Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uusan mar dambe aqbali doonin in muwaadiniin socdaalkooda loo xannibo arrimaha siyaasadeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adda socdaalka in ay si toos ugu soo wargeliyaan cidii la timaada arrimahaas, si uu tallaabo uga qaado. Sidoo kale wuxuu sheegay in aan meelna laga celin karin diyaaradaha duulimaadyada ee isaga goosha dalka. Wuxuu tilmaamay musharax walba in uu xaq u leeyahay in la dhawro xuquuqdiisa muwaadin iyo aragtidiisa siyaasadeed, sidaas darteed meesha uu raba u safri karo oo aan cidi hor istaagi karin. Muuqaal: Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo maanta warbixin ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaro wareegto uu ku amrayo dhammaan ciddii ay quseyso, gaar ahaan Laanta Socdaalka, Hay’adda Duulista Hawada iyo Hay’adda Nabad Sugidda ee ka howlgala garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoomada Muqdisho iyo Kismaayo in aan nuwaadin aan maxkamadi dambi ku soo oogin aan sabab aragti siyaasadeed darteed loo xanimi karin socdaalkiisa guud ahaan Dalka, gaar ahaanna in la fasaxo diyaaradaha iyo muwaadiniinta u kala safraya Mogadishu – Garbahaarey, Kismaayo – Garbahaarey iyo Garbahaarey – Kismaayo. Hay’adda NISA iyo dowlad goboleedka Jubaland ayaa dhawaan muwaadiniin u socday Gedo iyo Kismaayo u celiyay arrimo siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Rooble oo si kulul uga hadlay muwaadiniinta socdaalkooda loo xannibo siyaasadda appeared first on Puntland Post.
  2. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhamaan khilaafyadi la soo gaba gabeyay dalkana doorashada ay ka bilaabatay. “Shacabka Soomaaliyeedoow Ducadiinii waa na soo gaartay, sidaan horay idiin kugu sheegay Xildhibaan uma socdi, Senator uma socdi, Madaxweynanimo uma socdi dartiin ayaan u tanaasulay ee ciddii carqalad keenta aan iska wada qabanno”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. Rooble ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku daray isagoo yiri “Waxaan leeyahay siyaasiyiinta Kubadda waxa ay jirtaa Dowlad gobaleedyada magaalada inaad noo faarujisaan ayaan rabna oo gobalada aad aaddaan doorashadi waa bilaabatay yaan la isku mashquulin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la wareegay warbixin ay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ka soo diyaariyeen gobolkaas oo muddo ay ka jirtay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Warbixinta guddiga ayaa ka kooban 6 qodob oo kala ah: 1. In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu soo saaro wareegto uu ku amrayo dhammaan ciddii ay quseyso, gaar ahaan Laanta socdaalka, Hay’ada duulista hawada iyo hay’adda nabad sugidda ee ka howlgala garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka Aden Cadde iyo kan Kismaayo in aan Muwaadin aan maxkamadi dambi ku soo oogin aan sabab aragti siyaasadeed darteed loo xanimi karin socdaalkiisa guud ahaan Dalka, gaar ahaanna in la fasaxo diyaaradaha iyo muwaadiniinta u kala safraya Mogadishu – Garbahaarey, Kismaayo – Garbahaarey iyo Garbahaarey – Kismaayo. 2. In isla wareegtadaas uu Ra’iisul Wasaaruhu ku soo saaro, in si waafaqsan heshiiskii 27 May 2021, aysan ciidamada kala duwan wax faragelin ah ku sameyn karin siyaasadda iyo amniga doorashada Dalka, marka laga reebo hay’adaha amniga ee loo xilsaaray fulinta qorshaha amniga doorashada. Amniga doorashada Garbahaareey waxaa loo marayaa si waafaqsan soo jeedintii Baydhabo iyo heshiiskii 27 May 2021 ee Golaha Wadatashiga Qaranka. 3. In Guddiga doorashada Jubaland (SIEIT) uu soo gudbiyo jadwalka goorta ay tagayaan Garbaaharey iyo wakhtiga la bilaabayo doorashada kuraasta 16ka ah. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in la tixgeliyo codsigii Bulshada Garbahaarey ee ahaa in lagu bilaabo doorashada magaalada Garbahaarey. 4. In ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan aagga Garbahaarey ay xoojiyaan amniga guud ee Degmada si looga illaaliyo in Argagixisadu soo farageliso habsami u socodka amniga doorashada Garbahaarey. 5. In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ay si joogta ah uga wadatashadaan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee qabsoomidda doorashada Gobolka si loo hubiyo habsami u socodka doorashada iyo hirgelinta dhammaan heshiisyada fududeynaya xasiloonida iyo nabadda doorashada kuraasta Garbahaarey. 6. Ugu dambeyntii waxaan soo jeedinaynaa in Magaalada Garbahaarey laga hirgaliyo mashaariic horumarineed oo deg deg ah si ay qayb uga qaadato soo kabashada kalsoonida bulshada ee dhanka dowladnimada. Mashaariicda horutabinta leh waxaa ka mid ah 1) In la hagaajiyo biyaha Magaalada 2) Dhismaha garoonka kubbadda cagta 3) In la dhiso suuq dadka ka dhexeeya 4) In la hagaajiyo jidadka Magaalada 5) In meel ku haboon laga hirgaliyo garoonka diyaaradaha. PUNTLAND POST The post Maxay tahay warbixinta Gedo ee lagu wareejiyay Rooble? appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga wasiirrada ah ee uu u xilsaaray dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa ka gudoomay warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta gobolka Gedo. Ra’isul Wasaaraha kulankaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka, isu-socodka siyaasiyiinta ee gobollada, khilaafka ka dhaxeeya siyaasiyiinta reer Somaliland iyo hankiisa siyaasadeed inta lagu guda jiro doorashooyinkaan. Ugu horeyn Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo uu ka gudoomay warbixintii ay ka soo diyaariyeen hanaanka dib u heshiisiin loogu sameyn karo dadka gobolkaas iyo talo soo jeedintooda la xariirta sidii ay doorasho uga qabsoomi laheyd Garbahaareey. Rooble waxa uu sheegay in arrinta gobolka Gedo ay haatan mareyso meel gabagabo ah, isla markaana ay hartay oo kaliya in isaga iyo Axmed Madoobe ay wareegto ku soo saaraan xubnaha maamulka gobolka Gedo. Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa socdaal shaqo ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, waxaana ay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyeen magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo siyaasiyiinta kale ee kasoo jeeda Gedo. Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan amar ka soo baxay madaxda Jubbaland lagu hor istaagay in la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo uu tago magaalada Kismaayo. Hoos ka daawo Ra’iisul Wasaare Rooble. The post R/W Rooble oo ka hadlay xal laga gaaray xiisadda Gedo oo loo soo gudbiyey + Video appeared first on Caasimada Online.
