-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muuqaal: Xijaar iyo Sakiya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaad 50 gabdhood oo ka tirsan ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad tababar ugu dirtay dalka Turkiga. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo mas’uuliyiinka ayaa galabta garoonka diyaarahada ee Aadan Cadde ku sagootiyey ciidankan oo dhan 49 gabdhood oo muddo ku jiray xerada Gen. Kaahiye ee Muqdisho. Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ay soo qaadanayaan tababar heerkiisu sareeyo oo la xiriira sida ciidamada gaar ah u howlgalaan, wuxuuna intaas ku daray in lagu soo xulay aqoon, da’d iyo dulqaad. Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Gen. Sakiya Xuseen ayaa gabdhaha ciidanka kula dardaarantay in ay wax u soo bartaan sidii ay dhibaatada uga saari lahaayeen dadkooda, gaar ahaan haweenka. PUNTLAND POST The post Gabdho ciidan ah oo tababar dibada loo qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, waxaa kulan qarsoodi ah magaalada Muqdisho ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, kulankaas oo ay ku wehliyeen siyaasiin kale oo reer Hiiraan ah. Wasiirkii hore ee waxbarashada Goodax ayaa 3-dii December 2020, wuxuu weerar culus oo qabyaaladeysan ku qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo ku tilmaamay “nin aan u qalmin inuu madaxweyne noqdo, oo qabyaalad ay ka buuxdo, oo miyiga kusoo koray.” “Waa nin neceb isir iyo daad gaar ah, wuxuuna ka keenay dhaqanka miyiga. Wuxuu beel gaar ah [Beesha Xawaadle] madax u geliyey beelaha kale ee gobolka, oo uu ka dhaadhiciyey inay nacaan, oo ay cadowgooda yihiin,” ayuu yiri Goodax Barre xilligaas. Kulanka lagu heshiisiiyey Guudlaawe iyo Goodax ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ujeedada kulanka lagu sheegay in uu ahaa mid xal loogu raadinayo diidamada beesha Xawaadle ee tagitaanka Cali Guudlaawe ee magaalada Beladweyne iyo sidii loo dhameen lahaa khilaafka labada masuul. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qorsheeyay in uu marka hore si gaar gaar iyo koox koox ah u kulansiiyo siyaasiinta Xawaadle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe waxaana xoogga la saaray in marka hore laga bilaabo xubnaha maal-geliyo ama sida weyn u taageero Jabhada Janaraal Xuud. Kulankii dhaxmaray Cali Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre islamarkaana uu goob joogga ahaayeen siyaasiin kale ayaa la sheegay in lagu heshiisiiyay labada dhinac oo markii hore khilaaf adag u dhaxeeyay. Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in sidoo kale ay Muqdisho ka dhacaan kulamo kale oo xal loogu raadinayo arrimaha HirShabelle. The post Xog: Goodax Barre iyo Cali Guudlaawe oo la heshiisiiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Jubaland ayaa digniin adag u dirtay odayaasha dhaqanka iyo cidwalba oo xiriir la yeelata ururka Al-shabaab, waxayna sheegtay in cidii jabisa go’aankan ay talaabo ka qaadi doonto. Go’aankan ayaa waxaa soo saaray Golaha Amniga Jubaland oo maanta yeeshay shir uu guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga doorashooyinka. Jubaland waxay sheegtay in ay joogtaynayso shir maalinle ah oo looga hadlayo arrimaha amniga doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo digniin u dirtay odayaasha dhaqanka appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Cabdimaalik Cabdullahi Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wiilkan oo ahaa 20-sano jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay. Cabdimaalik waxaa lagu dilay Toorey, waxaana ku dilay wiil kale oo ay dagaaleen, kaas oo isku xaafad ay ka degaanaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Ehellada Cabdimaalik Cabdullahi Xasan ayaa noo sheegay in marxuumku uu 17 maalmood oo kaliya joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo reerahooda ay degan yihiin. 10-kii bishii hore ee June ayaa Cabdimaalik iyo laba wiil oo kale waxaa muuqaallo laga duubay soo bandhigtay warbaahinta Puntland, waxayna sheegeen xilligaas inay ka soo baxsadeen dalka Eritrea, halkaas oo tababar ay ku qaadanayeen mudo laba sano ah. Aabihiis Cabdullahi Xaaji Xasan ayaa xaqiijiyey in maanta ay wiilkiisii Cabdimaalik ku soo aaseen qabuuraha Calamada ee duleedka degmada Afgooye. Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay Cabdimaalik markii ay kasoo laabteen Eritrea The post Wiil ka mid ah dhallinyaradii loo qaaday Eritrea oo lagu dilay degmada Afgooye – Yaa ka dambeeyey? (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyey cutubkii ugu horeeyay ee gabdho kamid noqonaya ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo tababar heer sare ah ku soo qaadanaya dalka Turkiga. Gabdhahaan oo gaaraya 49 askari waa kuwii ugu horeeyey oo iyagoo hal cutub ah ay dowladda Soomaaliya tababar ugu dartay dalka dibadiisa, waxayna bilihii lasoo dhaafay tababar hor dhac ah ku qaadanayeen xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka mid ahaa saraakiishii gabdhahaan ka sagootisay garoonka Aadan Cadde ayaa kula dar-daarmay inay noqdaan kuwii difaaci lahaa sharafta iyo nabad geliyada shacabka Soomaaliyeed Taliye Xijaar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku yiri, “Waxaan galabta Garoonka Aadan Cadde ku sagootinay 49 gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo u dhoofay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, si ay usoo qaataan tababar heerkiisu sarreeyo, iyagoo ku biiraya dedaallada loogu jiro dhismaha iyo tayaynta CBS.” Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed oo gabdhahaan la dardaarmeysay ayaa tiri, “Hadaa ka kala imaateen qabiilo ama guryo kala duwan, maanta dhamaantiin waxaa tihiin koox ka wada tirsan Haramcad… Qarankiina garab u noqda, gabdhaha Soomaaliyeed waxay la kulmaan dhibaatooyin badan, maanta waxay u baahan yihiin gabdho ciidan ah oo xuquuqdooda u difaaca.” Ciidanka gabdhahaan lagu biirinayo ee Haramcad ayaa haatan la sheegay in tirahaan uu gaarayo illaa 900 oo askari, waxaana tababartay dowladda Turkiga, haatan waxay ka kala howlgalaan Muqdisho iyo magaalooyin kale, sida Beledweyne, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhaba. Hoos ka Daawo Sawirrada hoos ka eeg The post Daawo: DF oo tababar dibadeed u qaaday cutubkii ugu horreeyey oo gabdho ah appeared first on Caasimada Online.
-
Rabshado ka dhashay xarigii loo geystay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur afrika Jocab Zuma ayaa maalintii shanaad ka soconaya gudaha dalkaas. Taageerayaasha Zuma ayaa dhigaya banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in xabsiga laga soo dooyo hogaamiyadooda. Dalka koonfur afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ay u ganacsi dontaan. Ugu yaraan inta la xaqiijiyay afar qof oo dhalinyara Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka afar iyo labaatanki saac ee la soo dhaafay. Dhalinyaradan ayaa ahaa kuwa ganacsiyo ku leh magaalooyinka koonfur afrika waxaana lagu kala magacaaba : Maxamuud Qoojo. Goosaar Ganeey . Mahad Ciise. Nuur Cali Sarjaan. Dhanka kale hanti badan oo ay leeyihiin dad soomaali ah ayaa dalkan koonfur afrika lagu dhacay, iyadoo kooxaha falkan ka dambeyay aysan dowladda weli gacanta ku dhigin. Sikastaba koonfur afrika ayaa horay waxaa marar badan loogu dilay dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo dalkaas ganacsiyo kala duwan ku lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib usoo laabtay inta badan hoggaankii Guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed, kuwaasi oo dib loogu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online Inkasta oo isbeddel iyo kala shaandheyn lagu sameeyay xubnihii guddiyada doorashooyinka ee lagu muransanaa, haddana ma jiro wax is bedelay oo ku aadan hoggaanka guddiyadaas oo sidoodii hore u soo laabtay, marka laga reebo inyar, midaasi oo dadaalkii mucaaradka ka dhigeysa mid aan miro-dhalin. Sidoo kale, Caasimada Online ayaa fahamsan in hoggaanka guddiyada doorashada heer federaal, guddiga xalinta khilaafaadka, iyo guddiyada HirShabelle, Koonfur Galbeed, Somaliland (Weli waa la isku haystaa) iyo Banaadiringa ay taabacsan yihiin Villa Somalia ama ugu yaraan heshiis kala dhaxeeyo, taasi oo awood ballaran siineysa madaxtooyada. Waxaa durba soo baxaya