Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Today marks 10 years since the official declaration of the Somalia famine, which resulted in more than 260,000 deaths. Source: Hiiraan Online
  2. Dhammaan dunida muslimka iyo dalalka ay ku nool yihiin dadka muslimiinta, ayaa maanta looga dabaal-degaya munaasabadda Ciidda Carrafo. Inkastoo saacadaha wakhtigu kala duwan yihiin daafaha dunida, haddana si isku mid ah ayaa muslimiintu ugu dabbaal-degayaan munaasabadda Ciidda. Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga xusayo munaasabadda Ciidda Carrafo, iyadoo dadweynuhu Salaadda ciidda ku oogeen guryaha iyo masaajidda. Ciidda Carrafo ayaa sannadkan ku soo beegmatay iyadoo hoos u dhac laga dareemayo heerka xanuunka COVID-19 ee gudaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dunida muslimka oo maanta looga dabaal-degayo Ciidda Carrafo appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa cod cusub oo uu soo duubay, oo lagu soo beegay munaasabadda ciidda, kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan. Abu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo.” Waxa uu madaxda dalka hadda maamula iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sidoo kale weerar culus ku qaaday hay’adda culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.” Abu Cubeyda ayaa culimada dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Soomaaliya heysta, sida uu hadalka u dhigay. Abu Cubeydah ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay. Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya. “Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. “Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.” Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto. The post Amiirka Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saaray doorashada, weerarna ku qaaday dhinacyo badan appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey 16-kii bishii hore. Ikraan waxay ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxaana isisoo taraya tuhunka la xariira in gabadhaas ay ku maqan tahay gacanta saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya. Ikraan waxay kaamiraduhu qabteen, iyadoo gaari sii raaceysa markii cid ugu war dambeysay. Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela beesha ay u dhalatay Ikraan oo la hadashay TV-ga Universal ayaa sheegay in Ikraan ay reerkeeda u sheegtay inuu jiro sarkaal ka tirsan NISA oo u hanjabay, islamarkaana ay qorsheyneysay inay dalka isaga baxdo. “Gabadhu NISA ayey la shaqeyneysay, waxaa markii hore shaqaaleysiiyey Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe, tuhumada la qabana waxaa ka mid ah in gabadhaan ay xog badan ka heysay qaabkii loo qaaday ciidanka la qeysan yahay ee Eritrea ku maqan, waa dhici kartaa in waxyaabo noocaas ah gabadha loo heysto,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed. Xildhibaan Aamina oo sii hadlaysay ayaa tiri, “Waxaa jirtay in gabdhu ay wacday ehelkeeda qaar oo ay u sheegtay inuu handaday sarkaal la yaqaano, ayna rabtay inay dalka isaga baxdo, sarkaalkaas magaciisa gabadhu waa sheegtay, waana sheegi doonaa markii loo baahdo cadeyn.” Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in gaarigii gabadha ka qaaday Taliska NISA uu watay nin darawal u ah Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir. “Markii aan u tagnay mas’uuliyiinta hey’adda Nabad sugidda waxay na dheheen kiiska gabadha waan baareynaa, hadii ay baarayaan waxaa la rabay inay wiilkaas soo xiraan oo asaga la weydiiyo gabadhii meesha uu geeyey, anaga waxaan xaqiijineynaa in wiilkaas uu yahay darawalka taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, asagaana la weydiinayaa gabadha oo dad ugu war dambeeyey, hadii shakhsiyan uu gabadha u heysto ama hey’adda uu meel u geeyey, isagaa laga rabaa inuu meel ku sheego gabadhii,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Aamina oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela gabadha maqan ee Ikraan. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xogta ay bixisay xildhibaan Aamina. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan Aamina oo xog cusub ka bixisay kiiska Ikraan Tahliil iyo sarkaal lagu tuhmayo appeared first on Caasimada Online.
