Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. M/weyne Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat. Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah weligiisna lama dhaqan gelin. Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinahay. Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Mareykanka, sida uu sheegay Biden. TikTok kama uusan hadlin arrintan. Mr Trump ayaa sanadkii hore amray inaan lala soo degin app-ka TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee Bytedance.Wuxuu markaas ku sheegay inay khatar ku tahay ammaanka Maryekanka. Waxaa la soo jeediyay in shirkadaha Oracle iyo Walmart ay qaadaan mas’uuliyadda maamulka xogta TikTok ee gudaha Mareykanka. Balse dacwado badan oo lagu furay iyo Mr Trump oo xilka ka sii degayay awgood, in la mamnuuco bartaas iyo in shirkadaha Maryekanka ay ku lug yeeshaan midkoodna ma miro dhalin. Ururinta xogta Madaxweyne Biden ayaa amarkiisa ku sheegay in dowladda federaalka ay qiimeyn doonto khataraha ay sababi karaan baraha Shiinaha laga leeyahay , iyadoo qiimeynta lagu saleynayo xaqiiqda. Wuxuu garwaaqsadan in barahan ay “dadka isticmaala ka heli karaan xog badan”. “Xog ururintan waxay sababi kartaa halis ah in ajaanibtu ay helaan xogtaas,” ayuu yiri. TikTok waxaa bil walba adeegsada ilaa 80 milyan oo Ameerikaan ah. Ashley Gorski, oo ah qareen sare ayaa soo dhoweysay go’aanka lagu laalayo mamnuuciddaas. “Madaxweyne Biden wuu ku saxan yahay inuu laalo amarrada sare ee maamulkii Trump, kuwaas oo carqaladeynata xuquuqda ay Mareykanka ku leeyihiin dadka isticmaala TikTok iyo WeChat,” ayay tiri. Toddobaadka soo socda, Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen, labadooda ayaana la filayaa inay ku dhawaaqaan iskaashi dhanka teknolojiyadda iyo ganacsiga ah, taas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo horumarka uu Shiinuhu ka gaaray teknolojiyadda. Qaran News
  2. Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat. Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah weligiisna lama dhaqan gelin. Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinahay. Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Mareykanka, sida uu sheegay Biden. PUNTLAND POST The post Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump appeared first on Puntland Post.
  3. A United Nations report has alleged that recruits of the Somalia National Army participated alongside the Eritrean army in the Tigray region in what can be termed as an illegal international military operation. The report further confirms the plight of various families who claimed that their sons were recruited to go to Ethiopia but never came back. The report on the soldiers, which the Mogadishu government denied engaging in the conflict, also stated that it had a presence around the city of Aksum. Highlighting the presence of Eritrean soldiers in the region, the report also included human rights violations that had been on the agenda many times before. Ethiopia denied that Eritrean forces participated in the operation it launched against the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), but later acknowledged the existence of these forces and announced that they would withdraw. Hundreds of families in Somalia protested the government in January 2021 after alleging that their children were being taken to the conflict as “mercenaries” against the TPLF in Ethiopia after being trained in Eritrea. In a political struggle with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, the TPLF attacked national army forces in the region in November 2020. Although Ethiopia has captured Mekelle, the capital of Tigray province, with a large-scale operation, conflicts still continue in some regions. Eritrean and Ethiopian forces are accused of various human rights violations in the province, including massacre, rape and torture. The UN World Food Program (WFP) reported on June 1 that 5.2 million people, equivalent to 91 percent of the population in the region, were in need of urgent food aid. Source: Africanews.com The post UN report alleges Somalia troops fought in the Tigray war appeared first on Caasimada Online.
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Isbaheysiga xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis hor leh, kadib markii ay xukuumadda soo faro-gelisay heshiiskii dhawaan ay ku sameysteen isbaaheysiga, kaasi oo dhigayay in labada xisbi ay kala qeybsadaan kuraasta hogaanka cusub ee golayaasha deegaanka iyo wakiilada. Sida ay dhawaan baahisay Caasimada Online, hogaanka labada xisbi ayaa ku heshiiyey in Xisbiga Ucid uu qaato maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa, halka uu xisbiga Waddani isagna uu qaadanayo guddoonka golaha wakiilada, ayada oo ay socdaan shirar looga hadlayo arrintaas. Saacado kadib waxaa bilaabmay guux ka dhashay qaabka ay xisbiyada mucaaridka u kala qeybsadeen maayirka Hargeysa iyo guddoonka golaha Wakiilada, ayada oo arrintaas uu si rasmi ah usoo faro-geliyay madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kulan la qaatay musharaxii ugu