Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Golaha xidhiidhka arrimaha dibadda ee CFR oo ka shaqaysa siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka iyo xidhiidhada caalamiga, ayaa warbixin ay ka diyaariyay hannaanka dimquraadiyadda Somaliland iyo doorashadii dhawaan ka qabsoontay dalka, waxa ay ciwaan uga dhigtay “Aqbalaada Dimuquraadiyada Guulaysatay ee Somaliland”. Golahan oo dawladda Maraykanka kala shaqeeya xidhiidhada caalamiga ah iyo siyaasadda arrimaha dibada ayaa shirar u qabta mas’uuliyiinta dowladda Maraykanka, hoggaamiyeyaasha ganacsiyada adduunka iyo xubnaha caanka ah ee sirdoonka dalkaasi, kaas oo lagu gorfeeyo istaraatiijida siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, waxaana xubno ka ah in ka badan shankun, oo qof oo isugu jira siyaasiyiin waaweyn iyo agaasimayaasha CIA. Warbixintan ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo u muuqata in ay tahay horyaalka dimuqraadiyada mandaqada Geeska Afrika, ay dhisatay taariikh cajiib ah oo ku salaysan hirgelinta doorashooyinka la isku halleyn karo iyo isku wareejinta xukunka awoodda dalka si nabad ah, balse ay haddana jiraan caqabado badan oo ka hor imanaya guusha Somaliland. Warbxintaasi oo dhamaystiranna waxa lagu bilaabay sidan “31-kii May, dadka reer Somaliland waxay u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb galaan doorashooyinka baarlamaanka iyo dawladaha hoose. Gobolkan oo ah mid muddo badan iskii u taagan ayaa lahaa taariikh gumeysi oo ka duwan inta badan dalalka kale ee mandaqada, isla markaana ku dhawaaqay madaxbanaanidiisa 1991. Somaliland ayaa dhistay taariikh cajiib ah oo ku saabsan doorashooyin la isku halleyn karo iyo isku wareejinta xukunka awoodda dalka si nabad ah. Waa in la aqbalaa rabintaanka shacabka reer Somaliland oo si nabad ah rabitaankooda ugu muujiyay codbixinta doorashadas, taasoo siinaysay xisbiyada mucaaradka hoggaaminta baarlamaanka Somaliland. Halka ay muwaaddiniinta reer Soomaaliya inteeda kale ay la-tacaalayaan ammaan darro iyo dawlad aan waxbka qaban nabadgelyada iyo adeegyada bulshada, taas oo ku tiirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah iyo gargaarka shisheeyaha, iyada oo xitaa aan u muuqan inay isku raacsan yihiin xuduudaha aasaasiga u ah nidaamkeeda siyaasadeed. Jamhuuriyadda Somaliland oo ah horyaalka dimuqraadiyada mandaqada Geeska Afrika, haddana waxaa jira caqabado badan oo ka hor imanaya guusha Somaliland, balse iyadu waxay sameysay xoogaa guul ah oo horumarineed. Somaliland waxay leedahay awood yar oo ay kula macaamili karto dowladaha kale ama hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, marka loo eego kuwa deriska ah, sababta oo ah dunidu ma aqoonsan madax-bannaanideeda, haddana waxay sii wadaa qorshayaal lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, shaqooyin la siinayo dhallinyaradeeda, ilsa markaana hoggaamiyeyaasheeda lagula xisaabtamo sanduuqa codeynta. Somaliland waxay xanbaarsan tahay waxyeello naxdin leh oo ka soo gaadhay arxan-darradii taliskii Siyaad Barre, haddana cabashada taariikhiga ahi salka kuma hayso himiladeeda qaran. Firfircooni ahaan bulshada reer Somalialnd uma eeka sida kuwa Soomaaliya (Koonfurta). Guulaha ay gaadhay Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’deeda dimuquraadiga ah ayaa mudan in fiiro gaar ah loo yeesho, xili lagu guda jiro xiisad ka taagan gobolka iyo dib u gurashada dimuqraadiyadda adduunka. Guusha Somaliland waxay canaan ku tahay kuwa ku dooda in kali-talisnimadu ay tahay qiimaha looga baahan yahay xasiloonida gobolka, ama aaminsan mabaadi’da dimoqraadiyadeed in ay tahay mid qariib ah. Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ayaa hogaaminaya gal dacwadeed laga gudbinayo Farmaajo. Guddoomiye Abshir ayaa sheegay in gal dacwadeedka ka dhanka ah madaxweynaha waqti xileedkiisu dhammaaday lagu baadi-goobayo dhalinyaradii tobabarka uu Farmaajo ugu qaaday Eritrea. “Waxaan go’aansaday in aan horkaco dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadi-goobayo carruur muddo 2-Sanno ka badan ku maqan Eritrea,” ayuu yidhi. Abshir ayaa tallaabadan u qaaday si ay cadaalad u helaan waalidkii dhalay dhalinyaradaas, islamarkaana ay u helaan warbixin ku aadan xaaladooda, kadib markii ay dowladda iska dhago tirtay baaqyo kala duwan oo arrintaas la xidhiidhay. Waxa kale oo uu qaadistooda ku tilmaamay mid sharci darro ah, isagoona ugu baaqday umadda iyo hey’adaha xuquuqul insaanka inay arrinkan wax ka qabtaan. Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hoggaanka u hayo Farmaajo ayaa gebi ahaanba iska indho saabtay baaqyo kala duwan oo kasoo baxayay qaar kamid ah goleyaasha dowladda iyo cabashooyin dhowr ah oo ay jeediyeen waalidiinta dhalinyaradaas. Dacwada Abshir uu hogaaminayo ayaa kusoo aadeysa saacado un kadib warbixin ay soo saartay guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigray-ga, ayada oo lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo kaxeeyay xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalla Eretria, isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga. Warbixinta oo ka kooban illaa 17-bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Millatariga ee Eretariya. “Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yidhi warbixinta. “Sidoo kale waxaa xusid mudan in ciidamada Soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yidhi warbixinta. Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in Dowladda Soomaaliya ay beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigray-ga, iyadoo guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen Ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Waalidiinta askarta ay Dowladda Soomaaliya geysay dalka Eretria ay ku jiraan xaalad murugo ah iyadoo inta badan askartaas aan lagu heyn nolol iyo geeri, waxayna waalidiinta muddooyinkii dambe dhigayeen banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego ilmahooda. Source
  3. Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka. Guddigan oo ka kooban todoba xunod ayaa ra’iisul wasaaraha ka garabsiin doono arrimaha doorashooyinka, xubnaha guddiga ayaana qeyb ka aheyn dowladda iyo mucaaradkaba . Guddigan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu maalmaha soo socdo safar ku tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku beegan maalmo kadib markii uu Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe ku laabto Kismaayo, kaasoo hadda jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ujeedada safarka Rooble ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimo la xariira doorashada Soomaaliya iyo dhameystirka heshiiskii laga gaaray doorashada ka dhici doonto magaalada Garbohaarey ee xarunta gobalka Gedo. Labada mas’uul ayaa la sheegay in ay halkaas ku dhameystiri doonaan waxyaabaha suurta gelin kara in Garbohaarey ay ka qabsoonto doorasho nabad ah, xilli dadka halkaas dagan aysan taageersaneyn maamulka Axmed Madoobe. Maamulka Jubbaland waa maamulka kaliya ee uusan ilaa hadda tagin Rooble, waxaana la filayaa in safarkaan uu ka badalnaan doono kuwii hore. Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Afisyoone ayaa lagu go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay. Madaxda shirweynihii doorashada ee Afisyoone ayaa sidoo kale go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u saareen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada. Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kala tashto ra’iisul wasaare Rooble. Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sugaya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada. The post Rooble oo tegaya Kismaayo, si uu Axmed Madoobe ugala hadlo arrin xasaasi ah – Xog appeared first on Caasimada Online.