hubaal la’aan ku aadan dhex-dhexaadnimada guddoonka guddiyadaan dib loo doortay, maadaama ay ku jireen ragii Midowga Musharaxiinta ay soo eedeeyeen, balse ka bad-baaday kala shaandheyntii xubnaha qaar looga saaray guddigii hore ee lagu muransanaa. Musharaxiinta Mucaaradka ayaa kal hore gudbiyey 67-xubnood oo kamid ahaa guddiyada doorashada, kuwaasi oo ay cabasho ka qabeen, hase yeeshe waxa laga saaray guddiyadaas 34 xubnood oo keliya, halka laga bad-baadiyey 33 xubnood oo kale. 34-ka lasoo beddelay ayaa badankood noqday kuwa aan aragti ahaan wax badan dhaamin kuwii cabashada laga gudbiyey. Guddiga xaqiiqo raadinta ee loo xil-saaray cabashada mucaaradka ayaa warkooda dib loo maqal kadib markii ay go’aamiyeen in 34 xubnood oo keliya laga saaro guddiyada doorashada, mana jirto jawaab ay ka bixiyeen dalab uu u direy Golaha Midowga Musharaxiinta. Golaha ayaa 9-ka bishii hore ee 6-aad ka dalbaday Guddiga xaqiiqo raadinta in si daah-furan oo madax-banaan u soo bandhigo habraaca iyo hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed. Hogaanka guddiyada doorashada ee dib u soo laabtay ayaa ka dhigan in wax macno leh ay iska bedeleen cabashadii mucaaradka, islamarkaana uu fashilmay dadaalkii ay ugu jireen wax ka bedelka guddiyadaas, maadama guddiyada badankooda ay kusoo laabteen hogaanka shaqsiyaadkii hore. The post Villa Somalia oo gacanta ku dhigtay hoggaanka guddiyada doorashooyinka badankood appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada Aadan Qaasin Sulayman iyo Khadar Cali Xakiin, oo ka wada tirsan golaha wakiilada ee cusub ee Somaliland, ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu da dajiyo doorashada shirgudoonka wakiilada. Xildhibaan Aadan ayaa sheegay in loo bahanyahay in si dhakhso ah loo qabto doorashada shirgudoonka si buu yidhi quruxda doorashadii Somaliland isku raacdo. “Waxay ahayd in xubnaha baarlamaanka bari hore layskugu yeedho oo ay doortan shirgudoonka” ayuu yidhi. “Waxa la iswaydiinayaa, doorashada quruxda badani maxay u dhamaystirmi laadahay”. “Madaxweynuhu wuxu qabtay doorasho qurux badan oo uu sumcad ku helay, lakin waxa la is waydiinaya golayaashi soo baxay maxay u shaqayn laayihiin” ayuu hadalkiisa ku daray. Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu doorashada shirgudoonka da dajiyo. “Waxan rajaynaynaa in madaxweyuhu dag dag iskugu yeedho, waxan ku baaqaynaa in dag dag layskugu yeedho” ayuu yidhi. Aadan ayaa sheegay in ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynuhu musharax gaara wato. “Warar baa soo baxaya madaxweynaha sharaftiisa dhibaal ku ah, kuwaso odhanaya madaxweynuhu xubin kamida xubnaha ayuu u kaambayn garaynaya” ayuu yidhi. “Ilaa xubintaa uu cod u helana iskugu yeedhi maayo baarlamaanka, waxan filayaa waxasi in ay tahay xajiimayn guushi madaxweynaha la xajiimaynayo” ayuu yidhi. Xildhibaan Khadar ayaa isaguna madaxweynaha ugu baaqay in uu da dajiyo qabsoomida doorashada shirgudoonka. “Madaxweyne baarlamaankii iskugu yeedh gudoomiyaha la doortaana dadka ciida Carafo hala tukado” ayuu yidhi. Khadar ayaa sidookale dhankiisa sheegay in madaxweynuhu cod u raadinayo xildhibaan uu wato sida darteedna doorashadu u daahday. “Madaxweyne haday tiradu dhankaaga ka buuxsami laadahay iskugu yeedh, gudoomiyaha la doorta wuu kula shaqayne” ayuu yidhi. Doorashada shirgudoonka wakiilada ayaa aan ilaa hada qabsoomin, iyadoo wakhtiga ugu badan ay qaadatay maxkamada sare oo la daahday ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaacisay qorshe ay saami kamid ah shirkadeeda isgaadhsiinta uga iibineyso shirkado gaar loo leeyahay si shirkadda isgaadhsiinta ee dowladda loo horumariyo isla markaana wax looga baddalo maamulka shirkaddaas. Waxaana tallaabadan looga golleeyahay in lagu dhaqaaqo iskaashi dhanka istaraatiijiyadda oo saami looga iibinaya shirkadaha gaarka loo leeyahay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha wuxuu sheegay in golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci hagayaa sida saamiga kamid ah shirkadda loo iibinayo. Jabuuti waxa ay dakhli badan ka heshaa waddammada shisheeye ee saldhigyada millateri ku leh iyo dekeddaha ku yaalla halkaas. Source
