Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay xogta howl-gal qorsheysan oo maanta lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaal-yahaano Al-Shabaab ah. Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay illaa 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo maleeshiyaadka ay doonayeen inay isku aruursadaan. Sida ay shaacisay hay’adda NISA, goobtan ayaa waxay u dhowdahay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. “Howl-galkan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad Khawaarij ah ay isugu yimaadeen goob fariisin qarsoodi ah u ahayd, xilli Sirdoonka Qaranku uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA. Goobtan uu howl-galka ka dhacay ee la beegsaday ayaa illaa iyo afar mar waxaa kacay dab xoogan, taasi oo muujinaysa in halkaas lagu gubay qaraxyo iyo saanad kale oo hub ah, sida ay shaacisay NISA. “Ciidamada qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsadaan cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA. NISA ayaa door muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo haatan dardar cusub lagu wado, kadib hoos u dhac ku yimid muddooyinkii dambe, ayadoo kooxda ay weli muujineyso inay qaadi karto weerarada ka dhanka ah fariisimaha ciidanka. The post Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay Shabaab isku aruursanayay… appeared first on Caasimada Online.
  2. AQOnfWxCTP5tqE4u_9eNGTTbn6ntuC7yxbnqoSn6-uCQeLaC_ffA3s9AyD6RSOBmhAqPNualgfU-PyVSkI_hohOw Qaran News
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPqd2sMaQnEHr9ETQMd6az4hJ5hDGNS-8jjobyvYMtgQURM2HmTpz92kfwc3iBvynl1mvdfBngqisQsirfJAAUv.mp4 Qaran News
  4. AQMEY2GGoaznbos8NbMZ0_0CL3ZiL4clSmJW_ACho29ktdydnWMqEWrn6nZ9RKKxTfYxqwYIs38XWl4sQW2TTx23 Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, iyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Fahad ayaa sheegay khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare. Agaasimihii hore ee NISA ayaa waxa uu soo bandhigay saddex qodob oo uu ku sheegay “xalka ra’iisul wasaare Xamza iyo Jubbaland” taas oo marka dhan walba laga joogsado ay tahay inuu qaado Xamza. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad Raysal Wasaare Xamza iyo xalka Jubaland Khilaafka siyaasadeed ee dhex taalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka waa imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Raysul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Bare. Dhan walba oo laga joogsado Mudane Xamse waxaa u furan tubaha soo socda; 1. In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan. 2. In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan. 3. In uu ku dhawaaqo in uusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa. The post Fahad oo soo bandhigay 3 qodob oo xal u noqon kara Xamza iyo Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — The U.S. Africa Command (AFRICOM) confirmed Friday that an American-operated MQ-1C Gray Eagle drone crashed on Tuesday in southern Somalia, clarifying initial reports from local media that had misidentified the aircraft as Turkish. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Former Somali Intelligence Chief Fahad Yasin has urged Prime Minister Hamza Abdi Barre to take decisive steps to address rising political tensions with Jubaland's regional leader, Ahmed Madobe, which Yasin described as a critical test for Hamza's administration. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu dhaliilay qorshaha ay Soomaaliya iyo Jarmalka ku heshiyeen dhawaan ee ku saabsan dib u soo celinta qaxootiga ku nool dalkaas. Masuuliyiin ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka ayaa meel adag iska taagay tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan, oo ay ku tilmaameen mid aan hadda la joogin waqtigeeda, maadaama ay Soomaaliya ka taagan yihiin daruufihii ay horey uga tageen dadkaasi. Xildhibaan Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah masuuliyiinta sida adag uga hortimid arrintaan ayaa sheegtay inay sharaf dhac ku tahay madaxweyne Xasan Sheekh. “Waa xaq in Soomaaliya dalkoodii hooyo tahay balse waxaa sharaf dhac ku ah Madaxweyne Xasan in dalkoodii nabad iyo xasilooni uu ku soo dabbali waayey ka hor inta uusan wadahadal ka gelin arrinkaas,” ayey Maryan ku tiri qoraal ay soo