-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xirtay in ka badan 12 kun oo Akoon, kuwaas oo ay Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta dadka. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay in ay xirto 12,010 Akoon, oo isugu jiray Baro Bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco, kuwaas oo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta fikirka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigtay tirada akoonada baraha bulshada ee laga xiray kooxda Al-Shabaab, horay wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegtay in Shabaab laga xiray barahoodii ay bulshada kula wadaagi jireen afkaartooda. “Baraha la xiray oo u badnaa kuwo aan lahayn tixraac iyo taageereyaal ku xiran midna, ayay Khawaarijtu u furteen si dhuumaaleysi ah, iyaga oo isticmaalaya sawirro iyo magacyo aan jirin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA. Sidoo kale Hay’adda ayaa baahisay Jaantuuska Akoonnada la xiray laga soo bilaabo bishii July ilaa December sanadkaan 2024-ka. Facebook ayaa ugu badan akoonada la xiray, waxaana ku xiga TikTok, Telegram ayaa ku sii xiga, waxaana u yar Website-yada oo gaaraya shan, sida ku cad Jaantuuska ay soo saartay NISA. Qoraalka Hay’adda NISA ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta kaaliyaha Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA loo magacaabay Jeneraal Saadaq Joon oo ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Hoos ka eeg qoraalka ay caawa soo saartay NISA.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka golaha amniga qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska amniga qaranka. Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howl-galka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, wasiirrada xubnaha ka ah golaha amniga qaranka iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka. Intii uu shirka socday, waxaa lagu falan-qeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howlan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howl-galka cusub ee AUSSOM. Sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay wasaaradda beeraha iyo waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed. Wasaaradda ayaa shirka kusoo bandhigtay halista isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo kamid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa guddiga golaha amniga qaranka waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka. Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ku-xigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirrada xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka . Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM . Sidoo kale, shirka waxaa lagu lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa Guddigu waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa wada hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Cabdulcaati. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha si loo daboolo rajada shacabka walaalaha ah ee labada dal. Wadahadalkan ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo fulinta natiijooyinkii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Asmara 10-kii Oktoobar 2024, kaas oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya. Dr. Badr Cabdulcaati, ayaa markale ku celiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo dawladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Masar ay ku garab taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda, iyo sidoo kale taageerada ay siinayso la dagaallanka argagixisada si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni. Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la sii wado wada shaqeynta labada dal iyo in si wadajir ah loo sii diyaariyo shir saddex geesood ah oo ay isugu imaanayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya. Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadaagga ah leh. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon ayaa loo magacaabay kaaliyaha amniga ahna taliye ku-xigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA, sida ay illo wareedyo xilkas ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Saadaq Joon oo horey usoo noqday taliyaha NISA iyo booliska ee gobolka Banaadir ayaa haatan xilkan sare looga magacaabay hay’dda NISA, isagoo beddelaya Muxiyadiin Warbac. Wareegtada magacaabista Saadaq Joon oo lagu soo waramayo inay gaartay taliska NISA ayaa waxaa la filayaa inay faafin rasmi ah kusoo baxdo saacadaha soo aadan. Saadaq Joon oo xukunkii Farmaajo uu ka xayuubiyay darajadii ciidanka ayaa waxaa dib loogu soo celiyay dhamaan darajooyinkiisa ciidanka markii dowladda Xasan Sheekh la wareegtay xilka. Ninkan ayaa sanadihii lasoo dhaafay kamid ahaa saraakiisha