-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa kulan muhiim ah magaalada Burco kula yeeshay Madaxa UK ee Somaliland Ilyas Malek iyo saraakiil kale oo ka socday safaaradda UK. Kulankan ayaa waxa sida oo kale ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socday hay’adda NIMD & qayb ka mid ah ururrada sida SOYDAVO, SONYO, iyo YEEL oo Komishanka kala shaqeeya dhinaca wacyigelinta cod-bixiyayaasha, kuwaas oo todobaadadii u dambeeyey ku hawlanaa wacyigelinta cod-bixiyayaasha Gobolka Togdheer. Source
-
Opposition party Waddani and Kaah political organization are working together to bring peace in the volatile regions of the Buhodle district and Qorilugud. Political leaders from the Waddani and Kaah have in the recent past been playing a role in supporting a dialogue between the traditional elders from the Buhodle district and Qorilugud, contributing significantly to de-escalation efforts Waddani is concerned about the recent heavy fighting which erupted on Friday between the armed groups from the Sool clan clan named SSC (Sool Sanaag & Cayn) and Habarje’lo clan by the name SSB (Sool Sanaag & Buhoodle) in the Qorilugud area near Buhodle District of the Togdheer region which resulted in dozens of deaths and numerous other casualties, leaving a profound impact on the community. Howeve, since a team from Waddani party toured the region, the area has experienced an unexpected calm thanks to direct conversations between traditional elders and business leaders from both sides, who stepped in to intervene and halt the violence. The cooperation and respect of these elders within their communities have proven instrumental in stopping the fighting. Effort by the Waddani pary to reach out to King Mohamud Aw Osman aka Buurmadow (Black Mountain) who is very influential and from Habarje’lo clan has calmed the situation. He is expected to join the traditional leaders and make positive impact in containing further violence. However, the government is not happy with these efforts to bring peace to create instability during the electoral period and is expected to use the military to escalate the conflict, mainly with the intention to confuse the election which is has performed weaker than the opposition so far. Political leaders from the Waddani and Kaah parties have played a crucial role in supporting a dialogue between the traditional elders from the Buhodle district and Qorilugud, contributing significantly to de-escalation efforts. Through persistent negotiations and strategic interventions, these political figures push for the discussion channels to be open to prevent further conflict. The immediate outcome has been promising, as peace has held for two consecutive days, a notable reprieve after such intense fighting. However, groups from both sides are willing to escalate and start a fresh conflict. Further, the Somaliland government is accusing the Somali government and other terrorist groups of backing the SSC armed group which is a sign of escalation yet the government’s involvement in broader peace efforts has been minimal, while the traditional elders and opposition political leaders are carrying the burden of restoring peace and de-escalation. There are also curious events within government especially the replacement of Somaliland Qorilugud military base commander from Col. Qasaali to another colonel who is the nephew of interior Minister Kahin. According to military sources, Kahin was not happy with how Col. Qasali handled the war in the region, as he welcomed and listened to traditional elders who have called for de-escalation Somaliland Reporter Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa dowladda federaalka lugta u furay maamul goboleedka Jubbaland oo noqday maamulkii labaad ee ay isku dhacaan dowladda dhexe. Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii ay martay Puntland oo iyadu horay uga baxday xeyndaabka dowladda dhexe, waxayna gebi ahaan xiriirka u jartay Villa Somalia. Dhowr arrimood ayaa muujinayo in Jubbaland ay sii fogaaneyso, isla markaana sare usii qaadayo khilaafka Kismaayo iyo Muqdisho oo bannaanka usoo baxay kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga. Madaxweynaha Jubbaland ayaa si cad u diiday qorshaha Villa Soomaaliya, gaar ahaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku hoos duugan tahay muddo korordhin hal sano ah, waxaana taasi ay keentay in Axmed Madoobe uu ku laabtay Kismaayo, isaga oo diiday dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si dib loogu soo celiyo shirka. Jubbaland ayaa dooneysa inay qabsato doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda, ayada oo ku dooday in maamullada ay u madax bannaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah. Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray tallaabooyin ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay qaadeen wasiirro ka tirsanaa xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo shaqada uga tegay khilaafka jira dartiis, waxaana kamid ah wasiiradaas Mudane Cabdirashiid Jire oo ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda qorsheynta Soomaaliya iyo Axmed Cismaan Daqare oo isna ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Labada nin oo kasoo jeedo dhanka Jubbaland ayaa eedeymo u jeediyay maamulkii ay ka tirsanaayeen, waxaana kamid ah eedahaasi in dowladdu ixtiraami weysay deegaanada ay kuraasta ku metalaan, isla-markaana ay ku howlan tahay sidii looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed. Waxaa kale oo arrintan ka dambeysay tallaabo kale oo uu qaaday madaxweyne Axmed Madoobe oo shir deg-deg ah oo wadatashi ah isugu yeeray xildhibaannada labada gole ee Jubbaland ku metala baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo dhacaya 8 bishaan, iyada oo la filayo in kulanaas balaaran laga soo saaro go’aano ka dhan ah dowladda dhexe. Horay Puntland ayaa u qaaday tallaabooyin kuwaan lamid ah, waxayna shirisay dhammaan xildhibaannadeeda ku metala dowladda dhexe oo ka horyimid qorshaha dowladda, gaar ahaan qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga ee la xiriiray doorashooyinka. The post Jubbaland oo qaaday dhabihii Puntland xiriirka ugu jartay DF – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta oo Isniin ah ayaa ka hadhay, maalinta ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan 2024-ka, oo ah salaasada berri ah oo ay bisha November ku beegantahay 5. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya madaxweyne ku xigeenka xilligan ee Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris, oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuri ah. Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda America. Source
-
Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il Axaddii shalay ka fuliyeen Marinka Gaza lagu dilay 31 Falastiiniyiin ah. Ku dhawaad kala bar dadka la dilay ayaa ku sugnaa dhinaca waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il howlgallo ka wadaan muddo ka badan hal bil. Ila wareedyada caafimaadka waxay sheegeen, in 13 ka mid ah dadka la dilay Axaddii ay ku sugnaayeen deegaannada Beyt Laaxiya iyo Jabaaliya, oo ah laba ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee siddeeda ah eek u yaalla Marinka Gaza. Meelaha kale ee Falastiiniyinta lagu dilay shalay waxaa ka mid ah deegaannada koofurta, oo ay ku jirto degmada Khan Younis oo ay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 8 qof oo afar ka mid ahi ay carruur ahaayeen. Isra’il waxay sheegtay in Waqooyiga Gaza ay weerartay si ay uga sifeyso dagaalyahanno ka tirsan Xamas oo ay sheegtay in ay halkaasi dib isugu urursadeen. Falastiiniyiinta ayaa ku sheegay duqeymaha cirka ah, dagaalka dhunka ah iyo daad-gureynta qasabka ah ee ka socda dhinaca waqooyi ee Gaza ay tahay isir sifeyn lagu sameynayo dadka ku nool laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga Gaza iyo xerooyinka qaxootiga ee aaggaasi oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo ruux. Isra’il ayaa taasi beenisay, isla markaana sheegtay in ay la dagaallamayaan Xamaas oo halkaasi kasoo weerarto. Source
-
Deegaanada Jubada Hoose qaarkood ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto biyo la’aan baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada. Wararka ayaa sheegaya in biyo la’aanta darteed ay u dhinteen illaa saddex qof, waxaana soo kordhaya qeyla dhaanta iyo baaqyada ku saabsan in dadkaasi gurmad lala gaadho. Source
-