  5. UNITED NATIONS (AP) — Eritrea’s foreign minister blamed U.S. administrations that supported the Tigray People’s Liberation Movement for the last 20 years for the current war in northern Ethiopia’s Tigray region, saying that blaming Eritrea for the fighting was unfounded. Source: Hiiraan Online
  6. The New Arab Meets: British-Somali designer, Faduma Farah, who, unsettled by the lack of clothing options for wheelchair users, set out to forge a new style that truly accommodates disability. Now, her collection is debuting at London Fashion Week. Source: Hiiraan Online
  7. Kensington and Area Refugee Sponsorship Initiative raising $60K Source: Hiiraan Online
  8. Officers were escorting two buses from Rhamu to Banissa when gunmen opened fire on them Source: Hiiraan Online
  9. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qaabilsan isku xirka dhinacyada ku hawallan arrimaha doorashooyinka dalka. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay guddiga sare ee farsamada, oo arrimaha doorashada ka taageeraya Ra’iisul wasaaraha, kana kooban todoba xubnood. Guddigaas ayaa ka shaqayn doona isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed. Guddiga ayaa kala ah: Cabdulqaadir Cilmi Cali Avv. Cumar Maxamed Cabdulle Faadumo Cabdi Cali Maxamuud Maxamed Rooble Leyla Cabdikariin Maxamed Liibaan Rabiile Good iyo Maxamuud Maxamed Rooble. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga sare ee Farsamada doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  10. Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa sheegtay in ay 73 haamood oo Oxgen ah kala wareegtay Hay’adda caafimaadka Adduunka – WHO. War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in ay hay’adda WHO kala wareegtay 73 haamaha Oxgent ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo degaanada Puntland. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Dr Jamac Farax Xasan ayaa deeqdaas kala wareegay Madaxa hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaliya, Dr Malik. Haamahan Oxgen-ta ayaa loogu tala-galay in lagula tacaalo xaaladaha xanuunka COVID-19 ee ka jira gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo hay’adda Caafimaadka Aduunka kala wareegtay 73 haamood oo Oxgen ah appeared first on Puntland Post.
  11. Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la diyaarinayo kadib markii QM ay xaqiijisay in askar Soomaali ah la geeyey Dagaalkii Tigray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ayaa hogaaminaya gal dacwadeed laga gudbinayo Farmaajo. Guddoomiye Abshir ayaa sheegay in gal dacwadeedka ka dhanka ah madaxweynaha waqti xileedkiisu dhamaaday lagu baadi-goobayo dhalinyaradii tobabarka uu Farmaajo ugu qaaday Eritrea. “Waxaa go’aansaday in aan horkaco dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadi-goobayo caruur muddo 2-Sano ka badan ku maqan Eritrea,” ayuu yidhi. Abshir ayaa tallaabadan u qaaday si ay cadaalad u helaan waalidkii dhalay dhalinyaradaas, islamarkaana ay u helaan warbixin ku saabsan xaaladooda, kadib markii ay dowladda iska dhago tirtay baaqyo kala duwan oo arrintaas la xidhiidha. Waxa kale oo uu qaadistooda ku tilmaamay mid sharci darro ah, isagoo ugu baaqay umadda iyo hey’adaha xuquuqul insaanka iney arrinkan wax ka qabtaan. Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa gebi ahaanba iska indho saabtay baaqyo kala duwan oo kasoo qaar kamid ah goleyaasha dowladda iyo cabashooyin dhowr ah oo ay jeediyeen waalidiinta dhalinyaradaas. Dacwada Abshir uu hogaaminayo ayaa kusoo beegmaysa saacado un kadib warbixin ay heshay Warbaahintu oo la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigray-ga, ayada oo lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas. Warbixinta QM ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo qaaday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga. Warbixinta oo ka kooban illaa 17-bog oo laga soo bandhigay qeybtan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya. “Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yidhi warbixinta. “Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada Soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yidhi warbixinta. Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in Dowladda Soomaaliya ay beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigray-ga, iyadoo guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen Ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Waalidiinta askarta ay Dowladda Soomaaliya geysay dalka Eretria ay ku jiraan xaalad murugo ah iyadoo inta badan askartaas aan lagu heyn nolol iyo geeri, waxayna waalidiinta muddooyinkii dambe dhigayeen banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego ilmahooda. Qaran News
