Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya. Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in Al-Shabaab xubno ay wadato ay u galaan baarlamanka Soomaaliya. “Waxaan la fariisanay afar qof oo kamid ah qeybaha bulshada oo ay u yeereen waxayna dhamaantood kala hadleen arrimaha doorashada, ma rabo inaa ku siiyo xogta oo dhameystiran laakiin waxaan kuu sheegayaa in sanadkaan Al-Shabaab dhaq dhaqaaq xoog leh wadaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’aaha ammaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Al-Shabaab dadka ay u waceen ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah, kuwa ay rabaan in ay Xildhibaano ka dhigtaan iyo kuwa ka shaqeeya sidii ay Al-Shabaab xubno baarlamaan u heli lahaayeen. “Al-Shabaab waxay rabaan in dad la yaqaano oo aan laga shakin doonin in ay Xildhibaano ka dhigtaan waxayna dhax-galayaan bahda waxbarashada iyo ganacsatada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalka la hadlay Caasimada Online. Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya looga digay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan doorashada Soomaaliya, ayaga oo horey ugu yeeray odayaasha soo xulaya ergooyinka, waxaana muuqato in qorshahaas uu hadda banaanka u soo baxayo. The post Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen. Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Mikateriga iyo booliska Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ay mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade. Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habar-gidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaharkood. Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay. Lama oga saameynta ka dhalan karta go’aanka mushaarka looga joojiyay ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lamagac baxay Badbaado Qaran. Qaar kamid saraakiisha mushaarka laga joojiyay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu beegsi gaar ah ku haayo taliyaha Mikateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, balse Caasimada Online ma helin cadeymo arrintaas la xariira. Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga. The post Xog: Ciidan Badbaado Qaran ah oo u badan hal beel oo mushaharka laga joojiyey appeared first on Caasimada Online.
  3. Masuulka F.C.Waraabe u magacaabay Xilkii uu ka caydhiyey Xildhibaan Qodax Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya saddex dhibaato oo waa weyn kuwaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sanado kadib mana muuqato dhaq dhaqaaq socda oo dhinaca dowladda ah si wax looga qabto arrintaan. Waxyaabaha ugu daran ee hadda ka jira Gobalka Banaadir ayaa kala ah 1- Nadaafadda – Dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wajahaya nadaafad darro xoog leh iyo biyo wasaqeysan oo gooyay waddooyinka qaar ee Muqdisho. Xaafadaha qaar ayaa la sheegay in looga guurayo biyo aad u wasaqeysan oo sanado badan iska yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho. 2- Mushaar la’aan – In badan oo ka mid ah shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa bishii saddexaad mushaar la’aan ah lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa. Bilihii May, June iyo July oo aan wali dhammaanin ayaa qaar kamid ah shaqaalaha gobolka la siinin mushaar. Sidoo kale, waxaa sanadkii labaad aan lacag la siinin Macalimintii ilaaliyay Imtixaanka dugsiga dhexe ee uu qaado Maamulka Gobalka Banaadir. 3- Khilaafka Masuuliyiinta – Muddo bilooyin ah waxaa jiro khilaaf curyaamiyay shaqada gobalka Banaadir, kaas oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda. Labadaan mudane ayaa isku khilaafay waxyaabo la xariira dhinaca maaliyadda ilaa haddana laguma guuleysan in la xaliyo. Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa warbaahinta ka sheegay maalmo ka hor in 60-ka maalmood ee soo aadan Muqdisho looga guuri doono nadaafad darro, isagoo baaq u diray madaxda gobalka Banaadir iyo shacabka Muqdisho. Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeeray biyo muddo sanad ah dhax fadhiyo waddada 30-ka gaar ahaan aagga Daalo, isagoo sheegay in dhawaan wax laga qaban doono. Ceel-qalow, Daalo, Fagax, Iskuul Buluusiya, SII SII iyo goobo kale ayaa ah meelaha ugu daran ee nadaafad darrada Muqdisho,iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta shacabka Muqdisho. The post Gobolka Banaadir oo saddex dhibaato oo weyn wajahaya appeared first on Caasimada Online.
