-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaga oo cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyeyaal iyo ku-xigeenada Guddiyada. Xubnaha Guddiga ayaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed u doortay Yuusuf C/qaadir Maxamed Baffo oo asagu helay codad gaaraya 10-cod, halka Maxamed Isxaaq oo la tartamayey uu helay 1-cod oo keliya. Sidoo kale waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga loo doortay Nuuradiin Ibraahim Aadan oo asagu helay codad gaaraya 9-cod, halka uu C/llaahi Cabdi Mudalib oo kursigaas u tartamayey uu helay 2-cod. Doorashada uu maanta qabtay guddiga ayaa hogaan cusub oo rasmi ah u yeelaysa Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan la filayaa in guddiyada maamulada ay iskugu imaadan kulamo ay ku dooranayaan guddoonkoda. Sidoo kale, magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshsy Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, iyaga oo maanta doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa. Xilka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ayaa waxaa isu-soo taagay musharixiinta kala ahaa: 1- Maxamed Daahir Guuleed, guddoomiye, 2- Saacid Aadan Jaamac. Ku xigeen. Madasha Doorashada xubnaha soo xaadiray ayaa gaarayay 11 xubnood, waxaana Maxamed Daahir Guuleed ay u doorteen Guddoomiye, isaga oo helay 11 cod Mana jirin qof la tartamay. Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Saacid Aadan Jaamac waxaa ay u doorteen Guddoomiye Ku xigeen, isaga oo helay 11 cod, mana jirin qof la tartamay. Maamulada Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo loo yaqaan hadda Somaliland ayaa ayagu maalmaha socda lagu wadaa inay doortaan guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenadooda. The post Sawirro: Guddoonka guddiyo kale oo doorasho oo maanta lagu doortay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha waxa Kulanka ku weheliyay qaar kamid ah wasiirada xukuumaddiisa, xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac loo ga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Xafiiska Rooble ayaa sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay amniga doorashooyinka iyo taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan dhaqaalaha iyo farsamada doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhaw la doortay guddoonka guddiga doorashada Galmudug iyo ku-xigeenkiisa. Maxamed Dahir Guled ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee ku matalaya Galmudug, Halka Ku-xigeenkiisa loo doortay Saacid Aadan Jaamac oo isna helay 11 cod. Mohamed Qasim oo guddiga Galmudug ka mid ah ayaa isna loo doortay Xoghayaha Guddiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay shakiga laga muujinayo in magaalada Beledweyne ay ka dhici karto doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal. Wasiirka oo wareysi siiyey idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ay jirto duruuf baajin karta in magaalada Baladweyne lagu qabto qaar kamid ah Doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Wasiir Caadle ayaa sheegay in Maamulka HirShabele ay ka go’an tahay in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada kuraasta aqalka hoose ee magaaladaas taas, wuxuuna sheegay inay fuliyaan heshiiskii 27-ka May ay magaalada Muqdisho ku saxiixdeyn Ra’iisu Wasaare Rooble, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. “Baladweyne Doorasho way ka dhici kartaa weyna ka dhaceysaa waana loogu talagalay, Shacabku way rabaan oo heshiiska ayay ku qoran tahay, ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale ayaa joogta,” ayuu yiri Wasiir Caadle. Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo kan Jubaland Axmed Madoobe ayaa horey isugu dayey in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo, si aysan doorasho ugu qaban Beledweyne iyo Garbahaarey, hase yeeshee qorshahaas ayaa socon waayey. Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ku dagaalameen Ciidamada HirShabelle iyo maleeshiyaad uu wato Jeneral Abuukar Xuud waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa labada dhinac. Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabelle. Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid. The post HirShabelle oo go’aan kasoo saartay haddii Beledweyne lagu qabanayo doorasho appeared first on Caasimada Online.
