-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qardho (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni today launched the electoral campaign of Kaah, a political association, in Qardho ahead pilot local elections. President Deni said that some stakeholders had opposed the democratisation process. “They think they are better off with the traditional political process where citizens do not exercise their right to vote” said President Deni. President Deni expects Kaan to become a national political party. Puntland State will conduct pilot local elections at three designated districts. President Deni commended Transitional Puntland Electoral Commission for putting efforts into the preparation and oversight of the electoral process. “Casting your vote is a democratic right. Ilhan Omar is a Congresswoman because of the democratic institutions in the United States. Her subclan here in Qardho would object to be represented by a woman” said Deni in a lighthearted political joke. “There will be tougher local elections in Puntland but I am confident that Kaah will win” Deni added. He described the last two and half years as challenging due to such government initiatives as security reform and pay hike for security forces and civil servants. “Some people have opposed security reforms but we persevered” said President Deni. Ten political associations will contest pilot local elections. Three of them will graduate to political parties. “We aspire to make Kaah a national party in the long run” President Deni said. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Predicts Tougher Local Election Competition appeared first on Puntland Post.
-
Denmark passes law to process asylum seekers outside Europe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Rights advocates critical as UNHCR denounces move as ‘frightening race to the bottom’ Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hakad galay isku socodkii Soomaaliya iyo Kenya, tan iyo markii ay dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labad dal. Go’aanka Kenya ay ku xayirtay duulimaadyada ayaa waxa uu go’doon geliyay dad badan oo ku kala sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, oo rabay inay u kala safraan, balse maalmo kadib waxaa soo baxday xeelad cusub oo looga gudbay xayiraadaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar kamid ah dadkii ku xayirnaa magaalada Muqdisho ee u socday Nairobi ayaa ka dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Mid kamid ah dadka ku baxay xeelada wareega dheer ayaa u sheegay Caasimada Online in markii uu muddo ku xayirmay magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku qasbanaa inuu tago Nairobi uu go’aansaday inuu ka duulo Addis Ababa. “Waxaa maalmo u xayirnaa go’aanka Kenya anoo ka dhoofi rabay Muqdisho, qolada diyaaradaha ayaa iisoo jeediyay in aan ka baxo Addis Ababa, Run ahaantii wey ka qarash badan tahay arrintaan midda markii hore oo aan toos uga bixi jirnay Muqdisho,” ayuu yiri. Arrintaan ayaa u muuqata mid dadka qaar uga gudbayaan xayiraada Kenya, ayada oo suuq cusub oo dhanka duulimaadyada Nairobi u furtay madaarka Addis Ababa, maadama xiligan ay shaqaalaha diyaaradaha dalka kula talinayaan inay aadan Itoobiya si ay uga sii gudbaan Kenya. Go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labada dal ayaa timid kadib markii ay dowladda federaalka ku adkeysatay xayiraadii ay saartay qaadka Miirooga, xili la xaliyay khilaafkii diblumaasiyadeed ee labada dal. Dowladda Kenya ayaa wajaheysa culeys xoogan oo uga imaanaya ganacsatada Jaadlayaasha oo suuqooda u weyn ahaa Soomaaliya, lamana oga xiliga ay dowladda Kenya wax ka badeli doonto go’aankeeda. The post Xog: Duulimaadyadii ay xayirtay Kenya ee Soomaaliya oo xeelad cusub looga wareegay appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa natiijadda doorashadii golaha deegaanka ee sannadkii 2012-ka iyo qaabkii ay u kala heleen ururadii tartamayay Degmada Ceel Afweyne Kulmiye – 8 Xidhibaan Wadani – 3 Xildhibaan Rays – 3 Xildhibaan Dalsan – 1 Xildhibaan Ummada -1 Xildhibaan UCID – 1 Xildhibaan Xaqsoor – 0 Degmada Sheekh Kulmiye – 4 Xildhibaan Wadani – 4 Xildhibaan UCID – 3 Xidhibaan Dalsan – 1 Xildhibaan Xaqsoor – 1 Xildhibaan Ummada – 0 Rays – 0 Degmada Baki Kulmiye – 4 Xildhibaan Wadani – 3 Xildhibaan Ummada – 2 Xildhibaan Dalsan – 1 Xildhibaan Xaqsoor – 1 Xildhibaan Rays – 0 UCID – 0 Degmada Saylac Kulmiye – 6 Xildhibaan Wadani – 4 Xildhibaan Xaqsoor – 3 Xildhibaan UCID – 1 Xildhibaan Dalsan – 1 Xildhibaan Ummada – 1 Xildhibaan Rays – 0 Degmada Beligubadle ayaa waxa ka codeeyay 17043 qof, waxaanay xisbiyadu u kala heleen sidan soo socota, iyadoo urur siyaaasadeedka Xaqsoor sidii la filayey uu ka galay kaalinta koobaad. Kaalinta 1aad – Xaqsoor wuxuu helay 9161 cod wuxuu helay 7 xildhibaan. Kaalinta 2aad – Kulmiye wuxuu helay 2826 cod waxaanu sidaas ku helay 2 xildhibaan. Kaalinta 3aad – Wadani wuxuu helay 2519 cod waxaanu sidaas ku helay 2 xildhibaan Kaalinta 4aad – UCID wuxuu helay 961 cod waxaanu helay 1 xildhibaan Kaalinta 5aad – Dalsan wuxuu helay 766 cod waxaanu helay 1 xildhibaan Kaalinta 6aad – Ummada wuxuu 567 cod Kaalinta 7aad – Rays oo helay 69 cod Degmada Oodweyne waxa kaalinta koobaad ka galay ururka Ummada, waxaana codadka loo kala helay sidan: Kaalinta 1aad – Ummada 7 xildhibaan Kaalinta 2aad – Wadan 6 xildhibaan Kaalinta 3aad – Ucid 2 xildhibaan Kaalinta 4aad – Kulmiye 1 xildhibaan Kaalinta 5aad – Xaqsoor 1- xildhibaan Degmada Lughaya ayaa waxa ka codeeyay 10386, waxaan kaalinta kobaad galay xisbiga Kulmiye, waxaanan codadka loo kala helay sidan: Kaalinta 1aad – Kulmiye – 6 xildhibaan Kaalinta 2aad – Xaqsoor – 3 Xildhibaan Kaalinta 3aad – UCID – 2 Xildhibaan Kaalinta 4aad – Wadani – 2 Xildhibaan Sida ururaddu u kala heleena degmada Hargeysa KULMIYE Hanad Xaashi Axmed Caydiid 5474 C/raxmaan Maxamuud Caydiid Cabdi (SOLTELCO) 4455 Cismaan Xasan Faarax Shiil (Waxar) 4151 Eng. Yuusuf Warsame Siciid 3793 Cabdi Siyaad Muxumed Giirre 3625 Axmed Daahir Axmed Magan 3484 Cabdi Cali Yuusuf Liibaan 3265 UCID Maxamed Aw Adan Wayrax Geelle 4477 Khadar Ibraahim Axmed 3544 Cabdicasiis Maxamed Xaashi 3003 Maxamed Cabdi Adan Yuusuf 2266 WADDANI Maxamed Warsame Caalin Timacadde 5315 C/qani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin 2969 C/laahi Cali Adan Yuusuf (Cabbaas) 2902 C/risaaq Faarax Xassan (Qawdhan) 2621 XAQSOOR Saleebaan Daahir Cabdillaahi Raagsane 4558 C/laahi Aw Adan Maxamed Cawil 2899 C/laahi Siciid Faarax Diiriye 2719 Deeq Ducaale Cismaan Guuleed 2364 Rays Khadar Xuseen Cali Ismaaciil 1877 Dalsan C/casiis Adan Habane 3589 Fu’aad Saxardiid Caabi 2499 UMADDA Cali Axmed Haybe Nuur 3786 khaalid cabdi cawad abyan 2949 mustafe cismaan daahir 2861. Sida ururaddu u kala heleena degmada Burco KULMIYE 42,561 COD oo u dhiganta 7 Kursi WADANI 29,633 COD oo u dhiganta 5 Kursi RAYS 24,685 COD oo u dhiganta 4 Kursi UMADA 18,458 COD oo u dhiganta 3 Kursi UCID 7,587 COD oo u dhiganta 1 Kursi XAQSOOR 4,212 COD oo u dhiganta 1 Kursi iyo Urursiyaasadeedka DALSAN oo aan wax xildhibaano ama kuraas ah ka helin degmada Burco. Xildhibaanada u soo baxay golaha deegaanka Degmada Burco ayaa iyaguna kala ah: 1. Xildhibaan NUUX MAXMED XUSEEN ADAN oo helay 5915 cod 2. Xildhibaan C/RASHIID FAARAX CALI GACANLOW oo helay 5474 cod 3. Xildhibaan AXMED MAXAMED CALI AFYARE oo helay 5140 cod 4. Xildhibaan IBRAAHIN JAAMAC BASAALE GABOOBE oo helay 4581 cod 5. Xildhibaan C/RAXMAN XASAN NUUR IBRAHIN (C/Laki) oo helay 4360 cod 6. Xildhibaan MAXAMUD AXMED XASAN (DHEGOLAB) oo helay 4354 cod 