-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Askar Dawladeed oo ka yaacday falaago Dagaal kula jirt iskana dhiibay Dal deris la ah Askar ka tirsan ciidamada Afghanistan In ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan aya u baxsaday dalka deriska la ah ee Tajikistan, kadib iska horimaad dhexmaray iyaga iyo xooggaga Taliban, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas. Saraakiisha ilaalada xuduudda ee Tajikistan ayaa sheegay in askartaas ay dhinacooda u soo tallaabeen si ay “naftooda u badbaadiyaan.” Todobaadyadii la soo dhaafay, xooggaga Taliban ayaa waday dagaallo culus oo ay ku qabsadeen deegaanno horleh. Arrintan ayaa loo aaneynayaa ka bixitaanka ciidamada NATO ee laabankii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa Afghanistan. Xilli inta badan ciidamada NATO ay dalkaas ka baxayaan ka hor bisha September ayaa waxaa jira walaac ah in burbur uu qarka u saaran yahay milateriga Afghanistan. Heshiis dhexmaray Taliban iyo xulafada Maraykanka ayaa dhigaya in ciidamada ajnabiga ah laga saaro dalkaas, taa bedalkeedana uusan ururkaas u oggolaan xooggaga Al-Qaacida iyo mintidiinta kale inay saldhigyo ka sameystaan deegaannada uu gacanta ku hayo. Taliban ayaa ku diiday inay joojiso dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda Afghanistan, waxaana uu ururkaas hadda gacanta ku hayaa saddex meelood meel dhulka dalkaas. Hase yeeshee madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa ku adkeysanaya in ciidankiisa uu u babac-dhigi karo khatarta uga imaanaysa Taliban. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in askar badan ay u baxsadeen xuduudda Pakistan iyo Uzbekistan si ay uga cararaan dagaalka. Ciidanka baxsanaya Dhowr jeer oo hore ayay askar ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan waxa ay u carareen dhanka Tajikistan, waxaana la rumaysan yahay in tirada askartaas ay hadda ku dhawdahay 1,600. Wakaaladda wararka ee Tajikistan, Khovar, ayaa sheegtay in askartan u dambeysay ay xuduudda ka soo tallaabeen subaxnimadii Isniinta, kadib dagaal ay habeenkii Axada la galeen Taliban. Gobollada Badakhshan iyo Takhar ee xuduudda la leh Tajikistan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dagaal xooggan oo ay dagaalyahannada Taliban ku qabsadeen deegaanno badan. Mintidiinta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay la wareegeen bar koontarool oo ay ciidamada Afghanistan ku lahaayeen xuduudda Pakistan. Dalalka deriska la ah Afghanistan, gaar ahaan kuwa ku yaal bartamaha Aasiya, ayaa isu diyaarinaya qaxooti badan oo ku soo jaba, waa haddii ay dagaalladu sii socdaan. Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen, ayaa BBC u sheegay in ururkiisa uusan mas’uul ka ahayn colaadda sii xoogeysatay todobaadyadii la soo dhaafay. Waxa uu ku dooday in magaalooyin badan ay dagaalyahannadooda ku qabsadeen si nabdoon kadib markii ay ciidamada dowladda diideen inay dagaallamaan. Xulafu uu Maraykanka hogaaminayo ayaa Taliban xukunka ka tuursan sanadkii 2001, kadib markii uu ururkaas diisay inuu soo dhiibo Osama Bin Ladin oo ururkiisa Al-Qaacida uu fuliyay weerarradii 9/11. Taliban iyo Maraykanka ayaa wadahadallo toos ah billaabay 2018, waxaana heshiis ka bixitaanka dalkaas fuliyay madaxweynaha haatan ka arrimiya aqalka cad ee Joe Biden. Qaran News
-
Koomishanka Xuquuqal Iinsaanka S/land oo ka Hadlay Hablo ku Xidhan Xabsiga Berbera Koomishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland, oo ka hadlay 8 hablood oo lagu soo xidhay ku labishada calanka Soomaaliya kuna Xidhan Xabsiga magaalada Berbera. Hablahan ayaa laga soo xidhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Koomishanku waxa ay tilmaameen in qaarka mida hablahaasi ay u bilaabatay waxbarashadii sannad dugsiyeedka 21 ilaa 22, halka kuwa kale ay u socotay waxbarashadii heerkooda jaamacadeed. Warkan qoraalka ah ee ay soo saareen guddida xuquuqal iinsaanka Qaranku ayaa u dhignaa sidatan:- Qaran News
