Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WASHINGTON: The United States on Thursday said it welcomed the accord reached by Somalia and Ethiopia to end regional tensions, sparked by Addis Ababa’s push for maritime access. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — Somali government confirmed Thursday that the AUSSOM troop deployment plan was not part of the Ankara talks that resolved a year-long diplomatic dispute between Somalia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  3. Dowladda Norway ayaa soo dhaweysay heshiiskii lagu gaaray Ankara ee u dhexeeyay dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo u mahadcelisay Turkiga dadaalkiisa dhexdhexaadinta. “Waxaan rajeyneynaa in heshiiskan uu gacan ka geysan doono nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada Geeska Afrika,” ayay lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Norway waxay taageertaa wada-hadallada socda, waxayna u mahadcelinaysaa Turkiga doorkiisa dhexdhexaadinta.” Ka dib kulan ay Arbacadii ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya magaalada Ankara oo uu martigeliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, labada hoggaamiye ayaa bayaan wadajir ah kasoo saaray heshiiska loogu magacdaray “Heshiiska Ankara,” iyagoo xaqiijiyay in ay ixtiraamayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dhinac. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku hayay arrimo badan tan iyo markii Itoobiya ay bishii Janaayo ee sanadkan Itoobiya ay kusoo xadgudubtay Madaxbanaanida Soomaaliya ka dib markii ay heshiis la gashay Somaliland. Source: goobjoog.com
  4. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar cusbooneysiinaya cunaqabateynta la saaray kooxda al-Shabaab ilaa 28-ka Febraayo, 2025. Qaraarkan, oo ay soo gudbisay dowladda UK, ayaa si wadajir ah waxaa ugu codeeyay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka. Waxa uu ogolaanayaa tallaabooyin lagu dhaqan gelinayo xayiraadda hubka sharci darrada ah ee la soo dhoofiyo, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo xannibaadda agabka loo isticmaalo sameynta waxyaabaha qarxa (IED). Cunaqabateynta ayaa sidoo kale sii adkeysay xayiraadda hubka, safarka, iyo hantida ee ku wajahan kooxda al-Shabaab. Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay amni-darro, iyadoo qataraha ugu waa weyn ay ka imanayaan kooxaha al-Shabaab iyo Daacish/ISIS. Tan iyo 2007, al-Shabaab waxay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  5. Ankara is committed to ensuring stability in Syria and preventing terrorist domination, Foreign Minister Fidan told his U.S. counterpart Blinken as the two top diplomats discussed Turkish and American roles in ensuring Syria’s future after the fall of Assad. Source: Hiiraan Online
  6. The Chinese Embassy in Kenya says it has begun training Kenyan journalists to promote professionalism and integrity. But press advocates say the initiative is ironic as China sits close to the bottom in a key press freedom ranking for 2024. Source: Hiiraan Online
  7. Deputy Chief Steve Bell says the Ottawa Police Service (OPS) has made a number of changes since the 2016 death of Abdirahman Abdi, but more work needs to be done — including repairing the police service's "very fractured" relationship with the local Somali community. Source: Hiiraan Online
  8. 'We hope this agreement will contribute to peace, stability and prosperity in the Horn of Africa,' says Norway's Foreign Ministry Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU, SOMALIA/WASHINGTON — Expressing a renewed desire to return to their homeland, some Syrian refugees residing Somalia's capital, Mogadishu, are hopeful that recent developments, including the ousting of the Assad family regime that brutally ruled Syria for 53 years, might signal a safer future in Syria. Source: Hiiraan Online
