-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, ayaa maanta oo Khamiis ah lagu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni, ayaa soo dhowayn abaabulan loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana loo xiray dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada. Siciid Deni ayaa mudda bil ku dhowaad ah safar la xiriira ololaha doorashada Soomaaliya ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa Caawa kulan gaar ah la yeelan doona Guddoonka Baarlamanka, si loo dhammaystiro heshiis hordhac oo ay labada dhinac ka gaareen muran siyaasadeed u dhexeeyay. Sidoo kale, waxa la filaya in ay ka wada-hadlaan soo saarista liiska xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Somali PM Mohamed Hussein Roble has received the Gedo Regional Reconciliation Commission's final report on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah yeelanaya fadhiga 16-aad ee Kal-fadhigooda 48aad, kadib markii ay ka soo laabteen fasaxii Ciidda Carrafo. Fadhiga maanta ayaa sida qorshaysan lagu magacaabaya guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan maamulidda doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isna laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka u gudbiyo liiska dadka u tartamaya xubnaha Aqalka sare. Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka dalka ayaa bilaaban doonta Axadda todobaadka soo socda oo ku beegan 25-ka July 2021 sida ku cad jadwalka doorashada. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo maanta magacaabaya guddiga doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji oo uu Welhiyo Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxay Muqdisho kusoo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland Simon Coveney, T.D. iyo xubno kale oo la socday. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Avv.Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda Ireland ayaa si wadajir ah salaan ugu qaatay cutubyo ka tirsam Ciidanka xoogga Dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood. Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha waxaa ku sugnaa oo soo dhaweynta Wafdigan qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar , Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiin kale . PUNTLAND POST The post Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhigiisa dalka Ireland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo mudda bil ku dhow safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa sida la xaqiijiyay safaro la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya wuxu ku tegay dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo aysan jirin xogo dheeriya oo laga helay safarkiisa. Magaalada Garoowe, waxa ka socota qaban-qaabada soo dhowayn ka duwan kuwii hore oo la doonayo in loo sameeyo madaxweyne Siciid Deni, xilli uu ku jiro olole la xiriira doorashada Soomaaliya. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka Puntland u gudbiyo liiska dadka u tartamaya doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Mohamed Musse graduated from SDSU this year with a bachelor’s degree in psychology. This is an amazing accomplishment for one whose life has been filled with uncertainty. