Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay xiisada haatan ka taagan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qoraalkan oo uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa marka hore baaq nabadeed loogu diray dhinacya isku haya Beledweyne. Wasiirka Afrax ayaa sidoo kale ku booriyay labada dhinac in ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara inay kasii darto xiisada haatan laga dareemayo halkaasi. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday waxgaradka, duubabka dhaqanka & qaybaha kala duwan bulshada waxa uu ka dalbaday in ay u istaagaan, sidii wax looga qaban lahaa xiisadaasi. “Wasaaradu waxay ugu baaqeysaa Duubabka, Nabadoonada, Culimaa’udiinka, Ganacsataga, Haweenka iyo Dhalinyarada in ay isu taagaan iyagoo iska kaashanaaya soo celinta iyo adkeynta xasiloonida maadaama dalku doorasho aaday Beledweynana ay ka mid tahay goobaha deegaan doorashada loo asteeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in reer Beledweyne looga baahan yahay inay tabashadooda ku soo bandhigaan si nabad doon, si looga fogaado dagaallo hor leh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Xuud uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkeena Soomaaliya. Xuud oo ka gadooday doorashadii HirShabelle ayaa si weyn uga soo horjeeda in mas’uuliyiinta maamulkaasi ay ku howl-galaan gudaha magaaladaasi. Si kastaba xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socda dadaallo lagu qaboojinayo xiisada Beledweyne oo ka dhalatay shir ay golaha wasiirada HirShabelle ku yeesheen magaaladaas. The post DF Soomaaliya oo war kasoo saartay xiisada Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT- North West)-Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika gaar ahaan kuwa Gobolka North West ayaa xalay helay Meydka nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo maalmihii lasoo dhaafay lagu la’aa Nolal iyo geeri. Cabdullaahi Bootaan ayaa waxaa uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaali ah ee wada gaadiidka lagu wareejiyo aabbaha Delivery ah, waxaana la waayay saddex maalin kahor oo ay baadi goobayeen Booliska iyo Muwaadiniin kale oo Soomaali ah. Meydka Marxuum Bootaan ayaa waxaa markii hore soo arkay nin Hindi ah oo gaari watay, isagoona intaas kadib ku wargeliyay Booliska Gobolka North West ee Koonfur Afrika, waxaana goobta lagu arkay laga soo qaaday Meydka Bootaan oo jirkiisa ka muuqdeen rasaas lagu dhuftay oo loo adeegsaday dilkiisa. “Meydka Walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan…. ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yidhi Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka. Allaha u naxariistee Cabdullaahi ayaa 3-maalmood ee ugu dambeeyay Nolal iyo geeri lagu la’aa, waxaana markii cidi ugu war dambaysay ay aheyd Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo xiligaas gaadhi uu Alaabo Delivery ah ku wareejin jiray wata ka baxay Magaalada uu dagan yahay ee Brits, isla markaana kusii jeeday Thabazimbi oo (146,4 km) u jirta Brits. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Laba carruura ayaa ku nafwayay kadib markii uu dab ka kacay guri ku yaalla xaafada laynka booliiska, ee magaalada Hargaysa. Guriga dabku qabsaday oo meel cidhiidhi ah ku yaalay darteed ciidanka dab-demiska, ayaa ku guuldaraystay in ay bad baadiyaan carruurta “Meeshu waa isku raran, meel aanu soo marno ayaanu waynay” taliyaha ciidanka dab-demiska Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sidaa yidhi. Taliye Sawaaxili ayaa sheegay in 2 caruur ahi dabka ku nafwaayeen isla markana la baadhayo sababta dabka dhalisay. “Khasaaruhu waa laba caruura oo dhintay, sababta dabka keentayna booliiska ayaa baadhaya” ayuu yidhi Sawaaxili. Carruurta geeriyootay ayaa waxa dhalay askari booliis ah oo xiliga masiibadu dhacaysay hawlgal ku maqnaa. Mayorka caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in ka dowlad hoose ahaan ay garab istaagayaan qoyska dhibatadu ku dhacday. “Waanu usoo jeedayna doorkayagana waanu qaadanayna dowlad hoose ahaan” ayuu yidhi mayor Mooge. “Askariga shaqada qaranka ku maqana qaran kiisu wuu garab istaagaya, waanu la murugoonaynaa” ayuu hadalkiisa ku daray mayor Mooge. Labada carruura ayaa mayd kooda loo qaaday isbitaalka wayn ee Hargaysa oo lagu hayn doono inta laga aasayo. Source
  4. (SLT- Mekelle)- Hoggaanka fallaagada ee gobolka Tigreega ee Itoobiya ayaa dalbaday in si buuxda looga saaro ciidamada Eritrea iyo dagaalyahanada gobolka dariska la ah Itoobiya ee Amxaarada ka hor inta ayna wadahadal la galin dowlada federaalka oo ku saabsan xabad joojinta. Kooxda TPLF ayaa ku soo laabatay caasimada gobolka, Mekelle, maalintii Isniinta iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada kadib markii ay dowlada Itoobiya ku dhawaaqday xabad joojin dhankeeda ah. Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda oo uu ku tilmaamay xabad joojintaas mid kaftan ah. Bayaanka ay soo saartay TPLF ayaa lagu sheegay inay mabda ’ahaan aqbali doonto xabad joojinta hadii ay jiraan dammaanad qaad xooggan oo ah in aan duullaan dambe lagu soo qaadi doonin. “Xoogaga kusoo duulay ee Amxaarada iyo Eriteriya waa inay ka baxaan Tigreega kuna laabtaan dhulalkoodii kahor dagaalka,” ayaa lagu yidhi bayaanka. Maamulka fallaagada ayaa sidoo kale codsanaya inay qaadaan mas’uuliyada wixii ka dhacay gobolka Tigrey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo sidoo kale in ay abuurto Qaramada Midoobay hay’ad madax banaan oo baarta dambiyada la galay intii uu socday dagaaladii gobolka Tigray. Shuruudaha ay TPLF ku xidheen xabad joojinta ayaa waxaa ka mid ah in gargaar deg-deg ah la soo gaadhsiiyo dadka gobolka isla markaan si ammaan ah ay dadkii ka barakacay guryahooda dib ugu soo laabtaan. Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Itoobiya ee la xidhiidha shuruuradaha ay soo bandhigeen jabhada ka dagaalanta gobolka Tigray. Source
  5. Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay iska hor imaad ciidamada Myanmar iyo dad shacab ah ku dhex maray magaala ku taalla koonfurta dalkaas. Iska hor imaadka ayaa ka dhacay magaalada Depayin ee gobolka Sagaing, oo qiyaastii 300km (200 mayl) waqooyiga uga beegan caasimada, Naypyidaw. Ciidamada Militeriga dalka Mynamar ayaa diiday in ay ka hadlaan dadka ku dhintay iska hor imaadka xilli ciidamada ay sheegen in ay sii wadayaan iska caabinta dadka careysan. Dalka Myanmar ayaa tan iyo wixii ka dambeyay afgambigii xukunka lagaga tuuray haweeyneydii hogaamineysay dalkaas ee Aung San Suu Kyi bishii February waxaa ka taagna banaanbaxyo rabshada wato oo shacabka ay ku diidan yihiin ciidamada Militeriga . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Starting Monday, July 5, if you've received your full series of a COVID-19 vaccine, you will no longer be subject to Canada's mandatory quarantine when you arrive in the country. Source: Hiiraan Online
