-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u jeediyay eedeymo culus oo xasaasi ah. Khayre ayaa si gaar ah uga hadlay booqasgada uu haatan madaxweynaha ku joogo dalka Jarmalka iyo arrinta la xiriirta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay heshiis Jarmalka looga soo celinayo dad Soomaaliyeed, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah. “In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida” ayuu yiri Mr. Khayre. Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu saameyn karo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, taasina ay noqon doonto caqabad horleh oo soo korortay. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay faham la’aan ka haysato heshiiskan, wuxuuna kula taliyay in marka hore ay la timaado qorshe wax looga qabanayo daruufaha ka jira dalka, isla-markaana ay ka carareen dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;- Waxaa nasiibdarro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka. Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna. Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda. In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida. Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa. The post Kheyre oo ka horyimid heshiis uu soo saxiixay Xasan Sheekh oo saameynaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waaxda Dambi-baarayaasha Kenya ee DCI ee baaraya meyd la jarjaray oo laga helay qabuuraha Langata 31-kii bishii Oktoobar ee sandkan ayaa helay arrin hor leh oo la xiriirta kiisaska loo haysto Hashim Dagane oo ah ninka sida weyn loogu huhunsan yahay dilka hooyo, gabadheeda iyo labo gabdhood. Baarayaasha ayaa aqoonsaday haweeneyda loo maleynayo in la dilay oo ka adeeganeysay dukaamada Quickmart Oktoobar 29-keedi. Muuqaallada kaamerada dukaanka ayaa laga helay caddeyn muhiim ah oo la xiriira kiiska, sida lagu sheegay qoraalka bogga Facebook ee waaxda. Intaa waxaa dheer oo warku intaa ku darayaa in la ogaaday in marka ay dukaanka ka adeegatay qofka dumarka ee muuqaallada kaamerada laga arkay ay aaddey guri ku yaal xaafadda Lavington ee magaalada Naiorbi, halkaas oo markale laga arkay kaamirada iyadoo sii galeysa. Baarayaasha waxay kaloo heleen in la arkay dhibbanaha oo Haashim la joogta gurigiisa. Muuqaallada kaamerada ee 31-kii Oktoobar waxay muujinayaan Haashim oo labo bac gacamaha ku wata oo ka baxaya dhismaha. Waxaa la rumeysan yahay in bacahaasi ay ku jireen wixii ka haray dhibbanaha. Haraaga meydka ayaa markii dambe laga helay qabuuraha lagu magacaabo Langata, sida ay waaxdu sheegtay. Waxaa sidoo kale la caddeeyay markii Haashim uu ka baxay guriga in milkiilaha uu ogaaday waxa ka dhacay dhismahiisa. Milkiilaha ayaa kaddib nadiifiyay oo dib riinji u mariyay guriga sidaasina ku dhuuntay. Mas’uuliyiinta ayaa hadda raadinaya, waxayna aaminsan yihiin in muddo kooban lagu soo heli doono markaasna caddaaladda la horkeeni doono. Mas’uuliyiinta ayaa aaminsan in gabadha ay tahay Deeqa Cabdinuur Gorone oo la waayay, laguna wargeliyay booliiska 24kii Oktoobar. Kooxaha baaraya ayaa ka shaqeynaya sidii ay u caddeyn lahaayeen qofka uu yahay meydka la helay. Waaxda dambi-baarista DCI waxay sheegtay in ay ka go’an ahay in ay caddaalad helaan dhibbanayaasha. Baarayaasha ayaa sidoo kale isku keenaya qeybo kala duwan si ay u ogaadaan lugta uu Hashim ku leeyahay dambiyada kale ee dalka ka dhacay. Sidee boolisku ku soo qabteen Haashim? Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa qoraal ay ku daabacday boggooda Facebook ku sheegtay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaadeena “tuhmanaha ugu weyn” ee dilkii loo qeytay saddexda hablood ee isku qoyska ahaa. “Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd – ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas, Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa soo bandhigtay sawirka iyo magaca Haashim oo ay sheegeen in uu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay. “Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday… in [tuhmanaha] uu dhibbanayaasha ka soo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay,” qoraal barta Facebook ay ku daabacday waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa sidaasi lagu yiri. Markaa kaddib Hashim Dagane Maxamed oo ah eedeysanaha ayaa la qabtay isagoo loo haysto dilka saddex dumar ah. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi. Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabtay eedeysanaha kaddib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamukunji Nairobi. Eliud Lang’at oo ah ku xigeenka hoggaanka booliska Kenya oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in howshan ay aheyd in degdeg loo soo farageliyo ka hor inta aysan noqon mid aan suuragal aheyn wax ka qabadkeeda. “Isbeddelkan murugada leh wuxuu muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo ficilada diiradda lagu saarayo iyo iskaashiga si wax looga qabto dhibaatada baahsan ee xadgudubka ku saleysan jinsiga ee ka dhexjira bulshadeena” Saddaxda haween ee la dilay ayaa ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo 12 jir aheyd. Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda. Maamada la dilay ayaa la sheegay in ay aadday isbitaal. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo kaddib dib dambe uma aysan soo hadlin, meel ay jirto ayaa la wayay ayey sheegeen qoyskeeda. Isha: BBC The post Haashim: Ninka ku eedeysan inuu 3 hablood ku dilay Nairobi oo loo heysto dilka gabar afaraad appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senatka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalka Odayaasha, kaddib marki ay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga. Aqalka Senatka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kaddib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed. Mitch McConnell, ayaa noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka. “Maalin wanaagsan ayay u tahay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu McConnell u sheegay wariyaasha. Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar ka mid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi. Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono. Source: goobjoog.com
-
Beirut (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnan, ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il Arbacadi shalay ku garaaceen magaalada Baclabak ee ku taalla Dooxada Beqaa cee dalka Lubnan. Weeraro kale oo dhanka cirka ah ayay wasaaraddu sheegtay in Isra’il ay shalay ku garaacday nawaaxiga koofureed ee magaalada caasimadda ah ee Beuyruut. Guddoomiyaha gobolka bari ee Baclabak-Xermel, Bashir Khodri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in ugu yaraan 40 madfac oo soo tuureen ciidamada Isra’il ay ku naf-waayeen 38 qof ayna ku dhaawacmeen 54 kale. Wuxuu sheegay in howlaha gurmadka ee lagu baadi goobayo dadka la la’yahay ay wali socdaan. Dhanka kale, hogaamiyaha cusub ee Xisbullah Nacim Qasim ayaa ka digay in dagaalyahannadiisu ay la dagaallami doonaan Isra’il ilaa ay ka aqbaleyso nabad. Hadalkaasi ayuu ku sheegay qudbad lasoo duubay oo laga baahiyay telefishannada. Wuxuu sheegay in ay jiri karaan wadahadallo aan toos aheyn, haddii Isra’il ay joojiso weerarka. Tan iyo marki uu billowday dagaalka muddada 13-ka bil socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah, Lubnan waxaa lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux, dadkaas intooda badan waxaa la dilay wixi ka danbeeyay bishi September. The post ISRAEL oo 40 qof ku dishay duqeyn ay ka fulisay Lubnan appeared first on Caasimada Online.
