-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii ka dhacay teendhada Afisyooni, ee maanta lagu doortay guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal, ayaa muujisay laba arrin oo mid ay aheyd lama filaan, midda kalena la qiyaasayey. Arrinta koowaad ee doorashada kasoo shaac baxday ayaa aheyd sida ay u kala fog yihiin xubnaha mucaaradka ee sidii wadajirka ah uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrinta cajiibka aheyd ee ka soo baxay doorashada guddoomiyaha guddiga FIET ayaa ah in xubno ka tirsan Musharaxiinta ay hoos ka taageerayeen guddoomiyaha maanta la doortay ee Maxamed Xasan Cirro oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddigii doorashada ee la kala diray ka hor inta aan la kala saxiixan heshiikii 27-kii May, Cirro ayaa aad loogu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia. Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsanaayeen doorashada oo aanay hal musharax isku wada raacsaneyn, marka laga reebo in Liibaam Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) si gaar ah loogu tirinayay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Kooxda Waayo Arag. Mushariinta ayaa xoogooda isugu geeyey sidii uu xilka guddoomiyaha ugu guuleysan lahaa Maxamed Cirro, maadaama ay u arkaan inuu isaga uga roon yahay Liibaan Shuluq oo ah shakhsi si weyn ugu ololeeya Cabdikariin Xuseen Guuleed. Liibaan Shuluq ayaa sidoo kale la sheegay inuu garab weyn ka helayey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna midaan muujisay sida ay u yar tahay awoodda Rooble ee dhanka guddiyada doorashada dalka. Arrinta labaad ee doorashada kasoo shaac-baxday ayaa aheyd awoodda dhaqaalaha ku yeesha doorashadii maanta iyo in dhaqaalaha mar kale noqon doono waxa ugu muhiimsan doorashada xildhibaanada iyo madaxweynaha. Sida aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa xubnaha dooranayey guddoonka u qeybisay lacago aad u badan, si ay u soo saarto guddoomiye Cirro. Sidoo kalena qaar ka tirsan musharixiinta ayaa lacag ku bixinayey inaan la dooran Liibaan Shuluq. Doorashada Guddoonka Guddiga FEIT oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha guddiga loogu doortay Maxamed Xasan Cirro, kaas oo wareedgii koowaad helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) oo la tartamayay uu ka helay 10 cod. Doorashadaan oo ahayd mid aad u xamaasad sareysay ayaa waxaa ku tartamay shan musharax, iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Maxamed Cirro iyo Liibaan Shuluq. Guddiga ayaa ka kooban 25 mudane, waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah, iyagoo 24-ka kale ay hoolka xaadir ku ahaayeen, isla markaana ay wada codeeyeen. Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu tiriyaa inuu si weyn ugu dhow yahay garabka Fahad iyo Farmaajo, inkastoo uu isaga dhowr jeer sheegay inuu si cadaalad ah uga shaqeyn doono doorashooyinka Soomaaliya. The post Doorashadii guddoomiyaha guddiga doorashada oo soo shaac bixisay laba arrin oo mid ay lama filaan aheyd (Xog) appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali military killed 15 al-Qaida-affiliated al-Shabab terrorists in the country’s central Galgaduud region, according to a statement released Sunday. An operation was conducted by Gorgor, the Somali special forces trained by Turkey, in the El Dhere village, 15 kilometers (9 miles) south of Dhusamareb, the capital of the Galmuduug state. In a brief statement on Twitter, the Somali army said dozens of al-Shabab terrorists were also wounded in the operation. A huge cache of arms was also seized in the operation, a military official told Anadolu Agency (AA) over the phone. Witnesses in the town told AA that they saw at least seven wounded soldiers who were rushed to the hospital for treatment. Al-Shabab, for its part, claimed that it has killed seven military troops in the clash. Turkey provided special commando training to 150 Somali soldiers as part of a military cooperation deal between the two countries. Relations between Turkey and the Horn of Africa nation have been historically strong and picked up pace after President Recep Tayyip Erdoğan made an official visit in 2011, the only visit by a non-African leader to Somalia in 20 years. Turkey has also continued its support to Somalia with humanitarian aid in the health, education and security sectors. Turkey’s vast aid effort at the height of the 2011 famine