Daawo: Xaggee ku dambeeyay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa, gaar ahaan halka uu ka dambeeyay safiirka Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka maqan yahay safiirka Itoobiya, Mukhtar Mohamed Ware, wuxuuna tilmaamay in aanu soo laaban sidii uu u baxay, kadib xiisaddii ka dhalatay heshiiska is-afgaradka ahaa ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. “Horta safiirka sida uu u baxay ayuu maqan yahay diblumaasiyiinta kale ee meesha joogay way joogaan fasaxyo iyo dalalkooda si ikhtiyaar ah kuwa ugu maqan maahinee way ku qoran yihiin meesha” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaliya. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa diblumaasiyiinteenna way jiraan”. Dhinaca kale wasiirka ayaa ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaadan la’dahay go’aan rasmi ah oo lagu xirayo gabi ahaan safaaradda Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn caadifad, balse dowladd federaalka ay ku dhaqmeyso diblumaasiyad. “Dad Soomaaliyeed oo tiro badan oo safaaradda maa la xiro dhahayo way jiraan, laakiin caadifad laguma shaqeynayo” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Shalay ayaa wasiirku isaga oo ka hadlayay isla xiisadda Itoobiya wuxuu soo hadal qaaday arrimo ku aadan halka ay ku taallo safaaradda Itoobiya oo ah xarunta madaxtooyada qaranka, wuxuuna sheegay in deg deg looga rari doono goobta ay hadda degan tahay. “Safaaradda Itoobiya ma dagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu horay u yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. The post Daawo: Xaggee ku dambeeyay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii madaafiicda ahaa ee subaxnimadii Axadda lagu qaaday xerada Xalane, taas oo sababtey dhimasho iyo dhaawac. War-saxaafadeed ATMIS soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid wuxuushnimo ah, kaas oo hawlaha ay u joogaan oo u taagan yihiin leexleexad ka gelin doonin. “Weerarkan waxashnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya inaan raadino nabad waarta iyo amni ka dhalata Soomaaliya, waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo inaan dhisno Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika. Guddiga (SRCC) iyo madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef. Iyada oo weerarkan Dowaldda Soomaaliya ka hadlin tacsina ka dirin ayaa war saxaafadeedka ATMIS lagu xaqiijiyey in ay sababtay dhimasho, waxaana tacsi loo direy dadkii waxyeeladu ka soo gaartey. ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa kuwii ku dhaawacmay weerarka, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ay saddex qof ku dhaawacmeen weerarka. Xogtu waxay sheegaysaa in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmey ay dhinteen, kuwaas oo ahaa ajaanibta ka shaqeeya xarunta Xalane. Weerarkan waxaa sheegtay argagixisada al-Shabaab, oo qoraal ay warbaahintooda ku baahiyeen ku sheegay in ay ku dileen saddex qof oo caddaan ah, iyo laba qof oo Ugandan ah, sida ay hadalka u dhigeen. Weerarka hoobiye ayaa la aaminsan yahay in laga soo tuurey isla gudaha magaalada Muqdisho, taasi oo calaamad su’aal saareysa waxqabadka hay’adaha amniga Soomaaliya. The post Xogta khasaaraha weerarkii shalay lagu qaaday Xalane appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaaradda Air France ayaa si deg deg ah u joojisay duulimaad ay ku dalmaraysay badda cas, kaddib markii duuliyayaasha diyaaradda ay sheegeen in ay arkeen wax iftiimaya oo jooga sare ee hawada ku socda. Dhacdadaasi kaddib duulimaadyo kale ayaa soo sheegay inay ku qasbanaadeen inay dib uga laabtaan badda cas, iyadoo wararkii u horreysay ay sheegayaan in Xuutiyiinta ay gantaallo ballistic ah ku rideen, tallaabo loo qaaxay inay iskudayayaan sidii ay u joojin lahaayeen duulimaadka badda cas. Ma jiro illaa hadda wax war ah oo dhacdadaan ay ka soo saareen Xuutiyiinta, mana cadda inay tani la xiriirto howlgal ay ku doonayaan inay Xuutiyiinta xiraan hawada badda cas oo saameyn ku yeelanaysa isku socodka hawada ee caalamka si ka badan xirnaashaha badda. Arrintan waxay ku soo aadaysa xilli toddobaadkii hore laga maqlay hoggaamiyaha Xuutiyiinta , Cabdimaalik Al Xuuti inay billaabi doonaan wajiga shanaad howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa oo uu marka ku sheegay waxyaabo cusub in lagu arki doono iyo awooddo horleh oo ay adeegsanayaan. PUNTLAND POST The post Diyaaradda Air France oo si deg deg ah u joojisay dulmarista badda Cas appeared first on Puntland Post.