  5. TPLF oo Jihooyin cusub u rartay Dagaalkii+ weeraro ay ku qaadey Qowmiyado kale Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF. Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd. Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta. “Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen. “Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka. Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray. Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya. Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin. Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus. “Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday. Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey. “Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew. Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya. Howl-galka oo mid ballaaran ayaa waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay howl-galkan ku khaarijiyeen 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo gaar ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada laga sameeyey howl-gallada, isla-markaana ay cagta mariyeen goobahaasi oo ay ku sheegeen in laga soo abaabuli jiray weeraro. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga dalka. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo. Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay si aadka ah ugu xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabula halkaasi. Si kastaba howl-galka Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa qeyb ka ah howl-gallo saf ballaaran ah oo ciidamada huwanta ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Sawirro: DF oo shaacisay inay howl-gal culus ku khaarijisay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  7. Wasiirka Deegaanka S/land Oo Shaacisay Goobta loo rarayo Duur Joogta Shacabku Haystaan Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay in ay dhawaan duur joogta ay dadka shacabka ahi haystaan loo rarri doono xarunta xanaanaynta xayawaanka ee Debis. Xarunta Debis oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, ayay wasaaradda deegaanka Somaliland gacanta ku haysay labadii sanadood ee u danbeeyay, isla markaana ay imika ka socotaa diyaarintaa qaybtii la dejin lahaa duur joogta Dugaagga ah. Halkaasoo ay imika joogaan tiro badan oo ka mida duur joogta kala duwan ee ay gacanta ku hayso wasaaradda deegaanka Somaliland, kuwaasoo isugu jira Deerro, Goodirro, Sakaarro, Adeeryo, Cawl, iyo noocyo kale. Wasiirka deegaanka Somaliland oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi oo kormeer ku tegay xarunta xanaanaynta duur joogta ee Debis, ayaa sheegtay in dhawaan ay xaruntaasi gayn doonaan duur joogta ay gacanta ku hayaan dadka shacabka. Wasiirku waxa ay tilmaantay in xarunta Debis oo ay ku jiraan duur joogta kala duwan in la qorsheeyay sidii dhawaan loogu soo darri lahaa in la geeyo duur joogta Dugaaga ah, sida Harimacadka iyo noocyo kale. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi, “Xaruntani oo markii hore ay haayado naga caawinayeen, imika na ay wasaaradda deegaanku gacanta ku hayso. Waxaa jooga shaqaale joogto ah, oo si fiican uga shaqeeya, oo deggan xarunta. Duur joogtii laga keenay Hargaysa ayaa jooga, qaar kaloo iyaguna meello kale laga keenay ayaa jooga. Waxaa iyaguna imika dhamaaday, xarumihii loogu tallo galay in lagu hayo Libaaxyadda, iyo Harimacadka. Harimacadka, iyagana waa loo diyaariyay meeshoodii”. “Intii danbe oo dhan dawladda Somaliland ayaa kharashka maalgelinaysay. Si wanaagsan ayuuna dhimismihii u socdaa. Muddo dheer ayaanay qaadanaysaa inta ay si wanaagsan isugu dubo dhacayso. Waana wax qorshaysan, oo qorshaheedda gacanta lagu hayo. Si wanaagsan ayaanu u socdaa. Meeshan oo markii hore Seerre-kaymeed ahayd, ayaa loo gartay in ay nqoto xarunta lagu xanaaneeyo duur joogta noocyadeedda kala duwan. Waana la soo kordhin doonaa xaruntani.” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare. Geesta kale, wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ku boorisay bulshadda in ay joojiyaan xayawaanka ay duurka ka soo qabsanayaan ee ay guryahoodda ama hudheeladda ku haystaan. Xayawaankaasi oo ay sheegtay in ay dhibaato ku qabaan meelaha lagu hayo, sidoo kalena ay dadka laftoodu dhibaato ku qabaan. Waxaanay tidhi wasiirku, “Dadka waxaan leeyahay duur joogtan aad dhulkeedii ka soo guranaysaan iska daaya. Xayawaankiina dhib bay ku tahay, dadkii hayayna dhib bay ku tahay. Markaa dhulkoodda in loo daayo ayaa loo baahan yahay”. Wasaaradda deegaanka Somaliland waxaa ka caawiyay bilawgii xaruntaasi haayado caalami ah oo kala duwan. Balse labadii sanadood ee u danbeeyay waxaa ka gacan siinaysay wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Wasiirka Shukri Baandare, ayaa ugu baaqday cid kastoo danaynaysa in ay gacan ka siiso caawinta xaruntaasi in ay soo dhawaynayaan. “Cidii doonaysa in ay Garrab nagu siiso, waanu soo dhawaynaynaa. Hore na waa la noola soo shaqeeyay, imika na diyaar ayaanu u nahay cidii nagala shaqaynaysa. Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa” ayay tidhi wasiirku. Qaran News
