Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marxuum Maxamed Qoorad (bidix), marxuum Abshir Caydiid (midig) Allaha u naxariistee, waxaa saacadihii la soo dhaafay maagalada Garowe ku geeriyooday Nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad iyo Nabadoon Abshir Caydiid Soodhakhsade. Nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad ayaa galinkii dambe ee maanta oo khamiis ahayd geeriyooday, halka Nabadoon Abshir Caydiid Soodhakhsade uu caawa fiidkii geeriyooday. Labada Nabadoon ayaa kamid ahaa nabadoonnada soo jireenka ah ee gobolka Nugaal. Labada marxuum ayaa lagu wadaa in berri oo Jamce ah lagu aaso beer ku taalla duleed Bari ee magaalada Garowe. PUNTLAND POST The post Nabadoonno ku geeriyooday Garowe appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka oo dhawaan soo saaray natiijo ku aadan xubnihii uu mucaaridka ka keenay cabashada. Rooble ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsaha badan habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka. Sidoo kale waxa uu dalbaday in si deg-deg ah loogu soo gudbiyo xubnaha harsan ee doorashooyinka, kuwaasi oo ay weli so magacaabin qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka. Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ah Gudoomiyaha Guddiga uu la kulmay Rooble oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inta badan inay soo gudbiyeen maamuladu badalka xubnihii laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka. Sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka waxaa ilaa hadda dhiman oo aan weli soo gudbin xubnihii laga dalbaday inay badalaan hal maamul oo keliya. Ra’iisal wasaaraha ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, tan iyo markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada, waxaa’se ilaa hadda aan si rasmi ah u fulin kamid qeybo kamid ah heshiiskii oo ay ugu horeysay in guddiga doorashooyinka si dhaqso leh loo soo magacaabo. The post Rooble oo soo saaray dalab DEG-DEG ah oo la xiriira guddiyada doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)- Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay amniga caasiamda dalka. Kulanka ayaa si gaar ah uga dhaxeeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah Duqa Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole. Waxaa looga hadlay kulankaan u diyaar garowga maalmaha xoriyada ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo dhawaan ka bilaabmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Saalax Cumar Xasan, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo kulanka maanta faah-faahin guud ka bixiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada muqdsho iyo wada-shqeynta Ha’adaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta mas’uuliyiintu diirada ku saareen sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga iyo sidii loo adkeeyo amniga caasimada. Kulankaan ayaa imanaya xili ay degmooyinka gobolka ay kasoo cusboonanayeen xaalado amni darro iyo weliba diyaar garow loogu jiro xuska maalmaha xoriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. The post Taliska guud ee ciidamada iyo gobolka Banaadir oo maanta ka shiray amniga Muqdisho – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Dhalinyaro ka tirsan askartii ay dowladda federaalka Soomaaliya tobabarka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa kasoo baxsaday xeryihii ay ku jireen. Dhalinyarada oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in markii hore laga qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana loo sheegay in tobabar loo geynayo dalka Qatar, kadibna laga dejiyay Eritrea. Waxay sheegen in dowladda federaalka ay qaaday dhalinyaro ku dhow 5,500 oo Askar, kuwaasi oo kala ahaa dhowr dafcadood oo kala dambeeyay, sida ay warbaahinta u sheegen. Dhalinyarada oo socdaal dheer oo dhulka ah kusoo soo maray gobolada Itoobiya ayaa ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland. Sidoo kale waxay sheegen intii ay ku jireen xeryaha tobabarka ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jira jirdil iyo cago jugleyn, taasi oo markii dambe ay u adkeysan waayen, oo keentay inay kasoo baxsadaan. “Waxaa nagala qaaday magaalada Muqdisho waxaa markii hore naloo sheegay in nala geynayo Qatar, balse waxaa nagala dejiyay Eritrea,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada askarnimada loogu qaaday Eritrea ee soo baxsaday. Ugu dambeyntiina waxay baaq u direen waalidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea, “Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni hooyo socdaal dheer kadib, waxaa waalidiinta ay ka maqan yihiin dhalintooda si deg-deg ah ugu baaqeyna inay jiriyaan.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Dhalinyaro kamid ah askartii DF u qaaday Eritrea oo ka soo baxsaday iyo xog ay shaaciyeen + VIDEO appeared first on Caasimada Online.