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, SOMALIA - Somali terrorist group al-Shabab has threatened to attack electoral delegates who will be choosing lawmakers in parliamentary elections beginning next week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolkaas, oo ay ku qoran yihiin talo so—jeedino la xiriira xalka gobolka. Guddiga xal u raadinta doorashada Gobolka Gedo, kadib u kuurgalis xaaladda Gobolka, gaar ahaan Magaalada Garbahaarey iyo wadatashiyo balaaran oo ay la sameeyeen qaybaha bulshada, masuuliyiin iyo siyaasiyiinba, waxayna ku talo bixinayaan qodobada soo socda in si dhaqso ah loo fuliyo: 1- In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu soo saaro wareegto uu ku amrayo dhammaan ciddii ay quseyso, gaar ahaan Laanta socdaalka, Hay’ada duulista hawada iyo hay’adda nabad sugidda ee ka howlgala garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka Aden Cadde iyo kan Kismaayo in aan Muwaadin aan maxkamadi dambi ku soo oogin aan sabab aragti siyaasadeed darteed loo xanimi karin socdaalkiisa guud ahaan Dalka, gaar ahaanna in la fasaxo diyaaradaha iyo muwaadiniinta u kala safraya Mogadishu – Garbahaarey, Kismaayo – Garbahaarey iyo Garbahaarey – Kismaayo. 2- In isla wareegtadaas uu Ra’iisul Wasaaruhu ku soo saaro, in si waafaqsan heshiiskii 27 May 2021, aysan ciidamada kala duwan wax faragelin ah ku sameyn karin siyaasadda iyo amniga doorashada Dalka, marka laga reebo hay’adaha amniga ee loo xilsaaray fulinta qorshaha amniga doorashada. Amniga doorashada Garbahaareey waxaa loo marayaa si waafaqsan soo jeedintii Baydhabo iyo heshiiskii 27 May 2021 ee Golaha Wadatashiga Qaranka. 3- In Guddiga doorashada Jubaland (SIEIT) uu soo gudbiyo jadwalka goorta ay tagayaan Garbaaharey iyo wakhtiga la bilaabayo doorashada kuraasta 16ka ah. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in la tixgeliyo codsigii Bulshada Garbahaarey ee ahaa in lagu bilaabo doorashada magaalada Garbahaarey. 4- In ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan aagga Garbahaarey ay xoojiyaan amniga guud ee Degmada si looga illaaliyo in Argagixisadu soo farageliso habsami u socodka amniga doorashada Garbahaarey. 5- In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ay si joogta ah uga wadatashadaan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee qabsoomidda doorashada Gobolka si loo hubiyo habsami u socodka doorashada iyo hirgelinta dhammaan heshiisyada fududeynaya xasiloonida iyo nabadda doorashada kuraasta Garbahaarey. 6- Ugu dambeyntii waxaan soo jeedinaynaa in Magaalada Garbahaarey laga hirgaliyo mashaariic horumarineed oo deg deg ah si ay qayb uga qaadato soo kabashada kalsoonida bulshada ee dhanka dowladnimada. Mashaariicda horutabinta leh waxaa ka mid ah 1) In la hagaajiyo biyaha Magaalada 2) Dhismaha garoonka kubbadda cagta 3) In la dhiso suuq dadka ka dhexeeya 4) In la hagaajiyo jidadka Magaalada 5) In meel ku haboon laga hirgaliyo garoonka diyaaradaha. The post Aqriso 6 qodob oo ay soo jeediyeen guddiga loo xil saaray arrinta gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Adeega Muwaadinimada iyo Socdaalka ee dalka Maraykanka waxay ku dhawaaqday inay aqbaleen Codsiyada Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee TPS oo la siinayso Muwaadiniinta Soomaalida ee aan Sharciga lahayn ee ku nool Maraykanka. Shir Jaraa’id oo ay Hay’addu shalay oo Arbaco ahayd qabtay ayey ku iclaamisay inay aqbaleen Codsiyadda Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee Joogitaanka Maraykanka ee TPS ee la siinayso Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Syria, Yemen, Venezuela iyo Myanmar. Muwaadiniinta shantaasi waddan ee loo oggolaaday Joogitaanka Maraykanka waxaa loo oggolaaday inay muddo 2 sano ah ku nolan karaan, kana shaqaysan karaan gudaha Maraykanka. Nidaamka Badbaadada KMG ee Joogitaanka Maraykanka waxaa la siiyaa Muwaadiniinta ay dalalkooda uga soo cararay Masiibooyinka Dabiiciga, Dagaallada iyo Qalaalsaha Siyaasadeed iyo Amni. PUNTLAND POST The post Marykanka oo ogolaaday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan sharci lahayn appeared first on Puntland Post.