  5. Abdi Abdirahman is more than two decades into his professional running career. Source: Hiiraan Online
  6. The Department of Homeland Security (DHS) on Monday re-designated Somalia in the Temporary Protected Status (TPS) program, which allows some Somalis in the United States to work and live in the country. Source: Hiiraan Online
  7. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan. Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay. Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS). Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023. Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda Maraykanka u saamaxayso inay gabbaab siiso dadka Soomaalida ah ee aan ku laaban karin dalkooda colaadda taagan iyo xaaladda bani’aadannimo darteed. “Waxaan sii wadi doonaa inaan gargaar siino muwaadiniinta Soomaalida ah muddadan ku meelgaarka ah ee loo eegayo dhinaca bani’aadannimada,” ayuu yiri Xoghaye Alejandro Mayorkas. Joogitaankan ku meel-gaarka ah ayaa la siiyaa dadka sharciga aan ku lahayn Maraykanka iyo kuwa waayey sharciga balse aan ku laaban karin waddamadii ay ka yimaadeen. Xoghayaha ayaa sheegay inuu gaaray go’aankan kadib markii wadatashi uu la sameeyey hay’adaha kala duwan ee Maryaknaka, si taxaddar lehna uu u dersay colaadda iyo xaalada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka mid yihiin soddon sano oo colaado ah, cudurro, masiibooyin daaiici ah iyo qalalaasaha dhinaca bani’aadannimada. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhwaan la kulantay gacan ka hadal kordhay, abaar, fatahaado oo biirsaday cunno yarida, barakaca iyo xanuunka Covid-19. Waxa uu sheegya in tallaabadan ay u oggolaanayso ilaa 447 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Maarso 17, 2023 haddii ay fuliyaan shuruudaha laga doonayo. Waxaa sidoo kale uu sheegay in go’aanka Soomaaliya loogu asteeyey inay tahay waddan dhibaato ka taagan tahay ay ka faa’iidayaan dad lagu qiyaasay 100 qof oo Soomaali ah ama shaqsiyaad aan dhalasho haysan laakiin markii ugu dambaysay ku noolaa Soomaaliya. Xigasho: VOA The post Mareykanka oo go’aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  8. (SLT-Addis Ababa)-Waxaa jira astaamo muujinaya in dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya uu sii fidayo, iyadoo iska horimaadyo laga soo sheegayo gobolka Canfarta ee dariska la ah. Dowlada ayaa ku eedeysay fallaagada inay weeraraan dadka rayidka ah ayna xannibayaan gargaarka inkastoo ay gaashaanka u daruureen eedeyntaasi waxayna sheegayaan in ay bartilmaameedsanayaan maleeshiyaadka xulafada la ah Dowladda Itoobiya. Suuragal ma ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo faahfaahinta isku dhaca ama tirada dhimashada. Wadooyin badan oo gala gobolka Tigreega ayaa haatan gebi ahaanba la xidhay. Weriyaasha ayaa sheegaya in gobolka Canfarta uu noqday mid muhiim u ah isku xirka gargaarka ee gobolka, halkaasoo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan gaajo aad u daran. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi ay ka duubtay Naftii-haligihii fuliyey weerarkii maalintii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne, kaasi oo lagu shaaciyey magaciisa iyo beesha uu kasoo jeedo. Ninka fuliyey weerarka naf-halig-nimada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdullaahi Cabdiqaadir oo loo garan og-yahay “Shaakir”, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Tuni, gaar ahaan Xajuubo, sida uu sheegay. Shaakir ayaa sheegay intii uu socday wareysiga laga qaaday ka hor inta uu is-qarxin inuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray 2018-kii, wuxuuna sheegay inuu ugu soo biiray si uu ula Jihaado gaalada kusoo duushay dalka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay ku dhinteen 7 ka tirsan ciidamada dowlada, halka ay 8-deed kale ku dhaawacmeen iyo bur-burinta gawaaridii ay wateen ciidamada dowladda. Marka laga imaado sheegashada Shabaab ee khasaaraha ka dhashay weerarka is-miidaaminta ah, waxay dowladda hore u shaacisay in uu qasaare geysan qaraxaas. Ciidamada dowladda ayaa ka hortagay weerarkaas kadib markii ay toogteen wadihii gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ahaa naftii-haligaha ay wareysigiisa baahisay warbaahinta Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii Bacaadweyne appeared first on Caasimada Online.