-
Business activity in Mogadishu’s Bakara Market has significantly slowed, with traders reporting fewer visitors and reduced sales since the introduction of new tax policies. Mogadishu (PP Business Desk) — Business in Mogadishu’s well-known Bakara Market has slowed noticeably in recent months, a change observed since President Hassan Sheikh Mohamud delivered his Friday sermon at the Villa Somalia mosque nearly eight months ago, where he spoke on the government’s new tax collection policies. Traders in Bakara Market report a sharp drop in sales of various goods, manifested in fewer visitors to their shops. Many businesses have also adjusted their opening hours, with the afternoon shift now favoured. As one trader put it, “It has become common for people to shop after 2 PM.” One woman, speaking to a relative on the phone, was overheard by Puntland Post correspondent saying, “I am going home now but haven’t sold anything today.” Tax policies, including rental and sales taxes, introduced by Bihi Egeh, the Finance Minister, are perceived as burdensome by businesses. Economists remain uncertain about the precise causes behind this decline in activity in Somalia’s largest market. One knock-on effect has been a perception that the government’s tax policies, designed to increase revenue, are adding strain on businesses. Some landlords in Bakara Market have reduced rents to support tenants, but these efforts are proving less effective than hoped. Empty retail outlets are now a common sight. “Even when shops are vacant, the Finance Ministry expects rental tax to be paid. Once you are listed on their landlord register, you are obliged to pay rental tax on quarterly basis,” said Adan, a landlord. An accountant in Hodan said “revenue protection officers are able to investigate traders for allegedly not charging sales tax, but landlords face fines if they miss rental tax payments, even when their outlets are unoccupied.” The Federal Government of Somalia’s tax policies, introduced in early 2024, have been met with mixed responses from Mogadishu’s business community. For the first time since 1991, traders charge a sales tax, but many see the government’s approach as extremely and unaccountably extractive, dampening the entrepreneurial spirit of Somali traders and investors. © Puntland Post, 2024 The post Economists Puzzled by Trading Slowdown in Mogadishu’s Bakara Market appeared first on Puntland Post.
-
Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senatka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalkaasi, kaddib marki ay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga. Aqalka Senatka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kaddib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed. Mitch McConnell, oo noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka ayaa sheegay, in Aqalka Odayaasha ee soo socda uu waardiye muhiim ah u noqon doono America. Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar ka mid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi. Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono. PUNTLAND POST The post Jamhuuriga oo la wareegay Aqlabiyada Aqalka Senet-ka Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
AQPHh0dYvtpBZYh1wviVm_Lb6TaXsvRw79ZP4RUoFTOQpgUlMxYRPVgkXj1gFEpuoO8JtpLMBbngEwTsh0PCFEEZ Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socota FBI-da Mareykanka. Taliye Asad ayaa Saraakiisha Khubarada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka. Saraakiisha FBI-da ka socotay ayaa bogaadisay dardargelinta, horumarinta iyo dib u casriyeynta hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliska. FBI-da Mareykanka ayaa qeyb ka ah hay’adaha Booliska Soomaaliya ka taageera la dagaalanka kooxaha argagixisada ah. Saraakiishaan ayaa dhowaan soo gaalay magaalada Muqdisho, horay waxaa Muqdisho u yimid madaxa ugu sareeya sirdoonka Mareykanka, kaasi oo la kulmay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya. Mareykanka ayaa kaalin muuqata ka qaata qorshaha amni ku soo dabaalidda iyo taageerada dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in doorweyn uu ka qaato dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka Khawaarijta. Hadda isbedel weyn ayaa ka djacay Mareykanka waxaana maanta Madaxweyne dib loogu doortay Trump oo Soomaaliya, lamana saadaali karo siyaasadda uu ku wajihi doono arrimaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynihii hore Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo inta badan madaxda Adduunka ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald J. Trump. The post Asad Diyaano oo Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socota Sirdoonka Mareykanka (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha ololaha Doorashda: Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada JSL Cali Xaamud Jibriil. Waxay ganaax lacageed oo dhan 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Xisbiga Waddani. Waxa kale oo gudigu digniin kama-danbays ah u direen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuwaas oo aan weli bixin ganaaxii lagu xukumay, kuwaas oo magacyadoodu kala yihii: Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni. Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Maxamed Cali Bile. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar. Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamud Qodax. Xubin ka mid Golaha Deegaanka Hargeysa Maxamed Abiib Cismaan Waxay kale oo ay digniin u direen Urur Siyaasaddeedka Horseed. Source
