-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay kusii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka kahor. Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Tigray-ga. Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray. Hase yeeshee qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta gobolka ayaa waxaa haysta ciidamada maamulka deriska la ah ee Amxaarada. Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii Reuters u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta Mekelle, ayna kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur kasii xigta. Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, kama uusan hadlin cidda maamuleysa magaalada Korem mar ay wax ka weydiisay Reuters, hase yeeshee wuxuu farriin qoraaleed ku yiri “waxaan ku dhowaaqnay xabad-joojin,” isaga oo ila jeeda xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday kadib markii ay ciidankeeda kala baxday Mekelle. TPLF ayaa xabad-joojintaas ugu yeertay “kaftan”. Afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, iyo madax howlgalka dowladda ee Tigray labaduba kama jawaabin codsi ay u dirtay Reuters oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadlaan. Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro. REUTERS + VOA The post Ciidamada TIGRAYGA oo qabsaday magaalo muhiim ah kuna sii siqaya koonfurta appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Tigrayga oo shaaciyey inay Magaalo ka qabsadeen Ciidanka Itoobiya,kuna sii sinqayaan Dhinaca….. Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay kusii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka kahor. Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Tigray-ga. Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray. Hase yeeshee qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta gobolka ayaa waxaa haysta ciidamada maamulka deriska la ah ee Amxaarada. Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii Reuters u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta Mekelle, ayna kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur kasii xigta. Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, kama uusan hadlin cidda maamuleysa magaalada Korem mar ay wax ka weydiisay Reuters, hase yeeshee wuxuu farriin qoraaleed ku yiri “waxaan ku dhowaaqnay xabad-joojin,” isaga oo ila jeeda xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday kadib markii ay ciidankeeda kala baxday Mekelle. TPLF ayaa xabad-joojintaas ugu yeertay “kaftan”. Afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, iyo madax howlgalka dowladda ee Tigray labaduba kama jawaabin codsi ay u dirtay Reuters oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadlaan. Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro. Reuters Qaran News
-
Itoobiya oo heshiis milateri la gashay Ruushka Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari ka dib wadahadal saddex maalmood qaatay, sida ay sheegtay warbaahinta Fana News. Waaxda dhaqaalaha ee ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa saxiixay heshiiskan, kaas oo ay ku sheegtay inuu sare u qaadi doono “xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.” Heshiiska ayaa sida la sheegay diirada lagu saari doona kor u qaadida aqoonta, difaaca, iyo awooda farsamada ciidamada difaaca. Siyaasada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa dhawaan u wareegtay dhanka Ruushka iyo Shiinaha taas oo ka dhalatay cadaadis xoog leh oo kaga yimid dhanka dawlada Maraykanka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray. Bishii May, taageerayaasha ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxay sameeyeen mudaaharaad looga soo horjeedo Mareykanka oo ka dhacay caasimadda, Addis Ababa, iyo waddamada reer galbeedka, iyagoo ku cambaareeyay madaxweyne Joe Biden. Dibadbaxayaasha ayaa u sacab tumay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping. Maamulka Biden ayaa xayiraad ku soo rogay fiisooyinka iyo kaalmada dhaqaale ee dowladda Itoobiya dagaalka. