeysan falalkaas. Source: goobjoog.com
-
Somalilandsun: Ghana’s Vice-President Mahamudu Bawumia has conceded defeat in Saturday’s elections, congratulating opposition leader and former President John Mahama on his victory. Early results suggest this could be one of the heaviest defeats in decades for the New Patriotic Party (NPP), which had been in power since 2016. Voters were angered by a combination of the rising cost of living, a series of high-profile scandals and a major debt crisis that prevented the government from delivering on key promises. As a result, the NPP may have dropped below 45% of the presidential vote for the first time since 1996. Ghana’s vote brings to an end a remarkable 12 months in African politics, which have seen five transfers of power – more than ever before. This “annus horribilis” for governments has now also brought opposition victories in Botswana, Mauritius, Senegal and the self-declared republic of Somaliland. Even beyond these results, almost every election held in the region this year under reasonably democratic conditions has seen the governing party lose a significant number of seats. This trend has been driven by a combination of factors: 1. the economic downturn 2. growing public intolerance of corruption and 3. the emergence of increasingly assertive and well-coordinated opposition parties. The trend is likely to continue into 2025 and will cause trouble for leaders such as Malawian President Lazarus Chakwera, whose country goes to the polls in September. In elections held in November Somaliland opposition leader won presidential election The opposition leader of the republic of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi, is the country’s new president. Abdirahman Irro who contested the Sonaliland Presidency on an opposition party ticket won 64% of the vote More popularly known as Irro, he won with 64% of the vote to become Somaliland’s sixth president since it broke away from Somalia in 1991. The 69-year-old, a former speaker of Somaliland’s parliament, beat incumbent Musa Abdi Bihi, who took 35% of the vote. During campaigning, Irro said his party would review a controversial deal to lease landlocked Ethiopia a 20km (12-mile) section of its coastline for 50 years to set up a naval base – an agreement that has caused a diplomatic feud in the region. Continue listening. Ghana becomes record fifth African nation to see opposition victory this year Somaliland sun Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ayaa war xasaasi ah kasoo saartay dagaalka maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo uu soo diray madaxweyne Axmed Madoobe ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda, kadibna uu sidaas ku qarxay dagaalka oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. “Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta”. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku eedeysay Axmed Madoobe inay xiriir la sameeyay Al-Shabaab, kadibna ay sidaas kusoo dhex-mareen ciidamada weerarka qaaday. “Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo warka lagu yiri in arrintan ay ka dhalan doonto ciqaab adag oo sharci ah, isla-markaana Axmed Madoobe lagula xisaabtami doono tallaabada uu qaaday. “Ficilada Qaran-dumiska ah waxa uu ku mutaysan doonaa ciqaab sharci oo adag” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Dhankeeda Jubbaland ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna shaaciysay inay la wareegtay deegaanka Raaskambooni, sidoo kalena ay qabatay 42 askari oo ka tirsan ciidamada ay dowladda Soomaaaliya gaysay halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal ay saaka ciidamadeeda la galeen kuwa dowladda federaalka ee dhowaan la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay ka hortageen daraawiishtooda, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan ay gaarsiisay ciidamada federaalka, balse ma caddeyn inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah. “Ciidamada Dowladda Jubaland ee ku sugnaa duleedka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa weerar kusoo qaaday Maleeshiyada uu kusoo daadgureeyay Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamada Dowladda Jubaland oo ku jira dadaaladooda is difaacista ah ayaa jab xoog Leh u gaystay maleeshiyada xamar laga soo daadgureeyay iyadoo Ciidamada Jubaland ay guulo wax ku ool ah ka gareen. Waxaa kale oo Jubbaland ay sheegashadeeda kusii dartay inay ciidamadeeda ay la wareegeen difaacyada hore ee Raaskambooni, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi. “Ilaa hada Ciidamada Jubaland ayaa la wareegay difaacyada hore ee deegaanka Raaskambooni ay kaga jireen maleeshiyada kusoo duushay Jubaland iyadoo khasaare Kala duwan la gaarsiiyay” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka saaka ee ay guusha ka sheegatay Jubbaland. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan gurmadyo dheeraad ah oo kusii qul-qulaya furinta hore, waxayna taasj sii xoojin kartaa dagaalka qarxay. Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada horay madaxweyne Axmed Madoobe uu muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Raaskambooni, haddii ay bixi waayaana uu sheegay in mas’uuliyadda ay qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka.
