-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xirxiray 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray. Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso. “Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa sheegay in leesla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF. “Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xiriirka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa yiri “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaari badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.” General Maxamed Cali Xasan ayaa dhanka kale sheegay inaanay iyagu beegsan doonin kuwa nabadgelyada ku joogga deegaanadooda, isla-markaana aan dhaqaalaha siinin TPLF. “Nimanka dagaalka ku jira kuwo dagaal ku jiro weeyaan, kuwa nabadgelyada ku joogga ee cidna biilin, kuwaas kuma jiraan,” ayuu yiri jananku. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayay ahayd, markii hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ay Magaalada Addis Ababa ku xirxireen xubno lagu tuhmay inay gacansaar la leeyihiin Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkaan xili habeen ah weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha degmada Shangaani ee maamulka gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in isaga iyo qoyskiisa loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin xoog leh. Falkaan ayaa dhacay saddex habeen ka hor waxa uuna ka dhacay guriga guddoomiyaha oo ku yaalla isla degmadaas sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin kuwa ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaysa in guddoomiyaha la weeraray uu waday abaabulka qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee degan degmadaas, waxaana mar qura ku yimid ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo loo yaqaano Duufaan. Aweys Camuudi oo ah guddoomiyaha degmada ayaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ah ahaayeen cida u wakiilatay qeybinta raashinka, halka uu ka keenay iyo haddii uu heysto fasax hay’adaha ammaanka ah, iyadoo kadibna loogu hanjabay in la xiri doono haddii uu sii wado howshaan. Guddoomiye Aweys oo ay ciidanka ammaanka hareereeyeen gurigiisa islamarkaana loogu hanjabay in uu joojiyo barnaamijkii samafalka ee ka socday degmadiisa ayaa la sheegay in uu qaatay amarkaas, waxaana la sheegay in uu saacado galay qalqal isaga iyo qoyskiisaba. Si rasmi ah looma oga sababta loo diiday bixinta gargaarkaan hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad katirsan mas’uuliyiinta ammaanka oo doonaya in ay wax ka helaan raashinka la bixinayo ama in la siiyo lacag caddaan ah. Inta badan Muqdisho iyo gobalada qaar ee Soomaaliya markii la bixinayo raashin gargaar ah amaba la qabanayo adeegyo dheeraad ah oo bulsho ama maamul waxaa lacag ama agabyo kale oo dheeraad laga siiyo mas’uuliyiinta a’maanka ee gobalka ama degmada, waxaana la aaminsan-yahay in sababtaas loo weeraray guddoomiye Aweys Camuudi oo nin dhalinyaro ah, oo la magacaabay 02 December 2019. The post Guddoomiyaha degmada Shangaani oo gurigiisa lagu go’doomiyay xilli saqdhexe ah appeared first on Caasimada Online.
-
Xoggo Muhiima oo ku saabsan Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka “Air Force One” Diyaradda Airforce One Sida uu yahay qorshaha dowladda Mareykanka marka la gaaro sanadka 2024 waxaa lagu wadaa in lasoo saaro diyaarad cusub oo nooca Airforce One ah oo qaada madaxweyne Joe Biden. Diyaaradda hadda uu raaca waa nooca Boeing 747 oo lamid ah midda lasoo saari doono inkasta midda cusub ay ka weynaan doonto dhanka dheererka iyo ballaca diyaaradihii hore ee madaxweyneyaasha Mareykanka. Hadda su’aasha waxay tahay maxaa looga cabsadaa diyaaradda Airforce One? 1. Waxay u adkeysan kartaa qaraxa ka dhasha hubka Nukliyeerka Diyaaradda waxaa loo sameeyay sida diyaaradaha dagaalka ee militeriga, waxay awood u leedahay inay iska caabiso dhibaatada ka dhalan karta qaraxa ka dhasha Nukliyeerka, haddii diyaaradda lagu weeraro bambaano wax dhibaato ah masoo gaarayo madaxweynaha Mareykanka. Diyaaradda gudaheeda ayaa laga hagi karaa istaraatiijiyadda iyo qaababka dagaalka maadama diyaaradda uusan waxbo u dhimeyn qaraxa. Daaqadda diyaaradda waxaa ku wareegsan xarggo ka hortaggaya saameynta ka dhalata shucaaca, biriqda, kuleylka iyo dabka. 2. Diyaaradda iyada oo hawada mareyso ayaa shidaal lagu shubi karaa Waa teknooloojiyad casri ah oo ay leedahay diyaaradda Airforce One gaar ahaan haddii shidaalka ka dhammaado iyada oo mareysa hawada sare in lagu shubi karo shidaal. Waxaa sharddi ah in marka diyaaradda lagu shubayo shidaalka, waa in la helaa diyaarad kale iyo booyad shidaal. Waxaa arrintan loogu magac daray howlgalka ‘Boom’ , shidaalka lagu shubayo diyaaradda waxaa si taxaddar leh ula soconaya duuliyaha. 3. Waxay leedahay jaraanjar iyo qalab kale oo lagu qaado alaabta gudaheeda Diyaaradda qaadda madaxweynaha Mareykanka, waxaa gudaheeda lagu sameeyay adeeg kasta oo fududeynayo howsha. Waxay leedahay jaraanjar u gaar ah, diyaaradda uma baahna jaraanjarada la hordhigo diyaaradaha marka ay ka caga dhigayaan garoomada. Sidoo kale diyaaradda waxaa gudaheeda ku yaalla qalab qaada badeecadaha xamuulka ah si diyaaradda looga ilaaliyo in la saaro badeecado aanan la ogeyn waxa ay yihiin. Airforce One 4. Waxay leedahay qalab amniga sugayo iyo mid ogaado dabka Iyadoo diyaaradda qaab militeri ahaan loo sameeyay, waxaa lagu sameeyay qalab teknooloojiyad ah oo amniga xaqiijinayo. Diyaaradda waxaa lagu qalabeeyay aalado casri ah oo la socon karo dhaqdhaqaaqa cadowga iyo raadarada. Diyaaradda waxay iska difaaci kartaa madaafiicda ay soo tuuraan cadowga. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump xilli uu ku sugnaa gudaha diyaaradda Airforce One 5. Waxay leedahay qalab qarsoon oo carqaladeyn kara isgaarsiinta Isgaarsiinta ayaa ah waxaa sida fudud lagu beegsan karaa xilliyada weerarka. Si loo ilaaliyo amniga isla markaana loo xaqiijiyo in aanan la carqaladeyn isgaarsiinta, diyaaradda Airforce One waxay awood u leedahay inay xaqiijiso in dhammaan isgaarsiinta aysan wax dhibaato ah soo gaarin. Digniinada ka imaanayo qalabka casriga ah ee qarsoon wuxuu horseedaya in si fudud loo ogaado halka ay ka timid xogta lasoo gudbiyay ee ku saleysan isgaarsiinta. 6. Qolka isgaarsiinta iyo xiriirka Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qeyb dhan oo qaabilsan isgaarsiinta taas oo madaxweynaha u fududeyneyso in si wanaagsan uu xiriir u sameeyo inta uu hawada ku jiro. Madaxweynaha wuxuu marka uu saaran yahay diyaaradda ka qeybgeli karaa shirar dhanka muuqaalka ah, wicitaanka muuqaalka ama in dadweynaha uu diyaaradda kala soo hadlo. Haddii madaxweynaha uu saacado badan ku qaata safarka wuxuu shaqadiisa qaranka ka qabsan karaa halkaas. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama oo ku sugan gudaha Airforce One 7. Qolka daweynta Diyaaradda waxay leedahay xarumo qaabilsan bixinta adeegyada caafimaadka, waxaana ku sugan dhakhaatiir si loola tacaalo xanuunada. Waxaa diyaaradda saaran dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha iyo wasiirada. Marka ay timaaddo qorshaha caafimaadka diyaaradda waa mid si weyn ugu qalabeysan oo qaabili karta dhibaatada caafimaadka. 8. Waxay leedahay qalab casri ah aysan indhahaagu qaban karin Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qalab casri ah oo aysan qaban karin isha banii’aadanka. Sidoo kale waxaa adag in militeriga ay ogaadaan qalabka casriga ah maadama lagu magacaabo Airforce One- waana mid kamid ah diyaaradaha sida weyn looga cabsado adduunka. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama xilli uu shir diyaaradda Airforce One gudaheed kula lahaa saraakiisha dowladda 9. Aqalka Cad oo hawada sare la geeyay Dad badan oo ku nool Mareykanka waxay aad u xiiseeyaan marka ay diyaaradda hawada gasho xilligga ay sido madaxweynaha isla markaana ay tageyso dalal kala duwan. Dad badan waxay ku tilmaamaan ‘in Aqalka Cad ‘ loo raray hawada sare maadama xafiiska Madaxweynaha, xafiisyada shirarka iyo golaha wasiirada ay halkaas ku yaallaan. Qaran News
-
Ciyaartooy carabeed oo diiday in uu ka hortago ciyaartooy u dhashay Dalka Israa’iil+Sababta Fatxi Nuureyn oo u dhashay dalka Algeria kana qeybgalaya tartanka ciyaaraha Olimbikada ee ka furmay Tokyo ayaa isaga hadhay tartanka kadib markii uu diiday in uu ka hortaggo ciyaartooy kale oo u dhashay Israa’iil. Nuureyn oo 30 jir ah ayaa Isniinta lagu waday in uu la ciyaaro Maxamed Cabdirasuul oo u dhashay Suudaan xilli uu bilaabmayo wareegga koowaad ee tartanka qaadidda 73 Kiilo. Haddii uu ku guuleysan lahaa tartankaas, waxay ka dhigneyd in wareeggga labaad uu la ciyaari lahaa Tohar Butbul oo u dhashay Israa’iil. Isaga oo la hadlayay teleefishinka dowladda wuxuu sheegay in uusan ‘dooneyn in gacmahiisa uu iska wasakheeyo’. Wuxuu intaas ku daray in taageerada uu hayo Falastinin darteed uusan u wajahi karin ninkaas u dhashay Israa’iil. “Waxaan dadaal adag gelinayay sidii aan usoo gaarin laheyn tartankan Olimbikada balse waxan oo dhan waxaa ka weyn qadiyadda Falastiin” ayuu yiri Nuureyn. Nuureyn wuxuu sanadkii 2019 isaga haray taratankii Olimbikada ee lagu qabtay Tokyo xilli la filayay in uu la ciyaaro ciyaartooygan u dhashay Israa’iil ee lagu magacaabo Butbul. “Waxaa nasiib darro ah in aan isaga baxo tartanka, waxaan wajahi laheyn Israa’iil, waana sababta aan isaga haray tartanka, waxaan qaadanay go’aankii ugu habboonaa” ayuu yiri macalinka Nuureyn, Amar Ben Yaklif oo la hadlayay warbaahinta Algeria. Nuureyn wuxuu isaga haray tartanka saacado yar uun kadib markii kooxdiisa ay ku biirtay xafladda furitaanka tartanka Olimbikada. Xiriirka tartankan ee IJF ayaa sheegay in ciyaartooyga iyo macalinkiisa shaqada laga hakiyay isla markaana baaritaan lagu sameynayo tallaabadaas. Xiriirka wuxuu intaa ku daray in guddiga olimbikada Algeria tallaabo laga qaadi dooni gaar ahaan suurtagalnimada ah in cunaqabateyn lagu soo rogo. Xiisadda Israa’iil iyo Falastiin ayaa cirka isku shareertay sanadkan xilli dagaallo u dhexeeyay labada dhinac ay ka dhaceen halkaas. Ciyaartooyda ka kala soo jeedo Iran iyo Masar ayaa horey u diiday inay la tartamaan ciyaartooyda kale ee kasoo jeeda Israa’iil. Iran ayaa muddo afar sano ah laga mamnuucay inay ka qeybgalaan ciyaaraha fudud ee IJF kadib markii ciyaartooy uga qeybgalayay tartankii ka dhacay Japan 2019 ay ku amartay in uu isaga haro tartankaas. Qaran News