-
Singapore flagged vessel MV NYK Clara docked at the port of Mombasa on June 25, 2021 on its way to Dar es Salaam after it made its maiden call. In this financial year, Kenya and Tanzania have put modernisation of ports at the top of the list of priority investments. PHOTO | FILE | NMG A quiet, yet vicious battle for the shipping business is under way in Eastern Africa with Tanzania, Kenya, Djibouti and Somalia as the protagonists. Tanzania, home to the most ambitious port project in the region — the $10 billion Bagamoyo Port — has announced plans to revive it construction, potentially turning the tables on its competitors. The project features a special economic zone and industrial park that are billed to attract at least 700 business units and dominate the freight business along Africa’s Indian Ocean coastline, eclipsing Kenya’s equally ambitious Lamu port project. At a meeting with the Tanzania National Business Council in Dar es Salaam recently, President Samia Suluhu disclosed that her government had revived discussions with the Chinese government with the aim of resuming negotiations over funding for the project. The negotiations were torpedoed by President John Magufuli in May 2019 over what he described as unfair investment conditions proposed by Beijing. The project was mooted by Magufuli’s predecessor Jakaya Kikwete and as one of his key legacy projects. Now hope is rife in Tanzania that the project will soon come to fruition. But in the Horn, DP World, a United Arab Emirates ports operator, opened its upgraded container terminal at Berbera, the main seaport in the semi-independent Somalia state of Somaliland, putting Berbera in a head-to-head rivalry with the Port of Djibouti’s Doraleh Container Terminal for business from the Ethiopian market. Coming at a time Kenya’s Lapsset anchor project, the Lamu Port, is still finding a footing as a transhipment hub, Nairobi is already rattled and is moving to shore up its business against the upcoming onslaught. Such is the importance Nairobi and Dodoma have attached to this sector that in the current financial year they have put modernisation of ports at the top of the list of priority investments with increased budgets meant to enhance efficiency and increase throughput. The East Africa Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xiriira soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+. Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka. Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka. “Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal. Wareysi kale oo uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta. OPEC+ ayaa soo jeedisay in soo-saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka. Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay. “Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xiriirta heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei. Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo daaha gadaashiisa. Haddii aanay OPEC heshiis ku gaarin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka. AFP + VOA The post Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hadallo kulul is-weydaarsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hadallo kulul is-weydaarsaday Abdulaziz bin Salman Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xiriira soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+. Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka. Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka. “Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal. Wareysi kale oo uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta. OPEC+ ayaa soo jeedisay in soo-saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka. Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay. “Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xiriirta heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei. Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo daaha gadaashiisa. Haddii aanay OPEC heshiis ku gaarin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka. Qaran News
-