7. Xildhibaan MUBARIK YUSUF CILMI DUCALE (BIDHA) oo helay 4292 cod 8. Xildhibaan MUXUMED XASAN JAAMAC MIXILLE(XODAY) oo helay 4197 cod 9. Xildhibaan KHADAR NUUX SICIID DIIRIYE oo helay 3483 cod 10. Xildhibaan SICIID AXMED MAXAMED RAAGE oo helay 3440 cod 11. Xildhibaan MAXAMED AXMED MAXAMUD XASAN(DIIGOL) oo helay 3316 cod 12. Xildhibaan AXMED CABDI DHINBIIL CABDI oo helay 3195 cod 13. Xildhibaan C/RISAAQ XUSEN OBSIYE (SHINE FALLIIDH) oo helay 3081 cod 14. Xildhibaan MAXMED YUSUF CABDI BURALE(MURAAD) oo helay 2838 cod 15. Xildhibaan C/KARIN MAXAMUD C/LAAHI SHIRE oo helay 2720 cod 16. Xildhibaan C/RISAAQ MAXMUD JAMAC DABAY(C/ Aar) oo helay 2541 cod 17. Xildhibaan FARXAN CABDI AW XIRSI DUCALE oo helay 2364 cod 18. Xildhibaan C/RISAAQ XUSEEN FAARAX JANAALE oo helay 2178 cod 19. Xildhibaan MAXMED ADAN X.CALI TUURTUUR oo helay 2134 cod 20. Xildhibaan XIRSI JAAMAC CABDI CAYNASHE oo helay 2087 cod 21. Xildhibaan KAYSE CABDI RAAGE CALI oo helay 1479 cod KULMIYE 244,795 30.19 99 WADDANI 163,789 20.20 68 UCID 105,105 12.96 40 Umadda 94,689 11.68 37 Rays 83,596 10.31 32 Xaqsoor 74,204 9.15 31 Dalsan 44,680 5.51 16 Total 810,858 100.00 323 Source
-
Two months ago, Sahan Journal’s education reporter, Becky Dernbach, broke the news on the closing of Cedar Riverside Community School—a landmark charter school that largely serves Somali families in Minneapolis. At the time, she thought the greatest challenge she’d face would be navigating the school bureaucracy to figure out a definitive answer on the school’s future. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo ku siman 10 billood aan siin mushaharkii ay xaqa u lahaayeen shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal, kuwaasi oo ay kal hore la soo wareegtay. Sida ku cad cadeymo ay aragtay Caasimada Online, Shaqaalaha ayaa mudadaas la meer-meerinayay, ayada oo dowladda u ballan-qaaday in mushaharkooda heli doonaan marka laga baxo xayiraadihii Coronavirus, balse la ceyriyay markii dambe ayada oo aan wax xuquuq ah la siin. Maareeyaha duulista iyo Hawada Rayidka Axmed Macalin ayaa shaqaalahan kahor intii aan la ceyrin “ku qanciyey in mushaharkooda uu ka maqnaanayo inta lagu jiro xaalada Covid-19”, oo kal hore uu ka baxay dalku. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kadib markii uu dhamaaday culeyskii Covid-19, islamarkaana la qaaday xayiraadihii ka dhashay saameynta cudurkaas oo qeyb ka aheyd duulimaadyadii la joojiyey, ayaa waxay dowladda qaaday afar tallaabo, oo aan marnaba uusan ku jirin ballan-qaadkaas, kuwaasi oo kala ahaa; 1. Waxa soo noqday diyaaradihii over flight. 2. Waxaa la furay diyaaradihii local. 3. Waxa la furay diyaaradihii International. 4. Shaqaalihii ayaa Promotion loo sameeyey oo lacagtii loo kordhiyey. “Hadaba Axmed Macalin waa uu ka been sheegay balantii uu qaaday ee ahayd waad helaysaa mushaharkiina, waliba waxaanu ka ahaynaa caddeyn oral iyo written ahba oo aanu idinl wadaagaynaa,” ayaa lagu yiri nuqul ay Caasimada Online lasoo wadaageen shaqaalaha 10-ka bilood mushahar la’aanta ah ee la ceyriyay. “Hadaba, waxaanu bilownay in aan cabashadayada u gudbino xildhibaanadii na-matalayey madaama isku socodkii gobolada la joojiyey, waxaanu la xidhiidhnay Wasiirka Maaliyada Federal Soomaaliya Dr.C/raxmaan Bayle, wuxuu nagu qanciyey anigaa arintaa ka hawlgalaya Mushaharkiina aad xaqa u lahaydeena waad helaysaan, markii dambena wuxuu noola yimid wax aan macquul aheyn oo ah in la helo saxiixa wasiirka Somaliland.” Shaqaalahaan oo badankooda xiligaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda hay’adda duulista iyo rayidka ay lunsadeen ama musuq-maasuqeen mushaharkii ay xaqa u lahaayeen 10-aad bilood. Dowladda federaalka ayaa tan iyo markii ay la wareegtay maamulka hawada si rasmi ah ula soo wareegtay shaqaalahan