  8. 10-ka Dal ee Dunida dhaqaalaha ugu badan ku bixiya Ciidankooda Millateriga? Qiimaha iibka hubka ee adduunka ayaa kor u kacay ilaa $1981 bilyan sanadkii hore, taas oo ka dhigan koror dhan 2.6 boqolkiiba marka loo eego sanadka 2019 sida lagu sheegay xog cusub oo uu daabacay machadka cilmibaarista nabada ee Stockholm [SIPRI}. Waddamada lacagta ugu badan galiyey sanadkii 2020-kii oo 62% ku bixiyay hubka aduunka waxaa ka mid ah Mareykanka Shiinaha, Hindiya iyo Ruushka. Iibsashada hubka Shiinaha ayaa kordhay 26 jeer. Sannadkii 2017 Mareykanku wuxuu 3.1 boqolkiiba dakhligiisa ku kharash gareeyay hubka, oo ah rubuc ka mid ah qarashka guud ee qaranku ku bixiyo hubka, sida laga soo xigtay SIPRI. Halkaas, waxaa ka cad in Washington aysan ka mid ahayn 20-ka dowladood ee hantidooda u adeegsada iibsashada hubka militariga. Waa kuwan 10ka dal ee ugu sareeya liiska. 10.- Bahrain . Baxreyn waxaa xukumi jiray boqortooyo Sunni ah laakiin muwaadiniinteeda badankood waa Muslimiin Shiico ah, arintaas oo horseedday xiisad. Sannadkii 2011-kii, xilligii Kacaankii Carabta, ciidammo ka socda Golaha Gacanka Carbeed ayaa la geeyay waddanka si ay u joojiyaan dibadbaxyada. Sanadkii 2017 qarankaas waxa uu u qoondeeyey $ 1,396m in lagu kharash gareeyo waaxda difaaca boqolkiiba 4.1 dakhligeeda sida ku xusan qiyaasaha machadka SIPRI. 9.- Rusia Sannadkii 2017, Ruushka ayaa markii ugu horreysay hoos u dhigay qarashka ku baxa qalabka milatariga tan iyo 1998, isaga oo yareeyay qarashkiisa 20 boqolkiiba illaa $ 66,335m, una dhiganta 4.3 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha. Sida laga soo xigtay Siemon Wezeman, madaxa baadheyaasha ee SIPRI, dhimista waxaa sabab u ah dhibaatada dhaqaale ee qarankaasi la kulmay tan iyo 2014, maxaa yeelay xoojinta ciidanka gaar ahaan heerarka casriga ah ayaa ay mudnaanta siisay Moscow. 8.- Lebanon Tobanka waddan ee culeyska milatari ee adduunka haysta, lix ka mid ahi waxay ka yimaadeen Bariga Dhexe. Waddanka Lubnaan ayaa ka mid ah. Lubnaan ayaa ku dhex jirtay dagaal sokeeye intii u dhaxeysay 1975 iyo 1990 wixii markaa ka dambeeyay nolosheeda siyaasadeed waxaa ka muuqanayay kala qeybsanaan qoto dheer. Siyaasaddeeda gudaha iyo dibada waxaa saameyn ku yeeshay dowladaha deriska la ah Siiriya, iyo waliba awooda kooxda xagjirka ah ee Xisbullah ee sanadkii 2006 dagaalka kula jirtay Israel. Kharashaadkeeda militari wuxuu gaadhay $ 2,441m oo u dhiganta 4.5% waxsoosaarka guud ee gudaha. 7.- Israel Tan iyo markii la aasaasay 1948, Israa’iil waxaa ku hareeraysnaa goobo ay qoloba qolada kale u aragto cadaw. Xaaladda ayaa se degtay ka dib markii ay heshiis nabadeed la saxiixdeen Masar 1979 iyo Jordan 1994 . Si kastaba ha ahaatee qarankan ayaa sii ahaaneyey meel khatar ah, gaar ahaan dhanka xuduudaha uu la leeyahay Syria, sidaas oo kale waxa khatartaas qayb ka ah ururka xisbulaah oo isbahaysi la ah Iran, taas oo ka dhigan Israel ay ka dhigan tahay meelaha ugu halista badan. Sida laga soo xigtay Sipri, ciidanka Israel ilaa 2017 waxay qarash gareeyeen $ 16,489m taas oo u dhiganta 4.7% wax soo saarkeeda. 6.- Jordan Sannadkii 1967-dii, intii lagu guda jiray dagaal lix maalmood socday oo ka dhan ah Israa’iil, qaranku wuxuu lumiyay Daanta Galbeed iyo dhulalkii Qudus ee la haystay tan iyo dagaalkii 1948 ee Carabta iyo Israa’iil. Sannadkii 1984, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Israa’iil, tallaabadaas oo aan ka difaaceynin dhibaatada amni ee ka jirta gobolka, sida dowladda Islaamiga ah. Sanadkii 2017, waxay u qoondeysay $ 1,939m waaxda difaaca, oo u dhiganta 4.8% wax soo saarka guud ee gudaha. 5.