  5. HARGEISA (HORN OBSERVER) – European Union (EU) has welcomed Somaliland’s recently concluded parliamentary and local elections. In a statement, the bloc termed the poll the historic election saying the minority groups secured position in the House of Representatives and the large numbers of youth candidates elected. “International partners congratulate the people of Somaliland, political parties, the National Electoral Commission and other government institutions on the successful conduct of the 2021 parliamentary and local council elections and on electoral security arrangements,” the statement reads in part. “Through these elections, the people of Somaliland have demonstrated a strong commitment to the electoral process, to political participation and to strengthening democracy.” The 27-member bloc, UK, Norway and Switzerland have expressed regret that Somaliland election has not translated to more women in elected office resulting in decreased women political representation. “It will be important for all stakeholders to learn from this, and for government, political parties and others to take actions to strengthen women’s political participation well in advance of future elections,” the bloc said. EU said it looks forward to urgent and concrete steps from the new parliament and the government to ensure a fair representation of women in government and administration. “We remain committed to continuing our constructive cooperation to further democratisation and the inclusion of women and marginalised groups in Somaliland, and to support regular and timely elections at all levels of government,” the statement noted. “We look forward to strengthening our cooperation with the newly elected local councils and parliament, both on these issues and on other matters of mutual interest.” HORN OBSERVER Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay duqeymaha cirka ah ee ciidamada Kenya ka fuliyaan qeybo kamid ah dalka, oo maanta la mamnuucay. Wasiir Dubbe ayaa markale ku celiyay in dowladda ay cambaareyneyso duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilo laguna dhaawaco dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya. Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay marnaba u dulqaadan doonin khasaaraha bulshada rayidka ah kasoo gaaraya duqeymaha Kenya, isagoona shaaciyey in dowladda ay mamnuucday in duqeymahaas dowladda Kenay ay fuliso amar la’aan. “Dowladda Kenya maanta laga bilaabo ciidamada cirka ee Kenya duqeyn kasta oo ay geysanayaan waa inay kusoo wargeliyaan Taliska guud ee AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo aan kusoo wargelin ma fulin karaan wax duqeymo ah, kumana soo xad-gudbi karaan xuduuda,” ayuu yiri Wasiir Dubbe. Go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucayso duulimaadyada Kenya ayaa kusoo aadaya, toddobaad kadib markii ay dowladda si adag u cambaareysay duqeymaha Kenya ee Soomaaliya, kuwaasi oo toddobaadkii lasoo dhaafay khasaaro u geystay dad rayid ah. Kenya ayaa 3-dii Juun 2021 weerar cirka oo aan loo aabbo yeelin ka fulisay deegaanada Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, islamarkaana sababay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kuwaasi oo banaanka u soo saaray astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya. The post DF oo soo saartay go’aan lagu joojinayo in Kenya ay duqeyn dambe ka fuliso Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warbixinta baaraha guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey oo dhowaan soo saaray taas oo lagu sheegay in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanaya dalka Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigraay ee Ethiopia. Waxaa uu sheegay in warbixinta Qaramada Midoobay aysan heysan wax daliil ah oo caddaynaya warkaas, isaga oo intaas ku daray in siyaasiyiin dano gaar ah ka raadinaya ay arrintaas buun buuniyaan. Wasiir Dubbe, waxaa uu tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ee lagu tababarayo dalka Eritrea uusan ka qeybgalin dagaalka Itoobiya isla markaana aaney jirin baahi arrintaas loo qabo. Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa mucaaradka ah ee maalin kasta ka hadla arrinta ciidanka Eritrea jooga aysan marna soo hadal qaadin duqaymaha Kenya ku hayso meelo kamid ah Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Ciidamo Soomaali ah ka dagaallameen Gobolka Tigray appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta natiijada hordhaca ah ee Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland u gudbiyay Maxkamadda sare. “Sida xeerku uu tilmaamayo waxa ay maxkamaddu hubinaysaa in wax cabashooyin ah oo xeerka waafaqsani ay jiraan, inta aanay Maxkamadda Sare ku dhawaaqin go’aanka rasmiga ah ee ay ku ansixinayso natiijada kama dambaynta ah ee doorashada golaha Wakiillada Somaliland” Geesta kale guddida doorashooyinku waxa ay Maxkamadda sare u gudbiyeem 20 degmo doorasho natiijadoodii hordhaca ahayd. Source
  9. Mogadishu (HOL) - Kenya has rescinded its ban on flights to and from Somalia barely a month after it closed its airspace amid an ongoing diplomatic row . Source: Hiiraan Online
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya, kadib xayiraad ay muddo saartay, taas oo uga sii dartay xiriirka ximaaday ee u dhexeeya wadamada dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeyey dib loo fasaxay duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya, kuwa ka imaanayey dhinaca dalka Kenya, gaar ahaan Nairobi. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay tallaabadan ay horseedeyso in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal oo leh iskaashi ganacsi iyo mid daris wadaag ah intaba. Warqaddan ayaa waxaa lagu sheegay in kaliya dadka safraya laga doonayo inay wataan shahaadada cadeyneysa in aysan qabin cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Xayiraadda ay Kenya horey usoo rogtay oo loo sababeeyey khilaafka labada dal ayaa saameyn ku yeeshay duulimaadyada labada dhinac ee Muqdisho iyo Nairobi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka oo ku aadan go’aanka ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada Soomaaliya. Si kastaba labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe xiriirkoodu aad u hooseeyey, iyaga oo kala rartay safaaradaha, waxaana arrintu ay ka sii dartay markii uu soo shaac-baxay kiiska badda ee haatan horyaalla maxkamadda ICJ. The post KENYA oo dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa shaacisay in ay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray. Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, balse waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad, kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in ay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey. Kenya ma shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta. Kenya ayaa sheegtay in shuruurdda kaliya ee laga doonayo dhammaan dadka ka imanaya Soomaaliya ee soo galay Kenya ay tahay in ay sitaan shahaadada tijaabada COVID-19 ee muujineysa in aysan xanuunka qabin, marka laga reebo ilmaha da’doodu ka yar tahay shan jirka. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duullimaadyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Dowladda Kenya ayaa qaadday xayiraadda ay saartay diyaaradaha rakaabka Soomaalida ee aadi jiray ama ka iman jiray dalkeeda. Qoraal loo diray wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado arrimaha Covid 19. Arrimahan ayaa imaanaya iyada oo iskeed ay horay kenya u xirtay duulimaadyada taasi oo ku qasabtay Soomaali badan iney maraan dhanka Itoobiya, lacagtana ay noqoto lab-jibaar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in laga qeyb-geliyey dagaalkii Itoobiya. Dubbe ayaa meesha ka saaray in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, wuxuuna xaqiijiyey inay caafimaad qabaan askartaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, isla-markaana ay dhowaan dib ugu soo laabanayaan dalkooda hooyo. “Ciidamada waa caafimaad qabaan waa innoo soo socdaan, waana innoo iimanayaan marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu yiri. Sidoo kale Dubbe ayaa tilmaamay in tababarkooda uu marayo gabagabo, wuxuuna ka digay in la siyaasadeeyo tababarka ciidamada oo uu tilmaamay inuu yahay sir qaran. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dano gaar ah laga leeyahay arrintan, isla-markaana la doonayo in shacabka laga jeediyo xasuuqa gobolka Gedo. “Tababarka ciidamadu waa sir qaran, siyaasiyiinta dunidana kama hadlaan tababarada ciidanka, ciidamo dalkooda u maqan oo tababarkooda u dhammaaday oo gabogabo yahay ayaa mar walbo laga hadlaa, si shacabka Soomaaliyeed looga jeediyo xasuuqa cadowga uu ka wado Gedo,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Somalya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii ugu dambeeyey siyaasiyiinta mucaaradka ay dowladda federaalka ku dhaliileen jawaab la’aanta ku aadan ciidamada la geeyey dalka Eritrea oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in laga qeybgaliyey dagaalkii ka dhacay Tigray. Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay maqan yihiin caruurtooda ayaa sidoo kale maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyaga oo dalbaday in caruurtooda dib loo soo celiyo. The post DF oo war kasoo saartay ciidamada la geeyey Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  14. Maayarka & Maayar-xigeenka Berbera oo Lagu Kala Nasiib qaaday+Xubnaha Dhaartu u hadhay Gudaha Hargeysa waxaa xalay xili dambe kulan ay isku dhaarsadeen ugu soo dhamaday mudanayaal gaadhaya ilaa 8 mudane oo sadexda xisbi ka kooban oo kamida 13 mudane ee degmada Berbera kasoo baxay doorashadii deegaanka doorkan. Maxamed Ibraahim Dable oo Ucid kasoo baxay ayay wararku sheegayaan inay isku raaceen inay ugu codeeyaan maayirka maalinta codeynta marka lagaadho . Sidoo kale waxa isla shirka loogu cumaamaday musharaxnimada maayir ku xigeenka Aadan dheere oo kasoo baxay xisbiga Waddani. Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yusuf oo labadooduba kasoo baxay xisbiga Kulmiye ayaa kamida mudanayaasha shirka xalay ka qeyb galay kana mid ahaa xubnihii duqa Berbera inay noqdaan daneynayay. Weli macadda in sida aqlabiyada hawshu ku dhamaan maalinta codeynta iyo in duqii hore ee magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin oo damaciisa maayir nimo xoogan yahay oo aan la yareysan karin dadaalka uu ugu jiro uu kadaba iman doono oo uu markale noqon duqa Berbera . Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa yagana loo badinaya in labada xisbi Mucaarad kala qaataan maayirka iyo ku xigeenka sida ay ilaa hadda san saantu u eegtahay , walow aan la yareysan karin dadaalka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ee damacoodu yahay ina maayirada magaalooyinka waaweyn mucaaradka loo gacan galin . Madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale saaka shir mudanayasha golaha deegaanka Hargeysa u dhan yihiin ka socdaa . Qaran News
  15. Sacuudiga & Imaaraadka oo ay qasab ku noqotay inay wada-hadallo la furaan Iran Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan and Mohammed bin Salman Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, oo garowsaday in dib loo soo nooleyn doono heshiiski Nukliyeerka Iran ee ay horey uga soo horjeesteen, ayaa wada-hadallo kula jira Tehran, si loo xakameeyo xiisadda, ayaga oo sidoo kalena u ololeynaya in wada-hadallada mustaqbalka ay qeyb ka noqdaan walaacyadooda amni. Quwadaha adduunka ayaa Iran iyo Mareykanka wada-hadallo kula leh magaalada Vienna si dib loogu soo nooleeyo heshiikii 2015 ee Tehran ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka, ayada oo dhaasaneysa in laga qaado cunaqabateynada caalamiga ah. Maamulka cusub ee Mareykanka ee madaxweyne Biden ayaa doonaya in dib loo soo celiyo heshiiska, kaasi oo Washington ay ka baxday markii uu madaxweyne noqday Donald Trump. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa u ololeeyey inay qeyb ka nqodaan wada-hadallada Vienna, hase yeeshee waa lagu gacan seeray. Intii ay sugi laheyd natiijada wada-hadalladaas, Riyadh ayaa aqbashay hindise bishii April ka yimid Iraq oo ah inay dhex-dhexaadiso saraakiisha Sacuudiga iyo Iran, sida ay laba il-wareed oo xog-ogaal ah u sheegeen Reuters. Sacuudiga ayaa walaac uu soo food saaray kadib markii goobaheeda shidaalka lagu qaaday weerar khasaare xooggan gaystay oo ay ku eedeysay Iran. Iran waa ay beenisay eedeymahaas. Imaaraadka, ayaa dhankoodana xiriir joogto ah la lahaa Iran dhowaanahan, ayaga oo isku dayaya inay qaboojiyaan xiisadda, tan iyo markii xeebaheeda lagu weeraray markab shidaal, sanaddii 2019, sida ay sheegeen il-wareedyo ku sugan gobolka. Muhiimadda dalalka Khaliijka ayaa hadda ah inay diiradda saaraan dib usoo kabashada dhaqaalahooda kadib markii uu la degay cudurka COVID-19. Hase yeeshee hubintada dhanka amniga ayaa qeyb ka ah dib usoo kabashadaas. Qaran News