  7. Waxaa sii kordhaya cabsida iyo xiisadda colaadeed ee ka jirta gobalka dhaca waqooyiga Tigrayga ee dalka Itoobiya . Jabhadda iyo ciidamadeeda ayaa shuruuda ku xirtay in ay aqbasho xabad joojin Abiy uu ka codsaday kadib markii ay la wareegen in magaalada Mak’elle. Shuruudaha ay jabadda ku xirtay ayaa waxaa ka mid ah In Maleeshiyaadka Amxaarada iyo ciidamada Eriteriya laga saaro gobolka Tigray laguna celiyo goobihii ay joogeen markii hore. Ciidamada ayaa sidoo kale aqbalidda xabad joojinta waxa ay ku xireen si ay u aqbalaan In Qaramada Midoobay ay sameyso hay’ad madax banaan oo baadha dambiyada ka dhacay gobolka tigrey, lana diyaariyo habab ku haboon oo dambiilayaasha lagu horkeeno maxkamadda dambiyada caalamiga. Hogaanka jabhadda TPLF ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in si Bilaa shuruud waa inaa gargaar bani’aadamnimo la gaadhsiiyo shacabka Tigray. TDF ciidamada difaaca Tigrayga ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen xukuumadda si ay u aqbalaan xabad joojin gobalka ka dhaqan gasha in loo baahan yahay Shacabka Tigray inay si buuxda uhelaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah sida korontada, isgaadhsiinta, Bangiyada, Duulimaadyada, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, Gaadiidka, iyo ganacsiga. TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in in ay si toos in loogu ogolaado gobolka Tigray howlgalada duulimaadyada caalamiga ah. Jabhadda ayaa sidoo kale sheegtay in iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin la ogolaado Dawladdii Tigreega ahayd ee si dimuqraadi ah loo soo doortay ee xisbiga TPLF gadhwadeenka ka ahaa, iyadoo leh dhamaan awoodaheeda dastuuriga ah iyo masuuliyadeeda, inay dib u bilowdo shaqadeedii caadiga ahayd. Tigrayga ayaa waxa ay ku amreen dowladda in laga Noqdaa dhamaan Go’aamadii laga qaatay Gobalka Tigray Lana sii daayo Dhammaan siyaasinta u xidhan TPLF iyo Saraakisha Milatariga Itoobiga ee loo xidhay inay xidhiidh la leeyahiin Xukuumadda Tigray. Ugu dambeyn Jabhadda TPLF ayaa ku baaqday in la sameeyo hay’ad caalami ah oo madax-bannaan oo ka shaqaysa hirgelinta shuruudahan horudhaca ah ee xabad-joojinta iyadon waliba wax gorgortan ah laga galin karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. A recent migrant from Somalia who molested an under-age girl and two young women in a single day has escaped jail, with his lawyer arguing his crimes were due to “cultural differences”. Source: Hiiraan Online
  9. Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa xalay shaacisay liiska cusub ee xubnaha golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar. Liiska oo ka kooban 23 xubnood waxa kamid ah 4 haween waxaana la filayaa in ay saaka doortaan guddoonka golaha ahna guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla. Guddoomiyihii hore ee Bander-beyla Siciid Aaden Cali Anteeno ayaan isagu kamid ahayn dadka u tartamaya xilka guddoonka golaha degaanka kadib markii uu tanaasulay. Dadka u tartamaya xilka guddoomiyaha Bander-beyla waxa haatan ugu cad-cad Cabdirashiid Yuusuf Cali Jaamac (Cabdirashiid Daacad) kaas oo la saadaalinayo in uu ku guulaysto guddoomiyaha degmada. PUNTLAND POST The post Yaa loo saadaalinaya guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla? appeared first on Puntland Post.
