Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbaahino caalamiya oo wax ka qortay doorashooyiinkii Somaliland qabsoomay & Hannaanka dimoquraadiga ah ee ay ku soo dhammaadeen Doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay oo ku beegnayd Isniintii todobaadkii hore, ayaa qadiyadda Somaliland ku soo jeedisay indha warbaahinta caalamka kuwa ugu caansan. Warbaahinta caalamiga ah ee wax ka qortay doorashooyiinkii dalka ka qabsoomay iyo hannaanka dimuquraadiga ah ee ay ku soo dhammaadeen ayaa iftiimiyay in Somaliland ay tahay dalka adduunka ugu dimuquraadisan, taas oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid casri ah oo ka horumarsan dalal badan oo muddo dheer ku soo dhaqmayay hannaanka dimuquraadiyadda. Waxaa kale oo ay is-barbar dhig ku sameeyeen dimuquraadiyadda Somaliland iyo dalalka ay deriska la tahay sida aanay uga suura geli karin dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ay hirgelisay. Somaliland oo aan caalamka aqoonsi ka haysanin. Doorashadii dhacday 31-ka bishii May 2021, ayaa Midowga Yurub, Uk iyo Dawlado kale oo Afrikaan ahi u soo direen Goob-joogeyaal Caalamiya oo kormeeray habkii ay u dhacday doorashadaasi oo ay ku tartameen Musharraxiin ku dhow 900, kuwaas oo ka kala sharraxnaa Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE, waxayna Goob-joogeyaashu War-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen ku muujiyeen siday ula dhaceen habka ay doorashadu u dhacday, iyagoo ku tilmaamay inay ahayd doorasho daah-furan. Warbaahinta Dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa si weyn wax uga qoray doorashada, iyagoo dhinacyo kala duwan ka eegay doorashada iyo nidaamka Dawladnimo ee Somaliland oo aan weli aqoonsi buuxa ka haysan Adduunka intiisa kale. Warbaahinta Magaceedu yahay REPUBLICWORLD TV oo ah Telefiishan laga leeyahay dalka Hindiya oo ka mid ahaa warbaahinta wax ka qortay doorashooyinka Somaliland iyo soddon guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal dheer oo uu kaaga hadlay Somaliland iyo doorashooyinkeeda iyo hannaanka dawladnimo ee dalka ka hana-qaaday waxaa uu yidhi, “30 sanno ayaa u buuxsamay Somaliland oo ah dal ka xoroobay Soomaaliya, waana dimuquraadi aan weli helin aqoonsi.” Republicworld ayaa war-bixinteeda ku tidhi “Somaliland waxay isku dayeysaa inay samayso taariikh cusub oo siyaasadeed, iyadoo markii ugu horraysay qabatay doorashada Baarlamaanka tan iyo 2005, doorashadaasi oo ay isku diwaangeliyeen in ka badan 1 Million oo qof, si ay ugu codeeyaan doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo ta Baarlamaanka.” “Somaliland: waa dimuqraadiyadda ugu casrisan Adduunka” ayuu qoray Republicworld. Waxaanu intaa ku daray “Somaliland oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, waa dunida casriga ah ee dimuqraadiyadda, sidoo kale Somaliland waa dal nabdoon, xasilloon oo dimuqraadi ah.” Jamhuuriyadda Somaliland waxay muujisay dedaallo aad u badan, isla markaana waxay haysataa baasaboor u gaar ah, dawlad shaqaysa, lacag, iyo ciidan. Iyada oo aanay jirin Waddan keliya oo aqoonsaday madax-banaanideeda. Haddana Somaliland waxay mar kale Isniintii, May 31, qabatay doorashooyin, taas oo dadka siyaasada indha indheeyaana ay rajeynayaan inay gobolka u keeni karto gargaar aad loogu baahnaa.” Telefiishankani waxa uu warbixintiisa kaga waramay marxaladihii Somaliland soo martay, wuxuu sheegay in Somaliland ahayd dal uu gumaystay Ingiriisku, markaa ka dibna la midoobay Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray, balse dhibaatooyin Dadkiisu kala kulmay Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ay ku khasabtay inuu Madax-banaanidiisa dib ugala soo noqdo Soomaaliya isla-markaana ku dhawaaqo Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii, isla markaana ay Somaliland muddo soddon sanno ah ay ku naaloonayso Nabadgalyo buuxda, balse Soomaaliya ay la ciirciirayso Xasillooni-darro.” Warbixintan waxa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taala mandaqada Geeska Afrika, ay dhul ahaan dhacdo goob istaraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh Dunida inteeda kale, kiiskeeda aqoonsi-raadintana ay Waddamo ay ka mid yihiin Iran, Turkey iyo Imaaraadku isku dayeen inay ka faa’idaystaan, si ay saamayn ugu yeeshaan. Warbixintu waxa ay sharraxday sababaha aqoonsigu muhiim ugu yahay Somaliland, waxaanay tilmaantay in aqoonsigu yahay hab lagu qiimeeyo, laguna siiyo sharciyo gaar ah Dawladnimada, Madax-banaanida dhuleed ee dal leeyahay iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed. Dhinaca kale Telefishanka caalamiga ah ee ALJAZEERA oo warbixin ka diyaariyay doorashooyinka Somaliland, ayaa ku sifeeyay doorasho ku qabsoontay si mucjiso ku ah qaarada ay ku taallo Somaliland iyo dersiyada ku xeeran oo ay ka jiraan dawlado la aqoonsan yahay, halka Somaliland oo aan caalamku ictiraafsanayn ay noqotay dalka ugu dimuquraadisan mandaqada ay ku taallo. Qaran News