  16. Bulshada Caalamka oo S/land ku Hambalyeeyay Doorashooyinkii iskusidkanaa ee Wakiilada & Deegaanka Dalalka saaxiibka la ah Somaliland ayaa ku hambalyeeyey sidii qiimaha lahayd ee ay u dhacday doorashada Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee somaliland ka qabsoontay 31-kii may 2021-ka. War-saxaafadeed ay wadajir uga soo saareen doorashada Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka ee Somaliland ayaa lagu sheegay in “Saaxiibada beesha caalamku ay ugu hambalyeynaynaa shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasada, komishanka doorashooyinka iyo hay’adaha kale ee dawladaba sida guusha iyo wanaaga leh ee ay u dhacday doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanku, iyo habkii qabanqaabada dhinaca amniga doorashada loo maray. Beesha caalamku sheegtay in dadka reer Somaliland ay muujiyeen ballanqaad adag oo ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka, ka-qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda oo sii socota. Dalalka sida wadajirka ah usoo saaray war-saxaafadeedkan ayaa ah Boqortooyada Ingiriiska, Midawga Yurub, , Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden and Switzerland ayaa tilmaamay inay si gaar ah u soo dhawaynaynaa doorashada taariikhiga ah ee beelaha laga tirada badan yahay ee Golaha Wakiillada iyo tirada badan ee musharixiinta dhallinyarada ah ee la doortay. Waxaanu aqoonsannahay guulaha la taaban karo ee ay gaadheen murashaxiinta haweenka ah intii lagu gudojiray howshan doorashada, balse waxaanu muujinaynaa in tani aanay loo tarjuman karin in dumar badan la doortay taasoo keentay hoos u dhaca matalaadda haweenka. Doorashadani Waxay muhiim u noqon doontaa dhammaan daneeyayaasha inay wax ka bartaan , iyo in dowladda, xisbiyada siyaasadeed iyo kuwa kaleba ay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka si ka wanaagsan sidan doorashooyinka mustaqbalka. Waxaan sugeynaa tallaabooyin deg deg ah oo la taaban karo oo ka imanaya baarlamaanka cusub iyo dowladda si loo hubiyo in matalaad caddaalad ah ay haweenku ku yeeshaan dowladda iyo talada. Waxa weli naga go’an inaanu sii wadno wadashaqeynta wax ku oolka ah si loo sii xoojiyo dimuqraadiyadda iyo ka mid noqoshada haweenka iyo beelah la hayb sooco ee Somaliland, iyo inaanu taageerno doorashooyinka joogtada ah ee wakhtigooda ku dhaca ee dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda ah. Waxaanu rajeyneynaa inaanu xoojino wadashaqeynta aanu la leenahay golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka cusub ee la soo doortay, labadaba iyo arrimaha kale ee danaha aanu wadaaggno ah. Qaran News
  17. Shirka dalalka hodanka ah ee G7 ayaa jimcaha ka furmi doono Cornwall oo ku taala koofur galbeed England, waxaana diiradda la saari doonaa wax ka qabashada dhibaatada aafada COVID-19 iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa safmarada kale ee mustaqbalka imaan doona. Warbaahinta UK waxay soo warineysaa in Ra’isul wasaare Boris Johnson uu sheegay in shirka lagu qeexi doono heshiis cusub ee caalami ah kaas oo caddeynaya sidii la isugu diyaarin lahaa aafooyinka imaan doona. Sidoo kale, warbaahinta Mareykanka ayaa dhankeeda tabisay in maamulka Biden qorsheeyeen in 500 oo milyan oo kuuro oo talaalka COVID-19 ah la siin doono ku dhowaad 100 dal labada sano ee soo socota. Madaxweyne Biden, shirka G7 ka dib waxaa uu u safri doonaa dalka Belgium halkaas oo kula kulmi doono wasiirada dalalka Gaashaan-Buurta NATO isniinta soo socota sida uu qorshuhu