-
Sawirkani hoos yaala waxa ka muuqda xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo ka soo baxay xisbiga Waddani isla markaasina lagu wado in uu taageero xukumadda xisbiga Kulmiye oo olole ugu jirta sidii gudoomiyaha golaha wakiilada loogu dooran lahaa xildhibaan Faratoon oo isna sawirkani ka muuqda. Xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo ka soo jeeda bariga Hargeisa waxa uu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbigaa Waddani Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kulankaasi laga helay ayaa Xildhibaan Jamaal waxa uu ka codsaday madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye in la siiyo wixii uu kaga soo digo rogon lahaa xisbiga Waddani oo uu sheegay in laga jecelyahay isaga oo carabka ku dhuftay in laga mid dhigo in uu ka mid noqdo shir gudoonka isaga oo xusay in deegaanka laga soo doortaa ayna xukumadda ka muuqan oo xilal lagu taxo. Waraarka ayaa sidoo kale sheegaaya in aan wax balan qaad ah ayna xukumaddu siinin xildhibaanka iyo inta galbinaysay oo shaqsi kaastaa uu eryanaayo dan gaar ah La soco wixii ka soo kordha arinkaasi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu horeyn walaac xoog leh looga muujiyey xaaladda nololeed iyo wararka la xiriira dhalinyaradii tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea, kuwaas la sheegay in ay qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. “Wararka la xiriira joogitaanka dhalinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tirsan dawlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas. Sida lawada ogsoon yahay waxaa dacwado soo jeediyey waalidiinta dhalinyaradaas oo ka codsaday madaxda dowladda in xaaladda ubadkooda ay ka hadlaan, xaqiiqda jirtana la wadaagaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu warka Midgowga Musharaxiinta. Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Xisbiga Ilays ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Cosoble ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu dhegaha ka fureeystay oo diiday inuu shacabka Soomaaliyeed ka jaahil bixiyo eedeeymahaas. “Isagoo ka welwelsan dacwadaha soo badanaayey iyo banaanbaxyada ku aaddan arrintaan ayuu Ra’iisal Wasaare Rooble magacaabay guddi loo wada arkay magac-u-yaal oo ay ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo siyaasadda ciidamada, oo aan wax ka dhihin arrintaan cadeeymahoodu soo kordhayaan maalin walba, gaar ahaan markii ay ciidamada Tigrey dib u qabsadeen deegaanadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeedkaan shacabka Soomaaliyeed uga dalbaday in Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen fashil iyo ku takri fal awoodeed ay ka hor istaagaan in mar kale uu isku soo sharaxo xilka iyo inuu mas’uuliyad dambe dalkaan ka qabto. “Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynha muudo-xileedkiisu dhamaaday, haddana u hanqal taagaya muddo kale in lagu abaal-mariyo in uu garowsado in uu ku fashilmay xilkiisii oo uu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka, 1- inuu iska casilo xilka uu hadda sida sharci-darrada ku joogo, 2- in umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale, iyo 3- in Farmaajo laga mamnuuco in uu mas’uuliyad heer qaran ah mar dambe ka qabto dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Midowga Musharaxiinta. The post Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in Farmaajo laga mamnuuco inuu xil dambe qabto hal sabab darteed appeared first on Caasimada Online.