- Algeria Aljeeriya waxay soo martay xilliyadii ugu xumaa ee rabshado soo maray taariikhdeeda iyada oo ah qaran madax-bannaan oo bilaabmay 1962. Qeybahan waxaa ka mid ah xiisadaha u dhexeeya kooxaha diinta iyo kuwa cilmaaniga ah ee dalkaas. . Intii u dhaxeysay 1992 iyo 1998, qaranku wuxuu galay dagaal sokeeye oo sababay in ka badan 100,000 oo qof oo ku dhinta ka dib markii la joojiyey doorashooyinkii ay kooxda badbaadada Islaamku u muuqatay inay ku guulaysteen. Tan iyo waagaas, qaranku waxaa dalkaasi sii gelayey xaald rebshado ah, laakiin waxaa sidoo kale haldheeyey weerarada kooxaha xagjirka ah sida Al Qaacida ee ka soo jeeda Maghrib. Sannadkii 2017, waxay diiwaangelisay Sipri in kharashkeeda dhanka hubka lagu qiyaasay $ 10,073m oo u dhiganta 5.7% ee waxsoosaarka guud ee gudaha. 4.- Kuwait Iyada oo leh dhul dhan 17,818 kilomitir iyo in ka yar hal milyan oo qof, Kuwait waa dal yar oo ay ku hareeraysan yihiin derisyo kala ah: Sacuudi Carabiya, Iiraan iyo Ciraaq. Waxaana ku dhex yaalla dhowr xero oo Mareykan ah halkaas oo qaar ka mid ah xoogagga isbahaysiga caalamiga ee dagaalka kula jira kooxaha dowladda Islaamka ay ka duulaan. Sanadkii 2017, waxay u qoondeysay $ 6,831m, oo u dhiganta 5.8% wax soo saarka guud ee gudaha dhinaca millateriga. . 3.- Congo Jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee Congo waxay ku bixisaa 6.2 boqolkiiba waxsoosaarka guud ee dalka, Jamhuuriyaddani, waa waddanka ugu badan Afrika ee u qoondeeya hantida ugu badan waaxda difaaca, iyagoo u qoondeeyay $ 484m sida ku cad qiyaas laga sameeyey Qubrus. Qarankan ayaa la kulmay tiro khilaafyo gudaha ah oo uu horseed ka ahaa Denis Sassou-Nguesso, oo ahaa askari hore oo xukumi jiray dalka intii u dhaxeysay 1979 iyo 1992 oo dib ugu soo noqday xukunka 1997 oo ilaa maanta jooga. 2.- Saudi Arabia Tan iyo sanadkii 2015, dowladda Sacuudiga ayaa hogaamineysay koox ka qayb ka ah dagaalka Yemen ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee Iran taageerto. Dhacdooyinkani waa mid ka mid ah kuwa yar ee ay Riyadh iyo Tehran ugu dagaallamayaan gacan ku haynta siyaasadda, iyo dhaqaalaha ee dhammaan gobolka Bariga Dhexe. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ka qeyb qaadata isbaheysi caalami ah oo ka dhan ah kooxda la baxday dowladda Islaamka. Sida laga soo xigtay Sipri qaranku wuxuu meel dhigay $ 69,413m oo u dhiganta 10 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha si ay u geliyaan dhinaca difaaca. 1.- Oman Boqortooyada Cummaan waxay ku taal aagga istiraatiijiga ah ee Wabiga Hormuz, oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalku maraan iyo kuwa deriska la ah sida Iran, Saudi Arabia iyo Yemen, Boqortooyada Cumaan waxay kordhisay qarashka ku baxa militariga dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Xaqiiqdu waxay tahay inay tahay qaranka keliya ee adduunka ee inta badan lacagteeda ku bixisa qaybta difaaca. 2017, qaranku wuxuu qoondeeyay $ 8,686m oo u dhiganta 12% wax soo saarka guud ee gudaha. Qaran News
  9. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo sagootiyay ciidamo loo dirayo Tigray Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska. Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF. Ciidamadan ayaa la geynaya jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray Qaran News
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xibsiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Xildhibaano ka tirsan xisbigiisa oo heshiis la galay xisbul xaakimka Kulmiye, kaasi oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, ayna wajahi doonaan cawaaqib adag. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanadaas oo qeyb ka noqday qorshe uu wato Muuse Biixi, islamarkaana isku dayey inay meesha ka saaran isbaheysigii ay xisbiyada mucaaridka sameysteen si ay xisbul xaakimka Kulmiye uga horjoogsadaan in uu saameyn ku yeesho hogaanka sarre ee golaha wakiilada Somaliland. Waxa uu heshiiskaas ku macneeyay mid “hareer-marsan xeerka iyo dastuurka xisbiga Ucid”, islamarkaana la marsiin doono cawaaqib adag, inkasta oo uusan si cad u sheegin nooca tallaabo ay ka qaadanayaan xildhibaanada, balse sida ugu dhaqsaha badan u wajahi doonaan. Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imanaya maalin un kadib markii ay xildhibaano ka tirsan xisbiga Ucid iyo Kulmiye ku dhawaaqeen heshiis is-afgarad oo ay iskaga taageerayaan doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ee soo aaddan, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi u wado Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland. Heshiiska shalay ayaa ahaa mid lama filaan ah, maadama ay hore xisbiyada mucaaridka u sameysteen isbaheysi cusub, si ay xildhibaanada xisbiyada Ucid iyo Waddani u kala qeybsadaan hogaanka golayaasha deegaanka iyo wakiilada. The post Xildhibaano la saftay Biixi oo wajahaya ‘cawaaqib adag’ appeared first on Caasimada Online.