-
Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa shalay gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta iyo Bulshada degmada. Sida aan xogta ku helnay, safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ee degmada Cadale ayaa hordhac u ah safar ay maanta halkaas ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Sababta ay Madaxweynayaashii hore u tegayaan Cadale waxaa lagu sheegay inay xal u raadinayaan muran xooggan oo ka taagan kursi xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, kaasi oo ka mid ah kuraasta beesha Harti-Abgaal. Kursiga muranka ka taagan yahay ayaa ah midka HOP141, waxaana hadda ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal. Si kastaba, kursigan ayaa waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone, oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo. Beelaha kursiga sheeganaya ayaa waxay eedeynayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay sheegeen inay siiyeen beel aan xaq u laheyn, ayna tahay in lasoo celiyo. Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inay doonayaan in arrintan xal laga gaaro. The post Maxay tahay xiisadda kursiga xildhibaan ee ay Xasan iyo Shariif u tegayaan CADALE? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo galabta jeediyey khudbad uu uga hadlaayey arrimaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa soo hadal qaaday khilaafka salka ku haya doorashada ee u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay inuu wado wadatashiyo ku aadan arrinta Somaliland, isla markaana meel fiican ay marayaan wadahadalladu. “Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed inaan warbixin ka siiyo arrinta Somaliland meel fiican ayey ii mareysaa, wadahadallo ayaa noo socda siyaasiyiinta, arrinta Somaliland aniga ayaa la ii xil saaray, sida ku cad heshiisyadii laga gaaray doorashada, xal ayaa laga gaarayaa, anigoo la tashanaaya guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed, quluubtiina kheyr u sheega,” ayuu yiri Rooble. Khilaaf xun ayaa ka taagan doorashada guddoonka xubnaha guddiga ah ee maamuli doona doorashada xildhibaanada baarlamaanka federaalka ka soo gelaya Somaliland, waxayna haatan 11-kii xubnood ee guddigaas u kala jabeen laba garab, iyagoo kala doortay laba guddoon iyo ku xigeenadooda. Guddiga doorashada kuraasta Somaliland ayaa u kala jabay 7-xubnood oo taabacsan siyaasiyiinta uu hogaaminayo Mahdi Guuleed iyo 4-xubnood oo taabacsan garabka kale ee uu hoggaaminayo Cabdi Xaashi. 17-kii bishaan qoraal ay soo saareen Xildhibaanada gobollada waqooyi garabka taabacsan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ra’iisul wasaare Rooble loogu jeediyey eedeeyn ah inuu ku guul-darestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah. “Sida an dhigayo heshiiskii 27 May waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha. Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkii xilligaas ka soo baxay siyaasiyiinta waqooyi garabka Cabdi Xaashi. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in xiligaan uusan laheyn wax han siyaasadeed ah, isla markaana uu u tanaasulay danta shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna uusan ogolaa doonin, uuna codsanayo in meel looga soo wada jeesto qof kasta oo isku daya ama shaki geliya howlaha doorashada ee socda. “Shacabka Soomaaliyeedow ducadiina waa masoo gaartay, sidii aan horay idinkugu sheegay Xildhibaan uma socdo, Senator uma socdo, oo madaxweyne ma rabo, dartiin ayaan u tanaasulay, hadii aana taasulin doorasho cadaalad ah ma qabanayo, marka waxaan rabaa inaan meel uga soo wada jeesano qof kasta oo isku daya inuu caqmrqaladeeyo howlaha wanaagsan ee socda, waxaan leeyahay siyaasiyiinta cayaartu waxay ka socotaa gobollada, doorashada