Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bile Yusuf Nur, who used to earn his living as a frankincense trader, is supporting his family as a fisherman on a couple of dollars a day, following the collapse of the export trade in the ancient aromatic resin as an indirect result of the COVID19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  2. In May officers from the Somaliland Police completed two EU and UN supported courses, on maintaining public order and safety during the election campaign as well as other public events. Source: Hiiraan Online
  3. Former US president Donald Trump has “congratulated” Nigeria following its recent decision to suspend social media platform Twitter. Source: Hiiraan Online
  4. Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii shalay ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaasi oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya. Qofka dharbaaxay Macron ayaa la maqlayey isaga oo ku qeylinaya “ha dhaco Macron.” Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo. “Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron. Waxa uu intaas ku daray in “shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.” Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska. “Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo,” waxaa sidaas baarlamanka u sheegay ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex. “Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu ku daray. Macron ayaa isaga oo ay wehlisay xaaskiiska Brigette waxa uu sii watay inuu shacabka la kulmo. “Waxaan mar walba raadiyaa inaan xiriir la sameeyo shacabka, aniga oo ku dhowaanaya. Sida aan sheegay waan doonayaa sidaas,” ayuu yiri. Waxa uu dhacdadaas ku qeexay “mid nacasnimo ah”, wuxuuna yiri “marka nacasnimada lagu daro rabshado, waa wax aan la aqbali karin.” AFP + VOA The post Muxuu MACRON ka yiri dharbaaxadii lagu dhuftay? appeared first on Caasimada Online.
  5. Greece said on Monday that migrants from Syria, Afghanistan, Pakistan, Bangladesh and Somalia should seek asylum in Turkey instead of Greece. Source: Hiiraan Online
  6. Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Arbaca yeeshay kulan ay diiradda ku saarayeen arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay. Guddigaan waxaa uu raisal wasaaraha ay ka taageeri doonaan: In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah. 2.Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si loo hagaajiyo habsami u xiriirka hayadaha wada shaqeynaayo 3. In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka. 4.Xiriirinta XR, Golaha wadatashiga qaranka iyo bessha caalamka. Doorashooyinka Soomaaliya waxa maamulaya hirgalintooda guddiyada madaxa bannaan ee heer Federal FIET iyo Heer dowlad Goboleed SIET iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka. Guddigan Ra’isul Wasaaruhu magacaabay waxa ay shaqadoodu ku kooban tahay in ay farsamo ahaan gacansiiyaan guddiyadaas kor ku xusan si howlaha doorashada ugu qabtaan si daahfuran oo madax bannaan. PUNTLAND POST The post Guddigii Rooble magacaabay oo kulankii u horreeyay yeeshay appeared first on Puntland Post.
  7. In Somaliland, recurrent droughts have forced pastoralist communities to leave their land and move to congested internally displaced persons (IDP) sites, which are often overcrowded and poorly maintained. ACTED conducted site maintenance and improvement works, and established camp governance structures in all the targeted sites. This project was carried out in partnership with Somali Humanitarian Fund. ACTED provided support to 31 IDP sites in Togdheer Region in Somaliland for period of one year April 2020 and April 2021. Drought, conflict, and floods In recent years, many parts of Somaliland have experienced a “perfect storm,” whereby the combined effects of drought, clan conflict, and locust infestation have forced countless families to leave their homes in search of relief from unbearable conditions. ACTED became aware of the substandard nature of both shelter and sanitation situations in IDP camps as well as a lack of a defined place to hold meetings to better organize camp management. Improving camp management with community meeting centers After consulting with local community leaders