-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warar Wargeyska Waaberi ka helay ilo rasmi ah, ayaa tibaaxay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici uu ka biyo diiday xubnaha Musharraxinta shir guddoonka Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE u xulay,iyadoo meesha laga saaray in lagu darro Xildhibaannada reer Awdal ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay,isla markaana laga doorbiday Xildhibaano ka soo baxay UCID oo aanay qaarkood hal Xildhibaan ka wadda beelahooda. Hase-yeeshee, sida xoggaha lagu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,ayaa wararku sheegeen inuu si cad ugu biyo diiday shaxda Musharraxiinta KULMIYE ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo uu arko in aanay wax dan ahi ugu jir Gobolka Awdal,isla markaana cid gaar ah loogu danaynayo. Dhanka Kalena Xoggaha ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo hor dhac ahi oo gooni-gooni ah u bilaabmeen siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka reer Awdal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Gobolkaas.Ma jiro Warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay dhinacyada la sheegay in kullamadu dhex mareen. Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen in kullamada dhinacyadani yeeshen qaarkood dhaceen shalay ila Xalay, halka qaar kale-na xuseen in xidhiidhada reer Awdal ee la xidhiidha arrintani ay soo taxnaa, tan iyo markii ay xubna u cadaatay in Qasriga Madaxtooyaddu go’aansaday in xubnaha xisbiga KULMIYE u xulayo Musharraxiinta shir guddoonka Golaha Wakiilada in aan lagu darin reer Awdal. Inkastoo sida xogguhuu ka dhawaajiyeen uu hadda bilow yahay dhaq-dhaqaaqyada indho-indheynta ah ee reer Awdal ay ku sahan-sanayaan Jabadkey u digo-rogan lahaayeen iyo halkii ay ku jirto danta degaankooda iyo danta Qaranka ee ay marin lahayeen codka Xildhibaannadooda oo middaysan Si kastaba aha ahaatee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan maal-maha soo socda, waxaana la oggaan doonna halka ay maraan aqlabiyada Xildhibaannada Reer Awdal Xigasho: Waabari Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay afar Xildhibaan oo ka soo baxay UCID oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Biixi, isla markaana uu markii hore diiday KULMIYE inay iska sharraxaan,kuwaas oo uu fursado siiyey Xisbiga UCID, balse nasiib darro markii ay soo baxeen carrooga qaybaalada looga afuufay Madaxtooyadda,iyagoo halkaas iska xaadiriyey. Siyaasi Cali Guray oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay ” Niman la yidhi Berbera ayey ka soo baxeen oo Xisbiga UCID ayey ka soo baxeen oo waa saddex iyo nin Hargeysa ka soo baxay saw afar maaha ,afartaasiba UCID ayey ka soo baxeen, waxa la igu leeyahay farta ayaa loogu yeedhay oo waxa la yidhi saw niman reer Habela ma tihidin waar xaggan soo mara.” Dhanka kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in markii hore uu KULMIYE diiday inay iska sharraxaan”Nimankaas markii hore inay iska soo sharraxaan waa loo diiday UCID ayaa bannaanka ka qaatay oo soo saaray .” Sidoo kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in arrintan ay keeni karto in Xildhibaannada Beelaha kale ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE inay qadaan jidkaas qaybyaaladeed ee uu jeexay Madaxweyne Biixi,”Waxa aan ka baqayaa inay keento taasi illayn ragga lama xiniinyo taab-tee marka aad in taada reer Hebel halkan soo mariso in kuwa reer hebel oo xaggan joogaa ay yidhaah-daan annana xaggan ayaanu marnay.” Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Khilaaf u dhaxeeyay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa la xaliyay, iyadoo ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay markii baarlamaanka Jubaland ay Axmed Madoobe u sheegeen in kaliya ay codkooda siin doonaan Senatorkii siiya 5 kun oo dollar xildhibaan kasta, laakiin aysan ka yar ku dooran doonin xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada Jubaland. Baarlamaanka Jubaland ayaa Axmed Madoobe u sheegay in dhowr bil oo mushaar ah uu ka maqanyahay, islamarkaana ay qorsheesteen in Xildhibaanka kasta uu helo ugu yaraan 40 kun, haddii qof kasta bixiyo 5 kun, sidaas darteed xubnaha uu rabo Axmed Madoobe uu ka bixiyo lacagtaas ama uusan ku tashan codkooda. Murankan ayaa hadda la xaliyey, ayada oo Axmed Madoobe uu ogolaaday inuu xildhibaanada siiyo lacagta ay dalbadeen. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isku dayaya in uu soo saaro Senatoro uu ku kalsoonyahay, iyadoo ay sidoo kale ku daba-feylan yihiin saaxiibo badan oo difaac u ahaa intii uu culeyska kala kulmayay Villa Somalia. Xildhibaanada dowlad gobaleeedyada ayaa badanaa xiligaan oo kale lacag ka sameeya doorashada xubnaha Aqalka Sare oo sanadkaan ka adag doorashadii hore. Xildhibaanada Aqalka Sare oo ay dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyada ayaa ah kugu ugu fudud ee madaxweyne goboleedyada musuq-maasuqi karaan, kana dhiga karaan cidda ay doonaan, marka loo eego kuwa golaha shacabka oo ay dooranayaan ergooyin. The post Qorshaha Axmed Madoobe uu kusoo saarayo Senataro taabacsan oo la is-hortaagay appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka jubbaland ayaa shuruudo ku xiray xoolaha laqalayo maalinta ciidda. Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaarisay sheybaar lagu hubinayo caafimaadka xoolaha ka hor intaan la qalin. Jubbaland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ay goobo lagu qalo xoolaha ay u diyaarisay. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu maanta ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska. Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray, halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF. Maamulka Soomaalida ayaa noqonayaa maamulkii afaraad ee ku biira dagaalka gobolka Tigray. Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale ee Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP. “Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Waxaa horey dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga. Go’aanka uu maamulka Soomaalida ciidamada ugu diray gobolka Tigray ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya. “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka. The post Ciidamada Is-maamulka Soomaalida oo si rasmi ah ugu biiray dagaalka Tigray appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar, ayaa soo bandhigay ciidamo ka tirsan kuwa militeriga dowlad deegaanka oo uu shegay in loo diyaariyay in ay ka qeyb galaan dagaalka ka socda dalka Itoobiya. Cagjar ayaa sidoo kale sheegay ciidamadaan oo au tiradoodu badan tahay in ay garab istaagayan kuwa militeriga dalka Itoobiya. Ciidamada dagaalka loo diyaariyay ayaa ah kuwa soomaali ah. Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa sii xoogeystay saacadihi la soo dhaafay xilli Ra’iisul wasaaraha uu ku baaqay howlgal culus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu ( Wararka PP) —Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka qora taariikhda Soomaaliya ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ciidammo u dirto Itoobiya si loola dagaallamo xoogagga Tigreega. Ingriis oo ka qabgalay dood, ayaa sheegay inay bannaan tahay in wax kasta la sameeyo si looga hortago soo noqoshada TPLF. Wuxuu taageero u muujiyay baaqa ka soo yeeray qowmiyadda Amxaarada oo doonaysa in qowmiyadaha kale ee Itoobiya u midoobaan la dagaallaanka TPLF. Tigreega ayaa dib u qabsaday degmooyin Amxaaradu xoog kula wareegtay dhowr bilood ka hor. Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu qabaa in Amxaarada loo gurmado si ay Tigreega iskaga dhiciyaan. Dooddu waxay ku saabsanayd dadaalka uu Madaxweynaha Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar wado si ciidanka Liyuuga loogu diro gobolka Amxaarada si ay dhiggooda ugu daadiyaan Amxaarada oo dagaal kula jirta Tigreega. “Ma garan karo sababta Maxamed Xaaji Ingriis ugu baaqay in Soomaaliya dirto ciidaammo Gondar iyo Gojam ka dagaallama si ay Amxaarada u difaacaan” ayuu yiri Cali Aadan oo ah arday wax ka barta mid ka mid jaamacadaha Muqdisho. Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa wada qorshe ku sallaysan sarraynsiinta Amxaarada. Wuxuu dhowr jeer xusay dagaalkii 1977kii isagoo tusaale u soo qaatay dagaal ka dhacay buurta Kaaramardha. © Puntland Post, 2021 The post Maxamed Xaaji Ingiriis: “Waa inay Dowladda Soomaaliya Ciidammo u Dirto Itoobiya” appeared first on Puntland Post.