  10. The Security Council today extended its authorization for Member States to intercept vessels transporting banned items to and from Somalia, including illegal arms imports and charcoal exports, until 28 February 2025 — a short-term renewal to provide members with additional time to discuss “the best shape” of the sanctions regime amid the ongoing United Nations drawdown in Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. The United Arab Emirates (UAE) is reportedly supporting Israel’s regional military expansion by financing the establishment of a military base in Somaliland, a self-declared state in the Horn of Africa. According to a recent report by the Israeli newspaper Haaretz, this base is aimed at countering the Houthi movement in Yemen, a group that has launched hypersonic missiles and drone attacks targeting Israel and its allies. The development raises significant geopolitical concerns, particularly for Egypt and the future of international navigation in the Suez Canal. The UAE has been mediating between Israel and Somaliland, facilitating the establishment of the base and partially funding its construction. This initiative aligns with the UAE’s broader strategic interests in the Red Sea region, where it has maintained a military and commercial presence since 2017 through the Berbera Port and its associated infrastructure. The UAE’s involvement also includes substantial financial investments, such as a $440 million project to develop the port and its airport, which serve as critical hubs for Emirati military operations in Yemen. This partnership reflects the UAE’s normalization of relations with Israel since the Abraham Accords in 2020. Both nations share a mutual hostility toward Yemen’s Houthi group, which has declared its support for Palestinians and poses a strategic threat to their interests. The Houthis’ closure of the Bab al-Mandeb Strait, a vital maritime chokepoint, further escalates tensions. The strait’s significance cannot be overstated, as it handles 12% of global trade annually, amounting to approximately €790 billion. Somaliland’s location on the Gulf of Aden, near the Bab al-Mandeb Strait, makes it a strategic asset for global and regional powers. With a 460-mile coastline and a population of 6.2 million, the region declared independence from Somalia in 1991 but remains internationally unrecognized. Its government, dominated by the Issa clan, maintains unofficial relations with nations such as Taiwan, Israel, and the UAE. Israel’s interest in Somaliland stems from its need to counter Houthi attacks effectively. A recent analysis by Israeli writer Nadav Feldman highlighted a July 19 drone strike that traveled over 2,000 kilometers from Yemen to Tel Aviv, evading Israel’s advanced air defenses and causing casualties. Such incidents have underscored the urgency for Israel to establish a closer strategic depth. Somaliland offers an ideal solution due to its geographic proximity and lack of international oversight from institutions like the IMF and World Bank. Reports suggest that Israel’s proposed military base in Somaliland comes in exchange for its recognition of Hargeisa as the capital of Somaliland. This move would bolster Somaliland’s quest for legitimacy while serving Israel’s regional security interests. The establishment of an Israeli military base in Somaliland could destabilize the already volatile Red Sea region. Egypt, for instance, views this development as a potential threat to its sovereignty and the security of the Suez Canal. Ethiopia, another regional player, is also seeking to establish a military foothold in Somaliland, further complicating the geopolitical landscape. The UAE’s active role in facilitating Israeli military expansion highlights its ambitions to dominate strategic maritime routes. Abu Dhabi’s influence extends beyond Somaliland to Yemen’s Socotra Archipelago, where it operates a joint military and intelligence facility with Israel on Abdul Kuri Island. This facility underscores the UAE’s commitment to countering Houthi influence and securing its interests in the Gulf of Aden. Israel’s military strategy has long focused on securing strategic depth in volatile regions. In the Mediterranean, it has relied on Cyprus for operational support. Somaliland represents a similar opportunity in the Red Sea, enabling Israel to monitor and respond to threats in Yemen. The region’s lack of international recognition offers a low-risk environment for Israel to expand its military footprint. Ahmed Fifa Rendi, a researcher at Turkey’s Sakarya University, was among the first to reveal Israel’s secret negotiations with Somaliland. According to his findings, Israel’s proposed base would allow it to launch preemptive strikes on Houthi targets and deter further attacks. In return, Somaliland would receive financial investments and political recognition, strengthening its position in the Horn of Africa. The UAE’s mediation and financial backing of Israel’s military expansion into Somaliland reflect a strategic partnership aimed at countering shared adversaries like the Houthis. However, this move introduces new risks to the Red Sea region, potentially escalating tensions among regional powers and threatening vital international trade routes. As global powers like the United States and China also vie for influence in Somaliland, the region’s geopolitical importance is set to grow, making it a focal point for future conflicts and alliances. Source Muslim mirror Qaran News
