-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay hubeynayso beelaha Jubaland qaarkood, si ay dhexdooda isugu dhibaateeyaan. “Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago dal iyo dibadba Kenya inay dhibaateyntii halkeedii ka sii waddo 6-dii iyo 7-dii bisha xalay illaa habeen hore inay cimiladii hore cimilo ka fool xun ay howshaa gashay,” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta. Afhayeenka ayaa yiri “Degmada Afmadow iyo deegaano hoos-tagga sida Diif, Dhoobley, Cali Buleey iyo meelo kale in hub loogu qaybiyay maleeshiyo beeleed iyo in la weerarayo dadkii reer miyiga ahaa deegaanadoodii iyo xoolahoodii, kuwana la leeyahay reer hebel baan rabnaa inaan barakicno oo xoolaha ka dhacno ee fogaada, oo dadkii walaalaha ahaa ee is dhalay, isla dhashay, isna dhex degenaa qaarna ay Gobolka NFD, Ismaamulka Garissa illaa Libooya u guurayaan oo gudaha u qaxayaan, kuwana la boobayo xoolahoodii iyo nafsadoodii oo la weerarayo.” Waxaa uu sheegay in goobaha dadka lagu weerarayo ay ka mid yihiin deegaanada Cali Buleey, Dhayac-garoon, Rasho, Cali Yaquub, Toosileey iyo Harro Cali, oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo. “Meelaha dadka lagu weeraray waxaa ka mid ah Cali Buleey oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, una dhow deegaanka Dhoobley, Dhayac-garoon oo hoos-tagta deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo, waxaa ka mid ah Rasho iyo Cali Yaquub, baldoosyada la yiraahdo ee geelashu cabi jireen, waxaa kaloo ka mid ah Toosileey iyo Harro Cali,” ayuu yiri Aadan Rufle. Waxa kaloo uu yiri “Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo dembiileyaal kale oo ay ka mid yihiin kuwii argagixisada, si ay ayaga u sii jariiqaan in ayaga qabiil qabiil leeskugu diro, la kala qaxiyo oo hub iyo qalab la’isugu dhiibo ayay mareysaa.” Aadan Rufle ayaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Jubaland ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada xaaladda uu sheegay inay ku soo korortay Jubooyinka iyo Gedo. “Isimada Dhaqanka waxaan leeyahay wixii la idiin doortay waa maslaxad iyo nabad, dagaalkuna meel xun oo fool xun buu gelayaa, haddii geela la kala dhaco, oo dadka reer miyiga la barakiciyo, dowladana ay daba taagan yihiin oo niman dembiileyaal ah ay doonayaan magac qabiil inay ku jariiq dheeraadaan ama dadka ku barakiciyaan. Waxaan leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee saddexda gobol kaca oo duubkiina iyo cimaamadiina qaata, dadka walaalaha ee cadowgu isu adeegsanayo inaad kala badbaadisaan baan idinka codsanaya,” ayuu yiri Aadan Rufle. The post KENYA oo billowday ‘inay hubeyso’ qaar ka mid ah beelaha Jubaland + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
US Navy rescues 15 crew from sinking cargo ship off Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The US Navy on Wednesday said that its team rescued 15 crew members from a sinking cargo ship off the coast of Somalia. Source: Hiiraan Online -
Somalia announced on Wednesday that its armed forces arrested a senior leader of the al-Qaeda-affiliated al-Shabaab terrorist group in an operation in the country's Middle Shabelle region, according to an official statement. Source: Hiiraan Online
-
Gudoomiyaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka mid ah TPEC ayaa xafiiska Gudoomiyaha kulan kula qaatay saraakiil ka socotay Hay’adda UNSOM. Guddiga ayaa waftiga ka socday UNSOM warbixin ka siiyay shaqada ay wadaan hawlaha usoo qabsoomay ee ay ka mid ahayd diiwaangalintii codbixiyayaasha degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn iyo shaqooyinka u qorshaysan oo ay ka mid tahay qaybinta kaararka codbixiyayaasha iyo qabashada doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn oo dhawaan ka soo dhamaatay diiwaangalintii codbixiyayaasha oo mudo ka socday, Gudoomiyaha ayaana qabsoomida arintan ku tilmaamay inay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya iyo Puntland. Saraakiisha UNSOM ayaa soo dhaweeyay shaqada Guddiga ay qabteen iyo qorshahooda dhow iyo kan fog waxayna usheegeen xubnaha TPEC in ay wada shaqayntooda sii xoojindoonaan. PUNTLAND POST The post Guddiga TPEC oo kulan la qaatay hay’adda UNSOM appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xasan Gacaliye ayaa Warbixin la Xiriirta howlgalada Ciimada, waxa uu ka dhegaytayTaliye Xigeenka Milatarga Janeraal Cabaas Amiin Cali. Janeraal Cabaas Amiin ayaa u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Ciidanka howlgallo qorsheysan ay ka wadaan labada Shabeelle iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka si looga saaro Ururka Al-Shabaab. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalaldii ugu dambeeyay ee labada Shabeelle ay ciidamada khasaare xoogan ku garsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogta ah u sii socda. Wasiiirka Gaashaandhigga ayaa boogaadiyay guulaha Ciidamadu ka gaareen Al-shabaab, isagoo tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Milatariga ay ka go’antahay in Al-shabaab laga sifeeyo dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay hawlgallada Ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo hore u ballan-qaaday hogaaminta geedi socod doorasho oo deg-deg ah ayaa dhawaan magaacabay guddi cusub oo doorasho. Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu guddigaas oo lagu magacaabo “Guddiga hagida iyo isu-duwidda qorshaha RW ee doorashada” u magacaabay si loo dar-dar geliyo doorasho xiligeeda ku dhacda. Guddiga ayaa farsamo ahaan ka shaqeyn doona sida uu sheegay xafiiska ra’iisal wasaaraha doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan heshiiskii 27-kii May. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo ayaa magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee doorasho xilligeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, kuna saleysan heshiiskii 27-kii May,” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddiga ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadan doona xiriirinta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka, iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka. Rooble ayaa dadaal xoogan ugu jira hirgelinta doorasho wada-ogol ah, tan iyo markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay dabayaaqadii bishii hore heshiis doorasho, kaasi oo dalka u jiheeyey dhanka iyo doorasho, kadib jawhareer siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhacay dalka. The post Xafiiska R/W Rooble oo faah-faahiyey howsha guddiga cusub ee uu magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Xukumada Somaliland oo si adag uga jawaabtay Hadallo Laf-jaba oo ka soo yeedhay Xukumada Farmaajo Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Somaliland Yurub Abiib Cabdi, oo u jawaabaysa wasiir ka haweenka ee dowlada Soomaaliya Xaniifa Xaabsade, ayaa tidhi “Somaliland iyo Soomaaliya shaqo iskuma laha”.Wasiirada ayaa sheegtay in wasiirka haweenka Soomaaliya aanu masuul ka ahayn haweenka Somaliland. “Soomaaliya iyo Somaliland shaqo iskuma laha, Soomaaliya waa waddan aanu mar hore kala tagtay, waxan u arka uun in riyadii ay reer Soomaaliya ku riyoon jireen uun in gabadhaasi ay ka hadashay” ayay tidhi. “Way riyoonaysa, malaha waxay u haysataaba in ay haweenka Somaliland wakiil ka tahay” ayay hadal keeda sii raacisay. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegtay in wasiirada haweenka Soomaaliya anay wali fahmin in Somaliland ay madax banaantahay. “Wali may fahmin in Somaliland ay tahay qaran madax bannaan, marka murankii Soomaaliya ka jiray uunbay gabadhaasi ka hadashay” ayay tidhi. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegtay in Somaliland tahay meel sharci leh, oo qofku wax dooran karo lana dooran karo, isla markaana Soomaaliya anay ahayn meel doorasho lagu gali karo. “Somaliland waa meel sharci leh oo dastuur leh, oo qaran leh, qofka muwaadin ka ahi waxna wuu dooran kara waana la dooran kara, kootada iyaga waxa ku kalifaya waa dhul nabadi anay ka jirin, oo aan la odhan karin waa dowlad” ayay tidhi Hadalka wasiir ku xigeenka ayaa yimid kadib markii wasiir ka haweenka dowlada Soomaaliya Xaniifa Xaabsade, ay sheegtay in doorashooyinkii Somaliland aan loo dhamayn madama oo dumar badani kusoo bixin doorashooyinka. Qaran News
-
Miino lagu Qarxiyey Xaafad ka mida Xaafadaha Magaalada Hargeysa Hawl-wadeenada hay’adda miino baadhista ee HALLO TRUST iyo hawl-wadeeno kale ayaa saaka xaafadda hawl-wadaag ee magaalada Hargeysa ku qarxiyey miino. Dadka degaanku ayaa sheegay in miinadaasi ahayd mid carruuri ku ciyaarayeen, taas oo markii dambe lagu soo wargeliyay laamaha ku shaqada leh miino baadhida. Hawl-wadeenadii HALLO TRUST ayaa si nabadgelyo ah u qarxiyay miinadaas, iyada oo aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhin bulshada iyo hawl-wadeenadii ku hawlanaa sidii bulshada looga badbaadin lahaa. Qaran News
-
Eng Maxamed Xaashi oo ka hadlay Doorashadii dalka ka Dhacday Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in doorashooyinka Isku sidkana ee goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ay Somaliland u suurto-galinayso aqoonsi Caalami ah oo ay hesho. Sidoo kale Eng Maxamed Xaashi waxaa uu sheegay in doorashadani ahayd tii ugu horreeyey nooceeda ee dalka ka qabsoonta maadaama Isku mar la qabtay doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada isla markaana ay codbixiyeyaashu uga qayb-qaateen si ka duwan qaabkii ay markii hore ugu codeyn jireen xildhibaannada la dooranayo. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi. “Doorashada inoo dhacday ee meel walba laga ammaanayay waxaan filayaa in ay ictiraafkeeni soo dhaweynayso, oo maanta wax lagu gagabado iyo Soomaaliya ee ka uiba daba wada in ay ka baxday meesheedii taasina waa ILLAAHEY mahadii. Marka annigu waxa aan ku talin lahaa sidaa wanaagsan ee ay doorashadu inoogu dhacday aynu ku shaqeyno, oo xisbiyada iyo xukuumaddu arrintaasi ha dabagaleen, ha wadeen waxaana inoo balan ah oo ay wax ku hagaagayaan in ciidamada iyo shaqaalaha la daryeelo si musuq maasuqa iyo baahidu meesha uga baxdo, xisbiyada mucaaridkuna arrintaasi hala socdeen daryeelka shaqaalaha iyo ciidamadu waa wax aynu u baahanaye” Qaran News