  10. SHIR-GUDOONKA GOLAHA WAKIILADA EE LOOLANKA LOOGU JIRO , HABKA LOO DOORANAYO IYO SHAQADIISA Shirgudoonka golaha wakiiladu waa saddex xubnood oo kala ah 1- Gudoomiye , 2- Gudoomiye ku xigeen 1aad 3- Gudoomiye ku xigeenka 2 aad , caalamka waxa looga yaqaanaa ( House Speaker ) . Marka ay golaha soo hor-fadhiyaan waxa dhexda fadhiya Gudoomiyaha, dhinaciisa midig waxa fadhiisanaya ku xigeenka 1aad , dhinaciisa bidixna ku-xigeenka labaad. Maamuuskiisa heer qaran waa qofka leh maamuuska 4aad , waxaa maamuuska 1aad ee qaranka leh madaxweynaha, maamuuska 2 aad ee qarankana waxa leh madaxwayne ku xigeenka , maamuuska 3aad ee qaranka waxa leh gudoomiyaha guurtida jamhuuriyada Somaliland, maamuuska 4 aad ee qaranka waxa leh gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland. Shaqadiisu waa shirgudoominta kalfadhiyada golaha wakiilada, hadii gudoomiyuhu maqan yahay, waxa golaha shirgudoominaya gudoomiye ku-xigeenka 1aad , hadii labadaasiba maqan yihiin waxa gudoominaya kalfadhiga gudoomiye ku-xigeenka 2aad. Marka mooshinada kalfadhiyada loo codeynayo Gudoomiyuhu oo ah shir-gudoonku cod malaha , laakiin labada gudoomiye ku xigeen waxa ay leeyihiin cod , golaha codkiisuna waa gacan taag. Kalfadhiga koowaad ee golaha wakiilada waxa isugu yeeshaya madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabma maalinta lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha wakiilada sida ku cad; Qodobka 44naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland qaybta 1aad , qaybta 2aad waxa uu sheegayaa hadii madaxweynuhu isugu yeedhi waayo golaha ayaa iskii u kulmaya maalinta 45 aad laga soo bilaabo mudadii natiijada , qaybta 3aad golaha cusub waxa furaya gudoomiyaha maxkamada sare oo dhaarinaya xubnaha golaha, ka dib xubinta ugu da’da weyn ayaa shir-gudoominaya golaha oo iska dhex dooran doona gudoomiye iyo laba gudoomiye ku-xigeen. Sida ku cad qodobka 45naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 3aad , go’aamada golaha wakiiladu waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri tirada golaha joogta markaa oo ah aqlabiyad fudud ( Simple Majority) , marka laga reebo xaaladaha dastuurka ama xeer hoosaadka goluhu sheego aqlabiyad kale. LOOLANKA AXSAABTA SIYAASADA JAMHUURIYADA SOMALILAND UGU JIRAAN SHIR-GUDOONKA. Doorashadii ka dhacday dalka jamhuuriyada Somaliland 31-05-2021 waxaa lagu doortay 82 xubnood oo noqonaya xildhibaanada golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland maalinta la dhaariyo , waxaana ay sadexda xisbi qaran u kala heleen sida tan; 1- Kulmiye 30 Xubnood 2- Waddani 31 Xubnood 3- Ucid 21 Xubnood . 7 June 2021 waxaa shirkii koowaad oo isbahaysi siyaasadeed ah galay xisbiyada Waddani iyo Ucid oo ujeedkiisu ahaa sidii mayerada dalka ee degmooyinka jamhuuriyada Somaliland mucaaridku u heli lahaa iyo waliba sidii ay shir-gudoonka golaha wakiilada u hantiyi lahaayeen. 22 June 2021 waxaa shir-gudoonka golaha wakiilada sadex Xubnood u soo xulay labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo xubnaha axsaabtooda ka soo baxday ay isku yihiin 52 Xubnood oo ahayd 64% xubnaha golaha wakiilada , gudoomiyaha oo ah Waddani iyo labada ku xigeen oo xisbiga Ucid ah. 17 July 2021 ayaa waxaa sameysmay isbahaysi kale oo ay galeen qayb ka mid ah xubnihii xisbiga Ucid oo 10 ah iyo hogaanka xisbiga Ucid oo ay ka mid ahaayeen Murashaxii madaxwayne ku-xigeenka xisbiga Ucid , ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga , xoghaye ku xigeenkii guud iyo xoghayihii hore ee arimaha gudaha oo xisbiga kulmiye la sameeyey xulafo. Waxaana xulfigan siyaasadeed oo noqday is-bahaysi kale loogu heshiiyey in uu gudoomiyaha golaha wakiilada qaato xisbiga kulmiye, labada ku xigeena ay qaataan xisbiga Ucid, marka tiradii la kala haystay lagu noqdo oo ahayd mucaaridka oo hore u ahaa 52 -10 = 42 hadda , halka Muxaafidka oo hore u haystay 30 + 10 = 40 hadda haystaan. Wali waxa aqlabiyadii haysta labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo leh 42 Xubnood, halka uu xisbiga muxaafidka ah iyo qayb ka mid ah xisbiga Ucid yihiin 40 Xubnood, ilaa hadda waxa socda loolan adag oo aan la saadaalin karin labada shir-gudoon ka guuleysan doona, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda madaxweynuhu isugu yeedho golaha. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  11. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo. “Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo fariin u diray dadkii sanadkan qorshaynayey gudashada rukniga xajka appeared first on Puntland Post.