  12. Raaskambooni (Caasimada Online) –Magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose waxaa galabta diyaarado laga soo saaray ciidankii dowladda federaalka ee dagaalka lagu qabatay Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo gacanta u galay Jubbaland. Sida ay ogaatay Caasimada Online tirada askarta maxaabiista ah ee Jubbaland ay ku qabatay dagaalkii Raaskambooni waxay gaareysaa 83 askari oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland oo Wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni. Masuuliyiinta Jubbaland ayaa Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ku wareejiyey askartaan maxaabiista ah, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin dagaalkii dhacay iyo in wiilal Soomaaliyeed ay maxaabiis ahaan u heystaan. Sidoo kale, Jubbaland ayaa isla maanta labo diyaaradood u dalabtay ciidankaas, si Muqdisho ay uga soo dejiyaan, diyaaradii koowaad ayaa galabta Raaskambooni ka soo qaaday 33 askari oo ciidankii dagaalka lagu qabtay ah. Diyaaradii labaad ayaa Raaskambooni kasoo qaaday 50 askari, sidaas ayuu ciidanka lagu qabtay dagaalka ku ahaa 83 askari, askarta qaar waxay qabeen dhaawacyo kala duwan, waxaana galabta Maqribkii laga soo dejiyey Muqdisho. Taliyaha qeybta 43-aad oo goobta ciidankaan laga soo qaaday warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Kismaayo uu ka soo baxay isagoo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, isla markaana uu Jubbaland kala wareegay askartii ay maxaabiis ahaanta u qabteen, si wiilal Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale qaba aysan daryeel la’aan ugu dhiman Raaskambooni. Taliyaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo siyaasadaha is diidan ee Jubbaland iyo dowladda Federaalka, wuxuu sheegay in Raaskambooni ay ku jirto deegaanada uu Taliska Xoogga Dalka wakiilka uga yahay, isagoo askarta weli duurka ku jirta ka codsaday inay yimaadaan Raaskambooni, inta uu joogo, si dib loogu celiyo Muqdisho iyagoo nabad qaba. Masuuliyiintii Jubbaland ee maanta Raaskambooni tagtay ayaa dhankooda gar-naqsaday, waxayna sheegeen in dowladda federaalka ay masuul ka tahay fool xumadii ka dhacday Raaskambooni, iyagoo ku eedeeyey inay ku soo duushay deegaan nabad ah oo 2011-kii laga nadiifiyey Khawaarijta. Arbacadii lasoo dhaafay dagaal culua ayaa ka dhacay Raaskambooni, waxaana sidaas kula wareegay ciidamada Jubbaland, ciidamada dowladda oo dagaalka looga adkaaday ayaa duurka galay, waxayna ku sugan yihiin xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga talaabada xigta ee dowladda federaalka ay qaadi doonto. Hoos ka eeg sawirrada Askartii u gacan gashay Jubbaland ee galabta laga soo dejiyey Muqdisho. Screenshot
  13. Addis Ababa (Caasimada Online) –Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Janaraal Birhanu Jula. Maxamuud Sayid Aadan iyo Taliyaha ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada Jubaland, sida ay nagu soo gaartay xogtaan. Arrimaha kale ee laga wadahadlay waxaa kamid ah isu socodka xuduudda gobolka Gedo iyo Itoobiya, sida ay baahisay warbaahinta Jubaland. Maxamuud Sayid Aadan ayaa toddobaadkan bilowgiisii u safray Itoobiya, xili ay ka sii darayso xiisadda u dhaxeysa dawladda federaalka iyo maamulka Jubaland. Dawladda federaalka ayaa sheegtay in Maxamuud Sayid Aadan ay garoonka Kismaayo ka qaaday diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo markii hore hub sharci darro ah gaysay magaalada Kismaayo. Jubaland ayaa maalinkaas beenisay in diyaarado hub sida ay Itoobiya ka dejisay Kismaayo, balse xaqiijisay in safarka Itoobiya ee Maxamuud Sayid Aadan uu sax yahay. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddo dheer xiriir dhaw la lahaa sarkiisha Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweyne Maxamuud wuxuu Itoobiya kala shaqeeyaa dhaqdhaqaaqa ciidamadooda jooga gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo. Safarka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland uu ku joogo dalka Itoobiya ayaa ku soo aadaya xilli dagaal culus uu ka dhaxeeyo maamulkiida iyo dowladda federaalka, isla markaana ciidamadii dagaalamay ay weli isku hor fadhiyaan deegaanka Raaskambooni.