  2. IS-BAHAYSIGA MUCAARADKA SOMALILAND MA WUXUU NOQON GUUL MISE HUNGO 1 ) GOORMAA DAWLAD XUMAATAA? Dawladnimadu maaha hanti gaar ah oo uu leeyahay qof, koox, ama qabiil balse waa hanti guud oo ay xuquuq ahaan ummaddu u wada leedahay una simantahay sida loogu wada simanyahay waajibaadka dalka. Dawlad waxay xumaataa marka qabiil gaar ah uu boobo kuna tagrifalo wax kasta oo la xidhiidha nidaamka dawladnimada. Xukuumad ta ugu xun ee ummad ku habsata waa ta ku salaysan kelitalisnimo qabiil oo wax ummadda ka dhaxeeya lagu naaxiyo laguna koriyo qabiil gaar ah inta kalena lagu dhibaateeyo looguna geysto tacadiyo iyo xad-gudubyo lagu sandulleynayo dabadeedna ay cadaawad biirtay ka dhalato dulmigaas aakhirkana qaraxda lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo lagu hoobto sida kelitalisnimadii qabiilka ee Siyaad Barre iyo dalal badan oo Afrikaan ah. 2 ) WAAJIBAADKA XISBIGA MUCAARADKA AH EE DAL Dawladaha dimoqaraadiga ah ee adduunka ka jira, mucaaradku waa hubka keliya ee madaxweynaha ka ilaasha inuu noqdo kelitaliye ama in xuukumadi ku tagrifasho dawladnimada, fartana ku fiiqa wixii maamul-xumo ah ee ka Jira dalka kuna dhaliila xukuumadda sida naas-nuujin, qaraaba-kiil, musuqmaasuq hantiyeed, ku tagrifal awoodeed iwm. Siyaasadda Mucaaradnimadu waa dhaliilid dhibaatooyin ka jira maamulka dalka ama cadaalad-xumo si xukuumadu wax uga qabato oo loo helo daaweynta dhaliisha. Mucaaradnimadu kuma salaysna hunguri-ku-doon, ceebayn xukuumad, fitno-abuur, necbaansho qabiil gaar ah ama shakhsi-siyaasadeed iwm. 3 ) QIIMAHA IS-BAHAYSIGA MUCAARADKA SOMALILAND Is-bahaysiga siyaasadeed ee Mucaaradka Somaliland waa muhiim waana loo baahanyahay si ay wadajir iyo awood-cod siyaasadeed loogu saxo wixii maamul-xumo ah ee dalka ka jira, saxidaas oo ku salaysan cadaalad, wadaninimo iyo ilaalinta madaxbanaanida iyo qadiyadda Somaliland kana fog dabagal qabiil ama dad gaar oo Mucaaradku ka dhigto yool uu ku wiiqayo nacayb awgeed. Waa in mucaaradka laga ilaashaa is-bahaysi qabiil, kooxaysi ama gobolaysi si aan Mucaaradku u burburin una kala dareerin, wax-qabadkiisuna u fashilmin. Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland waxay ka koobanyihiin gobollada Somaliland, Bari iyo Galbeed, Waqooyi iyo Koonfur. Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtiga Somaliland waa hay’adda dejisa sharciga dalka kana ilaalisa in xukuumaddu iyo garsoorka dalku ku kacaan fal dembiyeed ka dhan ah dawladnimada. Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland ama mucaaradkuma hadduu ku kaco qabyaalad, is-bahaysi qabyaaladeed, gobolaysi ama kooxaysi waxay keenaysaa inuu si deg deg ah u fashilmo, rajadii laga qayb ay meesha ka baxdo laguna hungoobo, xukuumaduna fursad u hesho inay ku kacdo waxay rabto. Cadowga kowaad ee ummaddu waa qabyaaladda oo ragaadisa midnimada, nabadda, dawladnimada iyo horumarka. Xukuumadda iyo mucaardkuba qaybweyn iyo door muuqda waa inay ka qaataan la dagaallanka qabyaaladda iyo gobolaysiga. Ku dhaqanka Diinta Islaamka iyo wadaninimadu waa inay ka adkaadaan qabyaaladda iyo gobolaysiga. 4 ) WAAJIBAADKA IS-BAHAYSIGA MUCAARADKA SOMALILAND Is-bahaysiga Wakiilada Mucaaradka ah ee Somaliland waxaa laga filayaa in awoodooda sharci-dejin iyo codayn ay xoogga saaraan sidii Gobollada Bariga Somaliland (Sanaag, Sool iyo Togdheer) loo soo gaadhsiinlahaa horumarka la gaadhsiiyay Gobollada Galbeeda ee dalka (Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil). Gobollada Bariga Somaliland aad ayay uga dambeeyaan Gobollada Galbeedka xagga horumarinta mashaariicda iyo arrimaha bulshada. Ujeedadu maaha in la sameeyo JEEGAAN-BARI oo ah kala qaybin siyaasadeed balse waxa weeye in gobolladu u sinaadaan horumarka dalka siiba kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta beeraha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka, waxbarashada, dal-xiiska, garoomada diyaaradaha, garoomada ciyaaraha iwm. Siiba waa in ganacsatada Somaliland aad loogu dhiirigeliyaa inay maalgashii ballaadhan ku sameeyaan Gobolka Sanaag oo noqodoona gobolka mustaqbalka ee Somaliland maadaama Eebbe ku manaystay gobolkaas khayraad aad badan oo noockasta leh. Waxaa kale oo iyaduna aad muhiim u ah in Beesha Gabooyaha la soo gaadhsiiyo ummadda inteeda kale xagga waxbarashada, horumarka, degaamaynta iwm. Takooridda iyo xaqiiradda dad kula mid ah, kula dal ah, oo Muslim ah waa dembiweyn xagga Diinta Islaamka ee waa in lala dagaallamaa si ummadu u sinaato. 5 ) TAAGEERADA SHACABKA SOMALILAND EE IS-BAHAYSIGA MUCAARADKA Ummadda Somaliland waxay Is-bahaysiga u rajaynaysaa guul iyo inaan lagu hungoobin aadna way u taageeridoontaa Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland haddii ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo gobollaysiga, muujiyaan waxqabad dhab ah oo muuqda, difaacaan qaranimada Somaliland, horumariyaan tayada iyo qalabaynta Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland, geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaan aqoonsiga Somaliland, ilaaliyaan cadaaladda iyo sinaanshaha dheelitirna ee gobollada dalka, xoogga saaraan nabagelyada iyo midnimada dalka iyo dadka iwm. 6. IS-BAHAYSIGA MUCAARADKA DALKA IYO KA QAYBGALKA ARRIMAHA MAASIIRIGA AH EE DALKA A ) XUDUUDAHA CAALAMKA KUMA DHISNA ISIR AMA QABIIL Xuduudaha Afrika, Caalamka Carabta, Koonfur Ameerika iyo Aasiya ama dalkasta oo adduunka ka jira kuma salaysna isir ama qabiil balse waxay ku salaysanyihiin dhulka. Waa waajib dastuuri ah in la sugo lana difaaco xuduudda Somaliland, taas oo ah xuduudii laga dhaxlay Somaliland British Protectorate laguna qaatay xornimada June 26, 1960. Somaliland dad waa ka tegikaraa, cid kasta ha noqdeen, laakiin taako dhul ah kama tegayso. Dal kasta mucaarad siyaasadeed waa leeyahay wax lagu toosinayo waxna lagu saxayo laakin la dagaallanka wadajirka dhuleed iyo ummadeed ee dalka marnaba lama aqbalikaro waayo waa qaran-dumisnimo iyo dal-dumisnimo. Sidaas daraadeed, waa in Maamulka Puntland ee Somalia ama Somaliyaba laga ilaashaa lagana difaacaa inay ku soo xadgudbaan xuduudda caalamiga ah ee Somaliland (Internationally recognised borders of Somaliland inherited from Somaliland British Protectorate as any other African Country). Somaliland kama jiro dhul lagu muransanyahay sida aanu uga jirin dhul lagu muransanyahay dalalka kale ee Africa oo dalkasta ay ku noolyihiin beelo kala duwan oo ay isku hayso xuduudihii Gumaysiga Yurub (There is no disputed land in Somaliland as there is no disputed land in any African country inhabited by different tribes kept together by European colonial borders, borders are based