to discuss their needs, ACTED constructed and furnished two community centers. This has provided both communities with a private space to hold community meetings, as well as to engage with humanitarian actors regarding ongoing activities. The community centers also provide a location for the communities to host visitors, such as local officials, and to discuss plans for further improving living conditions in the community. Farah Abdi is a 35-year-old father of seven, who lives in Adan Saleban IDP site in Togdheer Region of Somaliland. Farah fled from the rural areas in Togdheer region due to the 2016 and 2017 drought that killed his livestock. He now serves as the chairman of his IDP site’s Camp Management Committee. The site hosts more than 400 households yet had no place for the community to meet. Farah talked about the change it brought to the community. “The entire time we have lived in this IDP camp, we have not had a community center. We tried to contribute money to construct shaded place so it can be our meeting hall but we were unable to do so due to lack of funds. We now have a community center where we can hold important meetings and receive guests and other humanitarian actors. I believe this center will greatly help the sharing of information within the community.” ACTED established Site Maintenance Committees composed of community members who had received training to identify risks in the camp. Site Maintenance Committees conducted site maintenance activities with tool kits provided by ACTED and were paid through cash-for-work activities. Participants rehabilitated shelters for the most vulnerable households, and constructed latrines to improve sanitation in IDP sites. This temporary employment through improved the situation in the sites and enabled participants to purchase essential basic supplies. ACTED improved living conditions of displaced persons, 92,128 people in total. Source: Relief Web The post Improving living conditions in camps for displaced families in Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hey’adda Nabad-sugida NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiia dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka shaqeeyey inay dhexdooda isku soo jeestaan xubnihii mucaaradka ahaa ee sida wadajirka ah uga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo. Sanbaloolshe oo la hadlay Telefashinka Universal ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay noqdeyn jabhado aakhiritaankii dhexdooda isku soo jeestay, isagoo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu aamusnaan ku kala qeybinayo mucaaradka. “Yaxaaska marka uu webigu biyo beelo dhulkuu galaa wuu is-duugaa markuu roob yimaadana waa soo baxyaa. Hadda Farmaajo waa is-maskiininayaa waa is-duugayaa wuxuu isku dayayaa in uu iska dhigo nin maxmiyad iyo maskiin ah ragga ay iska soo horjeedaana ay is-tusiyaan waxa isku soo haray in ay ayaga tahay oo ay ayaga isku soo jeestaan,” ayuu yiri. Sanbaloolshe ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan heysan fursad labaad oo uu mar kale ku noqdo madaxweynaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu intaas ku daray in haddii uu Farmaajo mar kale kusoo noqdo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay taas ka dhignaan doonto sii socoshada colaad sokeeye. “Farmaajo wax fursad ah uu leeyahay in dib loo doorto ma jirto. Haddii la doortana macnaheedu waa [sii socoshada dagaal sokeeye, kala qeybsanaanta]; yacnii ballaayo sii socota ayaa qoorta lala geli doonaa mooyee xal maka imaanayo,” ayuu mar kale yiri. Hadalka Taliyihii hore ayaa imaanayo xilli uu soo if baxay khilaaf u dhaxeeyo xubnaha midowga musharixiinta kadib markii xafiiska Ra’isulwasaaraha uu go’aan ka gaaray liiska xubnaha laga saarayo guddiyada doorashada ee tabashada ka jirtay taasoo keentay in xubnaha qaar ee musharixiinta ay soo dhaweeyaan halka qaarna ay cambaareeyeen. The post Sanbaloolshe oo shaaciyey xeelad uu Farmaajo ku kala qeybiyey MUCAARADKA appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kulan looga hadlayay taakuleynta Ciidamada qalabka sida la qaatay hay’adda culimada Soomaaliyeed Sidoo kale kulan waxaa looga hadlay in Culimadda Soomaaliyeed ay doorkooda ka qaataan sidii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa in la garab istaago ciidamada qaranka. Wasiir Beyle ayaa sidoo kale ku bogaadiyay culimadda Soomaaliyeed xoojinta wacyigelinta bulshada gaar ahaan muhiimadda ay leeyihiin ciidamada qaran oo har iyo habeen utaagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed . “Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmo Masuuliyiinta sare ee hey’adda Culumada Soomaaliyeed, sida Shiikh Bashiir A. Salaad iyo Shiikh Cali Wajiis.” Waxa aan ka wadahadlanay muhiimadda halabuurka dhaqaalaha iyo taakuleynta ciidamada dalkeena, iyada oo la adeegsanayo Wacyigalin iyo Barnaamijyada diiniga ah. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo kulan la qaatay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaco ah safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad ku aadaya waddanka Ingiriiska, halkaas oo ugu qeybgali doono shirka ururka G7 oo dooddiisa ugu badan ay noqon doonto tallaalka xanuunka COVID-19. Biden oo socdaalkiisa Qaaradda Yurub uu qaadan doono muddo siddeed maalmood ah ayaa wuxuu kale dib ugu yagleeli doonaan xiriirkii Mareykanka iyo xulufadiisa, kaas oo xumaaday intii uu talada hayay Madaxweyne Donald Trump. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in Madaxweyne Biden uu sidoo kale 16-ka June magaalada Geneva ee waddanka Switzerland kula kulmi doona madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin, waxaana Biden qorshihiisu yahay in Putin uu kala hadlo walaaca ku saabsan weerarada madax furashada ah ee ka imaanaya Russia, faragalinta Moscow ee Ukraine iyo arrimo dhowr ah oo kale, waxaana kulanka uu noqon doona midka ugu saameynta badan inta uu safarkiisa ku jiro, maadaama Putin uu xiriir wanaagsan lalahaa madaxweynihii isaga ka horreeyay. Biden wuxuu maalinta Khamiista ah sidoo kale kulan la yeelan doona Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, kaas oo ka dhici magaalada xeebta ah ee Cornwall, waxaana labada hoggaamiye dib u soo cusbooneysiin doonaan ‘xiriirka gaarka ah’ ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ingiriiska kaddib ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Joe Biden oo ku wajahan waddanka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  11. Muxuu madaxweyne Macron ka yidhi dhirbaaxadii Wejiga lagaga dhuftay? Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii shalay ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaasi oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya. Qofka dharbaaxay Macron ayaa la maqlayey isaga oo ku qeylinaya “ha dhaco Macron.” Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo. “Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron. Waxa uu intaas ku daray in “shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.” Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska. “Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo,” waxaa sidaas baarlamanka u sheegay ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex. “Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu ku daray. Macron ayaa isaga oo ay wehlisay xaaskiiska Brigette waxa uu sii watay inuu shacabka la kulmo. “Waxaan mar walba raadiyaa inaan xiriir la sameeyo shacabka, aniga oo ku dhowaanaya. Sida aan sheegay waan doonayaa sidaas,” ayuu yiri. Waxa uu dhacdadaas ku qeexay “mid nacasnimo ah”, wuxuuna yiri “marka nacasnimada lagu daro rabshado, waa wax aan la aqbali karin.” Qaran News
  12. Doorashadii Golaha Deegaanka iyo Baarlamaanka ee dalka ka dhacday toddobaadkii hore, ayaa waxa ku guul-daraystay Musharraxiin kala duwan oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo ahaa qaar ay Wasiiradda iyo Masuuliyiinta ugu tunkan weyn Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ay beelahooda ka soo xuleen,isla markaana ay ku bixinayeen dhaqaale,balse nasiib-darro kuma ay soo bixin liisaska musharraxiinta guulaystay ee Xisbiga KULMIYE,waxaanay galeen liisaska ugu hooseeya ee Musharraxiinta Guul-daraysay ee Xisbiga KULMIYE. Sida ka muuqata natiijooyinka hordhaca ah ee doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka ay soo saaraan komishanka doorashooyinka Qaranku,liisaska Musharraxiinta Golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ee guulaystay ee Xisbiga KULMIYE aanay ku jirin Musharraxiintii ay