-
Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Sool. Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa G/sare Aadan Maxamed Cabdi loogu magacaabay taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool. Hoos ka akhriso wareegtada Axmed Karaash Garoowe: 18 July 2021: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soojeedinta Taliska Booliiska Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Wuxuu u magacaabay:- G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo xil magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne kuxigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada kismaayo kulan kula qaatay guddiga dib u hishiisinta gobalka gedo oo shalay soo gabagabeyay wadahadallo ay la lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobalka. Guddigan oo uu hor boodayay wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxweyne kuxigeenka warbixin ka siiyay xogtii ay ka soo aruuriyeen gobalka iyo sidii loo xaliyay khilaafki taagna. “Guddigan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowladd Goboleedyada Dalka sida Puntland Galmudug Hirshabeele iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Dowladd Goboleedka Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee ugu dambeeysay halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u hishiisiin laga hirgaliyey Gobolkaa”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooya Jubbaland. Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddiga Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada dalka ayaa muddo ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarey kadib saaka kasoo dhoofay halkaas, iyagoo gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland. Guddiga oo uu horey u magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kana koobnaa wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Kismaayo u tagay sidii ay madaxweynaha Jubaland ugu gudbin lahaayeen magacyada illaa 4 qof uu sharaxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Magaalada Garbahaarey oo la filayo in lagu qabto qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka. Magacyada afartaan qof ayaa waxaa guddiga usoo gudbiyey waxgaradka iyo odayaasha Garbahaarey ee taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulamo dhex maray odayaasha iyo guddiga uu magacaabay Rooble. Sida ku qoran heshiiskii labaad oo ay 27 May ku saxiixdeyn Muqdisho madaxda Maamul Goboleeyada dalka iyo Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa magacabaya Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey iyo ku-xigeenkiisa. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda ka maqan Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inuu afartaan qof ka doorto laba qof oo noqonayo guddoomiyaha iyo ku xigeenka Magaalada Garbaahaarey. Magaalada Garbahaarey ayaa la filayaa in lagu qabto doorashada illaa 16 kursi, waxaana heshiiska la gaaray ku qoran in magaaladaas la geeyo ciidamo boolis ah oo ka socdo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM Xubnaha ay xilka maamulka magaalada Garbahaarey usoo sharxeen odayaasha iyo maamulka dowladda Federaalka hoostaga ee Gobolka Gedo ayaa kala ah: Xilka guddoomiyaha Garbahaarey: 1- Cali Xashi Diiriye 2- Nuur Muxumed Jaamac Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka: 1- Aadan Cismaan Nuur 2- Xuseen Baniin The post Aqriso: Axmed Madoobe oo loo gudbiyey liiska magacyada musharaxiinta xilalka Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Mr. Rooble uu kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. Qoraalka