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris. Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo. Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne. Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay. Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden. Source
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Somali-American candidates made historic inroads in the 2024 U.S. elections, securing wins and underscoring the growing political engagement of the Somali diaspora. From Congressional re-elections to local council races, Somali-American candidates have amplified issues like housing, economic growth, and community development, even as they encountered significant obstacles. Source: Hiiraan Online
-
Somalia is a land of unexploited potential. For years, it has been defined more by what it lacks than by what it possesses. Yet, beneath the surface, the country holds valuable natural resources that—if harnessed—could be the foundation of a thriving economy. Will Somalia act in time, or will it watch as global markets shift, leaving its untapped wealth squandered? Source: Hiiraan Online
-
Farmaajo oo war ka soo saaray dib u doorashada Donlad Trump
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donlad Trump, kaas oo dib u doorashadiisa ay mucjiso ku noqotay adduunka. “Hambalyo Madaxweynaha la doortay Donald Trump. Waxaad sharaf u leedahay inaad mar labaad u adeegto dadka Mareykanka sanadaha soo socda, waxaan rajeynayaa in Soomaaliya iyo Mareykanka ay sii xoojiyaan xiriirka laba geesoodka ah ee dhammaan dhinacyada faa’iidada u leh labada dhinac, oo ay ku jiraan amniga iyo ganacsiga” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo. Donald Trump ayaa mar kale oo doortay Madaxweynaha Mareykanka, xiligii uu Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya ayuu Trump Madaxweyne ka ahaa Mareykanka, waxayna ahaayeen Madaxweynayaal soo wada shaqeeyey. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka mid noqday madaxdii ugu horeysay ee hambalyo u dirtay Trump, isagoo ka rajeeyey in iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka uu ka sii amba qaado halka uu joogo. Guusha Donald Trump waxay ka dhigan tahay soo laabasho cajiib ah, wuxuu ahaa nin xukunka kaga dagay sumcad xumo ka soo gaartay lixdii Janaayo, taas oo dhawac u geysatay, balse 4 sano kale oo safar ah ayuu u soo galay in uu xukunka ku soo laabto, dhowr mar ayaa maxkamad lala tiigsaday. Isniintii ayuu Trump sheegay in ololihiisa uu guul weyn ka gaaray isbahaysiga Carabta iyo Muslimiinta ee Michigan, kuwaas oo uu sheegay inuu ku soo jiitay ballan-qaadkiisa nabadda. “Waxaan dhiseynaa isbahaysigii ugu weynaa, uguna xoog balaarnaa taariikhda Mareykanka, waxaa ku jiri doona tiro badan oo ah muslimiinta iyo Carabta Michigan oo doonaya nabad,” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa X, ka hor codeynta inta aysan dhicin. Soomaalidu inta badan waxay u codeyn jireen xisbiga Dimuqraadiga, balse hadda waxaa la xaqiijiyey inay jirto tiro badan oo taageeray Donald Trump, waxayna Soomaalidu ku taageertay in dhaqaalaha dalku xoogaanaa markii uu xilka hayay, inkastoo ay jireen walaac ku saabsan siyaasadihiisa soo galootiga oo aad u adkaa. The post Farmaajo oo war ka soo saaray dib u doorashada Donlad Trump appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qadka taleefanka ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Suudaan Dr. Cali Yuusuf Axmed, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Danjire Fiqi ayaa Dr. Axmed u rajeeyay guul ku aaddan xilka cusub, isagoo ku dhawaaqay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan. “Labada wasiir waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinnimada ka dhexeysa Soomaaliya iyo Suudaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Fiqi. Labada Wasiir ayaa isku raacay inay sii horumariyaan iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo dadaallada xasilloonida gobolka ee ku qotoma danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan. Suudaan waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, waana wadan ay ka taagan yihiin colaado sokeeye oo dhowaan ka qarxay wadankaas. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii mudada dheer awooda militeri ku xukumi jiray Suudaan Cumar Al-Bashiir, waxay Suudaan cagaha la gashay mushkilado sokeeye iyo dagaalo aan kala joogsi laheyn, kadib markii dhinacyo kala duwan ay isku qabsadeen xukunka. Dowladda Soomaaliya ayaa abaal badan u heysa Suudaan, maadaama sanadihii uu burbursanaa dalkeenu ay ardayda Soomaaliyeed ka caawi jireen waxbarashada, sidoo kale dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya ayay door muhiim ah ka qaateen. The post Fiqi oo ka warbixiyey xiriir uu la sameeyey dhiggiisa Sudan iyo waxay ka wadahadleen appeared first on Caasimada Online.