  12. Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulan aaladda fogaan aragga ah la qaatay Wasiirka Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ka mid ah xaaladda dalka iyo doorka Wasaaradda ee horumarinta Haweenka. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo qorshe cad oo lagu gaarayo qoondada 30% ee ah haweenka doorashooyinka soo socda iyo in la hubiyo ka qeybgalka buuxa ee haweenka inta lagu gudajiro doorashada, Mr James Swan ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto doorashooyin loo dhanyahay oo ka dhaca Soomaaliya. Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa tilmaamtay in ka Wasaarad ahaan ay dadaal badan ku bixisay la kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo mas’uuliyin kale oo ay kala hadashay in la adkeeyo qoondada haweenka 30% inay ku yeeshaan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo. PUNTLAND POST The post James Swan oo wada-hadal gaar ah la yeeshay Wasiirka Haweenka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Beladweyne laga qorayaa dhallinyaro maleeshiyaad ah oo ka soo horjeeda maamulka HirShabeelle, kuwaasoo si gaar ah u doonaya in ay caqabad ku noqdaan doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa magaaladaas. Siyaasiyiin ka tirsan beesha Xawaadle oo qaarkood hadda ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa lacag ku bixinaya in aysan Beladweyne ka qabsoomin doorasho uu hogaaminayo maamulka HirShabeelle oo ay beeshaas si weyn u diidan tahay. Doorashada xildhibaanada ayaa la qorsheeyey in maamul goboleedkiiba ay ka dhacdo laba magaalo, waxaana HirShabelle la shaaciyey inay noqon doonaan Jowhar iyo Beledweyne. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Jabhada Janaraal Xuud lagu biiriyay tobaneeyo maleeshiyaad ah islamarkaana loo geeyay hub iyo saanad kale, taasoo la sheegay in loo adeegsan doono qabashada doorasho xor ah oo ay iyaga isku doortaan bulshada Xawaadle iyadoo meesha laga saarayo milinka maamulka HirShabeelle. Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa la sheegay in uu ugu horreeyo siyaasiinta arrintaan taageersan isagoo lagu eedeeyay in uu lacag ku bixinayo. Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa hore u taageeray Jabhadda Janaraal Xuud isagoo sidoo kale si weyn u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Cali Guudlaawe, oo uu mar uu wareysi bixiyey ku qeexay “nin miyiga ka yimid oo dadka u kala saar saara hab qabiil.” Beesha Xawaadle ayaa kasoo horjeesatay madaxweynenimada Guudlaawe, ayada oo ku dooday in ayada kaliya ay xaq u leedahay xilka madaxweyne ee maamullkaas, halka beesha Guudlaawe ay leedahay caasimada. The post Xog: Maleeshiyo ka hortagta doorashada xildhibaanada BF ee HirShabelle oo la qorayo appeared first on Caasimada Online.
  14. Geneva (Caasimada Online) – Danjire Ebyan Saalax oo Soomaaliya ku matasho golaha xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa loo doortay xil muhiim ah oo kamid ah xilalka Hey’adda Qaramada Midoobay. Ebyan ayaa loo doortay inay noqoto mid kamid ah afarta madaxweyne ku xigeen ee xafiiska hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Golaha Qaraamada Midoobay ee Caasimadd Geneva ee dalka Switzerland. Xilka loo doortay gabadhaan matasha Soomaaliya ayaa la sheegay inay sii heyn doonto waqtiga ka dhiman xil heynta Ali Ibn Abi Talib Mahmoud oo hadda ah wakiilka joogtada ah ee dowladda Suudaan. Qoraal lagu sheegay doorashadaan ayaa lagu daabacay barta Twitter-ka ee Qaramada Midoobay,balse lagu faahfaahin sababta xilkaan looga wareejiyey Ali Ibn Abi Talib Mahmoud oo ah ergayga dowladda Suudaan. Ebyan ayaa xilka madaxweyne ku xigeen ee xafiiskaas kula soo biirtay seddexda dan jire ee kala ah Keva Lorraine Bain, ergayga gaarka ah ee Bahamas, Monique T.G. Van Daalen, oo metesha Netherlands iyo Yuri Borissov Sterk oo Bulgaria ku metela xafiisyadda Qaramada Midoobay ee Geneva. Afarta madaxweyne ku xigeen ee xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa waxaa xusid mudan in seddex kamid ah ay yihiin haween, halka Yuri Borissov uu yahay shaqsiga kaliya ee ragga ah ee kamid ah qaanadaas. Madaxweynaha Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay xafiiska Geneva ayaa waxaa bishii January 2021 loo doortay Nazhat Shameem Khan oo sidoo kale illaa sanadki 2014-kii ah wakiilka gaarka ah ee Dowladda Fiji u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva. The post Soomaaliya oo xil muhiim ka qabatay gole ka tirsan QM appeared first on Caasimada Online.