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo xalay kulan la qaatay guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa u gudbiyey dalab la xiriira arrimaha doorashooyinka. Axmed Madoobe oo ugu horeyntii Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay hayaan, ayaa ku dhiirigeliyey inay si hufan u qabtaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ka dalbay inay qabtaan doorasho wada-ogol ah oo xor iyo xalaal ah. Xubnihii ka socday Guddiga doorashada Jubbaland ee la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda ballan-qaaday inay qaban doonaan doorasho xor iyo xalaal ah, sida uu ka dalbaday. Sidoo kale waxa uu Guddiga ka codsaday madaxweynaha Jubbaland inay ka heleen maamulkiisa wada-shaqeyn, si ay si fudud ugu gutaan waajibaadka loo igmaday. Waxaa si habsami leh u socota dar-dar gelinta hanaanka doorashooyinka, xili uu dhawaan ra’iisal wasaare Rooble uu booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Si kastaba, waxaa lagu wadaa sida uu qorshuhu yahay in dhamaadka bishaan July in doorashada Senatarada Aqalka Sarre ay ka dhacdo qaar kamid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya. The post Guddiga doorashada Jubaland oo fulinaya dalab uu u gudbiyey Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqaday go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska la-yaabka lahaa ee loo heystay Cabdifitaax Cali Cumar oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo si gaar ah dhac baahsan ugu geystay gabdho badan oo Soomaaliyeed. Cabdifitaax ayaa ugu horreyn ka shekeeyey taariikhdiisa, maadaama uu horey u soo noqday Imaam iyo sidoo kale macalin dhiga Madaraso lagu barto Qur’aanka Kariimka. Ugu horreyn wuxuu sheegay inuu dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha qaxootiga aaday 2008-dii, kadibna uu arday ka noqday halkaasi, ugana sii gudbay magaalada Gaarisa oo uu ka galay Jaamacad, isaga oo ka bartay Culuumta Diiniga ah, sida uu shaaciyey. Kadib wuxuu tilmaamay inuu Macalin ka noqday Madaraso, sidoo kalena uu Imaam ka ahaa masjid ku yaalla halkaasi, isla-markaana uu sanado kadib uga sii gudbay Nairobi. Sidoo kale Cabdifitaax Cali Cumar oo ka hor hadlayey maxkamadda ciidamada ayaa ka hadlay kiis kale oo lagu soo oogay oo ahaa inuu yahay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, wuuna beeniyey, balse wuxuu qiray inuu xiriir iyo la macaamil oo kaliya la sameeyey xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay is yaqaaneyn, kuwaas oo ‘ku dayey inay tashkiiliyaan’. Cabdifitaax oo sheegay inuu ka tirsan Urur Diimeedka Ictisaam ayaa shaaca ka qaaday in xittaa masaajida ay kala lahaayeen ragga ka tirsan Al-Shabaab ee doonayey inay tashkiiliyaaan,wuxuuna tilmaamay inuu ka diiday ku biiristooda, siduu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in uu isaga soo tegay magaalada Nairobi, gaar ahaan markii gacanta lagu dhigay mid ka mid ah raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ay wada xiriiri jireen, si aan loo qaban, wuxuuna Muqdisho ku soo laabtay, sanadkii 2015-kii, isaga oo degmada Dharkenley ka furtay Malcamad weyn oo lagu barto Diinta Islaamka. Intaasi, kadib waxaa mar qura is-bedalay Cabdifitaax oo noqday burcad dhac ka geysta caasimada, wuxuuna sheegay in is-bedalkiisa uu sababay daawashada Filim Hindi ah oo ay jilayeen saddex Atoore oo aan hubeysneyn, balse lacag baad ah ka qaata dowladda, sida uu ka hor sheegay maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku ridday. Cabdifaax ayaa tan iyo markaas wixii ka dambeeyey bilaabay inuu si farsameysan ku dhaco gabdhaha Muqdisho, isaga oo xeelado kala duwan adeegsanaya, sida inuu haasaawe la sameeyo, kadibna uu ka qaato moobilka, ama inuu wadada kula kulamo isaga oo gaari wata, kadibna uu ka codsado taleefoon uu ku hadlo, sidaasna uu uga qaato. Maxkamadda ciidamada oo kiiskan gacanta ku heysay tan iyo 30-kii bishii June ayaa ugu dambeyn ku dhowaaqday go’aanka kama dambeysta ah, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay xabsi ciidan oo 10 sano ah, halka Nuur Cali Xasan oo caawiye u ahaa, una geyn jiray Moobeelada, si uu ugu iibiyo lagu xukumay 2 sano oo xabsi ciidan ah. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xukunsanayaasha haddii aysan ku qanacsaneyn go’aankan ay qaadan karaan racfaan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka. The post Daawo: Imaamkii hore ee gabdhaha MUQDISHO dhici jiray oo xukun adag lagu riday appeared first on Caasimada Online.