-
Summary: This article will examine how Puntland and Jubaland’s quest for greater autonomy has strained Somalia’s fragile federal framework, with a particular focus on security, economy, and legitimacy. It would examine the historical foundations of Puntland and Jubaland’s desire for self-government, their justifications for remaining independent of Mogadishu’s authority, and the impact on Somalia’s stability and sovereignty. The security and counterterrorism coordination part would investigate how fragmented federalism impedes coordinated responses to security challenges. Economic fragmentation would handle trade, resource management, and revenue distribution issues interfering with national cohesion. The legitimacy and political alignment part would evaluate competing regional and national interests. Furthermore, investigating the involvement of foreign players would demonstrate how external factors influence internal power dynamics. The paper will finish with a policy-focused road forward, noting potential opportunities for Somalia to establish trust, foster cooperation, and reinforce its national identity. Challenges to National Unity: Security and Counterterrorism Coordination Somalia’s federal system was designed to promote unity while preserving the sovereignty of its many regions. However, the experiences of Puntland and Jubaland demonstrate how federalism has occasionally exacerbated rather than healed divides within Somalia. In the northeast, Puntland and Jubaland in the south have both sought extensive autonomy from Mogadishu, focussing on local government and resource management. While these quests for independence have contributed to regional peace and self-government, they also offer substantial difficulties to Somalia’s national sovereignty, notably regarding security and counterterrorism coordination. The campaigns for autonomy in Puntland and Jubaland have political and historical foundations. Puntland became an autonomous province in 1998, partially due to the turmoil in Mogadishu and a desire to rule autonomously. With its closeness to Kenya’s border and significant links to cross-border commerce, Jubaland has preserved its independence, emphasising the necessity for locally directed security and administration. These areas see themselves as separate entities inside Somalia, frequently demanding their autonomy at the expense of national unity. This autonomy hinders the federal government’s efforts to build a cohesive and autonomous Somali state capable of addressing security and governance concerns. Puntland and Jubaland want independence for political and economic reasons. Politically, these regions have strong clan ties and local power structures that oppose federal intervention. Economically, Puntland and Jubaland want to control local resources, including trade income and possible oil deposits, which has significant consequences for national revenue-sharing policies. This quest for economic self-sufficiency frequently clashes with Mogadishu over resource management, causing economic friction and further separating these areas from the central authority. These contradictions become even more pronounced in the realms of security and counterterrorism. Groups like Al-Shabaab, which take advantage of Somalia’s fragmented federal government, continue to pose a threat to the country. Puntland and Jubaland have established their own security forces, frequently outside the federal military, creating operational problems that impede collaborative counterterrorism activities. In Puntland, security forces periodically conflict with federal soldiers, but regional forces prioritise border security concerns over national objectives in Jubaland. This dispersion of security organisations exposes loopholes that extremist groups might exploit, threatening the federal government’s capacity to coordinate a national response to terrorism. Foreign influence exacerbates these issues. Puntland and Jubaland have tight relations with regional actors like Kenya and Ethiopia and financial help from the UAE. While these partnerships give economic and political assistance, they also allow regional leaders to act more independently, often at the price of Somalia’s sovereignty. Kenya, for example, is involved in Jubaland’s security activities, which strengthens Jubaland’s independence and causes issues with Mogadishu. Similarly, Puntland’s financial and political links with the UAE generate external dependencies that impede Somalia’s efforts to establish federal sovereignty over its territories. These external ties undermine Somalia’s sovereignty, putting the federal government in a difficult position to balance regional autonomy with national cohesiveness. The implications of Puntland and Jubaland’s autonomy go beyond security, affecting the federal