  15. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa xalay mar kale u doortay in Antonio Guterres xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay. Danjiraha Dowladda Estooniya u fadhiya Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador SEVEN JURGENSON oo ah Guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa akhjriyey Qaraarka ka soo baxay Golahaasi oo tirsigiisu ahaa 2580. Waxa uu ku dhawaaqay Dib-u-doorashada Xoghayaha Guud ee QM oo u dhashay dalka Bortiqiiska oo uu xilli hawleedkiisa labaad u bilaaban doonto bisha Janaayo Kowdeeda ee sanadka soo socda ee 2022-ka ilaa bisha December ee sanadka 2026-ka. Antonio Guterres oo 72-sano jir ah waxa uu Xoghayihii Guud ee 9-aad ee QM noqday sanadkii 2017-kii, wuxuuna horey muddo 10-sano ahaa Madaxii Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR. PUNTLAND POST The post Antonio Guterres oo mar kale loo doortay Xog-hayaha Qaramada Midoobau appeared first on Puntland Post.
  16. The Success Of Somaliland I had the pleasure of travelling to Somaliland for the Twenty twenty-one election campaign. I had wanted to witness in person the seventh cycle of elections in this up and coming young nation. Thirty years of independence and Somaliland is certainly punching above its weight, to use Boxing jargon. This democratic nation, in a sea of volatility that is the Horn of Africa, has sailed such seas with admirable maturity. A maturity older nations can only hope to emulate. So what is the secret behind Somaliland’s successes. In a word, Consensus. In the distant past in Somaliland, the people used to settle their disputes through the patrilinial system where elders were the final arbiters of justice. The elders came to a decision by consensus and the oldest gentlemen announced the decision much like a modern day Supreme Court. The defendent and the plaintiff had to abide by the decision as the ‘Courtl would brook no dissent. Under the penalty of property confiscation the defendent and the plaintiff had to accept the decision. So was established social cohesion and law and order. The maxim was society must flourish based on Quranic law. You might say democracy came to Somaliland about the same time the Magna Carta was introduced in England by John the Second. I digress, The history of Somaliland in the twentieth century is peppered with many periods of grassroot consensus building. For example, when the declaration of independence was signed in London Somaliland was represented by the three major tribes of Somaliland The Isaak, Darod and Gadebursi. A nation as diverse as Somaliland had come to a consensus that all its people would be present at the historic signing. Signing independence documents, London 1960 Left to right: Haji Ibrahim Nur (Gadebursi), Ali Garad Jama (Darod) Ahmed Haji Duale ‘Ahmed Keysel (Isaak) Seated Mohamed H. Ibrahim Egal Where does Somaliland’s zeal for democracy come from. Well Somaliland has, as I have mentioned previously, practised a finely tuned mix of homegrown and internationally recognized democracy. Even when in the bush fighting the despotic dictator Siad Barre and his apocalyptic regime, the Somali National Movement (SNM) had six different chairmen from nineteen eighty-one to nineteen ninety-one. Each Chairmen served for a two year term. So it came as no surprise to Somalilanders that the victorious SNM would hand over power to a civilian government in nineteen ninety-one. The Six Chairmen of the Somali National Movement 1981 to 1991 . In this seventh election cycle, the government of Somaliland has taken upon itself to pay over sixty percent of the election cost. It is a solemn