yahay. Xiriirka Mareykanka iyo NATO ayaa ahaa mid xumaaday xilligii maamulka madaxweynihii hore Donald Trump, xoghayaha ururkaas General Jens Stoltenberg oo isniintii tagay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu u muujiyay sida ay uga go’an tahay in xulafada Mareykanka uu xiriir adag la yeesho. PUNTLAND POST The post Shirka dalalka G7 oo maanta ka furmaya dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  18. Maxaad kala socotaa magaalada ugu nolosha wanaagsan caalamka? Auckland ayaa kaalinta kowad soo gashay Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa loo aqoonsaday magaalada ugu nolosha wanaagsan caalamka, qiimeynta sanadle ah xilli uu caalamka halakeeyay cudurka safmarka ee Coronavirus. Qiimeyntan oo ay sameysay hay’adda sahminta dhaqaalaha ee lo soo gaabiyo (EIU) ayaa waxaa lagu qiimeeyay 140 magaalo iyada oo si gaar ah loo eegayo arrimo ay ka mid yihiin xasiloonida, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo helitaanka daryeelka caafimaadka. Balse feyriska Corona ayaa noqday waxa go’aaminaya liiska snadkan iyo sida kaalimaha loo kala galay. Waxaa hoos uga soo dhacay kaalmihii ay ku jireen magaalooyinka dalalkaYurub halka kuwa Australia, Japan iyo New Zealand ay kor u kaceen oo kaalmaha hore ay soo galeen. Dalalkaas jasiiradaha ah waxay si dhakhso leh uga jawaabeen feyriska Corona iyaga oo sidoo kale awood u yeeshay inay yareeyaan kiisaska isla markaana ay dabciyaan xayiraadaha. Wadamada Midowga Yurub, dhanka kale, waxaa dib u dhac ku yimid billaabidda talaalka waxaana dalal badan oo ah kuwa Yurub ay soo rogeen xiyiraadyo adag taasoo oo dhaawac u geysatay kaalimihii ay gali lahayeen sahankii la smaeeyay sanadkan. Osaka oo ku taalla dalka Japan ku xigtay magaalada Auckland Magaalooyiinka Australia sida Adelaide ayaa iyaguna kaalimo wanaagsan soo galay Magaalada Auckland ayaa kaalinta koobaad ka gashay magaaloyiinka ugu noolasha wanaagsan, Osaka ayaa gashay kaalinta labaad, halk aAdelaide oo Australia ah ay kaalinta sadaxaad soo gashay. Magaaalada Wellington oo ku taal New Zealand iyo caasimada Japan ee Tokyo aya kaalmaha afaraad iyo shanaad soo galay. Dalka Britain ma jirin magaalo so gashay tobanka kaalin ee ugu sareeya. “Auckland in ayaa kaalin ahaan sare u kacday taasi iyada loo aaneynayo qaabkii ay ugu guuleysatay ee ay u wajahday cudurka Covid-19, taasi oo bulshada fursad u siisay inay isu furnaadaan magaaladuna ay kaalin wanaagsan gasho,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda EIU. “Magaalooyinka Yurub ayaa si gaar ah ugu liitay qiimeynta sanadkan,” ayay intaasi raacisay. Sideeda magaalo ee hoos uga soo dhacay tobanka ugu sareeya qiimeynta ayaa ahaa magaalooyinka yurub. Tusaale ahaan, magaalada Vienna waxay hoose uga soo dhacday kaalinta koowaad waxayna gashay kaalinta 12aad. Caasimada Austria waxay hogaamineysay liiska dhowr sano, waxayna kaalmaha hore wada gali jireen magaalada Melbourne. Laakiin magaalada Hamburg oo ku taal woqooyiga Jarmalka ayaa si aad ah hoos uga soo dhacday snadkan kaalintii ay ku jirtay oo 34 waxayna soo gashay kaalinta 47aad. Liiska tobanka magaalo ee ugu noolasha wanaagsan Auckland, New Zealand Osaka, Japan Adelaide, Australia Wellington, New Zealand Tokyo, Japan Perth, Australia Zurich, Switzerland Geneva, Switzerland Melbourne, Australia Brisbane, Australia Liiska tobanka magaalo ee ugu noolasha xun Damascus, Syria Lagos, Nigeria Port Moresby, PNG Dhaka, Bangladesh Algiers, Algeria Tripoli, Libya Karachi, Pakistan Harare, Zimbabwe Douala, Cameroon Caracas, Venezuela Qaran News
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Dhismaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland oo meel gebogebo ah maraya. Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo khuburada dhismaha gacanta ku haysa. Dhismaha cusub ee banigaga dhexe ee dowladda Puntland dhammaan kharashka ku baxaya Dowladda ayaa bixisay, wuxuuna ka midyahay xarumaha hay’addaha dowladda ee lagu wado horumarinta. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kormeeray dhismaha cusub ee Bankiga Puntland appeared first on Puntland Post.