codka badnaa ee golaha deegaanka Hargeysa, kaasi oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kadib markii uu isla shalay u direy baaq la xiriira in la tix-geliyo codadka 26-ka kun ka badan ee ay siiyeen dadweynaha caasimada. Muuse Biixi ayaa xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge u ballan-qaaday inuu kala shaqeyn dooni sidii uu u hirgeli lahaa hankiisa siyaasadeed oo ay dadweynaha caasimada ugu hiiliyeen, taasi oo dhabar jabin ku noqoneysa qorshaha isbaheysiga mucaaridka. “Imaatinkeenna maanta waxannu idiin ballan-qaadaynaa xaqa aad leedihiin iyo doorashada aad ka cabateen, wax Alle iyo wixii xad-gudub iyo xaqdarro ah inaanu idin kala hawl-galno in waddadii saxda ahayd lagu soo celiyo, loona maro waddo sharci ah, baaqiinniina jawaabtiisu waxa weeye waannu idin garab taagannahay, wixii xuquuq ah oo doorashadaas, cod-bixintaas iyo miisaankaas aad sidataan ku leedihiin inaannu idin kala hawlgalno,” ayuu yiri Muuse Biixi. Cabdikariin Axmed Mooge oo u sharraxan maayarnimada caasimadda Hargeysa, ayaa dhankiisa madaxweynaha si weyn uga mahad-celiyey sida milgaha iyo deg-degsiimaha leh ee uu uga soo jawaabay baaqii uu saacado ka hor u diray, waxana uu tilmaamay inay wanaagaas iyo xilkasnimadaa uu muujiyey ay marag ka tahay sida uu u dhegaysanayo baaqa shacabkiisa. Kulanka Muuse Biixi iyo Cabdikariin Mooge ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah xildhibaanada wakiillada ee dhawaan la doortay, qaar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan caasimadda loo doortay iyo haldoor kale. The post Isbaheysiga mucaaradka Somaliland oo wajahaya cadaadis hor leh iyo Muuse Biixi oo tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
  5. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar ayaa weerar afka ah ku qaaday ururada mucaaradka deegaankaasi, ayada oo uu bilowday loolanka u dhaxeeya xukuumadda iyo ururada siyaasaddu. Madaxweyne Cagjar ayaa ku eedeeyay ururadaas oo qeyb ka tahay ONLF inay hayso fahan daro dhanka siyaasada, xilli doorashada dalka ay ka harsan tahay wax yar labo todobaad. Hadalka madaxweynaha DDS oo ka careysiiyay mucaaridka ayaa waxaa si kulul uga jawaabay ururka ONLF, kaasi oo madaxweyne Cagjar ku sifeeyay inuu hogaanka u hayo maamul fashilmay. Afhayeenka ururka ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in Cagjar uu ku fashilmay hirgelinta nidaam dowli ah oo shacabka dib ugu celiya canshuurta laga qaado. Hadalladaan ayaa kusoo aadaya xili ay xukuumadda iyo ururada siyaasaddu isku hayaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida dadka cod-bixiyeyaasha ah ee dhawaan codkooga ka dhiiban doono doorashada loo ballansan yahay. Waxaa deegaanka Soomaalida oo kamid ah 10-ka dowlad deegaan ee xubinta ka ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ka socdaa diyaar-garow xoogan oo loogu jiro sidii ay doorasho guud deegaankaasi uga dhici lahayd, inkasta oo xisbiyada mucaaradka ay walaac ka muujiyeen geeddi socodkii diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayaga oo ka cabanaya guddiga doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen diiwaan-gelinta dhowr iyo toban deegaan doorasho oo ay cabasha ka soo gudbiyeen xisbiyada deegaankaasi oo mucaarad iyo muxaafidba isugu jira. The post Madaxweyne CAGJAR iyo ONLF oo weerar isku qaaday appeared first on Caasimada Online.
  6. A few weeks ago, the Puntland’s military court in Galkayo had found six Al-Shabab hitmen guilty of terrorism offences and they were sentenced to death. The group had been terrorising the locals for over 13 years. In the first part of this short article,.... Source: Hiiraan Online
  7. Xudur (Caasimada Online) – Maamulka degmada Xudur, Maxamed Macalin oo ay wehliyaan hay’adaha samafalka ee ka howl-gala gudaha magaalada ayaa soo kormeeray boqolaal qoys oo dhawaan kasoo barakacay tuulooyin hoos-yimada degmada Xudur. Barakacayaasha oo isugu jira Waayeel iyo qoysas haween u badan oo caruurtooda ay la socdaan ayaa waxa uu maamulku sheegay inay kooxda Al-Shabaab kasoo barakaciyeen, kuwaasi oo xiligan wajahaya xaalad adag oo bini-aadantimo. Maamulka degmada iyo hay’addaha ayaa kormeerkaas kadib warbaahinta u sheegay inay qoysaskaas wajahayaan biyo la’aan iyo raashiin la’aan, waxayna barakacayaashu isugu jiraan beeralay, xoolo dhaqato iyo dad xirfad muruqmaal ah ku shaqeysanayay. Dhulka ay xiligan degan yihiin barakacayaash ayaa waxa bixiyay maamulka degmada, ayada uu maamulku dalbaday in kaalmo deg-deg ah lala soo gaaro. “Majirto wax intaa ka badan oo loo qabtay (deegaan la siiyay) hase yeshee u jeedada kormeerka ayaa ah in xaaladooda dhabta ah la ogaado gar-gaar deg deg ahna lala soo gaaro,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macalin. Waxaa xiligan magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ku sugan kumanaan kun oo barakacayaal ah, ayada oo maciishada nololeed ee deegaankaas ay cirka isku shareertay, waxaana laga deyrinaya xaalada bini-aadantinimo ee xeryaha ku yaala degmadaas. The post Al-Shabab oo boqolaal qoys ka barakicyey guryahooda appeared first on Caasimada Online.