-
Waxaa muuqata in Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADANI Iyo UCID oo is garabsanaya iyo dhinaca kale oo ah Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu ay xusul duub ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen kuraasta shirguddoonka golaha wakiilada. Inkasta oo dhinac kastaa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayo inuu gaadho yoolkiisa, isla markaasna ay inoo muuqato in Xisbiyada Mucaaridka ah ee helay tirada ugu badan ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada aan la dhayalsan karin, hadana ma jiri karaa xal ka duwan kan ah in awwood la isku muquuniyo, taasoo haddii ay dhacdo horseedi karta muran jiitama Iyo is ficilsi baarlamaankeena la kowsata oo car iyo wir ah, caqabadna ku noqon karta hawlaha ay Ummada ka sugayso baarlamaanka cusub, waxaa haboon inaan dariiq kale uga wareegno arrintaas oo aynu helno Xal kale oo lagu wada qanci karo oo dhalin kara in la helo Baarlamaan middaysan Iyo Xukuumad si wada jir ah ugu shaqeeya Ummada oo wixii fiican ka wada shaqeeya wixii khaldana isla saxa si aan cadaawadi ku jirin. Xusuusteena markaynu dib u celino Baarlamaankeenii hore waxaa bilowgiiba ay labadii Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE oo xulufo ahaa ay sutida u qabteen Xukuumadii UDUB, waxaanay gaar u go’doomiyeen oo ay cudud ku muquuniyeen Xubnihii Baarlamanka ee UDUB, waxaana arrintaas aynu ka dhaxalnay buuq aad u badan iyo wada-shaqayn la’aan dhex martay Xukuumadii iyo Baarlamaankii, waxaana xiliyada qaar ay gaadhi jirtay in la is fara-saaro oo xataa Baarlamanka la xidho. Xiligii Xukuumada UDUB oo keliya khilaafku muu jirin, balse xiligii Xukuumada Siilaanyo lafteeda heer xun ayuu gaadhay khilaafkii u dhexeeyay Baarlamanka iyo Xukuumadii hore ee KULMIYE oo ay dhacday in Baarlamanka gudihiisa la isku gacan qaado. Hadaba inaga oo cashar ka baranayna khilaafyadii ina ragaadiyay ee hore inoo soo maray, sidee ayaynu uga hor tegi karnaa in uu inagu soo noqdo Khilaaf danbe oo ka dhex dhasha Baarlamankan cusub iyo Xukuumada? Waxaan soo jeedin lahaa qodobadan: 1. In laga hor tago oo meesha laga saaro in awwood la isku muquuniyo oo ay labada dhinac isku adeegsadaan Awwood Mucaaridnimo ama Awwood Xukuumadeed. 2. In Saddexda Xubnood ee shir gudoonka ay Saddexda Xisbi u kala qaataan sida ay Baarlamanka ugu kala badan yihiin oo Gudoomiyaha Golaha la siiyo Xisbiga Wadani, Gudoomiye ku Xigeenka Koowaadna Xisbiga KULMIYE, Gudoomiye ku Xigeenka labaadna Xisbiga UCID. 3. In Hormuudka Bulshada, Waxgaradka, Culimada iyo Ururrada Bulshadu ay ka hawl galaan sidii ay labada dhinac isugu soo dhawayn lahaayeen uguna qancin lahaayeen inaan la isku muquunin awoodo Xisbiyeed ama awood xukumadeed oo la isu tanaasulo. 4. In Xisbiyada Mucaaridka ahi ay ogaadaan inaan dantoodu ku jirin inay muran iyo khilaaf la galaan Xukuumada, taasoo dib u dhac ku keeni karta doorashooyinka soo socda ee Guurtida iyo Madaxtooyada, isla markaasna ay ogaadaan in Xukuumadu ay haysato dariiqyo badan oo ay iskaga difaaci karto kuna wiiqi karto xisbiyada mucaaradka ah. 5. In Xukuumadu ay ogaato inaanay Danteeda iyo danta Dalka midna ku jirin khilaaf Baarlamanka ka dhex qarxa, kaasi oo sababi kara habacsanaan iyo dib u dhac ku yimaada shuruucda tirada badan ee Dalku baahida u qabo iyo ansaxinta qorshayaasha xukuumadu ay higsanayso. Ugu danbayn Xisbi kasta iyo qof kastaa wuu Jecel yahay in murashaxa uu wataa uu guulaysto, aniguba waan jeclaan lahaa in Xildhibaan Faratoon uu guulaysto, hase yeeshee Danta Ummada in wax kasta laga horraysiiyo oo la isu tanaasulo ayay Somaliland ku soo gaadhay Nabada Iyo Horumarka ay maanta ku naaloonayso. Ujeedadeenu waa in la sameeyo si ay xeegana xeego u noqoto, ilkana ay u nabad galaan oo looga baaqsado murano iyo khilaafyo hor leh oo dalka ka curta. Waxaynu u baahanahay Baarlamaan iyo Xukuumad wada shaqeeya, balse isla xisaabtama oo isa saxa iyada oo laga fogaanayo wixii horumarka dalkeena hoos u dhigaya. Allow Eex ma tiraabine Aqoon haygu cadaabin Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed Qaran News