Gabdho Soomaaliyeed oo ka muraara dillaacsan Quruxlow xabsiga lagu xukumay Gabdhaha Soomaaliyeed qaarkood, iyo kuwa kale ee caalamka ayaa baraha bulshada aad uga hadal haya nin dhallinyaro ah oo maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay ku xukuntay xabsi muddo dheer kaddib markii uu shil gaari dad ku dilay. Cameron Herrin, oo sanadkii 2018 isaga oo 18 jir ah waday gaariga nooca Ford Mustang ayaa hooyo iyo gabadheeda ku jiirsiiyay gaarigaasi xaafadda Bayshore Boulevard dalka Mareykanka, waxaana Khamiistii lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah. Herrin iyo nin kale oo lagu magacaabo, John Barrineau, ayaa lagu eedeeyay inay tartamayeen markii uu dhacayay shilkaas. Barrineau ayaa sidoo kale wuxuu wajahayaa lix sano oo xabsi ah. “Dembigan wuxuu galaaftay nolosha labo qof oo qurux badan afar qoysna qalbi jab ayuu ku riday,” Xeer Ilaaliyaha Gobolka Andrew Warren. “Xukunna ma dhayi karo amaba dib uma soo celin karo dadkii dhintay, balse waxaan rajeyneynaa in natiijadan ay xoogaa niyadda u djein doonto qoysaska Jessica iyo Lillia.” Garsooraha ayaa xukunka ugu riday Herrin inuu yahay qof qaan gaar ah, ee ma aha inuu yahay dmebiile da’ yar ah. Bidix: Cameron Herrin; midig: John Barrineau Khamiistii, Herrin, qoyskiisa iyo saaxiibadiis ayaa subixii oo dhan waqtigooda ku bixiyay inay ku tilmaamaan qof naxariis badan oo la cafin karo isla markaana aan u qasdin inuu qof dhaawaco. Waxay musiibadii dhacday ku tilmaameen inay ahayd shil xanuun badan. “Qalbi jab ayay u ahayd isaga iyo qoyskeenna,” ayay tiri Kim Salter, oo eeddo u ah Herrin. “Saameyntu mar walba way ku soo laalaabaneysaa maskaxdiisa. Weligeed kama guuri doonto madaxiisa,” ayay tiri Cheryl Herrin, oo ah hooyada Cameron. Maxay gabdhaha Soomaaliyeed ka yiraahdeen xukunka Cameron Herrin? Gabdho badan oo ka fal celiyay xkunka lagu riday Cameron Herry ayaa sheegay inuu yahay quruxlow aan u qalmin in xabsiga la dhigo, iyadoo qaarkood ay si kaftan leh u sheegeen inay booskiisa ku beddeli lahaayeen 10 wiil oo Soomaali ah. Gabdhaha qaar ayaa ku kaftamay in tani ay jawaab u tahay sida ay dhawaan wiilasha Soomaaliyeed uga daba dhaceen fannaanada reer Sudan Nada Al Qala. Waxaa jira gabdho kale oo feker kaas ka duwan qaba, sida Khayriya Bintu Siciid, waxay tiri: “Wiil Soomaliyeed ayaan tageera war gabdhaw iska daaya wiilkaas xitaa hadaad jeclayn heli maysaan raggeennii Soomaalida ahaa geesiyaasheenii ba buuxa.” Hibak Axmed ayaa iyaduna tiri, “Mid aan ogahay oo Soomaali ah kama qurux badna marka laga reebo timaha xataa qoorta dheer iyo hab labiskiisa.” Qareennadiisa ayaa ku dooday in maskaxda 18 jirka aysan wlei si fiican u korin, sidaas darteedna laga fiirsado xukunka. Qoyska Herrin ayaa sheegay inay iibiyeen gurigooda si ay u helaan lacag ay siiyaan qoyska Reisinger-Raubenolt. Baarayaasha ayaa sheegaya in Herrin uu gaariga ku waday xawaare dhan 100 mayl saacaddii markii uu jiirayay Jessica iyo gabadheeda. Qaran News
-
Gantaal uu haysto Dalka Shiinuhu oo cabsi geliyey Maraykanka? Mareykanka ayaa sheegay in kordhinta keydka hubka Nukliyeerka ee Shiinaha ay tahay arrin walaac leh ayna tahay in Maraykanku kala hadlo Shiinaha sida wax u socdaan. Isagoo la hadlayey suxufiyiinta, afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in “loo baahan yahay in Shiinaha uu la hadlo Mareykanka si xal rasmi ah looga gaadho isku dheelitirka hubka.” Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Shiinaha uu dhisayo in ka badan boqol kayd oo lagu magacaabo silos kuwaas oo ah nooc hub oo casri ah oo gantaalahooda lagu keydiyo dhulka lama degaanka ah ee gobolka galbeedka. Ned Price wuxuu sheegay inay ku adkaatay Shiinaha inuu qariyo hubkiisa sida laga soo xigtay Global Times, silos waxaa badanaa laga isticmaalaa Shiinaha si loogu xareeyo gantaalaha qaaradaha isaga kala goosha. Gantaaladan ayaa daboolaya masaafo dheer iyagoo soo saara tamar badan. Waana hub culus oo nukliyeer ah. Gantaalaha lagu xareeyo silos si fudud ayaa loo hagaajin karaa loona dayactiri karaa isla markaana si fudud ayaa loo isticmaali karaa markii loo baahdo in la rido. Warbixinta Washington Post ayaa sheeganeysa in Shiinuhu uu dhisayo 119, silos oo goobaha kaydka hubka oo ku yaalla lamadegaanka ku dhow magaalada Yumen ee gobolka Ganzhou Waxaa lagu sheegay warbixinta in Shiinuhu uu dhisayo in ka badan boqol silos oo gantaalo ah haddii intaas la dhameystirona waxay noqon doontaa isbadal taariikhi ah oo ku dhacay siyaasada Nukliyeerka Shiinaha. Goobaha kaydka gantaalaha ayaa ah sirta ugu sarreysa wadan kasta. Waxaa jir goobo been abuur ah oo loo sameeyay si loo marin habaabiyo waddamada cadowga. Goobaha ay ku yaallaan gantaallada ee shiinaha ee China-to-air ayaa ah sir qaran oo wadamada dibada ay adag tahay in ay waxbadan ka ogaadaan. Sida ay sheegayaan wararka Mareykanka ka imanayaa dalkaas ayaa heysta ugu yaraan 450 silos oo gantaalo ah. Kuwaas oo ah gantaalaha nukliyeerka ee muhiimka ah waxa sida oo kale ay leeyihiin (awoodda looga hortagi karo weerar nukliyeer Qaran News
-