  8. W/Q CALI MAXAMED BIIXI Hadii aad ciyaartoy meel ku xareyso muddo sanad ah oo aad ciyaaraha dunida oo dhan aad wada daawiso (Brazil-Germany- Itali- Spain- Holland-England) iyo qaar kale oo badan oo ay qeybaan ciyaar kasta iyo xarfadii oo dhan. Oo aad sanad Kabacdi tidhaahdo waxaad la ciyaaraysaan Team-kii Brazil ee dhabta ahaa. Sidee Bay ula ciyaari doonaan? Wax mayska celin doonaan? Jawaabtu: waa maya ee Brazil sida caruurta oo kale ayay ugu ciyaari doontaa, 20 goal-na way ka dhalin doontaa. Iyo wax ka badanba. Waayo? Fulintu waxay u baahan tahay ,tababar fara badan . Iyaguna wax tababar ah may soo qaadan. Hadaba dimuqraadiyadu waxay u baahan tahay halgan iyo tababar umadeed oo muddo dheer soo qaata iyo bisayl umadeed oo siyaasadeed. Maaha magac iyo shicaar iyo mabaaddii aanad u bislayn oo aanad dhaqankeedii lahayn. Hadaba umadeenu well uma bisla, mana fahansana dimuqraadiyadu waxa ay tahay, dhaqankeediina ma laha . Dimuqraadiyadu guriga iyo qoyska iyo bulshada dhexdeeda ayay ka soo unkantaa oo ka soo bilaabantaa . Markaa barasho iyo tababar iyo halgan iyo waayo aragni iyo baahi loo qabo ayay dimuqraadiyadu u baahan tahay oo lagu gaadhaa. Cali Maxamed Biixi Caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore baaralamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal ka jeediyey munaasabad maanta lagu sagootinayey safiirkii dalka Jabuuti u joogay Soomaaliya ayaa raali gelin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa reer Jabuuti. Aadan Xasan Aadan oo sanadihii lasoo dhaafay madax ka ahaa safaaradda ay dowladda Jubuuti ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta laga sagootiyey Muqdisho, maadaama uu dhamaaday mudo xileedkiisii safiirnimo. Prof. Jawaari oo qeyb ka ahaa madax kasoo qeyb gashay munaasabadii lagu sagootinayey safiirka ayaa dhowr tilmaamood ka bixiyey xiriirka iyo mudnaanta ay Jabuuti siisay Soomaaliya waayihii adkaa. “Anigoo ku hadlaaya magaca odayaasha Soomaliyeed ee madaxa cad, Madaxweynaha dalka Jabuuti waxaan leenahay aad iyo aad baan galad kuugu heynaa, wax Alla waxii gardarro ah ee aad naga sheeganeyso ka raali ahoow,” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sanadihii uu hoggaanka Soomaaliya hayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa xumaa xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, waxuuna Farmaajo Jabuuti ka soo dhaweystay Ertirea oo waligeed aheyd cadawga reer Jabuuti, arrintaas waxaa aad uga carooday madaxda iyo shacabka reer Jabuuti. Guddoomiye ayaa sheegay in dalalka caalamka iskadaa walaalnimee ay isugu hiiliyaan derisnimo, “Jabuuti wax kasta waa noo tahay, waa dhiigeenii, waa deriskeenii, waa dhaqankeenii, waa luuqadeenii, isku mid ayaan nahay, waana dowladda kaliya ee wax kasta noo gashay,” ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Jabuuti ayuu ku amaanay intii uu joogay Soomaaliya inuu muujiyey shaqo wanaag iyo walaalnimo, isagoo aad ugu mahad celiyey. “Mar kasta Madaxweyne Ismaaciil waxuu noo soo xulaa, dadka xulka ah ee reer Jabuuti oo safiir uu nooga soo dhigaa, waxaana hadda ka rajeyneynaa in mid adiga oo kale ah inuu noo soo diro, anigu waxaan qorsheynayey in Sabtiga soo socda aan Jabuuti tago oo Madaxweynaha dhaho war inta doorashada aan ku jirno safiir Aadan noo daa hanoo sii joogee, laakiin waxaa la yiri waa sharci hadii waqtigu ka dhamaaday inuu baxo,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari. Sidoo kale Jawaari ayaa Danjire Aadan Xasan ka codsaday inuu noqdo safiir u maqan Soomaaliya oo akhbaar wanaagsan uga gudbiya dalkiisii Jabuuti ama dalkii kale ee loo diro. Hoos ka Daawo The post Daawo: Jawaari oo raali gelin u diray madaxweynaha Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
  10. Magaalada Boosaaso ayaa maanta laga daahfuray wejiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradah Boosaaso. Daahfurka mashruuca waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, kuwo ka socotay shirkadda dhisaysa garoonka iyo qeybo kamid ah bulshada Boosaaso. Mashruucan oo ay fulinayso shirkad lagu magaaco TISL oo hoostagta CCECC ayaa la sheegay in qeybtiisa 1-aad lagu qaban doono shaqooyinka kala ah. 1. Ballaadhinta dhabada diyaaradaha waxa lagu daridoonaa inta dhisan 800m. 2. Dhismaha wado laami ah oo laba haad ah, taasi oo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ku xirta magaalada 1.7 km². 3. Dhismaha baarkinka gawaarida (Car Parking) oo cabirkiisu dhan yahay 300×250m² oo laba jibaaran (Square). 4. Dhismaha Dayrka Garoonka oo silig adag ah (Fencing Airport) cabirkiisuna dhan yahay 9×4km 5. Dhismaha xarunta Dab-damiska (Fire House Building) 6. Dhismaha Baarkinka Diyaaradaha 7.Dhismaha qaybta Xamuulka (Cargo Terminal) 8. Dayactirka Terminaalka (Terminal renovation) 9. Nalaynta Garoonka si heer caalami ah (Airports lighting) 9. Dhiraynta iyo qurxinta Garoonka diyaaradaha Boosaaso (Planting and organizing). Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka warbixiyay mashruuca lagu hormarinayo garoonka Boosaaso. PUNTLAND POST The post Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Boosaaso oo la daahfuray appeared first on Puntland Post.
