Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sir Gavin Williamson meets Somaliland President HE Abdirahman Irro to discuss Somaliland’s recognition. Williamson stresses it’s time for the UK to recognize Somaliland’s independence, highlighting that the US is poised to take the lead in acknowledging Somaliland’s sovereignty Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa mas’uulkan xiray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo watay laba gaari, waxayna ka kaxeeyeen garoonka Aadan Cadde. Cabdifitaax ayaa kahor inta aan la xirin kusii jeeday magaalada Beledweyne, balse waxaa laga hor istaagay safarkiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu goor sii horeysay soo saaray. “Anigoo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Abdifatah Hassan Afrah waxaan saaka ku socday safar aan ku aadayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, saraakiisha amaanka gaar ahaan hay’adda nisa waxey igu wargeliyeen in uu yaallo amar ah inaan safarkeyga sii wadan karin ee leydiiday inaan safro” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu arrintiisa la wadaagay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, isaga oo hoosta ka xariiqay in si shaqsi ah ay ugu xad-dubtay dowladda Soomaaliya. “Haddaba waxaan la wadaagayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, caalamka iyo cid kasta ay khudeyso in ay tahay xadgudub qaawan iyo colaadin iga dhan ah ee ay ku kacayso dowladda soomaaliyeed, waana wax ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dalka islamarkaana gaf ku ah sharaftayda iyo muwaadin kasta ee Soomaalieed” ayuu sii raaciyay. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xarigiisa uu amray taliyaha NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan Beledweyne, una jooga xallinta xiisaddii ka dhalatay askarii dhawaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Si kastaba, laamaha amniga dowladda weli kama hadli xarigga mas’uulkan iyo is hortaagga lagu sameeyay safarka uu ku aadi lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
  3. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka. Kulankan ayaa muhiimaddiisu ahayd isbarasho Wasiirka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, dhinaca kalena Wasiirka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa iska xog-waraystay xaalad guud ee Dalka, Doorashooyinkii Dalka ka qabsoomay, kuwaasoo u dhacay xor iyo xalaal iyo wada shaqaynta Wasaaradda Amniga iyo Ururada Bulshada Rayidka ah. Ururada Bulshada Rayidka ah oo uu Hogaaaminayo Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa Wasiirka uga mahadnaqay qaabiladda iyo soo dhowaynta, iyadoo la isla qaatay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha Dawladnimada, Nabadgelyada iyo hanaanka Dumuqraadiyada. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL. Qaran News
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle iyo madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayay ka dhex-tafatay, iyadoo maanta dagaalkooda uu bannaanka usoo wada baxay. Ugu horreeyn Macallimuu oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha, wuxuuna ku eedeeyay hoggaan xumo iyo inuu la dagay HirShabelle. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aanu ka socon wax hormar ah, sidoo kalena ay kala qaybsan yihiin dadkeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Hirshabelle waxaa la haray hogaan xumo eber ka hooseeysa, horukac la’aan heer kastamiyo dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu. Intaasi kadib waxaa soo jawaabay afhayeenka Cali Guudlaawe oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro, kaas oo naqdiyay hadalka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu, isaga oo xasuusiyay doorashadii uu kusoo baxay iyo garabkii uu ka helay madaxweynaha. “Xildhibaan Mohamed Ibrahim Moalimuu Galabtii geediga ahayd ee meel walba faashadaha kaaga duubnaayeen oo aad lahayd kursi ayaan rabaa ee Madaxweynaha Barakeysan Cali Guudlaawe ii geey ma i lowday. Soo ma ahayn qofkii habeen hore dhahayay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar qof ayaa loo magacaabay ee Madaxweynaha lacag ii qaad” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ina ibraahinow abaal dhaan waa jiraa waana mid meel kuu taal tankale Cali Kursigiisa waa ku fadhiyaa waana ku fadhidoonaa ee cidaad ka adag tahay baad ka qaado”. HirShabelle ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ay ugu horreeyaan dagaal beeleedyada oo saameyn ku yeeshay deegaanada maamulkaasi, waxaana ugu dambeeyay dhacdadii askarta lagu laayay ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee Shabeelaha Dhexe.