ugu saameynta badan hay’ddaha dowladda, wuxuuna haatan beddelaya Muxiyadiin Warbac oo isaguna door muhiim ah kasoo qaatay shaqada hay’adda NISA. Saadaq oo ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse madaxweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka-qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sarkaalkaan. Waxaana bartimihii 2022 uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo celiyay Saadaq Joon darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo, wuxuuna markaas dib u helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta soo saaray wareegtooyin dhaliyay dood sharci, ayadoo madaxweynaha lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo dastuuri ah. Cabdiraxmaan Ciro ayaa wareegtooyinka uu soo saaray wuxuu laba hay’ad dowladeed ugu beddelay wasaaraddo, kuwaas oo kala ah; hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha iyo hay’adda duulista iyo madaarrada. Hay’adda qaxootiga ayaa laga dhigay wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada, halka hay’adda duulista laga dhigay wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada. “Waxaan go’aamiyay in hay’adda qaxootiga iyo barakacayaashu ay noqoto wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani-aadannimada oo ka mas’uul noqonaysa maamulka iyo maaraynta hawlaha gargaarka bani’aadannimo ee Somaliland, sidoo kalena ay shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda dib-u-dejinta,” ayuu Ciro ku yiri wareegtada koowaad. Halka uu wareegtada labaad ku yiri “Waxa aan go’aamiyey in hay’adda duulista iyo madaarradu ay noqoto wasaaradda duulista hawada iyo horumarinta madaarrada oo yeelanaysa mas’uuliyadda maamulka iyo maaraynta hawlaha duulista madaniga ah iyo hoggaaminta qorshayaasha lagu horumarinayo madaarrada Somaliland, ayadoo shaqaalaha iyo hantida hay’addii hore ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida wasaaradda duulista hawada.” Intaas kadib Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah garyaqaannada waaweyn ee Somaliland ayaa tallaabada madaxweyne Cirro ku tilmaamay sharci jebin iyo dastuur jebin cad. “Hay’adda Duulista Madaniga ah waxa ay ku aasaasan tahay xeer, Xeer Lr. 70/2017. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxa ay ku aasaasan thay xeer, Xeer Lr. 103/2023. Labada midkoodna madaxwaynuhu ma baabiin karro, haddii aan labadaas xeer wax ka bedel lagu samayn,” ayuu yiri Garyaqaan Guuleed Dafac. Waxa uu intaas kusii daray “Sidaasdarteed, digreetada madaxwaynaha ka soo baxday ee uu labadaas hay’adood uga dhigay wasaarado waa sharci-jebin iyo dastuur jebin cad. Waxa ay si gaar ah xadgudub ugu tahay qodobka 37aad iyo qodobka 38aad ee Dastuurka Somaliland.” Garyaqaanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro inuu ilaaliyo ballantii uu horey u qaaday ee ilaalinta dastuurka iyo in uusan ku xad-gudbin xeerarka, “Mudane madaxwayne, ballantii aad qaaday waxa ay ahayd inaad dastuurka iyo xeerarka ilaalinaysid.”
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya, Ahmad al-Sharaa ayaa sheegay in Israa’iil ay adeegsanayso marmarsiiyo been abuur ah, si ay ugu qiil raadiso weerarrada ay ku hayso Suuriya, laakiin uusan dooneyn in uu galo dagaal cusub, iyadoo waddanka uu diiradda saarayo dib u dhiska kadib dhammaadka xukunkii Bashaar Al-Asad. Sharaa oo loo yaqaan Abu Mohammed al-Golani ayaa hogaamiya kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuuray Assad todobaadkii hore, taasi oo soo afjartay xukunkii qoyska ee 50-ka sano gacanta birta ah ku maamulayay Suuriya. Israa’iil ayaa tan iyo markaas u dhaqaaqday aagga ka caaggan militariga ee gudaha Suuriya oo la abuuray ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973-kii, oo ay ku jirto dhinaca Suuriya ee buurta istaraatiijiga ah ee Hermon ee dusha sare ka eegeysa Dimishiq, halkaas oo ay la wareegtay goob milatari oo Suuriya ah oo la dayacay. Israa’iil oo sheegtay in aysan ku talo jirin in ay halkaas sii joogto ayaa duulaanka ay ku qaaday dhulka Suuriya ku tilmaantay mid xaddidan oo ku meel gaar ah si loo sugo ammaanka xudduudda, waxa ay sidoo kale boqolaal duqeymo ah ku qaadday keydka hubka ee Suuriya. Dhowr waddan oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Urdun, ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen qabsashada Israa’iil ee aagga difaaca ee buuraha Golan. “Doodaha Israa’iil waxay noqdeen kuwa daciif ah oo aan mar dambe marmarsiinyo u lahayn xadgudubyadii ay dhowaan sameeyeen, Israa’iiliyiintu waxay si cad uga gudbeen xadadka xeerarka Suuriya, taasi oo keeneysa khatar aan loo baahneyn oo ay xaaladdu uga sii darto,” ayuu Sharaa ku yiri wareysi lagu daabacay mareegta TV-ga Suuriya ee taageera mucaaradka. “Xaaladda Suuriya oo dagaal ku daashay, ka dib sannado badan oo colaado iyo dagaal ah, ma ogolaaneyso iska hor imaadyo cusub, mudnaanta marxaladdan waa dib u dhiska iyo xasilloonida, oo aan la gelin khilaafyo horseedi kara burbur kale.” Waxa uu sidoo kale sheegay in xal diblomaasiyadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo amniga iyo xasiloonida, islamarkaana dhaq-dhaqaaqyo militari oo aan laga fiirsan loo baahneyn.