  5. Guddiga doorashooyinka ku matalaya dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay qalabka loogu tala galay in lagu qabto doorashada Aqalka Sare. Xafiiska UNSOM ee magaalada Kismaayo ayaa guddiga ku wareejiyay sanaadiiqda codbixinta iyo qalabka kale ee doorashada lagu qabanayo. Guddiga oo dhankooda ka guddoomay ayaa ku guda jira diyaar garowgoodii ugu dambeyay ee doorashada Aqalka Sare. Afar maalin kadib ayaa lagu wadaa in guud ahaan dalka ay ka bilaabato qabsoomidda doorashada Aqalka Sare. Source: goobjoog.com
  6. Guddiga dib u hishiisiinta gobalka Gedo ayaa maanta ra’iisul wasaare Rooble ku wareejiyay warbixintii ay ka soo diyaariyeen gobalka. Xubnaha guddiga oo ay hor boodayaan Wasiirada Arrimaha gudaha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Hirshabeelle, ayaa dhawaan ku soo guuleystay in ay xaliyaan khilaaf mudda dheer ka taagna gobalka Gedo. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa guddiga ku bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen in xal loo hello Arrinta Gedo si doorashada ay u qabsoonto. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ku jira olole doorasho oo aan shaacsaneyn, oo uu ku doonayo xilka madaxweynaha Soomaaliya. Deni ayaa inkasta oo uusan weli si rasmi ah u shaacin damaciisa, haddana wuxuu qaadayaa tallaabooyin si cad u muujinaya inuu doonayo inuu la wareego kursiga uu hadda ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sababta Deni uusan weli ugu dhowaaqin musharaxnimadiisa madaxweyne, ayaa ah inay su’aal gelin karto dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo. Si kastaba, Deni wuxuu wadaa dadaallo uu taageero ugu raadinayo ololihiisa doorasho, kuna xaqiijinayo soo saarista xildhibaan daacad u ah oo codka siiya. Qorshaha Deni ayaa ah in inta badan xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay noqdaan kuwa isaga taageersan, maadaama doorashooyinkaas ay maamulayaan isaga iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe. Ilo wareeeyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Saciid Cabdullaahi Deni uu dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe kala hadlay in uu ka shaqeeyo sidii ay doorashada Jubaland ugu soo bixi lahaayeen Xildhibaano lagu kalsoonyahay oo uu ka heli karo codad. Deni ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada hadda jira ee aan lagu kalsoonaan karin, islamarkaana uu keeno kuwa dhiig cusub ah oo lagu kalsoonyahay. Sidoo kale, degaanada Puntland ayaa la sheegay in uu Saciid Deni ku dadaalayo sidii uu uga soo bixin lahaa xildhibaano daacad u ah, oo uu gacantiisa kusoo saaro. Taageerada Jubaland iyo maamulkiisa ayaa Deni gelineysaa rajo weyn, wuxuuna rumeysan yahay inuu si fudud uga soo gudbi karo wareegga koowaad ee doorashada oo ah kan ugu adag. Marka la isku geeyo, xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaa Puntland iyo Jubaland lagu dooranayaa in ka badan 100 xildhibaan, waxaana qorshaha Deni uu yahay inuu intooda badan gacanta ku dhigo. Tani waxay Deni siin karta waddo fudud oo uu uga soo gudbo wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha oo ah kan ugu adag. Caadiyan waxaa wareegga koowaad looga gudbaa codadka 30 illaa 40 xildhibaan. Haddii Deni uu kasoo gudbo wareegga koowaad, waxay kadib guushiisa ku xiran tahay cidda ay is-wajahayaan, waxaana doorashooyinkii hore laga bartay in mar kasta musharax cusub uu ka guuleysto kuwa xilalka soo qabtay ama markaas ku fadhiya. Si kastaba, ololaha doorasho ee Deni ayaa caddeyn u ah in khilaafkii hareeyey doorashada Soomaaliya ee muddada dib u dhigay uu sabab u ahaa damac shakhsi. Sidoo kale, waxay tani su’aal gelineysa in Deni uu maamuli karo doorashada xildhibaanada, maadaama uu yahay musharax. Arrintan ayaa waxaa horey uga hadlay wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan. Jamaal ayaa sheegay in madaxeyne Deni uu dib u dhigay shaacinta inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheenayo inuu faragelin ku sameeyo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Jamaal ayaa sidoo kale dalbaday in maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni uu faraha kala baxo dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada, sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba, Tartanka doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqdo in leeyahay xiiso gaar ah, waxaana isku haya musharaxiin miisaan culus leh, manna cidda weli cidda ku horeysa ee ku guuleysan doonta. Hoos ka daawo warbixintan oo muuqaal ah. The post Intee le’eg tahay rajada doorasho ee Saciid Deni? appeared first on Caasimada Online.