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xirxiray 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray. Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso. “Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa sheegay in leesla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF. “Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xiriirka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa yiri “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaari badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.” General Maxamed Cali Xasan ayaa dhanka kale sheegay inaanay iyagu beegsan doonin kuwa nabadgelyada ku joogga deegaanadooda, isla-markaana aan dhaqaalaha siinin TPLF. “Nimanka dagaalka ku jira kuwo dagaal ku jiro weeyaan, kuwa nabadgelyada ku joogga ee cidna biilin, kuwaas kuma jiraan,” ayuu yiri jananku. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayay ahayd, markii hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ay Magaalada Addis Ababa ku xirxireen xubno lagu tuhmay inay gacansaar la leeyihiin TPLF. The post Jeneral Maxamed Cali oo sheegay in la xiray ganacsato dhaqaale siinayey TPLF appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa soo saaray shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddiga wuxuu sheegay in ay cabasho u soo gudbin karaan murashax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare, xildhibaannada dowlad goboleedyada iyo xubnaha ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland. Sidoo kale waxaa shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare ka mid ah lacag diiwaangelin cabasho oo dhan 3,000 oo dollar (saddex kun oo dollar). Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada wuxuu tilmaamay in qofkii cabanaya ee soo buuxiyo shuruudaha cabashada loogu garnaqayo muddo 7 malmood gudahooda. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas. Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen. “Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri sarkaalkaan oo caawa la hadlay warbaahinta. Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo. “Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya. Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska oo soo bandhigay sagaal ka mid ah raggii maanta ku dagaalamay Muqdisho iyo hub appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa sheegay in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, waxuuna dalbanayaa in Kullane cadaaladda la hor keeno. Macalimuu oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo odayaashii laga hor taagnaa inay u safraan gobolka Gedo ay u mahad celinayaan Ra’iisul wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday ninkii ay ka cabanayeen oo xabsiga ay ugu jireen. “Sidii aad la socoteen waxaa la jebiyey amarkii Ra’iisul wasaaraha, waxaana jebiyey ninkii Taliye ku xigeenka Nabad sugidda ahaa, ninkaas waxa uu bartay in dunuubta uu galo aan lagu ciqaabin, laakiin hadda waxaa laga qaaday tallaabo, waxay ila tahay dadka dunuubta gala hadii aan sharciga la hor keenin dembiyada ayey iska sii gelayaan, Kullane dhibaatooyinkii uu Gedo ka geystay maxkamad ha lagu saaro,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo. Cismaan Nuur Xaaji oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan.” Sidoo kale Macalimuu ayaa sheegay badbaada Cabdullahi Kullane ay ku jirto in maanta maxkamad lasoo taago, “Hadii aan la maxkamadeyn waa la dilayaa, in la dilana waxaa ka roon, in dembiga uu leeyahay lagu qaado, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in amarro uu bixiyey Kullane dhibaatooyin xoog leh gobolka Gedo looga geystay, isagoo dadka dhibanayaasha ah u soo jeeduyey inay soo bandhigaan tacadiyada uu u geystay ninkaas, si wax looga qabto. “Markii hore waxaan u heysanay in gobolka Gedo aan dowlad geynay, laakiin Balaayo ayaan geynay xaqiiqdii, dhibka dowlada laga tabanayo waxaa geystay Kullane Jiis, waxaana u wakiishay dadkii meesha u dirsaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo. Hoos ka Daawo The post Macalimuu: Gedo waxaan geynay balaayo, Kullane Jiis in la maxkamadeeyo ayuu ku badbaadi karaa (Video) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da Agoosto 2021, oo ku beegan sanad-guuradii 23 ee aasaaskii Puntland. Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa kala ah: 1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka, Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye) 2. Cabdisamed Maxamed Gallan, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin) 3. Aamino Cismaan Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin) 4. Jaamac Faarax Muuse, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin) 5. Cabdisalaan Siciid Faarax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin) 6. Cabdi Xasan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin) 7. Maxamed Cabdirashiid Cali, Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin) PUNTLAND POST The post Puntland: Guddi loo magacaabay qaban-qaabada xuska 1-da Agoosto appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa maalinkii afaraad galay khilaaf ka taagan doorashada Xoghayaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabelle iyo sameynta habraacyada xeer hoosaadka guddiga. Guddigan ayaa horay u doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, balse waxaa banaan booskii Xoghayaha guddiga, kaas oo wajahaya loolan siyaasadeed oo adag. Xubno ka tirsan guddiga doorashada HirShabeelle ayaa Caasimada Online u sheegay inay jirto faro-gelin uga imaneysa bannaanka, taas oo sababtay in afar kulan oo guddigu yeeshay lagu kala dareeray, iyadoo aan la gaarin wax is faham ah. Khilaafkaan ayaa ka taagan laba arrin oo kala ah doorashada Xoghayaha guddiga iyo sameynta xeer hoosaadka guddiga, waxaana la sheegay in faro-gelinta ugu weyn ay ka imaaneyso Agaasimaha guud ee NISA oo sanadkaan musharax Xildhibaan ah. Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Fahad Yaasiin uu doonayo in Xoghayaha guddiga laga dhigo shakhsi uu wato, sidoo kalena xeer hoosaadka guddiga lagu cadeeyo awood xad-dhaaf ah oo Xoghayuhu uu yeelanayo, taas oo xubno ka mid ah guddiga ay ka biyo diideen. The post Khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay guddiga doorashada HirShabeelle (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Record 121 NBA and WNBA Players to Compete in 2020 Tokyo Olympics 27 NBA Teams and 10 WNBA Teams Represented on National Team Rosters NEW YORK, United States of America, July 24, 2021/ — A record 121 NBA (www.NBA.com) and WNBA players are featured on national team rosters for the 2020 Olympic Games in Tokyo, Japan. The men’s and women’s 5×5 competitions will feature a record 49 current NBA players and a record 29 current WNBA players, as well as 16 former NBA and 22 former WNBA players. The inaugural 3×3 basketball tournament features four current and one former WNBA player. The previous records for current NBA and WNBA players in the Olympics were 46 and 26, respectively, at the 2016 Olympics in Rio de Janeiro, Brazil. Outside of the U.S., Nigeria has the most current NBA players on its roster with eight, followed by Australia with seven and France with six. Eleven of the 12 teams competing in the men’s tournament have at least one current NBA player, and national team rosters include 13 players who have been NBA All-Stars. Twenty-seven NBA teams are represented in the men’s 5×5 competition, with the Miami Heat featuring a league-high four players. The Dallas Mavericks, Denver Nuggets, Milwaukee Bucks and Utah Jazz each have three players competing. In the women’s 5×5 competition, outside the U.S., Australia has the most current WNBA players with five followed by Canada and Spain with three each. Eight of the 12 teams in the women’s tournament have at least one current WNBA player, and 10 of the 12 WNBA teams are represented on national team rosters. The Phoenix Mercury and Seattle Storm lead with five players each, followed by the Minnesota Lynx with four players. The inaugural women’s 3×3 basketball tournament is being held from July 24-28 and features five current and former WNBA players. In addition, 29 players on Olympic rosters have NBA G League experience, including a league-high six on Nigeria. France and Japan each feature four players who played in the NBA’s official minor league. Francisco Cáffaro of the Argentina Men’s National Team and Han Xu of the China Women’s National Team become the first NBA Academy participants to make an Olympic roster. Cáffaro, who was a member of the University of Virginia’s NCAA championship team in 2019, attended NBA Global Academy in Canberra, Australia. Han, who attended NBA Academy Shandong in China, became the first NBA Academy participant to be drafted into the WNBA or NBA when she was selected 14th overall in the 2019 WNBA Draft. In addition, 45 players on Olympic men’s and women’s rosters participated in Basketball Without Borders (BWB), including Danilo Gallinari (Atlanta Hawks; Italy; BWB Global 2003), Han (New York Liberty; China; BWB Global 2018), Marc Gasol (Los Angeles Lakers; Spain; BWB Europe 2003) and Rui Hachimura (Washington Wizards; Japan; BWB Global 2016). BWB is the NBA and FIBA’s global basketball development and community outreach program that has seen 79 former campers drafted into the NBA or signed as free agents since 2001 and five former campers drafted into the WNBA since 2019. Below please find a complete list of current NBA players on 2020 Olympic 5×5 rosters*: *As of July 24, 2021 (all rosters subject to change) Country First Name Last Name NBA Team Argentina Facundo Campazzo* Denver Nuggets Argentina Gabriel Deck* Oklahoma City Thunder Argentina Luca Vildoza* New York Knicks Australia Aron Baynes Toronto Raptors Australia Matthew Dellavedova Cleveland Cavaliers** Australia Dante Exum Houston Rockets Australia Josh Green* Dallas Mavericks Australia Joe Ingles Utah Jazz Australia Patty Mills San Antonio Spurs Australia Matisse Thybulle Philadelphia 76ers Czech Republic Tomas Satoransky* Chicago Bulls France Nicolas Batum* Free Agent France Evan Fournier Boston Celtics France Rudy Gobert Utah Jazz France Timothé Luwawu-Cabarrot Brooklyn Nets France Frank Ntilikina* New York Knicks France Vincent Poirier Philadelphia 76ers** Germany Isaac Bonga* Washington Wizards Germany Moritz Wagner Orlando Magic Italy Danilo Gallinari* Atlanta Hawks Italy Nico Mannion Golden State Warriors Italy Nicolò Melli Dallas Mavericks** Japan Rui Hachimura* Washington Wizards Japan Yuta Watanabe Toronto Raptors Nigeria