system’s capacity to unite the country. As these areas establish independence, they risk setting a precedent that may inspire other states to follow suit, undermining Somalia’s unity. The idea of a divided Somalia erodes popular faith in the federal system, fuelling a cycle of regionalism that hinders efforts to establish a united Somali identity. Citizens who see the inequalities between autonomous regions and federal territories may feel estranged from the national government, resulting in a weak state subject to internal conflict and external interference. Somalia must balance regional autonomy (such as Puntland and Jubaland) and national unity to solve these difficulties. Collaborative security frameworks might provide a more integrated approach to counterterrorism by allowing regional forces to work with federal soldiers as part of a nationally coordinated effort. Joint security structures, backed by regional and federal governments, might build confidence and facilitate effective intelligence sharing, eliminating weaknesses that extremist organisations could exploit. International mediation might also help define the functions of regional and federal administrations in Somalia. A mediated approach might provide a neutral platform for Mogadishu and regional leaders to make accords that respect regional autonomy while strengthening Somalia’s sovereignty. These agreements might resolve economic issues, clarify resource management, and provide the groundwork for a more integrated federal government that fosters security and governance in all areas. Finally, Puntland and Jubaland’s push for autonomy underscores Somalia’s federalism issues. Without a determined effort to bridge these gaps, Somalia risks becoming fragmented and subject to internal and external forces. The route forward is to build a federal system that respects regional identities while assuring a cohesive approach to government and security. This results in a resilient Somalia capable of defending its sovereignty in a complex regional terrain. Legitimacy and Political Alignment Somalia’s federal system has made achieving political cohesion and legitimacy difficult. Puntland and Jubaland’s desire for autonomy, motivated by diverse regional identities and historical grievances, has hindered efforts to form a unified national government. These areas function with a high degree of independence, causing political conflict with the federal administration in Mogadishu, which aspires to consolidate Somali authority. As Puntland and Jubaland establish their right to self-government, Mogadishu’s central authority is undermined, resulting in rival claims of legitimacy and split loyalties among Somali residents. These legitimacy challenges are partly caused by the lack of an inclusive federal accord that addresses regional ambitions while promoting national unity. Puntland and Jubaland regularly criticise the federal government for overreach, claiming that their regional administrations are more responsive to local concerns and, hence, more legitimate in the eyes of their constituents. This discrepancy affects the formation of a national vision since Mogadishu frequently interprets the region’s activities as direct threats to its authority. The ongoing impasse on political alignment demonstrates the significant distrust between the core and the periphery, which prevents effective collaboration on security, development, and governance. Efforts to strengthen Somalia’s sovereignty are thwarted without alignment, making long-term stability impossible. The Role of International Stakeholders International stakeholders have an intricate role in the interactions between Somalia’s federal government and its semi-autonomous provinces. External players, such as surrounding states, international organisations, and foreign governments, have a vested interest in Puntland and Jubaland, and they frequently provide economic, security, and political support. This support occasionally allows Puntland and Jubaland to exercise their autonomy more aggressively, hindering Somalia’s efforts to develop a unified national policy. The engagement of surrounding governments, like as Kenya and Ethiopia, is especially significant since they frequently work with Puntland and Jubaland to handle cross-border security issues. However, such partnerships may be interpreted as compromising Somalia’s sovereignty since they give regional leaders resources and recognition, thereby weakening Mogadishu’s central authority. The presence of foreign players can further exacerbate differences in Somalia since various governments and organisations frequently assist opposing factions or prioritise rival strategic objectives. This international fragmentation enables Puntland and Jubaland to function more freely, knowing that foreign