  10. Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa shegaya in xalay uu dab xooggan ka kacay guri ku yaallo magaalada kaas oo sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Dabkan ayaa ka kacay xaafadda laynka booliska ee magaalada Hargeysa waxa uuna sababay dhimashada laba carruur ah iyo bur burka hanti guri. Ciidamada dab damiska magaalada oo gaaray goobta uu dabka ka kacay iyagoo ku guleeystay in ay damiyaan dabka. Carruurta ku geeriyootay dabka ayaa la sheegay in uu dhalay askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab. Taliska ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellada dhexe lagu dilay Horjooge Maxamed Cabdi Suubiye oo magaciisa af-garashadu yahay (Toosoow). Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas uu ku fulay sidii loo qorsheeyay islamarkaana horjooge Toosoow lagu khaarajiyay. Gen. Odowaa ma sheegin xilka Horjooge Toosoow u hayay ururka Al-shabaab balse keliya wuxu xaqiijiyay in hawlgal qorshaysan lagu dilay. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  12. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u diray Bulshada Reer Beledweyne, kaas oo ku aadan xiisada u dhaxeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaadka janeraal Xuud. Qoraal kasoo baxay Xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa lagu sheegay in Bulshada Reer Beledweyne looga baahan yahay in ay tabashadooda si nabad ah ku sheegtaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo xasilooni darro keeni kara. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay socdaan dadaalo wax looga qabanayo xaalada ka taagan Beledweyne si jawi nabadeed loogu wada hadlo. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo baaq ka soo saartay xiisadda Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  13. Somali National Army (SNA) confirmed Sunday its forces killed one of the senior al-Shabab commanders during a sting security operation conducted in the southern region. Source: Hiiraan Online
  14. Tirada dhimashadda ayaa la sheegay inay gaartay 50 qof, kadib, markii 5 mayd oo kale laga helay goobta ay Diyaaradda shalay ku burburtay. Saraakiisha Milliteriga ee dalkaasi waxay sheegeen inuu Shilkaasi ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi. Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa C 130 Hercules waxaa la socday 93 Askari oo uu tababar u soo dhamaaday, si ay ula dagaalamaan Kooxda Abu Sayaaf ee ku xoogan qeybo ka mid ah Koonfurta dalkaasi. Ma kala cadda waxa sababay Shilkaasi, waxayna Baarayasha ku hawlan yihiin inay baaraan Sanaadiiqda Madow ee duuba Codadka iyo Xogaha kale ee Diyaaradaha. PUNTLAND POST The post Khasaaraha diyaarad ku burburtay Filibiin oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (HOL) - Yusuf Osman Abdulle (Yusuf Sha'ir), a well-known Somali poet based in the breakaway Somaliland has accepted to join a panel of Somali-language experts recently appointed by Somalia's education ministry. Source: Hiiraan Online
  16. Rebel leaders in Ethiopia's war-torn Tigray region on Sunday accepted "a ceasefire in principle" but posed strict conditions for it to be formalised. Source: Hiiraan Online
  17. Fourteen bases that had been run jointly by the United Nations and the African Union in Sudan’s Darfur region for 13 years are now under Sudan’s control and to be used by local populations. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu laba mar cudur-daar siiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka jawaabayey muuqaalo uu maalmihii xoriyadda baraha bulshada soo dhigayey Farmaajo, kuwaas oo uu ku ammaanay Aadan Cadde, inkasta oo ay jirto in hadda kahor inta uusan siyaasadda soo gelin uu Aadan Cadde aflagaadeeyey buug uu qoray, oo uu madaxweynihii hore ku qeexay inuu gumeysi kalkaal ahaa. “Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan halgaamaa Soomaaliyeed oo garba duuban ajnabi uma gacan gelin, uma dirin dhalinyaro Soomaaliyeed in ay dal shisheeye u diriraan, siyaasiyiin ka aragti duwan weerar kuma qaadin, dastuurka kuma tuman, deegaano Soomaaliyeed ma cunaqabatayn, muddo kororsi dagaal uma oogin, siyaasad qamaar iyo qar iska tuur ah ma gelin. Ma aha Madaxweyne Aadan in afka la ga sheegto ee waa in dhaqankiisa lala yimaado, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Farmaajo labo jeer waa in uu Aadan Cade cudur daar siiyaa. Marka koowaad waa gefkii uu u gaystay kaddib markii uu bogga 50-aad ee buuggii uu kaga qalinjebiyey shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ku