-
Mogadishu (HOL) – Somali federal government has accused Jubbaland regional troops, under the command of Jubbaland President Ahmed Madobe, of launching an assault on the Somali National Armed Forces (SNA) and Jubbaland Dervish stationed at forward operating bases in Raskamboni in Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii dhex maray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in weerar lagu soo qaaday ciidanka qaranka oo isku diyaariyay in la wareegaan goobo ay ka bexeen howlgalka ATMIS. War saxaafadeedka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “Subaxnimadii hore ee saaka ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo daraawiishta jubaland ay Ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose. Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay Kala wareegaan Saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidanka Atmis sidoo kalana isu diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta. Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota Qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in Kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka Ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah” Warka qoraalka ah ee ay dowladdu soo saartay waxaa lagu soo gabangabeeyay “Ficilada Qaran-dumiska ah waxa uu Ku mutaysandoonaa ciqaab Sharci oo adag”, taas oo u muuqata farriinka ku socata hoggaanka Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
President Hassan Sheikh Mohamud and Richard H. Riley IV, the US Ambassador to Somalia. Mogadishu (PP Editorial ) — The President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud is ignoring the message of the International Community about the Jubaland political crisis. The US Ambassador to Somalia Richard H. Riley IV has put across the message candidly: “ … the US Embassy and the International Community we are watching the everything unfold in Jubaland, we are watching it, and we are very concerned about the trajectory of things in Jubaland. We have voiced our opinion unilaterally as the United States and multilaterally as the International Community. I think our message is loud and clear. The focus is on the stability and progress of Somalia and the people. You cannot go to an armed conflict. This cannot be a repeat of 2013 and 2019. You must not go to an armed conflict. That will not benefit anyone except the enemy — Al-shabaab” said the Ambassador. In 2013, the Federal Government of Somalia sponsored Barre Hiraale, a former warlord, to destabilise Kismaayo and nip the Jubaland state formation effort in the bud. In 2019, the Federal Government of Somalia imposed an aviation embargo on Kismaayo after failing to influence the 2019 Jubaland presidential election. In 2024, the Federal Government of Somalia sent troops to Raaskaamooni to overthrow the Jubaland administration. President Hassan Sheikh Mohamud falsely accused Ahmed Mohamed Islam of dragging his feet in the fight against Al-Shabaab. The Jubaland president’s record of combating Al-Shabaab — from his role in liberating Kismaayo from Al-Shabaab in 2012 to liberating many rural areas in the Lower Jubba region — refuted the disinformation President Mohamud shared with worshippers at the Villa Somalia mosque last Friday. The incumbent Federal Government of Somalia continues to damage Somalia’s national interest by committing time and resources to undoing state-building initiatives that prevent the emergence of ungoverned spaces in the country. President Hassan Sheikh Mohamud has dropped the ball. His motto, “Somalia at peace with itself and with its neighbours,” is becoming “Somalia at war with itself and on bad terms with its neighbours.” © Puntland Post, 2024 The post Jubaland’s Battle Against Al-Shabaab Undermined by Federal Government Actions appeared first on Puntland Post.