on land, not on lineage or tribe origin). Nabadda iyo deganaanshaha dalkasta oo Afrikaan ahi waxay ku jirtaa aqoonsiga iyo ixtiraamidda xuduudihii Gumaysiga ee Qaaradda Afrika (Peace and stability of every African country depends on recognizing and respecting African colonial borders). B ) CELINTA QAXOOTIGA ITOOBIYA Waxaa muhiim ah in xoog la saaro celinta ajanebiga Itoobiyaanka ah ee dalka ku soo qulqulaya waayo waxay arrintaasu leedahay khatar mustaqbalka (Inta cabsi awgeed aan ugu noqonkarin Itoobiya waa in xero qaxooti looga sameeyo xadka labada dal, lagu ilaaliyo waxna ay ku siisaa UNHCR). Ma jiro adduunka dal qaxooti shisheeye sharci la’aan ku soo qulqulo maalinkasta kalana doortaan magoolooyinka Somaliland ay rabaan inay ku noolaadaan, sida ay rabaana ugu dhalaan dalka lana sheegtaan dalka dadka leh. Maanta, qawaaniintii caalamka way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh. Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku jirto, ku faanto, kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 74 sano ah (Since the destruction of Palestinian Society and their homeland in 1948 – النكبة) maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u hesho dhulkeeda oo ugu noolaato xornimo iyo sharaf. Jirtaanka ummad waa lahaanshaha dhul. (One’s land reflects one’s existence). C ) XIDHIIDHKA SOMALILAND IYO SOMALIA Waa in shuruuc adag laga dejiyo dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somalilad ee beenta ku metala Somalia, siiba golayaasha iyo xukuumadda, taas oo ah dagaal ay Somalia ku hayso madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland laguna wiiqayo aqoonsiga Somaliland ee Beesha Caalamka. Si arrintaas looga hortago waa in la joojiyaa dhammaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia maadaama ay Somalia faragelin joogto ah ku hayso madaxbanaanida Somaliland isla markaana la adkeeyaa isu-gudubka labada dal. Xukuumadda Somaliland iyo shacabka Somaliland wax xumaan ah uma qabaan shacabka Somalia waxayna u rajaynayaan in Ilaahay, SWT, ka saaro dhibaatooyinka nolosha ee ay ku jirto uguna bedelo dawlad wanaagsan oo metasha, nabadgelyo iyo horumar. D ) DOORKA HAWEENKA SOMALILAND EE DALKA Haweenka Somaliland waa qayb muhiim ah oo ka tirsan ummadda Somaliland lagama maarmaana u ah nolosheeda iyo aayaheeda. Waa wax aad looga xumaado in doorashadii u dambaysay ee Somaliland laga waayo haweenka Somaliland. Adduunka kama jirto bulsho wada rag ah ama ragga oo qudha oo wax qabta. Haweenku waa hooyooyin, dhaqan, af, wasiiro, shaqaale sare, shaqaale caadi ah, ganacsato, dhakhaatiir, saraakiil, ciidan iwm. Arrintaas waxaa muhiim in xukuumadda iyo Mucaaradkuba wax ka qabtaan lana siiyo xubnaha ay ku leeyihiin wakiilada iyo degaanadaba ee ay u qalmaan. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
  3. Somaliland: Preliminary Elections Are In; Some Surprises, Some Improvements The Somaliland National Election Commission (NEC) has released the preliminary results for the 2021 parliamentary and local council which took place on Monday, May 31st, 2021. All these results are subject to be certification by the Somaliland Constitutional Court. 1. The turnout was at 65%. Of the one million plus registered voters, more 650,000 cast their ballots. 2. The 82 House of Representative seats and 220 local council post were on the ballot. 3. The opposition parties have, combined, won the majority of these seat. Even though, the ruling party, Kulmiye won most local council seats 79, the opposition parties, Waddani & UCID’s combined seats, 141, will give them control of local councils, if they decide to form a coalition. 4. This is also case in the House of Representatives, which preliminary results indicate will be a hung parliament. Kulmiye and Waddani attained 31 and 30 seats, respectively, whilst UCID trailed with 21. Already, the opposition parties have announced a coalition in parliament. 5. Two Waddani candidates, one for the House of Representatives, Barkhad Batun Hersi, and the other, Abdikarim Ahmed Moge, for the Hargeysa local council, garnered over 20,000 votes each. The most votes, ever, in Somaliland parliamentary and local council election. 6. The two largest cities in country, Hargeysa and Burco, get new Mayors. 7. Three, 3, women candidates for local councils were elected. All 3 councillors are from districts in the Eastern regions of the country. On the other hand, 1. All the 10 women candidates for the House of Representatives were unsuccessful in their quest for representation in the parliament. 2. Of the 220 council seats available, only 3, were won by women. All in all, the elections were declared free, fair and credible by the international monitors from many countries across the globe. However, it is quit clear, whilst democracy flourishes in Somaliland, more needs to be done to have universal representation of the society as a whole. Qarannews. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal oo muddooyinkii dambe si tartiib ah usoo laabanayey, xili uu kal hore mugdi badan hareeyay. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan laheyd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha HirShabeelle. Rooble oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Jowhar oo qeybo kamid ah go’doon ugu jirto fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa safiirka la wadaagay xaalada adag ee ka taagan Jowhar iyo nawaaxigeeda si ay kaalmo deg-deg ah uga geystaan. Maamulka HirShabeelle ayaa la daala-dhacaya fatahaadaha oo sanadihii dambe kusoo noq-noqday maamulkaas, kuwaasi oo gebi ahaanba xiray Isku socodkii magaalooyinka. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo safiirka Imaaraadka Carabta? appeared first on Caasimada Online.