sheegay in Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke, AUN, ay ahaayeen adeegayaal isticmaar, qabiilladooduna ay gumaystaha gacansaar la lahaayeen. Tan labaad, waa in uu ka raalli geliyaa siduu ugu dheelay qarankii uu budhigayaashiisa ka midka ahaa, dowladnimadana ugu gabood falay,” ayuu yiri. Ammaanta Farmaajo ee maalmihii dambe ayaa lagu macneeyey kaar siyaasadeed doorasho oo uu isugu muujinayo inuu ixtiraamo madaxdii hore, balse waxaa durba dadka ay soo xusuusteen buuggii uu qoray markii uu Jaamacadda ka qalin-jebinayey ee uu ku aflagaadeeyey Aadan Cadde. The post Farmaajo oo loogu baaqay inuu laba jeer cudur-daar siiyo madaxweyne Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen horjooge Maxamed Cabdi Suubiye, oo loo yaqaan Toosoow, oo ka tirsanaa madaxda sar sare ee kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Toosow lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ka fuliyeen aagga Masaajid Cali Gaduud. Jeneral Odowaa ma shaacin xilka uu Maxamed Cabdi Suubiye Toosoow ka hayey kooxda Al-Shabaab. Dilka Toosoow ayaa yimid maalin kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay 15 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Tuula-Xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada dowladda ayaa dhowaanahan dagaallo culus Al-Shabaab kula jiray gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo qorshaha uu yahay in halkaas laga sifeeyo kooxdan, waxayna sheegteen guulo waaweyn oo ay ka gaareen dagaalka. Ciidamada ayaa sidoo kale laba toddobaad kahor sheegay in howlgal ay Danab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka, gaar ahaan Sabuun, Baaroow Madiina Cade, Gaaleef iyo Buurdhee, ay ku dileen 8-kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post DF oo shaacisay in la dilay Maxamed Cabdi Toosoow appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo soo dhaweeyay xil ay u magacaawday dowladda Soomaaliya, waxuuna Abwaanku dhawaan ka soo dhex muuqday guddi ka shaqeyn doona dib u soo nooleynta Af-Soomaaliga. Guddigaas waxaa dhawaan ku dhawaaqday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxuuna sheegay in markii la magacaabayey uu la soo xariiray masuul ka tirsan wasaaradda, kaas oo u sharaxay sababta guddigaas loogu darayo Abwaan Shaacir. “Ninkii ila soo xariiray waxa uu igu yiri, waxaan kugu dooranay in wixii caqabado ka hor yimaada guddiga aad wax ka xaliso, tusaale eray gobollada dhexe si looga yaqaano, in la yiraahdo Somaliland eraygaas side looga yaqaanaa? Yuusuf Shaacirbaa Hargeysa joogee aan weydiino, ee la isoo dhaho war Yuusufow eraygaas side u taqaan?” ayuu yiri Abwaan Yuusuf Shaacir. Abwaanka ayaa sheegay in masuulka ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee lasoo xariiray uu u sheegay in wax mushaar ah aysan sii doonin, balse markii shaqo jirto kharashka ku bixi doona shirarka iyo isu imaatinka guddiga ay ka bixin doonto wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya. “Af-Soomaaligu waa wax umadda oo dhan ka dhaxeeya, marka hadii arrinta aysan siyaasad ku jirin oo ay tahay in laga shaqeynayo dhaqan, oo anigoo halkeyga jooga la I soo dhahaayo war Abwaan waxaan naga caawi, wax dhib ah malahan,” ayuu yiri Abwaan Shaacir oo Hargeysa jooga. Sidoo kale Abwaanku waxa uu sheegay in jaaniskaas ay Somaliland baneysay, maadaama sida uu sheegay 10-kii sano ee u dambeysay ay xukuumadda ka dalbanayeen in la sameeyo xarun dhaqanka iyo Af-Soomaaliga lagu soo nooleeyo. “Halkaan waxay noqotay meel dhaqanka, afka iyo taariikhda aan laga qiimeyn, hadii la daneynayo dadkeeda ayaa la qiimeyn lahaa Hadraawi, Cabdi Qeys, Dacar, Aadan Tarabi, Muuse Cali Faruur iyo in ka badan ayaa joogta, weli ma aanaa arkin meel ay isugu imaanayaan ama ay ka hadlayaan, hadii ay Somaliland ka jirto meel dhaqan ka shaqeysa, waa mid ay sameysteen dad madax banana oo iyagu sidey doonaan ka yeela,” ayuu yiri. Abwaan Shaacir ayaa sidoo kale sheegay in uusan fileyn in magacaabidiisa ay xasaasiyad ka qaadi doonto xukuumadda Muuse Biixi, “Madaxweynaha Somaliland maalin dhaweeto waxa uu yiri Xamar waxaan is heynaa maamulka iyo siyaasiyiinta, laakiin shacabka isma heyno, marka waxyaabaha arrimaha bulshada ah, ee afku ka mid yahay, hadii aan cidi siyaasadeyn inay mushkilad tahay anigu ma qabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Abwaan Shaacir. Hoos ka Daawo The post Abwaan ku nool Hargeysa oo aqbalay xil ay xukuumadda ROOBLE u magacaawday appeared first on Caasimada Online.