  8. Galkayo (HOL) - A 13-year-old girl living in Jeerinle village in Galkayo has died from extensive bleeding as a result of female genital mutilation (FGM), according to activists and locals. Source: Hiiraan Online
  9. Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya inay halkaas maanta ku dhacday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Militariga Itoobiya. Sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, diyaaradda Militariga Itoobiya oo nooceedu yahay kuwa sida qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaan “Helicopter” ayaa kusoo dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur. Diyaaradda soo dhacday ayaa waxaa la xaqiijiyey inay sahay u siday ciidamada Milatariga Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM. Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, marka laga reebo in diyaaradda burbur kooban soo gaaray. Diyaaradda soo dhacday ayaa waxaa la dhigay qeyb kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur, waxaana lagu bilaabay dib u habayn.. Garoonka ay diyaaradda kusoo dhacday ee Magaalada Xudur ayaa hadda dib u bilaabay shaqadiisa sida ay Caasimadda Online u sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha Garoonka oo codsaday inaan magacyadooda la xusin sababo dhanka amniga ah. Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ma sheegin sababta keentay burburka diyaaradda ka soo dhacday magaaladda Xudur, mana jiro war kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlay arrintaan. The post Diyaarad ay leeyihiin militariga Itoobiya oo ku dhacday Bakool appeared first on Caasimada Online.
  10. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku burburtay Koonfurta Somalia Warrarka laga helayo gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay ku burburtay garoonka magaalada Xudur . Sida uu BBC-da u sheegay qof tagay halka uu shilku ka dhacay, waxa badbaaday dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda. Faahfaahin lagama hayo tirda dadka saarnaa iyo sababta keentay burburka diyaaradda. Warkaan la xiriira burburka diyaaraddaan ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa imaanaya xili saacado kahor degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ay shil ku gashay diyaarad siday rakaab oo saaka ka duushay magaalada Nairobi,isla markaana ku socotay degmadaasi ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan marka ay dagayaan ama ay duulayaan. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa yeeshay wada-hadal dhanka Taleefoonka ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee SONNA. Farmaajo ayaa amiirka dalka Qatar ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa sidoo kale is-weydaarsiga hambalyada kaddib u rajeeyay labada dal iyo dhammaan Muslimiinta horumar iyo barwaaqo inay ku gaaraan sanadkan kiisa kale. Wada-hadalka dhex maray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Amiirka Qatar ayaa imaanayo xilli ay jiraan warar sheegayo in Qatar ay joojisay lacagihii la filayey inay ku bixiso ololaha doorashada Farmaajo. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, waxaana la aamisan yahay in Qatar ay maal gelisay Farmaajo waqtigii uu ku jira ololaha ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha Soomaaliya. The post Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Amiirka Qatar? appeared first on Caasimada Online.
  12. Background. Somalia has the long coastline of more than 3,300 kms and claims an EEZ of some 830,389Km Square. The coastline is known to have abundant fisheries resources and is the most diverse and high profitable fishing grounds in east Africa. the only fish stocks in the world that are in fact “under-fished” are found in the waters off Somalia. Large schools of primarily tuna migrate from north to south and back along the east coast of Africa and concentrate off Somalia where the upwelling of oxygenated deep water brings nutrients to the surface as a food source for fish. (FAO,2006). Somalia had a strong central government before the 1990s, this centralized, military-led Government had a policy towards the fisheries development sector focusing on mobilizing Somali people, mainly pastoralists affected by drought to benefit from such a long coastline in terms of food security and jobs. Pursuing this policy, the Somali Government established fisheries cooperatives across the main fishing hubs along the coast. The approach was to distribute boats and nets to fishermen and fish cooperatives free of charge to enable them to go and fish at sea to get income and livelihoods. The Government had also directed the Somali development bank to provide investment to these fishing cooperatives. Just a few years before the collapse of the Government in 1990, the Ministry of fisheries and marine resources of Somalia had distributed several hundred Volvo types of boats to young secondary school leavers who did not get an opportunity to get University. The objective was to create jobs for them as they miss opportunities for higher education because the Somali National University was not able to accommodate and provide education opportunities for many secondary school leavers. The Ministry of fisheries and marine resources was responsible for managing the marine resources, introducing seasonal closures, restricting open access at sea, collecting data and information related to fish resources through conducting surveys and assessment to monitor the status of fish stocks. This was mostly done with the collaboration of international partners. The former Government of Somalia had a Navy and a Coast guard responsible for controlling and protecting Somali waters and its marine resources from foreign poachers, the involvement of foreign vessels stealing Somalia resources was absent. The big mistake that the former Government made was ignoring the private sector role in fishing industries. Soon after the government collapsed, the fishing cooperatives disappeared, the whole fisheries institution and system collapsed, informal fishing companies established their business activities in an unregulated environment to heavily fish and catch valuable fish products like lobster in an unsustainable manner. They have been exporting to the United Arab Emirates where middlemen are still main buyers of Somalia fish product. This unregulated environment attracted many Somali people to enter the fishing industry to get income. Private sector involvement in the fishing industry raised significantly but with a lot of challenges. Fishing cooperatives established by the former government disappeared and become dysfunctional. Another important phenomenon that happened after the 1990s is illegal fishing. Poachers come with large demersal trawling fishing vessels and with the support of Somali brokers are still stealing valuable fish resources and destroying fish habitats and threatened the livelihoods of the coastal communities by abolishing their fishing grounds. Foreign vessels from around the world flooded in to steal Somali resources and a significant number of them received