endeared the country to many Somali people, and it has continued to provide aid, much of it from private companies. Turkish organizations have also built schools, hospitals and infrastructure and have provided scholarships for Somalis to study in Turkey. As the Turkish Armed Forces (TSK) has extensive experience fighting terrorists, Turkish training of the Somali military is helpful in countering Somalia’s own terrorist threats. Turkey’s biggest overseas military training base, which was inaugurated in 2017, is located in Somalia and is also among the largest foreign-run military centers in the country. Somalia plunged into chaos after the 1991 overthrow of President Siad Barre’s military regime, leading to years of clan warfare followed by the rise of the al-Shabab terrorist group, which once controlled large parts of the country and the capital. The post Somalia’s military kills 15 al-Shabab terrorists appeared first on Caasimada Online.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Mucaaradka qabsaday gobolka Tigray ayaa “mabda’ ahaan aqbalay” xabad-joojintii ay iclaamisay dowladda Abiy Ahmed, hase yeeshee waxay soo bandhigeen shuruudo adag oo ay tahay in la fuliyo kahor inta aysan u hoggaansamin. Shuruudaha ay soo bandhigeen TPLF, ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada Eritrea iyo dagaal-yahanada Amxaarada ay ka wada baxaan meelaha ay uga harsan yihiin gobolka Tigray, oo ay ku sugnaayeen sideed bil. Mid ka mid ah shuruudahooda ayaa waxaa sidoo kale ku jira in xukuumadda Addis Ababa ay ku dhowaaqdo in dowladdii kahor dagaalka ka jirta gobolka Tigray lasoo celiyo. “Inta aan haysano damaanaad qaad la xiriira amniga shacabkeena, iyo inaan duulaan kale lagu qabsaneyn, waan aqbaleynaa xabad-joojinta mabda’ ahaan,” ayaa lagu yiri bayaanka maanta kasoo baxay “dowladda Tigray”. “Si kastaba, kahor inta aan heshiiska xabad-joojinta, rasmi laga dhigin, waa in wax laga qabtaa arrimaha aan dalbanay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. TPLF ayaa sidoo kale dalbatay in Abiy Ahmed iyo Isais Afwerki lagula xisaabtamo waxyeeladii ay ka gaysteen gobolka Tigray, sidoo kalena QM ay abuurto guddi madax-banaan oo baara dambiyada argagaxa leh ee gobolka ka dhacay intii uu dagaalka socday. Shuruudaha kale ayaa ah kuwa bani’aadannimo, waxaana ku jira gargaar ka qeybinta gobolka, iyo in si nabdoon ay dib ugu soo noqdaan shacabka Tigray ee barakacay. Dowladda Addis Ababa ayaa mar kasta diida inay wada-hadal la furto hoggaamiyeyaasha TPLF, ayada oo kooxdaas dikreeto baarlamaan ugu aqoonsatay koox argagixiso. Hase yeeshee ma cadda haddii guul-darrada dhowaan gaartay ay taas wax ka beddeli doonto. TPLF ayaa Jimcihii waxay kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia marsiiyeen waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig. Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah. The post TPLF oo shuruudo adag ku xiray xabad-joojinta uu Abiy Ahmed dalbaday (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Debretsion Gebremichael, the President of Tigray Government and the Commander-in-Chief of Tigray Defence Forces. Mekelle (PP News Desk) — The Government of Tigray has shared with the media a set of conditions for durable ceasefire following the withdrawal of Ethiopian forces from Mekelle and other key districts of Tigray. Tigray Government demands complete withdrawal of Amhara and Eritrean forces in Tigray; the establishment of an independent investigative body tasked with bringing war criminals behind massacres and looting in Tigray to book; an unimpeded access for aid organisations into Tigray; restoration of key services such as telecommunications and healthcare amenities; calls for a respect for the constitution of Ethiopia to allow the democratically elected government of Tigray to resume its work. The government of Tigray views the establishment of an international body entrusted with the task of overseeing implementation of peacemaking modalities as the way forward. The Ethiopian government has not issued a policy statement on Tigray beyond its claim that its forces had withdrawn from Tigray due to political and military pressures. © Puntland Post, 2021 The post Tigray Government Outlines Conditions for Durable Ceasefire in Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Waxgaradka Beesha Harti ee Kismaayo ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u