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarado rakaab siday oo ka baxay Muqdisho saaka, oo ay lahaayeen shirkadaha Haala Airline iyo Blue Sky, inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimadeen ee garoonka Muqdisho xilli ay doonayeen inay ku dagaan Garoonka Shaati Gaduud. Muqtaar Xaamud, xoghayaha AOC, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in diyaaraha Haala Airline iyo Blue Sky oo saakay ka duulay magaaladda Muqdisho marka ay gaareen Baydhabo lagu wargaliyay inaysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ayna dib uga soo noqdeen magaaladda Muqdisho, iyaga oo sida rakaabkii Baydhabo. Sidoo kale, madaxa Suuq geynta shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon. “Garoonka Baydhabo culays ayaa ka jira, aan caadi ahayn taas oo ah in wasaaradda gaaddiidka Koofur Galbeed in ay xanibaad ku soo rogtay diyaaraha Guddaha ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo si ka duwan caasimadaha dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Muqtaar Xaamud. “Laba diyaaradood oo ka kacay Muqdisho Airporta oo ah diyaaradaha ka diiwaan gashan wasaaradda gaadiidka Soomaaliya, sidayna dad Soomaaliyeed, ayaa markii ay dultageen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay dagi lahaayeen ayaa lagu yiri ma dagi kartaane dib u laabta marka culayskaas ayaa jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Sababta ka dambaysa in diyaaradaha la soo celiyo ayuu ku qeexay in wasaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in garoonka diyaaraha magaaladda Baydhabo maalinkii loo ogolyahay hal diyaarad oo rakaab ah “taas oo shacabku dhibaato ku qabaan”. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed uu xayiraad kusoo rogay musharixiinta xildhibaannada ah ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka oo aan loo ogoleyn inay tagaan Baydhaba, taasoo halis gelineysa Doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamulkaasi. The post Laba diyaarad oo ka tegay Muqdisho oo loo diiday inay ka dagaan Baydhaba + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  13. Muuqaal: Gabdhaha, waalidiin, dhaqan iyo mas’uuliyiin ka hadlay siidaynta Somaliland ayaa maanta xabsiga ka siidaysay 35 gabdhood oo loo xiray qaadashada calanka Soomaaliya. Gabdhahan ayaa maalmihii dabaal-dega xorriyada Soomaaliya laga qabtay magaalada Boorama, waxayna muddo ku xirnaayeen xabsi ku yaalla magaalada Gabiley. Gabdhaha ayaa kamid ahaa 279 qof oo ku xirnaa xabsiyada Somaliland oo maanta lagu siidaayay xafis madaxweyne. Dhanka kale waxaa weli xabsiyada Somaliland ku jira wiilal loo xiray qaadashada calanka Soomaaliya. Somalilad bishii hore magaalooyinka Laascaanod iyo Boorama ku xirtay dhalinyaro isugu jira gabdho iyo wiilal ku labistay dhar ay ka muuqato astaanta calanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Somaliland oo siidaysay gabdho u xirnaa qaadashada calanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. SANAAG: GOBOLKA KHAYRAADKA IYO QURUXDA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND Dal kasta waxa uu leeyahay gobol laf-Dhabar u ah taariikhda sooyaalkiisa, khayraadka dhulkiisa, quruxdiisa, wanaagga cimiladiisa, iyo degsiimadiisa. Gobolka Sanaag waa gobol ku sifooba arrimahaas oo dhan iyo kuwa kaleba. Degmooyinka Gobolka Sanaag waxay kala yihiin Ceerigaabo, Gar’adag, Laas-qoray, Ceel-Afweyn, Dhahar iyo Badhan. Gobolka Sanaag waxaa uu gobollada kale ee dalka Somalilnad kaga duwanyahay arrimaha soo socda:- 1. Waa gobolka ay ka soo askuntay ummadda Somaliland isla markaana ay ku duuganyihiin awoowayaashii ay ka soo farcantay (The Cradle of Somaliland People and the Region of The Tombs of their Ancestral Forefathers). 2. Waa gobolka ugu weyn Dalka Somaliland oo qiimoweyn u leh ummadda Somalilad xagga taariikhda, nolosha, khayraadka iyo degsiimadaba. 