saartay. Hoos ka aqriso qoraalka; Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guul daraystay in uu dhallinyaradii Soomaaliyeed dalkooda hooyo shaqo abuur ugu sameeyo, haddana uu ku amray dalalka ay u doonteen nolol iyo waxbarsho in Soomaaliya dib loogu soo celiyo. Madaxweyne Xasan Sheekh ma eegin duruufaha dhallinyarada dibadda u qaxay iyagoo raadinayo amaan,nolol iyo Waxbarasho, sidoo kalana wuxuu halmaamay xaaladda dalku ku sugan yahay oo isaga looga fadhiyo in uu wax ka beddalo! Waa xaq in Soomaaliya dalkoodii hooyo tahay balse waxaa sharaf dhac ku ah Madaxweyne Xasan in dalkoodii nabad iyo xasilooni uu ku soo dabbali waayey ka hor inta uusan wadahadal ka gelin arrinkaas. Madaxweynaha waxaa la gudboonaa in uu dalka Jarmalka ka codsado in gacan laga siiyo sidii dhallinyarada dalkoodii loo xasilin lahaa, kaddibna shaqo abuur iyo Waxbarasho loogu helilahaa. Waxaa uur ku taallo ah in uu aradaydii iyo dadkii maatada ahaa iyagoo guriyihii ka maqan Cagaf la dulmariyo: bal eega calool xumada gabadhaas ardayadda ah (sawir lagu baahiyay baraha bulshda) oo gurigi ay ku nooleyd Madaxweyne Xasan amray in banaanka la dhigo. Runtii, inta caqliga, damiirka iyo Soomaalinimadu ku dambeyso ayaa garan kara dhibka shacabka loo geystay; waa arrin murug leh, una baahan in si dhab ah looga hortago. Madaxweyne Xasan waxa uu shacabka Soomaaliyed u wada guri hoog ee halagu soo celiyo jidka saxda ah!. The post Xasan Sheekh oo si weyn loogu dhaliilay tallaabo uu qaaday appeared first on Caasimada Online.
  9. Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha sida sharci darrada ah u dhibaateeya muhaajiriinta ee dalka Tunisia ka hawlgala, waxaana dadka dalka dib ugu soo laabtey ka mid ahaa ilmo ka yar 11 bil. Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in DFS ay ka go’an tahay inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha dembiileyaasha ah . DFS waxay u mahad celineysaa Midowga Yurub oo maalgeliyay fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo dalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa. Waxaa sidoo kale ay DFS u mahadcelinaysaa hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan. Source: goobjoog.com
  10. Marian Hassan has spent her career educating Minnesotans about Somali language and collecting oral histories from elder Somalis to prevent language loss in the state. Courtesy of Marian Hassan Source: Hiiraan Online
  11. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQMNwKpHrvq4-mWUDPgMkgUFcKSww0XIOkG9u9YyLvkX6yP_OkefWSMJHJVU-S7hyQuQFhMTSteA2g5bPvM5NifV-1.mp4 Qaran News
  12. AQOH0brR3vyCzrM79jlGgTVQZfKh666ZieiHnUBAWpHkJ4yrM3nAK_gYQcD51nIhhQc-XZq7wfa1P3obmmg_Epjb Qaran News
  13. Washington (Caasimada Online) – Saddexdii doorasho ee ugu dambeysay waddanka Mareykanka laba kamid ah waxaa ka qeyb-galay dumar. Hillary Clinton ayaa 2016-kii la tartamtay Donald Trump, waana laga adkaaday, weliba codadka ergooyinka gobollada ee loo yaqaano Electoral College ayaa si weyn looga adkaaday. Markale sanadkan 2024, dadka waddanka Mareykanka ayaa kala dooranayay gabadha tijaabsan ee Kamala Harris iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana gacanta sare qaatay Trump oo dib ugu laabtay Aqalka Cad. Guud ahaan saddex jeer ayey madaxtinimada Mareykanka u tartameen gabdho, iyagoo la baratamaaya rag, saddexdiina waa laga adkaaday. Waa Victoria Wilhelm, Hillary Clinton iyo Kamala Harris. 248 sano oo ay Mareykanka dal madax-banaan yihiin weligood qof dumar ah kuma aaminin xukunka. Qaarada Afrika, Mareykanka wuxuu dalalka Afrika ku cadaadiya marwalba inay ilaaliyaan metelaada siyaasadeed ee dumarka. Waxay lacag badan ku bixiyaan in dumarka dalalka Afrika hoggaanka u qabtaan. Waxay aamaanan waddan walba oo la kordhiyo xilalka la siinayo dumarka, waxayna colaadiyaan kuwa diida doorka siyaasadeed ee dumarka ama diida inay dumarka madax u noqdaan. Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka uu Mareykanka ku cadaadiyo inay bixiyaan metelaad dheeri ah oo siyaasadeed oo la siinayo dumarka. Si gaar ah aragtida ah in 30% haweenka Soomaaliyeed laga siiyo baarlamaanka waxay ka timid Mareykanka. Inay iyaguna diidaan in qof dumar ah madaxweyne ka dhigtaan, dalalka soo koraya iyo kuwa dhaqaale ahaan u liitana ay ku dirqiyaan inay dumar madax ka dhigtaan ayaa bixin doonta farriin taban oo ku laabaneysa Mareykanka ayey leeyihiin dadka aragtida ka dhiibanaya guul-darooyinka ay la kulmaan dumarka damca inay madaxweyne ka noqdaan Mareykanka. The post Maxaad kala socota arrinta ‘uu diiday’ Mareykanka ee uu ku qasbayo dalalka Afrika? appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) — The stage is set in Uganda for the upcoming U-17 CECAFA qualifiers, an arena where East and Central Africa's young talents will vie for coveted spots in the 2025 TotalEnergies CAF U-17 Africa Cup of Nations. Source: Hiiraan Online