-
Maritime security and regional stability were under the microscope at the 7th high level meeting on implementation of the Jeddah Amendment to the Djibouti Code of Conduct (DCoC). Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has opened its first women-only prison in Mogadishu, a groundbreaking step in justice reform aimed at addressing gender disparities in detention and safeguarding the rights of female detainees. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya Ciidanka dawladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland uu saaka ka qarxay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Buurgaabo iyo Raas-kaambooni. Dagaalkan oo labada dhinacba ay guulo ka sheegteen ayaa laga haynin ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya sida ay wax u dheceen maadaama aaggaas ay isgaartiintu ka go’antahay. Xiisadda u dhexaysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareertay, ka dibna markii madaxweynaha dowlad goboleedkaasi uu mar kale ku soo baxay doorasho muran badan dhalisay, dowladdu ay ciidamo geysay deegaanka Raas-kaambooni. Source: goobjoog.com
-
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 480 weerar oo cirka ah ay ku qaadeen dalka Suuriya 48-kii saac ee la soo dhaafay, islamarkaana burburiyeen 15 markab, gantaallada lidka diyaaradaha iyo goobaha hubka lagu keydiyo oo dhowr magaalo ku yaalla. Iran, dowladaha carabta, Turkiga iyo qaramada midoobe ayaa si adag uga hadlay falkan xadgudubka ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya, ayagoo ku baaqay in maamulka Natenyahu ay arrintaas joojiyaan, balse Israa’iil ayaa sheegtay inay qaaday tillaabo nabad-gelyadeeda lama huraan u ahayd. Israa’iil ayaa intaa ku dartay inay ka hortagayso in hubkii uu ka tagey maamulkii Bishaar Al-assad uu gacanta u galo kooxaha talada dalka la wareegay, balse maamulka susub ee Suuriya weli kama hadlin arrintan, Ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah ee Suuriya Maxamed Al-Bashiirna waxa uu sheegay inay ku mashquulsanyihiin sidii ay dalka u xasillin lahaayeen, asagoo xusay in dadka Suuriya ay u baahan yihiin xasilooni iyo nabad-gelyo. Source: goobjoog.com
-
Dagaal xooggan u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Jubaland ayaa saaka oo Arbaco ah ka dhacay duleedka degaanka Raas Kambooni ee gobolka Jubada Hoose. Warka ku saabsan dagaalkani, waxa xaqiijiyay Telefishinka Jubaland, kaasi oo sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaanahan lagu daabulayay degaanka Raas Kambooni. Jubaland TV ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Jubaland oo ku jira dadaal is difaacid ah ay iska caabiyeen weerarka Ciidamada dowladda, islamarkaana khasaare kala duwan gaarsiiyeen, sidoo kalena ka qabsadeen difaacalyadii hore ee degaanka Raas Kambooni. “Ilaa hada Ciidamada Jubaland ayaa la wareegay difaacyada hore ee deegaanka Raaskambooni ay kaga jireen maleeshiyada kusoo duushay Jubaland iyadoo khasaare Kala duwan la gaarsiiyay” ayuu sheegay Telefishinka dowladda Jubaland oo warbixin ka qoray dagaalkii saaka. Dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya, weli kama hadlin dagaalka labada dhinac mana xaqiijin sheegashada Jubaland, iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta Khasaaraha dagaalka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland oo ka qarxay duleedka Raas Kambooni appeared first on Puntland Post.
-
Somalia is among the countries most vulnerable to climate change in the world. Serious weather shocks are hitting more often, harming livelihoods and economic growth. The 2020-2023 drought and later flooding highlighted the plight of millions of Somalis who rely on seasonal rains to grow crops or raise cattle Source: Hiiraan Online
-
ATMIS exit sparks fears of Al-Shabaab resurgence in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) will officially conclude its 17-year operation at the end of December, raising fears of a potential resurgence by the militant group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online -
Kismayo (HOL) — Kenyan elders from the northeastern region have issued a stark warning over the potential consequences of escalating tensions in Somalia's Jubbaland, emphasizing the risk of a new wave of refugees crossing into Kenya. At a meeting in Dadaab, they urged swift action to prevent a humanitarian crisis that could overwhelm local resources and destabilize border communities. Source: Hiiraan Online