-
Dubai's DP World said on Monday an arbitration tribunal in London ruled that Djibouti's port company, Port de Djibouti S.A. (PDSA) breached a joint venture agreement over a container terminal with DP World by wrongfully attempting to end it. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa heshiis Iskaashi Millatari ah la gashay dowlada Ruushka, iyadoo heshiiskuna uu yahay mid la xidhiidha Aqoonta Ciidan, Difaaca, Awoodda farsamo iyo qalabka ay adeegsanayaan. Heshiiskan ayaa yimid kadib shir saddex cisho ah oo labada dowladood ay yeesheen,sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee FANA. Maamulka Abiy Ahmed ayaa ka codhooday go’aanka Mareykanka ee xayiraadda socdaalka looga joojiyay Saraakiisha Dowladda ee ku eedeysan dhibaatooyinkii ka dhacay Ismaamulka Tigray ee dhaca Waqooyiga Itoobiya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku tilmaamay dowlada Maraykanka inay garab u tahay dowlada Maraykanka dalalka Masar iyo Suda khilaafka ka jira dhismaha biyo xidheenka Nile. Mareykanka waxa uu garab xooggan Itoobiya ku siiyay dhinacyada Millatariga, dhaqaalaha iyo arrimo kale, balse xidhiidhkooda ayaa xumaaday kadib markii November 2020 Abiy Ahmed uu amray in dagaal lagu soo afjaro Xoogagga Tigray oo ka soo horjeeste dib u dhigista doorashada dalka Itoobiya. Source
-
Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf sababay inay noqdaan laba garab oo iska soo horjeeda, kadib ay isku qabteen wax ka bedal lagu sameeyey xeer hoosaadka golahaasi. Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Axmed Kuluc) oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey waxa sababay in haatan ay xildhibaanadu labo garab u kala jabaan, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da. Kuluc ayaa shaaca ka shaaca in ansixinta wax ka bedalka lagu sameeyey xeer hoosaadka golaha loo maray hanaan baal-marsan sharciga, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan lasoo marsiin heerarkii loogu-talagalay, sidoo kalena aysan ka doodin xildhibaanada Puntland. “Waxa aan isku heyno waa sharciyad, Xeer hoosaadka la bedalay waa mid hab qaldan loo maray, Guddiga mooshinka keenay ma saxiixin, lama soo marin Guddiga wax ka badalka sameeyay, lagama doodin oo si sharci darro ah ayaa lagu meel-mariyay” ayuu yiri. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay saameynta ka dhalan karta go’aanka cusub ee la meel-mariyey, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xildhibaan walba oo Puntland soo mara uu helayo maamuus gooni ah, balse wuxuu su’aal ka keenay halka dhaqaalaha looga keenayo. Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xeerkii hore uu kaliya maamuus siinayey guddoonka, hadase xildhibaanada oo dhan laga dhigay. “Haddii Xildhibaan weliba oo Puntland soo mara uu helayo xuquuq maamuus halkee ayaa looga keenayaa dhaqaalaha ku baxaya, Xeerkii hore waxa uu hab maamuus siinayay Guddoonka oo keliya balse haddii Xildhibaannada oo dhan laga dhigo dabcan dhaqaale looma helayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan. Si kastaba, waxaa marar badan banaanka u soo baxay khilaaf ka dhex aloolsan xubnaha baarlamaanka Puntland, waxaana horey u jirtay in mooshin lasoo abaabulay lagu ridday guddoomiyihii hore ee golahaasi Dhoobo Daareed oo ay is qabteen madaxweyne Deni. The post Xildhibaanada PUNTLAND oo laba garab u kala jabay – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye ayaa waxaa uu saxiixay miisaaniyadda dowlad gobleedka Galmudug ee 2021/22. Miisaaniyad sanadeedka oo gaareysa $27 million ayuu baarlamaanka maamulkaasi anisixyey June 24, 2021 halka uu haatan saxiixay madaxweyne Axmed Kaariye Qoor-qoor. Sida ku cad shaxda miisaaniyadda ee Galmudug, dowladda dhexe ayaa bixin doonta qarashka inta badan iyada oo qaab deeqo iyo gargaar caalami ah u heleysa. Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ay si gaar ah Galamudug u siin-doontaa $1.8 million, halka lagu qiyaasay deeqaha ay maamulkaasi ka filayaan Bangiga adduunka iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah ilaa $14 million, canshuurta laga qaado reer Galmudug waxay miisaaniyadda ka tahay uun 26% ($7 million). Sida aad ku arki karto shaxda miisaaniyadda Galmudug 2021/22 , qarashka inta badan waa mushaaraad iyo arrimo la xiriira amniga, waxaana kooban adeegyada. Marka qarashkii $27 million ahaa loo qeybiyey wasaaradaha, hey’adaha iyo xafiisyada kala duwan ee Galmudug waxaa qeybta ugu weyn helay wasaaradda amniga ee Axmed Maclin Fiqi oo la tagtay ($4.9 million) taas oo u dhiganta 18% oo miisaaniyadda