support from Somali dealers who facilitated them to reach their objectives. Existing Challenges Weak National and regional government institutions to design and implement monitoring and surveillance control mechanism, sound fisheries management. Seafood quality standards and systems to ensure safety of fish product to access regional and international markets which is major obstacle to export fish, absence of strategy and plans to establish strong and dynamic private sector working hand in hand with the Government. Somalia still in a fragile context, Political order, security and justice systems are very week, disputes and contest among Somali political elites both national and regional level over power and resource sharing struggle are signaling the bad image to investors. The sector still lacks a lot of coherent policies and regulations to ensure proper fisheries management plans that paves the way fishing companies export fish product and create conducive environments attract investors to introduce new technologies to create jobs and increase fish production Illegal fishing is the main problem, the Government lacks use of fisheries technology to tackle and deal with illegal fishing. equipment such as VMS, AIS, GPS and GNSS are very much useful to locate and identify the vessels fishing in territorial waters and EEZ. Use of mobiles to collect data is very simple technology that can be used to collect and gather fisheries data. Use of these equipment and technologies is very much limited in Somalia because of the cost involved and shortage for individuals trained to use them. use of VMS and AIS requires collaboration from Captains of vessels, if the illegal fishing vessels switch off their VMS, it will be difficult to locate or find them. Lack of Fisheries infrastructure such as jetties and cold chain equipment, shortage of skills and knowledge including cold chain technicians, marine biologists, difficult to change of mindset, attitudes and behavior of fishery folks and policy makers to adapt new ways of doing businesses, Leverage of investment and finance to create employment opportunities. The fishing sector lacks trained personnel in every aspects including fisheries management, quality assurance, cold chain technicians and cold chain management, well trained Somali marine biologists are few or almost nonexistent, fishery companies face a shortage of business skills including developing business plans, marketing and manage their accounts properly. Somalia has a long coastline and the fishery sector is one of the productive sectors of the country, but it is unfortunate that there is no one single highly specialized and dedicated university that purely teaches marine science subjects nor professional schools and colleges exist that produce skilled labor and technicians for the development of this important sector. Shortage/lack of skilled personnel is a great challenge that this sector is currently facing and needs to be addressed in the short- and long-term future. Donor’s approach to support fishery sector Since the collapse of the Somali government in the 1990s, some agencies and donors have been supporting the fishery sector of Somalia particularly capacity development of fishing cooperatives and fishing communities in coastal areas of Somalia, they focused their efforts on humanitarian sort of community support and small pieces of emergency projects focusing on provision of equipment such as nets and small boats etc. many organizations with leadership of FAO have distributed boats to fishing communities living in Tsunami affected areas of Somalia. FAO support to fishery sector focused on emergency assistance and pieces of emergency projects promoting livelihoods of fishermen and communities through provision of fishing gears, boats, trainings and projects aimed at building capacities of the Ministries of fisheries through provision of training to upgrade skills of personnel, organizing study tours, support to policy development such as fisheries policies and regulations etc. USAID and DFID on the other hand have first time designed private sector development projects focusing all productive sectors of Somalia, fisheries were main components of each, USAID after Somali’s economic growth strategic assessment report published in July 2014 which highlighted high potential income and employment of fishery sector of Somalia if the private sector role is promoted had designed Growth, enterprise, employment and Livelihood (GEEL) Project. DFID on the other hand, had designed a private sector through promoting inclusive markets (PIMS. both projects addressed the challenges that fishery firms are facing including; fish handling processing and quality standards issues, exploring and accessing new markets, linkages to international firms for creating partnership opportunities, Somali private companies move into both fishing and processing stages of the industry, leveraging private capital investment to expand fisheries businesses. The two initiatives aimed at support fisheries firms to increase jobs, fish exports, income, and profit, leading to economic growth, Objectives within the private sector include; better management of fish resources, creating jobs, increasing sustainable fish production, investing, improving quality safety and standards, accessing the international market through exposure visits and study tours. The GEEL/USAID and PIMS -DFID projects Have encouraged private businesses to do business differently with new innovations and technologies bearing in mind the importance of the private sector to contribute to economic growth and development of Somalia expecting new fishing industry to emerge with a new mindset, ideas, and initiatives from the Somali private investors, engagement of local banks to invest in the fishery industry become very challenging due to enabling environment mainly enforcing rules and regulations , contract enforcement etc. Way forward It is ultimately the responsibility of government to deal with illegal fishing issue. There are several ways that the government can tackle it including; the establishment of fisheries monitoring system along the coastal lines/ fisheries hubs of both Indian ocean and Gulf of Aden equipped with modern technology and deploy trained personnel. the government need to purchase fisheries monitoring technology including effective radars to monitor the movement of vessels, vessel monitoring systems (VMS), Automatic identification systems (AIS) and alike, well trained personnel who effectively use, maintain and operationalize this equipment are very much essential to achieve results. The second way that the government fight against Illegal fishing is to be part of regional port state control to prevent vessels doing illegal fishing and stealing Somali fish resources to offload the fish cargo into these ports, to deal with IUU fishing, it requires regional and international cooperation. both public and private institutions are growing in fragile context, investment climate