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo Arbacadii ka dhacay koonfurta dalka, sida ay xog cusub sheegtay. Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Wayaanta oo qiyaastii 60-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goob la tuhunsan yahay inay isku uruursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab. Saddex sarkaal oo si toos ah wax uga ogaa dagaalkaas, oo codsaday inaan magacyadooda la aqoonsan, sababtoo ah in loo diiday inay la hadlaan warbaahinta ayaa VOA u sheegay in 11 askari oo ka tirsan ciidamada gobolka iyo kuwa dawladda lagaga dilay dagaalka, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 20 ka Al-Shabaab ah ay sidoo kale ku dileen iska horimaadka. Howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen sanadkii hore isla deegaanka ayaa lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay in uu ahaa Amiir ku xigeenkii deegaankaasi, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka. Intii uu socday howlgalkii sanadkii hore, ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn “is-difaac wadareed” ah ka fuliyay deegaanka Wayaanta oo ay ku dileen saddex dagaalyahan. Dagaalka ayaa imanaya ayada oo gebi ahaan uu qaboobay dagaalkii xoogga badnaa ee dowladda ay ku qaaday maleeshiyada laba sano ka hor. Kadib markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Soomaaliya bishii May 2022, dagaalyahanno iskood isu abaabulay oo taageero ka helaya ciidamada federaalka ayaa al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ka tirsan gobollada dhexe. Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Axaddii lasoo dhaafay sheegtay in illaa 27 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal socday 12-saacadood oo ka dhacay agagaarka deegaanka Yaaqle oo qiyaastii 50-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. War qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan uu dhacay xilli ay maleeshiyada isku diyaarinayeen dhibaateynta shacabka. Baabuur iyo qalab kale ayaa sidoo kale la burburiyay intii uu socday howlgalka “guuleystay”, ayaa lagu yiri bayaanka. Maalintii sirdoonka Soomaaliya ay sheegeen howlgalka, laba askari oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa lagu dilay, mid saddexaadna waa lagu dhaawacay weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay Axaddii ku qaadeen xayndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho. Al-Shabaab ayaa garoonka ku riday afar wareeg oo ah hoobiyeyaasha 107mm. The post Xog: Ciidamada dowladda oo 11 askari looga dilay dagaal ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Japan ayaa Soomaaliya ka cafisay in ka badan $100 milyan oo doollar oo deyn ah, kadib heshiis deyn cafin ah oo dhexmaray labada waddan. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Japan u fadhiya dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dowladda Japan kaga cafinayso Soomaaliya in ka badan $100 milyan oo deyn ah. Heshiiskani uu saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka. Munaasibadda saxiixa oo koobnayd kadib, Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqday in ay cafiyeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya. Safiirka dowladda Japan oo hadal kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo ku garabsiinta Mashaariicda Horumarineed oo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Japan oo Soomaaliya ka cafisay deyn dhan $100 milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
  17. NAIROBI, Kenya (HOL) — The father of a young woman whose dismembered body was found outside Nairobi's Langata Cemetery last week has spoken out, calling for justice as authorities investigate her suspected killer, a man now linked to multiple brutal murders of Somali women in Kenya. Source: Hiiraan Online