  21. TPLF oo shuruudo adag ku xidhay xabad-joojinta uu Abiy Ahmed ku dhawaaqay Mucaaradka qabsaday gobolka Tigray ayaa “mabda’ ahaan aqbalay” xabad-joojintii ay iclaamisay dowladda Abiy Ahmed, hase yeeshee waxay soo bandhigeen shuruudo adag oo ay tahay in la fuliyo kahor inta aysan u hoggaansamin. Shuruudaha ay soo bandhigeen TPLF, ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada Eritrea iyo dagaal-yahanada Amxaarada ay ka wada baxaan meelaha ay uga harsan yihiin gobolka Tigray, oo ay ku sugnaayeen sideed bil. Mid ka mid ah shuruudahooda ayaa waxaa sidoo kale ku jira in xukuumadda Addis Ababa ay ku dhowaaqdo in dowladdii kahor dagaalka ka jirta gobolka Tigray lasoo celiyo. “Inta aan haysano damaanaad qaad la xiriira amniga shacabkeena, iyo inaan duulaan kale lagu qabsaneyn, waan aqbaleynaa xabad-joojinta mabda’ ahaan,” ayaa lagu yiri bayaanka maanta kasoo baxay “dowladda Tigray”. “Si kastaba, kahor inta aan heshiiska xabad-joojinta, rasmi laga dhigin, waa in wax laga qabtaa arrimaha aan dalbanay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. TPLF ayaa sidoo kale dalbatay in Abiy Ahmed iyo Isais Afwerki lagula xisaabtamo waxyeeladii ay ka gaysteen gobolka Tigray, sidoo kalena QM ay abuurto guddi madax-banaan oo baara dambiyada argagaxa leh ee gobolka ka dhacay intii uu dagaalka socday. Shuruudaha kale ayaa ah kuwa bani’aadannimo, waxaana ku jira gargaar ka qeybinta gobolka, iyo in si nabdoon ay dib ugu soo noqdaan shacabka Tigray ee barakacay. Dowladda Addis Ababa ayaa mar kasta diida inay wada-hadal la furto hoggaamiyeyaasha TPLF, ayada oo kooxdaas dikreeto baarlamaan ugu aqoonsatay koox argagixiso. Hase yeeshee ma cadda haddii guul-darrada dhowaan gaartay ay taas wax ka beddeli doonto. TPLF ayaa Jimcihii waxay kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia marsiiyeen waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig. Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah. Qaran News
  22. Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheyneysa inay sameysato shirkad cusub oo dhanka duulimaadka ah, waxayna tartan dhanka suuqa duulimaadyada caalamiga ah la geli doontaa shirkadaha duulimaadyada ee ay leeyihiin dowladaha Gacanka Cadmeed ee The Emirates iyo Qatar Airways. Tallaabada ay qaadeyso dowladda Sucuudigu ayaa tartan ganacsi oo dhanka suuqa duulimaadyada ah dhex dhigi doonta seddaxdaan dowladood ee Carabta ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, ayaa dabada ka riixaya qorshahaan ay miisaaniyadda badan ku baxayso, waxayna Sucuudigu ku tashanayaan dhaqaalaha badan ee uga soo xarooda shidaalkooda. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa haatan werwer xoog leh ku abuureysaa dowladaha Imaaraadka iyo Qatar, maadaama ay Sacuudigu ay qorsheynayaan inay noqdaan marinka shanaad ee adduunka ugu weyn dhanka duulimaadka hawada. Diyaaradda cusub ee ay sameysaneyso Boqortooyada Sucuudigu waxay sarre u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkeeda iyo inuu Sacuudigu noqdo marin caalami ah (International routes) oo dhanka Gacanka Cadmeed ah. Wasaaradda Gaadiidka Boqortooyada Sacuudiga ayaan illaa hadda soo saarin qorsheyaal faah-faahsan oo ku saabsan diyaaraddaan cusub ee ay sameysaneyso. codsigooda. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hore u laheyd shirkad duulimaad oo yar oo ka shaqeysa gudaha dalkeeda waana Flyadeal, diyaaraddaas ayaa inta badan waxay sameyn jirtay duulimaadyada bar-ka-barta ah (Point-to-point flights) ee loogu adeego shacabka Sacuudiga oo dhan 35 milyan. Balse, haatan Sacuudigu wuxuu ballaadhin doona adeegyadiisa duulimaad si uu uga mid noqdo dalalka ugu badan ee ay soo maraan duulimaadyada caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, waxayna midaasi walaac hore ku abuureysa ku abuureysaa shirkadaha The Emirates iyo Qatar Airways. Riyadh waxay durba u dhaqaaqday inay la tartanto Imaaraadka oo ah wadanka ganacsiga iyo dalxiiska ee Gobolka, waxayna Sacuudiga sheegtay in laga bilaabo sannadka 2024-ka ay joojineyso qandaraaska ay siiso shirkadaha aan xarunta ugu weyn ku laheyn gudaha boqortooyada. “Tartanka ganacsiga ee dhinaca duulimaadka had iyo jeer wuxuu ahaa mid aad u xun, haddana wuxuu u muuqdaa inuu kasii dari doono, waxaa soo dhow jahwareer ku saabsan xiriirka Gobolka,” ayuu yidhi Robert Mogielnicki, oo ah aqoonyahan wax ka dhigo Machadka Arab Gulf States Institute ay Dubai, oo ah xarunta ugu weyn adduunka ee safarka duulimaadyada ayaa ku dhawaaqday qorshe shan sano ah oo lagu kobcinayo boqolkiiba 50% duulimaadyada iyo marinnada maraakiibta iyo sidoo kale in la laban-laabo awoodda dalxiiska labaatanka sano ee soo socota. Amiir Maxamed wuxuu isku dayayaa inuu soo jiito Ra’simaalka shisheeye si uu u abuuro warshado cusub oo ay ka mid yihiin dalxiiska, wuxuuna hamigiisa yahay inuu kordhiyo guud ahaan dalxiisayaasha lana gaarsiiyo 100 milyan sanadka 2030 halka ay ka aheyd 40 milyan sanadkii 2019. “Sacuudi Carabiya waxay awood u leedahay inay horey u sii wado istiraatiijiyadeeda duulimaadka iyo dalxiiska marka kuwa kale ay dib u guranayaan oo ay dib uga laabanayaan,” ayuu yidhi Brendan Sobie oo ah lataliye dhanka duulista ah. “Waa istiraatiijiyad qatar ah, laakiin sidoo kale macquul ah marka la fiiriyo mowqifkeeda iyo ujeedada guud ee kala duwanaanta.” Ayuu sii raaciyey. Si kastaba, shirkad kasta oo diyaaradeed waxay u baahan tahay Ra’isumaal bilow ah, waxayna khubaradu ka digayaan hamiga Sacuudi Carabiya ee ah inay ku tartanto duulimyaadyada transit-ka taas oo ay kala kulmi karto sannado khasaare ah. Arrintaan ayaa imaneysa iyadoo shirkadda Emirates ay ku dhawaaqday khasaare dhan 5.5 bilyan oo dollar bishii lasoo dhaafay, maadaama uu isku socodka duulimaadyada caalamka saameyn xoogan ku yeeshay feyriska Covid-19. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay shirkadda Emirates ku kabtay adduun dhan 3.1 bilyan oo dollars, si ay u sii wado shaqadeeda duulimaadyada. Qaran News