is improving but not yet attractive to many foreign and domestic investors, there are too many risks but some of these risks could be minimized through joint venture and use of local knowledge and expertise. Local firms with partnership of international ones must show commitment, honest and trust to deal with uncertainties and build the trust with their foreign partners. local firms through partnership with international firms can get knowledge. Skills, investments, and transfer of new technology. Building capacity of the Government institutions that lead the sector is a key. Without effective and quality Government institutions that govern the sector fisheries sector will not develop. These Government institutions must create space for the private sector to take part in the development of the industry and work with the private sector in every aspects of the fishery value chain. There is an urgent requirement for Somali government to design and implement a proper fisheries management policies and mechanism containing the establishment of a proper data collection and monitoring systems including surveys and assessment of fish stocks, management measures including seasonal closures, restriction of harmful fishing gears, banning bad fishing practices and fish handling. establishing marine protected areas where necessary to ensure sustainable use of fishery resource, and collaborating with FAO to implement code of conduct for responsible fisheries. The focus should not be only to exploit fish, fish trade, processing, and export to maximize profit and income and spur economic growth but also to ensure the sustainable use of marine resources through protection and conservation of marine biodiversity, marine environment and sustainable use of living marine resources for both current and future Somali generations. Somalia needs to be part of regional and global conventions, organizations and bodies for sustainable development and actively participate as a member of those bodies such as Indian ocean tuna commission to take part in proper management of transboundary fish stocks such as Tuna, management of endangered species like sea turtles, protect marine habitats and ecosystems like mangroves, coral reefs, plan, establish and manage marine protected areas where necessary. Somalia must develop plans to become a HACCP country, HACCP means, Hazard analysis, control, and critical points. It is a mechanism to ensure fish quality and safety, fish product that is fit for human consumption and get it access the international market. It starts right from catching fish at sea till fish is consumed and eaten. In other words, it is a step by step process to safeguard and protect fish from contamination from bacteria emanating from human, equipment and the environment while handling and processing the fish at sea, during transportation, landing sites, transporting to fish processing sites and during fish cleaning, freezing and storing at the fish processing facility. Fish can be easily spoiled and contaminated by biological, chemical, and physical hazards if not properly handled and processed using ice and temperature required to make it fresh and frozen free of hazards and bacteria. So, designing a program to collaborate with international quality control standards to implement HACCP principles and procedures to ensure fish quality and safety of the product is an urgent requirement for the Government of Somalia to design and implement. Encourage, engage, and promote private sector role in the fishery industry, leverage private capital and, investment to expand their business activities to increase income and create job opportunities for Somali people. Development a vibrant private sector with strong export-oriented based on fisheries value chain management, competitiveness and, quality of fish product standards is essential to increase productivity, income and create jobs to spur growth of the Somali economy, The government should create conducive and supportive environment that provides a playground for private sector involved in the fishing industry to grow and prosper to contribute to growth of economy to raise living standards of Somali people particularly those living in rural coastal areas. Fisheries should be viewed as business not as substance and livelihood aspects. The government should also leverage public funds to secure investment and finance to develop and build fishing infrastructure including; fishing ports, jetties, fish landing sites, ice-making machines to produce enough ice for fish handling, feeder roads in the rural and remote coastal area. Develop and build human capacities of public and private institutions particularly the development of human resources and skills for manpower required in the fishing industry including, marine biologists, researchers, professionals, and technicians of different aspects and disciplines required for the development of the fishery industry of Somalia, skills and knowledge development are paramount to the development of fishing industry. The level of skills and knowledge of personnel involving fishery commercial businesses is very low and needs to be upgraded. END By: Ahmed Said Nur The post Somalia Fisheries: My personal Reflections on key Challenges and opportunities appeared first on Puntland Post.
  13. A Skyward Express de Havilland Dash 8-100 has crash-landed in Kenya today. The aircraft, registered 5Y-GRS, was undertaking a flight between Nairobi and Elwak in Kenya with 37 passengers and four crew members onboard when the incident occurred. Source: Hiiraan Online
  14. M/weyne Erdogan oo qaaday Talaabo ka cadheysiisay Midowga Yurub & Mareykanka Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah. Khudbad uu Erdogan ka jeediyey waqooyiga magaalada kala qeybsan ee Nicosia ayaa astaan u noqotay tallaabo loo qaaday dib u furista magaalada cidlada noqotay ee Varosha, taasi oo ka hor-imaneysa qaraarka QM iyo diidmada Midowga Yurub. Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.” “Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey. Jasiiradda ayaa u kala qeybsan Jamhuuriyadda Qubrus oo ay maamulaan dad Greek ah, iyo Jamhuuriyadda Turkish-ka ee Waqooyiga Qubrus, oo ay aqoonsan tahay kaliya Ankara. Hoggaamiyaha Qubrus-ta Turkish-ka Ersin Tarar, oo ay xulufo yihiin Erdogan, islamarkaana taageera xal laba dal ah intii labada Qubrus la mideyn lahaa, ayaa sheegay in si billow oo ah 3.5 % magaalada Varosha looga saarayo xaaladda militari. Khudbadda Erdogan ayaa aad uga carreysiisay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub Josep Borrell, oo sheegay in tallaabadaas ay tahay “mid aan la aqbali karin, oo hal dhinac ah.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa durba u jawaabtay, kuna eedeysay Borrell “inuu u dhaqmayo sida afhayeenka iyo ololeeyaha maamulka Qubrusta Giriigga ah.” Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay qorshaha Tarar iyo Erdogan, ayada oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallabaadaas “ay si cad u waafaqsaneyn” qaraarada Golaha Ammaanka QM. “Dowladda Mareykanka waxay ficillada Qubrusta Turkish-ka ah ee Varosha, ayada oo taageero ka heleyso Turkey, u aragtaa daandaansi, aan la aqbali karin, oo aan la jaanqaadi karin ballan-qaadyadoodii hore ee ahaa inay si wax ku ool ah uga qeyb-galayaan wada-hadallo xal ah,” ayuu yiri Blinken. Qaran News