-
Turkiga ayaa sheegay in uu sii xoojinayo xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Afrika, isagoo shirkii ugu dambeeyay ee Afrika ku qabtay Jabuuti. Turkiga ayaa maalgeshiyo badan ku sameeyay qaaradda Afrika sannadihii u dambeeyay, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu 50 booqasho ku tagay 31 dal, labaatankii sano ee uu xukunka hayay. Afar iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa ka qayb galay shirkii ugu dambeeyay ee heer wasiir ah oo ka dhacay Jabuuti, dhammaadka toddobaadkii hore Waxaa ka mid ahaa Angola, Chad, Comoros, Republic of Congo, Egypt, Equatorial Guinea, Ghana, Libya, Mauritania, Nigeria, South Sudan, Zambia iyo Zimbabwe. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in ganacsiga qaaradda uu kor u dhaafay 35 bilyan oo doolar sannadkii hore, maal-gashiga tooska ah ee Turkigana uu hadda gaarayo $7 bilyan. Turkiga ayaa noqday dalka afraad ee hubka ugu badan siiya dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, wuxuuna gacan ka gaystay tababaridda ciidamada qalabka sida ee dalal badan. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in uu xoojinayo Xiriirka uu Afrika la lee yahay appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigey Haashim Dhaqane Maxamuud oo loo haysto saddex haween oo Soomaali ahaa, oo kala ahaa Waris Daa’uud, gabadh yar oo ay dhashey iyo mid kale oo walaasheed ay dhashay. Saddexdan haween ayaa meykooda oo la jarjaray laga helay xaafad ka tirsan magaalada Nairobi, 21-kii Oktoobar 2024. Eedeysanaha ayaa Axaddii shalay laga qabtay xaafadda Isareeha, waxaana lagu xirey saldhigga booliska ee Kamarkuchi. Haashim ayaa ku eedeysan inuu afduubtay, kadibna si arxan darro ah u dilay Waris Daa’uud, Aamina Cabdirashiid, iyo Nuseyba Cabdi Maxamed. Booliska ayaa aaminsan in uu ninkaani yahay tuhmanaha ugu weyn ee kiiskan, waxaana ninka ay baahiyeen sawiradiisa toddobaadkii hore, isaga oo xilligaas baxsad ahaa. Haashim ayaa la sheegay in uu ka tirsanaan jiray ciidanka Booliska Itoobiya, islamarkaana uu dalkiisa ka soo baxsadey kadib markii uu dilay xaaskiisi. Ninkan ayaa markii uu Kenya u soo baxsaday noqday taksiile ka dhex shaqeysta xaafadaha Islii iyo Parkland, waxaana laga aqoonsadey kaamaradaha CCTV, isaga oo dhibanayaasha ka qaadayada gurigooda oo ku yaalla xaafadda Islii. Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya oo arrintan ay fajaciso ku noqotay ayaa soo dhaweeyey qabashada eedeysane Haashim Dhaqane Maxamuud. Kiiskan ayaa waxaa kale oo u xiran nin kale oo Soomaali ah. The post Booliska Kenya oo qabtay ninka lagu tuhmayo dilka saddex gabar oo Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen aagga deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda, kaas oo magaciisa lagu sheegay Warsame Barre Sugow, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Deegaan u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose waxaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta laguna magacaabi jiray Warsame Barre Sugow” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Geesiyaasha Xooga dalka iyo Kuwa Jubbaland ayaa Cashiro lama ilaawaan ah u dhigaya khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso dhulka Howdka ee Jubada Hoose”. Ciidamada huwanta ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab in dhowanahaan ka waday Jubbooyinka, waxaana lagu naafeeyay maleeshiyaadka Khawaarijta. Dilka Warsame Barre Sugow waxaa ka horreeyay howlgal kale oo isna dhawaan ka dhacay Jubbada Hoose, kaas oo isna lagu khaarijiyay Maxamuud Cali Xuseen oo afgarshadiisu ay tahay (Qayliyoow), isla markaana kooxda