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaas oo meesha ka saaray is afgaradkii uu Muuse Biixi la saxiixday Abiy Axmed. Xisbiga haya talada Somaliland ee Wadani, ayaa ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreysa muddo xileedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad ka ah. Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay mid tahay nabadeynta gobollada bariga ee deegaanada Somaliland, aafimaadka iyo dhismaha waddooyinka. Waxa kale oo uu ka hadlay aragtida xisbigooda ee ku aadan kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. “Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal, anaga waxaan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan” ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya. “MOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso, haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirina laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kadib ayaan go’aan laga gaari doonaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeen u hadlay Wadani. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, heshiiskaas oo ay dowladda Turkiga ku tilmaantay in uu yahay mid taariikhi ah ayaa sheegay in uusan ahayn mid bad lagu siinayo Itoobiya ee uu yahay mid Itoobiya ay qaab ganacsi ugu faa’ideysanayso biyaha Somaaliya. “Arrintani ma aha mid cusub, waxaa jira caadiyan dalal isticmaala dekedaha dalalka ay deriska yihiin sida kuwa Mombasa iyo Daarusalaam, haddii ay timaaddo arrimo ganacsina Soomaaliya diyaar ayey u tahay” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.
  15. Dowladda Shiinaha ayaa si adag u dhaleeceysay booqashada Wasiirka Kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Francois Wu, oo ka qaybgalay caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyada oo ku tilmaantay tallaabadan mid jabinaysa mabda’a “Shiinaha Midka ah.” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, oo la hadashay warbaahinta, ayaa ku celcelisay mowqifka Shiinaha, waxayna tidhi, “Taiwan waa qeyb aan laga goyn karin Shiinaha. Dadaallada lagu doonayo ‘madax-bannaanida Taiwan’ iyada oo la kaashanayo xidhiidho dibaddeed waa kuwo fashil ku dhammaan doona.” Mao ayaa sidoo kale amaantay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay u hoggaansantahay siyaasadda Shiinaha Midka ah iyada oo dhinaca kale ugu baaqday Somaliland in aysan sii wadin xidhiidhka Taiwan. “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada Somaliland in ay ilaaliyaan mowqifka Shiinaha Halka ah,” ayay tidhi. Somaliland iyo Taiwan ayuu xidhiidhkoodu si rasmi ah bilaabmay sanadkii 2020, iyagoo iska kaashaday dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, iyo waxbarashada. Labadan jamhuuriyadood oo aan haysan aqoonsi buuxa ayaa xidhiidhkooda ku saleeyey mabda’a xornimo doonka ee ay wadaagaan. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ka wada shaqeynaya kor u qaadista iskaashiga dhanka caafimaadka, ayadoo deg deg looga shaqeynayo sidii dhaqaatiir Soomaaliyeed ay deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalkaasi. Arrintan ayaa si gaar ah loogu lafa-guray kulan ay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq ku wada yeesheen wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam oo safar shaqo ku jooga dalkaasi iyo dhiggiisa Ciraaq Dr. Saleh Mehdi Al-Hasnawi. Wasiirka ayaa dowlada Ciraaq ku booriyay isdhaafsiga khibradaha caafimaad iyo taageeradooda ku aadan tababaridda dhaqaatiir Soomaaliyeed, taasi oo uu soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ciraaq. Al-Hasnawi ayaa xusay in ay si deg-deg ah uga shaqayn doonaan sidii dhaqaatiir soomaaliyeed ay deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalka Ciraaq. Wasiir Cali Xaaji ayaa uga mahad’naqay dhiggiisa Ciraaq Dr Saleh Mehdi Al-Hasnawi soo dhawaynta diiran ee ay dowladda Ciraaq u fidisay intii uu ku sugnaa wadanka Ciraaq iyo marti-galinta meertada 61-aad ee shirka golaha wasiirada caafimaadka carabta. Sidoo kale wuxuu bogaadiyay balan-qaadka dowlada Ciraaq ee tababaridda dhaqaatiirta Soomaaliyeed si dalkeenu u helo xirfadlayaal caafimaad oo tayadoodu sarayso. Kulankaan ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay la-tiyaha 1-aad ahna kusimaha danjiraha safaaradda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Ciraaq Cabdifatax Sheekh Axmed.
