-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DF oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaadii amiirka Al-Shabab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay hoos-u-dhigtay hanjabaada ka timid horjoogaha guud ee Al-Shabaab ee ku wajahneyd ergadda ka qeybgaleysa xulista baarlamaanka 11aad ee soo aadan. La-taliyaha koowaad ee arrimaha amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdi Diirshe oo u waramay VOA-da, ayaa carabka ku adkeeyay in ay dedaal badan ku bixin doonan sidii loo burburin lahaa cagajugleynta maleyshiyada. “Siyaasadda dowladda federaalka ee ku wajahan kooxda Al-Shabaab way cadahay. Sidaas darteed, waa la jebin doonaa, waana laga ciribtiri doonaa dalka. Qorshe ayaa nooga degan adkeynta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka guud ahaan dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray. Amiirka Al-Shabaab oo cod laga soo duubay ay saxaafada maleyshiyadiisu faafisay asbuucii hore wuxuu ku caddeeyay in ay beegsan doonan dhamaan ergada, isaga oo ku booriyey in ay ka baaqsadaan kahor inta aysan khaarijin. Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya. “Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. “Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.” Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto. The post DF oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaadii amiirka Al-Shabab appeared first on Caasimada Online. -
Wasiirka Amniga dowlad gobaleedka galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga jawaabay hadal ka soo yeeray xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan baarlmaanka Mareykanka, Fiqi ayaa sheegay in ay Ilhaan xaq u leedahay in ay la socoto lana xisaabtanto mareykanka waxa uu dalkeeda ka sameynayo balse waxa uu ugu baaqay in aysan hiil u noqon dagaalka lagula jiro Alshabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale Ilhaan u sheegay in ay kala soo qeeyb qaadato dagaalka Al-shabaab lagula jiro ee ka socda galmudug isagoo yiri “Dumaashi dagaalka nala soo gal!” Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasiirka Amniga Galmudug Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed. Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno. Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin! Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay. Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.! Dumaashi dagaalka nala soo gal! Source: goobjoog.com
-
Waxaa Qoray Mulkiilaha Hotelka Isha-Burco Jaamac Karaaciin :- Nina Dhuuniibuu Kuu dhex joogaa, Nina dhaqashuu Kuugu Dhabar jabay. ” Waxaan Arkayay Wadaaddo Ka Fal-celinaya Caweysyada Isha Burco Ka Dhaca, Waxay Il-duufeen Baahida taala Gobolkeena Waxay Dano gaara Iyo Aragtidoona Kaga Hadlaan Baydka Ilaahay Oo Ay Ganacsigooda Ku ilaashadaan. Waxaan ku dhiiraday In Burco Hesho Horumar La Tartamaya magaalooyinka Kale, Waxaan Ka hirgeliyay Goboladda Bariga Iskuulo Hotelo Iyo Goobo Sports Oo Horumarka La talaabsanaya, Waxaad aragtaan Hooyooyin Ooyaya Oo Duruufaha Nolosha La Ildaran Iyo Hablo Kufsi Iyo Dil laysugu Darayo Maalina Wadaadda Burco Kama Hadlaan. Anigu Waxaan qabaa Wuxuu Sharciga Dalka U yaalaa Qabo, Bandhigyada, Caweysyadda Iyo Kulamadda Dadweynuhuba Way ka dhacayaan Isha Burco, Isha Burco diin laguma Haysto, Xumaana Laguma sameeyo Ee Waa Dano ganacsi Iyo Dagaal dhaqaale Oo Khamiis Loosoo xidhay, Waxa Jira In isha Burco Tahay Rug kulmisa dhalinyaradda Burco Aqoon yahankeeda Iyo Qurbajoogeedaba Taas Oo Baahi badan kaafisay. Burco waxay noqon doontaa Meel wadaadadu Lafaha Ku cunaan Ama Magaalo La laafyoota dhigeed. Ugu danbayntii Waxaan Farayaa Cid kasta Oo Burco rajo ka qabta Inay Horumarkeeda ka qayb qaataan Dhalinyaradana Garab Istaagaan” Wa Bilaahi Towfiiq. Qaran News
-
The Police Commissioner of the African Union Mission in Somalia, AMISOM, Assistant Inspector General of Police (AIGP) Augustine Magnus Kailie, has visited the Formed Police Unit personnel to assess their readiness to secure the upcoming parliamentary and presidential elections. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 23 sarkaal u xilsaartay taageerada Booliiska Soomaaliya & mas’uuliyadda qabsoomidda Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka & Madaxweynaha. Saraakiishaan cusub waxaa waajibka saaran uu yahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen xoojinta Booliiska Soomaaliya oo dhowr xaalado wajahaya sida u diyaargarowga mas’uuliyadda guud ee dalka iyo ilaalinta goobaha Doorashooyinka. Taliyaha Booliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie oo la hadlay Saraakiishaan waxa uu ku booraiyay in ay dedaal dheeraad ah lasoo baxaan si ay u gutaan waajibaadka ay u igmadeen sida uu hadalka u dhigay. “Howl shaqeydkiinu waa taageerista Booliiska Soomaaliya, waxa aad ka caawineysaan arrimaha Doorashooyinka waana tan ugu muhiimsan ka qaybgalkiina howshaan, Doorashadu waa tan ugu muhiimsan, fadlan waa in aad ku shaqeysaan xirfaddiina ilaalinta goobahaas” ayuu yiri Taliyaha Booliiska AMISOM. Saraakiishaan ayaa howlgalka Booliiska AMISOM ku metalaya Dalalka Uganda, Kenya, Zambia, Ghana & Sierra one, waxaana caawinaya Ciidamada kale ee ku sugan Xarumaha Dowlad-Goboleedyada oo dhankooda la siiyay tababaro kala duwan. Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka sugidda amniga goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashooyinka Senatarada Aqalka Sare, Golaha Shacabka BFS & Madaxweynaha. Saraakiisha AMISOM waxa ay ka qaybgaleen kulamada looga hadlay amniga goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka Dalka iyo fadhiyada kale ay yeesheen saraakiisha Dowladda Federaalka ee mas’uulka ka ah xasiloonida Magaalooyinka doorashooyinka loo qorsheeyay. The post Sawiro: AMISOM oo u diyaar garowday doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Nabadoonada iyo cuqaasha beesha Abakor Ciise oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa digniin la xiriirta kursiga aqalka sare u jeediyay madaxweynaha Puntland siciid cabdulaahi Dani. Cuqaasha iyo nabadoonada ayaa sheegay in suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo islaan Ciise islaan Maxamed ay kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal u saxiixeen mudane Ibraahim Faarax Gaas sidaasna loogu gudbiyay madaxweyne Dani. Odayasha ayaa madaxweynaha Puntland uga digay in uu kursiga aqalka sare siiyo cid aan ahayn Ibraahim Faarax Gaas oo beeshiisa iyo isimada gobolka Nugaal u saxiixeen xubinimada aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya. hoos ka daawo muqaalka odayaasha PUNTLAND POST The post Garoowe: Digniin laga soo saaray kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
The United States will purchase 200 million more Covid-19 vaccine doses from Pfizer and BioNTech and has an option to buy additional doses to address virus variants, the companies announced Friday. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Oline ) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facbook-ga ayaa u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay raydika. Fiqi ayaa kula taliyey Ilhaan Cumar in aysan hiil u fidin kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomalaiyeed. “Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku sugan yahay deegaanadii duqeynta laga fuliyey, isaga oo xusay in kaliya lagu burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, gaar ahaan meeshii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay saraakiishii ciidanka ee qeybta 21-aad. “Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!,”. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ilhaan Cumar inay taageerto howl-gallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. “Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.Dumaashi dagaalka nala soo gal! ayuu markale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay dalbatay u qiil u helida duqeyntii uu maamulka Biden ka geystay gobolka Mudug. The post Wasiir FIQI oo u jawaabay Ilhaan Cumar – Dumaashi dagaalka nala soo gal! appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Alle haw naxariiste waxaa maanta lagu aasay degmada Gar’adag taliyihii saldhiga booliska ee degmadaasi Cabaas Maxamed Diiriye oo shalay isagoo ku jira hawlgal amni ku geeriyooday deegaankaasi . Marxuumka ayaa kamid ahaa dhalinyaradii kusoo baxay barnaamijka carbiska shaqo qaran oo uu ka gaadhay darajada laba xidigle. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dmabeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare, taas oo si rasmi ah u billaabaneysa beri , waxaana ay ka dhaceysaa magaallo xeebeedka Kismaayo. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in doorashada 8 kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamulkaasi ay dhaceyso beri oo ku beegan 25-ka July sanadka 2021-ka. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashada, si markaasi loo fuliyo jadwalkii kasoo baxay golaha wada-tashiga qaran ee dalka. Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Kismaayo ay gaari doonaan xubno ka socda dowladda dhexe, waxaana hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo dusha kala socanayo doorashada Aqalka Sare ee lagu wado inay beri ka dhacdo gudaha magaalada Kismaayo. Doorashadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ka qeyb-galayaa shiqsiyaad kala duwan oo daneynaya ka mid noqoshada Senatorada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaallo xeebeedkaasi. Jubbaland ayaa haddii ay ku guuleysato qabashada doorashadan waxay noqoneysaa dowlad goboleedka horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo si isku mid ah uga dhaceyso dhammaan xarumaha maamul goboleedka ee ka jira dalka. Doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana dib u dhigay is qab qabsi siyaaasadeed oo muddo u dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaraadka ee ka qeybgalaya doorashada. The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada beesha EELAAY oo ka kala dhacay Moqdishu, Beydhaba, iyo kismaayo oo looga hadlayay aayaha beesha iyo doorashooyin inagu soo wajahan, waxaana shirka kasoo qodobadan hoos ku xusan. 1- Beeshu ugu horeyn waxay digniin u dirtay madaxweynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen, ayadoo ugu digtay inuusan isku dayin faragalin arimaha beesha dhexdeeda ah iyo arimaha dooroshooyinka kuraasta xildhibaanada ee beesha Eelaay, hadii isku dayana uu cawaaqib xun kala kulmi doono. 2- Waxay kale oo ay beeshu baaq u diraty xubnaha doonaya in ay u tartamaan kuraasta beesha in si nabad ah u ololeystaan eysan abuurin fidno iyo khalalaase beesha dhexdeeda ah. 3- Sidoo kale beeshu waxay baaq u direysaa madaxweynaha Jubaland Ahmed Islaam Madoobe, in beesha ka tabaneyo hab qeybsiga kuraasta aqalka sare ee Jubland oo beesha laga siin saamigii ay ku laheyd, waxay sidoo kale beesha xasuusineysaa madaxweynaha jubland in weli loo dhameyn hab qeybsiga siyaasada maamulkiisa oo beesha lagu duudsiiyay xaqeeda iyadoo la ogyahay deegaanada balaaran ee beesha ka degto Jubland. Ugu dambeyn beeshu waxay cadeyneesaa in aysan u dulqaadan doonin faragalin iyo boob kuraasteeda baaramanka soomaaliya loona madax baneeyo xulasha xilibaanadeeda. The post Sawirro: Beesha EELAAY oo saddex qodob kasoo saartay doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyntii ay todobaadkan dowladda dalkaasi ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug. Ilhaan Cumar oo su’aallo ka keentay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaris lagu sameeyey duqeyntii u dambeysay, si loo helo macluumaad dhammeystiran oo ku saabsan weerarkaasu dhinaca cirka ah. Sidoo kale waxa ay shaacisay in duqeymuhu ay u baahan yihiin istaraatiijiyad ballaaran ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed. “Sida aan u wajahayno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya,” ayey tiri Ilhaan Cumar. Waxa kale oo ay intaasi ku dartay inay jiraan qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha xilligii Trump, kuwaas oo ay tilmaamtay inay awoodi waayeen inay la xiriiraan Mareykankam si ay helaan magdhowga loo qoondeeyey. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca milatariga iyo howl-gallada ciidamada ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna tababaraa ciidamada Danab. Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo duqeyntii ugu dambeysay ay Jimcihii ka dhacday gobolka Mudug, taas oo uu Mareykanka ku garab siinayey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa Galmudug ee howlgallada ka wada koonfurta gobolkaas. The post Ilhaan Cumar oo soo saartay dalab la xiriira duqeyntii gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan shaqada u horraysa haku bilaabin laaluush ! Liidasho iyo Gunnimo ka weyni ma jirto in Xisbi ku maamuusay oo ku siiyay fursad iyo kursi aad ka taratanto aad ka leexato markaad soo baxdo, weliba aad u leexato Xisbigii liiska musharraxa kuu diiday ee reernimo ama cod yaraan kugu diiday in aad maanta raacdo adoo Xildhibaan qaran ah. waa qiyam la’aan qof kasta oo leexdaa sameeyay, Xildhibaanadu Xisbiyadooda ha iimaansadaan. Xildhibaanada reernimo leexdaa iyaguna gobanimo may samayn, rag badan oo Muuse Biixi eryay ayaa maanta safka hore ku jira, cagaha dhulka ku xejiya oo caadifada qabyaaladeed yaanay idin ilawsiin Xisbiyada idiin hiiliyay ee idin sharraxay. taariikh ayaa qormaysa adduunna warbaa ka hadha, mudane guur guurku suunno xun weeyaane dhaqankaa halla bedelo. Waxaan boogaadinayaa oo aan la gaasiri karin raganimadiisa Xildhibaan Axmed ku-caddeeye iyo xildhibaano badan oo dhigiiya oo xodxodasha kasta diiday, waxay muujiyeen adjaysi, mabda, matalaad dhaba, gabanimo. waxaanay tuseen kuwii kursiga sharraxaadda u diiday in ay yihiin rag abaal leh oo iimmaan qaba. W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme Source