gudbiyay cabasho ay ka qabaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, sida ay ogaatay Puntland Post. Waxgaradka oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland sabtidii shalay ayaa u gudbiyay cabasho ah in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dadka ku dhowdhow si gaar ah u bartilmaameedsadaan Beesha Hartiga , iyadoo la isticmaalayo awooda dowladda. Waxay sheegeen in si gaar ah loo beegso hantidooda hadday tahay guri, beer ama meherad kale, falalkaasna ay marar badan sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayida. Eedaha noocaan ah ee dadka deegaanka u jeedinayaan madaxweynaha Jubbaland oo ah kuwo soo noqnoqda ayey ku sheegeen in aysan jirin cid wax ka qabanaysa isla markaasna ay marar badan madaxweyne Axmed Madoobe arrimahaas ugu tageen laakiin aysan jirin wax is bedelay. Madaxweynaha Puntland ayaa waxgaradka u sheegay in uu cabashadoda kala hadli doono madaxweynaha Jubaland, uuna rajaynayo in xal laga gaaro arrimahaas. Dhanka kale Madaxweyne Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Kismaayo ayaa galabta u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Waxgaradka Kismaayo oo cabasho u gudbiyay Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dembeeyay beddeshay xeeladda ay u adeegsato qaraxyada ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaa Muqdisho, waxayne u weecdeen qaraxyada is-miidaaminta ah oo ay fulinayaan dad isku soo xira waxyaabaha qarxa, kuwaas oo lala beegsanayay bartilmaameedyo kala duwan. Qaraxyadaas ayaa inta badan waxay sababaan dhimashada dad badan, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmaan, waxayna meesha ka saareen qaraxyadii inta badan lagu yaqaanay argagixisada ee gawaarida iyo miinooyinka. Haddaba, maxay tahay sababta ay u soo badanayaan qaraxyada is-miidaminta ee dadka isku soo xiraya waxyaabaha qarxa? Khabiir amni Xuseen Macallin Maxamuud oo ah maamulaha machadka daraaseeya amniga ee Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in xeelada is-miidaaminta dadka is-qarxinaya ay usoo badaneyso waxyeeladeeda oo sareysay iyo sida fudud ee ugu gudbi karaan bartilmaameedkooda. Xuseen ayaa asagu qaba in argagixisada ay ku guul-dareysteen in gawaari qaraxyo ka buuxan ay soo galiyaan gudaha magaalada Muqdisho, islamarkaana ay u wareegsadeen xeelada is-miidaaminta dadka. “Tabaha ay kusoo weerar tagaan waa midka baabuurta iyo ciidamada isla socda waana midka ay jeclaan lahaayeen inay fuliyaan, midka badalka ah ee ugu muhiimsan waa qofka is-qarxinaya maadama uu halkii mar leyn karo tiro dad ah,” ayuu yiri. Kooxda Al-Shabaab oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa magaalada Muqdisho, ayaa xiligaan si weyn u adeegsata qaraxyada is-miidaaminta ee qofku isku soo xiro, kadib markii ay ku guul-dareysteen inay gudaha u soo galiyaan magaalada gawaari ay ka buuxan walxaha qarxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/1bb6ccb9-dd2f-48bc-a45f-421f001d8285_48k.mp3 The post Sababta Shabaab ku kaliftay xeeladda cusub ee qaraxyada Muqdisho ay u adeegsato appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheyneysa inay sameysato shirkad cusub oo dhanka duulimaadka ah, waxayna tartan dhanka suuqa duulimaadyada caalamiga ah la geli doontaa shirkadaha duulimaadyada ee ay leeyihiin dowladaha Gacanka Cadmeed ee The Emirates iyo Qatar Airways. Tallaabada ay qaadeyso dowladda Sucuudigu ayaa tartan ganacsi oo dhanka suuqa duulimaadyada ah dhex dhigi doonta seddaxdaan dowladood ee Carabta ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, ayaa dabada ka riixaya qorshahaan ay miisaaniyadda badan ku baxayso, waxayna Sucuudigu ku tashanayaan dhaqaalaha badan ee uga soo xarooda shidaalkooda. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa haatan werwer xoog leh ku abuureysaa dowladaha Imaaraadka iyo Qatar, maadaama ay Sacuudigu ay qorsheynayaan inay noqdaan marinka shanaad ee adduunka ugu weyn dhanka duulimaadka hawada. Diyaaradda cusub ee ay sameysaneyso Boqortooyada Sucuudigu waxay sarre u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkeeda iyo inuu Sacuudigu noqdo marin caalami ah (International routes) oo dhanka Gacanka Cadmeed ah. Wasaaradda Gaadiidka Boqortooyada Sacuudiga ayaan illaa hadda soo saarin qorsheyaal faah-faahsan oo ku saabsan diyaaraddaan cusub ee ay sameysaneyso. codsigooda. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hore u laheyd shirkad duulimaad oo yar oo ka shaqeysa gudaha dalkeeda waana Flyadeal, diyaaraddaas ayaa inta badan waxay sameyn jirtay duulimaadyada bar-ka-barta ah (Point-to-point flights) ee loogu adeego shacabka Sacuudiga oo dhan 35 milyan. Balse, haatan Sacuudigu wuxuu ballaadhin doona adeegyadiisa duulimaad si uu uga mid noqdo dalalka ugu badan ee ay soo maraan duulimaadyada caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, waxayna midaasi walaac hore ku abuureysa ku abuureysaa shirkadaha The Emirates iyo Qatar Airways. Riyadh waxay durba u dhaqaaqday inay la tartanto Imaaraadka oo ah wadanka ganacsiga iyo dalxiiska ee Gobolka, waxayna Sacuudiga sheegtay in laga bilaabo sannadka 2024-ka ay joojineyso qandaraaska ay siiso shirkadaha aan xarunta ugu weyn ku laheyn gudaha boqortooyada. “Tartanka ganacsiga ee dhinaca duulimaadka had iyo jeer wuxuu ahaa mid aad u xun, haddana wuxuu u muuqdaa inuu kasii dari doono, waxaa soo dhow jahwareer ku saabsan xiriirka Gobolka,” ayuu yidhi Robert Mogielnicki, oo ah aqoonyahan wax ka dhigo Machadka Arab Gulf States Institute ay Dubai, oo ah xarunta ugu weyn adduunka ee safarka duulimaadyada ayaa ku dhawaaqday qorshe shan sano ah oo lagu kobcinayo boqolkiiba 50% duulimaadyada iyo marinnada maraakiibta iyo sidoo kale in la laban-laabo awoodda dalxiiska labaatanka sano ee soo socota. Amiir Maxamed wuxuu isku dayayaa inuu soo jiito Ra’simaalka shisheeye si uu u abuuro warshado cusub oo ay ka mid yihiin dalxiiska, wuxuuna hamigiisa yahay inuu kordhiyo guud ahaan dalxiisayaasha lana gaarsiiyo 100 milyan sanadka 2030 halka ay ka aheyd 40 milyan sanadkii 2019. “Sacuudi Carabiya waxay awood u leedahay inay horey u sii wado istiraatiijiyadeeda duulimaadka iyo dalxiiska marka kuwa kale ay dib u guranayaan oo ay dib uga laabanayaan,” ayuu yidhi Brendan Sobie oo ah lataliye dhanka duulista ah. “Waa istiraatiijiyad qatar ah, laakiin sidoo kale macquul ah marka la fiiriyo mowqifkeeda iyo ujeedada guud ee kala duwanaanta.” Ayuu sii raaciyey. Si kastaba, shirkad kasta oo diyaaradeed waxay u baahan tahay Ra’isumaal bilow ah, waxayna khubaradu ka digayaan hamiga Sacuudi Carabiya ee ah inay ku tartanto duulimyaadyada transit-ka taas oo ay kala kulmi karto sannado khasaare ah. Arrintaan ayaa imaneysa iyadoo shirkadda Emirates ay ku dhawaaqday khasaare dhan 5.5 bilyan oo dollar bishii lasoo dhaafay, maadaama uu isku socodka duulimaadyada caalamka saameyn xoogan ku yeeshay feyriska Covid-19. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay shirkadda Emirates ku kabtay adduun dhan 3.1 bilyan oo dollars, si ay u sii wado shaqadeeda duulimaadyada. Source
-
Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (GIIB) (Qaybta 1aad) By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia. Waxaa isoo jiidatey sheekada xiisaha leh ee uu magaalada burco ka sheegay oday Sugulle Cabdi Yoome wiiggii u dfanbeeyey bisha June 2021. Oday Sugulle, wuxuu sheegay in geela ku dhaqan waddanka Australia uu kasoo tafiirmey geel boqortooyadii ingiriisku ee British Protectrate taasoo Somaliland ka talin jirtey qarnigii 19aad qayb iyo qayb kaloo ah qarnigii labaatanaad ay magdhaw ahaan uga qaaddey reer soomaaliyeed oo dega waqooyiga somaliya iyo xataa Ethiopiaba oo loo yaqaan Habaryoonis ka dib markey dileen sarkaal ka mid ahaa masuuliyiintii burco ee ka socotey boqortooyada ingiriiska kaasoo loo yaqaanney Captain, Allan Gibb laakiin loo aqoon ogaa GIIB. Haddaba, anigoo waqti xaadarkan deggan waddankaas Oday Sugulle geela reerka ka maqan ku sheegay isla markaas sheekada dhexmartey Mr Giib iyo reerka qoraallo hore ka ururiyey ayaan dooney in wax aan ka idhaahdo, oo waxaan hayey badka keeno. Sheekada saddex qaybood oo waaweyn ayaan u kala saaraynnaa insha-allaah 1. Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (Giib)?. 2. Maxaa Beesha HY iyo Giib isku qabteen, sideese loo dilay? 3. Geela Australia jooga iyo taariikhda ilaa hadda loo hayo waa maxay? 