-
Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ahaa arday dhigta Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame ayaa caawa maqribkii lagu dhex-toogtay gudaha jaamacadda. Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo ka soo jeeday deegaannada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaalada jaamacadda, kadib markii ay wada murmeen, sida la sheegay. “Ardaygu imtixaan ayuu ka sooo baxay, markii uu baxaanka u soo baxay ayuu xasuustay taleefoon uu soo ilaaway, kadib wuxuu ku noqday gudaha jaamacadda, badabeedna dilkiisa ayaan ku war helnay, waxaa naloo sheegay in uu dilay mid ka mid ah waardiyaha jaamacadda” sidaas waxaa Puntland Post u sheegay mid ka mid ah ardayda jaamacadda oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka. Ninka dilka geystay ayaa hadda ku jira gacanta Booliska Somaliland, wuxuuna ku xiran yahay saldhiga magaalada Boorame. Marxuum Ibraahim ayaa labadii sano ee dambeeyay dhiganayay kulliyada Injineeriga ee jaamacadda. PUNTLAND POST The post Arday ka soo jeeda Puntland oo lagu dilay gudaha Jaamacadda Camuud appeared first on Puntland Post.
-
Boorama (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee Somaliland waxay sheegayaan in ciidamada booliska ee ka howlgala magaaladaas ay caawa toogteen wiil dhalinyaro ah oo ku lebisnaa dharka buluuga ah ee calanka Soomaaliya. Wiilka la toogtay oo ahaa 21-sano jir ayaa kasoo jeeday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana lagu magacaabi jiray Ibraahim Salaad Ibraahim. Ibraahim Salaad waxuu sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ka dhiganayey Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama. Dilka wiilkaan ayaa Maqribkii ka dhacay afaafka hore ee magaalada, kadib markii ay boolisku qabteen isagoo ka soo laabtay jimicsi uu u aaday meel Dooxo ah oo banaanka ka ah magaalada, sida ay noo sheegeen ehelkiisa. Inta aan la dilin Ibraahim waxaa la sheegay in muran kooban oo ku saabsan dharka uu ku lebisan yahay uu dhex-maray booliska iyo asaga, kadibna uu dilay mid ka mid ah askartii qabatay. Marar badan ayey ciidamada booliska Somaliland xabsiga dhigeen dhalinyaro soo xiratay dharka u eg calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse hadda waxaa muuqata in boolisku dilayaan qofkii ay ku arkaan wax u eg calanka Soomaaliya. Deegaanada Somaliland waxaa ka jirta caburin lagu hayo shacabka, taas oo marar badan aad loogu dhaliilay xukuumadda. Hadii adiga oo wata dhar u eg ama ka sameysan mid ka mid ah calamada dalalka caalamka aad tagto Somaliland, maamulku kuma dhibsanayo, balse hadii laguugu arko calanka buluuga ah ee Soomaaliya, waxaa khatar geleysa naftaada, ciqaabta ugu yar oo dadka lagu qabto calanka buluuga ah ay maraana, waa xarig iyo jir-dil. The post Booliska Somaliland oo toogasho ku dilay wiil reer Puntland ah oo xirtay calanka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu shaaciyey in maamulkaas uusan aqoonsaneyn hey’adda Batroolka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority” isla markaana aysan Puntland quseyn heshiisyada ay ku howlantahay hey’adaas oo dhawaan dib u dhigtay waqtiga bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya. Puntland ayaa qoraalkaan ku sheegtay in shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya ay sugtaan inta Soomaaliya ay ka baxeyso howlaha socda ee doorashada, si ay ula macaamilaan dowlad awood u leh in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka dalka, si heshiis lagu wada-yahay. “Dawladda Puntland waxay kula talinaysaa Shirkadaha Petroletun ee daneeya Liisanka Hydrocarbon ee Soomaaliya inay sugaan inta laga dooranayo Madaxweyne cusub oo la dhisayo dawlad qaran oo dhab ah ka hor inta aan la dalban rukhsadda. Dowladda soo socota ee la soo dooranayo waxay lahaan doontaa xaq iyo awood, sida ku cad dastuurka qaranka, inay qorto heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan maareynta kheyraadka qaranka, horumarinta iyo nidaamka wadaagga, kaas oo ay ansixin doonaan dhammaan dowladaha xubinta ka ah Federaalka,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Puntland. Puntland oo doodeeda ku saleysay 3-qodob ayaa qoraalkan ku tiri, “Waxa loogu yeero Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA) waxay soo saartay ogeysiis 29-kii bishii hore ee Juun, kordhinta taariikhda gudbinta ee liisanka bilowga hydrocarbon. Dowladda Pentland waxay si cad u diideysaa ogeysiiskaas HBS ee soo socda:” 1 – Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, Dowladda Puntland ma lahan wakiil rasmi ah (SPA). Marnaba ma taageersanin aas-aaskii maamulkaan muranku ka taagan yahay. 2 – Dowladda Puntland ma aqoonsana dhammaan heshiisyada HBS; iyo ogeysiisyada hey’addaas. 3 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay lumisay ansaxnimadeedii dastuuriga ahayd iyo sharci ahaanshaheedii bishii Febraayo 2021. The post Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay hay’ad ay dhistay DF, digniina u dirtay shirkado appeared first on Caasimada Online.