Precious Achiuwa Miami Heat Nigeria Chimezie Metu Sacramento Kings Nigeria Jordan Nwora Milwaukee Bucks Nigeria Jahlil Okafor Detroit Pistons Nigeria Josh Okogie Minnesota Timberwolves Nigeria KZ Okpala Miami Heat Nigeria Miye Oni Utah Jazz Nigeria Nnamdi Vincent Miami Heat Slovenia Vlatko Čančar Denver Nuggets Slovenia Luka Dončić Dallas Mavericks Spain Marc Gasol* Los Angeles Lakers Spain Willy Hernangómez* New Orleans Pelicans Spain Ricky Rubio Minnesota Timberwolves United States Bam Adebayo Miami Heat United States Devin Booker Phoenix Suns United States Kevin Durant Brooklyn Nets United States Jerami Grant Detroit Pistons United States Draymond Green Golden State Warriors United States Jrue Holiday Milwaukee Bucks United States Keldon Johnson San Antonio Spurs United States Zach LaVine Chicago Bulls United States Damian Lillard Portland Trail Blazers United States JaVale McGee Denver Nuggets United States Khris Middleton Milwaukee Bucks United States Jayson Tatum Boston Celtics *Participated in Basketball Without Borders (BWB) **Appeared on an NBA roster during 2020-21 season Below please find a complete list of former NBA players on 2020 Olympic 5×5 rosters*: *As of July 24, 2021 (all rosters subject to change) Country First Name Last Name Argentina Nicolás Brussino Argentina Patricio Garino* Argentina Nicolás Laprovittola Argentina Luis Scola Czech Republic Jan Vesely France Nando De Colo France Guerschon Yabusele Iran Hamed Haddadi Nigeria Ekpe Udoh Slovenia Zoran Dragić Slovenia Mike Tobey Spain Alex Abrines Spain Victor Claver* Spain Rudy Fernández Spain Pau Gasol Spain Sergio Rodríguez* *Participated in Basketball Without Borders (BWB) Below please find a complete list of current WNBA players on 2020 Olympic 5×5 rosters*: *As of July 24, 2021 (all rosters subject to change) Country First Name Last Name WNBA Team Australia Rebecca Allen New York Liberty Australia Ezi Magbegor* Seattle Storm Australia Leilani Mitchell Washington Mystics Australia Alanna Smith Phoenix Mercury Australia Stephanie Talbot Seattle Storm Belgium Julie Allemand Indiana Fever** Belgium Emma Meesseman Free Agent Canada Natalie Achonwa Minnesota Lynx Canada Bridget Carleton Minnesota Lynx Canada Kia Nurse Phoenix Mercury China Xu Han* New York Liberty** France Marine Johannes New York Liberty** France Gabby Williams Los Angeles Sparks** Republic of Korea JiSu Park Las Vegas Aces Spain Maite Cazorla Atlanta Dream** Spain Maria Conde Chicago Sky** Spain Astou Ndour Chicago Sky United States Ariel Atkins Washington Mystics United States Sue Bird Seattle Storm United States Tina Charles Washington Mystics United States Napheesa Collier Minnesota Lynx United States Skylar Diggins-Smith Phoenix Mercury United States Sylvia Fowles Minnesota Lynx United States Chelsea Gray Las Vegas Aces United States Brittney Griner Phoenix Mercury United States Jewell Loyd Seattle Storm United States Breanna Stewart Seattle Storm United States Diana Taurasi Phoenix Mercury United States A’ja Wilson Las Vegas Aces *Participated in Basketball Without Borders (BWB) **Under contract with WNBA team but did not report to training camp this season Below please find a complete list of former WNBA players on 2020 Olympic 5×5 rosters*: *As of July 24, 2021 (all rosters subject to change) Country First Name Last Name Australia Cayla George Australia Tess Madgen Australia Jenna O’Hea Australia Marianna Tolo Belgium Kim Mestdagh Belgium Ann Wauters Canada Kayla Alexander Canada Miranda Ayim Canada Nirra Fields Canada Kim Gaucher Canada Nayo Raincock-Ekunwe China Ting Shao France Sandrine Gruda France Endy Miyem Nigeria Adaora Elonu Nigeria Ify Ibekwe Nigeria Victoria Macaulay Puerto Rico Jazmon Gwathmey Puerto Rico Jennifer O’Neill Serbia Jelena Brooks Serbia Ana Dabovic Serbia Sonja Vasic Below please find a complete list of current WNBA players on 2020 Olympic 3×3 rosters*: *As of July 24, 2021 (all rosters subject to change) Country First Name Last Name WNBA Team United States Stefanie Dolson Chicago Sky United States Allisha Gray Dallas Wings United States Kelsey Plum Las Vegas Aces United States Jackie Young Las Vegas Aces Below please find a complete list of former WNBA players on 2020 Olympic 3×3 rosters*: *As of July 24, 2021 (all rosters subject to change) Country First Name Last Name Romania Gabriela Marginean Distributed by APO Group on behalf of National Basketball Association (NBA). Media Contact: Aaron Stewart NBA astewart@nba.com 212-407-8982 Ron Howard WNBA rhoward@nba.com 212-407-8641 SOURCE National Basketball Association (NBA) Safe sender instructions / Privacy Po⊂icy / Unsubscribe / Update My Preferences Distributed by : Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cali Cabdiraxmaan waa ardaygii sanadkaan kaalinta labaad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dowladda, waa 18-sano jir ay hooyadiis ku soo korisay agoonimo, waxna ku soo bartay duruufo adag, wareysi lala yeeshay waxa uu uga warbixiyey marxaladihiisii waxbarasho. Sidoo kale Maxamed waxa uu ahaa ardaygii ugu dhibcaha sareeyey sanadkaan ardaydii wax ku baratay gobolka Banaadir, waxuuna ka sheekeeyey sidii uu u maareyn jiray waqtigiisa, intii uu ku guda jiray