labada Aqal waa ay bilaabatay, tan Madaxweynaha waxaan is arki doonaa October,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. The post Rooble oo war kasoo saaray khilaafka doorashooyinka ee siyaasiyiinta Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasi Cali Guray oo si farshaxnimo ah uga hadlay Booqashada Guriga Siilanyo ku tageen labada Xildhibaan ee ku loolamaya Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land Cajiib! Kursigii Gudoomiyaha Wakiiladu ma odaygii Axmed oo siyaasad meel iska dhigay sidii uu xilka uga degayba agtiisana ma laga baadhbaadhayaa? Hadii ay sidaa tahay waa salaan aan niyo ahayn ee muraad ah. Kursiga waxa haya codka 82ka Xildhibaan ee la soo doortay labadooda hadba kii hela aqlabiyad 42 cod ama ka badan ah ayuun baa ku fadhiisan doona hadii Allah yidhaa ee yaan meelo kale wakhti la iskaga lumin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iimaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay khilaaf xoog leh oo ka taagan mid ka mid ah kuraasta beesha ee golaha shacabka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP141. Kursigaas waxaa hada ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal. Imaamka ayaa sheegay in hadallada ay warbaahinta isku marinayaan xubno u dhashay beesha oo Jawaahir Baarqab uu ka carabaabay uu aad u dhibsaday aysana habooneyn, isla markaana loo baahan yahay in si walaalnimo ah wax loo qeybsado. “Walaalayaalow nama qabato in dadkeenu is cambaareeyaan oo la dhaho reer hebel ayaa xaqeena cunaye hamatageen, taas nama qabato walaalayaalow, hadaan tusaale u soo qaato Harti-Abgaal waxaan leeyahay walaalayaal Cadale lama kala xigo… kursigaas waa naga wada maqan yahay oo Xasan-Warante ayaa nagala wareegay hadaan Harti-Abgaal nahay,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Anigo odaygii Mudullood ayaan ahay u kala eexa maayo, warka kusigaas ku saabsan waa i dhibay, sababtoo ah nin wixiisii meesha uu ka baxshey og ayaa ku leh hebel ayaan wax laleeyahay, maalin dhaweetana waxaan maqlaayey ha matageen reer hebel, warkaas waa i dhibay, waxaana tiri Ina Baarqab. Ina Baarqab waxaan leeyahay walaaley Gob lama matajiyee joog, walaxaa ku saarane meel fariiso.” Kursigan khilaafka abuuray waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone, oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo. Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray degmada Cadale. Sida aan xogta ku helnayna safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hordhac u ah safar ay maanta degmada Cadale ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Sababta ay Madaxweynayaashii hore u tegayaan Cadale waxaa lagu sheegay inay xal u raadinayaan muran xooggan oo ka taagan lahaanshaha kursiga tirsigiisu yahay HOP141. Beelaha kursiga sheeganaya ayaa waxay eedeynayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay sheegeen inay siiyeen beel aan xaq u laheyn, ayna tahay in lasoo celiyo. Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay aad u daneynayaan in khilaafka hareeyey kursigaa xal rasmi ah laga gaaro. Hoos ka daawo Iimaamka The post Video: Imaamka Mudulood oo war kasoo saaray khilaafka ka taagan kursiga Hope141 appeared first on Caasimada Online.
-