wateen Masuuliyiinta ugu tunka weyn leh Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE, taas oo muujinaysa in aanay masuuliyiintaas kalsooni ka haysan beelahood, maadaama oo ay dhaceen Musharraxiiintii ay wateen. Dhanka kale Masuuliyiinta sida weyn loo hadal hayo ee Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda ka tirsan, isla markaana ay hadheen Musharraxiintii beelahood ee ay Xisbiga KULMIYE ka soo sharraxeexaan,waxa ka mid ah Wasiirka arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed ahna Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE,kaas oo Musharraxiintii beeshiisa ee ka sharraxnaa Xisbiga KULMIYE ay ku guul-darraysteen doorashada,kuwaas oo ka sharraxnaa Gobolka Togdheer,balse ka mid noqday Musharraxiinta dhacay ee KULMIYE iyo Wasiirka Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye iyo xubno kale Waxa kale oo isna ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda KULMIYE ee Musharraxiintii Juffadiisa ee uu Xisbiga KULMIYE ka sharraxay ay ku dhaceen doorashadda, Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan,kaas oo Musharraxiin beeshiisa ah oo uu ka soo sharraxay Gobolka Saaxil ay ku guul-daraysteen inay ku soo baxaan liiska Musharraxiinta guulaystay ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil,kuwaas oo kamid noqday kuwa ugu hooseeya codadka Musharraxiinta guul-daraystay. Geesta kalene Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa Iyana Musharraxiin ka soo jeeda juffooyinkooda oo ay ka sharraxeen Xisbiga KULMIYE iyo Gobolka Togdheer ay ku dhaceen doorashooyinkaa,kuwaas oo kaalmaha ugu hooseeya ka galay liiska Musharraxiinta guul-darraystay ee Xisbiga KULMIYE . Ugu Dambeyn masuuliyiintan iyo qaar kale oo baddan oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo cuud iyo cudud-ba ku bixiyey Musharraxiinta beelahood ee ay ka soo sharraxeen Xisbiga KULMIYE ayaa waxa xaqiiqo ah in Musharraxiin kale duwanaa ee ay degaanadooda ka soo sharraxeen Xisbiga KULMIYE ay dhaceen, waxaanay taasi markhaati u tahay in degaanaddooda aan laga taageersanay Xisbiga KULMIYE,isla markaana ay beeluhu si badheedha uga fadhiisteen inay u codayeen Musharraxiintaa. Sidoo kale, waxa la filayaa inuu madaxweyne biixi isbedel ku sameeyey xukuumaddiisa qaarka mid ah. Islamarkaanna shacabka Somaliland u dheg-taagayaan sidda uu ka yeelin doonno Madaxweyne Biixi Wasiiradda guul-darradda u keenay Xukuumadda iyo xisbul-xakimkeedda. Source
  13. Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar uu sheegay in laga faafiyay oo sheegaya in uu abaabulayo Mudaharaado Sidoo kale, wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu ka tanaasulay hankiisa uu ku doonayo Maayirnimo. Dhinaca kale, Madaxwayne Biixi, ayuu ugu baaqay inuu ixtiraamo doonista Shacabka. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaan ilaa hadda ka haddal doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay toddobaadkii hore,kuwaas oo ku qabsoomay si nabad ah, isla markaana natiijooyinkii hordhaca ahaa ay ku dhawaqeen Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland. Madaxweyne Biixi oo la filayey in uu ka hadlo qaabka ay u dhaceen doorashooyinkaas iyo natiijooyinka hordhaca ah ee laga soo saaray ayaan weli ka hadlin,taas oo ay si weyn isku weydiinayaan bulshada reer Somaliland waxa uu uga hadli waayey,balse xoggo hoose oo uu Wargeyska Waaberi ka helay illo wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu maal-maha soo socda ka hadli doonno doorashooyinkii Degaanka iyo Wakiillada siday u dhaceen iyo natiijooyinka ay soo saareen guddida doorashooyinka Qaranka Somalland iyo arrimo kale. Dhanka kalene Guddoomiyaha ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo ka hadlay doorashooyinkii Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay iyo natiijadda ay soo saareen guddida Doorashooyinka Qaranku, ayaa sheegay in Xukuumadda ahaan iyo Xisbi ahaan ay ku faraxsan yihiin sidii ay u dhaceen doorashooyinkaas,isla markaana ay Somaliland guul gaadhay Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere ayaa yidhi sidan:- “Waxa inoo soo gebogebowday doorashooyinkii Somaliland ka dhacayey ee isku sidkanaa,doorashadii Golaha Barlamaanka iyo Golaha Degaanka,Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin,doorashadaasu sidii ay u dhacday.” Waxa uu intaas ku sii daray Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere “Doorashadii wey inoo soo gebogebowday golihii degaanka iyo Golihii Barlamaankaba, waxa inoo taal sidaa nabad-gelyadda ah ee ay inoogu soo gebogebowday in aynu ku tashano.”ayuu yidhi. Source