assistance would protect them from Mogadishu’s pressure. Furthermore, while foreign players advocate for Somalia’s stability, their activities frequently unintentionally promote regional autonomy, contributing to a fractured approach to nation-building. A cohesive Somalia needs internal alignment and a coordinated and supportive international approach that upholds the country’s sovereignty. Without a change towards such a policy, foreign stakeholders’ influence may remain a double-edged sword, ensuring stability while fostering fragmentation. Path Forward: Building Trust and National Identity Puntland and Jubaland’s desire for autonomy threatens Somalia’s national sovereignty, highlighting the fragility of Somalia’s federal structure. This dispute brings to light deeper structural concerns that stem from the complexity of regional identity, political independence, and the legacy of civil strife. As Puntland and Jubaland exercise greater autonomy over their political and economic affairs, their efforts put extra strain on Somalia’s sovereignty, creating serious concerns about the survival of a unified state. This federal fragmentation is rooted in a long-standing distrust between the central authority and these autonomous areas. The lack of a unified national identity, which is still eclipsed by regional attachments, exacerbates this split. Puntland and Jubaland’s unwillingness to completely integrate into Somalia’s national framework reflects a long-standing distrust of central authority and practical concerns about resource control, security, and political representation. This climate has developed a parallel political structure, reducing Somalia’s ability to function coherently and increasing its susceptibility to external influence and internal opposition. The economic implications of this fragmentation are as substantial. Puntland and Jubaland frequently circumvent the central government to pursue their own economic objectives, including direct international partnerships and local resource control. This financial independence has increased prosperity in certain regions but has reduced the federal government’s ability to implement a coordinated national monetary strategy. Such a system risks developing regional economic imbalances, exacerbating division and limiting the government’s ability to engage in national infrastructure and development initiatives. Addressing these difficulties necessitates a new federal structure that values regional sovereignty while supporting common national objectives. Building confidence between the central government, Puntland, and Jubaland is critical to resolving these conflicts. This method calls for open communication and explicit power-sharing agreements that accommodate both sides’ concerns. Establishing procedures for open resource sharing, maintaining equal representation in federal institutions, and developing collaborative economic ventures are crucial to accomplishing these goals. For national identity to take root, the government must participate in significant nation-building programs honouring regional and Somali identities. These might include educational reform, inclusive cultural initiatives, and increased investment in infrastructure projects that connect various communities. By demonstrating the real benefits of federal unity, the Somali government can foster a feeling of shared belonging and heal historical differences. Finally, overcoming the fractured federalism that undermines Somalia’s sovereignty necessitates a long-term commitment to cultivating mutual respect, trust, and common identity. By using a collaborative and inclusive approach, Somalia has the potential to convert its patchwork of autonomous regions into a robust, cohesive federation. Conclusion Puntland and Jubaland’s ambition for autonomy has significantly strained Somalia’s national unity and sovereignty, highlighting crucial challenges that threaten the country’s stability. Fragmented federalism has resulted in ineffective security and counterterrorism cooperation, as regional authorities prioritise local defence over a coherent national approach. This schism undermines Somalia’s reaction to challenges such as Al-Shabaab, which exploits these divisions to maintain power. Economically, Puntland and Jubaland’s independent objectives complicate national resource management and trade strategies, hurting Somalia’s economic coherence and raising the possibility of unequal regional growth. Politically, the regional and federal authority conflict highlights weaknesses in Somalia’s legitimacy as a centralised state. The opposing loyalties diminish trust in Mogadishu’s ability to represent and administer a diverse nation, resulting in rival power structures. Furthermore, foreign parties drawn to Somalia’s strategic position frequently engage directly with regional administrations, unwittingly increasing autonomy and undermining national unity. The route forward is to foster mutual trust and a shared national identity. A stable Somalia requires a federal system that preserves regional authority while encouraging unification. This includes honest resource sharing, equal political representation, and initiatives that address regional gaps. By matching regional and national interests, Somalia may transform into a robust and cohesive federation capable of facing its difficulties. Mohamed H Salad Researcher and Analyst, Studied International Security & Peace Conflict, Specialist in the Horn of Africa, and Secretary of former President of Somalia Dr Abdikasim Salad Hassan (TNG). The post Fragmented federalism: Puntland and Jubaland’s quest for autonomy and its impact on Somali sovereignty appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,” taasi oo qeexday ololihiisii koowaad ee doorashadii uu ku guuleystay 2016 – isaga oo sheegay inuu qof ku toogan karo Waddada 5th Avenue ee New York, haddana oo aanu lumineyn xitaa hal cod. Sideed sano kadib, madaxweynaha soo socda ee 47-aad ee Mareykanka, wuxuu u muuqdaa nin aan la joojin karin, isaga oo ku guuleystay furayaasha Aqalka Cad Arbacada maanta ah. Waa ninka ugu muranka badan dalka, isagoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil, waxaana isaga oo 78 jir ah uu noqonayaa qofkii ugu da’da weyn ee qabta Xafiiska Oval Office taariikhda Mareykanka. Madaxweyne ku xigeenkiisa, oo 40 jir ah Sen. JD Vance oo laga soo doorto Ohio, ayaa noqon doona qofka xilkii ugu sarreeyey ka qabta Mareykanka ee ka tiirsan jiilka mileeniyaalka. Taasina, waa inta aan lagu daran in Trump uu damaanad banaanka ugu joogo saddex dacwad dambiyeed iyo kuwa madani oo la xiriira khiyaameyn iyo xadgdub galmo. Inkasta oo uu guuleystay, waxa uu haddana wajahayaa xukun maxkamadeed dhowr toddobaad gudahood ah, kuwaas oo la xiriira saddex daraasin oo dambiyo ah oo la xiriira ololihiisii madaxtinimada ee 2016-ka. Sidaas oo ay tahayna, isaga oo ka adkaaday musharaxa Dimoqraadiga Kamala Harris, Trump waxa uu mar kale muujiyay inuu beenin karo dhammaan culeysyada siyaasadeed iyo sharci. Dad badan ayaa u haystay in markan uusan awoodi doonin. Balse waxa uu Arbacada maanta ah noqday kaliya madaxweynihii labaad ee inta xafiiska laga tuuro, mar kale soo tartama ee guuleysta. Trump oo ka dhashay qoys maal-qabeen ah, islamarkaana ku taajiray ganacsiga hantida ma guurtada ah, ayaa dunida ka yaabiyey isaga oo doorashadii 2016 si dirqi ah uga guuleystay Hillary Clinton. Trump waa madaxweyne hore kii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii. Sidoo kale, waa qofkii ugu horeeyay ee lagu helo dambi culus ee haddana loo doorto madaxweyne. Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,” taasi oo qeexday ololihiisii koowaad ee doorashadii uu ku guuleystay 2016 – isaga oo sheegay inuu qof ku toogan karo Waddada 5th Avenue ee New York, haddana oo aanu lumineyn xitaa hal cod. Sideed sano kadib, madaxweynaha soo socda ee 47-aad ee Mareykanka, wuxuu u muuqdaa nin aan la joojin karin, isaga oo ku guuleystay furayaasha Aqalka Cad Arbacada maanta ah. Waa ninka ugu muranka badan dalka, isagoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil, waxaana isaga oo 78 jir ah uu noqonayaa qofkii ugu da’da weyn ee qabta Xafiiska Oval Office taariikhda Mareykanka. Madaxweyne ku xigeenkiisa, oo 40 jir ah Sen. JD Vance oo laga soo doorto Ohio, ayaa noqon doona qofka xilkii ugu sarreeyey ka qabta Mareykanka ee ka tiirsan jiilka mileeniyaalka. Taasina, waa inta aan lagu daran in Trump uu damaanad banaanka ugu joogo saddex dacwad dambiyeed iyo kuwa madani oo la xiriira khiyaameyn iyo xadgdub galmo. Inkasta oo uu guuleystay, waxa uu haddana wajahayaa xukun maxkamadeed dhowr toddobaad gudahood ah, kuwaas oo la xiriira saddex daraasin oo dambiyo ah oo la xiriira ololihiisii madaxtinimada ee 2016-ka. Sidaas oo ay tahayna, isaga oo ka adkaaday musharaxa Dimoqraadiga Kamala Harris, Trump waxa uu mar kale muujiyay inuu beenin karo dhammaan culeysyada siyaasadeed iyo sharci. Dad badan ayaa u haystay in markan uusan awoodi doonin. Balse waxa uu Arbacada maanta ah noqday kaliya madaxweynihii labaad ee inta xafiiska laga tuuro, mar kale soo tartama ee guuleysta. Trump oo ka dhashay qoys maal-qabeen ah, islamarkaana ku taajiray ganacsiga hantida ma guurtada ah, ayaa dunida ka yaabiyey isaga oo doorashadii 2016 si dirqi ah uga guuleystay Hillary Clinton. Trump waa madaxweyne hore kii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii. Sidoo kale, waa qofkii ugu horeeyay ee lagu helo dambi culus ee haddana loo doorto madaxweyne. AP, AFP + VOA The post Maxaan ka naqaana ‘ninka aan la joojin karin’ ee kusoo baxay doorashada Mareykanka appeared first on Caasimada Online.