  15. Nicosa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah. Khudbad uu Erdogan ka jeediyey waqooyiga magaalada kala qeybsan ee Nicosia ayaa astaan u noqotay tallaabo loo qaaday dib u furista magaalada cidlada noqotay ee Varosha, taasi oo ka hor-imaneysa qaraarka QM iyo diidmada Midowga Yurub. Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.” “Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey. Jasiiradda ayaa u kala qeybsan Jamhuuriyadda Qubrus oo ay maamulaan dad Greek ah, iyo Jamhuuriyadda Turkish-ka ee Waqooyiga Qubrus, oo ay aqoonsan tahay kaliya Ankara. Hoggaamiyaha Qubrus-ta Turkish-ka Ersin Tarar, oo ay xulufo yihiin Erdogan, islamarkaana taageera xal laba dal ah intii labada Qubrus la mideyn lahaa, ayaa sheegay in si billow oo ah 3.5 % magaalada Varosha looga saarayo xaaladda militari. Khudbadda Erdogan ayaa aad uga carreysiisay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub Josep Borrell, oo sheegay in tallaabadaas ay tahay “mid aan la aqbali karin, oo hal dhinac ah.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa durba u jawaabtay, kuna eedeysay Borrell “inuu u dhaqmayo sida afhayeenka iyo ololeeyaha maamulka Qubrusta Giriigga ah.” Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay qorshaha Tarar iyo Erdogan, ayada oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallabaadaas “ay si cad u waafaqsaneyn” qaraarada Golaha Ammaanka QM. “Dowladda Mareykanka waxay ficillada Qubrusta Turkish-ka ah ee Varosha, ayada oo taageero ka heleyso Turkey, u aragtaa daandaansi, aan la aqbali karin, oo aan la jaanqaadi karin ballan-qaadyadoodii hore ee ahaa inay si wax ku ool ah uga qeyb-galayaan wada-hadallo xal ah,” ayuu yiri Blinken. AFP + VOA The post Qubrus: Erdogan oo qaaday tallaabo ka carreysiisay Midowga Yurub iyo Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  16. Diyaarad ka duushay Nairobi oo Soomaaliya shil ku gashay Diyaarad Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa sheegay in diyaarad rakaab ah oo ka duushya magaalada Nairobi, ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu caga dhigtaan (runway) xili ay dooneysay in garoonka degmadaasi ay ku degto. Inkasta oo aan si dhab ah loo hubin haddana tirada dadka rakaabka ah ee diyaaradda saarnaa ayaa tiradooda lagu sheegay 45 qof. Wararku waxay intaa ku darayaan in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda shilka gashay. Wixii faahfaahin ah la socda. Qaran News
  17. Maxaa ka run ah in taliyaha Guud ee Militariga Itoobiya xanuunsanayo?+Sababta Fagaarayaasha looga waayey Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula, ayaa beeniyay in xaaladiisa caafimaad ay xun tahay. Taliyaha ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay islamarkana wararka sheegaya in uu xanuunsanayo ay yihiin kuwa ay fidiyeen xoogagga ay dagaalka kula jiraan. Mr Jula, ayaa BBC u sheegay in sababta maalmihii u dambeeyay aah loogu arkin fagarayaasha ay tahay in uu aad u mashquulay. Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayay in taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Berhanu Jula, xaalad caafimaad ay aad u liidato oo halis ah uu ku sugan yahay. “Boqolkiiba boqol xaaladeyda caafimaad way wanaagsan tahay,” waxaa uu janaraalka sidaasi u sheegay BBC. “Tani waa sidii ay jeclaan lahaayeen xoogagga nala dagaalamaya iyo saaxibadood, uma maleynayo in uu jiro qof iga xog-ogaalsan caafimaadkeyda. Taliyaha ayaa intaa ku daray in uusan xitaa dareemeyn “madax-xanuun).Ka dib markii uu muddo fagaarayaasha uu ka maqnaa ayaa janaraal Berhanu waxaa uu shalay la hadlay warbaahinta. Waxaa uu farta ku fiiqay sababtii uu fagarayaasha uga maqnaa in ay ahayd mashquulka shaqada oo badnaa. Taliyaha guud ee militariga Itoobiya ayaa dhanka kale sheegay in go’aankii looga soo baxay gobolka tigrey uu ahaa mid siyaasadeed. “Waxaa Tigray iyo Mekele uga soo baxnay waxay ahayd go’aan siyaasadeed oo ay dowladda gaartay” ayuu yiri. ” Waxaan rumeysanahay in go’aankani ahaa mid sax ah, waxaana rumeysanahay in uu ahaa mid loo huray dadka Tigrey,” ayuu intaa ku daray janaraal Berhanu. Saameynta uu dagaalka Itoobiya ku yeelan karo dalalka dariska Yaa iska leh Webiga Nile – muxuuse muhiim u yahay? Wax ka ogow awoodaha milateri ee Masar iyo Itoobiya janaraal Berhanu ayaa sidoo kale sheegay in bilooyiin ay dagaal ku jireen ka dib ay ciidamada nasanayaan oo ay dib u soo kabanayaan. “Waxaan socda tababarka iyo isku-dubaridka,” ayuu yir Janaraal Berhanu. Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in haddii ay dagaalayahanada Tigrey sii wadaan dagaalka ay diyaar u yihin ayna militariga leeyihiin khibarad ka badan xoogagooda. “Haddii arrimaha ay xoog ku sii socdaan ciidamada difaaca qaranka ayaa kuwooda ka xoog badan oo, ka khibrad badan, waxaan joognaa bilowgii dagaalka waxaana sugaynaa amarka dowladda” ayuu yiri janaraal Berhanu. Dabayaaqadii bishii June ayay ahayd markii ay dowladda Itoobiya si lama filaan ah ugu dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ahayd, waxayna halkaasi kala soo baxday ciidamadeedii ku sugna gobolka Tigrey. Saraakiisha TPLF ayaa dhankooda shuruud ku xiray xabbad joojin ay la gaaraan dowladda dhexe ee toobiya. Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeeysay TPLF in ay ku duulayaan deegaano ka baxsan gobolka Tigrey sida gobolka Canfarta. Dagaalka gobolka Tigrey waxaa ka dhashay barakac ballaaran. Kumannaan qof oo ah dadka gobolkaasi ayaa u baahan gargaar degdeg ah sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee caalamiga. Qaran News
  18. Hargeisa (PP News Desk) — Sheikh Adan Siiro, a prominent Sheikh in Hargeisa, yesterday used a part of the Eid sermon to take Somaliland President Muse Bihi Abdi to task for unemployment and depreciation of the Somaliland shilling reflected “in the inability of government employees to make ends meet with their salaries.” Sheikh Adan Siiro:”People have voted for a change.” “There are two classes of people in Hargeisa: a very rich class and a poor class. Not long ago such extreme income disparity did not exist” said Sheikh Adan Siiro. “As a result of [political] isolation Somaliland is experiencing high unemployment. Some people hoard dollars while others are not able to pay their children’s school fees. The cleaning campaign initiated in Hargeisa by the new Mayor deserves full support from all people” he added. Sheikh Adan called for Somaliland President not interfere in the process to elect the Speaker of Somaliland Parliament. “People voted for a change. That is why Barkhad Batuuni, who belongs to a minority community, has won a parliamentary seat” said Sheikh Adan Siiro. © Puntland Post, 2021 The post A Prominent Sheikh Criticises Somaliland President for Widespread Unemployment appeared first on Puntland Post.