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si rasmi ah uga hadlay duqeymaha ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ka geysteen qeybo kamid ah Gobolka Gedo. Kulankii Golaha Amniga Jubaland kaas oo bishiiba mar qabsooma oo uu shir guddoominayey madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa lagu cambaareeyey duqeymaha ay ciidamada Kenya ka geysteen degaanka Ceelcade iyo degaanno hoostaga Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Jubaland ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay baaritaan dhab ah ku sameyso duqeymaha ay Ciidamada Kenya u geysteen dad shacab ah taasoo ay ku tilmaamtay wax aan loo dulqaadan karin. Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xoojinta la dagaallanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubada dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Jubaland iyo u diyaar garowga sugidda Amniga doorashooyinka dalka qeybta kaga aaddan Jubaland. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubaland, kuwa Xooga Dalka iyo ciidamada qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawan soo saartay war-saxaafadeed ayaa si adag ugu cambaareysay duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. “Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha gudaha. Waxay sidoo kale wasaaradda tiri “Hawlgalladaan KDF ee lagu soo koobay sheegashada fulinta hawlgallada ka dhanka ah xagjirnimada shaki la’aan ayaa loo qabtay qaab ka baxsan waajibaadkooda hoos yimaada waajibaadka UNSC ee amarka AMISOM, gaar ahaan OP17 oo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in ciidamada AMISOM ay gutaan waajibaadkooda iyagoo si buuxda ugu hoggaansamaya dowladaha ka qayb qaadanaya. waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.” The post Jubaland oo DF usoo dirtay baaq ku aadan duqeymaha ciidamada Kenya ee Gedo appeared first on Caasimada Online.
  6. Masaajid ay tahay inaad Maalin ka hor sii qabsato Booskii aad kaga tukan lahayd Dhismaha masaajidka dadku Online-ka soo dalbadaan booskii ay kaga tukan lahaayn Dalka Sweden waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku badanyihiin oo ay ku noolyihiin bulshada Soomaalida ah, waxaa sidoo kale ku nool Muslimiin badan. Xayiraadihii is dabada jooga ahaa ee lagu soo rogay dalkaas isla markaana uu sababay cudurka Covid-19 ayaa dhawaan dowladdu qafiifisay waxaana bilowday in Masaajidda dib loogu tukado balse tiro dad ah oo aad u xadidan ayaa loo oggalyahay inay fursad u helaan ku cibaadaysiga Masaajidda. Dowladdu waxaa ay sheegtay ilaa iyo 50 qof loo oggalyahay in masaajidda ay salaadda ku oggaan kuwaas oo waliba raacaya tilmaamaha taxadariddu ku dheehantahay. Sidee masaajidka boos looga sii qabsadaa? Si maamulka Masaajidka uu xaliyo caqabadaha ka taagan salaadaha jamceeda gaar ahaanna Jimcaha ayaa bog uu ku leeyahay barta Internedka wuxuu ka sameeyay qayb aad masaajidka kala xiriiri karto oo aad ka balansan karto maalin ka hor Jimcaha. “Waxaa keenay arrintaan waa daruufo jiro awgood, masjidkuna wuxuu mar kasta isku dayaa inu xal u raadiyo caqabadaha soo wajaha sidaas daraadeed uwuxuu Masaajidku bogga uu ku leeyahay Internedka ku soo kordhiyay adeeg cusub oo qofku iska diiwaan galin karo qaab online ah maalin ka hor Jimcaha ” ayuu yiri Maxamuud Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Masaadikaan oo ku yaalla magaalada Göteborg ee dalka Swede. Sidoo kale Maxamuud Xasan ayaa BBC-da u sheegay in maalinta Jimcaha maadama tiro gaaraysa 50 loo oggalyahay hal mar in ay Masaajidku ku tukadaan in ay kordhiyeen inta jeer ee la tukan karo oo ay ka dhigeen ilaa saddex jeer taas oo wadarta guud ka dhigaysa 150 qof oo masaajidka isu banneeyay. Ka hor xayiraadaha fayraska karoona waxaa Masaajidka ku tukan jiray dad ka badan 3 kun oo ka mid ah Muslimiinta ku nool magaalada uu ku yaallo. Adeegga lagu soo kordhiyay bogga Masaajidka Haddii uu buuxsamo masaajidku sidee qofku ku oggaan karaa? Adeegga cusub ee la soo kordhiyay ee bogga masaajidku ku leeyahay Internedka ayaa qofka tusinaya inuu masaajidku ka buuxsamay hadiiba ay dhacdo taas oo qofka siinaysa go’aanka uu qaadan karo xiligaas ee ku haboon ee ah inuu aado oo uu ku nasiibsado amba uu iska dhaafo. Dadka bogga Masaajidka iska diiwaan galiya waxaa u dhacaya fariin qofka u sheegaysa ama uu ku oggaanayo xaaladihii ugu dambeyay ee Masaajidka. “Qofka is diiwaan galiyana waxaa u soo dhacaysa warqad ama fariin ayaa Emailkiisa ugu dhacaysa taas ayaana laga doonayaa inuu ula tago masaajidka,” ayuu yiri Mr Maxamuud . Guddiyo ay leeyihiin Muslimiinta masaajida dalka Sweden ayaa dowladda kala hadlay arrinta la xiriirta xayiraadaha masaajidda hase yeeshee dolwadda ayaa ku wargalisay in aan la dhayalsan karin cudurka maadama uu wali dalka iyo dunida kalaba ka jiro. Waxaa loo sheegay guddiyadaas in wakhtigaan loo baahanyahay in la muujiyo degganaan iyo taxadar maadama la rajaynayo in bilaha soo socda wax is badellaan. Tan iyo markii uu fayraska karona dunida ka billowday, wuxuu saameeyay dhincayo badan oo nolasha ah wuxuuna wax badan ka badalay habkii hore ee loo noolaan jiray,iyadoo in badan oo bulshooyinka dunida ka mid ahna ay qudhoodu soo kordhiyeen fikirro cusub si loola jaanqaado isbadelka uu cudurku sababay sida tan oo kale oo Masaajidkii qofku uu ka sii qabsanayo meeshii uu kaga tukan lahaa. Dhismaha masaajidka dadku Online-ka soo dalbadaan booskii ay kaga tukan lahaayn Qaran News