-
M/weyne Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat. Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah weligiisna lama dhaqan gelin. Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinahay. Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Mareykanka, sida uu sheegay Biden. TikTok kama uusan hadlin arrintan. Mr Trump ayaa sanadkii hore amray inaan lala soo degin app-ka TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee Bytedance.Wuxuu markaas ku sheegay inay khatar ku tahay ammaanka Maryekanka. Waxaa la soo jeediyay in shirkadaha Oracle iyo Walmart ay qaadaan mas’uuliyadda maamulka xogta TikTok ee gudaha Mareykanka. Balse dacwado badan oo lagu furay iyo Mr Trump oo xilka ka sii degayay awgood, in la mamnuuco bartaas iyo in shirkadaha Maryekanka ay ku lug yeeshaan midkoodna ma miro dhalin. Ururinta xogta Madaxweyne Biden ayaa amarkiisa ku sheegay in dowladda federaalka ay qiimeyn doonto khataraha ay sababi karaan baraha Shiinaha laga leeyahay , iyadoo qiimeynta lagu saleynayo xaqiiqda. Wuxuu garwaaqsadan in barahan ay “dadka isticmaala ka heli karaan xog badan”. “Xog ururintan waxay sababi kartaa halis ah in ajaanibtu ay helaan xogtaas,” ayuu yiri. TikTok waxaa bil walba adeegsada ilaa 80 milyan oo Ameerikaan ah. Ashley Gorski, oo ah qareen sare ayaa soo dhoweysay go’aanka lagu laalayo mamnuuciddaas. “Madaxweyne Biden wuu ku saxan yahay inuu laalo amarrada sare ee maamulkii Trump, kuwaas oo carqaladeynata xuquuqda ay Mareykanka ku leeyihiin dadka isticmaala TikTok iyo WeChat,” ayay tiri. Toddobaadka soo socda, Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen, labadooda ayaana la filayaa inay ku dhawaaqaan iskaashi dhanka teknolojiyadda iyo ganacsiga ah, taas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo horumarka uu Shiinuhu ka gaaray teknolojiyadda. Qaran News
-
Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat. Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah weligiisna lama dhaqan gelin. Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinahay. Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Mareykanka, sida uu sheegay Biden. PUNTLAND POST The post Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump appeared first on Puntland Post.
-
A United Nations report has alleged that recruits of the Somalia National Army participated alongside the Eritrean army in the Tigray region in what can be termed as an illegal international military operation. The report further confirms the plight of various families who claimed that their sons were recruited to go to Ethiopia but never came back. The report on the soldiers, which the Mogadishu government denied engaging in the conflict, also stated that it had a presence around the city of Aksum. Highlighting the presence of Eritrean soldiers in the region, the report also included human rights violations that had been on the agenda many times before. Ethiopia denied that Eritrean forces participated in the operation it launched against the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), but later acknowledged the existence of these forces and announced that they would withdraw. Hundreds of families in Somalia protested the government in January 2021 after alleging that their children were being taken to the conflict as “mercenaries” against the TPLF in Ethiopia after being trained in Eritrea. In a political struggle with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, the TPLF attacked national army forces in the region in November 2020. Although Ethiopia has captured Mekelle, the capital of Tigray province, with a large-scale operation, conflicts still continue in some regions. Eritrean and Ethiopian forces are accused of various human rights violations in the province, including massacre, rape and torture. The UN World Food Program (WFP) reported on June 1 that 5.2 million people, equivalent to 91 percent of the population in the region, were in need of urgent food aid. Source: Africanews.com The post UN report alleges Somalia troops fought in the Tigray war appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Isbaheysiga xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis hor leh, kadib markii ay xukuumadda soo faro-gelisay heshiiskii dhawaan ay ku sameysteen isbaaheysiga, kaasi oo dhigayay in labada xisbi ay kala qeybsadaan kuraasta hogaanka cusub ee golayaasha deegaanka iyo wakiilada. Sida ay dhawaan baahisay Caasimada Online, hogaanka labada xisbi ayaa ku heshiiyey in Xisbiga Ucid uu qaato maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa, halka uu xisbiga Waddani isagna uu qaadanayo guddoonka golaha wakiilada, ayada oo ay socdaan shirar looga hadlayo arrintaas. Saacado kadib waxaa bilaabmay guux ka dhashay qaabka