1. Sida uu qorey ( Rolland A Hill, MBE). Maqaalka uu u bixiyey (ATribute to Captain A Gibb DSO, DCM) meesha loo yaqaan Parish of Gorstorphine oo ka tirsan Edinburgh oo ah Ireland taariikhdu markey ahayd 28 December, 1887. Magaca aabbihii wuxuu ahaa Butler markaasna waa Captain Gibb Butler. Wuxuu waqti ku abbaaran 1898-dii si xirfad-barasho ama shaqo tababar oo mushar kooban lagu qaato ugu shaqeeyey shirkad hubka sameysa oo ku taalley Edinburgh. Sannadkii 1900 ayuu go,aansadey inuu xirfaddiisa ka dhigto shaqada Ciidamada wuxuuna iska diiwaan-geliyey xarun loo yaqaanney Army Ordnance Corps. Haddaba waxaa dhacdey inuu yimaaddo Somaliland Protectorate Bishii April sannadkii 1901 isagoo markaa hawshiisu tahay Sergeant Armourer Instructor ama sarkaal derejo hoose oo gaadiidka ciidamada hawshooda iyo hubka dayactirkooda qaabbilsan. Innagoo guudmareynna taariikhdiisa, wuxuu ka qayb qaatey duullaank 1aad ee lagu qaado daraawiishta 1901 ee uu hoggaaminayey Colonel, Swayne isagoo xirfaddiisa ku shaqeynaya ah Segeant Armourer ama dayactirka qalabka ciidanka iyo gaadiidkooda. La soco Wacays faraska1988@gmail.com Qaran News
-
MOGADISHU, July 4 (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) said its forces killed 15 al-Shabab militants in a fierce fighting early Sunday in the central part of the country. Source: Hiiraan Online
-
A New Era of East African Trade UAE port operator DP World and the government of Somaliland opened a new container terminal in the Berbera port this week. The new terminal increases the port’s container capacity from 150,000 Twenty-Foot Equivalent Units (TEUs) to 500,000 TEUs annually, and is the first phase in a broader expansion that aims to position Berbera port as a major oil and gas trade corridor for landlocked Ethiopia. The port is strategically located on the Gulf of Aden, a crucial maritime hub for a fast-growing region that processes up to 20% of global trade annually. The first phase is part of an expansion deal signed with DP World in 2016 worth a total of $442 million. Designed to transform the dusty East African port into one of the continent’s premier facilities, it heralded a new dawn for Somaliland, one of the world’s poorest jurisdictions. While the state has many of the hallmarks of nationhood, including a currency, army and democratically-elected leaders, its bid for international recognition has stalled. Yet leaders in the capital, Hargeisa, hope international investment holds the key to official independence. “DP World is a big international company that dared to come to Somaliland, and I hope that a lot of other companies will follow,” said President Musa Bihi Abdi in 2018. SOURCE: AFRICAN BUSINESS Qaran News
-
ABIY AHMED MUXUU QALDAY ? !!! Siyaasadu waa shax lagu ciyaaro waayo aragnimo iyo khibrad dheeraad ah si aad guul uga gaadha , qofna kuma filna qalin iyo buug wax loogu dhigey oo kali ahi , waa in aad fahmi kartaa sida looga fekero ee loogu nool yahay meesha aad ku uuman tahay . Bilowgii hore isaga oo ka faaiideysanayey khibradiisii ciidan iyo waayihii ku soo maray Badame ayaa waxa uu qaatey go’aan taariikhda ku suntan oo ahaa kii nabada ee Erateria , waxaana uu soo af jaray colaad ku dhaweyd in ay siddon jirsato , waxa uu la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday, waxa uu sii daayey maxaabiistii siyaasada u xidhnaa oo kumayaal ahaa , halkani waxa ugu jirey dawladiisa dhawr faaiido iyo khatar ba isugu jirey. 1- Ereteria waxa ay ahayd xudunta mucaaridka Ethiopia oo qoomiyad walba leh oo jabhado fadhiyaan waliba taageero ay la garab taagan tahay dawlada Erateria taasi oo halis ku ahayd jiritaanka Ethiopia, nabadeedu waxa ay soo dhaweysay Ethiopia xasiloon. 2- Waxa ay jiheysay kacdoonkii gudaha dalka ee qoomiyada oromada oo joogsan la’aa , iyo guux badan oo ka jirey dawlad goboleedyada Ethiopia in uu soo yaraado , oo uu yimaado aragti kale oo cusubi. 3- Waxa ay isbadel aan la fileyn ku sameysay siyaasadii Ethiopia ee sida wax isaga badelaan ay adkayd oo u dhaqaaqday dhinaca fur-furnaanta iyo nabad kuwada noolaansho gobolka ah . Maxaa khataro ku dhex jirey heshiiskaa Erateria iyo sii daynta maxaabiista siyaasadeed iyo soo xerogalintii jabhadaha? Sadex arimood waxa ay si toos ah uga hor imanayeen aragtidii iyo siyaasadii xukuumadii EPRDF ee TPLF gadhwadeenka ka ahayd intaniba waxa ay khatar ku noqdeen qoomiyada Tigray maamulkoogii oo u arkayey ; 1- Dhulkii Ethiopia iyo Erateria ay ku dagaalamayeen in uu yahay dhul Ethiopia leedahay oo ay gaar ahaan qoomiyadoodu xaq u lahayd kuna xoog iyo xoolaba beeleen in dhayal la isaga bixiyey. 2- Sii daynta maxaabiista siyaasadeed oo uu xidh-xidhay maamulkoogii oo marka ooda laga qaadey ay u arkeen suuqa ha lagu kala aargoosto. 