  19. Qomiyada Tigreega iyo Canfarta oo is bahaysataa waxay khatar ku tahay Somalida guud ahaan, gaar ahaana Qabiilka Ciisaha iyo dalka Jabouti. Xiligii uu Tigreegu xukunka hayey, wuxuu gacanta u geliyey ismaamulka Canfarta qaybo ka mid ah dhulka Ciisa ha si uu Canfarta ugu sahlo in ay gacanta ku dhigto dhabada xadiidka ee Jabuuti ka timaad Ciisa hana bara kiciso. Qorshaha Tigreeguna inaas waa ka fogaa. Colaad ku salaysan dhul balaadhsi oo Ciisaha iyo Canfarta Eithopia ku dhex martaa waxay bilow u ahay in dawlada jabuuti na siyaasad ahaan, nabadgelyo ahaan iyo dhaqaalahaanba ay wiiqanto. Xilgan aynu joogno, In Jabhada Tigreegu ay iska xidho ama khalkhal geliso marinka Jabouti waxay u tahay guulweyn oo ay kaga adkaan karto Abby Ahmed iyo Amxaaro ba, dhaqaalaha Ethiopiana ku naafayn karto. Canfarta iyana waxay u aragtaa in ay guul u tahay in ay Ciisaha wiiqdo dhanka Ethiopia iyo Jabouti ba. Dagaalka Tigreegu ka bilaabay ismaamulka Canfarta iyo soo dhawaynta Canfartu waxay gogol xaadh u tahay in laysla jiidho dhulka Ciisa, Jabouti na dabku gaadho. Haddii ay sidaa u dhacdo waxay noqonaysaa in Somalida wada jir ahaan uga falceliso soona celiso khariidadii dhul weynihii Somalida ee gumaysta ka hor, waayo waxaa la gaadhay xiligii burburka federaalka Ethiopia iyo kala baxii qowmiyadaha. Kala dhaqaaqaa qoomiyaduhu wuxuu raad ku yeelanaya ismaamulka Somalida Ethiopia iyo mustaqbal siday noqonto maamul ahaa. Waxaa kale oo iyana aan cago ku taagnaan doonin Dalka Jabouti oo laga yaabo in dhanka Somaliland ay miciin bididoonto. Maamulka kale ee Somalida arrinka Kililku saamayntiisa ayuu ku yeelandoona. Dhinaca Somaliland samayn togan ayaa arrinkaas ugu jira haddii ay sugida nabadgelyada, balaadhinta adeegyadda ay sifiican uga hawlgasho isla mar ahaantaana ay si xeeladaysan uga qayb qaadato dhifaaca qoomiyada Somalida ee dhanka Eithiopia iyo Jabuuti. Sidaa daraadeed waa lama huraan in talo hoose laga sii yeesho, gaar ahaan maamuladani iyagoo dhinca nabad gelyada ka gelayaa xiligan gulufka colaadu oganyahay, waxna hoos iskugu ogaada. Dawlada Jabouti Dawlada Somaliland Ismamulka Somalida ee Ethiopia. Dawlad Goboleed ka Puntland iyo maamulada kale ee Kililka xadka laleh. Waxaase ugu muhiimsan seddexda hore wejiga hadda. Somalida Guud ahaan isbedel togan ayaa ku soo socda haddii loo sii weel samaysto illaa Babul Mandab ayeynu xidhan karaa si dhul ahaan iyo bad ahaanba aan laynoo soo gelin! Maxamuud Aw Xasan Caraale Source
  20. Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in garoonka degmadaas ay maanta ku dhacday diyaarad rakaab sidday. Diyaaradda oo sidday 45 ruux oo rakaab ah ayaa ka soo kicitintay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaana sida la sheegay ay u socotay magaalada Ceelwaaq ee Gobolkaas Gedo. Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Ceelwaaq ayaa laga soo xigtay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba. Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyay shilkaas diyaaradeed. PUNTLAND POST The post Diyaarad rakaab oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Ceelwaaq appeared first on Puntland Post.