-
Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ay kamid yihiin jadwalka cusub doorasho. War-saxaafadeed wadajir ah oo maanta ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo”. Waxay ugu baaqeen dhammaan saamileyda oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada inay u gutaan si karti leh mas’uuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn. Beesha Caalamka waxay ku dhiirigalisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah u yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa. Sidoo kale Beesha Caalamka waxay soo dhaweysay go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxayna ku boorisay madaxda Soomaaliya in la xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka. Ugu dambeyna Beesha Caalamka waxay sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Saamileyda siyaasada iyo gudiyada doorashada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystey kursiga baarlamaanka ee Deegaanka Goma 2, ee Gobolka Oromiyaa. Abiy Ahmed ayaa ka helay 76,892 cod 85 goobood oo codbixin ah oo ku yaal deegaankaasi. Raii’sal wasaaraha ayaa waxa la tartamayey Dagim Waarisoo oo ka tirsan xisbiga Enat iyo Kalid Jemal oo ka tirsan EZEMA. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey wiil yar oo jir-dil uu u geystay Adeerkiis u geeriyooday 3-dii bishan. Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah tuugada moobeellada ka furata dadka shacabka ay ciidamada ammaanku ku soo qabteen ragku eedeysan dhacaas iyo hubkii ay wateen. Afhayeenka ayaa sheegay in seddax ka mid ah ragaas lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Kaaraan, xilli ay ku howlanaayeen dhaca dadka shacabka ah ee degmadaas ku nool, waxaana la soo bandhigay hubkii ay ku dhacayeen iyo agabkii ay furteen. Halka laba eedeysane oo kale, lagu soo kala qabtay degmooyinka Yaaqshiid iyo Cabdicasiis, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyagoo ku howlan dhaca shacabka degmooyinkaas, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya. Dhanka kale afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska Muscab Maxamed Xasan oo ahaa wiil 4-sano jir ah oo 3-dii bishaan u geeriyooday jir-dil uu u geystay Adeerkiis hooyadii qabay oo lagu magacaabo Xasankaafi Cabdi Jaamac. Afhayeenka ayaa sheegay in baaritaan weli socda ay ku ogaadeen in Muscab uu Adeerkii u geystay jir-dil xoog leh, kaas oo sababay inuu Naqasku ku dhego, isla markaana uu geeriyoodo. “Baritanka kiiska wiilkaas oo meel gabagabo ah mareya waxaan ku ogaanay inuu u dhintay naqaska oo ku dhegay, maadaama uu wiilkaas Adeeerkiis u geystay jir-dil xoog leh oo fiilo uu ku garaacay, baaritaanku markii uu soo dhamaado wixii kasoo baxa waan idinla wadaagi doonaa,” ayuu yiri Sadiiq Aadan Cali. Hoos Ka Daawo The post Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta rag lagu qabtay Muqdisho iyo wiil u dhintay jir-dil appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Shirkii ay dhawaan yeeshen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ee looga arrinsanayey hanaanka doorashada iyo dar-dar gelinta heshiiskii hore loogu gaaray magaalada Muqdisho. Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa waxay dhinacyada ugu baaqeen inay uga soo baxaan heshiiskii si aan dib u dhac laheyn, si hore loogu sii socdo, islamarkaana ay dalka uga qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo ku mudeysan xiligii lagu heshiiyey. “Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29-kii June, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen . Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaa hoosta ka xariiqeyna in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka lagu hashiiyey.” Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamka usoo jeediyeen madaxda iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha doorashada inay si joogto ah u yeeshan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah, si loo xaliyo caqabad kasta oo lasoo gudboonata hanaanka doorashada. “Waxaa ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg-deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada. Saaxiibada caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Somaaliya.” Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay shirkii Muqdisho iyo jadwalka doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu ku booqday Gurigiisa oday Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) oo ka mid ah Odayaasha waaweyn ee dalka. Lama sheegin ujeeddada ay daaranayd booqashadan, balse booqashada ayaa la tilmaamay in ay ahayd booqasho sharaf uu madaxweynuhu ugu tegay Guriga Oday Muuse Dalab. Sawir uu bartiisa Facebooka uu baahiyey Weriyaha Caanka ah ee Axmed Siciid Cige, ayaa waxa isaguna ka dhex muuqday Maxamuud Qaalib, oo ah Ganacsade iyo Odayaasha Hargeysa. Labadan Oday oo ay Madaxweynaha isku deegaan ka soo jeedaan, ayaanay isku wanaagsanayn muddooyinkii u dambeeyey, ka dib markii oo soo kala dhex galay isfaham waa la xidhiidhay hawlihii doorashadii iyo xulistii Xildhibaanadii Golaha Wakiillada, markaas oo laba murrashax oo ay kala wateen labadan ganacsade laga diiday dhinaca Kulmiye. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynuhu ayaa u muuqata mid ay isku laab xaadhanayeen Odayasha ay kala fogeysay Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa fur furnaan dheeraad ah oo aan hore looga baran muujinayey tan iyo intii ka dambaysay doorashadii Isku sidkanayd ee dalka ka dhacday, taas oo Xisbigiisu ka helay 30 ka mid ah 82 Kursi ee Golaha wakiillada, halka 7 Degmo oo Darajada ‘A’ loo yaqaano shan ka mid ah Maayiradooda Mucaaradku kaga guuleystay. Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo xileedkiisa ay ka hadhsan tahay sannad iyo billo, ayaa la filayaa inuu ka shaqeeyo toddobaadyada soo socda sidii uu u kasban lahaa dad iyo deegaanno badan oo ay ku kala irdhoobeen doorashadii dhawayd. Tallaabooyinka u horreeya ee la filayo inuu qaado-na waxa ka mid ah isku shaandheyn sal balaadha ah oo uu ku sameeyo Xukuumaddiisa. Source
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed declared Monday his government could easily recruit one million new fighters but wants to foster a period of “silence” in the country’s war-hit Tigray region. The 2019 Nobel Peace Prize winner’s remarks came one week after Tigray’s capital Mekele fell to the Tigray Defence Forces (TDF) rebel group and Abiy’s government declared a unilateral ceasefire in the eight-month-old conflict. The TDF has described its seizure of Mekele and most of the rest of the northern region of Tigray as a major victory, while Abiy and other officials have countered that federal forces executed a strategic pullback to focus on other threats. “In one, two or three weeks, 100,000 trained, armed and organised special forces can be mobilised,” Abiy told lawmakers. “If said special force isn’t enough, if a militia is needed, in one or two months half a million militiamen can be organised. One million youths can be mobilised and trained.” But Abiy also said officials had “decided there should be a period of silence for everyone to think”. Tigrayan leaders on Sunday issued their first formal response to Abiy’s ceasefire call, saying they would only accept it if forces from Eritrea and Ethiopia’s Amhara region — who have been backing the Ethiopian army — also withdrew from the region. – Brink of famine – They also called for “proceedings” to hold Abiy and Eritrean President Isaias Afwerki accountable for “damage” inflicted during the fighting, which has been marked by grisly massacres and widespread sexual violence. Abiy did not address those conditions Monday. Thousands of people have been killed in the conflict and many hundreds of