3. Waa gobol qani ku ah Xoolaha, daaqa xoolahq, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska, beeyada, macdanta iwm. 4. Waa gobol aad u qurux-badan xagga muuqaalka dhulka iyadoo isku darsatay buuro dhaadheer oo cagaaran, xeebo aad u degan oo qurxoon, Kaymo, banaano, taagag, togag iyo dooxooyin. 5. Waa gobol cimiladiisu aad u wanaagsan tahay oo xillikasta lagu noolaankaro. BUURAHA SURAD IYO DAALO Gobolka Sanaag waxaa ku taalla buurta ugu dheer Somaliland oo magaceeda la yidhaado Surad (8,070 feet ayay ka saraysaa badda). Waxaa kale oo ku taal buurta Daalo oo ugu qurux-badan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland taas oo leh laagag dhaadheer oo aad daruuraha iyo xeebta hoos u eegeyso. Waxay Buurta Daalo hodon ku tahay boqolaal dhir oo kala jaad ah oo aan wadanka intiisa kale laga helin, gaar ahaan dhirta dhaadheer ee dayibka oo qoriga dhismaha iyo looxaanta laga sameeyo. Waxaa kale oo ay leedahay kaymo isku dhafan, dhir kala jaad ah, waxayna bixiyaan ur aad u udgoon marka la dhexmarayo. Buurta Calmadow iyaduna waa buur dheer oo aad u qurux-badan kuna wanaagsan beeraha, xoolaha, daaqa xoolaha, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxay leedahay dhir iyo geedo kala duwan oo qurux-badan. Buurta Daalo waxaa kale oo ay aad ugu fiicantahay dal-xiiska oo haddii hudheelo laga dhiso soo jiidanaysa dal-xiisayaal badan oo ka yimaada dacallada dunida. Labada buurood iyo dhulka Sanaag intiisa badan waxay hodon ku yihiin ciid aad tayadeedu u sarayso oo ay wax waliba ka bixikaraan iyo ilo iyo durduro biyo ah oo waraabiya. Waxaa lagu beerikaraa khudradda nooc kasta iyo xataa shaaha, iyo dalagyada kale ee beeraha. Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somaliland u tartanto mustaqbalka, quruxda iyo khayraadkiisa faraha badan ee Eebbe ku manaystay awgeed. Waxaa uu noqondoonaa gobol si weyn caan ugu ah horumarinta xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxaa kale oo gobolku aad ugu wanaagsanyahay beeridda midhaha sida farsuga, mishmishka, rumaanka, karaska, tiinka, saytuunka, tufaaxa, iyo noocyada Cinabka. Waxaa kale oo gobolka ka bixikara cuntada nooc kasta oo kale. Buuraha Gobolka Sanaag waxay caan ku yihiin dhirta maydiga, beeyada, xabbagta iwm. Xeebaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag waxaa ku yaal dekedo iyo tuulooyin aad uga da’ weyn magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ugu caansan yihiin dekedaha Laas Qoray, Maydh, Xiis iwm. Gobolka Sanaag waxaa uu noqonayaa degaanka ugu weyn ee ummadda Somaliland ku samata-baxdo mustaqbalka xagga degsiimada marka dadku bato iyo horumarka noloshaba. FAA’IIDOOYINKA JIDKA BURCO-CEERIGAABO (Jidka Siilaanyo) Wadooyinku waa kaabayaasha dhaqaalaha dal ugu muhiimsan waxayna leeyihiin faa’iidooyin badan oo aan la koobikarin. Jidka cusub ee Burco-Ceerigaabo (500km) waxa uu Gobolka Sanaag iyo dalkaba u leeyahay faa’iidooyinka kala ah: Wadooyinku waxay isku xidhaan dalka waxayna meesha ka saaraan kala qoqobnaanta iyo isku-gudub la’aanta. Jidka Ceerigaabo waxaa uu meesha ka saaraaya kala-qoqobnaantii iyo isku-gudub la’aantii uu Gobolka Sanaag kaga jiray dalka intiisa kale. Wadooyinku waxay fududeeyaan is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada. Jidka Ceerigaabo waxa uu ka qaadanayaa qaybweyn fududaynta iyo sahlidda is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada Somaliland. Wadooyinku waxay sahlaan gaadhsiinta dalagyada meelkasta oo dal ka tirsan. Jidka Ceerigaabo waxa uu sahlayaa in wax-soosaarka Gobolka Sanaag (Dalag beereed) uu gaadhikaro meelkasta oo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland iyo in dalagyada gobollada kale ee dalku si fudud u gaadhaan gobolka Sanaag. Wadooyinku waxay fududeeyaan maalgashiga iyo ganacsiga dal. Jidka Ceerigaabo waxa uu maalqabeenada Somaliland u fududaynayaa inay si weyn u maalgashadaan Gobolka Sanaag siiba xagga ganacsiga, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska iwm, arrimahaas oo Gobolka Sanaag aad qani ugu yahay. Wadooyinku waxay qaybweyn ka qaataan dhaqdhaqaaqa dadka iyo dalagyada, waxayna dadka ka saaraan go’doonka iyo saboolnimada maadaama ay ku dhiirigelinayso in wax-soosaarka dal la gaadhsiinkaro meelkasta oo la doono. Jidka Ceerigaabo waxaa uu dadka ku nool Gobolka Sanaag ku dhiirigelinayaa inay labalaabaan wax-sooraka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo gobolku qani ku yahay maadaadama ay xoolahooda iyo dalagyadooda si fudud u gaadhsiinkarayaan dalka intiisa kale taas oo keenaysa in dad badan oo gobolka ka tirsan ka baxaan saboolnimada. Wadooyinkku waxay fududeeyaan in horumarka dhaqaalaha dal uu uu wada gaadho dalka. Jidka Ceerigabo waxa uu gobolka Sanaag u fududaynayaa inay ka qaybgalaan horumarka dhaqaalaha dalka iyo daryeelka iyo horumarinta bulshada gobolkaas oo ay qaybweyn ka helaan Mashaariicda Horumarinta, daryeelka caafimaadka, horumarinta waxbarashada, sancada casriga ah iwm. Wadooyinku waxay fududeeyaan in si degdeg ah loogu gurmankaro meelkasta oo dal ka tirsan marka dhibaato la soo gudboonaato. Jidka Ceerigaabo waxaa uu sahlayaa in Gobolka Sanaag deg deg loogu gurmankaro haddii ay haleesho masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, daadadka, cudurada faafa iwm. Wadooyinka waxay qayb libaax ka qaataan difaaca dal si marka dhibaato dagaal la soo gudboonaato deg deg loogu gurmado loona difaaco gobolka. Jidka Ceerigaabo waxaa aad u sahlayaa in gobolkaas dedeg loogu gurmado hadii cadowaga Somaliland u soo hanqal-taago ama soo weeraro si uu u waxyeeleeyo ama u kala dhantaalo qaranimada iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. Baaxadda iyo qiimaha gobolka Sanaag awgeed waxaa lama huraan ah in laga sameeyo saldhigyo ciidan oo difaac ah. Jidka Siilanyo ee Burco-Ceerigaabo waa halbowlaha isku xidha dalka, horumarka, iyo difaaca dalka. Gobolka Sanaag waa nafta iyo laf-dhabarka Somaliland waayo waa gobolka ugu weyn Somaliland xagga baaxadda dhulka, ugu khayraad badan, ummadda Somalilandna baahitiridoona xagga degsiimada iyo xagga noloshaba marka dadka bato mustaqbalka. SIDAAS DARAADEED, GOBOLKA SANAAG WAA JAWHARADDA DALKA SOMALILAND. Waxaa xukuumadda iyo ummadda Somaliland lagula talinayaa in Jidka Siilaanyo ee Burco-Ceerigaabo si weyn oo dhaxal-gal ah loo dhiso isla markaana loo jeesto horumarka Gobolka Sanaag. Waxaa maalqabeenada Somaliland lagu dhiirigelinayaa in Gobolka Sanaag ay ku sameeyaan maalgashi weyn siiba beeraha, kalluunka, beeyada, xoolaha, dal-xiiska iwm. Dhismaha jidkan waa guulweyn oo ummadda Somaliland u soo hoyatay guud ahaan iyo Gobolka Sanaag gaar ahaan. JIDKA Siilanyo ee Burco-Ceerigaabo waa jidka isku-xidhka, horumarka iyo difaaca dalka. Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
  15. Nin Dumarka 60 jirka ah Xeelad Cusub ku dhaca oo la qabtay Taliska ciidamada dambi baadhista ee Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin “ku takhasusay” dhaca haweenka howlgabka ah ee dowladda ka hela lacagta, gaar ahaan kuwa kaligood ah ee u nugul waxyeellada. Wycliffe Amakobe Omunga, ayaa la sheegay inuu si gaar ah u bartilmaameedsan jiray dumarka iskaabulada ah ee sugaya lacagta howlgabnimada. Xeeladda uu adeegsan jiray ayaa ahayd inuu jacayl ku abuuro isagoo siinaya waxyaabo ay jecel yihiin, una ballan qaado inuu nolosha la wadaagi doono marka ay howlgabka noqdaan. Marka uu soo xero galiyo kaddib, haweenka uu khiyaanay wuxuu u sheegaa inuu lacagtooda ugu abuurayo ganacsi, isagoo markaasna la baxsada guud ahaan lacagtii u keydsanayd. Marka uu sidaas sameeyo waxaa bannaanka kusoo dhaca dumarkii oo qalbi jabsan hantidoodii oo idilna sidaas ku waayay. Mid ka mid ah dumarka dhibbaneyaasha ah ayuu ninkan ka qaatay lacagtii ay howlgabnimada ku heshay oo tiradeedu ahayd Sh780,050. Haweeneydaas wuxuu ku khiyaanay jacayl been ah oo uu ku abuuray, kaddibna