ay xisbiyada mucaaridka u kala qeybsadeen maayirka Hargeysa iyo guddoonka golaha Wakiilada, ayada oo arrintaas uu si rasmi ah usoo faro-geliyay madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kulan la qaatay musharaxii ugu codka badnaa ee golaha deegaanka Hargeysa, kaasi oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kadib markii uu isla shalay u direy baaq la xiriira in la tix-geliyo codadka 26-ka kun ka badan ee ay siiyeen dadweynaha caasimada. Muuse Biixi ayaa xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge u ballan-qaaday inuu kala shaqeyn dooni sidii uu u hirgeli lahaa hankiisa siyaasadeed oo ay dadweynaha caasimada ugu hiiliyeen, taasi oo dhabar jabin ku noqoneysa qorshaha isbaheysiga mucaaridka. “Imaatinkeenna maanta waxannu idiin ballan-qaadaynaa xaqa aad leedihiin iyo doorashada aad ka cabateen, wax Alle iyo wixii xad-gudub iyo xaqdarro ah inaanu idin kala hawl-galno in waddadii saxda ahayd lagu soo celiyo, loona maro waddo sharci ah, baaqiinniina jawaabtiisu waxa weeye waannu idin garab taagannahay, wixii xuquuq ah oo doorashadaas, cod-bixintaas iyo miisaankaas aad sidataan ku leedihiin inaannu idin kala hawlgalno,” ayuu yiri Muuse Biixi. Cabdikariin Axmed Mooge oo u sharraxan maayarnimada caasimadda Hargeysa, ayaa dhankiisa madaxweynaha si weyn uga mahad-celiyey sida milgaha iyo deg-degsiimaha leh ee uu uga soo jawaabay baaqii uu saacado ka hor u diray, waxana uu tilmaamay inay wanaagaas iyo xilkasnimadaa uu muujiyey ay marag ka tahay sida uu u dhegaysanayo baaqa shacabkiisa. Kulanka Muuse Biixi iyo Cabdikariin Mooge ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah xildhibaanada wakiillada ee dhawaan la doortay, qaar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan caasimadda loo doortay iyo haldoor kale. The post Isbaheysiga mucaaradka Somaliland oo wajahaya cadaadis hor leh iyo Muuse Biixi oo tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar ayaa weerar afka ah ku qaaday ururada mucaaradka deegaankaasi, ayada oo uu bilowday loolanka u dhaxeeya xukuumadda iyo ururada siyaasaddu. Madaxweyne Cagjar ayaa ku eedeeyay ururadaas oo qeyb ka tahay ONLF inay hayso fahan daro dhanka siyaasada, xilli doorashada dalka ay ka harsan tahay wax yar labo todobaad. Hadalka madaxweynaha DDS oo ka careysiiyay mucaaridka ayaa waxaa si kulul uga jawaabay ururka ONLF, kaasi oo madaxweyne Cagjar ku sifeeyay inuu hogaanka u hayo maamul fashilmay. Afhayeenka ururka ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in Cagjar uu ku fashilmay hirgelinta nidaam dowli ah oo shacabka dib ugu celiya canshuurta laga qaado. Hadalladaan ayaa kusoo aadaya xili ay xukuumadda iyo ururada siyaasaddu isku hayaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida dadka cod-bixiyeyaasha ah ee dhawaan codkooga ka dhiiban doono doorashada loo ballansan yahay. Waxaa deegaanka Soomaalida oo kamid ah 10-ka dowlad deegaan ee xubinta ka ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ka socdaa diyaar-garow xoogan oo loogu jiro sidii ay doorasho guud deegaankaasi uga dhici lahayd, inkasta oo xisbiyada mucaaradka ay walaac ka muujiyeen geeddi socodkii diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayaga oo ka cabanaya guddiga doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen diiwaan-gelinta dhowr iyo toban deegaan doorasho oo ay cabasha ka soo gudbiyeen xisbiyada deegaankaasi oo mucaarad iyo muxaafidba isugu jira. The post Madaxweyne CAGJAR iyo ONLF oo weerar isku qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Xudur (Caasimada Online) – Maamulka degmada Xudur, Maxamed Macalin oo ay wehliyaan hay’adaha samafalka ee ka howl-gala gudaha magaalada ayaa soo kormeeray boqolaal qoys oo dhawaan kasoo barakacay tuulooyin hoos-yimada degmada Xudur. Barakacayaasha oo isugu jira Waayeel iyo qoysas haween u badan oo caruurtooda ay la socdaan ayaa waxa uu maamulku sheegay inay kooxda Al-Shabaab kasoo barakaciyeen, kuwaasi oo xiligan wajahaya xaalad adag oo bini-aadantimo. Maamulka degmada iyo hay’addaha ayaa kormeerkaas kadib warbaahinta u sheegay inay qoysaskaas wajahayaan biyo la’aan iyo raashiin la’aan, waxayna barakacayaashu isugu jiraan beeralay, xoolo dhaqato iyo dad xirfad muruqmaal ah ku shaqeysanayay. Dhulka ay xiligan degan yihiin barakacayaash ayaa waxa bixiyay maamulka degmada, ayada uu maamulku dalbaday in kaalmo deg-deg ah lala soo gaaro. “Majirto wax intaa ka badan oo loo qabtay (deegaan la siiyay) hase yeshee u jeedada kormeerka ayaa ah in xaaladooda dhabta ah la ogaado gar-gaar deg deg ahna lala soo gaaro,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macalin. Waxaa xiligan magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ku sugan kumanaan kun oo barakacayaal ah, ayada oo maciishada nololeed ee deegaankaas ay cirka isku shareertay, waxaana laga deyrinaya xaalada bini-aadantinimo ee xeryaha ku yaala degmadaas. The post Al-Shabab oo boqolaal qoys ka barakicyey guryahooda appeared first on Caasimada Online.