-
Ciidmado ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa israsaaseyn xoogan oo sababtay khasaare dhismasho iyo dhaawac ku dhexmartay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay israsaaseynta waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidoo kale israsaaseyn waxaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen askar. Intii dagaalka socday waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa xirmay goobaha ganacsiga, oo markii dambe dib u furmay. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadl een israsaaseynta khasaaraha sababtay ee ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, taas oo ka bilaabatay muran ku saabsan lacago laga qaado gaadiid Isgoyska laba raro. Marar badan ayaa ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya is rasaaseyn khasaare ka dhashay ku dhexmartay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Shacab ku dhintay israsaaseyn Muqdisho ku dhexmartay ciidamo ka tirsan DFS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay xilal ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsanaa hay’adda NISA ayaa helay boggaadin iyo taageero ay u muujiyeen shacabka & siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta taageeray go’aanka Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu u hiiliyey sarreynta sharciga, isla-markaana waxa uu kula taliyey inuu kusii adkeysto go’aankiisa ilaalinta sharciga iyo dowladnimada. Sidoo kale musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Rooble ay la gudboon tahay inuu muujiyo feejignaan dheeri ah, wuxuuna tilmaamay inay suuragal tahay inay ‘dagaal rogaal celis ah soo qaadaan madaxweynaha iyo taliyaha Nabad-sugida’. Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in ra’iisul wasaaraha looga fadhiyo inuu ku adkeysto ilaalinta sharciga, kana hortago in la sameeyo ku takrifal awoodeed. “Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad,” ayuu yiri Siyaasi CC Shakuur. Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliska ay fuliyeen amarkii Rooble, isla-markaana ay faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isaga oo ku amaanay garashada ay garteen ilaalinta sharciga, hase- ahaatee wuxuu qiray in weli taliyaha NISA uu faraha kula jiro arrimaha doorashooyinka. “Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka,” ayuu sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaaday agaasimihii shaqaalaha hay’adda NISA iyo taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka horyimaadeen amarkiisii ahaa in qofna lagu celin karin gudaha garoomada dalka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka 2021-ka. The post Maxaa la gudboon Rooble, kadib talaabadii uu aaday? appeared first on Caasimada Online.
-
Ambassador Sureer Abshir Muuse, oo u sharraxan xubinnimada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho dhiirra-gelin ah ku tagtay jidka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Godobjiraan oo hab isku-tashi ah lagu dhisayo. Ambassador Sureer waxa halkaas ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha jidka Garoowe-Godobjiraan Shiekh Daahir Maxamuud Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sheikh Maxamuud Warsame, Madaxa Shaqada Guddiga Cabdixakiin Warsame Cilmi iyo Xoghaya Guddiga Cabdiweli Cabdi Aaden oo uu weheliyo Guddoomiyaha Tuulada Awrculus Cabdicasiis Cabdi Xuseen. Murashax Xildhibaan Sureer Abshir Muuse, ayaa Guddiga ku wareejisay deeq lacageed oo ay kaga qayb-qaadatay Dhismaha Jidka isku xira Garoowe iyo Godobjiraan, waxaana ay hadal dhiirri-gelin ah u jeedisay Guddiga. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ambassador Sureer Abshir Muuse oo lacag ugu deeqday dhismaha Jidka isku xira Garowe iyo Godobjiraan appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo Ex-control Afgooye ayaa sheegaya in goordhaw ciidama kawada tirsan dowladda ay israsaaseyn ku-dhex martay halkaas. Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku qabsadeen canshuur laga qaado gaadiidka dadweynaha ee adeegsada wadadaas. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku geeriyootay israsaaseynta halka tiro intaa ka badan uu dhaawac ka soo gaaray. Dadka wax yeeladu ay soo gaartay ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad shacab ah oo xilliga ay israsaaseyntu dhaceysay marayay wadada. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labada ciidan ku dhex maray isgoyska Ex-control Afgooye. Wixii faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