thousands face hunger in Tigray, an important economic and industrial region in the Horn of Africa nation. According to the United Nations, over 400,000 people have already “crossed the threshold into famine” in Tigray and 1.8 million people are on the brink. Electricity and communications have been cut, flights suspended and two bridges crucial for aid deliveries have been destroyed. Last week the TDF paraded what it said were thousands of captive Ethiopian soldiers through the streets of Mekele. In his remarks Monday, however, Abiy said the TDF seized territory only because the army decided to leave, a process he said unfolded for more than a month. He also offered lavish praise for the army. “Our defence forces are not paid enough. They climb up and down mountains. In the rain, in the sun, they fight for the dignity of the country,” Abiy said. – Embassy and driver cuts – Officials have in recent days highlighted the cost of the war in Tigray as a reason for why federal forces withdrew. Ethiopia’s economy, which relies heavily on tourism and agriculture, has been hit hard by the coronavirus pandemic and the worst locust infestation in decades, with the war in Tigray adding an extra strain on state finances. On Monday Abiy repeated his claim that the government had spent more than $2 billion on infrastructure and other projects in the region to help it recover. He also proposed several eyebrow-raising budgetary measures including closing some 30 embassies. “Ethiopia shouldn’t have 60 or so embassies and consulates in the present moment. Instead of throwing US dollars everywhere… at least 30 of the embassies should be closed and the ambassadors instead should be here,” he said. He said the Ethiopian ambassador to Kenya, for example, could be based in Addis Ababa and travel to Kenya to meet with officials while reading about Kenya in newspapers. “What we want is a person who gets wet in the mud and runs while reforming the country,” he said. The post Ethiopia’s Abiy boasts of military might despite rebel gains appeared first on Caasimada Online.
-
Brigadier General Odowa Yusuf Raghe, the commander of the Somali National Army (SNA), stated on Sunday that a senior al-Shabaab operative was killed in a military operation. Source: Hiiraan Online
-
The recent execution of twenty-one Al-Shabaab terrorists and affiliates in Galkayo was a step forward in the fight against terrorism in Somalia. Defeating Al-Shabaab militarily alone, though, is not enough, we must defeat their poisonous and un-Islamic ideology too. I am confident that we are capable of beating them in an open war anywhere and anytime. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka ku gaareen magaaladda Muqdisho. Rooble ayaa beesha caalamka hordhigay codsi ah inay bixiyaan dhaqaalaha doorashada qeybta Beesha Caalamka laga sugayo si doorashada loogu qabto waqtigii lagu heshiiyey. Sidoo kale, Rooble ayaa beesha Caalamka ka codsaday inay kala qeyb qaadato sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo ay u siman yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda. Kulanka ayaa la isku afgartay in beesha caalamka ay qaadato doorkooda ku aadan taageerada dhaqaale iyo farsamo ee looga baahanyahay, si loo gudo galo qabashada doorashooyinka dalka Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ah ayaa shalay doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen guddiga , waxaana si habsame leh u socdo howlaha la xiriiro doorashooyinka. Heshiiskii 29 June ku dhax maray Muqdisho Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynimo Soomaaliya ay dhici doonto 10 October 2021. The post Sawirro: Beesha caalamka oo aqbashay codsi uu R/W Rooble hordhigay maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Ninkii uggu taajirsanaa adduunka oo iskacasiley shaqadiisa Bezos Jeff Bezo ayaa iska