  17. Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya. Xisbiga haya talada Somaliland ee Waddani, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreyya muddo xilkeedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad. Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi, oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay mid tahay nabadeynta Gobollada bariga, Caafimaadka iyo dhismaha Waddooyinka. Waxa kale oo uu ka hadlay aragtida Xisbigooda ee ku aadan Kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Somalia iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya. Waxa Somaliland uga qorsheysan kulankii Ankara Iyadoo ay xukuumaddu cusubtahay isla markaana la caleema saaray maalin uun kadib markii uu dhacay heshiiskii Ankara, hadanna Somaliland waxa ay ka hadashay waxa uga qorsheysan heshiiskaasi iyo si guud isfahamkii ay horay ugu heshiiyeen Somaliland iyo Itoobiya. “Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal anagnuna waxan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan”, ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya. “MOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso haddii ay danta Somaliland kujirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirinna laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kaddib ayaan go’aan laga gaari doonaa”, ayuu yiri. Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri heshiiska ka dhacay Ankara? Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, heshiiskaas oo ay dowladda Turkiga ku tilmaantay in uu yahay mid taariikhi ah. Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskani uusan ahayn mid bad lagu siinayo Itoobiya ee uu yahay mid Itoobiya ay qaab ganacsi ugu faa’ideysanayso biyaha Somaaliya taasi oo ah sida uu sheegay mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah. “Arrintani ma aha mid cusub, waxaa jira caadiyan dalal isticmaala dekedaha dalalka ay deriska yihiin sida kuwa Mombasa iyo Daarusalaam, haddii ay timaaddo arrimo ganacsina Soomaaliya diyaar ayey u tahay”. Qoraalka sawirka,Heshiiskii is af-garadka ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa 1-dii Janaayo ee sannadkan . Dhinaca kale waxa uu sheegay in heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland uu gebi ahaanba bur-buray taas oo dad badan shaki geliyeen caddeyntiisa. “Dabcan waxaa muuqata in si khalad ah loo fahmay warsaxaafadeedka, waxaa ku qorneyd in dhamaanba laga tagay wixii hore taas oo muujineysa in uusan jirin heshiis hore”, ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys. Muxuu ka dhigan yahay baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya? Haddaba Waddadee loo marayaa in laga miro dhaliyio qodobbadii ay labada dhinac isku afgarteeen. Maxamed Mukhtaar wuxuu falanqeeyaa arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, wuxuuna qabaa in haddii arrimaha Soomaaliya walaaca ku hayey ay meesha ka baxeen ay macquul tahay inay suurtogasho. “Soomaaliya laba qodob ayaa muhiim u ahaa. Kan hore waa in heshiisku noqdo mid qaranka Soomaaliya oo dawladda federaalka ay matalayso looga dambeeyo oo aan wax aqoonsi la yidhaahdo lagu beddelan, iyo in uusan meesha soo gelin saldhig milateri. Itoobiyana waxay danaynaysay in ay hesho marin badeed ay isku hallayn karto oo joogto ah, labada dhinacna guul ayey u tahay,” ayuu yiri. Qaran News
  18. Mogadishu (HOL) — Somali Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama commended the Turkish-brokered agreement between Somalia and Ethiopia on Friday as a new step toward renewing diplomatic ties and promoting regional development. Source: Hiiraan Online
  19. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso Heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku doonayso in ay marin badeed hesho. “Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken. Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheegtaa in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan. Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda,” kaasi oo hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken aya waxa uu intaas ku daray in xukuumadda Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan doorkiisa. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo soo dhaweeyay Heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  20. Suldaan Yusuf Muxumed Xiiray oo ah suldaanka guud beelaha Isaxaaq Care ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay qurbojooga Isaxaaq Care ee dhawaan dalka u yimid ololahii doorashada. Suldaanka ayaa qurba joogavuga warbixiyay xaalada gùud ee deegaanada Sabawanaag iyo Cadaadley oo uu dhawaan tuulo tuulo u soo maray. Sidoo kale kulankaasi oo mudo qaatay ayaa aad la isugu waraystay aakhirkiina la isku nabad galyeeyay iyada oo xubnaha qurba joogo ay dib ugu lasbanayaan dalalkii ay ka kala yimaadeen Qaran News