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee xirirka la leh madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) ayaa sheegay inaysan wax xiriir ah kala dhaxeyn oo aysan aqoonsaneyn madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe. Maxamed (Canjeex)Buulle ayaa warbaahinta u sheegay inay mowqifkooda u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble markii ay kula kulmeyn magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. ”Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu inoo sheegay markii aynu la hadalnay doorkiisa koowad in uu yahay dalka oo dhan in ay doorasho ka dhacdo, taasne uu ku dadaalayo uuna diyaar u yahay doorashadaas in ay qabsoonto, annagana waan soo dhaweynay arintaas ayada ah in dalka ay doorasho ka dhacdo diyaarna aan u nahay qodobka koowaad buu ahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle oo la hadlay BBC. Axmed Buulle ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Ra’iisul Wasaaraha waxaan kaloo u sheegnay annaga iyo Axmed in aan wax xiriir ah aanan laheyn, Axmedne dadkaan Jubaland go’aaney ka gaareen, Jubaland deegaan keeda dadka u dhashayna ay isku imaanayaan gogolna ay u taallo ayna dhiganayaan magaalada Garbahaarrey, ayna ugaas yadoodii iyo wax garadkooda inta isku yimaadaan ay ddhisanayaan Jubaland in ay naga go’an tahayna, waan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, saacadda Axmed waqtigiisa ay dhamaatana gogosha wa ay u fidsan tahay dadka Jubaland”. Guddoomiye Buulle ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe ay ku egtahay 20-ka Bisha 8-aad marka la gaarana wuxuuu sheegay in isla maalintaas ay furi doonaan gogol lagu dhisayo madaxweynaha cusub ee Jubaland. “Axmed mudadiisu 20-ka bisha 8-aad bey ku egtahay, 20-keeda gogosha waa ay furan tahay Cida hal maalin axmed ugu dari karto malahan, ciddi howshaas ayada ah damacdana waxa ay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo iyo waxa meesha ka dhaco ayada la weydiina,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle. Rooble mar uu Kismaayo Ka hadlayay wuxuu sheegay in doorashada Jubaland ka dhacayso – ha noqoto tan Garbahaarreey ama Kismaayo – in maamulka uu mas’uul ka yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in uu kula xisaabtamayo Madaxweyne Axmed Madoobe, balse guddoomiye Axmed Buule ayaa sheegay in marnaba aysan aqbalaynin dad Axmed Madoobe uu soo magacaabay. Wuxuu ku doodayaa in “muddo xileedkiisa uu dhammaanayo kuna egyahay bisha Sideedaad ee sannadkan,” ayna raysal wasaaraha arrntaasi u sheegeen. Gedo ayaa waxa ay ka mid tahay caqabadihii muddo ku hor gudbanaa doorashada Soomaaliya, xilli DF iyo maamulka Jubbaland ay ku kala tageen dhowr jeer. Hadalka maamulka Gedo ayaa yimid xilli rooble uu booqosho ku tagay maagalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo. The post Axmed Buulle: Guddiga doorashada ee Kismaayo laga soo magacaabay ma iman karaan Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Muran siyaasadeed ayaa ka taagan Baarlamanka Puntland, kadib markii khilaaf ka dhashay wax ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada. Wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka Baarlamanka ayaa qeexaya in Xasaanad ka qaaddida Guddoonka iyo Xildhibaannada ay la simantahay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, islamarkaana ay xasaanadda ku waayi karaan 44-cod, halka markii hore ay ahayd 34-cod. Wax-ka beddelka Xeer-hoosaadkan oo Goluhu meel-mariyay 4-tii bishan July 2021, waxa si adag u diiddan Xukuumadda Puntland iyo xildhibaanno taageersan, kuwaas oo doonaya in laga laabto wax-ka beddelka Xeerka. Sida ay Puntland Post ogaatay, inta badan Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa isku raacsan Wax-ka beddelka Xeer-hoosaadkan, si aysan mar dambe u dhicin in Guddoonka ama Mudanayaasha si fudud xilka looga xayuubiyo markii ay Xukuumadda is-qabtaan. Xeel-dheerayaasha Siyaasadda qaarkood, ayaa aaminsan in Xukuumadda Puntland aysan wakhtigan awoodin laba qodob midkoodna; in ay meesha ka saarto wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka iyo in ay mooshin ku riddo Guddoonka Baarlamanka, maadaama