u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka iyo qaraxyada. Si kastaba, Jubbooyinka ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo kooxda iyo ciidamada huwanta ee ku sugan furimaha hore ee Jubbaland The post Warsame Barre Sugow oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Products containing frankincense made by the Somali company Asli Maydi will be seized by customs agents at U.S. ports of entry under an order issued Friday. The company is accused of using forced labor. File Photo by snotch/Wikimedia Commons A Somaliland company that manufactures frankincense, an aromatic resin that the wise men gifted to Jesus in the Bible story of his birth, will see its products confiscated at U.S. ports under sanctions issued Friday. U.S. Customs and Border Protection personnel at all U.S. ports of entry will now detain frankincense and frankincense-based products sourced from Asli Maydi, a company based in the self-declared nation of Somaliland, due to suspected use of forced labor, officials announced. Frankincense, one of world’s oldest commodities that is distilled from the resin of African Boswellia trees, is commonly used in essential oils for fragrance and skincare. The CBP said it has collected evidence that Asli Maydi has engaged in “deception, physical violence, abusive working conditions, intimidation and threats and withholding of wages.” “Trading in goods made with forced labor is in direct opposition to American values,” said CBP Senior Official Performing the Duties of the Commissioner Troy Miller. “When goods are manufactured at the cost of someone’s health, safety, or freedom, we all lose. “CBP will continue to pursue aggressive enforcement actions to hold unscrupulous businesses, importers, and manufacturers around the world accountable.” Under U.S. law, the importation of goods produced in foreign countries by convict, forced, indentured or child labor is prohibited. Such goods are liable for seizure and forfeiture at ports of entry. A two-year investigation conducted by the nonprofit news website The Fuller Project and The Guardian published last year reported that a dozen women working for Asli Maydi claimed the company “routinely underpays its workers, requires them to work in harsh conditions that are linked to health problems” and is led by a “politically powerful man whom multiple women have accused of sexual harassment and assault.” Asli Maydi’s owner, Barkhad Hassan, denied all the allegations against him, but the investigation led to a decision by the Utah-based essential oils marketer doTERRA in August to terminate its frankincense contract with the Somali supplier. The company said its independent investigation of Asli Maydi determined that in certain cases it “did not pay harvesters and sorters in a fair and on-time manner” and that some Asli Maydi facilities “did not have adequate access to clean water and sanitation.” The company said it could not confirm the sexual harassment claims against Hassan, but added that it treats “any allegation of sexual assault with the utmost seriousness.” DoTERRA also reported that in retaliation for its contract being terminated, Asli Maydi “overtook” a healthcare facility the U.S. company owns and operates in Somaliland, forcing all of its patients and staff to “immediately evacuate the premises.” “DoTERRA is actively supporting legal action to manage the transfer of the hospital to Somaliland’s Ministry of Health Development,” the company said. Source: UPI The post U.S. to seize frankincense imports from Somaliland supplier accused of forced labor appeared first on Puntland Post.