hayaankiisii waxbarashada. Ardaygaan oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inuu halkaan ku soo gaaray ducada iyo dadaalka hooyadiis, waqtiga oo aad uu uga faa’iideysan jiray iyo isticmaalka taleefoonka oo uu iska xakameeyey. Sidoo kale wiilkaan waa xaafid ilaa lix jeer dhameeyey Qur’aanka Kariimka, isla markaana ku guuleystay tartamo Qur’aan akhris ahaa oo uu horay uga qeyb galay, sida uu ku sheegay wareysigaan. “Marar badan waxaan ka qeyb galay tartamada Qur’aan akhriska ee la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, dhowr mar ayaan ku guuleystay oo hadiyado la I gudoonsiiyey,” ayuu yiri Maxamed Cali. Hooyada dhashay Maxamed oo la yiraahdo Bishaar Daahir waxay Shaah ku iibisaa Suuq ku yaalla xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley waxay sheegtay in wiilkeeda galay kaalinta labaad ee Imtixaanka dowladda ay ku soo korisay duruufo adag. “Xaalado aad iyo aad u adag ayaan Maxamed ku soo koriyey, isaga oo agoon ah, xataa waxaan awoodi weyn jiray inaan u iibiyo buuga iyo qalinka, sidoo kalena aan ka bixiyo kharashaadka yar ee waqtiga bareega, wiilkeyga kama mid aheyn carruunta bareega la siiyo, waxuu I dhihi jiray Hooyo iska dhaaf ha is dhibine, kharashaadka kale ee waxbarashadeyda ayaadba la daalaa dhaceysaahe, nin raga ayuu Alle ka dhigay oo meeshii aan ka filaayey ayuu iiga soo baxay wiilkeyga. Waa Ilaahey mahadiis,” ayey yiri Hooyo Bishaaro Daahir.ooyHpp Sidoo kale Hooyo Bishaaro oo sheegtay in sanadkaan caruurta u qalin jebisay ay labo yihiin ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ka codsatay in kaalinta uu wiilkeedu ka soo dhalaalay ay ku gacan siiyaan, maadaama aysan hadda awoodin inay ka bixiso kharashka lagu dhigto Jaamacadda. Hoos ka daawo warbixinta The post Daawo: Qisada cajiibka ah ee Maxamed Cali Cabdiraxman – Wiilka galay kaalinta labaad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku guul dareestay in uu ka qeybgalo shir u dhaxeeyay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada Cadale iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Odayaasha dhaqanka ee Beesha Celi kana tirsan beel weynta Galmaax Yoonis ayaa diiday in uu kulankaas oo habeen hore ka dhacay degmada Cadale uu ka qeybgalo Cali Guudlaawe, waxayna sababta ku sheegeen in ay isaga dacwo ka yihiin, islamarkaana uusan u cadaalad falin bulshada gobalka Shabeellada Dhexe. Shirkan u dhaxeeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo odayaasha dhaqanka, ayaa looga hadlayay dagaallo qaraar oo sanadkii 2019-kii ka dhacay degaanada Burdheere iyo Koogaar oo ka tirsan degmada Cadale, dagaalladaas oo u dhaxeeyay laba beelood oo wada Cadale. Dagaaladaas waxaa ku dhintay tobaneeyo dad ah iyadoo ay sidoo kale ku barakaceen boqolaal qoys, waxaana sidoo kale lagu gubay guryo iyo dhul beereed ballaaran. Wali gobalka Shabeellada Dhexe waxaa ka jira saan-saanta colaadeed ee dagaalkaas oo aan xal waara laga gaarin. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dadaal dheer uu sameeyay ku guul darreystay in uu ka qeybgalo shirka iyadoo ugu dambeyn uu ka samray. Arrintaas ayaa noqotay la yaab iyo hadal heyn weyn oo wali ka taagan degmada Cadale iyo safarkii madaxdii hore ee dalka ay ku tageen degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe. Sidoo kale, kulankaas waxaa loo diiday dhammaan mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ee heerarka kala duwan, waxaana dadka loo diiday qeyb ka ahaa guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, basle waxaa ku jiray xildhibaanka beeshaas ku matala baarlamaanka HirShabelle. The post Xog: Beel Cali Guudlaawe ka hor-istaagtay inuu ka qeyb-galo shir lagu qabtay Cadale appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Gaaljecel, oo ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar u shaqeyneysa NISA oo muddo lagu la’yahay nolol iyo geeri, ayaa waxay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay helaan cadaalad, ayaga oo u qabtay saddex maalmood. Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa tilmaamtay inaysan xaq aheyn in la iska wato qof muwaadin Soomaaliyeed ah, islamarkaana aan muddo lagu heyn nolol iyo geeri. Odayaasha beesha oo kulan looga hadlayey kiiska Ikraan hadal ka jeediyey ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu meel ku sheego Ikraan, haddii kale aysan suuragal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho. “Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa inay arrintaas jawaab deg deg ah ka bixiso, madaxweyne adigaa dalka u sarreeya, waxaa lagu mashquulsan yahay doorasho, haddii ay cadaalad daradaan jirto oo sidan wax yihiin sidee doorasho lagu aadaa, mala aadi karo waaye,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan. Odayaasha ayaa madaxda Dowladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay inay dareemaan xanuunka maanta iyaga haya maadama ay ka maqan tahay gabadhooda. “Madaxda Dowladda, haddii ay yihiin saraakiil, madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo inta kale eka hooseysa dhammaantiin ubad ayaad dhasheyn, haddii ubadkiina maqan yahay xanuunka aad dareemi laheedeyn ayaan na haya ogaada,” ayuu mar kale yiri. Sidoo kale odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa sheegay inay cadda tahay in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta dowladda, maadaama ay sheegeyn in meesha laga watay ay tahay meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo sidoo kalana gaariga lagu qaaday ay laheyd dowladda Soomaaliya. Odayaasha ayaa sidoo kale codsaday in warka loo caddeeyo, haddii gabadhooda la dilayna maxkamad lasoo taago ciddii dilka geysatay islamarkaasna lasoo bandhigo sababtii loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda. Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June. Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday. Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda. The post Daawo: BEESHA ay kasoo jeedo IKRAAN Tahliil Faarax oo war cusub soo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