waxa lagu sheegay in mas’uuliyiintu ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo si rasmi ah dib loogu doortay markisii afraad bishii May ayaa loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas Sabtidii shalay aheyd, inkasta oo ay jireen dalal badan oo reer Galbeed ah oo wax isdabamarin ku eedeeyay. Bashar al-Asad oo muddo todoba sanadood ah sii ahaan doona Madaxweynaha Suuriya ayaa rogga cas ee qasriga madaxtooyada waxaa ku soo dhaweeyay koox militari ah, isagoo la hadlay dadweyne aad u badan oo iskugu jiray saraakiil iyo marti share kale. Laba sarkaal oo ciidan ah ayaa waday nuqullo ka mid ah Quraanka iyo dastuurka Suuriya oo uu Assad ku dhaartay. Wuxuu ku sheegay khudbadiisa in sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Suuriya ay hada tahay xayiraadda ay saareen bangiyada Lubnaan hantida dalkiisa. PUNTLAND POST The post Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay madaxweynaha Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin ay soo saareen midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya quus joogto, lagana cabsi qabo in dib ugu noqoto dal baaba’ ah, waxay carabka ku dhufteen iney ka jirto dhibaato badan oo dhan walba oo xagga amniga, siysaasadda, iyo adeegyada ah, isla markaana la joogo waqtigii isbadal la sameyn lahaa. Warbixintan ay sabtidii soo saareen waxaa ku jirta in AMISOM ay joogtay 14 sano balse ay heysto dhibaato maalgelin la’aan sidaasi darteedna aaney wax badan u qaban karin, waxaa ay ka sheegteen in EU ay maalgelin u weysay(PCC), loona soo jeesto oo daacad laga noqdo hawlgalka si uu u mira-dhalo. Arrimaha warbixinta ay iftiimisay waxaa ka mid ah in magaalooyinka uun laga helo adeeg bulsho halka miyiga aaney jirin wax adeeg ah, oo nolosha ay liidato, haba ugu darnaadeen kaabayaal dhaqaale, booliiska iyo maxkamado oo aan jirin. Dhibaatada warbixinta ku jirta waxaa ka mid ah wada shaqeyn la’aanta dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, fulin la’aanta heshiisyada ay galaan iyo isla socod la’aanta midowga Afrika iyo beesha caalamka. Waxaana la soo jeediyey 4 Qaab oo midkood arrimahan lagu maareyn karo: Isku dhafka AU-UN: Hawlgalka inuu noqdo mid hoos taga AU-UN oo isku dhaf ah, waa qaabka koowaad ee lasoo jeediyey iyada oo lagu shaqeyn doono Chapter VII iyada oo la qiimeyn doono awoodda AMISOM, lana kordhin doono. Dib-u-habeyn lagu sameynayo AMISOM: AMISOM hawlgalkeeda hadda waa mid nabadeed iyo amni, waxaa uu qaabkan soo jeedinayaan in siyaasad lagu daro, oo ay xasiloonida la shaqeyn karaan, isla markaana dib loo qiimeeyo hawlgalka isla markaana ay AMISOM gacan ka geysato jawi siyaasadeed, lana adeegsado baa’binta Al-shabaab qaabab ka duwan midda military ee hadda jira sida dhismaha nabadda. IN La Hawlgeliyo Ciidamo dariska ah ee EASF: Arrintaas ay ka shaqeyaan midowga Afrika, ciidamadan dariska oo hadda ku jira AMISOM, marka ay hawsha guud la wareegaan, waa iney ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa nabadda, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaa kale oo lasoo jeediyey iney maalgeliso Qaramada Midoobey. Bixitaanka AMISOM & Soomaaliya oo masuuliyadda Lagu Wareejinayo: Qaabkan waxaa uu soo jeedinayaa in AMISOM ay lix bil gudaheed ku baxdo, isla markaana ay shaqada amniga la wareegaan xoogga dalka, taasi ayaa ka dhalatay ayaa la leeyahay kalsooni darrada ay qeybaha Soomaalida ku qabaan AMISOM iyo niyadjabka ay ka muujiyeeen hawlgalkeeda. Dhanka kale, xukuumadda Soomaaliya oo qoraal soo saartay waxaa ay ka hortimid warbixintan, iyada oo qiil uga dhigtay in aan lagala tashan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Somali government has raised a new rift with troop contributing countries to a peacekeeping mission on its territory after it rejected proposals to modify the forces for an expanded role. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyey inay dowladiisa ka shaqaynayso sidii xidida loogu siibi lahaa TPLF oo uu ku tilmaamay inay yihiin Cancer ay tahay in laga ciribtiro Geeska Africa. Abiy Ahmed ayaa iclaamiyey dagaal cusub oo lagu soo ciribtirayo kooxda TPLF oo muddooyinkii ugu dambeeyey qabsaday magaalooyinka Gobolka Tigray oo ay horey u qabsadeyn ciidamada Federaalka Itoobiya. “TPLF Xididada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaanteen waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Abiy ayaa sheegay in ay dhageysteen hadallada uga imaanaya kuwa uu ku sifeeyey in aysan aqoonin TPLF, balse ay hadda garowsadeen cidda ay tahay TPLF oo ay dareemayaan in wixii ay ka shaqeynayeen aysan dhankoodaba ka hirgali karin, sida ku xusan qoraalka xafiiska Abiy Ahmed. Abiy ayaa tilmaamay in jiidaha hore ee dagaalka loo daadgureeyay kumaan askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka Itoobiya ENDF, isagoo sheegay in ay tasi ka dhigan tahay diyaar garowgii kooxahan lagula dagaalami lahaa, isagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan amni & Horumar dhaqaale oo ay gaarto Itoobiya. “Wiilashayada (askarta) ka kala yimid afarta jiho ee dalka waxay u jihayseteen sidii ay meesha uga saari lahaayeen argagixisada TPLF,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Kooxdaan argagixisada ah waxa ay halis ku yihiin midnimada dalka iyo isbadalka yar ee la dareemay si ay u burburyaan waxay isticmaaleen wado kasta oo ay adeegsan karaan gacmahana ka laaban mayno hada kadib.” “Ciidanka Difaaca qaranka iyo ciidama maamullada dalku waxay qaadayaan talaabooyinkooda dastuuriga waxayna qabanyaan Goobihii ay xaqa u lahaayeen loona asteeyay taasoo ay imaan karto carqalado lagu hanjabinayo waanse tusaynaa Saaxiibadeen iyo Cadawgewnaba mudo dhaw Natiijada hawl galka sareenta sharciga.” Hadalka Abiy Ahmed, ayaa imaanaya iyada oo kooxda TPLF, ay sheegay in ay maxaabiis ahaan u hayso kumaan ka tirsan ciidanka Milatariga Itoobiya ayna sii daysay kun ka mid ah balse la maxkamadayn doono saraakiisha hogaaminaysa. Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF. Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah. Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka. “Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka. The post Abiy Ahmed oo go’aan adag kasoo saaray dagaalka TPLF appeared first on Caasimada Online.
-
Sinaba uma loodin karto xukuumadda Kulmiye Isbaheysiga mucaaridka Ucid & Waddani…….Xog-hayaha Arimaha Gudaha Ucid Kulmiye laga barto laga badi Doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo degaank ee ka qabsontey Somaliland 31 May, 2021. Waxey u dhacdey si nabad gelyo iyo farshaxan leh sida caadada u aheyd doorashooyinka Somaliland iyado la adeegsaday qaabka casriga ah ee Bio-metric. Shacabku waxey hiirti hore ba u dareereen goobaha loo cayimey iney ka codeeyaan oo safaf dhaadheer u galeen, iyago in badan ka soo horeyeey guddida doorashooyinka, kuwaaso bilaabey codeeynta 730 subaxnimo halkey aheyd iney bilaabaan 6 subaxnimo. Laakiin nasiib wanaag gelinki dambey safafki dhaadheera mey badneyn. Markey dhamaatey tirinti codadka ee goobaha, waxey muraaqibinti soo tebiyeen in labada xisbi mucaarid marka la isku geeyo ay codad aqlabiyad ah ka heleen labada gole. Waliba, gaar ahaan golaha wakiilada xisbiga Waddani ba ka codad batey xisbul xaakimka Kulmiye. Waddani 31 xubnood, Kulmiye 30 xubnood. Ucid 21 xubnood. Waana marki u horeysey ee xisbi mucaarid ah ka wakiilo bato xisbul xaakim. Doorashadi golayaasha deegaanka, degmo walba waxa ku guuleystey innu ka noqdo mayor iyo mayor ku xigeen isbaheysiga mucaaridka ee xisbiga Waddani iyo xisbiga Ucid marka laga reebo Gabiley, Berbera iyo dhawr degmo yar yar mooye’. Haddaba doorashadi golaha wakiilada ee ka dhacdey Somaliland 2005. Kulmiye wuxu heley 28 wakiil, Ucid 21 wakiil iyo Udub 33 wakiil. waxa isbaheystey labada xisbi mucaarid, Kulmiye iyo Ucid. . Sidaana ku hantey shir guddoonki golaha wakiilada. Maah maah Ingiirisi ah ba tidha ‘’ History repeats itself ‘’ oo macnaheedu yahey dhacdooyinka taariikhigu wey soo noq noqdaan ‘’. Maah maah carbeedna waxey tidha ‘’ ما أشبه الليلة بالبارحة ‘’. Mar haddi lagaga adkaadey xukuumadda Kulmiye golayasha deegaanka, loolanka weyni wuxu usoo wareegey shir guddoonka golaha wakiilada oo ah qeybta ugu muhimsan dhadhaarki sharci dejinta ( golaha wakiilada + golaha guurtida= Golaha Barliamanka ) ee loogu talagaley xakameeynta, la xisaabtanka iyo isu dhelitirka awoodda dawladdnimo Tirada wakiilada isbaheysigu wa 52 wakiil ( 31 waddani + 21 Ucid ). Sinaba uma loodin karto xukuumadda Muse Isbaheysiga mucaaridka. Sababahan awgood : 1- Farqiga u dhexeeya xildhibaanada isbaheysiga iyo Kulmiye oo aad u badan 52- 30 = 22 xildhibaan 2- Xildhibaano kulmiye ah oo debedda ku maqan on soo noqoneyn doorashada shir-guddoonka ka hor sida Cabdikariin Adan Cali Dubad 3- Xildhibaano kulmiye ah sida Axmed Guruuje oo difaacanaya xuquuqdooda xisbinimo saluugsan na musharaxnimada xildhibaanada Ucid ee tahriibta ah ( Wa sida uu hadalka u dhigey e’ ) 4- Xildhibaano kulmiye ah oo toos u shaaciyey iney Isbaheysiga u codeeynayaan sida Mustafa Axmed 5- Reer Awdal oo kulmiye ka reebey in uu sharaxo shir-guddoonka golaha wakiilada, xildhibaanadooda kulmiye na wacad ku mareen iney aqlabiyadoodu’u codeeynayaan mucaaridka. 6- Haddaba markaad isu geyso arrimaha kor ku xusan iyo sagaalka xildhibaan ee kulmiye ka kaxeystey Ucid marnaba ma dhaafi karaan 35 xildhibaan. Haddey wax isla hayaan bal wa kaase (هذا الفرس وهذا الميذان ) madaxweynuhu ha isugu yeedho xildhibaanada. Alla mahad leh, xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Eng. Bashe Cabdi Gaboobe. Qaran News
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhammaan ciidamada dalkiisa la howlgelin doonno si ay ula dagaalamaan xoogagga TPLF. Abiy ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada waxa uu sheegay in ay iska caabinayaan jabhadda, xilli uu ugu yeeray in ay yihiin Kansarka Itoobiya. “Cadawga aan wajahayno waa cadowga kansarka Itoobiya.” ayuu yiri mr Abiy. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku siidaray isagoo yiri ““Waxaan leenahay Qorsho Waana naqaana sida, goorta, sababta iyo Goobta aan u socono, Natiijada Qorshahaas waxaa la arki doona waqtiga ugu dhow. Abiy ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadiisu u diyaar yihiin dhawaanna ay soo bandhigi doonaan qorshahooda. “Cadowgeena iyo Saaxibadeen waxaan u sheegeynaa, Ciidankeenna waxa ay diyaar u yihiin In ay fuliyaan howlgal aad gacmaha afka la saaran doontan”. Dagaalka xukuumadda iyo TPLF ayaa sii xogeystay todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii ay TPLF shaacisay in ay dagaal ku qaadi doonto gobalka Amxaarada. Goobjoog News Source: goobjoog.com