  11. Beri ayeey reer duceysteen oo adhi badan la qalay. Nin ka mid ah xertii loogu yeedhay ducadda ayaa is yidhi ducadan hilibka badan la cunayo uga faa’idee inaadeerkaa oo quraankana wax ha ka akhriyo, hilibkana wax ha ka cunee bi’i waaye ninka u yeedh kolay meel halkanuu ku saruuradaysan yahoo kolayba ishaa hilib la’aan baa u yeeshee. Kolkii ducaddii la yimid oo ninkii xerta ka mid ahaana inaadeerkii xer ahaan ku soo kaxeeyey ayaa xertii bilowday quraankii. Kolkii la wareejiyey in quraankii la akhriyo ee uu nin walba Yaasiin akhrinayey ayuun buu ninkii xerta layskaga soo daray ee inaadeerkii u yeedhay uu isagu mar walba Wal-casri ku cel-celiyaa. Kolkay dhowr jeer soo wareegtay ee uu marwalba Wal-casri ninkii akhriyey ayaa kolkii danbe ninkii Xerta ku jiray ee soo kaxeeyey ayaa si yaroo canaan leh dadkii kale oo maqlaya ugu odhanaya “Waar dee Yaasiin baa la akhriyayaa.” Dadkii oo jawaabtiisa sugaya ayaa ninkii la soo kaxeeyey odhanaya, “Waar Walcasrina quraanka ha ka saarin, anigana xerta hayga saarina!”. Waar imika Abdikariim Axmed Moogana mucaaridow ninku Mayor buu rabaaye garta oo mayornimadda ha ka saarina; waar idinkuna muxaafidoow ninku xisbi mucaarid buu ka soo baxay oo cod aynaan arag buu keenaye la shaqeeya. Saaxiibkay iyo walaalkay Cabdikariim Axmed Mooge aad iyo aad ayaan u hanbalyeeynayaa uguna duceynayaa. Waa shakhsi qiimo badan leh. Horta kulanka uu ku arkay madaxweynaha maanta waa shax wanaagsan oo uu ciyaaray. Nin cod badan ku soo baxay oo maayarnimo rabaa maaha inuu colaadaysto madaxweynaha kursiga ku fadhiya, Ilaahay ha guuleeyee, Mayor kastoo yimaadana khasab bay ku tahay inuu xukuumadda la shaqeeyo. Mayoraddii aanu berigii mucaaridka ka soo saarnay kuligood waa kuwii xukuumadda la wada shaqeeyey ee idinkuna shiciboow taasi ku biyo caba. Guul iyo Gobanimo. Source
  12. Wax ka ogow sirta la helay oo ah inaan maalqabeennada Adduunku aysan bixin canshuurta ku waajibtay Jeff Bezos, Warren Buffett iyo Elon Musk Macluumaad lagu sheegay in ay muujinayaan xaddiga yar ee ah cashuurta dakhliga ah ee ay bixiyaan maalqabeenada Maraynka ayey si sir ah ku heleen bogag caalami ah oo wararka baahiya. ProPublica ayaa sheegay in uu helay dokumentiyada cashuur bixinta ee qaar ka mid ah dadka ugu hodansan dunida oo ay ku jiraan Jeff Bezos, Elon Musk iyo Warren Buffett. Website-ku wuxuu sheegay in Bezos oo iska leh Amazon aanu bixinin cashuur, sannadkii 2007 iyo 2011, halka Musk oo leh Tesla, isna aanu waxba bixin sannadkii 2018. ProPublica waxuu sheegay in uu helay waxa uu ku tilmaamay “xog baaxad leh oo ku saabsan waaxda dakhliga gudaha” oo ku saabsan cashuurt laga qaado hantiileyaasa oo uu macluumaadkaas faafin doono todobaadada soo socda gudahooda. In kasta oo BBC-da aanay xaqiijin karin arintaas, haddana sirtaa la sheegay in la helay waxay ku soo beegmaysaa wakhti ay isa soo tarayso doodda ka taagan xaddiga cashuurta ay bixinayaan dadka hantida leh iyo kuwa aan ahayn fakhriga ee dakhligooda uu sii kordhayo. ProPublica wuxuu sheegay in 25 qof oo ugu hodansan Maraykanku ay bixiyaan cashuur yar oo celiclis ahaan ah 15.8% marka la eego hantidooda taas oo ka yar inta ay bixiyaan dadka shaqeeya ee Maraykanka. Jesse Eisinger oo ah weriye sare iyo tifaftire ka tirsa ProPublica ayaa u sheegay barnaamijka Today: “Aad baanu u yaabnaa in aanad wax cashuur ah ba bixinayn hadii aad tahay bilyaneer. Run ahaantii in aanad wax cashuura bixin dhulkay ina dhigaysaa. Dadka aadka u taajirka ahi sharciga way ka talaabsan karaan gabigiisaba”. “Waxay awood xad dhaafa u leeyihiin in ay helaan cahsuur dhimid oo ay ka faa’iidaystaan dol daloollo ka jira sharciga,” ayuu ydhi. Wuxuu sheegay in dadka hantida leh ee Maraykanka ay guriyo hanti ah iibsadaan, qaar dhistaan ama ay dhaxlaan lacag badan, ka dibna hantida ay haystaan lacago kale ku amaahan karaan. “Sababta oo ah ma garawsadaan in ay macaashka ama iibka saamiyada wax ku helaan – wax dakhli ah ma helaan oo la cashuuri karo.” “Banki bay wax ka amaahdaan oo dul saar ayaa la saaraa ka dibna taas ayay faa’iido badan ka helaan oo waxay dulsaarkaana ku helaan cashuur dhaaf”, ayuu yidhi. Qorshaha Biden Bogga daabacay warbixinta wuxuu sheegay in “adeegsiga istaraatijiyadda sharci ee cashuurta, in qaar badan oo dadka hantida badan lihi ay soo yarayn karaan cashuurta heer federaal, oo aad u yarayn karaan ba,” xataa hadii hantidooda cirka isku shareertay sanadihii u dambeeyey. Hantiileyaasu sida muwaadiniin badan oo caadiya oo kale ayay u awoodaan in ay dhimaan kharashka kaga baxa cashuurta iyaga oo adeegsanaya ururada khayriga ah ama lacag ka helaya maalgashi oo aan dakhligoodu ahayn ama mushahar ahayn. ProPublica wuxuu adeegsaday xog uu hayey waregyska Forbes waxaanu sheegay in hantida 25 qof ee ugu taajirsan Maraykanka ay wadar ahaan korodhay 401 bilyan oo doolar, intii u dhaxasay 2014 ilaa 2018, laakiin ay bixiyeen 13.6 bilyan oo cashuur ah sanadahaas. Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu kordhin doono cashuurta dakhliga ee dadka hodanka ah oo qayb ka ha qorshihiisa uu ku hagaajinayo isku dheeli tirnaanta iyo lacagaha badan ee lagu bixinayo barnaamijkiisa dhismaha kaabeyeesha dhaqaalaha. Joe Biden Wuxuu doonayaa inuu kordhiyo cashuurta dakhilga ee dadka dhaqaalaha badan uu soo galo oo uu laba-lababo cashuurta dhakhiga kuwa hatida badan ay ka helaan maalgashiga iyo dhaxalka. Balse ProPulica lafagurka uu sameeyey waxa lagu soo gabogabeeyey: “In kasta oo ay dadka Maraykanka ah ee hantida leh, sida maareeyeyaasha shirkadaha, ay bixin doonaan cashuur badan, sida uu dhigayo shuruucda maamulka Biden uu soo jeediyay. Haddana inta badan canshuurta 25 ta qof ee ugu hantida badan aanay waxba iska bedeli doonin”. Dadka hantida leh ee lagu magac ***** waa ninka samafalka lacagta ku bixya ee Geroge Soros, oo sidoo kale lagu eedeeyey inuu cashuur yar bixiyey. Xafiiskiisa ayaan jawaab ka siinin BBC, mar ay codsatay in ay su’aalo waydiisayo, laakiin warbixin uu u diray ProPublica ayuu ku sheegay in Soros aan wax cashuur ah lagu lahayn sababtuna tahay maalgashigiisii oo khasaaray. Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in muddo dheer uu taageersanaa in cashuur badan ay bixiyaan dadka ugu hantida badan Maraykanka. ‘Sharci darro’ Sida ay wararka Maraykanku tibaaxayaan, Micheal Bloomberg oo ahaa duqii hore ee New York, oo dokumentiyada sirta ah ee la helay ay ka mid ahaayeen kuwii uu cashuurta ku bixiyey, ayaa sheegay in arintaas ay dhalisay walaac laga qabo dhawrsanaanta sirta shakhsiga ah oo uu “sharciga la tiigsan doono” si loo ogaado ciddii bixisay. ProPublica oo ah website baadhitaannada ka shaqeeyay ayaa baahiyey maqaalo dhawr ah oo ku saabsan sida hoos u dhaca miisaaniyadeed ee dakhliga gudaha Maraykanka u ragaadisay awoodda dhaqan gelinta sharciyada cashuuraha ee ah in la canshuuro dadka hodanka ah iyo shrikadaha waaweyn. Warbaahinta ayaa sheegtay in ay heleen dokumentiyo sir ah oo warbixinnadan falcelin u ah. Af-hayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa sheegtay in “baahinta dukumentiyo dawladeed oo sir ah oo aanu qofku fasax u haysani” ay tahay sharci darro. Wasaaradda maaliyada af-hayeen u hadashay, Lily Adams, ayaa iyadna warbixin ay email-ka ugu dirtay Reuters ku sheegtay in arrintaa haatan loo gudbiyey FBI iyo xeer ilaalinta heer federaal iyo laba wakaaladood oo korka kala socda maaliyadda oo “dhamaantood leh awood madax banaan oo baadhitaan”. Madaxa waaxda cashuuraha gudaha ee Maraykanka, Charles Retting, ayaa yidhi: “Kama hadli karo wax ku saabsan cashuur bixiye gaar ah.” “Waxaan se sheegi karaa in ay socdaan baadhitaano ku saabsan eedahan soo baxay ee ah halka laga helay xogta ku qoran maqaaladan la shaaciyey iyo waaxda laga helay”. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta dhalinyaradii ay dowladda Soomaaliya tababarka ugu qaaday dalka Ertirea ee la waayey, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in dhalinyaradaas la iibsaday. Xasan Sheekh ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ka dalbaday in nolol iyo geeri uu meel ku soo sheego dhalinyaradaas maalin kasta waalidiintii dhashay ay wal-walka iyo cabashada banaanka la taagan yihiin. “Dhalinyaradaas waxaan ku tilmaami karaa kuwo la iibsaday, dowladii dhalinyaradaas qaaday waxaa laga la’yahay inay dadka soo hor istaagto oo tiraa war dhalinyaradii wacaalkoodu waa sidaan. War sidaasi mas’uuliyad maaha, hal nin oo dowladaan ka tirsan kuma dhaco inta warbaahinta soo istaago inuu yiraahdo dhalinyaradii aan iibsanay halkaas ayey ku dambeeyeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ragii xilalka hayey xiligii dhalinyaradaas la qaaday ee aan hadda xilalka heyn waxa uu xasuusiyey inay heystaan fursad ay dadka ugu sheegi karaan inta ay ka ogyihiin hanaankii lagu dhoofiyey dhalinyaradaas iyo xogta ay ka hayaan halka ay ku dambeeyaan. “Hooyinka maalin kasta ooynaya ee jidadka taagan xaqey leeyihiin, in caruurtoodii loo sheego halka ay ku dambeeyeen xaqey u leeyihiin, madaxweynihii hore, xukuumadda iyo ragii berigaas joogay ee aan hada joogin waa inay u sheegaan hooyooyinka halka la geeyey caruurtoodii, war dowladeena maxaa ku dhacay? Arrintaan in laga aamuso ma mudna,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “In Qaramada Midoobey ay maalin noo sheegto in dhalinyaradeenii dal kale ay dagaal ku gashay, maalina madaxda dalal kale ay noo sheegaan in dekedaheenii loo saxiixay dal kale, nagama qabato madaxda aan mas’uuliyadda u dhiibanay, madaxdu waa kuwa dadka soo hor istaaga oo u sheegay runta, xattaa hadii ay qaraartahay, wax aad qari kartaan malaha ee sheega, inta aysan gaarin meel halkaan ka sii qaraar.” Hoos ka Daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey in la iibsaday askartii loo qaaday Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo ay u dhaceen xafiiska guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliya, oo waday baaritaan la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea. Ilo-wareedyada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaatay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ay galeen xafiiska dhowr maalmood kahor, ayna qaateen qalab u badan computers iyo cajalado ay xog badan ku jirtay. Xubnaha aan la hadalnay ayaa intaas ku daray in xogta la qaatay ay ka mid tahay baaritaan la xiriira askarta ay dowladda gaysay dalka Eritrea, iyo keydkii guddiga difaaca ee sideeddii sano ee lasoo dhaafay. Ma cadda sababta loo beegsaday xafiiska guddiga, hase yeeshee waxay sida muuqata u badan tahay mid looga hortagayo baaritaanka la xiriira askarta Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea, oo arrinteeda ay aad uga sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysay. Ciidamadan oo dalka ka maqan muddo ka badan laba sano ayaan weli war rasmi ah laga hayn xaaladdooda. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ayaa xalay shaaciyey inuu hogaaminayo gal dacwadeed laga gudbinayo madaxweyne Farmaajo, gal dacwadeedkaas oo lagu baadi-goobayo dhalinyaradii tobabarka uu Farmaajo ugu qaaday Eritrea. “Waxaa go’aansaday in aan horkaco dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadi-goobayo caruur muddo 2-Sano ka badan ku maqan Eritrea,” ayuu yiri. Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa gebi ahaanba iska indho saabtay baaqyo kala duwan oo kasoo qaar kamid ah goleyaasha dowladda iyo cabashooyin dhowr ah oo ay jeediyeen waalidiinta dhalinyaradaas. Arrimahan ayaa kusoo aaday ayada o warbixin ay heshay Caasimada Online oo la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas. Warbixinta QM ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga. Warbixinta oo ka kooban illaa 17-bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya. “Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada Soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta. The post Xog: Ciidamo galay xafiiska guddiga difaaca BF, xog badanna ka qaatay appeared first on Caasimada Online.