  11. Golaha midowga musharixiinta xilka madaxweyne ayaa walaac ka muujiyay sida ay socdaan howlaha doorashada islamarkaana baaq u diray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Golaha ayay ka soo saareen bayaan ay ku caddeynayaan qodobada caqabada ku hor-gudban habsami u socodka hannaanka doorashada. Golaha ayaa shir deg deg ah u soo jeediyay in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-gobolleedyadyada, si ay uga tashtaan caqabadaha hadda taagan. Sidoo kale golaha ayaa sheegay in ay weli jirto faragalin uu nidaamka doorashada ku hayo madaxweyne Farmaajo. Walaaca golaha ayaa ku soo aadaya xili dhowaan guddiga doorashada ay soo saareen jadwalka doorashada xildhibaanada labada aqal ee baarlamaaka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo walaac ka muujiyay qabsoomidda doorashada appeared first on Puntland Post.
  12. Shirka Wafuuda labada dhinac uga socday Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa ku guul-daraystay inay Heshiis Xabbad-joojin gaaraan muddada lagu jiro Maalmaha Ciidda Al-Adxa oo berrito loo dabaaldegayo. Afhayeenka Xafiiska Ururka Daalibaan ku leeyihiin Caasimadda Qatar, Maxamed Naciim ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, Kulan 2 maalmood oo ay Ergooyinka Taalibaan iyo Dowladda Afganistan yeesheen. Waxa uu xusay in lagu heshiis waayey Xabbad-joojin iyop in Maxaabiista Taalibaan la sii daayo. Warar ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in la gaaro Heshiis Xabbad-joojin socon doonta maalmaha lgu guda-jiro Ciidda, balse, ma jiraan war rasmi ah oo Ururka Daalibaan xaqiijiyeen. PUNTLAND POST The post Dowlada Afgaanistaan iyo Daalibaan oo ku fashilmay in ay xabad-joojin gaaraan appeared first on Puntland Post.
  13. Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa hawlgalo mina baaris ah ka wada degaanka Camaara oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug. Ciidamada ayaa shalay gelinkii hore waxaa ay dagaal kula wareegeen degaanka Camaara, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay Ciidamada weerareen degaanka. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay degaanka ka nadiifinayan miinooyinka ay ku aaseen Al-shabaab mudadii dagaalladu ka socdeen Camaara iyo nawaaxigeeda. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Danab oo hawlgalo ka wada koonfurt Mudug appeared first on Puntland Post.