undertaking with the International community watching. As over a hundred observers descended upon Hargeisa to see first hand what makes Somaliland tick , the PEOPLE, and observe an election. The reader must keep in mind that Somalilanders are putting their best foot forward every time hoping a friendly nation would acknowledge the fact this young nation is here to stay. The ten days I spent in Hargeisa during this election would not have been possible without the continued motivation provided by the Somaliland Recognition Storm (SOREST) Think Tank. Sorest is a vital organization at the forefront of Somaliland’s quest for International legitimacy. I would like to acknowledge all the members and The Board of this robust organization, SOREST. I would also like to thank Mohamed Jama of Qarannews for his wonderful hospitality. At the time of writing the election results have come in and the biggest winner, as always in S/Land politics, is the PEOPLE. As we like to say Africa’s best kept secret is no longer a secret. Somaliland now and forever. Hassan Mohamed Abokor abocar33@gmail.com Notes_210607_191059 Qaran News
  17. On this day, in June 2008, Aden Abdulla, the first President of Somalia, passed away at the age of 98, 41 years after he left office in 1967. This piece of writing tries to give the reader a brief account of the unique leadership qualities of the late President. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ee uu ka dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya Mowjado siyaasadeed oo waa weyn, kuwaasoo ka dhashay war qoraal oo ay baahiyeen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha, islamarkaana baarayay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray dalka Itoobiya. Warbixinta guddiga ayaa qodobo kamid ah waxaa lagu caddeeyay in dagaalkii ka dhacay gobolkaas ay ka qeyb galeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar loo geeyay dalka Eritrea, kuwaas oo qasab lagu geeyey gobolka. “Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eritrea dagaalka ee Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta QM. Durba waxaa billowday Mowjado siyaasadeed oo waa weyn kadib markii ay ka hadleen qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, Senatoro, Xildhibaano iyo waalidin carruurta dhalay. Farmaajo iyo dowladdiisa ayaa muddo qarinayey in ciidan la geeyey Eritrea, hase yeeshee waxay markii ay soo baxday qirteen inay jiraan ciidan halkaas la geeyey balse beeniyeen in loo gudbiyey gobolka Tigray, hase yeeshee warbixinta QM waxay soo xirtay albaabkii beeninta ee dowladda federaalka. Madaxweyne Farmaajo oo hore u qabay dhaawac culus oo ka soo gaaray dhiibistii Qalbi Dhagax ayaa hadda wajahaya mid taas kasii daran haddii uusan la imaanin cadeymo muujinaya in carruurtaas noolyihiin, oo uusan dib ugu soo celin waalidkooda. Haddii aanu sidaas sameyn, Farmaajo waxaa u qormeysa taariikh labaad oo aad u xun. Wuxuu horey u noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya cadow. Wuxuuna hadda u muuqdaa inuu noqday mar kale madaxweynihii ugu horreeyey ee caruur Soomaaliyeed u gacan geliya cadow, si dagaal loogu adeegsado. Dad badan ayaa aaminsan in dhiibistii Qalbi Dhagax iyo haddii ay dhab noqoto arrinta dhalinyarada oo ah in dagaalka Itoobiya ka qeyb galeen ay meesha ka bixi doonto rajo kasta oo uu qabay Madaxweyne Farmaajo oo ku aadaneyd dib u doorashadiisa. Xubno uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dacwad ay ka gudbin doonaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay ka sii dareyso wararka arrintaan ku saabsan wixii ka dambeeyay warbixintii QM. Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii 2017 olalihiisa ugu weyn ee codka ku helay ahaa Itoobiye naceyb balse hadda waxaa lugaha la galay falal aad u qaraar oo baal madow uu kaga qormayo taariikha Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Farmaajo oo taariikh labaad oo madow ay u qormeyso appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin oo wax laga weydiiyey Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ku dhawaaqeen ayaa ku jawaabay; “Xisbiyadu wey is bahaysan karaan, 16 sano ayaa ka soo wareegtay sheekadu sheekadii berigii ayay u eegtahay, waan sugaynaa halkay biyo fadhiisato iyo siday uga midho dhaliyaan isbahaysigooda.” Jawiga maanta waxa uu ku lamaaneeyey 16-sano ka hor markii xukuumadiisii ay mucaaridkii xiligaasi Kulmiye iyo Ucid isbahaysi u samaysteen, waxaanu su’aal galiyey sida ay uga jibo keenaan damacooda. Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi xooggan ayaa lasoo daristay dadka ku nool duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii ay ka dhaceen falal is daba joog ah oo guryahooda looga afduubtay wiilal dhallinyaro ah, labadii todobaad ee ugu dambeysay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kooxo hubeysan ayaa todobaadkii hore oo kaliya deegaanka Ceelasha Biyaha ka afduubtay 4-qof oo 3 kamid ah ay yihiin dhallinyaro da’dooda ay u dhaxeyso 13 ilaa 16, halka qofka kalena uu ahaa oday 60-sano jir ah. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, dhammaan dadkaan oo qaabab kala duwan loo afduubtay ayaa lasoo daayey, kadib markii ehelladooda laga qaatay lacag madax furasho ah. Maxamed Saadaq oo kamid ahaa dhallinyarada la afduubtay, islamarkaana la hadlay telefishinka Universal TV ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay jir dil xoog leh u geysteyn marka la afduubanayey, xilli uu u socday Masjid u dhow gurigiisa. Maxamed ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay geeyeen meel cid ah oo aysan dad ku nooleyn, wuxuuna xusay in lasoo daayey markii eherlkiisa laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaareysa 300 Dollar. “Aniga oo gurigeyga kasoo baxay una socdo masjidka gacantana ku heysto Moobeel ayaa waxaa iga soo hor baxay gaari ay saarnaayeen dabley hubeysan, waxaana u heystay inay moobeelka iga dhici rabaan, moobeelkii ayaan tuuray, kadib waxaa la igu bilaabay rasaas, waxaa soo dagay niman hubeysan, kadibna gaariga qeybta dambe ayaa la igu tuuray, waxayna i dhaheyn ma hadin kartid,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay Universal TV. Maxamed oo ka hadlayey halka la geeyey ayaa yiri “Waxaa la i geeyey meel dhinaca duurka ah ka xigta Lafoole, gaariga waa la iga dajiyey, waxaana la igu hayey bistoolad.” Leyla Cabdi oo ah hooyada dhashay Maxamed oo kamid ah dhalinyarada la afduubtay ayaa sheegtay in markii ay wiilkeeda weysaneyd saacado ay lasoo xiriireyn dableyda afduubtay. “Markii aan saacado waayey wiilkeyga, waxaa ila soo xiriiray wiilkeyga oo oynaaya, wuxuu igu dhahay lacag haddii aan la iga bixin waa la i dilayaa, wuxuu iigu dhiibay nimankii afduubtay, waxayna igu dhaheyn 5 daqiiqo haddii aadan 300 Dollar soo dirin wiilkaaga oo meyd ah ayaad arki doontaa,” ayey tiri hooyo Leyla. Hooyadaan ayaa sheegtay in ugu dambeyntii ay bixisay lacagtii laga rabay ee madax furashada ah, sidaas wiilkeeda lagu soo daayey. Falalka afduubta ah ee kusoo badanayo Ceelashada Biyaha ayaa cabsi xoog leh ku abuuray dadka deegaanka, waxaana durba bilowday barakac ay sameenayaan qaar ka tirsan Shacabka halkaas dagan. Halkaan hoose ka daawo wareysiga wiilka la afduubtay iyo hooyadiisa The post Afduub ka billowday duleedka Muqdisho iyo dhallinyaro laga bixiyey madax furasho + Video appeared first on Caasimada Online.