Madaxweynaha dowad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay shir ku saanbsan arrimaha Amniga Jubaland. Shirka waxa ka qayb-galay wasiirada iyo mas’uuliyiinta Amniga Jubaland oo ay weheliyaan saraakiil caddaan ah iyo hoggaanka AMISOM. War ka soo baxay xarunta madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay sugidda Amniga doorashooyinka iyo wada-shaqaynta dhinacyada kala duwan. Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirka looga arrinsaday xaaladihii u dambeeyay ee Amniga Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo shir-gudoomiyay shir ku saabsan Amniga Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaar kamid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle ay iskaga soo baxeen magaaladaas, kadib markii uu dagaal xoogan ku dhex-maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad uu wato Jeneraal Xuud. Wasiirada oo markii hore magaalada Beledweyne uga qeyb-galay shirkii golaha wasiirada ee maamulkaas, ayaa waxaa tallaabadaas si weyn uga carooday Jeneraal Xuud oo asagu kasoo horjeeda maamulka HirShabeelle, taasi oo uu ka dhashay iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamada labada dhinac. Wasiirada isaga baxay magaalada kadib markii uu bilowday dagaalka ayaa waxaa kamid ah; Wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cali Caadle iyo Wasiirka Beeraha & Waraabka ee maamulkaas, Maxamed Cumar Ceeymooy. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa saacadaha soo socda la filayaa in wasiiro kale ay isaga bixi doonaan magaalada Beledweyne oo saacadihii u dambeeyay ay xiisado dagaal ka taagnayeen. Tallaabada ay uga baxayaan wasiirada HirShabeelle ayaa imaneysay xili ay ciidamada Jeneraal Xuud ku sugan yihiin deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Beledweyne, sidoo kalena Ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Bannaaneey oo dhaca duleedka waqooyi ee Beledweyne, midaasi oo dagaal hor leh dhalin karta, inkasta oo ay socdaan dadaalo lagu baajinayo inay dagaalamaan. Si kastaba, waxaa hadda si caadi ah usoo noqday isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ayada oo maanta dib loo furay goobaha Ganacsiga iyo waxbarashada. The post Wasiirada HirShabelle oo ka soo cararay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada guddonka Guddiga maamulaya doorashada koonfur Galbeed soomaaliya ayaa saaka oo isniin ah ka qabsoontay SKI HOTEL oo deegaan ku meel gaadha u ah Guddiga. Musharixiinta xilka Gudoomiyaha waxa isku Soo sharaxay 1. Yusuf Abdiqadir Mohamed 2. Maxamed Abdilahi Sh Hasan Natiijada Doorashada: xubnaha soo xaadiray waxay ahaayeen 11 xubnood – Yuusuf Abdiqadir Maxamed waxa uu helay 10 xubnood, halka Maxamed Sh Abdilahi Xasan uu helay 1 cod. Mudane Yuusuf Abdiqadir Maxamed ayaa noqday gudoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada koonfur Galbeed soomaaliya Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmay shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira gudaha dalka. Shirkan oo u dhexeeyo wasiirada caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha caafimaadka, gaar ahaa wixii ka qabsoomay shirkii kan ka horreeyey ee ka dhacay magaalada Baydhabo. Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirada caafimaadka dowlad goboleedyada dalka, sida Puntland, Galmudug, HiirShabelle, Juballand iyo sidoo kale Koonfur Galbeed. Fowsiyo oo furitaanka ka hadashay ayaa sharraxaad ka bixisay muhiimadda shirkan wada-tashiga caafimaadka ee ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. “Shirkaan muhiimadiisa wasiirada ayaa ka hadlay waxaan galaynaa saddex maalmood oo shaqo adag ina hortaalo loogana hadlayo maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn wixii aan wada leenahay wixii aan kala leenahay aad nala wadaagtaan, waxaan ognahay awooda dawladaha xubnaha ka ah aysan isku mid ahayn xaga caafimaadka, waxaan rajaynayaa saddex bari inaan juhdi badan ku bixino sidii aan natiijo wax ku ool ah uga soo saari lahayn.” ayey tiri Fowsiyo. Sidoo kale waxa ay ka warbxisay dadaallada ay wado xukuumadeeda ee ku aadan la tacaalida cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo guulaha laga gaaray. “Waxaa dhammaantiin wada og-tihiin halka uu marayo caafimaadka dalkeena iyo guulaha la gaaray caqabado jira oo ay ugu weyntahay saamaynta uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid19 oo wax badan oo qorshaysnaa caafimaadka in aan la wada gaarin. Waxaan ka rajaynayaa in natiijo wanagsan ka soo baxo sidoo kalena la iskula qaato sidii loo sii hormarin laha caafimaadka dalkeena oo inagu masuuliyaddooda aan hayno.” Shirkii hore ee wada-tashiga caafimaadka ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyada oo sanad kastaa diirada lagu saaro arimaha caafimaadka. The post Shir u dhexeeya DF & dowlad goboleedyada oo furmay appeared first on Caasimada Online.