casiley hoggaamintii shirkadda Amazon, isagoo in muda ah soo maamulayey shirkaddan.. Milkiilaha shirkadda ayaa noqdey qofka dunida uggu lacagta badan, iyadoo dhawaan ay kala tageen xaaskiisa, taasoo dhaqaale badan uu dhaxal ahaan u siiyey. Intii lagu guda jirey cudurka safmarka ee Covid19, ayaa waxey shirkadani heshay dhaqaale aad u fara badan, maadaama si balaaran loo isticmaaley adeegga shirkadan. Shirkadda wax ku kala iibisa on-line-ka ee Amazon, ayaa markii danbe noqotey mid kamid ah shirkadda uggu shaqo wanaagsan dunida. Jeff Bezos, ayaa ah qofka dunida uggu taajiran waqti xaadirkan. Qaran News
-
Abiy Ahmed oo shaaciyey in safaaradaha Itoobiya ku leedahay Dalalka Caalamka Badhkood la xidhi doono+Sababta Abiy Ahmed Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in go’aankii uu kala soo baxey ciidamada dhanka iyo Tigray, uu ahaa mid sax ah oo loo aynayo. Wuxuu kahadlayey ra’iisal wasaaraha, kalfadhiga afraad ee gaarka ah ee Golaha Wakiilada ee dalka Itoobiya Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in safaaraddo badan loo baahneyn, taasoo galineysa dalka qarashaad dheeraad ah. Dowladda la dhisi doono sanadka danbe ee bisha September, ayaa xiri doonta in ka badan soddon safaaradood, ayuu ku yiri khudbad uu maanta ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya. Shirka maanta ayaa bilawdey, ka gadaal markii xubnaha baarlamaanka ay u sacabatumeen muddo gaaraysa illaa iyo daqiiqad, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan ciidamada Itoobiya. Ra’iisal wasaaraha ayaa ka jawaabey su’aalo la xiriira xaaladaha haatan taagan iyo dhaqaalaha. Su’aal ku saabsaneyd biyo xireenka, ayuu tilmaamey Abiy Ahmed iney ugga dan leeyihiin geedi dalkiisa uu uggu jiro dhanka iyo horumarka. Wuxuu carabka ku adkeeyey in dalalka kale ay tahay iney fahmaan qorshaha horumarka ee dalkiisa, taasoo aan caqabad ku aheyn biyaha dalalka kale ee Sudan iyo Masar. Abiy oo sheegay inuu qoran karo hal milyan oo dagaal-yahano Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray. Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah. TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”. “Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka. “Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.” Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday. Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta. Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah. Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada. “Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.” Qaran News
-
Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb? ama (GIIB). Q.2aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia Markalena wuxuu qayb ka noqdey duullaank Erigo markalena wuxuu ka qayb-qaatey dagaalkii Daratoole ee daraashta lagu qaadey. Intii u shaqada ciidamada ku jirey waxaa lagu abaal-mariyey tiro billado ah oo ay ugu waaweynaayeen kuwa magaciisa lagu lifaaqey sida DSO iyo DCM . Billadahan waxaa uu muteystey muddadii u dhaxaysay 1901 ilaa 1920 oo uu ku foogganaa dagaaladii daraawiishta iyo shaqooyinkii shacbigii maxmiyadda hoos imaanayey ee maammulka siiba togdheer iyo burco. Taariikhda Giib waxaa ka mid ah inuu lasoo shaqeeyey ciidankii loo yaqaanney (king’s African Rifles) ama KAR qaybtooda Somaliland ee loo yaqaanney 6 KAR Somaliland. Marka lasoo gaadhey ,March 1914 ayaa maammulkii ingiriisku go-aansadey in la sameeyo ciidamadii loo yaqaanney Camel Corps-ka waxaana madax looga dhigey Richard Corfield, haddaba markan ayaa GIIB laga dhigay ku xigeenka Corfield oo isagu sababsan doona gacanta daraawiishta. Dagaalada daraawiishta ee uu ka qayb qaatey waxaa ka mid ahaa dagaalkii ERIGO 1902, markale dagaalkii Daratoole sannadkii 1903 iyo dagaalkii Jidbaale 1904 oo ay u qoran tahay in lagu ammaaney doorkii uu ka qaatey. Dhammaan arrimahani waxay muujinayaan inuu daraawiishta dagaalkooda ku falnaa, waxaa kaloo taariikhdu xuseysaa markii Wadaadkii daraawiishta loo dhammeynayey inuu maamulka sare ee ciidamadii TALEEX qabsadey uu ka mid ahaa. Waxaa taariikdu xuseysaa in waqtiyadii uu joogay Somaliland uu qayb ka mid ah ahaa (district commissioner of Burao) ama masuulka magaaladaas iyo deegaanada ku xeeran wax laga weyddiiyo. 