  7. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan iskugu yeedhay wasiiradda Xukuumadiisa kujira, isagoo kala hadlay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 31-May 2021, iyo sida looga hortagi karo Cududda Mucaaridka ee ku aadan hanashada Shirgdoonka Golaha Wakiilada iyo Maayarada Caasimaddaha Dalka. Sida ay noo xaqiijiyeen illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay, Madaxweyne Biixi ayaa shalay galinkii hore kulan gaar ah oo deg deg ah iskugu yeedhay Golihiisa Wasiiradda, kulankaasi oo qaatay saacado, ayaa sida la noo xaqiijiyay waxa uu kala hadlay arimo xasaasi ah oo ku saabsan doorashooyinkii isku sidkanaa ee Dalka ka dhacay 31-May-2021 ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda oo si weyn Xisbi Xaakimka Kulmiye loogaga itaal roonaaday. Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kulankan uu wasiiradda la qaatay uu kula wadaagay canaan iyo talo iswaydaarsi, iyadoo kulankan markii dambe si gaar ah loogu lafo guray qaabka iyo jawiga lagu qaabilayo guuldarada dhinaca Xubnaha Goleyaash Deegaanka iyo Wakiiladda looga itaal roonaaday Xisbi Xaakimkii Kulmiye, inkasta oo marka hore la isla qaatay in Xubno door ah oo Golaha Wasiiradda ahi ay ka gaabiyeen kaalintoodii, haddana waxa jawi isku mid ah lagu falanqeeyay sidii looga hortagi lahaa xaaladda Siyaasadeed ee soo waajahday Xukuumadda talada haysa. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu kulankan uu Shalay Golihiisa Wasiiradda la qaatay in si gaar ah loogu lafo guray hanaanka ay Xukuumaddu uga hortagayso Midawga Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ay shalay ku dhawaaqeen ee ay kula wareegayaan Hogaaminta Goleyaasha Deegaanka iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub, waxaanu warku sheegayaa in Madaxweynaha iyo Wasiiraddu ay gabo gabaddii isla meel dhigeen qorshe Culus oo lagu furfurayo Midawga Mucaaridka iyadoo laga marayo dhinaca Xubnaha Xildhibaanada Deegaanka iyo Wakiilada iyagoo wasiiradda qaarkooda isla Xalayba ay hawlgaleen. Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Gobolada Bariga ayaa sheegaya in kolonyo wasiirro ah oo xukuumadda ka tirsani in ay shalay u yaaceen dhinacaa iyo Gobollada Togdheer iyo Sanaag kadib markii ay soo baxeen xogo tibaaxay in xildhibaannada uga soo baxay xisbiyada Mucaaridku ay kulammo hoose iyo qado ku yeeshen deegaamo ay ka mid tahay Gar-adag taasi oo keentay in ay madaxtooyadu wasiirro door ah u dirtay Bariga. Source
  8. Waxaanu halkan akhristayaashayada ugu soo gudbinaynaa tirada musharaxiin door ah oo Xisbiga Kulmiye ilduufay wakhtiga Xulashada Murashiinta ee doorashada ka hor, kuwaasi oo Codadkii ugu badnaa ku hogaaminaya Natiijada la yeedhiyay islamarkaana la odhan karo waxa ay qaybta ugu weyn ka qaateen hagaasinta ama guuldarada gaadhay Kulmiye. Musharraxiintaa uu Xisbiga KULMIYE diiday inay iska sharraxaan Xisbiga oo iskugu jiray qaar doonayey inay u tartamaan Golayaasha degaanka iyo Wakiillada, isla markaana uu beelahooda qaar kood ku tilmaamay kuwa aan cod baddan haysan, ayaa waxa ay tageen Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI,halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn,isla markaana laga siiyey fursado ay isku sharraxeen oo ay wacdaro ka muujiyeen. Dhanka kalena Musharraxiinta Golaha Wakiillada ee uu Xisbiga KULMIYE diiday inay sharraxaan ee Xisbiyadda WADDANI iyo UCID ay fursada siiyeen ayaa guulaha ay ka gaadheen doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka dhacday labada Xisbi Mucaarad u soo hooyey,kuwaas oo codad baddan u keenay Xisbiyadda,isla markaana noqday qaar ka soo dhex-baxay oo guulaystay,waxaana xusid muddan in ay taariikh cusub dhigeen qaarkood. Waxa kamid ahaa Musharraxiinta Golaha Wakiillada ee uu Xisbiga KULMIYE soo diiday inay iska sharraxaan ee Xisbiyadda WADDANI iyo UCID ay qaabileen Eng Axmed Cabdi Ibraahim Cige iyo Axmed Dayib Aadan “Ku Cadeeye” oo Xisbiga WADDANI fursad ka helay iyo Maxamed Cisman Maxamed & Maxam ed Xasan Siciid oo uu iyana Xisbiga UCID fursado siiyey iyo xubno kale, kuwaas oo hadda guulo ka gaadhay doorashada,isla markaana kamid noqday Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland,waxaana xusid muddan in Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay guulo u soo hooyeen . Dhanka kalena Xisbiga KULMIYE ayaa waxa jirtay inuu wakhtigii kale saarista Musharraxiinta uu diiday inuu fursado ay isku sharraxaan uu siiyo Musharraxiin kamid ah kuwa Golayaasha degaanka,kuwaas oo ay kamid ahayeen CABDIKARIIN Axmd mooge oo uu markii dambe Xisbiga WADDANI fursad siiyey,kaas oo guul weyn oo taarikhiya ka gaadhay doorashadii,isla markaana noqday Xildhibaanka ugu codka baddan ee Golaha degaanka Hargeysa,isla markaana guusha uu Xisbiga WADDANI ka gaadhay doorashada door weyn ku leh iyo Khadar Axmd Cumar oo fursad ka helay Xisbiga UCID ,kadib markii uu soo diiday KULMIYE, waxaana xusid muddan inuu Xildhibaan Khadar Axmed Cumar uu guul ka gaadhay doorashadii,isla markaana uu kamid noqday Xildhibaanada Golaha degaanka ee Hargeysa oo guul u soo hooyey Xisbiga UCID iyo Xildhibaana kale oo aananu xusin magacyadooda. Si kastaba ha-ahaatee Musharraxiin uu Xisbiga KULMIYE soo diiday inay iska sharraxaan wakhtigii soo xulista Musharraxiinta oo uu qaarkood ku tilmaamay in aanay cod baddan haysan oo beelaha ay kasoo jeedaana tiro yar yihiin,isla markaana uu dhabarka ujeediyey,ayaa waxa ka faa’iidaystay oo fursado ay iskaga sharraxaan siiyey Xisbiyadda UCID iyo WADDANI,kuwaas oo guulo ka gaadhay doorashooyinka isla markaana kamid noqday Xildhibaanada Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee cusub. Madax-dhaqameedka Beesha Cirro Oo Doorashada Ka Hore Heshiis Kula Galay Maayarkii Hore Ee Berbara In Xildhibaanada U Soo Baxa Beesha Ay U Codaynayaan . Xildhibaanka Guurtada Iyo Guddoomiyaha Beesha Oo Berbera Ugu Tegay Sidii Ay Xildibaanada Beeshu Ay Codka U Siin Lahayaan Maayar Cidin. Source