  14. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda ugu baaqaysaa inay sii dayso dadka sifaha aan sharciga ahayn uxidhan. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysaa inay sii dayso 42 qof ee u xidhan calanka Somaliya, kuwaas oo la laga soo xidhay Boorama, 26 June 2021. Dadkaasi waxay ku kala xidhan yihiin Boorama iyo Gabilay, ilaa hadana wax maxkamad ah lama hor geyn, wax danbi ah oo lagu soo oo gayna majiro. Dadka xidhan 7 kamid ahi waxay ku xidhan yihiin Boorama, hal ka ay 35 kale na ku xidhan yihiin Gabilay. Sida ku cad Qodobka 25 (2) “ee dastuurka Somaliland “ Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn”. Sharcigu waxa uu mabnuucaya in qofka loo xidho sifo aan sharci ahayn, lana hayo in ka badan 48 saacadood sida ku cad Qodobka 27 (2) ee Datuurka. 13 Julay 2021, waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku booqatay xabsiga Gabilay, oo ay ku xidhan yihiin 35 hablood oo Boorama laga soo xidhay, si ay ugu kuurgasho xaaladooda, waana laga horjoogsatay xarunta booqashadaas. Xaruntu waxay la kulantay oo waraysi siiyay qaar ka mida eheladii dad ku ka xidhanyihiin, kuwaas oo xarunta uga waramay inaan loo ogalayn inay dadka ka xidhan booqdaan. Qodobka 27 (1) waxa uu jideeyay “qofka xoriyadisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay sida ugu dhaqsaha badanleh inuu ula kulmo eheladisa” Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah. Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta. Qodobka 32 (1)” waxa u damaanad qaadayaa in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah amaba qaabkale.” Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan usii dayso dhamaan dadka xidhan, isla markana ixtiraamto dastuurka dalka. Yaasmiin Cumar X. aaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana Press release Human Rights Centre calls on the government to release 42 arbitrary detainees. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to release 42 people arbitrarily detained without charges for showing Somalia’s flag on 26 June 2021. They are detained in two different prisons, and they are not charged with a crime. On 13 July 2021, Human Rights Centre visited Gabiley Prison to inquire about the wellbeing of the individuals detained from Borama for wearing the Somalia flag outfits. The purpose of the visit was to see the condition in which the detained persons were in and if any of their rights had been violated. The Prison authorities refused Human Rights Centre’s representatives to meet the detainees in the Prison. Human Rights Centre interviewed prison guards and family members. Thirty-five (35) women are detained in Gabiley Prison whom all were detained from Borama on 26 June 2021 for showing Somalia’s flag or wearing flag outfits. The detainees were apprehended without a court warrant. They are not charged with a crime, and they are not brought to court. Additionally, seven (7) people are detained in Borama Prison for the same grounds with the same conditions. According to article 25(2) of the Somaliland constitution, “No person shall be deprived of his/her liberty except in accordance with the law.” The law prohibits detention without a court warrant unless the person is caught in the act of committing a crime. The constitution further states that detained persons “have the right to be brought before a court within 48 (forty-eight) hours of her/his arrest,” according to article 27(2) of the constitution. Family members told HRC that they are not allowed to meet the detainees in Gabiley Prison. Article 27(1) of the constitution states, “Any person who is deprived of his/her liberty has a right to meet as soon as possible his/her legal representative, relatives or any other persons he asks for.” The authorities violate fundamental rights enshrined in Somaliland’s constitution and international human rights instruments. The 42 people are detained without trial for expressing opinion. Article 32(1) of the constitution stipulates that “every citizen shall have the freedom, in accordance with the law, to express his opinions orally, visually, artistically or in writing or in any other way.” We call on the government of Somaliland to release the detainees immediately, stop arbitrary detentions and respect the freedom of expression enshrined in the constitution. Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson, Human Rights Centre, Somaliland Twitter: @hrcsomaliland — Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Somaliland Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality. Connect wit us: https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland Qaran News
  15. My take out of that debate was disappointing indeed Whether they deliberately disregarded or unconsciously omitted They didn’t sufficiently talked about what the diaspora is to Somaliland 1_ the Diaspora saved Somaliland during the Afwayni economic strangulation 2_ they were the back bone of SNM the Somaliland libration 3_ they were the only resources for the reconstruction of the new liberated Somaliland 4_ They were and still are the economical resources of hundreds of thousands of Somaliland families. 