oo kamid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), kadib markii xukuumadda Somaliland ay shaqada uga joojisay inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka. Wixii ka dambeeyay intaas, dowladda ayaa shaqaalahaan kolba cudur daar u gudbineysay, ayada oo ugu dambeyntiina ka ceyrisay shaqada, ayaga oo muddo ku siman 10-billood ku leh mushaharkooda, waxayna waqti xaadirkan ka cabanayaan madaxda sarre ee wasaaradda duulista, waxayna cabashadooda u gudbiyeen madaxda sarre ee dalka. Sidoo kale, wasiirkii hore ee duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaat Oomaar ayaa qoraal uu u diray hay’adda ku dalbaday in wax laga qabto cabashadan, hase yeeshee ma jirto cid dhageysatay, waxayna hadda cabasho kale u direen madaxweyne Farmaajo. Haddaba waxaan idin la wadaageynaa warqadda shaqada looga eryey shaqaalahan, warqadda Oomaar iyo qoraalka cabashada ah ee ay soo saareen. The post DF oo 10-bil mushaarka ka haysata shaqaale ay kala soo wareegtay garoonka Hargeysa kadibna ceyrisay + Caddeymo appeared first on Caasimada Online.
-
Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax oo ahaa taliyihii ururka 6-aad guutada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta lagu dilay gadaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe. Dilka sarkaalka waxaa xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo yiri “Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab galabta ayuu geeriyooday isaga oo cadawga la dagaalamaya oo dalkiisa iyo dadkiisa difaacaya”. Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ciidamo dhawaan tababar ku soo qaaday dalka Turkiga. Geerida marxuum Cabdiwahaab ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo baraha bulshada ee Soomaalida. Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Gorgor oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya, Dina Al-Mufti ayaa waxa uu shaaciyey inuu dalkiisa ku haminayo inay Saldhigyo Millateri ka dhistaan Badda Cas, balse ma uu carabaabin dalka ama dalalka Gobalka ee ay Itoobiya Saldhigyada ka dhisan doonaan. Afhayeenka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay dalal kala duwan u muujiyeen Itoobiya rabitaankooda ku aadan Kontoroolka danaha ee Gobalka Badda Cas iyo in laga dhiso Saldhigyo badan oo Milllatari. Waxa uu caddeeyey inuu dalkiisa si dhow u danaynayo arrinkaasi, wuxuuna wax laga walaaco ku tilmaamay xaalladda dhimatay ee ku gedaaman Mandiqadda Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay dhawaan soo bandhigeen Ciiddankooda cusub ee Badda, kuwaasi oo ku hubeysnaa Hubka Mariniska. Ciiddanka Badda Itoobiya waxay hore Saldhig Ciiddanka Badda ku lahaayeen magaalada Masawac ee dalka Eritrea, ka hor inta ayna Eritrea ka xoroobin Ethiopia bishii May ee sannadkii 1991-kii. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Maxamed Cabdiwaaxid oo ahaa Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka xooga dalka ee Gorgor ayaa maanta lagu dilay dagaal adag oo ay ciidamadu la galeen kooxda Al-Shabaab. Allaha unaxariiste Korneylka ayaa ku dhintay dagaal ka socda deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xooga dalka iyo dagaal yahano ka tirsan Shabaab. Geerida Korneylkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan, Abuukar Dubbe oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid sarkaalkaan. Wararka la helay ayaa sheegaya in Taliye Maxamed Cabdiwahaab hoggaaminayey dagaalka iyo askar kale ay ku dhinteen Qarax haleelay gaarigii ay saarnaayeen. Alshabaab ayaa sidoo kale dagaalka looga dilay saraakiil iyo dagaalamayaal waxaana la sheegay in laga qabsaday 2 gaari kuwa kalena laga gubay. Waxaa maalmihii u dambeeyay degaanada Shabeellada Dhexe ka socday howl-galo ay wadeen ciidamada, kaasi oo ay uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab deegaanada gobolkaas. Maxamed C/waaxid ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo dadaal badan ku bixiyey dagaalka lagula jiro Shabaab, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka. The post Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Isniintii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland, waxaana kasoo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku aadan Musharaxiinta ku guuleystay doorashadaas iyo xisbiyadooda. Natiijada hordhaca ah ee laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Musharax Qaasim Aadan Saleebaan Cali uu ku guuleystay inuu kamid noqdo mudaneyaasha golaha Wakiilada ee baarlamaanka Somaliland. Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa kasoo jeeda jufada Fiqi Shini, beesha Ayaale Ceyr ee Habargidir. Sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah ee uu Qaasim ka helay gobolka Sool codadka uu kusoo baxay ayaa dhan 1922 cod. Qaasim ayaa markii uu isu-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada Somaliland waxaa lagu xiray magaalada Hargeysa, ayada oo markii dambe la sii daayey, wuxuuna xiligaas xarigiisa ku eedeyay inay ka dambeeyaan madaxda xisbiga Kulmiye. Guusha Qaasim ayaa durtaba qabsatay baraha bulshada waxaana ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo ku hambalyeeyay guusha uu kasoo hooyay doorashada golaha wakiilada ee Somaliland. Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa saacadihii u dambeeyay soo saarayey natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii qabsoomay Isniintii, waxaana lagu soo waramayaa in isla gobolka Sool uu isagna kasoo baxay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland oo xilkaas iska casilay, kadib markii uu isku-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa kamid ah xubnaha ku guuleystay doorashada, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah, wuxuuna helay codad dhan 4456, kana sharaxnaa xisbul xaakimka Kulmiye. The post Beesha Habargidir oo kursi ku yeelatay baarlamanka cusub ee Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay natiijada golaha wakiilada deeganada qaar ee Somaliland . Deeganada la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah Saylac, sallaxley, Lughaye iyo deeganada kale ee Somaliland . Hoos Ka Akhriso Natiijada 1 ;Natiijada hordhaca ee Saylac. Kulmiye 4 Waddani 4 Ucid .3 2; Natiijada hordhaca ah ee Lughaya Ee Somaliland Kulmiye 5 Kursi Waddani 2 kursi Ucid 2 Kursi 3; ;Sallaxley Natiijada hordhaca ah ee degmada Sallaxley ee golaha deegaanka Kulmiye 4 waddani 2 Ucid 3 4 ;Buuhoodle Natiijada hordhaca ah ee degmada Buuhoodle ee golaha deegaanka ee Somaliland Waddani 5 Kulmiye 4 Ucid 2 5; Golaha Deegaanka Laascaanood ayaa la shaaciyay. Waddani 5 Kulmiye 5 UCID 3 6; Golaha Deegaanka Degmada Xuddun oo kaTirsan Gobolka SOOL 1:kulmiye 7 2:Waddani 2 3 UCID 0 7; Natiijada hordhaca ee degmada Taleex ● Kulmiye 6 ● Ucid 0 ● Waddani 3 8;Natiijada hordhaca ah ee Golaha Deegaanka Degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag ee Somaliland oo ka kooban sagaal xubnood , waxaa loo kala heley 4 Kulmiye ah 3 Waddani ah 2 UCID ah. 9; Natiijada Degmada Sheekh . ● Ucid 3 ● Kulmiye 3 ●Waddani 3 10;Natiijada hordhaca ee degmada Ceel-afweyn ● Kulmiye 5 ● Ucid 3 ● Waddani 3 11; Oodwayne Natijada Doorashada Golaha Degaanka Oodweyne. Wadani 6 Kulmiye 4 Ucid 1 12; Caynaba, Natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Caynabo Waxa loo kala helay sidan. Kulmiye 4 UCID 3 Waddani 2 13; Natiijada hordhaca ah ee golaha Deegaanka Balli-gubadle ayaa la shaaciyay. Kulmiye 4 Waddani 3 UCID. 2 14; Natiijada hordhaca ah ee Degmada Baki ee Gobolka Awdal . ● Waddani 5 ● Kulmiye 3 ● Ucid 1 15 ; Natiijada hordhaca ah ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag . ● Waddani 6 ● Kulmiye 5 ● Ucid 2 16;Natiijada Doorashada Golaha Wakiilada Gobalka Sool ee hordhaca ah. Xisbiga Kulmiye : 5 Xildhibaan Xisbiga Waddani : 4 Xildhibaan Xisbiga UCID 3 Xi ldhibaan Source: goobjoog.com