Xildhibaananda badankoodu la socdaan Guddoonka. PUNTLAND POST The post Buuq ka dhashay wax-ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Gianluigi Donnarumma ayaa ahaa halyeeygii Azzurri (Talyaaniga) ka caawiyay inay hantaan horyaalkoodii labaad ee Yurub, isagoo rigoorooyin is-daba-joog ah ka badbaadiyey da’yarta Ingariiska ah ee Jadon Sancho iyo Bukayo Sakam. Kulankii semi-finalka ee Spain, wuxuu joojiyay rigooradii ugu dambeysay ee Alvaro Morata, taas oo sababtay in xulkiisa u baxo kulanka finalka. Gianluigi Donnarumma oo 22 jir ah ayaa loo caleemo saaray ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankii qaramada Yurub ee 2020, waxaana abaalmarintaas garoonka Wembley ku guddoonsiiyay madaxa UEFA Aleksander Čeferin. Donnarumma oo afar gool oo kaliya laga dhilayay intii tartanku socday wuxuu ka caawiyay Talyaaniga inay Euro 2020 guuldarro la’aan ku dhameystaan 34 kulan, joogitaankiisa goolka ayaa fure u ahaa waligiisna wax gool ah lagama dhalin wax ka badan hal mar 90-ka daqiiqo, halka uu saddex kulan oo wareega group-yada shabaqiisa ka ilaalilay gool. Donnarumma oo tan 2016 goolhaye u ahaa kooxda AC Milan ayaa bishii hore ee Juun si xor ah ugu biiray kooxda reer Faransiis ee PSG. Intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2020/21 ee AC Milan, goolhayaha da’yar ee Donnarumma ayaa shabaqiisa ilaashaday 14 kulan. Donnarumma wuxuu raacayaa Matthias Sammer (1996 – Germany), Zinedine Zidane (2000 – France), Theodoros Zagorakis (2004 – Greece), Xavi (2008 – Spain), Andres Iniesta (2012 – Spain) iyo Antoine Griezmann (2016 – France) ) kuwaas oo ku guuleystay abaalmarinta UEFA. PUNTLAND POST The post Waa kuma xidigii ugu fiicnaa tartanka qaramada Yurub? appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Leading by Exampleq There are no shortages of references, including academic research papers, how-to-books or philosophical concepts describing the qualities of an effective leadership; however, there is one very important piece of the puzzle that is often over-looked which complements and completes the leadership qualities of an effective leader, that is “honesty”. A community can be mobilized through voluntarism principles by their leaders when they are shown that the end results of their deeds are for the good of their own and that of the general population. On July 8, 2021, we have all witnessed a unique phenomenon unfold in the middle of “Dooxa Hargeisa” or the dry creek of Hargeisa when the public heeded the calling of an honest, strong, patriotic and caring leader, Abdikarim Ahmed Mooge; the new Hargeisa Mayor. He led the way with his gloves and his yellow vest on, cleaning and removing the garbage with his own hands. He made this a priority and is first order of business before putting his feet up on his new office-desk and self-congratulate on his victory lap. This was an effort to solve an environmental and health concerns including to bring back the beauty of the cite to its original looks where children could enjoy and play their new clean riverbed. Voluntarism is not a new phenomenon to Somalilanders, they did their share during the former dictator, Siad Bare. Sadly, their reward was devastating death and destruction of lives and property. The Hargeisa self-help phenomenon was different, people showed up before dawn, after Fajr prayer, filled with happiness and joy looking forward for the task ahead and to stand side-by-side with their new mayor, Abdikarim Ahmed Mooge. It was a day that brought the young, the elderly, boys and girls and mothers who were feeding them on the side while they were engaged in cleaning their environment. It was a day that will remain in Somaliland history forever. Abdikarim’s calling to challenge his constituents was an exemplary for all other leaders in public offices to follow his foot-steps and make their priorities the needs of the public they serve, not their own self-interest. Well-done Mr. Mayor, your future is bright. Who knows, you might be called Mr. President in the near future. By Mohamed Adan Samatar Former State of Arizona Government Management, BSc, MS Agriculture. madan.samatar01@gmail.com Qaran News