-
W/Q CALI MAXAMED BIIXI Hadii aad ciyaartoy meel ku xareyso muddo sanad ah oo aad ciyaaraha dunida oo dhan aad wada daawiso (Brazil-Germany- Itali- Spain- Holland-England) iyo qaar kale oo badan oo ay qeybaan ciyaar kasta iyo xarfadii oo dhan. Oo aad sanad Kabacdi tidhaahdo waxaad la ciyaaraysaan Team-kii Brazil ee dhabta ahaa. Sidee Bay ula ciyaari doonaan? Wax mayska celin doonaan? Jawaabtu: waa maya ee Brazil sida caruurta oo kale ayay ugu ciyaari doontaa, 20 goal-na way ka dhalin doontaa. Iyo wax ka badanba. Waayo? Fulintu waxay u baahan tahay ,tababar fara badan . Iyaguna wax tababar ah may soo qaadan. Hadaba dimuqraadiyadu waxay u baahan tahay halgan iyo tababar umadeed oo muddo dheer soo qaata iyo bisayl umadeed oo siyaasadeed. Maaha magac iyo shicaar iyo mabaaddii aanad u bislayn oo aanad dhaqankeedii lahayn. Hadaba umadeenu well uma bisla, mana fahansana dimuqraadiyadu waxa ay tahay, dhaqankeediina ma laha . Dimuqraadiyadu guriga iyo qoyska iyo bulshada dhexdeeda ayay ka soo unkantaa oo ka soo bilaabantaa . Markaa barasho iyo tababar iyo halgan iyo waayo aragni iyo baahi loo qabo ayay dimuqraadiyadu u baahan tahay oo lagu gaadhaa. Cali Maxamed Biixi Caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore baaralamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal ka jeediyey munaasabad maanta lagu sagootinayey safiirkii dalka Jabuuti u joogay Soomaaliya ayaa raali gelin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa reer Jabuuti. Aadan Xasan Aadan oo sanadihii lasoo dhaafay madax ka ahaa safaaradda ay dowladda Jubuuti ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta laga sagootiyey Muqdisho, maadaama uu dhamaaday mudo xileedkiisii safiirnimo. Prof. Jawaari oo qeyb ka ahaa madax kasoo qeyb gashay munaasabadii lagu sagootinayey safiirka ayaa dhowr tilmaamood ka bixiyey xiriirka iyo mudnaanta ay Jabuuti siisay Soomaaliya waayihii adkaa. “Anigoo ku hadlaaya magaca odayaasha Soomaliyeed ee madaxa cad, Madaxweynaha dalka Jabuuti waxaan leenahay aad iyo aad baan galad kuugu heynaa, wax Alla waxii gardarro ah ee aad naga sheeganeyso ka raali ahoow,” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sanadihii uu hoggaanka Soomaaliya hayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa xumaa xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, waxuuna Farmaajo Jabuuti ka soo dhaweystay Ertirea oo waligeed aheyd cadawga reer Jabuuti, arrintaas waxaa aad uga carooday madaxda iyo shacabka reer Jabuuti. Guddoomiye ayaa sheegay in dalalka caalamka iskadaa walaalnimee ay isugu hiiliyaan derisnimo, “Jabuuti wax kasta waa noo tahay, waa dhiigeenii, waa deriskeenii, waa dhaqankeenii, waa luuqadeenii, isku mid ayaan nahay, waana dowladda kaliya ee wax kasta noo gashay,” ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Jabuuti ayuu ku amaanay intii uu joogay Soomaaliya inuu muujiyey shaqo wanaag iyo walaalnimo, isagoo aad ugu mahad celiyey. “Mar kasta Madaxweyne Ismaaciil waxuu noo soo xulaa, dadka xulka ah ee reer Jabuuti oo safiir uu nooga soo dhigaa, waxaana hadda ka rajeyneynaa in mid adiga oo kale ah inuu noo soo diro, anigu waxaan qorsheynayey in Sabtiga soo socda aan Jabuuti tago oo Madaxweynaha dhaho war inta doorashada aan ku jirno safiir Aadan noo daa hanoo sii joogee, laakiin waxaa la yiri waa sharci hadii waqtigu ka dhamaaday inuu baxo,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari. Sidoo kale Jawaari ayaa Danjire Aadan Xasan ka codsaday inuu noqdo safiir u maqan Soomaaliya oo akhbaar wanaagsan uga gudbiya dalkiisii Jabuuti ama dalkii kale ee loo diro. Hoos ka Daawo The post Daawo: Jawaari oo raali gelin u diray madaxweynaha Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Boosaaso ayaa maanta laga daahfuray wejiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradah Boosaaso. Daahfurka mashruuca waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, kuwo ka socotay shirkadda dhisaysa garoonka iyo qeybo kamid ah bulshada Boosaaso. Mashruucan oo ay fulinayso shirkad lagu magaaco TISL oo hoostagta CCECC ayaa la sheegay in qeybtiisa 1-aad lagu qaban doono shaqooyinka kala ah. 1. Ballaadhinta dhabada diyaaradaha waxa lagu daridoonaa inta dhisan 800m. 2. Dhismaha wado laami ah oo laba haad ah, taasi oo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ku xirta magaalada 1.7 km². 3. Dhismaha baarkinka gawaarida (Car Parking) oo cabirkiisu dhan yahay 300×250m² oo laba jibaaran (Square). 4. Dhismaha Dayrka Garoonka oo silig adag ah (Fencing Airport) cabirkiisuna dhan yahay 9×4km 5. Dhismaha xarunta Dab-damiska (Fire House Building) 6. Dhismaha Baarkinka Diyaaradaha 7.Dhismaha qaybta Xamuulka (Cargo Terminal) 8. Dayactirka Terminaalka (Terminal renovation) 9. Nalaynta Garoonka si heer caalami ah (Airports lighting) 9. Dhiraynta iyo qurxinta Garoonka diyaaradaha Boosaaso (Planting and organizing). Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka warbixiyay mashruuca lagu hormarinayo garoonka Boosaaso. PUNTLAND POST The post Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Boosaaso oo la daahfuray appeared first on Puntland Post.