  15. Daynuunay (Caasimada Online) – Dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhex maray Deegaanka Daynuunay oo Magaalada Baydhabo u jirta qiyaastii 26km. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan oo seddex jiho ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, wuxuuna dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan soo gaaray illaa barqaddii Maanta. Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey dagaalka ayaa waxaa laga maqlayey meel aad uga fog fog halka uu dagaalka ka dhacay, wuxuuna geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaanka. Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo dagaal qeyb ka ahaa ay sheegeyn inay iska difaaceyn weerarkii qorsheysnaa ee kaga yimid dhinac Al-Shabaab. Saraakiishaas ayaa sheegay inay jab xoog leh gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, inkastoo aysan sheegin tirada rasmiga ah. Dhinaca kale, Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee deegaanka Daynuunay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen. Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 60-aad ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dagaalka, waxaana aad u yar wararka laga heli karo dagaalka kadib markii isgaarsiinta hawada laga saaray. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka istaagtay, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta cidda gacanta ku heyso saldhigii lasoo weeraray. Dhinaca kale weerar culus ayaa lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi. The post DAGAAL saacado badan qaatay kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Deynuunay appeared first on Caasimada Online.
  16. Dagaal qaatey Saacado ayaa Waxaa Saakay Aroortii Uu Ka dhacay Deegaanka Deynuunaay Ee Gobolka Bay oo ku yaala inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo. Dagaalka ayaa waxaa ay Wararka qaar sheegayaan in Deegaanka ay Alshabaab Gacanta ku dhigeen inkasta oo aysan jirin Xaqiiq buuxda Maadama Magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan Gobolka Bay ay isgaarsiinta ka maqantahay mudo Shan Saacadood Oo Xariir ah. Wararka Laga Helayo Taliska Qeybta 60aad ayaa Sheegaya in Ciidanka ay ka war heleen in Wadooyinka Gala Deegaankaasi oo dhan Miinooyin ay ka buuxaan sidaa darteed halkaasi wali magaarin wax gurmad ah,taasi oo Sababtey in mudo dheer isgaarsiinta Hawada ay ka maqnaato. Deegaanka Daynuunay Waxaa Fariisin Ku leh Ciidanka Xooga Dalka qeybta 60aad Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday liiska illaa 41 jaamacadood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwaas oo helay aqoonsiga dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda Tacliinta sare ee Turkiga ee loo yaqaano YOK. Liiska jaamacadaha lasoo dhigay oo ku kala yaalla magaalooyinka waa weyn dalka ayaa maray hannaankii saxda ahaa is-diiwangelinta, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda. Sidoo kale liiskan ayaa waxaa loo soo gudbiyey safaaradda Turkiga ee ku taalla Muqdisho oo iyadu marin u ah safarka Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashad au aada dalkaasi. Halkan hoose la aqriso liiska 41 Jaamacadood ee aqoonsiga helay:- Dhinaca kale guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Turkiga ayaa farriin u diray Jaamacadaha kale ee aan is diiwaan-gelin, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobollada dalka,iyada oo loo qabtay illaa muddo ku siman 05/06/2021. “Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka Tacliinta Sare. Hadaba Waxaan ka codsaneynaa inay la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu dambayn 05/06/2021. Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri qoralka. Turkiga ayaa waxaa inta badan waxbarashada u aado ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha waa weyn ee ku yaalla gudaha dalkaasi, waxaana tan wixii ka dambeeyey 2011-kii sii xoogeystay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya & Turkiga. The post Turkiga oo aqoonsaday 41 Jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta dowlad goboleedka ee Jubbaland Mudane Mursal Khaliif oo ka qeyb-galay dood gaar ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada Soomaaliyeed ee la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, isaga oo caddeeyey mowqifka Jubbaland ee ku aadan arintaasi. Mursal ayaa marka wax laga xumaado ku tilaamay in askar Soomaaliyeed oo loo qaaday in loo soo tababarayo qarankooda la-geliyo dagaal ka socda dal kale oo shisheeye. Sidoo kale wuxuu dtilmaamay in kiiskan uu yahay mid caalami ah, isla-markaana loo baahan yahay in ciddii daabushay ciidamadaasi la horgeeyo maxkamad caalami ah. “Qof kasta oo mas’uul ka ahaa in askarta loo daabulo Tigray waa in uu cadaallada ku wajahaa maxkamad caalami ah, maadaama uu yahay kiis caalami ah,” ayuu yiri Mursal. Mowqifka Jubbaland ee ku aadan askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa kusoo aadaya, xilli warbixin kasoo baxday guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay lagu sheegay in askar Soomaali ah la geeyey gobolka Tigray, kadib markii uu dagaal culus ka qarxay bishii Novermber ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii. Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah ama jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan arrimaha ciidamadaasi. Arrintani ayaa uga sii dareysa walaaca ay qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo marar badan dibad-baxyo cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho, si ay war uga helaan wiilashooda tababarka loo qaaday. The post JUBALAND oo war ka soo saartay askarta Soomaalida ‘ee la geeyey’ gobolka Tigray appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha doorashooyinka ee dhowaan ka dhacaya dalka. Guddigan ayaa si gaar ah xafiiska ra’iisul wasaaraha uga taageerayo arrimaha doorashooyinka oo xal waara laga gaaray, kadib dadaallo uu sameeyey Rooble. Sidoo kale wuxuu guddigu la shaqeyn doonaa isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed. Todobo xubnood ee la magacaabay sidoo kale labo ka mid ah waa gabdho halka shanta kale ay yihiin rag, kuwaas oo kala ah:- 1-Abdkadir Elmi Ali. 2-Avv Omar Mohamed Abdulle. 3-Fatumo Abdi Ali. 4-Mohamoud Mohamed Roble. 5-Laila Abdikarin Mohamed. 6-Liban Rabile Good. 7-Abdulahi Hashi Hussein. Wareegtada kasoo baxday baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu faray guddigan inuu guto waajibaadka loo igmaday, maadaama la guda galayo doorasho. Soomaaliya ayaa haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo laga gaaray heshiis, kadib kulamo siyaasadeed oo uu garwadeen ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. The post Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi kale oo doorasho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  20. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE ayaa xalay kulano hoose iskugu yeedhay kawaadirta Xisbiga oo uu Horeeyay Madaxweyne Biixi halkaasi oo ay ku diyaarinayaan qaabkii loo kala jabin lahaa isbahaysiga mucaaridka ee Waddani iyo Ucid KULMIYE oo hore ugu hirgashay isbahaysiga Mucaaridka in ay ku qaybsadaan 16 sanno ka hor Xisbiga Ucid shirgudoonka Wakiiladda ayaa Hadda wadda in balanqaadayo waaweyn u samaynaaya xubnaha xildhibaanadda ee Xisbiyadda kale si shirgudoonka la saaro Wasiir Faratoon. Geesta kalena Mayirkii hore Caasimada Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco ayaa xidhiidh hoose la samaynaaya xildhibaanadda Deeganka ee barriga Hargeysa iyo kuwa ay isku Deeganka yihiin iyadoo la filaayo ilaa bari ay is fahan la samaynaaya xildhibaanadaas. Isbahaysiga Mucaaridka ayaa geestiisa kulamo joogto ah labadda galinba ku yeesha Hotel Ambassador taaso ilaa Hadda khilaaf xoogan iyo is afgaran waa Dhanka maayirka Caasimadda iyo shirgudoonka Wakiiladda u dhaxeeyo. Guddomiye faysal Cali waraabe ayaa ku adkaysanaya in maayirka Caasimadda la siiyo xisbigiisa madame uu Waddani u ogolyahay Guddomiyaha wakiiladda. Wixii warar ka soo kordha la soco oo isha ku hay Somalilandtoday.com Source