-
Rag diyaariyay Shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdalla oo xukun adag lagu riday Maxkamad amni oo kutaala dalka Jordan ayaa xukun xabsi sanado badan ah ku riday labo sargaal oo lagu helay in ay maleegeen shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Jordan. Maxkamada ayaa min 15-sabo oo xabsi ah ku riday Bassem Awadallah, oo haysta dhalashada Mareykanka, sidoo kalena kaaliye sare u ahaan jiray boqor Cabdalla, iyo Sharif Hassanbin Zaid, oo ah xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Jordan. Labadan sargaal oo horey uala soo shaqeeyay Boqorka ayaa lagu eedeeyay in ay maleegeen shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdalla sidoo kale kale ku kaceen qiyaano qaran iyo hurin rabshado halis keeni karay. Ragan xukunka adag ee xabsiga ah lagu riday ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana qareenada difaacayay labadan sargaal hore sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday. Bassem Awadallah oo dowlada Urdun kasoo noqday Wasiir iyo sidoo kale madaxa Maxkamada Boqortooyada ayaa heesta dhalashada Sacuudiga iyo Mareykanka, waxaana qareenada ninkan difaacaya sheegeen in lagu jirdilay xabsiga lagana been abuurtay. Ragan xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa waxa ay isku dhawaayeen Boqor Cabdalla Walaalkiis Amiir Hamzah, oo la sheegay in qeyb ka ahaa qorshaha afgembiga, hasa ahaatee arinta Amiirka ayaa loo xaliyay qaab qoys ahaan Qaran News
-
Monday 12 July 2021 PRESS RELEASE New Funding to Support Education in Somalia USAID today, July 8, 2021, announced a new $15 million contribution to the UK-supported Adolescent Girls Education in Somalia (AGES) programme. Operating in Banadir and in Hirshabelle, Jubaland and South West states, the programme is focused on improving access to quality education for young Somali women and girls. With $17.6 million in UK Aid, AGES is currently supporting 42,000 marginalised adolescent girls to access primary school, accelerated basic education and non‐formal courses tailored to their needs. With the additional USAID funding, nearly 40,000 more marginalised adolescent girls and young women aged 15‐24 who have never attended school will get the chance to improve their lives through the 11‐month non-formal education course. The joint funding will also provide support to young women to engage in income-generating activities and civic education, in addition to providing linkages to other development opportunities. The announcement comes ahead of the July 28-29 Global Education Summit. Along with Kenya, the UK will be co-hosting this event, aimed at raising $5 billion to ensure that all children, particularly those in developing countries including Somalia, have equitable access to quality education. British Ambassador to Somalia Kate Foster said: “The UK-funded Adolescent Girls Education in Somalia programme has made significant contributions to the lives of tens of thousands of young Somali women. With this new USAID funding, we are expanding our approach to reach even more marginalised households and communities. It will build their resilience by providing young Somali women basic financial, literacy, numeracy and life skills.” USAID Somalia Mission Director Patrick Diskin said: “USAID is very excited to contribute to this successful UK-led initiative in order to provide more young Somali women with a foundational education they lack, yet so rightly deserve. These skills will provide women with increased livelihood and civic opportunities, which are critical for advancing Somalia’s economic and social development.” Access to primary education remains a major challenge in Somalia, particularly for girls. According to the 2020 Somali Health and Demographic Survey, only 27 percent of primary school‐aged children are receiving primary education, and only 25 percent of them girls. Sixty-five percent of young women aged 20‐24 have not attended school at all or have only some primary education, compared to 53 percent of young men of the same age. Multiple barriers affect access to education for adolescent girls in Somalia. The combination of the COVID‐19 outbreak and economic conditions has further worsened the exclusion of the most vulnerable adolescent girls and young women from education opportunities. Qaran News