-
Doha (Caasimada Online) – Waardiye Kenyan ah oo ay Qatar ku eedeysay inuu lacag ka helay “wakiil ajnabi ah” si uu been ugu dhex faafiyo dalkan ayaa xabsiga laga sii daayey, sida ay Arbacadii sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha. Malcolm Bidali, oo loo yaqaan Noah, ayaa qormooyin ka qoray silica haysta shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka shaqeeya mashruucyada iyo dhismooyinka koobka kubadda cagta adduunka ee 2022 oo ay Qatar marti-gelineyso. “Malcom hadda xabsi kuma jiro, hase yeeshee waxa uu sida muuqata Qatar ku wajahayaa eedeymo been abuur ah oo la xiriira dhaq-dhaqaaqiisa muddada fog ee sharciga ah,” waxaa sidaas bayaan ay twitter ku daabacaday ku tiri hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. “Dhammaan eedeymaha la xiriira shaqadiisa xuquuqda aadanaha waa in la laalaa,” ayey tiri. Qatar ayaa 29-kii May sheegtay in Bidali lagu soo oogay dacwadaha “dambiyo la xiriira lacag uu ka helay wakil ajnabi ah si uu u abuuro una faafiyo warar been ah,” kadib markii la xiray horraanytii May. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee kala ah Amnesty International, Human Rights Watch, Migrant-Rights.org, FairSquare iyo Business and Human Rights Resource Centre ayaa dhammaantood ku baaqay sii-deyntiisa. Kooxahan ayaa sheegay in Bidali “ay u muuqato in loo xiray inuu adeegsaday xuquuqda uu leeyahay inuu si nabdoon ugu ololeeyeo xuquuqda aadanaha,” waxayna intaas ku dareen inay gurigiisa ka xireen booliska sirta ah ee Qatar. Qatar ayaa marar badan lagu eedeeyey xadgudubyo iyo silic ka dhan ah shaqaalaha dhisaya garoomada koobka kubadda cagta adduunka 2022, kuwaas oo badankood ka yimaada dalalka Asia, sida India, Pakistan, Bangladesh iyo kuwa kale. AFP + VOA The post Maxay Qatar ku haysataa ninka Kenyan-ka ah ee ay xiratay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa qaatay mas’uuliyadda dilka illaa 23 ruux oo shacab ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday duqeymo ay diyaaradihiisa sanadkii 2020-kii ka fuliyeen dalalka ay ka jiraan colaadaha oo ay Somalia kua mid tahay. Qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi lagu dilay duqeymo ay ka geysteen dalalka Soonaaliya, Ciraaq, Afghanistan, Yemen iyo Nigeria. Sidoo kale qiimeyn ay sameysay waaxda Gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka ayey ku sheegtay in howl-gallo milatari oo ay fuliyeen sanadkii 2020-kii ay ku dileen 23 ruux oo rayid halka, 10 kalena ay dhaawacmeen. Dadka ku dhintay duqeymahaasi ayaa kala joogay dalka Afghanistan oo lagu dilay 20 ruux, halka Soomaaliya iyo Ciraaqna lagu dilay min hal ruux, sida lagu sheegay warbixinta. Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaashaandhiga Mareykanka uu Congress-ka dalkaasi ka qaatay lacag fara badan oo gaareyso illaa saddex milyan oo dollar si magdhaw loo siiyo ehellada dadka lagu dilay howl-galladaasi dhanka cirka ahaa. Dhinaca kale urur aan dowli aheyn oo liis gaareeya dadka lagu dilo duqeymaha diyaaradeed ayaa sheegay in weerarada Mareykanka lagu khaarijiyey illaa 102 ruux oo shacab ahaa, taasoo shan mar ka badan tirada uu sheegay Aqalka Pentagon-ka ee dalka Mareykanka. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro culus ka fuliyo gudaha dalka. Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Drones Mareykanka ka geysteen koonfurta Soomaaliya, iyaga oo inta badan sheega in weeraradaaasi ay ku bartilmaameedsadaan saldhigyadda Al-Shabaab. The post Mareykanka oo sameeyey qirasho ku saasban Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.