-
Degmada Buurtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 119km dhanka Koonfureed kaga beegan caasimadda Garoowe, ayaa lagu soo bandhigay 43 sagaaro iyo hal garanuug ah oo dhammaantood biraysan. Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in goob ku taalla gudaha magaalada laga soo helay ugaartan wada-biraysan, kadib hawlgal Booliisku ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Buurtinle. Maamulka degmada Burtinle ayaa tilmaamay in ay qaadayaan tallaabooyin lagu dhimayo ugaarsiga lagu hayo duurjoogta degaankaas. Ilaa iyo hadda lama sheegin cid loo qabtay arrintan oo hadal-hayn ka dhalisay baraha bulshada. PUNTLAND POST The post Booliiska degmada Buurtinle oo gacanta ku dhigay sagaarooyin badan oo biraysan appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta Garowe ka furmay shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaliya. Shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa socon doona saddexda maalmood ee soo socda waxana dib loogu eegi doonaa waxa ka qabsoomay shirkii ka soo dhacay Muqdisho sanadkii dhamaaday. Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay wasiiradda caafimaadka Puntland,Galmudug, Hiirshabelle,Juballand, Konfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Federaalka Soomaliya. Shirka ayaa furitaankiisa waxaa hadalo ka jeediyay wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka soomaliya, dhamaantoodna waxay muujiyeen ahmiyada uu dalka uleeyahay shirkaan waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in natiijo wax ku ool ah ka soo baxo maalmaha uu socdo. PUNTLAND POST The post Shir Garoowe uga furmay Bahda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana ku geeriyooday caruur walaalo ahaa. Taliska ciidamada dab damiska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in labo caruur ah ay ku geeriyoodeen dabkaas oo ka kacay gurigooda, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen. Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray inay dhaqsi gudaha u geli waayeen xaafadda uu dabku ka kacay, sababo la xiriira ciriiri ka jiro waddooyinka laga galo xaafaddaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in caruurta ku geeriyotay dabkaasiuu dhalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana la sheegay in xilliga uu dabku bilaabanayay uu howlo shaqo ugaga maqnaa guriga ay dagan yihiin caruurta iyo qoyskiisa. Waxaa sidoo kale goobta gurmad ahaan u tegay mas’uuliyiin uu horkacayey duqa cusub ee magaalada Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo u tacsiyeeyey dhibanayaash. Haregysa ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana xaafado ka tirsan magaaladaasi siyaabo kala duwan uga kaco dab geysta khasaare kala duwan. The post Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Muddo Bil Ah ayaa ka soo wareegtay Durba maalintii Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka isku sidkanaa ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex oo ahaa Gobolkii wakhtigaasi ugu dambeeyey ee ay Komishanku ku dhawaaqaan iyada oo Degmooyinka kale ee dalku ka horreeyeen. 5-tii Bishii June ee aan ka soo gudubnay goor saq-dhexe ah ayay Komishanku ku dhawaaqeen Natiijada Gobolka Maroodi-jeex taasi oo wakhtiga ka dhigaysa in ka badan muddo bil ah in illaa maanta ay xildhibaannada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu ku soo baxeen Natiijada Hordhaca ah oo aan wali natiijo kama dambays ah laga hayn Maxkamadda Sare. Maxkamadda Sare ee Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku guda jirtay dhagaysiga dacwado dhawr kiis ah oo la xidhiidha doorashooyinka ayaan wali ku soo gabogabayn xukunkii ay dacwadahaasi ka soo saari lahayd si ay ugu dhawaaqdo ugu dambayn natiijada kama dambaysta ah kadibna loo dhaariyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada. 6 maalmood ka hora yay maxkamaddu sheegtay in ay soo gabo gabaysay dhegaysiga dacwadaha la hor keenay. Xaaladda habsanka ah ee Maxkamadda Sare ee Somaliland aanay wali ku dhawaaqin natiijada iyo dadaallada hoose ee xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ugu jiraan kaambaynka ay ku soo jiidanayaan xildhibaannada u soo baxay xisbiyada Mucaaridka ah si ay ugu guulaysato doorashada shir guddoonka ayay xisbiyada Mucaaridka ahi walaac ka qabaan iyaga oo ku doodaya in mar kasta oo maxkamaddu la daahdo ku dhawaaqista natiijada kama dambaysta ah ay taa baddalkeeda faa’iido weyni ugu jirto