  9. Saaka waxaa kulankii ugu horeeyey iskugu yimid Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI . Kulanka waxaa ka soo qeybgalay, Guddida Iskaashiga labada Xisbi, Hoggaanka Labada Xisbi Mucaarad , Xubnaha Xildhibnada Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex iyo Golayaasha Deegaanka ee Degmada Hargeysa. Source
  10. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman. War kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta, islamarkaana labada mas’uul wada-hadal yeesheen. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda. “Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ay ka wada hadleen “xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.” PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  11. Journal Beat WORLD Elections in Somaliland: Opposition parties win most seats | News Ann Cowan Two opposition parties in the breakaway region of Somalia announce a political alliance that ensures a parliamentary majority. Two opposition parties in the breakaway Somaliland region of Somalia won the most seats in the region’s first parliamentary elections in 16 years, according to the National Election Commission. Of the 82 seats in parliament, the Somaliland National Party, called Waddani, won 31 and the Justice and Welfare Party (UCID), 21 seats. The ruling Peace, Unity and Development Party, Kulmiye, won 30 seats, the electoral commission said on Sunday. The vote had been stalled for a decade over a dispute between the three main parties over the composition of the electoral commission, which was ultimately resolved. “Following the announcement of the election results, we have announced a political alliance to secure the speaker of the Somaliland parliament,” Waddani and UCID said in a joint statement, suggesting that they would appoint a president together. The parties, which together also won the majority of seats in municipal races, said their goal is to collaborate in city councils across the region and select mayors together. None of the 13 women who ran for parliament won their races. ‘Relative stability’ Politicians in the region had described the survey as an example of the relative stability of Somaliland, which separated from Somalia in 1991 but has not garnered widespread international recognition for its independence. The region has been largely peaceful, while Somalia has faced three decades of civil war. The three main parties presented a total of 246 candidates. More than a million of approximately four million residents had registered to vote, according to the electoral commission. Presidential elections have been held in Somaliland, despite the parliamentary vote stalemate, the most recent in 2017 when Kulmiye party chairman Muse Bihi was elected. The next presidential vote is scheduled for next year. Qaran News
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maanta ciidamo horleh ka dajisay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Ciidamadan oo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa gaaraya illaa 50 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sidoo kale waxaa askartan kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ciidan. Ujeedka ciidamadan loo geeyey Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay sugi doonaan amniga doorashooyinka ka dhacaya gudaha magaaladaasi, gaar ahaan soo xulida xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamadan la dajiyey xero ku taalla Dhuusamareeb, iyaga oo howl-gallo ballaaran ka bilaabi doono isla degmadaasi. Galmudug ayaa horey u shaacisay, kadib heshiis lagu gaaray magaalada Muqdisho inay bilaabi doonto qabashada doorashada, gaar ahaan tan xildhibaanada Soomaaliya. Waa magaaladii labaad oo ay sidoo kale dowladda dhexe ciidamo u direyso, waxaana Dhuusamareeb ka horreeyey Jowhar oo la geeyey ciidamo ka mid ah kuwa Haramcad. Si kastaba Dhuusamareeb waxaa horey uga howl-galayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo lagu daabulay, xilligii doorashada ee madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). The post Dowladda Soomaaliya oo ciidamo horleh maanta geysay Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoowe ka dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya, kuwaas oo laga hirgelinayo caasimadda. Madaxweyne Deni waxa dhagax-dhiga ku weheliyay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe. Wadooyinkan ayaa kala ah Wadada Necsom, Towfiiq, Injida , Jidka 30-ka iyo Wadajir. Waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha horumarinta magaalooyinka Puntland. Dhismaha waddooyinkan laamiga ah ayaa qorshaysan in uu dhowaan bilowdo islamarkaana si dhakhso ah loo dhammaystiro. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya appeared first on Puntland Post.