-
Tiro Muwaadiniin Soomaaliya oo lagu dilay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika Waxaa sii xoogeesanaya rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ay dhigayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo dhawaan xabsi la dhigay kadib markii lagu xukumay 15-bilood oo xabsi ah, Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika gaar ahaan gobolka Kwazulu Natal ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi kunoolaa halka kuwa kalana lagu dhaawacay maanta kaliya. Inta la xaqiijiyay afar wiil oo Soomaali ah ayaa maanta lagu dilay weerar lagu qaaday gaadhi ay la socdeen xili ay kasoo baxsanayeen deegaan ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay afar muwaadin kale oo isbitaal la dhigay. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha nafeed ee Soomaalida kasoo gaadhaya rabshadaha ka bilowday qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika oo goobaha ganacsi lagu boobayo sidoo kale dadka lagu dilayo. Soomaali badan ayaa iska xidhtay goobahooda ganacsi iyagoona u cararay goobo ay uga bad baadi karaan rabshadaha socda, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha hada socda kusii faafaan goobo kale oo hada xasiloon. Qaran News
-
China oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto tallaabo uu qaaday Mareykanka Chinese and U.S. flags China ayaa maanta wacad ku martay inay aargudan doonto, waxayna sheegtay inay “si xooggan uga soo horjeeddo” in 23 shirkadood oo dalkaas laga leeyahay lagu daro liiska madow ee dhaqaalaha ee Mareykanka, sababo la xiriira tuhunno xadgudubyo xuquuqda aadanaha iyo xiriiro militari. Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku daritaanka hay’adahan ee liiska “ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha” iyo “caburin aan sabab laheyn” oo lagu sameeyey shirkadaha Shiinaha. Beijing “waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso xuquuqda sharciga ah iyo danaha Shiinaha,” ayey tiri wasaaradda, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay. Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Jimcihii 14 shirkadood iyo hay’ado kale ku dartay liiska madow ee dhaqaalaha, ayada oo sheegtay “inay ku lug leeyihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo fulinta ololaha Shiinaha ee caburinta, wadar xabiska iyo ilaalo ka haynta qowmiyadaha Uyghurs, Kazakhs iyo xubnaha kale ee muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.” Beijing waa ay beenisay eedeymahan xadgudubyo. Shirkadaha lagu daro liiska madow ayaa badanaa waxaa looga baahan yahay inay ruqsad weydiistaan Wasaaradda Ganacsiga, waxayna wajahaan baaritaan dheer marka ay doonayaan fasax ay qalab kaga iibsadaan shirkadaha Mareykanka. Washington ayaa sidoo kale liiskan ku dartay shan hay’adood oo ay sheegtay inay si toos ah u taageeraan barnaamijyada casriyeynta ee militariga Shiinaha. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha UK oo cambaareeyay falal cunsurimo ah oo lagu kala kacay ciyaartooyda madowga ah Sancho iyo Rashford Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa cambaareeyay falal cunsurinimo ah oo la kula kacay ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka kadib guuldarradii ay xaley uu xulka Ingiriiska kala kulmay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Yurub. Talyaaniga ayaa 3-2 rigooreyaal ah kaga badiyay Ingiriiska. Saddex kamid ah ciyaartooyda Ingiriiska ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rigoorayaasha. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku tilmaamay cunsurinimada la kula kacay ciyaartooydan mid walaaceeda leh oo laga naxo. “Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha. Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas. Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda. Waxay sheegeen ‘In aanan loo duul qaadan doonin falalka noocaas ah” Qaran News