3- Jabhadaha ay dagaalka kula jireen 27 ka sanadoodba oo lala heshiiyey waxa ay tustay in iyaga loo jeedo oo aragtida Abiy Ahmed tahay raad sameysasho iyo raad masaxid wada socda oo ku lid ah qoomiyada Tigray. Talaabooyinka intooda ugu badan markii uu Raisal wasaare Abiy Ahmed qaadayey caalamku dhamaan way ku garab taagnaayeen waana lagu bogaadiyey waxa uu u muuqday qorax Geeska Africa ka soo baxday oo la wada arkay . Halkaasi iyada oo la isla marayo ayaa qoomiyada Tigray laga sifeeyey taladii dalka oo dhamaantood lagu suntay waxii Ethiopia ka dhacay qaladaad 27 ka sanadood ee ay talinayeen madaxda ka soo jeedaa in iyaga madaxa loo saaro, waxa markiiba bilaabmay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsanayo saraakiishii Tigray , dabadeedna way colaad qaateen waxaana ay isku urursadeen gobolkoogii si ay uga badbaadaan qorshaha Abiy soo degay ee ah in Ethiopia oo dhan farta loogu fiiqo iyaga waxii xumaan dhacday. Waxa ay galeen diyaar garow siyaasadeed xiliga doorashada si Abiy Ahmed ay meesha ugala wareegaan maadaama uu yahay ku sime doorashada gaadhsiinaya iyagana uu jiritaankooga ku noqday dhib iyo hadimo ku soo wajahan oo ay tahay in ay deg-deg isaga badbaadiyaan. Dhibtu waxa ay si cad uga bilaabantay Tigray iyo dawlada Ethiopia dhexdooda xiligii doorashadii mudatsnayd Aug 2020 oo uu Abiy Ahmed sheegay in uu #covid19 awgii dib ugu dhigey mudo, Tigray waa ay diideen waxaana ay qabsadeen doorasho, dagaalka siyaasadeed iyo in wadashaqeyntii laga jaro ayaa halkaasi ka soo bilaabantay ilaa dagaalo lagu hoobtay iyo duqeymo lagu weeraray deegaanada Gobolka waqooyi ee Tigray oo barakac iyo burbur hanti iyo nafoba lagu beelay uu meeshaasi ka dhacay. Abiy Ahmed muxuu qalday? Dagaalka siyaasadeed ee aduunka ka jiraa waxa uu ku fadhiyaa diblomasiyad iyo dano la kala jiidanayo, Ethiopia iyo dawlada maraykan markii aanu ogaanay halka ay kala taagan yihiin waxa ay noqotay markii qadiyada biyaha Nile ka uu ka hadlay maraykanku oo uu si cad u taageeray dawlada Egypt. Halkani dhawr wax ba waa loo fasiran karaa oo kala ah ; 1- Xidhiidhkii diplomaasiyadeed ee ka dhexeeyey xukuumadii hore ee Ethiopia iyo USA in aanu noqon xidhiidhka xukuumada Abiy Ahmed gadhwadeenka ka yahay. 2- China oo tartan kula jira USA ayaa Ethiopia aad u dhex galay , arimahani waxa ay u eeg tahay in khilaafaadka danaha dawladaha waaweyn ay Ethiopia maraykanku kaga hor yimid. 3- Deg-degii ku jirey Abiy Ahmed iyo aragtidii Abiymania oo dadka gobolka fajiciso ku noqotay iyo in dalal iyo qoomiyadaba wax la isaga weydiiyo waxa uu la soo socdo maamulka Abiy Ahmed iyo qoomiyada Oromia oo si qamuunyeysan. Arimahani dhamaantood waxa ay fududeeyeen bal in loo fiirsado dhamaan siyaasada iyo dawlada Ethiopia xulafooyinka ay wadato iyo ujeedooyinka ay leedahay, oo il gaar ah dariska iyo duniduba isaga eegaan. Dagaalkii uu ku qaadey Tigray ayaa noqday dabinkii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee uu ku dhaco, waliba isaga oo isku dhiibey qoomiyada amxaarada oo ay xad la leeyihiin Tigray , taasi oo u eeg aargoosi siyaasadeed in ay rabeen amxaaradu oo ay ka soo gudanayaan intii ka dambaysay taliskoogii dhergiga waxii ku dhacay. Aduunku waxa uu guud ahaan ka soo horjeestay dagaalka gobolka Tigray oo barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur aan yareyn sababey kaasi oo ay ka qayb galeen dhowr wadan oo huwan ahi si loo xanuujiyo dadka gobolkaasi oo cidiba dano gaar ah u daba socoto. Isku soo wada xoori Abiy Ahmed waxa uu qalday ; 1- dagaalka ayuu u fahmay in uu qoriga oo kaliya iyo awooda kursiga yahay, waxaanu kaba fekerin dagaalka diplomaasiyadeed waxa uu u diyaarsadey oo ah maanta kan ugu xooga weyn aduunka. 2- Dad wada aargoosanaya ayuu isku wareejiyey oo isagana dhiig faraha u galiyey dalkii Ethiopia na wiiqay meeqaamkii uu aduunka ka taagnaa. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News
-
Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay sameysato shirkad cusub oo dhanka duulimaadka ah, waxayna tartan dhanka suuqa duulimaadyada caalamiga ah la geli doontaa shirkadaha duulimaadyada ee ay leeyihiin dowladaha Gacanka Cadmeed ee The Emirates iyo Qatar Airways. Tallaabada ay qaadeyso dowladda Sucuudigu ayaa tartan ganacsi oo dhanka suuqa duulimaadyada ah dhex dhigi doonta seddaxdaan dowladood ee Carabta ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, ayaa gadaal ka riixaya qorshahaan ay miisaaniyadda badan ku baxayso, waxayna Sucuudigu ku tashanayaan dhaqaalaha faraha badan ee uga soo xarooda shidaalkooda. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa haatan wel-wel xoog leh ku abuureysaa dowladaha Imaaraadka iyo Qatar, maadaama ay Sacuudigu ay qorsheynayaan inay noqdaan marinka shanaad ee adduunka ugu weyn dhanka duulimaadka hawada. Diyaaradda cusub ee ay sameysaneyso Boqortooyada Sucuudigu waxay sarre u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkeeda iyo inuu Sacuudigu noqdo marin caalami ah (International routes) oo dhanka Gacanka Cadmeed ah. Wasaaradda Gaadiidka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaan illaa hadda soo saarin qorsheyaal faah-faahsan oo ku saabsan diyaaraddaan cusub ee ay sameysaneyso. codsigooda. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horay u laheyd shirkad duulimaad oo yar oo ka shaqeysa gudaha dalkeeda waana Flyadeal, diyaaraddaas ayaa inta badan waxay sameyn jirtay duulimaadyada bar-ka-barta ah (Point-to-point flights) ee loogu adeego shacabka Sacuudiga oo dhan 35 milyan. Balse, haatan Sacuudigu wuxuu ballaarin doona adeegyadiisa duulimaad si uu uga mid noqdo dalalka ugu badan ee ay soo maraan duulimaadyada caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, waxayna midaasi walaac hore ku abuureysa ku abuureysaa shirkadaha The Emirates iyo Qatar Airways. Riyadh waxay durba u dhaqaaqday inay la tartanto Imaaraadka oo ah wadanka ganacsiga iyo dalxiiska ee Gobolka, waxayna Sacuudiga sheegtay in laga bilaabo sanadka 2024-ka ay joojineyso qandaraaska ay siiso shirkadaha aan xarunta ugu weyn ku laheyn gudaha boqortooyada. “Tartanka ganacsiga ee dhinaca duulimaadka had iyo jeer wuxuu ahaa mid aad u xun, haddana wuxuu u muuqdaa inuu kasii dari doono, waxaa soo dhow jahwareer ku saabsan xiriirka Gobolka,” ayuu yiri Robert Mogielnicki, oo ah aqoonyahan wax ka dhigo Machadka Arab Gulf States Institute ay Dubai, oo ah xarunta ugu weyn adduunka ee safarka duulimaadyada ayaa ku dhawaaqday qorshe shan sano ah oo lagu kobcinayo boqolkiiba 50% duulimaadyada iyo marinnada maraakiibta iyo sidoo kale in la laban-laabo awoodda dalxiiska labaatanka sano ee soo socota. Amiir Maxamed wuxuu isku dayayaa inuu soo jiito Ra’simaalka shisheeye si uu u abuuro warshado cusub oo ay ka mid yihiin dalxiiska, wuxuuna hamigiisa yahay inuu kordhiyo guud ahaan dalxiisayaasha lana gaarsiiyo 100 milyan sanadka 2030 halka ay ka aheyd 40 milyan sanadkii 2019. “Sacuudi Carabiya waxay awood u leedahay inay horey u sii wado istiraatiijiyadeeda duulimaadka iyo dalxiiska marka kuwa kale ay dib u guranayaan oo ay dib uga laabanayaan,” ayuu yiri Brendan Sobie oo ah lataliye dhanka duulista ah. “Waa istiraatiijiyad qatar ah, laakiin sidoo kale macquul ah marka la fiiriyo mowqifkeeda iyo ujeedada guud ee kala duwanaanta.” Ayuu sii raaciyey. Si kastaba, shirkad kasta oo diyaaradeed waxay u baahan tahay Ra’isumaal bilow ah, waxayna khubaradu ka digayaan hamiga Sacuudi Carabiya ee ah inay ku tartanto duulimyaadyada transit-ka taas oo ay kala kulmi karto sannado khasaare ah. Arrintaan ayaa imaneysa iyadoo shirkadda Emirates ay ku dhawaaqday khasaare dhan 5.5 bilyan oo dollar bishii lasoo dhaafay, maadaama uu isku socodka duulimaadyada caalamka saameyn xoogan ku yeeshay feyriska Covid-19. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay shirkadda Emirates ku kabtay adduun dhan 3.1 bilyan oo dollars, si ay u sii wado shaqadeeda duulimaadyada. The post SACUUDIGA oo billaabay qorshe uu loolan adag kula galayo Imaaraadka iyo Qatar appeared first on Caasimada Online.
-
Maxamed Xasan Maxmed Cirro ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal. Maaxmed Cirro ayaa wareegii labaad ee doorashada helay 14 cod, wuxuuna ka guuleystay Liibaan Axmed Xasan oo helay 10 cod. Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye ku xigeen u doortay Mowliid Mataan Salaad. Maxamed Xasan Cirro oo ahaa guddoomiyihii hore gudigii lagu muransanaa ee is baddelka lagu sameeyay, ayaa markale qabtay xilkan. Maxamed Xasan Cirro oo ka soo jeeda gobollada SSC ayaa shahaadada heerka koowaad ka heysta warbaahinta, wuxuuna la soo shaqeeyey FOAO, Radio Ergo, Raysmedia, Kisima Human Rights, RTD Radio and Television, Djibouti, xarunta dhaqanka Aw Jaamac ee Nairobi iyo hay’ado kale. Waxaa uu qoray buugaag ay ka mid yihiin Guurdoon rag iyo geyaan dumar, Murugo iyo The Somali civil war tragedy. PUNTLAND POST . The post Guddiga doorashooyinka heer federaal oo guddoon doortay appeared first on Puntland Post.