xukuumadda iyo xisbul xaakimka oo muddooyinkii ugu dambeeyey dadaalkooda oo dhan isugu gaynayay sidii ay u xodxodan lahaayeen xildhibaannada xisbiyada Mucaaridka ah. Ilo-wareedyo u dhuun daloola xaaladda kaambaynka ah ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen tiro ku filan oo ay doorashada shir guddoonka ugu guulaystaan ayaa waxa ay sheegayaan in maalmihii ugu dambeeyey xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu guluf culus ku qaadeen xildhibaanno tiro ah oo ka tirsan xisbiyada Mucaaridka ah ee is-bahaysiga ku galay in ay shirguddoonka ku qaataan taasi oo xogaha qaar sheegayaan in dadaallada KULMIYE midho dhal ugu dhaw yahay inkasta oo aan la xaqiijin tirada illaa imika ay soo urursadeen ee ay ku han weyn yihiin in ay codka dhinacooda siin doonaan marka la gaadho doorashada shirguddoonka wakiillada. Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay ku dadaalayaan sidii ay Guddoomiyaha Golaha wakiillada ugu fadhiisin lahaayeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isagu KULMIYE uga soo baxay Gobolka Sool, halka ay xisbiyada Mucaaridka ah ee is-bahaysiga ahi ku rabaan in ay kuraasta shir-guddoonka ku fadhiisiyaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed (WADDANI), Cumar Jaamac Faarax (UCID) iyo Cali Xamud Jibriil (UCID). Source
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigii shalay waxay kaga doodeen xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaar ka mid ah Hay’addaha dalka iyo arimo door ah oo maalmihii u dambeeyay dalka ka dhacay sida gabadhii yarayd ee gurigooda laga xaday, dadka jaaniibta ah ee macdanta sharcidarada ku gurta oo ku soo badanaya Dalka iyo xadhkaha shirkaddaha laydh ee sida foosha xun u daadsan Suuqyada Hargeysa ee Halista badan. Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka dayriyay xalaadaha ay ku sugan yihiin wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Jidadka iyo Hay’adda Duulista oo uu sheegay in xiitaa Hawaddii ay maamulaysay ay la wareegtay Soomaaliya, Waxa uu soo jeediyay in Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka loo yeedho oo wax laga waydiiya lacag 45-dollar ah oo uu sheegay inay isaga uun ku kooban tahay oo uu iska maamusho, taasi oo laga qaado qof kasta oo dibada u dhoofaya. Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Warqaddan yar ee lagu dhoofo ee COVID-19-ka ee dadka dhoofaya la siiyo marka la baadho, waxa laga qaadaa lacag baddan oo lagu sheegay illaa 45-doolar, taasi oo laga qaado qof kasta oo dhoofaya , wali la inagama qancin, sababta lacagta intaasi leeg loo qaado, Agaasime Xergeeye ayay arintaasi ku kooban tahay oo bal inaan wax ka ogaano ayaa inoo muhiim ah, oo isagu ka jawaabo”. Waxa kale oo uu yidhi “Hadaan u soo galo wasaaradda Wadooyinka, wasaaradda Wadooyinku waa wasaaradda ugu liidata wasaaradaha, anigu baryahan ma arag wax wanaagsan oo ay qabato, wadadaasi la wado ee Berbera laga soo bilaabayna waxaa inoo samaysay Shirkadda Dp-World”. Ugu dambayn waxa uu yidhi “Wasaaradda Gaadiidka waxaa ku dhex jirta Duulista, oo Hawaddiina waxaaba la wareegtay Muqdisho, Dawladda Soomaaliya”. Xildhibaan Indho Indho ayaa isna waxa uu fariin u diray Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, isagoo u soo jeediyay inay wax ka qabtaan dadka ajaaniibta ah ee ku soo badanaya dalka eeMacdanta sharcidarada dooxyada dalka kaga gurta “Wasaaradda Macdanta waxaan leeyahay waxa indho-yar magaalada yaacaysa waad aragteen, mid aan bir sidanin majiro, Dooxyadii ayay marayaan, biro ayay sitaan, meel walba way marayaan, cid liisan siinaysaa majirto, wadanka khayraadkiisa ayay macdantu ka mid tahay, hadaynaan macdanteena ilaashanayn, mid waliba inta uu inoo soo galo ayuu guran, qaarbaa suuqa badhtankiisa fadhiga, halkan sariflayaasha agtooda, markaa waxay u baahan tahay dadkaasi ajinabiga ah ee macdanta guranaya ee la dhoofaya illayn halkan ku iibin maayaan eh, taana in xukun adag laga soo saaro”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Indho Indho. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay dhallinyaro dhawaan Magaalada Boorama lagu xidhay, kadib markii ay calanka Somaaliya ku lebisteen.kuwaas oo uu sheegay inay ahayeen arday ka kale yimi Magaalooyinka Hargeysa, Berbera,Laascanood Ceerigaabo iyo Somaliya. Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay yidhi“Arrin ayaa soo noq-noqda dad dhallinyaro ah ayaa calamo la soo baxa ayaa la leeyahay ,shacabka Hargeysa marka la yidhaah calamo ayaa Boorama lala soo baxay in dareen iyo si khaasa loo dareemayo ayaad mooddaa oo looga damqanaayo,.” Dhanka kalena Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in siyaasiyiinta reer Hargeysa ee xilalka ka haya Xamar aan cid soo haddal qaadin,balse si gaar ah loo soo haddal qaado Wasiir Bayle oo Boorama ka soo jeeda “Nin jooga Somaliland oo xamar deganayni ma jiro,Raysal Wasaare ku-xigeen ayaa jira oo waa reer Hargeysa,Guddoomiyaha aqalka Sare xukumaa waa reer Hargeysa waxa markaa dadka qaar uun damqashadu ay uga imanaysaa maan garan.” Waxa uu intaas ku daray “Waxa kuwa halkaa jooga ee ka derajada sareeya loo arki waayey ee looga damqan waayey ee Bayle ayaa daarro halkan ka jeexday loo odhanayo ma garan,waxa kaga duwan yahay kuwaas,waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo.” Geesta kalena Xildhibaan Xareed ayaa sheegay inu guryaha Wasiir Bayle ka dhisday Hargeysa ay lamid yihiin kuwa qurbajootu ay ka dhisteen Hargeysa “Wasiirka Maaliyadda Somaaliya waana reer Boorama aqalo ayuu halkan ku leeyahay Hargeysa,waxa uu lamid yahay kuwa ingiriiska ka yimaada ee aqalada ku leh Hargeysa,nin wasiir ah oo ku eedaynaya oo leh Bayle waxa uu ku leeyahayaqalo Hrageysa waan maqlayey, wuxuu kuwaa ingiriiska iyo debadaha ka soo shaqaysanaya kaga duwan yahay garan maayo,maali dhaweyd waxa la sheegay wiil uu dhallay oo la xidhay.” Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in dhallinyaradii calanka Somaliya ku labisatay ee Boorama lagu xidhay inay ahayeen arday “Kuwa Boorama la leeyahay calamo ayey la soo baxeen waxa ku jira reer Hargeysa, reer Ceerigaabo,reer Berbera, reer Laascanood iyo qaar Somaaliya ah, waxaa kuwa dhigtay Jaamacaddaha ku yaal Boorama .”ayuu sheegay Ugu Dambeyn Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in Somaliland loo siman yahay,waxaanu sheegay in calanka iyo heestiisaba ay samaayeen reer Boorama,isagoo soo jeediyey in la iska daayo hoosta la isku eegayo “Waxaan leeyahay Somaliland waa loo siman yahay,dadka la sheegayo ee la leeyahay calamo ayey la soo baxaan calanka Qaranka Somaliland kuwii sameeyey waa reer Boorama,heesta calanka waxa sameeyey reer Boorama,aasaaskii Dawlad-nimo halkuu ka saldhigay reer Boorama ayaa sameeyey.” Source
-
Golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar oo xalay liiskooda la shaaciyay ayaa saaka doortay guddoomiye cusub. Golaha oo ka kooban 23 xubnood ayaa hab gacan-taag ah ku doortay guddoomiyaha cusub ee golaha degaanka ahna duqa degmada Bander-beyla. Guddoomiyaha cusub waxa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Cali (Cabdirashiid Daacad) sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiye cusub oo loo doortay degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
-
Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in afar cisho, kadib la helay Meydka Allaha u naxariistee Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi. Marxuumka oo horey loogu la’aa nolol iyo geeri ayaa waxaa haatan Meydkiisa soo helay ciidamada Booliska ee ka howl-gala Gobolka North West, kadib warbixin ay heleen. Wararka ayaa sheegaya in meydka ganacsadahaasi uu markii hore soo arkay nin Hindi ah, kaas oo ku wargeliyey laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika oo ugu dambeyn goobta tegay, kana soo qaaday meydka muwaadinka Soomaaliyeed ee la weysanaa. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dilka marxuumka oo si arxan darro ah u dhacay loo adeegsaday rasaas, mana cadda sababta rasmiga ee loo dilay iyo cida ka dambeysa. Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa sidoo kale ka sheekeeyey qaabka loo soo helay meydka, iyaga oo shaaciyey in gacan ka xaq-daran ay dishay wiilkooda. “Meydka walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan….ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yiri Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka. AUN Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxa uu ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shaqeysta gaadiidka lagu wareejiyo alaabaha Delivery ah, waxaana si weyn looga yaqaanay halka uu deganaa oo ah Brits oo ka tirsan gobalka North. West Si kastaba ha’ahaatee Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana inta badan loogu geystaa dil, dhaawac iyo boob hantiyeed. The post Ganacsadihii lagu la’aa dalka Koonfur Afrika oo meydkiisa la helay appeared first on Caasimada Online.