oo dhan ah, waxaa ku xiga wasaaradda maaliyadda, Wasiir Farxaan Cali Maxamuud iyo kooxdiisa waxaa ku baxeysa $3.7 million halka xafiiska madaxweyne Qoor-qoor ay ku baxeyso ($3.6 million. Baarlamaanka Galmudug ee uu hoggaamiyo Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa ku bixi doona qarasha dhan $1,851,516,00,wasaaradda waxbarashada ($2.3 million), Wasaaradda caafimaadka ($1.5 million) wasaaradda biyaha iyo tamarta ($794,000), Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska: ($1,104,260.00), Wasaaradda arrimaha gudaha: ($2,076,004.75) Inta soo hartay wasaaradaha iyo xafiisyada kale ee dowlad goboleedka Galmudug waxay miisaaniyadda ama qoondada ku leeyihiin 1%. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Tigrayan forces claimed Tuesday to have launched a new offensive in the conflict-torn northern region of Ethiopia, two weeks after the federal government declared a unilateral ceasefire in the face of rebel advances. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi ah ku ridday laba nin oo loo heystay in ay dhac ka geysanayeen magaalada Muqdisho. Raggan oo ay dacwadoodu soo socotay mudda dheer ayaa dhawaan maxkamadda u fadhiisatay dhageysiga gal-dacwadeedka labada eedeysane. Cabdifitaax Cali Cumar iyo Cali Xasan oo labaduba ay dhibanayaal u ahaayeen dad shacab ayaa maxkamadda ku kala xukuntay xabsiyo ciidan, Eedeysanaha koowaad Cabdifitaax Cali Cumar oo maxkamadda ka hor qirtay in inkabadan 30 haween ah uu dhac ugu geystay magaalada Muqdisho ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan. Halka Cali Xasan oo isagu loo heystay in uu Cabdifitaax Cali Cumar u iibin jiray moobilada iyo agabyada kale ee uu dadka shacabka ah ka soo dhaco lagu xukumay 2 sano oo xabsi ciidan ah. Guddoomiyaha maxakamdda ciidamada qalabka sidda gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedeysane. Maxkamadda ayaana sheegtay in eedeysanayaasha ay u furantahay 30 maalmood oo ay racfaan ku soo dalban karaan. Sikastaba eedeysanayaashan ayaa ka mid ah inkabadan 20 edeysane oo ay ciidamada Ammaanka gacanta ku soo dhigeen xilli ay dhac u geysanayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Caasimadda ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Nasiriya ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ugu yaraan 52 qof ay dhinteen kadib markii dab uu ka kacay Isbitaal ku yaallo martamaha magaalada Nasiriya. Dabka ayaa dhashay kadib markii uu qarxay keydka Oksajiinta ee isbitaalka, waxaana isbitaalka uu ahaa mid lagula tacaallo dadka uu soo rito xanuunka Corona Virus. Isbitaalka dabka uu ka kacay ayaa lagu magacaaba Al-Hussein waxa uuna ku yaalla koonfurta magaalada Naasiriya ee dalka Ciraaq. “meydadka 52 la soo saaray halka 22 qof oo dhaawac ah isbitaalada la geeyay kadib markii haamaha Oksajiinta ay qarxeen” ayuu yiri Haydar al-Zamili, oo ah afhayeenka maamulka caafimaadka ee magaalada Nasiriya. “Dadka dhintay ayaa waxay u dhinteen gubasho welina baaritaanka waa socdaa,”ayuu intaas hadalkiisa ku sii daray Haydar al-Zamili. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxa soo baxaya warar ku saabsan, in xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay isu diyaarinayaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha maxkamadda sare, haddii uu fara-gelin ku sameeyo muranka ka taagan wax-ka beddelka xeer-hoosaadka golaha. Dad lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in mudanayaasha Baarlamanku ay u diyaar-garoobeen mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyaha maxkamadda sare Nuur Ciise Maxamed haddiiba uu fara-geliyo wax-ka beddelka xeer-hoosaadka. Xukuumadda Puntland iyo xildhibaanno taageersan, ayaa doonaya in laga laabto wax-ka beddelka xeer-hoosaadkan, islamarkaana maxkamadda sare loo gudbiyo, si ay go’aan kama dambays ah uga gaarto, maadaama aan weli la dhisin maxkamad dastuuriya. Hase yeeshee, guddoonka Baarlamanka iyo xildhibaanno badan oo taageersan, ayaa diidan in laga laabto wax-ka beddelka xeer-hoosaadka golaha oo dhigaya in guddoonka iyo mudanayaasha ay xasaanada ku waayi karaan 44-cod. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in mooshin ka dhashay muranka xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Dastuurkii 20 Jun 1961ee ogol shacbigu ugu codeeyey 90.58% iyo xeer hoosaadkii doorashooyinkii JS waxa ay fursad siinayeen ama u ogolaanayeen in murashax kastaahi ka loolami karay isku xili dhawr doorasho deegaan doorashooyinkii dalkeena 1964 iyo 1969kii ee xiligii Dawladihii rayidka. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Muqdisho)-Cabdimaalik Cabdallahi Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Wiilkan oo ahaa 20- jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay. Cabdimaalik waxaa lagu dilay Toorey, waxaana ku dilay wiil kale oo ay dagaalameen, kaas oo isku xaafad ay ka degaanaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Ehellada Cabdimaalik Cabdullahi Xasan ayaa sheegay in marxuumku uu 17 maalmood oo kaliya joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo reerahooda ay degan yihiin. 10 -kii bishii hore ee June ayaa Cabdimaalik iyo laba wiil oo kale waxaa muuqaallo lagaga duubay soo bandhigtay warbaahinta Puntland, waxayna sheegeen xilligaas inay ka soo baxsadeen dalka Eritrea, halkaas oo tababar ay ku qaadanayeen mudo laba sano ah. Aabihiis Cabdullahi Xaaji Xasan ayaa xaqiijiyey in maanta ay wiilkiisii Cabdimaalik ku soo aaseen xabaalaha Calamada ee duleedka degmada Afgooye. Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay Cabdimaalik markii ay kasoo laabteen Eritrea Source
-
Xubin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA. Xubintan oo uu magaciisa Af-garashadu ahaa Careys, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-shabaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab. Calas Axmed Xirsi, oo loogu yeeri jiray (Careys), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay dhibaato ay ku hayaan dadka degaanka. Calas oo haatan gacanta dowlada ku jira 7-cisho, ayaa sheegay in uu ka soo dagaallamay degaano ka Tirsan Galmudug oo uu kooxda kala shaqeynayay. PUNTLAND POST The post Xubin ka tirsan Al-shabaab oo isu dhiibay Booliiska Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Mobile operator Hormuud Telecom plans to increase its 4G telecom coverage to 100% by 2023. Ahmed Mohamud Yuusuf, the company's chief executive officer, announced the program last July 8. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Shir ay Kismaayo ku yeesheen golaha amniga Jubbaland, isla-markaana uu guddoomiyey madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa digniin culus loogu diray odayaasha iyo dadka kale ee la macaamila kooxda Al-Shabaab. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya deegaanada maamulkaasi. Jubbaland ayaa sidoo kale ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka u fartay in aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab, maadaama la galayo doorasho guud. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu amray hay’adda nabad sugida inay tallaab adag ka qaado cid kasta oo jabisa go’aankan ka dhanka ah la macaamilka Al-Shabaab. “Waxaa la farayaa wasaaradda amniga in ay gudato waajibaadkeeda kormeerka, dabagalka iyo hubinta habsami u socodka shaqada howlaha amniga, warbixin joogta ahna u soo gudbiso madaxtooyada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland. Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay weli ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab, waxaana go’aankan uu ku soo aadayaa, xilli haatan la aadayo doorashooyinka dalka. Si kastaba go’aankani ayaa waxaa looga gol-leeyay sidii loo xakameyn lahaa in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato doorashada soo socota, maadaama ay horey ugu yeereen qaar ka mid ah ergadii wax kasoo xulay baarlamaanka haatan uu dhammaaday muddo xileedkiisa, isla-markaana dhalisay ku aadan in Al-Shabaab ay ku dhex-milmi karaan dowladda soo socota. The post Jubbaland oo digniin ka soo saartay la macaamilka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Cabdimaalik Cabdallahi Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Wiilkan oo ahaa 20- jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay. Cabdimaalik waxaa lagu dilay Toorey, waxaana ku dilay wiil kale oo ay dagaalameen, kaas oo isku xaafad ay ka degaanaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Ehellada Cabdimaalik Cabdullahi Xasan ayaa sheegay in marxuumku uu 17 maalmood oo kaliya joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo reerahooda ay degan yihiin. 10 -kii bishii hore ee June ayaa Cabdimaalik iyo laba wiil oo kale waxaa muuqaallo lagaga duubay soo bandhigtay warbaahinta Puntland, waxayna sheegeen xilligaas inay ka soo baxsadeen dalka Eritrea, halkaas oo tababar ay ku qaadanayeen mudo laba sano ah. Aabihiis Cabdullahi Xaaji Xasan ayaa xaqiijiyey in maanta ay wiilkiisii Cabdimaalik ku soo aaseen xabaalaha Calamada ee duleedka degmada Afgooye. Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay Cabdimaalik markii ay kasoo laabteen Eritrea Source