  15. (SLT- Pretoria)-Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah, ayaa ku dhashay toddobo wiil iyo saddex hablood kadib markii lagu sameeyay qalliinka Caesarean cisbitaal ku yaalla Pretoria, South Africa. Aabbaha carruurtan Mr Tsotetsi ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Pretoria News dhalashadii carruurtiisa habeenimadii Isniinta, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay. Mr Tsotetsi wuxuu yidhi: ‘Waa toddobo wiil iyo saddex hablood. Waxay ahayd uur toddoba bilood iyo toddoba maalmood ah. Mar ay la hadlaysay wargeyska ka hor dhalashada, Ms Sithole, oo waliba leh mataano lix jir ah, ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu markii hore u sheegeen inay uur lix carruur ahleedahay . Laakiin baadhitaan dambe ayaa muujiyay inay uur leedahay sideed carruur ah. Waxay ahayd markii qalliinka lagu guda jiray in la arkay labada carruur ee kale. Ms Sithole ayaa umushay tobankan carruurta ah bil uun kadib markii haweeney reer Maali ah ay ku umushay dalka Marooko siddeed carruur ah. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7-xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashooyinka ee dhawaan la filayo inay ka dhacaan dalka. Guddiga ayaa si gaar ah xafiiska ra’iisal wasaaraha uga taageeraya arrimaha doorashooyinka oo xal waara laga gaaray daba-yaaqada bishii hore, kadib dadaallo uu sameeyey Rooble. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddigan ayaa waxa uu ra’iisal wasaaraha u dhisay sidii uu saameyn xoogan ugu yeelan laheyn xifaaltanka ka dhex aloosan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo mucaaridka. Guddiga cusub ayaa waxa uu ka shaqeyn doona isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isaga oo ka cararaya xifaaltanka ka dhaxeeya kooxda NN iyo kooxaha mucaaradka waxa uu guddiga hogaan uga dhigay Cabdiqaadir Cilmi oo 10 sano ay iskala shaqeynayeen hay’adda ILO. Cabdiqaadir oo hoggaamin doona kooxda fududeyn doonta howlaha doorashada 2021, ayaa waxa ra’iisal wasaaraha u xushay inuu hogaamiyo qof aan sirihiisa la wadaagin kooxaha siyaasadda ku hardamaya, una kasbado kalsoonida dhinacyadda kala duwan iyo beesha Caalamka, sida ay xubno ka agdhow u sheegen Caasimada Online. Magacaabista guddiga farsamada ee doorashada ayaa timid kaddib markii jahwareer ka dhashay qaabka uu Rooble uu maareynayo mas’uuliyadda loo igmaaday ee qabashada doorasho loo dhan-yahay. Madaxa Guddiga Farsamada, Cabdiqaadir oo loo yaqaano Abdul waxaa ku lamaan Avv Cumar Cabdulle Dhagey oo asaguna ah khabiir arrimaha doorashooyinka, horena u ahaa Guddoomiyhii gudigii doorashada ee 2016-ka. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa hordhac u ah qorshaha kalsooni dhiska saamileyda siyaasadda iyo waliba xoojinta wada shaqeynta beesha caalamka, oo xukuumadda u ballan-qaaday inay ka taageerayso arrimaha doorashooyinka. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan xooga saaraya in uu ka baaqsado in saameyn uu ku yeesho hirdanka madaxda sarre ee dowladda iyo mucaaridka, islamarkaana qorshaha doorashada uu sidiisa u socdo ayaga oo dhinacyadaas aysan faro-gelin ku yeelan. The post Rooble oo qaaday tallaabo muujineysa inuu u dhaxeeyo Farmaajo iyo mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  17. (SLT-Jabuuti)-Dolwadda Jabuuti ayaa dhisanaysa garoon diyaaradeed oo ka mid noqon doona kuwa ugu casrisan uguna waaweyn geeska Afrika, kaas oo loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Allaha u naxariistee Xasan Guuleed Abtidoon. Marka laga soo tago in gooroonka uu noqon doona mid fududeeya adeegyo badan oo dhanka gobalka ah, isla markaana uu soo kordhiyo bilic wanaagsan, haddana waxaa la rajeynayaa inuu qayb weyn ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada reer Jabuuti xilli ay dalka ka jirto shaqo la’aan baahansan oo haysta da’yarta. Dolwadda Faransiiska ayaa fulinaysa dhismaha garoonkan, iyadoo labada madaxweyne ee Macron iyo Geelle ay dhawaan ka wadahadleen mashruucaan lagu dhisyo gegidaan diyaaradaha. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqosho ku tagay dhawaan dalka Faransiiska, ayaa halkaa kula kulmay dhigiisa dalkaas Emmanuel Macron, waxayna labada madaxweyne ka wadahadleen arrimo uu ka mid yahay dhismaha garoonkan oo dowladda Faransiiska ay ka caawineyso Jabuuti dhaqaalaha lagu dhisayo. Danjiraha dowladda Faransiiska u fadhiya Jabuuti, Arnaud Guillo, ayaa sheegay in tallaabadan loogu dhisayo Jabuuti garoonka cusub ay tahay mid weyn oo u furaysa waji cusub oo xiriirka ka dhaxeeya labada dal ah. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah usoo dhoweeyey shaqada hordhaca ah ee ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Guddigaas ayaa go’aamiyey in 34 xubnood laga saaro guddiyada doorashada, hase yeeshee waxay ka tageen 33 xubnood oo kale oo ka mid ahaa 67-ka xubnood ee ay cabashada ka keeneen Midowga Musharaxiinta Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay “in golaha uu si taxaddar leh usoo dhoweynayo shaqada hordhaca ah ee ay qabteen guddigaas,” balse waxay soo jeediyeen dalab cusub. “Golaha Midowg Musharaxiinta waxey soo dhoweeynayaan dadaaladda dhaqan-gelinta heshiiskii doorashada 27-kii bishii Maajo lagu gaaray magaalada Muqdisho ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri qoraalka. Golaha ayaa dalbaday in guddiga xaqiiqo raadinta uu si daah-furan oo madax-banaan u soo bandhigo habraaca iyo hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed. Sidoo kale waxa uu Golaha Midowga Musharaxiinta qoraalka maanta ku dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hanaan daah-furan oo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka. Waxay arrintaas dalbashadeed ku sababeeyen si looga hortago in markale ay guddiyada doorashada kamid noqdaan xubono ka tirsan shaqaalah rayidka ah ee Dowladda, Ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah. The post Midowga musharaxiinta oo dalab adag soo saaray kadib go’aankii 34 xubnood looga saaray gudiyada doorashada appeared first on Caasimada Online.
  19. MOGADISHU(HOL) - A team of seven individuals will help Prime Minister Mohamed Roble in leading the preparations and conduct of elections set to happen in less than two months from now. Source: Hiiraan Online
  20. Liiska Jaamacado ku yaalla Somalia & Somaliland oo Turkigu aqoonsaday Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday liiska illaa 41 jaamacadood oo ku yaalla gudaha Somalia & Somaliland kuwaas oo helay aqoonsiga dalkaasida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda Tacliinta sare ee Turkiga ee loo yaqaano YOK. Halkan Hoose ka akhri Liiska 41 Jaamacadood ee Turkigu aqoonsaday:- Qaran News
  21. Muxuu soo kordhinayaa Garoonka Casriga ah ee laga dhisaayo Jabuuti?+Caynkuu u ekaan doono Habka uu noqonayo Garoonka cusub ee laga hirgalinayo Jabuuti Dolwadda Jabuuti ayaa dhisanaysa garoon diyaaradeed oo ka mid noqon doona kuwa ugu casrisan uguna waaweyn geeska Afrika, kaas oo loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Allaha unaxariistee Xasan Guuleed Abtidoon. Marka laga soo tago in gooroonka uu noqon doona mid fududeeya adeegyo badan oo dhanka gobalka ah, isla markaana uu soo kordhiyo bilic wanaagsan, haddana waxaa la rajeynayaa inuu qayb weyn ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada reer Jabuuti xilli ay dalka ka jirto shaqo la’aan baahansan oo haysta da’yarta. Dolwadda Faransiiska ayaa fulinaysa dhismaha garoonkan, iyadoo labada madaxweyne ee Macron iyo Geelle ay dhawaan ka wadahadleen mashruucaan lagu dhisyo gegidaan diyaaradaha. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqosho ku tagay dhawaan dalka Faransiiska, ayaa halkaa kula kulmay dhigiisa dalkaas Emmanuel Macron, waxayna labada madaxweyne ka wadahadleen arrimo uu ka mid yahay dhismaha garoonkan oo dowladda Faransiiska ay ka caawineyso Jabuuti dhaqaalaha lagu dhisayo. Danjiraha dowladda Faransiiska u fadhiya Jabuuti, Arnaud Guillo, ayaa sheegay in tallaabadan loogu dhisayo Jabuuti garoonka cusub ay tahay mid weyn oo u furaysa waji cusub oo xiriirka ka dhaxeeya labada dal ah. “Waxa aan furnay bog cusub oo ku sabsaan dhismaha Garoonkan cusub, waxaan sameyn doonnaa qiimeyn qoto dheer oo ku sabsaan mashruacaan iyo kharashka ku baxaya iyo sida uu dhismaha garoonka noqon doono”, ayuu yiri Danjire Guillo. Wuxuu intaas ku daray in qiimeynta ay samayn doonaan natiijadeedu ay noqon doonto mid wax ku ool ah. Dowladda Faransiisku waxay ku tilmaantay barnaamijkaan lagu dhisyo garoonka diyaaraduhu mid muhiim ah oo ujeedo dhanka mustaqbalka ah laga leeyahay. Arnaud Guillo wuxuu yiri: “Waxaa jirto aragti dheer oo ku sabsaan dhanka maalgashiga iyo gaadiidka. Markii ay dhawaan kulmeen madaxweynaha Faransiiska, Macron iyo Madaxweyne Geelle, waxay ka wadahadlen masharuucan ay sida wada jirka ah u fulinayaan labada dal ee muhimka ah”.Garoonkaan habka caalamiga ah loo dhisayo howshiisu waxaa ay qaadan doonta muddo laba sano iyo bar ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood ee Jabuuti iyo Faransiiska, wuxuuna noqon doonaa garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Jamhuuriyadda Jabuuti. Garoonka cusub ee laga dhisyo dalka Jabuuti Maxaa laga filayaa inuu soo kordhiyo Garoonkaan la dhisayo? Inkasta oo muddooyinkii u dambeyay aaney dowladda Faransiisku wax mashaariic ah oo waaweyn ka fulin dalka Jabuuti, haddana waxaa muuqata in ay bilowday in dalkaas ay barnaamjiyo caaqibo leh ka fuliso, kuwaas oo loo arko wakhtigaan kuwo muhiim ah oo wax badan ku soo kordhin doono gobalka ugu yar Geeska Afrika. Agaasimaha maamulka dekadaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Haadi, ayaa sheegay in go’aanka lagu dhisayo garoonkan uu yahay mid horseedi kara horumar. “Faransiisku waxaa moodaa inuu dhanka maalgashiga iyo dhaqaalaha uu ka yara gaabiyay balse iminka xoogbuu u soo noqday,” ayuu yiri. “Mashruucaani waa mid balaaran, waxaana qeyb ka ah dhismaha dekado iyo wadooyin, waxaan iminka ku daraynaa garoonka oo shaqadiisa ugu weyn ay noqon doonto badeecadaha,” ayuu yiri Haadi. Mashruucaan marka la dhamaystiro ayaa la rumeysanyahay inuu fursad shaqo abuur u noqon karo dallinyaro badan oo wax bartay, balse aan hadda haynin wax shaqo ah. Balse Cabdalla Cabdow oo ah dhaqaaleyahan reer Jabuuti ah ayaa qaba inuu dhismaha garoonka uu soo kordhinayo bilic wanaagsan, isla markaana tallaabada lagu dhisayo ay tahay aragti wanaagsan. Balse wuxuu sheegayaan in ay jiraan waxyaabo ka wanaagsan oo uga manaafacaad badan dhalinyarada reer Jabuuti ee shaqo la’aanta haysato. Wuxuu sheegay in dhismahaan oo kale oo ay ku baxayso lacag badan oo loo baahanyahay in laga fikiro lana eego adeegyada kale ee bulshadu u baahantahay ee baahidoodu dalka ka jirto. “Maanta garoonkan laga dhisayo Baciidley muxuu faa’iido u leeyahay dalka. Waa wax wanaagsan oo qurux ah, waana bilicda dalka ku soo biirtay.” “Balse waxyaabo ka muhiimsan bilicdaas ayaa jira ;waxaa weeyaan dalxiisayaal Jabuuti ma yimaadaan, sababtoo ah waxaa ka horreeya in la sameeyo meel dalxiis ah. Marka waa in laga fikiraa lacgata ku baxaysa iyo macaashka kaa soo galaya,” ayuu yiri Cabdalla Cabdow. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xiisada ka taagan guddiga doorashada oo dhawaan qaar kamid ah dib loogu celiyay dhinacyadii soo magacaabay, halka kuwa kale lagu waayey eedeyntii ay u jeediyeen mucaaridka. Yuusuf Garaad ayaa dhinacyada u soo jeediyay in natiijada kasoo baxday dacwadii guddiga doorashada aysan niyad jab ku noqon, islamarkaana ay u arkaan sida danta guud ku jirto. Sidoo kale waxa uu fariin u direy xubnihii hore ee guddiga doorashada iyo kuwa cusub ee lagu soo dari doono, musharaxiinta iyo madaxda sarre ee dowladda. Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad Xubnaha Guddiga doorashada laga saaray, midkii ku qanacsan in sababta looga saaray ay sax tahay iyo midka tuhunsan in lagu xadgudbay, labadaba waxaan u soo jeedinayaa in aanay niyad jab ku noqon. U arag waxa hardamayaa in ay yihiin maroodiyaal ayagu isu muuqda oo daaqsin iyo daafaca raxantooda ku loollamaya. Ha u macneysan in si shakhsi ah laguula diririrsan yahay. Ka raac ujeeddada guud oo ah in sida la isku waafaqaa ay tahay sida danta guud ay ku jirto. Ka dhigo waaya aragnimo aad wax ka barato. Xubnaha kale ee Guddiga iyo kuwa lagu soo dari doono waxaan iyaga kula dardaarmayaa in ay xusuustaan waajibka saaran. Qofka Guddiga kugu soo daray, midka ku faraxsan ee kugu daafacaya, kan raba in uu sallaan kaa dhigto, kuwa ku dhibsanaya amaba ku colaadinaya, kan laga yaabo in uu wax kala beddeleasho kuula diyaar yahay, intaba xusuusnow in aan midkoodna kaa dhaqi karin haddii aad caddaalad darro sameyso. Ogow in Soomaali badani ay si dhow indhaha ugu hayso kursi iyo murashax kasta. Ogow in la qiimeyn doono sida aad u dhaqanto. Taa ka sokow, Xusuusnow in aan dadka tartamaya iyo kuwa daba taagan aan midkoodna qabriga kula geli doonin. Muddada dhexe iyo xilliga fogba, caddaalad falka ayaa ka macaan, ka faa’iido iyo sharaf badan, ajar leh kana hurdo wanaagsan eexda iyo wax isdaba marinta. Iska xakamee nin jecleysi oo Murashax aad caashaqday iyo dhuuni raacnimo midna yaaneey ku qaadin. Caro iyo aargoosina ka fogow. Godob ha gelin. Hana la noolaan dakano. Hadda ayaad go’aan leedahay ee ka fiirso inta aadan falin. Gacantaada ha isku cadaab geyn. The post YUUSUF Garaad oo farriin u diray xubnihii laga saaray guddiyada doorashada appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.