  18. Xoghayaha Guddiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Jamhuuriyada Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wang Yu. Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan sii adkeynta shaqada labada Baarlamaan ee dhinaca xiriirka arrimaha dibadda sida uu sheegay Xoghayaha Guddiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sayid Cali Isaaq. Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu ayaa ka hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Shinaha Iyo Soomaaliya, isaga oo xusay ahmiyada ay leedahay Iskaashiga saaxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada dal. Xoghayaha Gudiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageeradeeda Soomaaliya,waxa ayna ugu dambeyn isku afgarteen In la xoojiyo wada shaqeyn waarta oo dhexmarta dhinacyada baarlamaanka iyo dowladahaba. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Guddiga Arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  19. Sida laga soo xigtay wargeyska The Times of Israel iyo telefishinka Channel 12 , wuxuu isku dayayaa Netanyahu inuu tijaabiyo daacadnimada kooxaha ka tirsan dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Qasa ee gacanta ku haya maxaabiista Israa’iiliyiinta. Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa usoo bandhigay 5 milyan oo dollar , marin ammaan ah oo ay uga baxayaan xubin kasta iyo qoyskiisa oo soo wareejisa maxaabiista ay heyso , iyadoo ay intaa dheertay in ay Israa’iil gacan ka siinayso sidii uu dib u dejin uga heli lahaa dalalka uu codsado dagaalyahan kasta oo soo dhiiba maxaabiista uu hayo. Wasiirkii xilka laga qaaday ee difaaca Israa’iil, Yoav Gallant oo u muuqda inuu arrintan ka jawaabayo ayaa maanta u gudbiyay qoysaska maxaabiista kaliya in maxaabiista lagu sii deyn karo heshiis, wax kasta oo kalena wuxuu ku sheegay inaysan suragal ahayn. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo bilaabay qorshe uu ku tijaabinayo daacadnimada Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (HOL) — Donald Trump’s re-election has sent ripples through immigrant communities across the United States, especially among Somali migrants who are facing renewed fears of deportation. His campaign centred on a tough stance against undocumented immigration, promising to reinstate mass deportations on a historic scale. Source: Hiiraan Online
  21. Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay kor u qaadida arrimaha xalka waara ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Qaahira. Kulankani oo si gaar ah diiradda u saarayaa sidii loo maal-gelin lahaa horumarka magaalooyinka ayaa Cabdisalaam oo ka hadlay madasha waxa uu sheegey in mashruucan uu si gaar ah u xoojinayo guryeynta dadka barakacayaasha ah. Sidoo kale, kulankaan ayaa lagu lafa-gurayaa sidii loo siin lahaa dadkaasi taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo ay kaga bixi karaan xaaladaha adag ee ay ku nool yihiin. Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen khubaro, hay’adaha caalamiga ah iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa kale looga hadlay fursadaha iskaashi ee loo abuuri karo xalalka waara ee Soomaaliya. Ayadoo xoogga la saarayo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo horumarinta kaabayaasha magaalooyinka dalka. Barakacayaal horleh ayaa muddooyinkii dambe kusoo qul-qulayey magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ee duleedka caasimadda. Dadkan ayaa waxaa halkaasi ku haysata xaalad adag oo dhinac nolosha ah, kuwaas oo si weyn looga deyrinayo. The post R/W ku-xigeenka 2 ee dalka oo Qaahira ka furey shir muhiim ah oo ku saabsan… appeared first on Caasimada Online.
  22. AQML1JmLCDiPa43NGLpcec5JYa4nKt-mCQQHRVphHIcxQTTwKVglMeMgmKt2XidA9VpTj8Wp8paHuPr0-4JAo6l_ Qaran News
  23. Qatar and Somalia have discussed strengthening bilateral cooperation during a preparatory meeting for the inaugural session of their Joint Supreme Committee, held under a previous memorandum of understanding. Source: Hiiraan Online
  24. At least 11 Somali regional and federal government forces were killed in fierce fighting on Wednesday in the south of the country, officials said. Source: Hiiraan Online