wuxuu ka dhaadhiciyay inuu u sameeyo warshad biyaha daweysan soo saarta. Laanta dambi baadhista Kenya (DCI) ayaa sawirkan ninkan soo galisay baraha bulshada Iyadoo aan ka war qabin khiyaanada uu damacsan yahay ayay haweeneydaas gacanta u galisay lacagteeda, kaddibna waxay billowday inay walwasho. Arrintii ku billaabatay jacayl macaan iyo ballan qaad guur ayaa kusoo gabagabowday oohin, sida ay sheegtay waaxda Dambi Baadhista Kenya. Dadaal ay u sameysay inay ku hesho ninka ay jeclaatay ayay ku guul darraysatay kaddib markii uu ka dansaday telefoonnadii oo idil. Goor dambe ayay u suuragashay inay ninkii hesho, laakiin wuxuu u sheegay in ganacsigii ay kala wareegtay shirkad caymis ah kaddib markii uu bixin waayay deyn uusan qiimaheeda cayimin. Ninka eedeysanaha ah ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska waxaana la filayaa inuu maxkamad kasoo hor muuqdo isagoo loo heysto dabiyo ku saabsan inuu lacago ku qaatay qaab sharci daro ah. Booliska ku howlan baadhitaanka dambiyada ninkan ayaa ka codsaday dadka kale ee dhibaneyaasha ah inay lasoo xiriiraan, lana soo wadaagaan macluumaadka ku aaddan qaabka uu u dhacay. Dhacdadan ayaa kusoo adday xilli isbucyadii lasoo dhaafay waddanka dariska la ah Kenya ee Soomaaliya laga hadal hayay nin qaab khiyaano ah ku dhici jiray gabdhaha. Qaran News
  16. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa markii u horeysay sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey ciidamada uu maamulkiisa u diray gobolka Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay xukuumadda Abiy Ahmed kula jirto TPLF. Mustafe Cagjar oo wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa sheegay in maamulkiisa uu ciidamada ugu diray Tigray kadib dalab uga yimid ra’iisal wasaare Abiy, oo dhigayay in dowlad deegaanada kala qeyb qaataan dagaalka TPLF. “Tagintaankooda (Ciidamada) waxay la xiriirta baaq ka yimid dowladda dhexe, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha ee ahaa in laga qeyb qaato difaaca guud ee looga hortagayo kooxda argagixisada ee TPLF oo qorshaheedu yahay inay dumiso nidaamka hadda jira,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in dirista ciidamada uu kala tashaday dhinacyo badan oo ah kuwii ay khuseysay ee deegaanka, islamarkaana ay ayagu fuliyeen ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Cagjar ayaa eedeyn culus u jeediyay dadka ka horyimid in deegaanka Soomaalida uu qeyb ka noqdo dagaalka qaraar ee Tigray, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “inay yihiin kuwo taageersan TPLF”. “Dadka noocaasi ah waxay isugu jiraan kuwa TPLF taageersan oo ah kuwa mar walba waxa ay TPLF tiraahda ku hadla, iyo kuwa kale oo daacad ah oo wadaniyiin ah inta badan ku qaldama dhibaatada socota.” “Kooxda TPLF taageerta ee Soomaalida ee kuwii deegaanka maamuli jiray iyo kuwa la mid ah waxay aad u jecel yihiin in arrintan ay ka dhigaan mid u dhaxeysa Amxaaro iyo Tigray. Qaabka ay u dhigayaan waa midka Tigray-gu jecel yihiin in loo dhigo.” Waxa uu meesha ka saaray aragtida ah in dagaalka Tigray uu ka dhaxeeyo xukuumadda Abiy iyo TPLF, isagoona sheegay in dagaalkaas uu yahay mid u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ururka TPLF oo xiligan urur argagixiso looga aqoonsan yahay dalkaas. Ugu dambeyniinta waxa uu sheegay in ciidanka uu maamulkiisa diray aysan wax u dhimi doonin howlihii amni ee ay ka hayeen maamulka, islamarkaana ay yihiin ciidan deegaanka uga dhex muuqan doona howlaha qaran ee ka socda Tigray, sida uu hadalka u dhigay. Hadalka madaxweyne Cagjar ayaa imanaya xili ay hadal hayn badan ka dhalatay ciidamo uu maamulkiisu u diray Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay dowladda dhexe ka wado gobolkaas, xili uu galay waji aad u qaraar. The post Mustafe Cagjar oo shaaciyey cidda ka dambeysa inay ciidamo u diraan Tigray iyo arrimo kale appeared first on Caasimada Online.