5_ they have invested the country mentally and materially. They built Somaliland 6_ Around 80% of the national budget of all the successive governments of Somaliland came and still comes from diaspora the debaters called “qorba joog” As Somaliland forgot the martyrs who sacrificed their lives for Somaliland the debaters did intentionaly forgot what the diaspora did for their country. It was all envy and ignorance The qorba joog and the wolqol joog was created by the Afwani suicidal regime. We all became refugees, internal ones and diaspora. However both of them are citizens of Somaliland. They created a wedge and and a division between the bothers and sisters. Tribal divisions are enough The thing I regret most was that the new and popular Mayer of Hargeisa has participated that disappointed debate and like most of the participants vilified and diminished the role the Diaspora played in building the second Republic of Somaliland The Mayer fumbled and dropped the ball there I hope he will grow in time By the way I still trust the morality of the new Mayer. He must unite all the citizens of Somaliland, he must not divide them, uniter and not divider I assume you are not a divider. Somaliland must at least respective their diaspora brothers and sisters who immensely contributed to our country Mead’s observation 2021-07-18, 04:36 – Ibrahim Mead: PS: most of the participants including the new mayor were not respectable to the Diaspora at times their tone was discriminative In one moment the mayor said” we don’t want them to come back with empty pockets” what ever that means Well, they are citizens and they can come back home with or with out money, dead or alive however they come home with money and the ” qolqol joog” is the receiving end in some way or the other In the end we are all brothers and sisters sharing one home land. Show quoted text Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay ku qiimeeyeen xaaladda guud dalka, gaar ahaan habsami u socodka doorashooyinkii loo ballansanaa, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay walaac uga muujiyeen shan qodob oo ay sheegeen in hadii aan wax laga bedelin aysan muuqan ififaalo ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah. “Goluhu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo asteeyey ay ka dhacdo dalka, isagoo ku salaynaya ifafaalooyinka muuqda ee khuseeya arrimihii ugu waa weynaa ee ahaa caqabadaha horyaala doorashooyinka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:” 1 – Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taas oo abuurtay in laba guddi doorasho ay sameysmaan. 2 – Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin. 3 – Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah. 4 – In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay. 5 – U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo. Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in hadii aan xal deg deg ah loo helin caqabadaha kor ku xusan, ay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo wada dhanyahay. “Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Xukuumadda iyo Madaxda Dawlad goboleedyada in ay si deg deg ah wax uga qabtaan caqabadaha hadda taagan, kana tabaabusheystaan kuwa imaan kara, si dalka looga hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta. Golaha ayaa ugu dambeyntii war-saxaafadeedkaan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay faragelinta uu Madaxweynaha xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu weli ku hayo habsami u socodka doorashooyinka dalka. The post Midowga Musharaxiinta oo soo saaray 5-qodob oo muujinaya in doorasho xor ah aysan ka dhaceyn dalka appeared first on Caasimada Online.
  17. Midawga musharixiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saaren waxa ay walaac kaga muujiyeen xaaladaha cakiran ee ku horgudban qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in welli ay jiraan qodobo muran uu ka taagan yahay oo aan la xalin. Musharixiinta ayaa sidoo kale warsaxaafadeedka ay soo saareen waxa ay ku sheegen in arrima ay ka midyihiin Khilaafka Beladweyne, Somaliland iyo Lacagta doorashada oo aan la heyn ay sura gelin karaan in aysan qabsoomin doorasho xor iyo xalaal ah. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
  18. Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF. Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd. Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta. “Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen. “Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka. Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray. Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya. Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin. Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus. “Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday. Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey. “Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew. Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF. The post TPLF oo jihooyin cusub ka furtay dagaalka, weerarna ku qaaday maamullo kale appeared first on Caasimada Online.
  19. Addis Ababa (PP News Desk) — The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed has posted a controversial Amharic tweet that describes Tigrayans as “weeds” to be removed. “We will work to remove the weed. But while removing the weed, we will try our best not to damage the wheat” tweeted Abiy Ahmed. Winning a Nobel Peace Prize has not prevented Abiy Ahmed from using a dehumanising language against his fellow citizens in Tigray. About his decision to call up regional forces to fight alongside Amhara’s extremist Fano militias, Abiy Ahmed paints a picture of all Ethiopian ethnicities fighting another ethnicity: “The children of Ethiopia have risen from all four corners to undo the plans of the junta. This itself is a victory. The children of Ethiopia have identified their enemy. In our country, we weed [out] collectively. And this is what the children of Ethiopia are doing”. Abiy’s tweet normalises persecution of Tigrayans. Observers alluded to the Ethiopian Prime Minister’s characterisation of Tigrayans as a clear example of a dehumanising language that resulted in persecution of Tigrayans by Amhara militias, Eritrean forces and Ethiopian National Defence Forces. “The silence of the International Community about the unfolding genocide in Ethiopia is deafening” said a human rights lawyer in Addis Ababa. © Puntland Post, 2021 The post Abiy Ahmed Threatens to “Weed Out” Tigrayans appeared first on Puntland Post.