2. Maxaa Giib iyo shacbigii togdheer siiba beesha dishey isku qabteen, sideese loo dilay? Markeynu arrimaha sidan uga hadleynno ee magacyada qabaa-ilka afka ku dhufaneynno uma jeedno in aynu cid buun-buunnino xaasha, ilaahay ayaanu ka magan-galley in arrimahan caadifad qabiil nagu ijbaarto. Laakiin waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah oo taariikhaha afka la isugu gudbiyo ee (Odey kasoo gaadh) ah iyo weliba buugaagtii ay qoreen dadkii arrinta waqtigeeda joogey sida qorayaashii reer yurub iyo xataa kuwii carbeed oo somalida iyo qabaailkeeda iyo dhaqankooda aad wax uga qorey oo xataa ilaa maanta laga helayo LIBRAR-yada caalamka in badan oo ka mid ah. Captain,Allan Gibb oo loo aqoon ogyahay GIIB markii dawladda ingiriisku meel ku hubsatey dagaalkii ay kula jirtey wadaadkii Ina Cabdille Xasan iyo Daraawiishtiisii ayaa mar kale loo magacaabay shaqadiisii hore ee uu maxmiyadda ugu qaabbilsanaa taasoo ahayd inuu ka shaqeeyo arrimaha shacabka ama (Civil Duties). Haddaba horraantii 1920 waxaa la siiyey waajibaad ah inuu dadka shacabka ka qaado cashuur si loogu hor mariyo arrimaha bulshada sida iskuullada iyo caafimaadka iwm ( Waa sida ku qoran qoraallada laga soo turjumay maqaalkan). Cashuurtan boqortooyadii ingiriiska iyo waalligeedii Burco kusoo rogay dadkii waa la bilaabey laakiin may ku farxin dadkii maxmiyadda ingiriiska hoos joogey weliba reer Burco. Waayo wax fikrad ah kamay haysan in xoolahooda iyo hantidooda takhsiir la saaro oo dad kale qaataan. Maanta qof kasta oo nool qarniga 21aad wuu fahmayaa in cashuurtu ay tahay wax faa,iido u leh shacabka oo dantooda lagaga shaqeeyo laakiin dadkii waqtigaa noolaa ee reer burco wey ku adkaatey arrintaasi iney fahmaan. La soco qaybta 3aad ………………. QAYBTII KOOWAAD HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATID Qaran News
-
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La yeeshay Guddoomiyaha Baanka Dhexe S/land & Ururka Sariflayaasha Wadajir Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta war-bixin ku saabsan Xaallada Sarifka suuqa ee Shillinka Somaliland si wada-jir ah uga dhagaystay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Sariflayaasha Wada-jir Barkhad Axmed Coofiye, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa Abokor Cabdi Cawaale iyo Xog-haye Maxamed Cali Yuusuf. Waxaanay madaxweynaha faahfaahin ka siiyeen labada dhinac xaaladda sarifku mudooyinkii u danbeeyey uu ka marayey suuqyada dalka, iyagoo xusay in uu haatan degan yahay, wakhti caalamka ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo adag, kaas oo uu sababay Covid 19 ku, isla markaana Somaliland qabatay doorashooyin uu dhaqaale badani ku baxay, hadana aanay saamayn ku yeelan qiimaha shillinka Somaliland oo halkii si fadhiya. Sidoo kale waxa ay xuseen in dedaalkaasi uu ku yimi iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Baanka Dhexe, ururka Sariflayaasha wada-jir iyo Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil oo iyaguna door muhiima ku leh arrimahaas. Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu labada dhinac uga mahad-celiyey hawsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay marwalba tixgeliyeen duruufaha ku gadaaman bulshada qaybeheeda kala duwan. <img class="j1lvzwm4" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class="j1lvzwm4" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 150Drs Hibo Bilan, Bixi Askar and 148 others 14 Comments 29 Shares Like Comment Share Qaran News