-
Beri ayeey reer duceysteen oo adhi badan la qalay. Nin ka mid ah xertii loogu yeedhay ducadda ayaa is yidhi ducadan hilibka badan la cunayo uga faa’idee inaadeerkaa oo quraankana wax ha ka akhriyo, hilibkana wax ha ka cunee bi’i waaye ninka u yeedh kolay meel halkanuu ku saruuradaysan yahoo kolayba ishaa hilib la’aan baa u yeeshee. Kolkii ducaddii la yimid oo ninkii xerta ka mid ahaana inaadeerkii xer ahaan ku soo kaxeeyey ayaa xertii bilowday quraankii. Kolkii la wareejiyey in quraankii la akhriyo ee uu nin walba Yaasiin akhrinayey ayuun buu ninkii xerta layskaga soo daray ee inaadeerkii u yeedhay uu isagu mar walba Wal-casri ku cel-celiyaa. Kolkay dhowr jeer soo wareegtay ee uu marwalba Wal-casri ninkii akhriyey ayaa kolkii danbe ninkii Xerta ku jiray ee soo kaxeeyey ayaa si yaroo canaan leh dadkii kale oo maqlaya ugu odhanaya “Waar dee Yaasiin baa la akhriyayaa.” Dadkii oo jawaabtiisa sugaya ayaa ninkii la soo kaxeeyey odhanaya, “Waar Walcasrina quraanka ha ka saarin, anigana xerta hayga saarina!”. Waar imika Abdikariim Axmed Moogana mucaaridow ninku Mayor buu rabaaye garta oo mayornimadda ha ka saarina; waar idinkuna muxaafidoow ninku xisbi mucaarid buu ka soo baxay oo cod aynaan arag buu keenaye la shaqeeya. Saaxiibkay iyo walaalkay Cabdikariim Axmed Mooge aad iyo aad ayaan u hanbalyeeynayaa uguna duceynayaa. Waa shakhsi qiimo badan leh. Horta kulanka uu ku arkay madaxweynaha maanta waa shax wanaagsan oo uu ciyaaray. Nin cod badan ku soo baxay oo maayarnimo rabaa maaha inuu colaadaysto madaxweynaha kursiga ku fadhiya, Ilaahay ha guuleeyee, Mayor kastoo yimaadana khasab bay ku tahay inuu xukuumadda la shaqeeyo. Mayoraddii aanu berigii mucaaridka ka soo saarnay kuligood waa kuwii xukuumadda la wada shaqeeyey ee idinkuna shiciboow taasi ku biyo caba. Guul iyo Gobanimo. Source
-
Wax ka ogow sirta la helay oo ah inaan maalqabeennada Adduunku aysan bixin canshuurta ku waajibtay Jeff Bezos, Warren Buffett iyo Elon Musk Macluumaad lagu sheegay in ay muujinayaan xaddiga yar ee ah cashuurta dakhliga ah ee ay bixiyaan maalqabeenada Maraynka ayey si sir ah ku heleen bogag caalami ah oo wararka baahiya. ProPublica ayaa sheegay in uu helay dokumentiyada cashuur bixinta ee qaar ka mid ah dadka ugu hodansan dunida oo ay ku jiraan Jeff Bezos, Elon Musk iyo Warren Buffett. Website-ku wuxuu sheegay in Bezos oo iska leh Amazon aanu bixinin cashuur, sannadkii 2007 iyo 2011, halka Musk oo leh Tesla, isna aanu waxba bixin sannadkii 2018. ProPublica waxuu sheegay in uu helay waxa uu ku tilmaamay “xog baaxad leh oo ku saabsan waaxda dakhliga gudaha” oo ku saabsan cashuurt laga qaado hantiileyaasa oo uu macluumaadkaas faafin doono todobaadada soo socda gudahooda. In kasta oo BBC-da aanay xaqiijin karin arintaas, haddana sirtaa la sheegay in la helay waxay ku soo beegmaysaa wakhti ay isa soo tarayso doodda ka taagan xaddiga cashuurta ay bixinayaan dadka hantida leh iyo kuwa aan ahayn fakhriga ee dakhligooda uu sii kordhayo. ProPublica wuxuu sheegay in 25 qof oo ugu hodansan Maraykanku ay bixiyaan cashuur yar oo celiclis ahaan ah 15.8% marka la eego hantidooda taas oo ka yar inta ay bixiyaan dadka shaqeeya ee Maraykanka. Jesse Eisinger oo ah weriye sare iyo tifaftire ka tirsa ProPublica ayaa u sheegay barnaamijka Today: “Aad baanu u yaabnaa in aanad wax cashuur ah ba bixinayn hadii aad tahay bilyaneer. Run ahaantii in aanad wax cashuura bixin dhulkay ina dhigaysaa. Dadka aadka u taajirka ahi sharciga way ka talaabsan karaan gabigiisaba”. “Waxay awood xad dhaafa u leeyihiin in ay helaan cahsuur dhimid oo ay ka faa’iidaystaan dol daloollo ka jira sharciga,” ayuu ydhi. Wuxuu sheegay in dadka hantida leh ee Maraykanka ay guriyo hanti ah iibsadaan, qaar dhistaan ama ay dhaxlaan lacag badan, ka dibna hantida ay haystaan lacago kale ku amaahan karaan. “Sababta oo ah ma garawsadaan in ay macaashka ama iibka saamiyada wax ku helaan – wax dakhli ah ma helaan oo la cashuuri karo.” “Banki bay wax ka