  21. Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda. Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan. Hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhex-dhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya u hesho badda,” kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” “Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken. Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan doorkiisa. Guterres “waxa uu rajeynayaa in si degdeg ah loo billaabo wada xaajoodyada farsamada iyo natiijo wanaagsan oo laga gaaro geeddi-socodka” ayuu afhayeenkiisa Stephane Dujarric ku sheegay bayaan uu soo saaray. Ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiiskii ay la gashay Somaliland — oo si iskeed ah ugu dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii – mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in Itoobiya ay dawladdooda siinayso aqoonsi rasmi ah. Balanqaadkaas marna ma aysan xaqiijin Addis Ababa. Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, wuxuuuna horseeday qeylo dhaan caalami ah oo ku saabsan halista colaad dib uga soo cusboonaata gobolka aan xasilooneyn. Blinken ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Turkiga “fududeynta” heshiiska cusub. Bayaanka uu soo saaray ayaa yimid xili uu magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu wadahadallo ku saabsan xaaladda dalka Siiriya kula yeeshay Erdogan. “Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo Soomaaliya inay xoojiyaan iskaashiga ka dhexeeya ee danaha ay wadaagaan ee amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Blinken.
  22. Ankara (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay heshiiska ay dhawaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku gaareen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo iftiimiyay arrimo muhiim ah. Fahad ayaa soo bandhigay illaa 5 farriimood op ku jira heshiiska, isagoo tilmaamay sida uu filan waa ugu noqday heshiiskaan dowladaha Masar iyo Eritrea. “Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (ex-Twitter). Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in si weyn looga taxadiro hanaanka Itoobiya kusoo gaareyso biyaha, taas oo ah mid muhiimad gaar ah u leh heshiiska. Hoos ka aqriso qoraalka; Shanta farriimood ee shirka Ankara 𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda. 𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya. 𝐅𝐀𝐑𝐀𝐉: Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq la’aan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa. 𝐅𝐈𝐋𝐀𝐍𝐖𝐀𝐀: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso. 𝐅𝐄𝐄𝐉𝐈𝐆𝐍𝐀𝐀𝐍: Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhex-dhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal. “Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda. Bayaankan ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweyne Erdogan ee ka mira-dhalinta heshiiska, iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka. Shalay ayey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magac dareen baaqa Ankara, kaasi oo ay ku xaqiijiyeen ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale inuu ilaaliyo madax-banaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed. Soomaaliya ayaa Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo, halka Itoobiya ay si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhinacyada ayaa markaas isku raacay in wixii muran ah ee la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiisyadan lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed iyadoo ay gacan ka geysanayso Turkiga marka loo baahdo
  24. Serving the continent has been a longstanding aspiration. Over 20 years, I have been foreign minister of my country and my career in multilateral diplomacy spans more than three decades. This extensive experience has given me the knowhow and skills to tackle the challenges and responsibilities Africa and the AU face. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) — Kenya's largest daily newspaper, The Nation, reported on Friday that Kenya is set to repatriate approximately 600 Somali National Army (SNA) soldiers who fled into Lamu County following a violent clash with Jubaland forces in Ras Kamboni, a strategic border town near the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online