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga hortimid tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda dhexe, iyadoo caalamka ka dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo cuna-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Cabdi Juxa ayaa ku dooday in khataro halis ah ay soo wajahday ammaanka Soomaaliya, kadib markii laga qaaday cuna-qabateynta hubka. Sidoo kale wuxuu ku andacoodey in hubka la siiyo dowladda federaalka Soomaaliya loo adeegsaday khilaafyada siyaasiga, kuwaas oo uu sheegay inay salka ku hayaan dano shaqsi iyo mid siyaasadeed oo gaar ah. “Runtii waa wax laga xumaado in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya la geeyo deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland, iyadoo la doonayo in lagu qal-qal geliyo dowlad nabad ah,” ayuu yiri Wasiir Juxa. Waxa uu intaas kusii daray “Waa fal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, oo aan ku habooneyn in lagu aamino hubkaas.” Wasiirka ayaa waxa kale oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay si khaldan u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones-ka), kuwaas oo loogu tala-galay dagaalka Al-Shabaab “Maamulka Puntland wuxuu ku baaqayaa in dib loo soo celiyo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si looga hortago dagaal sokeeye,” ayuu yiri Wasiir Juxa. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaa muuqata in Soomaalidu aysan xamili karin mas’uuliyadda ka dhalan karta qaadista cuna-qabateynta hubka.”
-
WAR-SAXAAFADEED. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Fadhigii u horeeyey Ku yeeshay Qasriga Madaxgtooyada JSL. Hargeysa-15-12-2024-()-Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno). Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Qaranku inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan. Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka. Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo. ALLAA MAHA DLEH Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno). Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Somaliland inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan. Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka. Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib. Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”. Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Dagaal culus oo laba jiho ah ayaa weli ka socda magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag halkaasi oo ay ku dagaallamayaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland. Dagaalka oo wakhti kooban hakad galay ayaa duhurnimadii dib uga bilowday kantaroolka bari ee Ceerigaabo iyo qaar kamid ah xaafadaha degmadaasi oo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee Somaliland iyo SSC-khaatumo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dib u bilowday kaddib markii labada dhinac uu mid walba helay gurmad ciidan oo gadaal kaga biiray islamarkaana ku gaashaaman gaadiidka dagaalka sida ay tilmaamayaan goob-joogayaal. Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac waxaase warar hordhac ah tibaaxayaan in dhimashadu kor u dhaaftay 10 qof halka dhaawacana uu yahay in ka badan 30 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah. PUNTLAND POST The post Dagaalkii Ceerigaabo oo sii xoogaystay kadib markii gurmadyo ciidan ku biireen appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu horreeyay, kaas oo shir-guddoominayey madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehlinaayey ku-xigeenkiisa, Maxamed Cali Aw Cabdi. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan xubnaha golaha wasiirrada cusub ee shalay la magacaabay, kuwaasi oo isugu jira wasiirro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiir ku xigeenno. Isbarasho kadib, madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha buuggga xisbiga oo ka kooban lix cutub, taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu golihiisa xasuusiyey in shacabka Somaliland uga fadhiyaan in aay ugu shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan. Dhinaca kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka. Ugu dambeyntiina wuxuu madaxweynaha Somaliland si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo kamid ah gobolka Sanaag, wuxuuna madaxweynaha mar labaad ku celiyey baaq nabad-gelyo.