  5. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sanadkan ku bixin doonto $28 milyan oo doolar si loo taageero mashaariic cusub oo lagu horumarinayo adkeynta iyo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya. Mashaariicdan, oo socon doonta muddo shan sano ah, waxay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 80,000 oo qoys Soomaaliyeed, kuwaas oo qiyaastii 500,000 qof ka kooban. Ujeedada mashaariicdaas ayaa ah in la dhiso nolol waarta, la taageero horumarinta dhaqaalaha, iyo kordhinta kaydka iyo hantida qoysaska Soomaaliyeed. Safiir Riley ayaa sheegay in mashaariicdani ay qeyb ka tahay dadaallada waaweyn ee dowladda Mareykanka ee lagu taageerayo Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag ee uu wajahayo dalka, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha amni ee ka jira gudaha dalka. Dadaalladan cusub ayaa sidoo kale qayb ka ah taageerada Mareykanka ee horumarka waara ee Soomaaliya, iyadoo la doonayo in la dhiso xasillooni dhaqaale oo waara. Taageeradan cusub ee Mareykanka ayaa kor u qaadaysa iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo la filayo in mashaariicda ay kaalin muuqata ka ciyaaraan kor u qaadista nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka amni iyo cunto yari. Source: goobjoog.com
  6. Talo ku socota ciday khusayso= 1, Iyagoo dhamaan sharaf iyo karaamo mudan oo isle dadaala, dadkan kildhiga madaxa la gelaaya HA LAGA JOOJIYO video ga aanay fahansanayn in uu iyaga uu dhibaato ku yahay ee laga soo duubaayo, gaar ahaan deegaanada HAWD AND RESERVE AREA. 2, Dhamaan madax dhaqameedka Somaliland ha joojiyaan kamaradan ay soo hor fadhiisanayaan iyo hadaladan QUBANAHA A. 3, Dhamaan bulshada Somaliland yar iyo wayn ha joojiyaan FICILTANKA dhexdooda nooc kasta oo uu yahay, hadii kale horumar gaadhi maysaan. 4, MUCAARID DAWLADA WAAD KU NOQON KARTAA LAAKIIN BAL QIYAAS BADAWNIMADA AY LEEDAHAY IN AAD QABIIL MUCAARID KU NOQOTAA. 5, HA la taageero sidii nabad waarta looga heli lahaa bariga gobolka Sool iyo Sanaag. 6, Dadka HAWD AND RESERVE AREA si cilmiyaysan ha u raadsadaan xaqooda ay ku leeyihiin dawladooda Ethiopia. 7, Degmooyinka Xarshin, Daroor iyo Gaashaamo mar kasta si wada jira ha uuga hawl galaan danahooda, haday tahay federal ka Ethiopia iyo haday tahay DDS. 8,Dadka ka hor intaan la waraysan ama video laga duubin ha loo sheego waxyaabaha ay denbi ku geli karaan sharciyan sida hadal ama hub uu qofku sito. 9, is waraysiga ha xadido sharci qabanaayana ummada ha u sheegaan hay’adaha ku shaqo lihi, DAYAC IYO DIBU DHAC BADAN SHARCI OO BADAN BAA MUUQDEE. By Cabdilqadir Ismaaciil Geelle oo ka mida aqoonyahanada iyo indheer garadka ummada. Qaran News
  7. President Mohamud’s son was put on trial in Türkiye for causing the death of a Turkish citizen. Mogadishu (Commentary) — When President Recep Tayyip Erdoğan visited Somalia in 2011, his visit was both a photo opportunity and an act of solidarity with Somali Islamists influenced by the Muslim Brotherhood. The term “Islamist” describes the desire to use religion to achieve political goals; it does not imply piety. The political Islamists in Somalia — Salafi groups and Muslim Brotherhood-influenced factions such as Damuljadid — sought to capture the state. Türkiye has forged strong ties with Damuljadid, to which President Hassan Sheikh Mohamud belongs. In 2013, he appointed a former banker, Ali Abdi Amalow, to trace Somali assets held in foreign banks. Some of the funds traced by Amalow and Shulman Rogers, an American law firm, were deposited in a Turkish bank. However, there is no data available on Somali assets in Turkish banks. Essentially, Türkiye is in cahoots with corrupt Somali federal leaders who misuse Somalia’s sovereignty to serve Turkish imperial interests in the Horn of Africa. President Erdoğan sees Somalia as a country where he can project middle-power status. Erdoğan dreams of reviving the Ottoman Empire on a smaller scale. He sees Somalia, with its sentimental and corrupt federal leaders benefiting from business and political ties with Türkiye’s ruling party, as a country where he can project middle-power status. Ethiopia, under Abiy Ahmed, similarly dreams of following the legacy of Emperor Haile Selassie. This imperial nostalgia unites Ethiopia and Türkiye. Erdoğan overruled the Federal Government of Somalia’s decision to exclude Ethiopian troops from the AUSSOM peacekeeping force operating in Somalia. Erdogan pressured President Hassan Sheikh Mohamud to include Ethiopian troops in the force, acknowledge Ethiopia’s “sacrifices in fighting Al-Shabaab,” and lease Somali ports to Ethiopia