Siciid Deniga Puntland oo Olole ugu jira inuu noqdo Madaxweynaha Somalia+Wasiiladu u maraayo Damaciisa & qorshihiisa oo wax laga ogaadey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ku jira olole doorasho oo aan shaacsaneyn, oo uu ku doonayo xilka madaxweynaha Soomaaliya. Deni ayaa inkasta oo uusan weli si rasmi ah u shaacin damaciisa, haddana wuxuu qaadayaa tallaabooyin si cad u muujinaya inuu doonayo inuu la wareego kursiga uu hadda ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sababta Deni uusan weli ugu dhowaaqin musharaxnimadiisa madaxweyne, ayaa ah inay su’aal gelin karto dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo. Si kastaba, Deni wuxuu wadaa dadaallo uu taageero ugu raadinayo ololihiisa doorasho, kuna xaqiijinayo soo saarista xildhibaan daacad u ah oo codka siiya. Qorshaha Deni ayaa ah in inta badan xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay noqdaan kuwa isaga taageersan, maadaama doorashooyinkaas ay maamulayaan isaga iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada warfaafinta Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada gobolka Mudug uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, walow uusan shaacin magaciisa & waxa uu qaabilsanaa. Falagle ayaa sheegay in sidoo kale saacadaha la filayo inay isa soo dhiibaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo koox-koox u socdo, sida uu hadalka u dhigay. “Waa jiraa sarkaal sare oo isku soo dhiibay ciidamada Galmudug sidoo kale saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay Number badan isu soo dhiibaan, iyaga oo koox koox u socda,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay keentay culeeska la saaray kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada huwabta ay sare u qaadeen howl-gallada iyo dagaallada ay ka wadaan deegaanada dhaca koonfurta Mudug ee bartamaha dalka. Wasiirka ayaa xusay in dhalinyarada ka bar-bar dagaalameysa Al-Shabaab ee haatan ku sugan Galmudug in laga keenay meelo fog-fog, isla-markaana lasoo qalday. “Waxaan is-leeyahay culeeska dagaal ee saaran wuxuu ahaa abid kii ugu cuslaa oo fuula, marka culeeskaas ayey aad u dareemayaan oo meesha ka jira, waxayna dadka u badan yihiin dhalinyaro meelo fog-fog laga keenay oo lasoo qalday,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dhinaca Bacaadweyne Al-Shabaab lagu gaarsiiyey jabkii ugu xooganaa, isaga oo intaasi raaciyey in ciidamada huwanta ee is garabsanaya ay joogaan goobihii lagu dagaalamay. “Dhaawac weyn ayaa la gaarsiiyey ciidamaduna waxay joogaan meelihii ay howl-galladu ka dhaceen, marka arrimahaasi waa arrimo u gaar ah, laakiin barihii ay dagaalladu ka dhaceen gacanta ayey ku jiraan,” ayuu wareysiga markale ku yiri wasiir Axmed Falagle. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo howl-gallo culus ay ka socdaan gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab. The post Xoogaga Shabaab oo billaabay inay isku dhiibaan Galmudug appeared first on Caasimada Online.
-
Dameeraha Somalia oo Daroogo la siiyo+Sababta Dameeraha la daroogeeyay ayaa saacado badan shaqeeya Bariga magaalada Kismaayo xaafad ku taalla oo ay degan yihiin dad danyar ah, waxaan kula kulmay Ibraahim Cumar oo ah nin dhallinyaro ah kuna shaqaysta dameer. Ibraahim wuxuu isku diyaarinayay shaqadiisa maalin laha ah, isagoo daroogeynayay dameerka, si uu saacado badan u shaqeeyo. Subax walba inta uusan shaqada aadin, wuxuu siiyaa dameerka xanuun baabi’iye awood badan oo loo yaqaanno Tramadol. Dhawr xabo oo kaniinkaa ah ayuu ugu daray galleey uu siinayay, ka dibna dameerka ayaa billaabay in uu isku raamsado raashinka iyo daroogada. Sababta uu dameerka u siiyo daroogada, waa in uu waqti badan ku shaqaysto, culays badan ku qaado, waddooyinka bacaadka ahna si fudud ku maro. Wuxuu noo sheegay in wax soosaarku laba jibaarmo marka uu dameerka siiyo Tramadol ka. Ibraahim oo kortaagan ceel uu biyaha ka dhaamiyo ayaa yiri, “Markii hore ee aanan siin jirin, laba biyaajo kama badin jirin, alxamdulillaah, afar biyaajo ayaan ku qaataa, sidii hore hadda ayaa ii dhaanta. Marka, Tramadol siiyoow marka aan galay, hadduu ii socdaaba” Ibraahim Cuma Ibraahim waa aabo xaas iyo sideed caruur ah quudiya, wuxuuna ku dadaalaa sidii uu nolol ugu heli lahaa