-
Anniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca asxaabta igula sugan hada magaalada Jeddah ee dalka ‘Saudi Arabia’, waxa aanu jecleysanay in aan hambalyo iyo bogaadin hawada u soo marino Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxa kale oo iyana xusid mudan in Xukuumadda ay ka soo muuqdeen beelo aan hore u heli jirin wasiir buuxa, taasna amaanteedana waxa iska leh madaxweynaha gartay, kuna dhiiraday in uu sameeyo magacaabistaas taariikhiga ah. Hadaba, waxa aanu soo jeedineynaa in xukuumadaas la is garab taago oo lala shaqeeyo. Waxa kale oo lagu arkaayay baraha bulshada (social media) shakhsiyaad ka muujiyay cabasho iyo saluug Golaha Wasiirada ee cusub. Sheydaan ayaa deg-deg eh, waxa fiican in aynu ka war sugno inta laga dhameys tiraayo dhismaha xukuumada iyo dowlada. Waxa dhici karta in ay xal ama daawo u noqon karto cabashooyinka laga hadlaayo. Midna waa in la ogaado waxa kasta oo dad sameeyo ma dhaliil iyo qabyo la’aado. Kayse Guray ALLAH MAHAD LEH Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib. Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”. Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah furay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa weli ku howlan soo daabulidda ciidamadii ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya gaysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay halkaasi. Qaybtii labaad ee ciidamada dowladda ayaa maanta diyaarad laga soo saaray magaalada Raaskambooni, waxayna kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, “Dowladda Jubbaland ayaa maanta mar kale sagoontisay qeybtii labaad ee dhalinyaradii lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Raas-kaambooni, iyadoo diyaarad loogu celiyey magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland. Ciidamada inta aysan soo bixin ayaa waxaasoo sagootiyay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidanka Xooggada dalka, waxaana Jubbaland ay sheegtay in lasoo khalday dhalinyaradan, sida ay ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay. “Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga, ayaa goobjoog ka ahaa sagoontinta dhalinyarada, kuwaas oo Xasan Sheekh uu ku soo khaladay deegaanka Raas-kaambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Deegaanka Raas-kaambooni ayaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid nabad ah”. Xaaladda deegaanka ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda u maamulayo ciidamada Jubbaland oo Arbacadii lasoo dhaafay dagaal ku galay magaalada Raaskambooni. Si kastaba, waxaa jira ciidamo kale oo boqolaal ah, oo u baxay dhinaca dalka Kenya, kuwaas oo lagu wado in iyagana lagu soo celiyo magaalada Muqdisho.
-
Maamulka Jubbaland ayaa maanta diyaarad ku soo qaaday qeybtii labaad ee ciidamo horey ugu sugnaa Kismaayo, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Raaskambooni. Ciidankan ayaa lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya markii Muqdisho la keenay. waxaa ku jira Ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan iyo kuwa caafimaadqaba. Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sidoo kale sheegaya in dhowaan la soo qaadi doono ciidamo kale oo weli ku haray magaalada Kismaayo, kuwaas oo horey uga qeyb qaatay dagaallada Raaskambooni. Jubbaland ayaa sheegtay in aysan waxyeelo u geysan doonin Ciidanka dowladda ee lagu qabtay Raaskambooni. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa wali war kasoo saarin sax ahaanshaha Ciidanka Jubbaland ay sheegtay in ay yihiin ciidankii dowladda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah oo muhiim ah, isla markaana ay ka qayb-galayaan inta badan aqoonyahannada Soomaaliyeed. Shirkan oo ah meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa dalka lagu qabanayaa muddo 35 sanno ah kadib ah, waxaana isugu yimid wafuud kala duwan oo ka badan ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika. Inta uu socd shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Dalka, isaga oo ka qayb-galayaasha hor dhigay ka faa’iideysiga fursadaha muuqda sida Cilmi baarista iyo sare u qaadista Waxbarashada. Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo madasha ka hadlay ayaa martida kusoo dhaweeyay hoolka shirka, wuxuuna sheegay in wasaaraddu ay farxad u tahay in 35 sano ay Muqdisho ku martigeliyaan Shirka Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, Soomaaliya ayaa haatan wax la qaybsaneysa aduunka intiisa kale, waxaana sanadihii u dambeysay ku tallaabsaneysay hormaro ballaaran oo ay qayb ka tahay wax la qaybsiga dalalka dhiggeeda ah.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa Nabad-Sugida maamulkaasi ayaa gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan weerar ka gaystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ninkan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in bam-gamceed ku tuuray isbitaalka wayn ee magaalada Kismaayo. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Shidaad Ayuub ayaa laga qaaday wareysi uu baahiyay Telefishinka Jubbaland, wuxuuna ku sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 7 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Jubbaland. Cali Shidaad ayaa sanadkii 2018kii mar isku dhiibay maamulka Jubaland waxaana lagu xareeyay xeryaha dhaqan celinta dagaalamayasha kasoo goosta Al shabaab. Sidoo kale mar kale ayuu iku laabaatay kooxda, waxaana mar labaa lasoo qabtay 2019-kii, isaga oo loo soo xiray dhacdo noocani oo kale ah oo bam-gacmeed ah wuxuuna xirnaa sanad iyo bilooyin, iyada oo kadib la siidaayay. Eedeysanaha ayaa ku dooday in la qasbay oo isaga oo ka shaqeysanayo goomiiste ay lasoo xiriirtay kooxda, kadibna ay ugu hanjabtay dil, hadii uu fulin waayo weerarka. Si kastaba, weerarka uu ku qaaday isbitaaka Kismaayo ayaa kusoo aaday, xilliga lagu dabiibayay askar ka tirsan kuwii kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.