  14. Xaalad isku danaysi ah ayaa dhex martay Xisbiyada iyo Musharixiintii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaana marka hore faa’iido taagnaa Xisbiga oo Musharax kasta ka iibiyay booska uu iska sharaxay oo ka qaaday lacag, Mudadeedu xadidan tahay oo ka dhamaanaysay marka uu guulaysato ama Guul daraysato, Musharax kasta oo dhacay maanta kama tirsana Xisbigii uu ka sharaxnaa ama aan idhaahdo Dhamaan Musharixiintu kamay tirsanayn Xisbiyada ay ka sharaxnaayeen marka laga reebo dhawr qof oo uu ku jiro Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun. Sidaas markay tahay Musharax kasta oo guulaystay (Deegaan ama Wakiilo), kama tirsana Xisbiga uu ka dhex tartamay. Hadaba waxaan u socdaa Isbahaysigu Muxuu soo kordhinayaa, Mudane. Xildhibaan kasta oo Guulaystay iyo kii dhacayba waxa kuu keenay Caaqilkiisa, Odoyaashiisa iyo Waxgaradkiisa, Waxay intoodu badan kuugu yimaadeen habqabiil, ee kumaad dooran aqoon iyo karti, Lacagta iyo Kharashka ka baxay waxa lahaa Reerkiisa ama waxay ahayd wax uu isagu shaqaysatay, markii uu guulaystayna waxa aad jeclaatay inaad ka arimiso cida uu u codaynayo, ka uu taageerayo iyo sida uu u dhaqmayo, dhinac kalena Cuqaashii, Odoyaashii iyo Waxgaradkii kuu keenay iyaguna waxay ka talinayaa Xildhibaankoodu halka uu marayo iyo cida uu taageerayo. Markaa Iyamaa Xaq leh, Xisbiga mise Qabiilka Isbahaysiga Walaxaa ka dhiman. Wariye Maxamed Kuraase Source
  15. Now that the parliamentary and municipal elections are behind us, and in light of the poor results scored by Kulmiye Party,.... Source: Hiiraan Online
  16. Warkii oo kaban: Shacabka degmada. Faah-faahin Awoodda waxa iska leh shacabka oo Eebe ayaa siiyay. Waxa ay u igmadaan dawladda. Doorashada fullinta ee Somaliland laga qabto waa laba nooc: Doorashada madaxwayne oo ah mid toos ah. Tartamayaasha waxa cod haldheeri ah ku kala saara codbixiyayaasha (waa nidaam madaxwaynenimo oo doorashadiisu toos tahay). Doorashada deegaanka oo la mid ah habka baarlamaaniga ah, oo la midab ah habka loo doorto raysal wasaaraha Ingiriiska. Hadii aad matal u soo qaadatid raysal wasaaraha Ingiriiska (UK) waxa xilkaas qabta hogaamiyaha xisbiga aqlabiyadda ku leh baarlamaanka, hadii kale inta isbahaysi samaynsan karta. Marka aad u codaynaysid Conservative ka waad og tahay, oo waad ku talo gashay, in Johnson uu noqonayo Raysal Wasaare, hadii codka xisbigaasi gaadho aqlabiyad. Si habkaas la mid ah duqa magaalada waxa iska dhex doorta, Somaliland, golaha deegaanka oo ay tahay inay ku codeeyaan hab xisbi ah sababta oo ah waxa lagu doortay xisbnimo. Hadaba, Cabdikariin Axmed Mooge sadex sababood ayuu xaq ugu leeyahay inuu noqdo Duqa Hargeysa: Xisbiyada mucaaradka ah ayaa ugu cod badan Golaha Deegaanka. Sidaasdarteed, dadwaynaha Hargeysa ku nool waxa ay doorteen mucaaradku inuu hogaamiyo. Hadi geeska lagu dhufto codka shacabka ee mucaaradka u codeyeye, kama dhacdo afgembi. Cabdikariin waxa uu ku tartamay maayarnimo. Dadku waxa ay ugu codeeyeen maayarnimo. Waxa uu helay 1/3 codka xisbiga uu ka soo baxay. Sidaasdarteed, dadka isaga u codeeyey iyo dadka xisbigiisa u codeeyey waxa ay u doorteen Cabdikariin maayarnimo. Eeg, waa rabitaanka shacabka. Doorashadii dhacday 31 May waxa ay afti dadban u ahayd Duqa hada maamula Hargeysa iyo xisbigiisa. Hadii laga badiyay macneheedu waxa ay tahay in dadka degan Caasimaddu ay si cad u diideen in qof Kulmiye ka socda uu noqdo duqa Hargeysa. Markaa, codka shacabka maxaad ka yeelaysaa? Ileyn dimoqraadiyaddu waa in la ixtiraamo xagga loo badan yahay, xitaa hadii aanad ku raacsanayn. Hadii 16 xubnood ee kale ee Golaha Deegaanka Hargeysa ay u codeeyaan qof kale oo aan Cabdikariin Axmed Mooge ahayn, waa sharci (legal), balse xalaaltinimo (legitimacy) ma laha. Xalaalnimadu waa codka dadwaynaha. Waad keeni karta tab iyo xeelad aad raysal wasaare kaga noqotid Ingiriiska adiga oo dhinac marayaa mudanaha dadka intiisa badani u codaysay (hadii aad aqlabiyad ku helli kartid isbahaysi taag daran), balse taasi legitimacy ku siin mayso. Sidaasdarteed, annagu waa ognahay in sharci ahaan (legally) qof kale noqon karo maayar. Balse waxa aannu diidanahay in tab iyo xeelad loo adeegsado in dadwaynaha sharafta leh ee hadlay laga maroorsado talada. Waxa markaas naga go’an in aannu sifo sharci ah ku difaacno codka dadwaynaha (mudaharaadku sifooyinka sharciga ah ee dastuurku ku qoran ayuu ka mid yahay, ololaha hoose iyo wacyigellintu waa ka qayb kale). Waydiintu wax ay tahay tobonaanka kun ee jooga magaalooyinka Somaliland iyo qurbaha cidda doonaysa inay u babac dhigto waayo? W/QGuuleed Dafac Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka iskuulka sare ee Balcad, waxaana uu ahaa nooca meelaha fog-fog laga hago. Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxan uu iskuulka ka socday imtixaan ay galayeen ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, siday ay inoo sheegeen goobjoogayaal. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyada oo kadib goobta ay gaareen ciidamo kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa, kadib uu qal-qal xoogan soo wajahay ardayda ku sugneyd iskuulka oo markii dambe la fasaxay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi dhaliyey khasaaraha dhaawaca ah. Balcad oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab. The post Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Balcad + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo kooxdaas. Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray kadib dagaal dhex maray labada kooxood. Abuubakar Shekau ayaa la rumeysan yahay in uu jiray da’da 40, wuxuuna marar badan kasoo dhex muuqday muuqaallo uu uga hadlayey ololaha kooxda. Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday. Illaa iyo hadda dowladda wadanka Nigeria iyo sidoo kale kooxda Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas. Sidoo kale bishii la soo dhaafay markii uu soo ifbaxay wararka la isla dhexmarayay ee ku aadan geerida Abuubakar Shekau, militeriga Nigeria waxay sheegeen in arrintaas ay baarayaan. Abuubakar Shekau wuxuu awoodda kooxda la wareegay markii uu gacanta booliska ku dhintay ninkii aasaasay ururkaas sanadkii 2009-kii, wuxuu kooxda u horseeday in weeraro dhiig badan uu ku daatay ay ka fuliyaan waqooy bari Nigeria. Si kastaba Shekau ayaa intii uu hoggaaminayay Boko Xaram waxay kooxda fuliyeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyin, falal afduub ah iyo nin ay maxaabiis si xoog ah uga soo sii daayaan xabsiyada, sanadkii sanadkii 2014 waxay kooxda bilowday olole ay ku qabsanayaan magaalooyinka si shareecada Islaamka ay halkaas ugu soo rogaan. ISHA: BBC The post Hoggaamiyihii Boko Xaraam oo ‘is qarxiyey’ (Faah Faahin) appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Baxrayn ayaa waxaa si kulul looga hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Macalin Nuur. Dowladda Baxrayn oo ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la-leh Soomaaliya ayaa shaacisay inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu yahay mid argagixiso, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Baxrayn ayaa tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ah u rajeysay caafimaad. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya uu ka hor imaanayo qiyamka iyo mabaadi’da caalamiga ah. “Wasaaradda arrimaha dibedda Baxreyn waxay tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay weerarkaan fuleynimada ah ee argagixiso ee ka hor imaanaya dhammaan qiyamka iyo mabaadi’da,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay Baxrayn. Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay inay dowladda federaalka ah la garab taagan tahay taageero, isla-markaana ay kor u qaadi doonto caawimaada kala duwan ee ay siiso. Si kastaba, weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacab ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay. The post Baxrayn oo war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. HARGEISA (HOL) - He launched and ran in his campaign atop a bulldozer pledging improvement of social services and dissociated himself from clan politics and in no time, Somalilanders and even Somalis in the south joined his bandwagon. Source: Hiiraan Online
  21. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag u qaabilsanaa Puntland, Cali Xuseen Soomaali oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Badhan, ayaa ku baaqay in la taageero laba barnaamij oo ay waddo xukuumadda Puntland. Ex. Guddoomiye Cali Soomaali ayaa shacabka Gobolka Sanaag gaar ahaanna dhalinyarada ugu baaqay in ay taageero buuxda u muujiyaan Barnaamijka hirgelinta Hannaanka xisbiyada badan oo ka socda Puntland. Sidoo kale, wuxu Bulshada Gobolka ku boorriyay in ay garab-istaagaan Barnaamijka Dib-u-habaynta Ciidamada Puntland oo uu ku tilmaamay mid ay ka muuqato dowladnimo. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Cali Soomaali: Laba barnaamij ha lagu taageero xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameeyey macaabis cusub, kadib wareegto uu soo saaray. Axmed Madoobe ayaa maanta Injineer Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland oo lagu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka. Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in baahi weyn loo qabo in xal waara loo helo maareynta arrimaha qaxootiga dib u soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha. “Markuu la tashaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu u magacaabay Eng Cabdi Xuseen Maxamed guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday madaxtooyada Jubbaland. Sidoo kale waxa lagula dar-daarmay mas’uulkan cusub inuu waajibkiisa shaqo guto, isla-markaana uu wax ka qabto dhibaatooyinka ay wajahayaan qaxootiga iyo barakacayaasha. Guddoomiyaha cusub ee gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa sidoo kale horay u soo noqday wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Jubbaland. Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa xilligan ku sugan qoysas barakacayaal ah oo wajahaya xaalado nololeed iyo qaxooti kasoo noqday xeryaha Kenya oo dib u dajin loo sameeyey. The post Madaxweynaha Jubbaland oo xil cusub magacaabay appeared first on Caasimada Online.
  23. Hoggaamiyaha kooxda Islaamiyiinta ah ee Boko Haram ee dalka Nigeria Abubakar Shekau ayaa la sheegayaa inuu geeriyooday. Codad la helay ayaa sheegaya in uu is dilay hoggaamiyihii kooxda Boko Haram Abubakar Shekau, waxaase khilaaf ka jiraa goorta ay arrinkaas dhacday. Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ku dhintay dagaal ka dhacay lama dagaanka Sambisa, ee waqooyi beri dalka Nigeria. Ninkan oo kooxda hoggaaminayey tan 2009-kii, waxaa uu maamul islaami ah ka dhisay gudaha Nigeria isaga oo fuliyey xasuuq badan tan 2014-kii. “Waxaa ku raaxeystaa dilka, si la mid ah gawraca digaagga” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa 2012-kii, waxaa ayna dadka la barbar dhigi jireen Osma Bin Ladin. Xogo la helay waxaa ay sheegayaan in tan iyo markii uu maamulka kooxda la wareegay, uu dilay 30,000 halka uu Baraka kiciyey in ka badan hal milyan. Goobjoog News Source: goobjoog.com