-
14 qof ayaa ku dhintay, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii biriqi ay ku dhacday kaniisad ku taal degmada Lamwo ee waqooyiga dalka Uganda, sida ay booliisku sheegeen. Afhayeenka booliiska Uganda Kituuma Rusoke ayaa sheegay in shilkani uu dhacay xilli dad badani ay ku cibaadaysanayeen gudaha kaniisaddan oo ku taalla xerada qaxootiga ee Palabek. Xogaha ayaa tilmaamay in roob lixaad lihi uu billowday, xilli dadka keniisadda ku sugnaa ay cibaado wadareed u taagnaayeen, taas oo keentay waxyeellada baaxadda leh ee danabku sababay. Biriqda ama danabku ayaa ku badan dalkaasi Uganda, bishii Juun ayaanay jac ama biriq ku habsatay dugsi ku yaalla degmada Nebbi ee waqooyi bare ee dalkaasi dhalisay dhaawaca in ka badan 77 arday. Source: goobjoog.com
-
Two African Union soldiers were killed and a third one injured by an al-Shabab mortar attack Sunday on their base inside the perimeters of Mogadishu’s international airport. Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il Axaddii shalay ka fuliyeen Marinka Gaza lagu dilay 31 Falastiiniyiin ah. Ku dhawaad kala bar dadka la dilay ayaa ku sugnaa dhinaca waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il howlgallo ka wadaan muddo ka badan hal bil. Ila wareedyada caafimaadka waxay sheegeen, in 13 ka mid ah dadka la dilay Axaddii ay ku sugnaayeen deegaannada Beyt Laaxiya iyo Jabaaliya, oo ah laba ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee siddeeda ah eek u yaalla Marinka Gaza. Meelaha kale ee Falastiiniyinta lagu dilay shalay waxaa ka mid ah deegaannada koofurta, oo ay ku jirto degmada Khan Younis oo ay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 8 qof oo afar ka mid ahi ay carruur ahaayeen. Isra’il waxay sheegtay in Waqooyiga Gaza ay weerartay si ay uga sifeyso dagaalyahanno ka tirsan Xamas oo ay sheegtay in ay halkaasi dib isugu urursadeen. Falastiiniyiinta ayaa ku sheegay duqeymaha cirka ah, dagaalka dhunka ah iyo daad-gureynta qasabka ah ee ka socda dhinaca waqooyi ee Gaza ay tahay isir sifeyn lagu sameynayo dadka ku nool laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga Gaza iyo xerooyinka qaxootiga ee aaggaasi oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo ruux. Isra’il ayaa taasi beenisay, isla markaana sheegtay in ay la dagaallamayaan Xamaas oo halkaasi kasoo weerarto. The post ISRAEL oo xasuuq horleh ka gaysatay marinka GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Taniyo markii uu furmay shirka madasha wada-tashiga qaranku horraantii bishii oktoobar madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Madoobe) ayaa qaaday dhawr tillaabo oo u muuqda kuwo uu dowladda Federaalka uga aragti duwanyahay. Tillaabada koobaad ee uu madaxweynaha Jubbaland qaaday ayaa ahayd inuu isaga baxay shirkii madasha oo socda, ka dibna uu magaalada Kismaayo ku laabtay oo uga dhawaaqay doorasho u gaar ah maamulkiisa. Sidoo wuxuu dhowaan soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo diidmadiisa ku aaddan qodobada shirkii uu isaga tagey ee madasha wada-tashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay in qodobadaasi aanay jubbaland saameyn ku yeellan doonin. Dhanka kale xubnaha labada gole ee Baarlamaanka federaalka ku matala dowlad goboleedkaas ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay ku taageerayaan go’aanka madaxweyne Axmed madoobe, waxayna ugu baaqeen in doorasho gaar u ah laga qabto deegaanada maamulkaas. Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo is casilay iyo Axmed madoobe oo xubnaha labada gole oo Baarlamaanka ku matala Jubbaland shir wada-tashi ah ugu yeeray ayaa intaas xigay, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan u wanaagsanayn xaaladda dalka iyo hor u socadka dowladnimada. Dhanka kale inkastoo Jubbaland aanay sheegin khilaaf doorashada ka baxsan oo dowladda federaalka kala dhexeeya, haddana madaxda ugu sarraysa qaranka ayaa layli adag u tahay xal u helidda xiisadda taagan, taas oo aan isku tanaasul iyo wada-hadal ka taganaan doonin. Source: goobjoog.com
-
MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — As the November 5 election approaches, St. Cloud’s political landscape is poised for change. Six candidates are competing for three at-large seats on the city council, and among them are Hudda Ibrahim and Omar Podi, two Somali-American leaders committed to tackling the city’s pressing issues and representing its diverse population. Source: Hiiraan Online