for commercial purposes. Ethiopia has not withdrawn the illegal maritime Memorandum of Understanding it signed with Somaliland, a secessionist administration, nor acknowledged that this was a violation of Somalia’s sovereignty in its attempts to lease a coastal district in northern Somalia. The Ankara Agreement is a betrayal of the sovereignty of Somalia. Abiy Ahmed is animated by the imperial past of Ethiopia. President Hassan Sheikh’s son was put on trial in Türkiye for careless driving that caused the death of a Turkish citizen. He was driving a vehicle belonging to the Somali Embassy in Türkiye, despite having the resources to hire a car. Erdoğan has effectively captured the Somali state by forming ties with corrupt Islamist political elites in Mogadishu. This relationship is based on kleptocratic interests and the exploitation of religious sentiments for hypocritical purposes. The bicameral legislature, controlled by Villa Somalia, plays a key role in maintaining Somalia as a vassal state of Türkiye. © Puntland Post, 2025 The post Türkiye and Ethiopia Share Imperial Nostalgia, Unbeknownst to Somali Leaders appeared first on Puntland Post.
  8. Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe Jimcihii ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde. Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cadow Gureey oo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buuloburde. Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay saacado badan, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, ayna ka saareen Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladda ayaa maanta mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda. Weerarkan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga hortagayo qulqulka Al-Shabaab oo inta badan kasoo talaaba wabiga Shabeelle ee mara deegaanada maamulka HirShabelle.
  9. Shir ku saabsan Adkaynta Amniga guud iyo garab istaaga Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada Puntland ayaa maanta lagu qabtay Caasimadda Garoowe. Shirkani ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo Kor u qaadista iyo adkaynta Amniga guud ahaan deegaanada Puntland. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Shirka uu guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, islamarkaana looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada. “Shirka ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo Kor u qaadista iyo adkaynta Amniga guud ahaan deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka. Shirkani ayaa imaanaya xilli ay Puntland dagaal kula jirto kooxaha Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish oo halis ku ah Amniga iyo Xasiloonida guud, kuwaasi oo dhawaan weerar fashilmay ku soo qaaday Saldhiga Ciidamada ee degaanka Dharjaale. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Puntland oo Shir ka yeeshay Taakulaynta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  10. NEW YORK CITY, N.Y. — Monmouth’s Coastal Athletic Association (CAA) opener saw yet another dazzling performance from Abdi Bashir Jr., who poured in 31 points to lead the Hawks to a resounding 78-56 victory over the Stony Brook Seawolves on Thursday night. The win marks a turning point for Monmouth (3-11, 1-0 CAA), as they move into conference play with renewed confidence. Source: Hiiraan Online
  11. Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa saaka gaaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi. Soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa safaf dhaadheer u galay Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi oo leh qaybahooda kala duwan, sida ay muujinayaan sawirro ka imaanaya jigjiga, kadib markii uu maanta ka dagay ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Dowlad Deegaanka ayaa u diyaarisay soo dhoweyntii ugu weyneyd ee Abiy Axmed, taas oo noqotay middii ugu ballaarendy ee ay Soomaali u sameyso, sida laga arki karo muuqaalka. Abiy ayaa booqasho ku maray deegaanka Soomaalida, isaga oo kormeer ku sameynayo magaaooyinka waa wayn, isaga oo la kulmayo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta deegaanka. Shalay ayuu Abiy Axmed booqday magaalada Godey, wuxuuna ka furay mashruuc waraab ah, si ay uga faa’iideystaan dadka shacabka ah ku dhaqan halkaasi. Waxaa kale oo uu Soomaalida u sheegay inay iska dhaafaan khilaafka iyo colaadda, Soomaaliduna ay leedahay kheyraad ku filan Itoobiya oo dhan, sida uu hadalka u dhigay. Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa kusoo aadeyso, xilli weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacawaley oo ay dad badan ku dhinteen.