  21. Wararka ay helayso shabakadda Somalilandtoday ayaa sheegaya in Afar qof ay ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay meel aan ka fogeyn tuullada Xamaas oo Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa, dhaawaca qaarkood ayaa la sheegay in uu culus yahay. Source
  22. (SLT-Washington)-Xeer illaalinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogtay Maalqabeenka u dhashay dalkaasi oo lagu magacaabo Tom Barrack kana mid ahaa saaxiibada Madaxweynihii hore Trump, ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu si qarsoodi ah ugu ololeyn jiray dowlada Imaaraadka Carabta. Tom Barrack oo ah 74 jir ah bilyaneer kana mid ahaa xubnihii sida weyn ugu dhawaa Donald Trump ololihiisii doorashada, ayaa la sheegay inuu xidhiidh toos ah lalaha Dowlada Imaaraadka oo danahooda uga ololeyn jiray Washington. Sida uu qabo sharciga Maraykanka dadka u ololeeya danaha dowladaha Shisheeye ayaa laga doonayaa inay iska diiwaangeliyaan Wasaarada Caadalada ee wadankaas, arrintaasi oo aanu sameyn Mr.Barrack. Hore ayey xeer illaalinta Maraykanka xabsiga u dhigtay Lataliyihii hore ee Amniga ee Donald Trump kaasi oo lagu eedeeyey inuu isagana lacag ka qaadan jiray dowlada Turkiga si uu ugu ololeeyo dowladaasi. Source
  23. (SLT-Paris)-Telefoonada Macron iyo qaar ka mid ah wasiirada Faransiiska oo bartilmaameedsanaya arinta Pegasus, sida ay qortay warbaahinta Faransiiska. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron taleefankiisa ayaa bartilmaameedsaday ilaalada suuro galka ah ee morooko ee kiiska basaasnimada ee mashruuca Pegasus, maalinlaha faransiiska Le Monde ayaa weriyay Talaadadii. Baadhitaan ay Axaddii daabaceen 17 urur warbaahineed oo ay hoggaaminaysay kooxda suxufiga ah ee Forbidden Stories oo fadhigeedu yahay Paris ayaa sheegtay in basaasnimada, oo ay abuurtay isla markaana shati siisay shirkadda Israa’iil ee NSO. Loo adeegsaday isku dayga jabsiga guul-darrada ah ee taleefannada saxafiyiinta. , saraakiisha dowladda iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha. Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale la bartilmaameedsaday taleefoonada raiisul wasaarihii hore Eduard Philippe iyo wasiiro kale. Source
  24. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka diyaarad sidday rakaab oo kasoo amba-baxday magaalada Nairobi ay shil ku gashay garoon diyaaradeed oo ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo. Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana jira khasaare soo gaaray. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhaawacmay illaa 7 qof, halka ay waxyeelo soo gaartay diyaaradda, kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in garoonka ay diyaaradda shilka ku gashay uu ahaa mid xirnaa sanadihii lasoo dhaafay, balse duuliyaha uu si deg deg ah uga dajiyey diyaaradda halkaasi, kadib markii ay soo wajahday cilad xoogan. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Gedo ka bixiyey shilkaasi diyaaradeed iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay intaba. Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo noqotay, waxaana gurmad degdega loo fidiyey diyaaradda shilka gashay iyo dhammaan rakaabkii la socday ee laga soo qaaday Nairobi. The post Wararkii ugu dambeeyey diyaarad sidday rakaab oo ku dhacday Ceelwaaq appeared first on Caasimada Online.
  25. Xildhibaanada reer Awdal maanta ma u hiilin doonaan masiirka Awdal? Ali Hamud se ma noqon doonaa Hogaamiye hanta xildhibaanada tolkii? Ciid Mubaarik; Reer Awdal siyaasada laba goor oo horey ilduufeen .Marka kowaad waa shirkii Borama oo iyaga oo midida daabkeeda hayey ay goosan kari waayeen xaqoodii iyagoo Somaliland dhisaya.Marlabaadna waxay ahayd markii Dahir Riyaale isagoo Madaxweyne ah markii la isku qabtey tirade Baarlamaanka reer Awdal iyo Harti uu maxkamada kula cararey isagoo awoodi lahaa inu dadka isku jiid jiido oo tixgelin gaara loo sameeyo darifyada. Maanta waa markii sadexaad ee uu jaanis ay xaqooda ku helaan soo maro reer Awdal. Waxay gacantooda ku badali karaan saami qaybsigii aan u maara weyney oo waxay dhisi karaan hogaan baarlamaan oo cadaali ah oo ay Soomaliland iskugu midtahay. Cabdi razaaq Khalief haddii aad doorataan isaga iyo teamkiisa waxad doorateen gole ka xor ah reer gara oo somaaliland wada leedahay ama aanu madaxweyne jeebka ku sidan. Tartanku maaha Faratoon iyo Cabdirazaaq- waa Muse Biixi iyo Cabdirazaaq. Haddii uu Awdal Muuse wax u hayo eega Gabiley xataa waxad ka weyday hal gole deegaan ,eega shir gudoonka uu soo dhisay, eega dawladiisa iyo dhaqanka guud ee siyaasadiisa. Waxan hubaa hadaad maanta dhistaan Cabdirazaaq iyo kooxdiisa waxbaad tarteen Awdal iyo Soomaliland ba- ha ilduufina maanta. Saaxiibkey Cali Xaamudna waxan leehay nin firfircoon oo aragti leh baad ahayd .Maanta ayaa la tijaabinayaa awoodaada hogaamineed. Cabdi razaaq Khalief xataa reer abtigii buu keenay. Tolkaa reer Awdal waa inaanay midna kaa leexan .Reer Awdal wakhtiya hore oo badan baa dhaafay iyaan agtaada lagu jabin. Waa lagu daawanayaa Caliyow halkaad mariso 12kaa xildhibaan.Waxan sugayaa shirkiina jaraaid . Wa Billaahi Tawfiiq H Musa : h742@hotmail.com Qaran News