  21. (SLT-Washington)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay xalay u codeeyeen inuu Antonio Guterres xilkaasi sii hayo shanta sanno ee soo socota. Danjiraha Dowladda Estooniya u fadhiya Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay, Ambassador SEVEN JURGENSON oo ah Guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa akhriyey Qaraarka ka soo baxay Golahaasi oo tirsigiisu ahaa 2580. Waxa uu ku dhawaaqay Dib-u-doorashada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Bortiqiiska oo uu xilli hawleedkiisa labaad u bilaaban doonto bisha Janaayo Kowdeeda ee sannadka soo socda ee 2022-ka ilaa bisha December ee sanadka 2026-ka. Dhinaca kale, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay bishan June 18-da kulan ka yeeshaan Dib-u-doorashada labaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Antonio Guterres oo 72-sano jir ah waxa uu Xoghayihii Guud ee 9-aad ee Qaramada Midoobay noqday sanadkii 2017-kii, wuxuuna horey muddo 10-sano ahaa Madaxii Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR. Waxa kale oo uu soo noqday Ra’isul-wasaarihii dalka Bortiqiiska muddadii u dhexeysay sanadihii 1995-kii ilaa 2002-dii. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Bahwadaagta caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka saacida dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa shacbiga, Xisbiyada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Hay’adaha Xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ee sida guusha leh uga qabsoomay dalka sannadkan 2021ka. Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay maanta soo saareen Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Holland, Norway, Sweden, Switzerland iyo Ingiriisku, kaasi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaanay tilmaameen in Shacbiga Somaliland ay caddeeyeen siday uga go’an tahay nidaamka doorashooyinka, ka qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta Dimuqraadiyadda. Waxa kaloo ay si gaar ah u bogaadiyeen doorashada taariikhiga ah ee bulshada laga tirada badan yahay oo ku soo baxay Aqalka Wakiillada iyo dhallinyaro badan ee lagu doortay doorashooyinkii ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dhinaca dimuqraadiyaddu, waxay intaas ku dareen inay aqoonsan yihiin amhiyadii la siiyey haweenka murrashaxiinta ahaa xiligii lagu gudo jiray gedi-socodka doorashada, hase ahaatee ay ka xun yihiin in arrintaasi aanay sababin in haween badan la doorto iyadoo ay hoos u dhacday in hindisihii ahaa in haweenku ay yeeshaan cid siyaasadda ku metasha. Waxana ay ku doodeen inay daneeyeyaashu ay arrintaas wax ka baran doonaan. Waxa kaloo ay soo jeediyeen in Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasaddu ay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee dhinaca Siyaasadda, si arrintaas looga faa’iidaysto doorashooyinka mustaqbalka. Beesha caalamku waxay intaas ku dareen in baarlamaanka cusub iyo xukuumadda looga fadhiyo inay qaadaan tallaabooyin isku xidhan, oo lagu xaqiijinayo in haweenku ay Xukuumadda iyo maamulka ku yeeshaan xubno metala. Sidoo kale, waxay balan qaadeen inay sii wadayaan iskaashiga togan ee ay Somaliland kala shaqeeyaan dhinaca dimuqraadiyadda iyo sidii haweenku ay uga qaybgali lahaayeen saaxadda Siyaasadda, isla markaana ay taageerayaan inay doorashooyinku xilligooda ku qabsoomaan heer kasta oo ay yihiin Ugu dambayn, waxay sheegeen inay Baarlamaanka iyo Goleyaasha Wakiillada kala shaqeynayaan arrimaha haweenka iyo qoddobada kale ee lagama maarmaanka ahba. Source
  23. Dowladda Puntland ayaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ka daah-furtay, Duullimaad Caalami ah, oo ay soo kordhisay Shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines. Duullimaadkan ayaa noqonaya mid isku-xiraya magaalada Shaariqa oo ka tirsan waddanka Imaaraatiga Carbeed iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso, islamarkaana uga sii gudbi doonto Muqdisho. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley), ayaa si rasmiya u daah-furay Duullimaadkan oo todobaad kasta Maalinta Talaadada ay Diyaaraddu ku tegi doonto Boosaaso. “Waxaa naga go’an in aan horumarino duulimaadyada Gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Puntland si ay ugu fududeeyaan isu socod dadka reer Puntland ee ukala safraya dunida dacaladeeda.” Ayuu yiri Wasiirka. PUNTLAND POST The post Duullimaad Caalami ah oo laga daah-furay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.