-
Maxamed Cirro oo horay u ahaa guddoomiyaha Guddigii lagu muransanaa ee doorashada dadban ayaa u muuqdo inuu mar kale kusoo baxay iska jagadaas. Tartan maanta uu la galay tartamayaal kale, Maxamed Xasan Cirro waxaa uu kusoo baxay guddoomiyaha FIET isaga oo helay 14 cod, waxaa ninka la tartamayey oo ah Liibaan Maxamed Xasan isna uu helay 10 cod. Cirro ayaa waxaa gadaal ka riixeysay Villa Somalia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer Federaalka ayaa goor dhaweyd doortay guddoomiye cusub oo rasmi ah kadib codeyn Maanta ka dhacday Xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Tartanka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa u tartamay illaa 5 musharax oo kala ah:1- Maxamed Xasan Cirro, 2- Liibaan Axmed Xasan (Liiban Shuluq), 3- Cabdi Xiis Aadan 4- Cabdcasiis Yuusuf, 5- Maxamed Muuse. Wareegga labaad doorashada ayaa waxaa usoo gudbay Maxamed Xasan Cirro oo helay 12 cod iyo Liibaan Axmed Xasan (Liiban shuluq) oo helay 8 cod. Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Cirro oo helay 14 cod halka Liibaan Shuluq uu helay 10 cod, sidaasna waxaa guddoomiye ku noqday Maxamed Xasan Cirro oo horeyna usoo noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee la kala diray. Maxamed Xasan Cirro ayaa xilligii uu noqday guddoomiyaha guddigii doorashada ee muranka dhaliyey ee markii dambe la kala diray waxa uu si xooggan ugu xirnaa Villa Somalia, balse ma cadda waxa hadda arrintaas iska beddelay. Dhinaca kale, Mowliid Xaaji Mataan ayaa isna ku guulaystay doorashadii gudoomiye ku-xigeynka Guddiga Hirgalinta dorashoyinka Heer Federaal. Doorashada ayaa si daah furan u dhacday, waxaana agaasinkeeda lahaa Guddiga Farsamada ee isku xirka howlaha doorashada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo si weyn loogu amaanay. The post Guddiga doorashada heer federaal oo guddoomiye cusub oo rasmi ah doortay appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALIDA MAXAA SIYAASI XUMUHU ISUGU SOOFEYNAYAA EE AY ISUGU FOOGAN YIHIIN ? !!! Somalinimadu waa isir iyo abtirsi ee maaha siyaasad iyo dal la kala leeyahay, fahamka iyo caqliga dadka yaanu caayin siyaasi garan waayey wax uu umada ku hugaamiyo , dabadeed doodiisu gondaheena uun keenaya marwalba. Boqol iyo labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey lama hayo soomaali oo degen oo raad iyo taariikh wanaagsan oo horumar iyo nolol ilbaxnimo abuurta ka tagay, waxa ay inoo ahayd dagaalo iyo wax iska dhicin shisheeye iyo sokeeyeba leh , ilaa maanta sidii ayaa la isugu lisayaa dadka. Qofka hogaamiyaha ahi waa in uu leeyahay hal abuur iyo himilo hogaamineed oo uu wax ku abuuri karo loo aayo, ee maaha in uu noqdo makarafoon waxii ay umadu sameysatay lagu baabiiyo ama la is yidhaahdo ku hadimeeya. Somaliland, Somalia, Djibouti, Somalida Ethiopia iyo Somalida Kenya intuba waa soomaali hadana waa kala dawlado, qofka qab iyo somalinimo ku jirtaa waa mid ku farxa horumarka walaalkii gaadhay dhibta soo gaadhana ka damqada. Waxa ay noo tahay naxdin joogto ah inta ay Muqdisho dagaal ,qarax iyo dhibaatooyin dad soomaaliyeed ku dhimanayaan ka jirto oo waanu la damqanaa oo la dareen nahay, walaalahayaga kale ee sadexda ahna sidoo kale ayaanu dhib iyo dheregba ula dareen nahay. Waxa aan la yaabanahay dadka somaliland oo hore calan iyo dawlad somaliyi wada lahayd loogu laayey oo diyaarado si arxan daran loogu duqeeyey iyada oo ay wali muuqdaan dhibaatadii oo maalin walba ay daadadku soo saaraan xabaalo boqolaal dad ah oo isku xidh-xidhan oo wadar isirkooda loogu diley in maanta dad dheel-dheelayaa dhayal wax isaga yidhaahdaan. Somaliland siyaasi wanaagsan iyo odey wanaagsan ayaa seeska u yagleelay oo aan dhiiga dadkiisa masaariifsan, gobolka ay ku taallo waa dalka ugu nabadgalyo wanaagsan, ugu dimuqaradisan ee ugu xoriyad badan xaqiiqda marka laga hadlayo. Siyaasi xumaha dalkiisa nabadeyn kari waayey, dhiiga dadkiisa ee maalinwalba qubanaya joojin kari waayey wuxuu balaga ugu lulayaa dhalinyarada Somaliland saw maaha in ay Somaliland noqoto sida koonfur oo kale oo fawdo iyo dawlad la’aan loo soo raro. Aduunka soomaalida magacyo iyo naaneyso aan wanaagsanayn ayaa uga baxay oo ay ka mid tahay qaranka fashilmay ( failed state ) hoy argagixiso ( terrorist zone) budhcad badeed ( pirates) iwm oo ay ahayd in laga dhiidhiyo oo la Iska maydho, ee maanta in Somaliland lagu mashquulo may aheyn. Caalamku wuu tagey inta aynu waxba isku haneyn laanahay, is hambalyeyn laanahay, shalay hadaynu wadajir rabnay maanta inaga oo shan ah ayeynu jiri karnaa is jeclaan karnaa wax badan is tari karnaa ee hogaamiye hal abuur leh hala raadiyo inta siyaasi xume isku keen soofeynayo. Hogaamiye ; Mohamed Dhimbiil Xisbiga Dadweynaha Somaliland. Qaran News
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobollada dhexe ayaa sheegay in ay dileen 19 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21-aad ayaa sheegay in ay xubnahan ku dileen dagaal saaka ka dhacay inta u-dhaxeysa Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere oo dhanka Koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in xubnaha ay dileen ay qorsheynayeen in ay miinooyin ku aasaan wadad isku xirta Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxayna xaqiijiyeen in dhankooda uu dagaalka kaga dhintay hal askari. Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in dagaalkaas uu ku dhintay hal qof oo ka tirsan dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in ay weerar dhabaggal ah u dhigeen ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayna dileen 8 askri oo ku jiro sarkaal lagu magacaabo Cabdulle Madax Yareey. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dhowr deegaan oo ka tirsan Galmudug ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada dowladda federaalka iyo Al-shabaab, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. PUNTLAND POST The post DFS iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay meel u dhow Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.