3 Arrimood oo ku saabsan Gabadhii la waayay Raq & Ruux ee u shaqen jirtay Sirdoonka Somalia Baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliya waxaa maalmahan qabsaday qeylo dhaan ku saabsan gabadh ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taasoo la waayay muddo hal bil ah ka hor. Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo soo noqotay agaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax. Xog rasmi ah lagama hayo halka ay ku maqan tahay gabadhan iyo waxa ay ku sugan tahay nolol iyo geeri toona, waxaana odayaasha beesheeda ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay meel ku sheegaan islamarkaana caddaalad la siiyo. Haddaba si sharraxaad badan loo helo waxaan eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan gabadhaas ay hadal heynta xooggan ka taagan tahay. Waa Tuma Ikraan? Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay. Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga. Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas. Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe. Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd. Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska. 2-Sida lagu “afduubay” Inta badan wararka la isla dhex marayo waxay sheegayeen in Ikraan la afduubtay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda afduubatay, marka laga soo tago eedeymaha. Gabadhan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay kaddibna gaari lagu kaxeeyay. Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid si ay gabadheeda u raadiso ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd. “Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tidhi Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed. Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabadha ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo helo Ikraan Tahliil. 3- Gaarigii lagu “afduubay” Ikraan Hooyadeed ayaa shaaca ka qaadday in ay jiraan dad ay ku tuhunsan yihiin gabadheeda, inkastoo aysan si cad u sheegin magaca cidda ay gabadha ku maleynayaan. Waxay intaas ku dartay in la garanayo gaarigii lagu qaaday Ikraan markii ugu dambeysay ee ay ka baxday guriga. “Waxaa la ii sheegay in maalintii ay bisha June ahayd 26, abaare 8:03 ay iyadoo laptop wadata guriga ka baxday. Gaari la yaqaanno ayay racaday sida aan xogta ku heyno markii aan aragnay kaamirooyinka CCTV-ga,” ayay tidhi gabadha hooyadeed. Laakiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in uu xarun ka mid ah xarumaha hay’adda nabad sugidda kusoo arkay gaari baraha bulshada lagu sheegay inuu ahaa kii gabadha lagu qaaday, wuxuuna sheegashadaas ku qeexay eed aan sal iyo raad toona lahayn. “Waxaa baraha bulshada ku jira baabuur, baabuurkaasna waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee la tusay, xarumaha nabad sugidda mid ka mid ah ayaa la iiga yeeray, kaamiradi ayaan fiirinnay, baaburki ayaa la daba galay, waxaana yeeshay shakhsi hay’adda ka tirsan. Haddii hay’adda wax lagu tuhmaayo sawirkaasba ma aysan soo saarteen,” ayuu yidhi. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay ku jiraan howsha la xiriirta raadinta gabadha, wuxuuna warbaahinta u sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay qeyb ka yihiin dadaalkaas. “Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed in ciddii xog ka heysa ay nala soo wadaagaan, ayna ila soo xiriiraan aniga oo ah adeerkeed, ahna xildhibaankeeda,” ayuu yidhi. Wuxuu xildhibaanka ka digay dadka eedeymaha ku saabsan a xiriira sida ay Ikraan u maqan tahay ku faafinaya baraha bulshada. Qaran News
-
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed Ciro ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland. Safarka guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa la xiriira doorashada Aqalka Sare ee Jubaland oo maalmaha soo socda ka dhici doonta Kismaayo, taas oo lagu furi doono doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyanaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Jubaland. Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhici doonta inta u dhaxaysa 25 ilaa 28 July 2021. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Ciro oo gaaray Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo ku dhawaaqi doona liiska xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkey iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah. Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto ayaa Talaadadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag militari iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin. “Golaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa in dib looga laabto tallaabadan iyo dhammaan tallaabooyinka ku saabsan Varosha ee la qaaday ilaa bishii October ee 2020-kii,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golahan ka kooban 15-ka dal. Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.” “Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey. Tallaabada ay qaadeen Qubrus-ta Turkiga ah ayaa sababtay fal-celin caro leh oo ka timid dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Qubrus-ta Giriigga ah, waxaana sidoo kale diidmo kala horyimid quwadaha reer galbeedka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka oo ku tilmaamay tallaabadan “mid aan la aqbali karin.” Turkiga ayaa dhegaha ka fureystay dhaliilaha loo jeedinayo. “Golaha Ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in laga fogaado ficil kasta oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn go’aannadii Golaha, taasi oo xiisad ka abuureysa jasiiradda islamarkaana waxyeellaynaysa rajada laga qabo in heshiis la gaaro,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka. Qybrus ayaa Arbacadii codsi ka dhan ah go’aanka uu qaaday maamulka Qubrus-ta Turkish-ka ah u gudbisay Golaha Ammaanka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa diiday baaqa ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo dalal kale oo dhowr ah, waxayna sheegtay in ay yihiin sheegashooyin aan sal laheyn, islamarkaana aan waafaqsaneyn xaqiiqoyinka ka jira Qubrus. “Bayaannadani waxa ay ku saleysan yihiin dacaayadda Qubrus-ta Giriigga ah, iyo sheegasho aan sal laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Turkey. REUTERS + VOA The post Golaha Ammaanka oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday madaxweyne Erdogan appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta oo kale laba sano ka hor 24 July 2019 qarax xooggan oo ka dhacay xarunta gobalka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobalka. Xarunta Gobalka Banaadir oo uu xilligaasi qaraxa ka dhacay waxaa ka socday shir xasaasi ah oo looga hadlayay amniga caasimadda waxaana goobjoog ahaa dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka banaadir, iyadoo wax yar kadib markii uu shirka furmay gebi ahaan jawiga uu isbadalay. Kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa durbadiiba la xaqiijiyay geerida mas’uuliyiin lafdhabar u ahaa gobalka oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii degmada Cabdicasiis Marwa Saba Cabdullaahi Asad, Guddoomiyihii degmada Wabeeri Mahad Cilmi,Gudoomiyaha Shangaani: Sahra Markeesi, Lataliyaha dhanka sharciga ee Maayarka: Abukaate Xasan Maxamed Sabriye, Agaasimaha Qorsheynta deegaanka Hoose Injineer Shuuriye, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha: Cabdullaahi Cali Dheere, Agaasimaha Nadaafadda Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane iyo howl wadeenno kale oo ka tirsanaa gobalka. Qaraxa ayaa waxaa dhaawac xooggan uu ka soo gaaray duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow, isaga oo todobaad kadib u Isbitaal ku yaalla dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii qaraxa ka soo gaaray. Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii xilligaas Mahdi Guuled ayaa guddi heer qaran ah u xil saaray in ay baaritaanno ku sameeyaan shaqsiyaadkii ka dambeyay qaraxa, cidda fududeysay iyo qorshahiisa ciiddii laheydba, iyadoo guddigan guddoomiye looga dhigay Cabdi Canshuur Xasan. Xubnaha guddiga oo ka koobna 14-xubnood ayaa mudda kadib warbixin ay soo saareen ku sheegay in qaraxa ay ka dambeysay Haweeney aragga la’ oo ka tirsaneyd shaqaalaha gobalka. Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin fara badan ayaa shaki geliyay sax ahaanshaha natiijada guddiga ay ka soo saareen qaraxa. Dhanka kale xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, ayaa maalmo ka hor qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay Afduub muqdisho loogu geystay Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd NISA, isla markaana la sheegay in ay xog kala socotay kiiskii lagu dilay duqii Muqdishi Eng. Yariisoow. Mahad Salaad ayaa sheegay in shegay hogaanka sare ee NISA ay ka shaqeeyen sidii marka hore Ikraan dalka loogu soo celinlahaa , kadibna laga taqaluso, waxaa uuna caddeeyey in sidaa loo sameeyey si loo baabi’iyo xogo ay heyso oo ay ka mid yihiin dilkii Eng. Yariisow iyo arrimo kale. “Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo! Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda, Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan, Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeisa (HOL) - The 14th Annual Hargeisa International Book Fair officially opened on Saturday at the Hargeisa Cultural Center. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay golaha Guurtida. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/07/2021, dhaariyay Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL. Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil, taasi oo golaha Guurtidu ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi. Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. Qaran News