  23. Xukuumadda oo iclaamisay qorshe Qaranku ku heli karo Koranto Jaban iyo waxyaabaha sababta u ah cabashada Berbera Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha xukuumadda ee ku wajahan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa adeeg Koranto oo qiimihiisu hooseeyo oo ay bulshadu awoodi karayso. Jaamac Maxamuud Cigaal, waxa uu sheegay inay dedaal ugu jirto wasaaraddu sidii loo heli lahaa koranto laga abuuro waxyaabah dabeeciga ah ee adeeggan laga dhalin karo, sida Cadceeda, dabeysha iyo Biyaha, haddii kuwaasi la tahli waayo-na, waxa uu ku taliyey inay Shirkaddaha Laydhka bixiyaa ay isticmaalaan dab-dhaliyeyaal ku shaqeeya noocyada Shidaalka ee jaban, sida Gaasta, halka ay iminka ku shaqeeyaan Mishiinnada Naaftada Gaadiidka loo isticmaalo oo uu sicirkeedu sareeyo. Wasiirku waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha sababta u ah cabashada dhinaca adeegga Korantada ee Magaalada Berbera, sida looga gudbi karo iyo qorshaha xukuumadd uga yaalla, isagoo tilmaamay in Berbera ay tahay magaalada ugu korantada Jaban guud ahaan dalka, balse, ay haddana jirto caqabad ka taagan tayada korantada ay hesho iyo nidaamka qaybinta adeeggaasi. Halkan ka Daawo Warkaaas oo faahfaahsan:- Qaran News
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Nin 36 jir ah oo ka shaqeeya boda-boda kana soo jeeda tuulada Kabusenduk oo ku taal Bureti, kowntiga Kericho ee dalka Kenya ayaa loo xiray qorshe afduub been abuur ah oo la soo diyaariyey si uu xaaskiisa uga raadsado 100,000 oo lacagta Kenya ah, una dhiganta ku dhowaad 1,000 dollar. Sarkaalka waaxda dambi baarista ee gobolka (CCIO) John Onyango ayaa sheegay in ninkan la qabtay kadib markii baarayaasha ay qabteen isaga oo ku dhuumaaleysanaya guriga saaxiibkiis xilli uu sugayay in xaaskiisa ay lacagta u dirto. Xaaska tuhmanaha si kastaba ha ahaatee waxay ku wargalisay booliska in ninkeeda uu soo wacay si uu ugu wargaliyo in la afduubay afduubayaashuna ay dalbanayaan 100,000 Sh. CCIO waxay intaas ku dartay in tuhmanaha, si uu xaaskiisa uga baqdo inay lacagta u dirto, uu ku wargaliyay in afduubayaashu la sheegay inay gacmihiisa xireen ayna horeyba u joogeen xarunta ganacsiga Chepsir ee ku teedsan wadada weyn ee Kericho-Nakuru islamarkaana ay xawaare ku socodaan meel aan la garanayn. “Isla markiiba, saraakiisha bilayska ayaa bilaabay baaritaano waxayna heleen mootadii laga shakiyay oo laga helay meel cidla ah oo lagu daweeyo Kebeneti,” ayuu yiri Onyango. CCIO waxay intaas ku dartay in 24 saacadood ka dib xog aruurin xoog leh oo ay ka heleen xubno ka tirsan dadweynaha, dhibanaha la sheegay in la afduubay laga helay guriga saaxiibkiis. “Eedeysanaha wuu iska nasanayay euxuuna sugayay lacag madax furasho ah oo loo soo diro. Waa la qabtay waxaana la dhigay qol bilays ah si loogu soo oogo Isniintii afduub la sheegay,” ayuu yiri Mr. Onyango. CCIO ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha saaxiibkiis la siidaayay kadib markii baaritaanada hordhaca ah ay muujiyeen inuusan ku lug laheyn qorshaha. “Ninku wuxuu soo dhoweeyay oo martigeliyay saaxiibkiis isagoo aan ka warqabin dhagar qabe tuhmanaha,” ayuu yiri Onyango. Sarkaalka Baarista Dambiyada ee Gobolka (CCIO) ayaa ku daray baaritaanada hordhaca ah sidoo kale waxay muujinayaan tuhmanaha inuu doonayo inuu uruursado 10000 Sh.So si uu uyareeyo amaah uu ka qaatay Hay’ad Samafal oo ah Saving and Credit Cooperative Society (Sacco) Waxaa tarjumay Ahmed Hassan Ibrhim axmedxasan79@gmail.com The post Nin been abuuray afduubkiisa si lacag madax-furasho ah uu uga helo xaaskiiska appeared first on Caasimada Online.