qoyskiisa. Laakiin ahmiyad ma siinayn caafimaadka dameerka. Intii aan la joognay, mararka qaar waxaan arkaynay dameerka oo ilmeynaya; ilmada ka imaanaysa indhaha dameerka ayaa dhulka ku tifqeysay. Daroogada oo gaartay deegaanada miyiga ah Suuqa dameeraha ee magaalada Kismaayo, waxaa subax walba loo iibkeena ku dhawaad 30 dameer. Inta badan dameerahaas waxaa laga keenaa miyiga magaalada Kismaayo. Siciid Ibraahim oo ah dullaal muddo dheer ka shaqaynayay suuqa ayaa wuxuu noo sheegay in waxyaabihii ugu layaabka badnaa ee uu la kulmay ay ka mid tahay, dameero daroogeysan oo suuqa loogu keenay. Maadaama ay biyoolayaashu door bidaan dameeraha la qabsaday daroogada, Siciid way u dhib yartahay in uu sooco dameeraha la siiyo Tramadol ka . “Dameerkii kaniin la soo siiyay waa la garan karaa,” ayuu yiri Siciid. “Maba istaagaayo, adi qof Tramadol cunay ma arkin miyaa? Maba istaagaayo. Dameerka intuu ka dhexbaxaa! Intuu ka dhexbaxaa! Waa neef maskaxda laga galay.” Dameeruhu way u dhintaan Tramadol-ka Dhaqaatiirtu waxay sheegeen in xanuun baabi’iyahaan aan loogu talogalin dameeraha, dhaawac culusna u geysto xubnaha jirkooda, muddo ka dibna ay ku adkaato in uu shaqeeyo. “Waxaa la keenaa kiisas badan oo ay ka mid tahay dameero Tramadol la siiyay” ayuu yiri Wacays Maxamed oo ah dhakhtar xoolaha daweeya. “Dameerkii inta wax tiro badan la siiyay carrabka xataa uu soo dhacay, oo ay noqotay in aan muddo la tacaalno. Dadkii ilaa hadda dawlad kontorooleysa malahan, Quality Control ayaan jirin. Sababta waxaa waaye, qofkaan waxa uu dameerkiisa siinaayo cid og malahan” Dadka shacabka ah ee macmiilka u ah biyoolayaasha inta badan ma oga in la daroogeeyo dameeraha. Dhawr qof oo aan waydiinay sida ay u arkaan dameeraha daroogeysan ee biyaha loogu keeno, waxay noo sheegeen in aysan wanaagsaneyn in bahaahinka lagu xadgudbo. Xadgudubyada noocan ah waxaa sababay, awoodda dawladeed ee Soomaaliya oo aan dhaqan-gelin karin sharciyada iibka dawooyinka, farmashiyaasha qaarkood oo iibiniya dawooyinka warqad la’aan, iyo bulshada oo aan ku baraarugsanayn daryeelka xayawaanka. Si loo joojiyo, waxaa loo baahan yahay dadaallo wax ku ool ah oo lagu joojinayo in lagu xadgudbo xoolaha. Qaran News
-
Booliska Jarmalka Oo War Cusub Ka soo Saaray Nin Soomaali Ah Oo Hore Dad Ugu Dilay Dalka Jarmalka Gudhiisa Boliska waddanka Jarmalka ayaa shaaciyay in nin Soomaaali ah oo bishii June dhowrka qof ku dilay magaaladda WUERZBURG haatan loo wareejiyey Isbitaalka lagu daaweeeyo Cuddurka Dhimirka. Hadal ka soo baxay Boliska BAVARIA iyo Baarayaasha ayaa lagu muujiyey in aanuu ninkaasi wax xidhiidh ah la lahayn Kooxda Daacish ama Ururo kale, isla markaana aanay jirin cid ku wehlisay weerarkii Tooreyda ee uu ku dilay 3 Haween, kuna dhaawacay 5 kale. Boliska waxaa kaloo baadheen Telefoonkii uu lahaa Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, iyagoo ka waayey xidhiidh uu la sameeyey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ama kooxo kale. Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay oo 25 jir ah waxa horey looga daaweeyey Xanuunka Dhimirka, sida ay xaqiijiyeen Baadhayaasha iyo Dhakhaatiirta Jarmalka. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Isbaheysiga Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee horaanta bishii hore lagu dhawaaqay ayaa xiligan wajahaya culeys hor leh, oo fashilin kara qorshihii uu mucaaridka ka lahaa isbaheysigaas, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xubno sarre oo ka tirsan xisbiyada Waddani iyo Ucid oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Isbaheysiga mucaaridka uu wajahayo culeys hor leh, midaasi oo uu ka dambeeyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi. “Isbaheysigii mucaaridka wejigiisi koowaad ee hoggaanka golaha deegaanka waa hirgelay, laakiin wajigii labaad ee guddoonka Wakiiladda ayaa fashil ku dhow, waxa soo fara-geliyay madaxweynaha oo isagu dabada ku wata wasiirkiisi hore, wuxuuna ku fan-gareynayaa lacagtii dowladda,” ayuu yiri mid kamid xubnaha mucaaridka ah ee la hadlay Caasimada Online. Sidoo kale waxay sheegen in madaxweynaha uu lacag badan ku kala fur-furay xildhibaanadii labada xisbi ee ayagu qeybta ka ahaa isbaheysigii mucaaridka, taasi oo meesha ka saareysa in xisbiyada Waddani iyo Ucid ay ka aqlabiyad bataan xisbiga Kulmiye. Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu guddoomiyaha golaha wakiilada oo ah Golaha keliya ee la horgeeyo inta badan heshiisyada xukuumadda la rabaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda, Yaasiin Faratoon, oo asagu kal hore iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi. Yaasiin Faratoon oo saaxiib dhow yihiin Muuse Biixi ayaa xiligan haysta codka inta badan xildhibaanada Golaha, ka gadaal markii ay xukuumadda kharash badan ku kala fur-furtay isbaheysiga mucaaridka, inkasta oo la ogeyn halka ay arrintaan ku biyo shuban doonto. The post Xog: Isbaheysiga mucaaradka SOMALILAND oo wajahaya culeys hor leh + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanno ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo uu horkacayo Murrashax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo. Xubnahan Xildhibaannada ah ee Xildhibaan Faratoon la socday, ayaa Axmed Siillaanyo ugu tegay salaan iyo bariidin, madaama oo lagu jiro maalmihii Ciidda. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo isna ah murrashax Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee isbahaysiga Mucaaradka ayaa hore u booqday Guriga Axmed Siillaanyo, halkaas oo booqasho salaan ah ugu tegay. Salaantan igu sawirtu weheliso, ayaa u muuqata mid qayb ah ololaha loogu kursiga Golaha Wakiillada, oo meel xasaasi ah maraysa, inkasta oo dadka siyaasadda falan-qeeyaa ay tilmaamayaan in aanay sawiradan Xaaji Axmed Siillaanyo aanay waxba ka tarayn kasbashada Xildhibaannada ee labada dhinac ku hawlan yihiin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowaan lagu celiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo loo diiday inay u dhoofaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Rooble ayaa cod adag ku sheegay in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan. “Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, mahaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Qof garoomada diyaaradaha lagu hor istaagi karo ma jirto, diyaaradaha socdaalka waxaan farayaa in cidii ka hor timaada safaradooda magaalo ka magaalo ay si toos ah iila soo wadaagaan, tallaabaan ka qaadayaa, waa xaq dastuuri ah cid aan ka yeeleyno ma jirto.” Caasimada Online ayaa 8-dii bishan qortay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray dad gaaraya ku dhawaad 40 qof, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo. Dadkaan oo u badan shacab ayaa sababsaday laba qof oo lagu sheegay siyaasiin degaanka u dhashay, sidoo kalane ahaa mucaaradka Villa Somalia, waxaana la joojiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda. Ciidanka NISA ee ku sugan garoonka ayaa sheegay in baaritaan ku sameynayeen laba qof oo rakaabka ka mid ahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar qarsoodi ah oo dhigaya in Garbahaareey diyaarad kasta oo u socoto ay marka hore soo maraan ciidamada amniga iyadoo loo digay shirkadaha diyaaradaha dalka. Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Hoos ka daawo Ra’iisul Wasaare Rooble. The post Daawo R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono in dad safraya laga celiyo garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.