-
Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydhiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba. Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xidhan tahay ; hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Diqimuraadiyadda….iyo Kali-talis iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha saddexdoodu. Marka la isku soo cel-celiyo, hawlaha uu hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu tilmaamaa inay isugu jiraan ; dejin siyaasad,, qorshayn, maamul, khabiirnimo,iyo abaal-marin, garsoorid, hawlwadeennimo gudaha ah, arrimaha dibadaha, tusaalayn, aabbanimo iwm. Culimmadu waxay tilmaameen, inay cilmi-ahaan adag tahay; inuusan hoggaamiye qaban karin, Qofka leh Sifooyinka soo socda:- (a) Qofka shakiga badan ee aan isku kalsoonayn. (b) Qofka aan bulshaawiga ahayn, goonni-u-socdka ah, dad la dhaqankana lahayn. (c) Qofka garashadiisu kooban tahay. Dadka astaamaha noocaas ah leh, hadday qabtaan xil hoggaamin bulsho, way ku guul-darraysanayaan oo kama midho-dhalin karaan. Waxaa kaloo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; Qofka leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida; Geesinnimada, Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada, Degganaanshaha, Garsooridda iwm. hase yeeshee, ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo yidhaahdo;” Waayo-aragnimo la’aaney ba’..”. Waxaa la arkay ; rag shahaaddooyin sar-sare wata, aqoon iyo akhlaaq aanay ku yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan labo xadhig isku xidhi kareyn, xafiisyadoodu ay hadhaysay fadhiidnimo hawleed, tallaabo kastoo ay qaadaanna laga sheeganayo wax qabad la\aan oo aanay hawlahooda gudan. Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidaddoodu, maxaa yeelay, waxay badanaa ku xidhan tahay; Mawqifyada hadba soo wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, waana sida ay Murtidu sheegtay ” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo..”(H.Gufaaco). Hoggaamiye kasta oo yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh, hanuusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo, waaqaca yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo hore uma qaadi karayo, xilkiisana si fiican uma gudan karo, xataa haddii uu dibadaha maciinsado, sida ay taariikhdu sheegayso. Si kastoo ay arrimuhu yihiinba, waa inuu hoggaamiyaha muslimka ahi lahaado astaamaha iyo sifooyinka hoos ku qoran ee ay culimmadu sheegeen:- (1) Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay. (2) Waa inuu jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa. (3) Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay. (4) Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay. (5) Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo. (6) Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karo, si uu adduunka kale ula macaamilo. (7) Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna mid macquul ah tahaY (8) Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo, dibin-daabyadana dareemi karo. (9) Waa in uu dadka kale iskaashi la samaynayo, qaddarinayo ra’yigooda, isla-weynina ayan ku jirin. (10) Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska xakamyn karo. (11) Waa inuu joogto u horumarin karo xidhiidhka uu dadka kale, gudaha iyo dibadaha la leeyahay. (12) Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay. Haddii astaamahan badankood laga helo Madaxweynaha ama hoggaamiyaha, waayuhuna saacido, dadweynaha iyo xubnaha dawladduna garab-galaan, waxay u badan tahay, inay arrintu noqon karto;” Rag baa ka taliyay, Rabbina waa aqbalay..” PROF..MOHAMED AHMED FARAH MATTAN (JAAFAA)..ANKARA ,.TURKEY. Qaran News