  17. Copenhagen (Caasimada Online) – Farshaxamiistihii malcuunka ahaa ee reer Denmark ee sameeyey sawir gacmeedyada uu ku sheegay uguna gefay Nebi Muxamed SCW ayaa geeriyooday isaga oo 86 jir ah. Kurt Westergaard ayaa geeriyooday isaga oo hurdo kadib muddo uu xanuunsanaa, sida ay qoyskiisa Axaddii u sheegeen wargeyska Denmark ee Berlingske. Westergaard ayaa sameeyey 12 sawir gacmeed oo uu ku sheegay Nebi Muxamed SCW, oo lagu daabacay wargeyska xagjirka ah ee Jyllands-Posten, kuwaas oo cinwaan looga dhigay “Wejiga Muxamed”. Sawirradaas ayaan markii hore laga warhelin, hase yeeshee kadib laba asbuuc ayaa dibabaxyo ka dhan ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Copenhagen, kadibna safiirada dalalka Islaamka ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey dowladda Denmark. Carradaas ayaa kadib isku rogtay mid caalami ah oo ka dhan ah Denmark oo ka dhacday dunida Islaamka oo idil, bishii Febraayo ee 2006. Safaaradaha dalalka Denmark iyo Norway ee dalalka Islaamka ayaa sidoo kale la weeraeray. Wixii ka dambeeyey sawirradaas, Westergaard ayaa ku noolaa nolol cabsi iyo argagax leh, isaga oo 24 saac ay ilaalo ka hayeen booliiska, laguna hayey goob sir ah oo aan la ogeyn. Horraantii 2010, booliska Denmark ayaa guriga Westergaard ku qabtay nin 28 jir ah oo mindi ku hubeysan oo qorsheynayey inuu dilo. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah laga sameeyo Rasuulka SCW, hase yeeshee kuwa Reer Galbeedka ee sidaas sameeya, ayaa qiil ka dhigta waxa loogu yeero xoriyadda hadalka. Sanaddii 2015, 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris kadib markii uu dib u daabacay sawirrada Westergaard. The post Malcuunkii sameeyey Sawir gacmeedyada loogu gefay Nebiga SCW oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
  18. The Somali National Army (SNA) said Monday that its elite Danab forces killed 15 Shabab militants and injured several others in the country's southern Lower Juba region. Source: Hiiraan Online
  19. Turkiga oo jawaab kulul ka bixiyay go’aan xijaabka ku saabsan oo ka soo baxay maxkamada Yurub Maxkamadda cadaaladda ee midowga Yurub Turkiga ayaa dhaleeceeyay xukun ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa Midowga Yurub oo oggolaatay mamnuucida xijaabka iyada oo la eegayo daruufo gaar ah, wuxuuna arrintaas Turkiga ku tilmaamay mid ah “xadgudub cad oo ka dhan ah xorriyadaha diinta.” Xukuumadda Ankara ayaa intaa ku dartay in tallaabadaas ay sii xoojineyso fekerka khaldan ee laga aaminsan yahay haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub. Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub (CJEU) ee fadhigeedu yahay Luxembourg ayaa Khamiistii xukuntay in shirkadaha ka dhisan dalalka ururka ay ka mamnuuci karaan shaqaalaha inay xirtaan xijaab, haddii ay doonaan si loo muujiyo in ay dadka shaqaalaha ah ay wada siman yihiin. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka Islaamku sii kordhayo xilli ay sheegtay in haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoor sii kordheysa oo ku saabsan caqiidadooda. “Go’aanka maxkamada Yurub ayaa imanaya xilli Islaam naceybka, cunsuriyada iyo naceybka ka jira qaaradda ay sii kordhayaan. Tixgelin la’aanta xoriyada diinta waxay abuureysaa takoor iyada oo lagu gabanayo sharciga,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaankeeda. Sabtidii, agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Turkiga, Fahrettin Altun ayaa cambaareeyay tallaabadaas, wuxuuna yiri “go’aankan khaldan waa isku day lagu sharciyeeynayo cunsuriyadda.” Arrinta xijaabka lagu xirto madaxa, ayaa sannado badan ahaa mid lagu kala qeybsanaa guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan sida ay Muslimiinta is dhexgal u sameyn karaan. Kiiskan waxaa maxkamadda geeyay labo haween ah oo ku nool dalka Jarmalka kuwaa oo laga joojiyay shaqooyinkoodii kadib markii ay billaabeen xirashada xijaabka, oo Muslimiinta ay u arkaan in uu yahay qeyb ka mid ah diintooda. Shirkaddii ay gabdhahan u shaqeynayeen ayaa u sheegay in arrintan aan la ogoleyn, waxayna lagu wargaliyay in xijaab la’aan ay shaqada yimadaan ama shaqo kale loo bedali doono. Go’aan ay soo saartay 2017 maxkamadda Midowga Yurub ee ku taal Luxembourg ayaa hore u sheegtay in shirkadaha ay ka mamnuucaan shaqaalaha inay xidhaan xijaabka iyo astaamaha kale ee diineed ee muuqda xaaladaha qaarkood. Waqtigaas, waxaa go’aankaas ka dhashay muran xooggan oo dhaxeeyay kooxaha diimaha kala duwan haysta. In ka badan shan milyan oo Muslimiin ah ayaa ku nool Jarmalka, taas oo ka dhigaysa in yihiin kuwa ugu badan dadka laga tirada badan yahay ee diimaha kale haysta. Qaran News