  12. Sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado abaaro ah oo daran. Xarunta ayaa sheegtay dhacdooyinkaan ay dhici doonaan inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025. Waxa ay sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Soomaaliya, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaar. Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn xilli-roobaadka January ilaa March 2025. Sida ay sheegtay xaruntu, gobolka dhexdiisa, keliya koofur-galbeed Tanzania iyo koofur-galbeed Uganda ayaa heli doona roob aan caadi ahayn inta muddadaas lagu jiro. Dalalka Geeska Afrika waxay ka mid yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro, daadad, iyo cayayaanka beeraha ay wax caadi ah ka yihiin isla markaana heer-kulku uu gaaro 32 gigrii, sida ay xarunta sheegtay. In ka badan 64 milyan oo qof oo Geeska Afrika ku nool ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo. Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (HOL) — Former Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke has urged the Federal Government of Somalia (FGS) to increase its political and security support to all Federal Member States (FMSs) in the fight against terrorism. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — British MP Sir Gavin Williamson has renewed calls for the United Kingdom to recognize Somaliland as an independent state following a meeting with Somaliland’s newly elected President, Abdirahman Mohamed Abdullah, in Hargeisa on Friday. The meeting also included the Minister of the Somaliland Presidency and the President’s Chief of Staff. Source: Hiiraan Online
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQPBjOqYWSERoQla5EbAabDQzP6ockRoDZlGZ-9PtsbItqquG3WdmNa0qTh9FVafHt9yvqoBMDzOgiBO5qM-_KZW.mp4 Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Ministry of Energy and Water Resources has opened a tender for a 10-megawatt solar power plant integrated with a 20-megawatt-hour battery energy storage system. Source: Hiiraan Online
  17. Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD ayaa sheegtay in gobolka Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado qalleyn ah oo aan caadi ahayn inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025. Saadaasheeda ay toddobaadkan soos aartay, ayay ku sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaar. Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn xilli-roobaadka January ilaa March 2025. Sida ay sheegtay xaruntu, gobolka dhexdiisa, keliya koofur-galbeed Tanzania iyo koofur-galbeed Uganda ayaa heli doona roob aan caadi ahayn inta muddadaas lagu jiro. Dalalka Geeska Afrika waxay ka mid yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro, daadad, iyo cayayaanka beeraha ay wax caadi ah ka yihiin isla markaana heer-kulku uu gaaro 32 gigrii, sida ay xarunta sheegtay. In ka badan 64 milyan oo qof oo Geeska Afrika ku nool ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo dhammaadkii November sababo la xiriira dagaallo iyo musiibooyinka cimilada, sida ay warbixinta sheegeen Ururka Cunnada iyo Beeraha QM iyo IGAD. Bbcsomali Qaran News
  18. Hargeisa (HOL) — Amid the hum of a small cassette player, 21-year-old Hafsa Omer is working to preserve the voices and stories of Somaliland’s cultural and historical legacy by digitizing thousands of cassette tapes containing decades of music, poetry, and personal accounts that encapsulate the region’s identity. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil baabuur oo sababay khasaare leh dhimasho leh oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Shilka oo ka dhacay waddada aada deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo laba kamid ah dumar yihiin, halka qofka kalena uu ahaa darawalka. Labada gabdhood iyo darawalka ayaa xilligaas kasoo laabtay dhanka xeebta Jaziira, waxaana waddada ka baxay baabuurka ay wateen oo gebi ahaan burburay. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga inta uusan rogman kahor uu tartan kula jiray baabuur kale oo isna ku socday waddada Jaziira ee duleedka Muqdisho. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in darawalka gaariga waday uu ka tirsan yahay ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan TikTok. Maydadka ayaa goobta laga soo qaaday, kadib markii ay goobta tageen ehellada iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku baxay meesha ay wax ka dhaceen. Mararka qaar ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca shilalka baabuur, waxaana sababa darawallada oo xawli u kaxeeya gaadiidka iyo waddooyinka qaar oo weli burbursan.