amaahdaan oo dul saar ayaa la saaraa ka dibna taas ayay faa’iido badan ka helaan oo waxay dulsaarkaana ku helaan cashuur dhaaf”, ayuu yidhi. Qorshaha Biden Bogga daabacay warbixinta wuxuu sheegay in “adeegsiga istaraatijiyadda sharci ee cashuurta, in qaar badan oo dadka hantida badan lihi ay soo yarayn karaan cashuurta heer federaal, oo aad u yarayn karaan ba,” xataa hadii hantidooda cirka isku shareertay sanadihii u dambeeyey. Hantiileyaasu sida muwaadiniin badan oo caadiya oo kale ayay u awoodaan in ay dhimaan kharashka kaga baxa cashuurta iyaga oo adeegsanaya ururada khayriga ah ama lacag ka helaya maalgashi oo aan dakhligoodu ahayn ama mushahar ahayn. ProPublica wuxuu adeegsaday xog uu hayey waregyska Forbes waxaanu sheegay in hantida 25 qof ee ugu taajirsan Maraykanka ay wadar ahaan korodhay 401 bilyan oo doolar, intii u dhaxasay 2014 ilaa 2018, laakiin ay bixiyeen 13.6 bilyan oo cashuur ah sanadahaas. Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu kordhin doono cashuurta dakhliga ee dadka hodanka ah oo qayb ka ha qorshihiisa uu ku hagaajinayo isku dheeli tirnaanta iyo lacagaha badan ee lagu bixinayo barnaamijkiisa dhismaha kaabeyeesha dhaqaalaha. Joe Biden Wuxuu doonayaa inuu kordhiyo cashuurta dakhilga ee dadka dhaqaalaha badan uu soo galo oo uu laba-lababo cashuurta dhakhiga kuwa hatida badan ay ka helaan maalgashiga iyo dhaxalka. Balse ProPulica lafagurka uu sameeyey waxa lagu soo gabogabeeyey: “In kasta oo ay dadka Maraykanka ah ee hantida leh, sida maareeyeyaasha shirkadaha, ay bixin doonaan cashuur badan, sida uu dhigayo shuruucda maamulka Biden uu soo jeediyay. Haddana inta badan canshuurta 25 ta qof ee ugu hantida badan aanay waxba iska bedeli doonin”. Dadka hantida leh ee lagu magac ***** waa ninka samafalka lacagta ku bixya ee Geroge Soros, oo sidoo kale lagu eedeeyey inuu cashuur yar bixiyey. Xafiiskiisa ayaan jawaab ka siinin BBC, mar ay codsatay in ay su’aalo waydiisayo, laakiin warbixin uu u diray ProPublica ayuu ku sheegay in Soros aan wax cashuur ah lagu lahayn sababtuna tahay maalgashigiisii oo khasaaray. Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in muddo dheer uu taageersanaa in cashuur badan ay bixiyaan dadka ugu hantida badan Maraykanka. ‘Sharci darro’ Sida ay wararka Maraykanku tibaaxayaan, Micheal Bloomberg oo ahaa duqii hore ee New York, oo dokumentiyada sirta ah ee la helay ay ka mid ahaayeen kuwii uu cashuurta ku bixiyey, ayaa sheegay in arintaas ay dhalisay walaac laga qabo dhawrsanaanta sirta shakhsiga ah oo uu “sharciga la tiigsan doono” si loo ogaado ciddii bixisay. ProPublica oo ah website baadhitaannada ka shaqeeyay ayaa baahiyey maqaalo dhawr ah oo ku saabsan sida hoos u dhaca miisaaniyadeed ee dakhliga gudaha Maraykanka u ragaadisay awoodda dhaqan gelinta sharciyada cashuuraha ee ah in la canshuuro dadka hodanka ah iyo shrikadaha waaweyn. Warbaahinta ayaa sheegtay in ay heleen dokumentiyo sir ah oo warbixinnadan falcelin u ah. Af-hayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa sheegtay in “baahinta dukumentiyo dawladeed oo sir ah oo aanu qofku fasax u haysani” ay tahay sharci darro. Wasaaradda maaliyada af-hayeen u hadashay, Lily Adams, ayaa iyadna warbixin ay email-ka ugu dirtay Reuters ku sheegtay in arrintaa haatan loo gudbiyey FBI iyo xeer ilaalinta heer federaal iyo laba wakaaladood oo korka kala socda maaliyadda oo “dhamaantood leh awood madax banaan oo baadhitaan”. Madaxa waaxda cashuuraha gudaha ee Maraykanka, Charles Retting, ayaa yidhi: “Kama hadli karo wax ku saabsan cashuur bixiye gaar ah.” “Waxaan se sheegi karaa in ay socdaan baadhitaano ku saabsan eedahan soo baxay ee ah halka laga helay xogta ku qoran maqaaladan la shaaciyey iyo waaxda laga helay”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta dhalinyaradii ay dowladda Soomaaliya tababarka ugu qaaday dalka Ertirea ee la waayey, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in dhalinyaradaas la iibsaday. Xasan Sheekh ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ka dalbaday in nolol iyo geeri uu meel ku soo sheego dhalinyaradaas maalin kasta waalidiintii dhashay ay wal-walka iyo cabashada banaanka la taagan yihiin. “Dhalinyaradaas waxaan ku tilmaami karaa kuwo la iibsaday, dowladii dhalinyaradaas qaaday waxaa laga la’yahay inay dadka soo hor istaagto oo tiraa war dhalinyaradii wacaalkoodu waa sidaan. War sidaasi mas’uuliyad maaha, hal nin oo dowladaan ka tirsan kuma dhaco inta warbaahinta soo istaago inuu yiraahdo dhalinyaradii aan iibsanay halkaas ayey ku dambeeyeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ragii xilalka hayey xiligii dhalinyaradaas la qaaday ee aan hadda xilalka heyn waxa uu xasuusiyey inay heystaan fursad ay dadka ugu sheegi karaan inta ay ka ogyihiin hanaankii lagu dhoofiyey dhalinyaradaas iyo xogta ay ka hayaan halka ay ku dambeeyaan. “Hooyinka maalin kasta ooynaya ee jidadka taagan xaqey leeyihiin, in caruurtoodii loo sheego halka ay ku dambeeyeen xaqey u leeyihiin, madaxweynihii hore, xukuumadda iyo ragii berigaas joogay ee aan hada joogin waa inay u sheegaan hooyooyinka halka la geeyey caruurtoodii, war dowladeena maxaa ku dhacay? Arrintaan in laga aamuso ma mudna,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “In Qaramada Midoobey ay maalin noo sheegto in dhalinyaradeenii dal kale ay dagaal ku gashay, maalina madaxda dalal kale ay noo sheegaan in dekedaheenii loo saxiixay dal kale, nagama qabato madaxda aan mas’uuliyadda u dhiibanay, madaxdu waa kuwa dadka soo hor istaaga oo u sheegay runta, xattaa hadii ay qaraartahay, wax aad qari kartaan malaha ee sheega, inta aysan gaarin meel halkaan ka sii qaraar.” Hoos ka Daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey in la iibsaday askartii loo qaaday Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo ay u dhaceen xafiiska guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliya, oo waday baaritaan la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea. Ilo-wareedyada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaatay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ay galeen xafiiska dhowr maalmood kahor, ayna qaateen qalab u badan computers iyo cajalado ay xog badan ku jirtay. Xubnaha aan la hadalnay ayaa intaas ku daray in xogta la qaatay ay ka mid tahay baaritaan la xiriira askarta ay dowladda gaysay dalka Eritrea, iyo keydkii guddiga difaaca ee sideeddii sano ee lasoo dhaafay. Ma cadda sababta loo beegsaday xafiiska guddiga, hase yeeshee waxay sida muuqata u badan tahay mid looga hortagayo baaritaanka la xiriira askarta Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea, oo arrinteeda ay aad uga sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysay. Ciidamadan oo dalka ka maqan muddo ka badan laba sano ayaan weli war rasmi ah laga hayn xaaladdooda. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ayaa xalay shaaciyey inuu hogaaminayo gal dacwadeed laga gudbinayo madaxweyne Farmaajo, gal dacwadeedkaas oo lagu baadi-goobayo dhalinyaradii tobabarka uu Farmaajo ugu qaaday Eritrea. “Waxaa go’aansaday in aan horkaco dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadi-goobayo caruur muddo 2-Sano ka badan ku maqan Eritrea,” ayuu yiri. Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa gebi ahaanba iska indho saabtay baaqyo kala duwan oo kasoo qaar kamid ah goleyaasha dowladda iyo cabashooyin dhowr ah oo ay jeediyeen waalidiinta dhalinyaradaas. Arrimahan ayaa kusoo aaday ayada o warbixin ay heshay Caasimada Online oo la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas. Warbixinta QM ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga. Warbixinta oo ka kooban illaa 17-bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya. “Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada Soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta. The post Xog: Ciidamo galay xafiiska guddiga difaaca BF, xog badanna ka qaatay appeared first on Caasimada Online.