-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii ku kulmay magaalada Riyadh, si ay u adkeeyaan xiriirkooda kadib markii dhowaan labada dowladood ay hadallo hawada isu mariyeen ayaga oo ku muransan qiimaha shidaalka caalamka. “Walaalkey Mohammed bin Salman iyo aniga waxaan ka wada-hadalnay hababka lagu xoojin karo xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga muhiimka ah ee labadeena dal,” waxaa sidaas yiri dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed kadib kulan uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman. “Saaxiibtinimada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya waxay weli tahay mid xooggan oo barwaaqo ah,” ayuu Bin Zayed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa dhankeedana werisay in Mohammed bin Salman uu garoonka kusoo dhoweeyey Mohammed bin Zayed, labada hoggaamiyena ay yeesheen wada-hadallo miro dhal ah. Labadan hoggaamiye ayaa muddo loo arkay lamaanaha awoodda gobolka, waxayna ku caan yihiin xarfaha magacyadooda loo soo gaabiyo eee MBZ iyo MBS. Hase yeeshee, kulan la’aan jirtay muddooyinkii dambe ayaa sare u qaaday xan ku saabsan in xiriirkooda uu dabcay. Muran horraantii bishan ka dhashay heshiis ay dalalka shidaalka soo saara ee OPEC+ qorsheynayeen ayaa sidoo kale khilaaf ka dhex-abuuray labada dal, oo laba waddo kala raacay. Loolan ku dhisan dhaqaale ayaa xuddun u ah khilaafka, ayada oo dalalka Khaliijka ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan keydkooda shidaalka, xilli ay wajahayaan in dunida mar aan dheereyn ay ka kaaftoomi doonto shidaalka intiisa badan. Imaaraadka Carabta ayaa heshiiska OPEC+ ku qeexay “mid caddaalad darro ah” ayada oo kula loolantay Sacuudiga oo ah dalka dhoofiya shidaalka ugu badan caalamka. Si kastaba, OPEC+ ayaa heshiis gaaray Axaddii, kaasi oo dhigaya in si tartiib ah sare loogu qaado soo-saarka shidaalka caalamka laga billaabo August. AFP + VOA The post Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda u dhaxeysa Imaaraadka iyo Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciida-Carafo, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha. Masjidka Isbaaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, ayada oo aysan ciidan kala soo qeyb-galin Madaxda sarre ee dalka oo hore bulshada ugala qeyb-gali jiray dukashada salaadda ciida. Sidoo kale waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta. Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Somaliland oo kumanaan shacab ah kula dukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka. Munaasibadda Ciidal Carafo ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku. The post Daawo Video: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn looga ciiday appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saakay magaalada Galkacyo kula tukaday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo. Madaxweynaha ayaa salaadda ka dib hambalyada Ciidul Adxaa u diray dhamaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku suganyihiin. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida ee howlgalada lagu sifeenayo cadowga argagaxisada ka wada deegaanada Galmudug. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay ciidamada asagoona sheegay in ay ka gacan sarreeyaan cadowga kana guulkeeni doonaan. Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Dowladda Puntland oo Iskaashi iyo garab istaag u muujisay Dowladda iyo shacabka Galmudug. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Puntland inay sii laba jibaaraan Iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka argagaxisada. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS inay si isku mid ah uga qeyb noqdaan howlgalada lagu soo afjarayo kooxaha nabaddiidka ah. Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo garab istaagga howlgalada ka dhanka cadowga, madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay DFS inay si buuxda uga qeyb qaataan howlgalada la dagaalka argagaxisada. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Galmudug ay dhinaca kale u diyaar tahay qabashads Doorashada labada aqal ee BFS. Madaxweynuhu ayaa hoosta ka xariiqay in Galmudug muddo dheer ay geed fadhi u aheyd dadaalada lagu doonayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyada iyo habraacyadii arrimaha doorashooyinka Gabogabadii, ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Galmudug inay si buuxda u garab istaagan ciidamada qalabka sida ee had iyo goor u taagan xoreynta deegaanadooda. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Muuse Biixi oo Shacabka Kula tukaday Salaadda Ciidal Adxaha Masjidul jaamaca Hargeysa+Nuxurka Hadal-jeedintiisii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, ayaa kumanaan kamid ah shacabka caasimadda Hargeysa salaadda ciidal Adxaha kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka. Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Ciidal Adxaha si guud ugu duceeyey ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland, isaga oo ka digay Aafada noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo caqliga bulshada saamayn xun ku yeelanaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Walaallayaal diinta, dawladda, qoyska iyo baayac-mushtarkaba waxa ilaaliyaa waa caqliga, waxana innagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, haddii ummaddii caqligii laga xumeeyana, diintii, dalkii, Aakhiradii iyo adduunkiiba wuu xumaanayaa. Walaallayaal waxa inagu soo batay wax Mukhaadaraad la yidhaahdo oo khamri leh, xashiishad leh oo kiniin leh oo qofkii iyo mujtamiciiba si weyn ugu fasahaadayaan.” Madaxweynuhu waxa uu shacabka u diray farriin la xidhiidha inay gacmaha isu qabsadaan sidii dagaal wada-jir ah loogu qaadi lahaa mukhaadaraadka da’yarta dhibaatada ku haya ee mustaqbalkooda dilaya,“Muwaaddiniinta Somaliland iyo inta Somaliland jecelba waxan ku waaninayaa in dagaalka mukhaadaraadka la wada galo, wuuna ka weyn yahay in gaar ahi gasho, maalin walbana waxaynu aragnaa maxkamadi xukuntay waanu sii badanayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wa-bilaahi Tawfiiq Qaran News
-
Shiikh Siiro (bidix) iyo Muuse Biixi (midig) Shiikh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaalida ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay soo food saartay nolol adag oo qaarkood baqtiyayaan, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay Xukuumadda Muuse Biixi. Shiikh Siiro oo fagaare Hargeysa ku taalla kala hadlay boqolaal qof oo salaadii Ciida ku tukaday ayaa yiri “Xukuumadda Kulmiye ee hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaan u sheegaynaa in dadkii baqtiyayaan oo ay soo ooteen”. Shiikh Siiro ayaa sheegay in maciishada ay boqolkiiba labaatan 20% kacday ayna jirto shaqo la’aan baahsan, dadkuna u qeybsameen labo daba-qadooda oo midkood uusan awoodin in ay mushaarkooda ku dabiraan caruurta waxbarashadooda. Sidoo kale Shiikha ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay wadooyinka loo xiro iyo ilaalada faraha badan oo shacab qaarkiis dhib kala kulmaan. Hoos ka daawo muuqaalka Shiikh Aadan Siiro PUNTLAND POST The post Somaliland: Shiikh Aadan Siiro oo dhaliil kulul u jeediyay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
-
Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab ayaa u gooddiyay ergada doorashooyinka ee Soomaaliya ee lagu wado inay ka qeybqaataan doorashooyinka soo aaddan. Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubaydah, oo khudbad munaasabadda ciidda awadeed u soo duubay ayaa soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay dhacdooyinkii iyo jahawareerkii bilihii la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Muqdisho ee salka ku hayay waxa ay ku sheegeen doorasho ay dalka ka qabtaan, waa sida uu hadalka u dhigayee. Waxa uu sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan. Abuu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku sheegay in Xerada Xalane madaxda Soomaalida loogaga soo yeeriyo waxwalba oo ay ku dhaqaqaan. Waxa uu madaxda dalka iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan maalmaha ciida iyo is-dhex-galka bulshada kala jinsiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda cadaalada ee maamulkaas. Shacabka ayaa gebi ahaanba looga digay inay isugu tagaan Xeebaha oo halis ka dhalan karto, maadaama badda ay kacsan tahay, ayada oo hay’addaha amaanka la faray in dadka ay ka celiyaan. “Waxaa reebban in dadka loo fasaxo meelaha la isugu tago ee Xeebaha ah, Ciidamada amniga waxaa la farayaa in ay wax ka qabtaan Ragga & Dumarka is dhex-galaya, waxaa la arkay Carruur iyo dad kale oo ku dhintay Badda,” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda DG Jubbaland. Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba la ogoleyn is-dhex-galka raga iyo dumarka oo inta badan maalmaha ciida lagu arko xeebaha. Wasaaradda ayaa soo jeediSay in Ciidamada ammaanka la geeyo Xeebaha si ay uga warqabaan dhaq-dhaqaaqa dadka oo maanta oo kale aad u badan maadaama damaashaadka Ciidda ay ku jiraan. Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu mamnuucay in la qabto bandhig faneen iyo in laga shaqeeyo wax waliba oo abuuri kara amni darro, waxayna sheegtay in dadka ku xad-gudba awaamiirtan ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan laamaha amniga. Si kastaba, arrintaan ayaa imaaneysa xili uu maamulka Jubbaland isku diyaarinayo qabashada doorashada Senatarada Aqalka sare, islamarkaana la adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayada oo waddooyinkana la dhigay Ciidamo baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka kala duwan. The post Jubaland oo soo saartay digniin culus iyo heegan la geliyay ciidanka maamulka appeared first on Caasimada Online.
-
Guud ahaan wadamada Islaamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ee sanadkan Waxaa saaka masaajidyada iyo fagaarayaasha waaweyn ee wadamada Islaamka iyo dalal badan oo ka le laga tukanaya salaada ciida. Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa. Inku dhow boqol kun oo xujay ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan ee Xajka. Hase yeeshee tirada sanadkan oo aad uga yareyd marka lala barbardhigo sanadihii hore ayaa waxaa sababay cudurka Covid 19. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, ayaa kumanaan kamid ah shacabka caasimadda Hargeysa salaadda ciidal Adxaha kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka. Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Ciidal Adxaha si guud ugu duceeyey ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland, isaga oo ka digay Aafada noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo caqliga bulshada saamayn xun ku yeelanaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Walaallayaal diinta, dawladda, qoyska iyo baayac-mushtarkaba waxa ilaaliyaa waa caqliga, waxana innagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, haddii ummaddii caqligii laga xumeeyana, diintii, dalkii, Aakhiradii iyo adduunkiiba wuu xumaanayaa. Walaallayaal waxa inagu soo batay wax Mukhaadaraad la yidhaahdo oo khamri leh, xashiishad leh oo kiniin leh oo qofkii iyo mujtamiciiba si weyn ugu fasahaadayaan.” Madaxweynuhu waxa uu shacabka u diray farriin la xidhiidha inay gacmaha isu qabsadaan sidii dagaal wada-jir ah loogu qaadi lahaa mukhaadaraadka da’yarta dhibaatada ku haya ee mustaqbalkooda dilaya,“Muwaaddiniinta Somaliland iyo inta Somaliland jecelba waxan ku waaninayaa in dagaalka mukhaadaraadka la wada galo, wuuna ka weyn yahay in gaar ahi gasho, maalin walbana waxaynu aragnaa maxkamadi xukuntay waanu sii badanayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cumar Abu-Cubayda oo laga soo duubay hadal dhegaysi ah, ayaa digniin ka soo saaray ka qayb-qaadashada arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Hoggaamiyaha Al-shabaab, ayaa si adag uga digay odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka beelaha, in ay doortaan xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka dalka, isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug-yeelata doorashada. Abu-Cubayda ayaa doorashooyinka ku tilmaamay kuwa dalka lagu gelinayo gumeysi horleh, islamarkaana ay dabada ka riixayaan dalalka Reer Galbeed iyo Beesha Caalamka. Axmed Cumar Abu-Cubayda ayaa sidoo kale cambaarayn kulul u jeediyay warbaahinta Soomaalida oo sheegay in ay caadaysteen been iyo borobagaandho ka dhan ah Al-shabaab, si ay u raalli geliyaan Reer Galbeedka. Amiirka Al-shabaab ayaa hadalkiisu u badnaa digniino iyo hanjabaado ku wajahan cid kasta oo ka qayb-qaadata arrimaha doorashooyinka Soomaaaliya. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Al-shabaab oo digniin adag ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweymihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay munaasabadda Ciidul-Adxa oo maanta Talaado ah ay ku beegan tahay maalintii koowaad oo si weyn loo Ciidayo. Ugu horreyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasadda Ciida u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo dalkana Alle uga baryey amni iyo horumar. “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidd Al-adxa. Waxaan Alle dalkeena uga baryayaa amni iyo horumar,” ayuu yiri. Dhinaca kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo heshiiska laga gaaray. Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxa dhibaatada u keenay ay tahay fulin la’aanta wixii lagu heshiiyey, sidaas daraateedna wuxuu ku baaqay in wax weliba loo fuliyo, sida ay tahay, si looga gaashaanto khilaaf horleh oo yimaada. “Iyada oo shalay aan soo heshiinay Maanta wixii lagu heshiiyay in si kale aan ula dhaqano waa waxa mudada dheer aan dhibaatada ugu jirno, marka waxaan ku baqayaa in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo halkiisii uu yahay heshiiska doorashooyinka ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir. Si kastaba Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, iyada oo haatan lagu wado in la guda-galo doorashada, iyada oo lagu hormarayo soo xilista xildhibaanada. The post Xasan oo war cusub kasoo saaray heshiiska doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxo Burcad hubeysan ah ayaa xalay magaalada CapeTown ee waddanka Koonfur Afrika ay dil, dhaawac iyo Boob hantiyadeed ay u geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed. Alle ha u naxariistee Axmed Macalin Jimcaale, ayaa dhintay halka Walaalkiis ka weyn ee Maxamed Macalin Jimcaale uu dhaawac yahay, kadib markii ay Kooxo hubaysani weerar ku galeen dukaan ay ku lahaayeen Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town. Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii lagu heli lahaa Burcadii ka dambeeysay dilkaas. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana todobaadkii hore rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas lagu dilay ilaa Afar Dhalinyaro Soomaali ah. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu gaystay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya ururada Is-xilqaamayaasha Gobolka ayaa xalay shaqo bilic soo celin ah ka qabtay Laamiga isku xira labada dhinac ee Gaalkacyo. Saraakiisha iyo Is-xilqaamayaasha ayaa ku guulaystay in ay nadiifin ku sameeyaan Laamiga weyn islamarkaana ka qaadaan qashin badan oo daadsanaa dhinacyada Laamiga. Sidoo kale waxay shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada Gaalkacyo. Tallaabadan ayaa ku soo aadday xilli ay ku beegantahay maalinta kowaad ee Ciidda Carafo. PUNTLAND POST The post Shaqa bilic soo celin ah oo xalay laga sameeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Qarax khasaare badan dhaliyay, ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda waddanka Ciraaq, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas. Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo laga iibsanayay dharka ciidda. Dadka ku dhintay qaraxaas ayaa u badnaa qoysas u diyaar-garoobayay dabaal-degga ciidda Carrafo oo ku beegan Talaadada maanta ah. Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo dowladda waddanka Ciraaq aysan weli war rasmiya ka soo saarin khasaaraha qaraxaas. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Eid al-Adha, Arabic for Festival of the Sacrifice, is the latter of the two official holidays celebrated within Islam (the other being Eid al-Fitr). It honours the willingness of Abraham to sacrifice his son Ishmael as an act of obedience to God's command. Source: Hiiraan Online
-
This week, Muslims around the world will finally be able to debut their finest abayas, salwar kameezes, kaftans and thobes they've been saving in the backs of their closets for three pandemic Eids. For a growing number who have rethought their fashion choices during that time, those glitzy, intricately woven pieces will be more sustainable. Source: Hiiraan Online