  20. Beledweyne (HOL) — A locally mobilized clan militia, known as Ma'wisley, attacked an al-Shabab hideout in the Bulaburte district of Hiiraan region on Friday, local residents reported. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somali artist Qamar Suuggaani was assaulted Friday night in the Jigjigayar neighbourhood of Hargeisa, the latest in a string of violent incidents targeting the performer. Source: Hiiraan Online
  22. A soldier injured in the Dharjaale terrorist attack. Boosaaso (PP News Desk) — The Puntland Government on Thursday sent soldiers wounded in the ISIS terrorist attack on Dharjaale in the Bari region abroad for medical treatment. The Committee for Supporting and Health Care Assistance for the Anti-Terror Operation, tasked with implementing the presidential directive, facilitated the transport of the injured soldiers requiring medical treatment abroad. Last week, Puntland State launched an anti-terror operation against ISIS hideouts in the mountainous areas of Bari. More than 1,200 ISIS fighters from different nationalities are believed to be based there. It is the largest anti-terror operation against the proscribed group, which is planning attacks against citizens. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Sends Injured Soldiers Abroad for Treatment After Dharjaale Terrorist Attack appeared first on Puntland Post.
  23. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda dhawaanahan ka aloosan galbeedka Gobolka Mudug. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, Cabdinaasir Cabdiqaadir Cabdulle oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaadda labada beelood ee ka taagan galbeeedka Mudug. Guddoomiye Cabdinaasir ayaa sidoo kale caddeeyay in dagaalka galbeedka Mudug uu u dhexeeyo laba mileeshiya-beeleed oo keliya, islamarkaana aysan ku lug lahayn cid ka baxsan labada mileeshiyaad ee dirirtu dhexmartay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug midna aanu wax lug ah ku lahayn dagaal beeleedka socda, balse uu yahay colaad ku kooban laba beelood oo aysan wax siyaasad ah ku jirin labada dhinac midna. “Aniga oo ka wakiil ah dowladda Galmudug afkeedana ku hadlaya waxaan lee yahay dagaalkaasi ma bannaana ee hala joojiyo, waxaana ku baaqaya xabbad-joojin labada dhinacba” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, Cabdinaasir Cabdiqaadir. Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay gacan ka geystaan in xabbad-joojin laga sameeyo degaanka colaaddu ka jirto sidoo kale wada-hadal iyo waan-waan nabadeed laga dhex bilaabo labada beelood. PUNTLAND POST The post Galmudug oo ku baaqday in xabbad-joojin laga sameeyo colaad beeleeda galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi a Itoobiya ugu ogolaatay in ciidamadeeda ay ku biiraan howlgalka cusub ee AUSSOM oo Soomaaliya ka bilowdaan Arbacadii lasoo dhaafay. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso codsiga ku aaddan inay Itoobiya ku biiriso ciidamo cusub oo qeyb ka noqda howlgalka cusub ee AUSSOM. Ogolaanshan ayaa daba socda isku soo dhawaanshaha labada dal iyo booqashada ay Muqdisho kusoo gaareen wafdiga sare ee ay soo dirtay dowladda Itoobiya. “Iyadoo la raacayo mabaadi’da baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa sida ay uga go’an tahay xaqiijinta fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay u aragtaa in mabaadi’da heshiisyadaasi ay aasaas adag u yihiin kobcinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u adeega danaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Dhankeeda qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM, base qoraalkan laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac. Itoobiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan magaalada Addis Ababa. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa mar kale qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda xooggan ee haatan kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya oo ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka dalka. Jubbaland ayaa mar kale ku dhowaaqday dagaal horleh oo ay la galeyso dowladda dhexe, sida uu ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maxamuud Sayid Aadan. Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga oo 7 xubnood ah, kana kooban heer gobol iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo loo xilsaaray inay isku daba ridaan ciidamada Jubbaland ee gobolka jooga, sida lagu sheegay warka qoraalka ah. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in ciidamadaasi ay difaacaan deegaanka, sidoo kalena ay la dagaalamaaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo difaaca Dowladda Jubaland.” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay guddiga. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan dowladda dhexe ay dhankeeda dhaq-dhaqaaq culus ka wado gobolka Gedo, oo ay ku daabushay ciidamo dheeraad ah. Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Doolow, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaasi.