-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Aadan Xuseen Xaashi, oo Hargeysa lagu xidhay 8/3/2021 ayaa maanta xorriyadiisii dib u helay. Aadan Xaashi, ayaa lagu eedeeyay in uu fashiliyay Guri Sirdoonka Somaliland ku leeyihiin Koonfurta Hargeysa. Garyaqaan Jamaal Maandeela, oo ah Qareenka u doodayay ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay Xaashi.a Maxkamadda Milatariga Somaliland ayaa maanta xorriyaddiisa dib ugu celisay muwaadinkan muddo 4 bilood ah xidhnaa Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawlada Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda ah. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta hadal ka jeediyey daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo ay ka hawl-geli doonaan khubaro ku xeel-dheer qoraalka Af-Soomaaliga. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qorshaha ka dambeeyey hirgelinta xafiiska oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro ku xeel-dheer Qoraalka Afka Soomaaliga ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen hal-abuurka qoraalka. “Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”. Tallaabada xukuumaddu ku hir-gelinayso xafiiskan ay ku sheegtay Faaf-reebka Qoraallada Buugaagta ayaan la garanayn waxa wakhtigan keenay, iyada oo dadka wax odorosa ku tilmaameen inay tahay talaabo lagu wiiqayo xorriyada hadalka qoraalka iyo hadalka oo ay Somaliland ku hanno-qaaday. Lama oga in shaqada xafiiskani qaabilsanaan doono ku kooban tahay faaf-reebka buugaagta oo kaliya, balse marka la eego qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha shaqada noocan ah qabta oo waddamo badan ka jira, kuwaas oo aanay shaqadoodu ku koobnayn qoraallada balse sidoo kale hawl-qabadkooda uu ka mid yahay faaf-reebka wararka iyo warbixinaha warbaahinta laga sii daayo. Waddamada deriska oo uu ka mid yahay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, waxa ka jira xafiisyo dowladeed qaabilsan faaf-reebka wararka iyo warbixinaha laga sii daayo warbaabinta madax-bannaan, kaas oo maamul ahaan hoos yimaadda wasaaradda Warfaafinta dalka Jabuuti. Xafiiskan ayaa faaf-reeb iyo dib u eegis ku sameeya wararka laga sii daayo telefishannada madax-bannaan iyo mareegaha Wararka oo aan baahin karin warar iyo qoraallo aan xafiiskan soo marin. Source
-
Guddoomiyaha baarlamaanka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Cali Saciid Faqi ayaa goordhow magaacaabay xubnaha xildhibaanada golaha wakiilada ee qaban-doona Doorashada Aqalka Sare ee BF. Koonfur galbeed ayaa noqonaya baarlamaankii 2-aad ee dowlad goboleedyada ah oo sidaasi sameeya kadib markii uu horay sidaa u sameeyey midka Jubbaland. Akhriso: Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan Maanta. Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka Maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubbaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland. Ilaa iyo hadda a jirto Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da Ogost, mana muuqdo olole doorasho oo socda. Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa. Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. The post Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare iyo Beesha Caalamka oo shuruud ku xirtay lacagta…. appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda degmada Caluula Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Caluula oo ka tirsan gobolka Gardafuu ayaa maanta xukuntay afar nin oo ku eedaysnaa kiis kufsi wadareed ah. Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay caddaymo muujinaya in afartaas eedaysane ay ka dambeeyeen kufsi wadareed degaanka loogu gaystay dhibbane Samsam Saalax Muuse. Maxkamada ayaa min 12 sano oo xabsi ah ku ridday afartan eedaysan kadib markii ay dhegaystay soo jeedinta Xeer ilaalinta iyo caddaymihi la soo bandhigay. PUNTLAND POST The post Maxkamadda degmada Caluula oo xukuntay rag ku eedaysan kufsi wadareed appeared first on Puntland Post.
-
Muddooyinkii u dambeeyay, waxa isa soo tarayay warar ku saabsan, in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu doonayo in uu u tartamo xilka madaxtinimada Soomaaliya. Wararkan oo baraha bulshada wareegayay waxa faafintooda qayb ka ahaa dadka taageersan Siciid Deni iyo kuwa mucaaradsan labadaba. Madaxweyne Deni, marna isaga dadweynuhu kama maqal, xaqiijin ama beenin ku aaddan hadal-haynta soo noq-noqatay ee sheegaysa, in uu tartan u geli doono doorashada madaxtinimada Soomaaliya. Haddaba, maxaa ka run ah arrintan? Dad lagu kalsoonyahay oo Puntland Post su’aashaas weydiisay, waxay xaqiijiyeen in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya musharraxnimada madaxweyne Deni ee doorashada Soomaaliya. Sidoo kale, waxay sheegeen in faafinta wararkaas ay si hoose ugu jireen saraakiil iyo saaxiibo ka ag-dhow Mr. Deni, si aan loo dareemin murashax uu ololihiisa dhisayo Siciid Deni oo saamayn muuqata ku leh arrimaha doorashooyinka dalka. Waxa xusid mudan in aan si cad loo xaqiijin karin murashaxa uu taageerayo madaxweynaha Puntland, taas oo dadka looga mashquuliyay wararka la xiriira in isaga ( Siciid Deni) uu tartanka geli doono. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in Siciid Deni u tartamayo doorashada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Shabeeloow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka . Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab. Ciidamada Galmudug, kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo dadka deegaanka ah ayaa dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab oo maleeshiyo badan kusoo daabushay deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Mudug, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhowr degmo kadib dagaal qaatay muddo bil ah. Ciidamada huwanta oo garab ka helayo diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Mareykanka ayaa qorsheenayo inay gaaraan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weyn ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada Galmudug. Safka hore ee dagaalka ayaa waxaa ku jiro Taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya, General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo General Saadaq Joon, waxaana muuqato in Al-Shabaab looga adkaaday dagaalkii Gobolka Mudug. The post Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Shabeeloow appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dunida ayaa wax ka qoray dedaallo ay Dawladda Taiwan kor ugu qaadayso Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Dunida. War-bixinnada Warbaahinta Dunidu ka qortay arrintan, ayaa yimid ka dib markii ay soo baxday in dhawaan Taiwan ay Xafiis diblumaasiyadeed ka furanayso Dalka Lithuania oo ka mid ah Dalalka ku yaalla Qaaradda Yurub. Warbaahinta qaarkood ayaa soo bandhigay Meeqaamka Xafiisyada diblumaasiyadeed ee Taiwan ka joogaan dalalka ay ka furan yihiin, waxaana War-bixinnadaa lagu soo hadal-qaaday Xafiiska Taiwan ku leedahay Somaliland. Taiwan oo dunida ku leh 74 Xafiis oo ka shaqeeya Diblumaasiyadda, ganacsiga iyo xidhiidhka ay Dunida inteeda la leedahay isla-markaana uu ku jiro ka ay ka furanayso Lithuania ayaa Warbaahintu waxay ku soo dareen Xafiiska Taiwan ay Somaliland ka furatay Magaalada Hargeysa sannadkii hore ee 2020. Warbaahinta formiche oo ka soo baxa Dalka Talyaaniga oo ka mid ah Warbaahinta arrintan wax ka qoray ayaa sheegay “Xaqiiqdii, dhammaan xafiisyada kale, oo ay ku jiraan kan Viale Liegi ee Rome, waxaa loo yaqaan “wakiilka Taipei”; laakiin mida kaliya ee soo tabineysa tixraaca tooska ah ee Taiwan waa xafiiska laga furay 2020-kii maamulka Somaliland…”ayay qortay formiche. Somaliland iyo Taiwan ayaa sannadkii 2020 Xafiisyo Diblumaasiyadeed ka furtay Caasimadaha dalka Dal, waxayna leeyihiin xidhiidh qoto-dheer, laakiin labadooda midna ma haysto aqoonsi Caalami ah. Source
-
Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaalada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faariisimaha ay ka sameysaneyso gobalada deriska ah . Hogaanka sare ee ciidamada tirgrayga ayaa sheegay in ay isku balaarinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada. General Tsadkan, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo iyagu labaxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka milatariga itoobiya ee xiligii dagaalka eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis ababa iyo Djibouti isku xidha. ” Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka canfarta wuxuu usoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana sitoosa gargaarka ugu furi doonaa dadkayaga.” ayuu yiri General Tsadkan Gebretensae. Waxa uu intaas hadalkiisa ku sii daray Tsadkan in ay ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan fariisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah . “Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin”, ayuu yiri generaalka. Dhanka kale wararka ka imaanayo Gobalka Canfarta ee dalka Jabuti ayaa la sheegaya in ay dadka shacabka ah bilaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan xoogagagga in ay weeraro soo qaadan. Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku sucda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka al-shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka . Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab. Sikastaba deeganada galmudug ayaa waxaa ka socda dagaallo al-shabaab laga saarayo deeganada ay maamulkaasi kaga sugan yihiin Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kabul (Caasimada Online) – Ururka Taalibaan ayaa sheegay iney dooneyn talada dalka Afghanistan iney xoog ku marookistaan, waxayna carrabka ku dhufteen iney marnaba suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaar ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado. Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan. Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay. Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah. Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo. General Mark Milley ma uusan inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa inti ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen. “Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP. “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.” Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu horay ugu soo fashilmay. Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin. Talaadadi khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu ka jeediyey munaasabadda Bakrid wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada. Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay. The post Taalibaan oo shuruud adag ku xirtay nabad laga helo Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa fashil uu ku yimid qaar ka mid ah jadwalkii doorashooyinka dalka, xilli maanta ay ku beegan tahay maalinti loo asteeyay in ay bilaabato doorashada doorashada Aqalka sare ee dalka. Illaa iyo hadda madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaanan soo gudbin liiska xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee dalka. Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka sare ee maanta ayaa sidoo kale la filaya in ay dib u dhac ku keento jadwalka doorashada golaha shacabka iyo tan madaxweynaha oo dhamaantood loo asteyay in ay ku dhacaan labada bilood ee soo aaddan. Maamulka Jubbaland ayaa maalmihi la soo dhaafay ay ka socdaan diyaargarowga doorashada Aqalka sare xilli maamulada kale aan laga dareemeynin wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah. Axmed Madoobe madaxweynaha Jubballand ayaa saacadaha soo socda la filaya in uu shaaciyo liiska xubnaha musharixiinta Aqalka sare ee deganada maamulkaas, xilli Kismaayo ay ku sugan yihiin hogaanka guddiga doorashooyinka dalka. Dhanka kale waxaa aan weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta Somaliland, ra’iisul wasaare rooble oo dhawaan la kulmay Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka iyo Mahdi Guleed ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa faray in ay heshiis ka gaaran arrinta Somaliland. Labada mas’uul ayaanan weli dhankooda soo saarin hogaan guddi doorasho oo ay ku mideysan yihiin, kadib markii laba doorasho ay kala qabsadeen guddiyadi ay magacaabeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Jigjiga)-Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xidhxidhay 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray. Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso. “Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yidhi Taliyaha. Taliyaha ayaa sheegay in laysla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF. “Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xidhiidhka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yidhi Taliyaha. Taliyaha ayaa yidhi “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaadhi badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yidhi Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.” Source
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta oo taariikhda ku beegan tahay 25-ka bisha July, 2021 lagu waday in dalka Soomaaliya ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid markii saddexaad doorashadaasi. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayay inay shalay soo gudbiyaan Liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiinta u tartameysa Aqalka Sare, si Maanta ay u bilaabato doorashada, sida ku qoran Jadwalka doorashada ee lasoo saaray. Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad Goboleedyada ayaan weli soo magacaabin Guddiyada maamuli lahaa doorashada Aqalka Sare, waxaana magacaabay oo kaliya maamulka Jubbaland. Waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Galmudug uu fasax ku maqan yahay, iyaga oo la sheegay inay isku imaan doonaan 1-da bisha soo socota ee Augusto 2021, isla markaana ma jiro weli diyaar garoow ku aadan qabashada doorashada oo socda. Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 25-ka bishan oo maanta ku beegan, hayeeshee ma jirto doorashada halkaas ka dhaceysa maanta. Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sidoo kale dib usii riixaysaa Jadwalka guud ee doorashooyinka Soomaaliya, xilli laga heshiiyay khilaaf muddo ku dhow sannad ka taagnaa doorashada dalka Soomaaliya. Source
-
(SLT- Afghanistan)-Ururka Taalibaan ayaa sheegay inay dooneyn in tallada dalka Afghanistan ay xoog ku maroojistaan, waxayna carrabka ku dhufteen in ayna marnaba ka suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaadh ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado. Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan. Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay. Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah. Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo. General Mark Milley ma inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa intii ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen. “Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP. “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxa ay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.” Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu hore ugu soo fashilmay. Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin. Salaasadii khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu jeediyey wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada. Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay. Kaddib doorashadi ugu dambeeysay ee dalkaasi ka dhacday Asharaf Ghani iyo ninki la loollamayey Cabdalla Cabdalla waxay labadooduba ku doodayeen iney doorashada ku guuleysteen. Inkasta oo marki dambe labada dhinac uu heshiis dhexmaray oo Cabdalla Cabdalla la siiyey kaalinta labaad ee guusha doorashada loona magacaabay madaxa guddiga dib u heshiisiinta qaran. Xoghayaha arrimaha saxaafadda ee aqalka cad Jen Psaki oo Jimcihi AP u warrantay waxay sheegtay madaxweyne Biden inuu taageerayo Madaxweyne Ashraf Ghani xilliga uu ururka Taalibaan uu dalbanayo in xilka uu ka dago. Source
-
Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe, ayaa xukuntay shabakad ka kooban 9 nin oo lagu helay in ay khamriga soo gelin jireen gudaha Puntland. Raggan ayaa Booliiska Gobolka Nugaal ku soo qabtay hawlgal ay ka sameeyeen tuulada Magacley, oo ka tirsan degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Sagaalkaas nin ayaa lagu xukumay min lix sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1000 Dollar, sida ku cad war ka soo baxay maxkamadda. Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in xorriyaddiisa dib loogu celiyay eedaysane kale oo lagu waayay wax danbi ah. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Garoowe oo xukuntay shabakad ka kooban sagaal nin appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay. Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka. Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare. Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland. Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare. Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021. The post Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo magacaabayo liiska Musharixiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Koonfur Galbeed oo magacowday gudiga doorashada aqalka sare
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Magacabey Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo magacowday gudiga doorashada aqalka sare appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka faa’ideysanaya tabashooyinka ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone ee Harti-Abgaal, ayaa sameeyay isku dayo uu kuraasta uga weecinayo beelaha Agoonyar Gaabe iyo Owbokar Gaabane. Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu xildhibaanada Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale u arko mucaarad weyn, islamarkaana uu qarash badan ku bixinayo in mid ka mid ah kuraastooda sanadkaan loo weeciyo beelaha tabashooyinka qaba ee Cabdalla iyo Nugaale oo ay isku yihiin Suul Harti kana dhaxeeyo kuraasta ay ku fadhiyaan labadaan Xildhibaan. Rabitaanka Madaxweyne Farmaajo iyo cabashada beelahaan oo Muqdisho ku qabtay shirar badan ayaa abuuray xiisad ka taagan Jowhar iyo cabsi soo foodsaartay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay u adeegsatay shaqsiyaad kasoo jeeda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone, oo ay isku dhow yihiin, inay kiciyaan beelahaas. Sidoo kale, warbaahin aad ugu xiran Villa Somalia ayaa loo adeegsaday inay huriso xiisadda ka dhex-oogan beelahan, ayada oo si aad ah u weerartay Shariif Sheeekh Axmed iyo Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay beelaha ay ku eedeeyeen inay weeciyeen kuraastooda. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, sidoo kalane ah murashaxiin beelahaas ka soo jeeda, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulay abaabulka Madaxweyne Farmaajo ayaa safar deg deg ah ugu baxay Cadale, kaas oo ilaa hadda ay ku joogaan magaalo xeebeedka Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe. Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa xoogooda isugu geeyay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka beelahaan inkastoo uu jiro culeysyo badan oo wali heesta. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in kalamada ka socda Cadale laga dareemayo farogelinta Villa Somalia. Safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa Cadale ku qaadanaya waqti iyo kulamo muhiim ah, kuwaasoo rajooyin badan ay ka qabaan dadka degaanka iyo guud ahaan maamulka HirShabeelle. The post Xog: Sidee FARMAAJO uga faa’iideysanayaa xiisadda beelaha HARTI-ABGAAL? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shalay ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay. “Markii la isoo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish. Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka. “Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay. Hoos ka daawo The post Daawo: Cumar Filish oo faah-faahin ka bixiyey isku dayo la doonayey in lagu dilo appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maanta oo ku beegan 25-ka July, 2021. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaan weli soo gudbin liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannada Puntland. Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayaan isna magacaabin guddigii qaban lahaa doorashada Aqalka sare, taas oo keentay dib u dhac ku yimid wakhtiga loo qorsheeyay in ay qabsoonto doorashada. PUNTLAND POST The post Puntland: Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban ka dhaceysa ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka bilaabaneyso xarumaha dowlad goboleedyada dalka. “Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddiga ayaa qoraalkaan ku soo bandhigay cidda ay cabashadooda qaabilayaan iyo shuruudaha looga baahan yahay, waxayna ku soo koobeen afar qodob oo kala ah: 1- Musharax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021, loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. 2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka Sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xad-gudubyada ka dhasha maamulka doorashada. 3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare. 4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay. “Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanayaa go’aan uu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban. The post 4 qodob oo lagu xalin doono khilaafaadyada doorashada Aqalka Sare oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