  20. Maamulka Dugsiga Shiikh Ibraahim Oo Qalab Computer Kala Wareegay Jaamacada Adimton Source
  21. Waxaa gebi ahaan lagu wadaa in berri oo Isniin ah ay soomaan dadka muslimiinta ah, ee ku nool daafaha caalamka. Bisha Xaj ayaa berri ku beegan maalinta sagaalad oo ay xujeeyda taagan yihiin banka carafo. Soonka berri ayuu rasuulku sheegay in qofka loo dambi dhaafo dambiyadi uu galay sanadkii la dhaafay iyo midka soo socda. Sagaalka bisha Xaj ayaa sidoo kale ah maalintii la dhameystiray diinta Islaamka, allena uu yiri ” Maanta waan idiin dhameystiray Diinta, Waxaana taamyelay dushiina nimcadeyda Waxaana Raalli idiin kaga ahay diinta Islaamka”. Akhriso Fadliga Soonka Berri. Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, waa maalin uu rasuulkeena Muxamad(NNKH) umada islaamka faray inay soomaan mar la waydiiyay uu yidhi (soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda). Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Allaah (SW) ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taagay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in diintoodii loo dhamaystiray. Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) naarta dadka ka xoreeyo rabina adoomadiisa ugu dhow yahay,“Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabigeena suuban Muxamad(NNKH) yidhi:- Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir ku socota bulshada reer Muqdisho inta lagu guda jiro maalmaha ciida Carafo. Amarradan ayaa la xariira goobaha lagu gowracayo xoolaha Udxiyada ee maalmaha ciida Carafo, waxaana bulshada reer Muqdisho iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala caasimadda looga digay inay xoolaha ku gooracaan meel aan aheyn kawaanada loogu tala galay. Ugu horeyn war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, ayaa lagu yiri, “Wasaaradu ayada oo ka duuleysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxa ay soo saartay baaqan wargelinta ah: 1 – Dhammaan hey’adaha Samafalka Khayriga ah, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala ee ka shaqeynaya fulinta barnaamijka Udxiyada sanadkan 1442- 2021, waa in ay u hogaansamaan awaamiirta Wasaaradda , Gobolka Banaadir, iyo Wasaaradaha Diinta Dowlad Goboleedyada Dalka. 2 – Sida horay loo caddeeyay majirto hey’ad xoolo ku qali karta meel ka baxsan kawaannada loo asteeyay. 3 – Hey’addii la ogaado in ay xoolo ku qaleyso gooba ka baxsan goobaha loo asteeyay maamul ahaan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. 4 – Sidoo kale waxaa Ia farayaa hey’adaha samafalka in ay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiga loo xilsaaray arinkaan, Culumada, Dhakhaatiirta iyo kormeerayaasha howshan u xil-saaray, si Ioo hubiyo badqabka xoolaha Udxiyada. Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in sanadkaan xoolaha lagu gowraco meel aan kawaan aheyn, isagoo sheegay in ka maamul ahaan aysan ogolaa doonin. “Sharciga ayaa la marin doonaa ciddii maalinta ciidda xoolo ku qasha meel aan ahayn goobaha loo asteeyey, shaqsi ama hey’ad cid aan ka yeeleyno ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Hoos ka daawo Saalax oo u waramay Dalsan TV The post DF iyo maamulka G/Banaadir oo soo saaray amarro ku socda shacabka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasiiirada Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa lagu eedeeyey inay ka mashquuleen shaqadii Qaranka, isla markaana ay u xuub siibteen olollaha shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo raadinta & raacdada Xildhibaano kooramka Golaha Wakiillada u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Wasiiradda ugu tunka weyn leh Xukuumadda Biixi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan sal dhigan xafiisyaddood,kuwaas oo la sheegay in aanay qaarkood-ba ka soo xaadirin xafiisyadood, kuwaas oo ah qaar ku mashquulsan doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland . Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-” Maamulkii Dawladda ayaa laga fadhiistay shaqadoodii oo wasiiraddii waxay ku mashquulsan yihiin doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada” Xildhibaan Cumar Dhanka kalena Wasiiraddan shaqadii Qaranka ay u hayeen ee rasmiga ahayd ka door-biday olollaha shir guddoonka ayaa iskugu jira laba qaybood oo kale ah wasiiro doonnaya inay iska dhaadhiciyaan Madaxweyne Biixi iyo qaar ka baqanaya in xilka laga qaadayo oo is-daad raacinaya hawlaha socda. Geesta kalene dhawr iyo toban Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ay shalay xafiisyadoodii haawanayeen,isla markaana ay xidhnayeen,kuwaas oo ku mashquulsanaa doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo ka baxsan shaqadii Bulshada ay u hayeen, isla markaana aan meel-na ka soo gelin,waxaanay ka ahayeen wasiiradda shalay jibaysnaa ee xafiisyadoodu xidhnayeen kuwan:- Wasiir Maxamed Kaahin Axmed Wasiir Siciid Sulub Maxamed Wasiir Axmed Muumin SeedWasiir Maxamed Muuse Diiriye Wasiir Shugri Xaaji Baander Wasiir Xasan GaafaadhiWasiir Jaamac Maxamuud Cigaal Wasiir Axmed Toorno Wasiirka wasaaradda dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiir Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, Wasiir Maxamed Axmed CawadWasiir Maxamuud Sacad Saajin Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Xinif Mareeyaha Mad-bacadda Qaranka Maxamuud Raage . Si kastaba ha-ahaatee Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaan qaarkood muddooyinkii ugu dambeeyey aanay furrin xafiisyadooda,isla markaana aanay ka ag-wareegin Wasaaraddaha ay maamulaan,kuwaas oo u xuub-siibtay raadinta Xildhibaano kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Source