Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkan oo ujeedkiisu ahaa in dib-u -eegis lagu sameeyo iyo in kor loo qaado iskaashiga ka dhexeeya dalka Vietnam iyo wadamada Afrika ayaa waxaa ka qayb galay Danjire Cawaale Kullane iyo ku-xigeenkiisa Mudane Siciid Jaamac Mire la-taliyaha koowaad ee Safaaradda J.F. Soomaaliya ee dalka Shiinaha. Shirkan oo ahaa mid ay uga qayb galeen qaab fogaan arag ah oo ay la yeesheen Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mudane Pham Quang Hieu iyo 31 safiir oo ka socda dalalka Afrika ee ku sugan Beijing dalka Shiinaha sidoo kalena ah safiiro dibad joog ah oo ku magacaaban dalka Vietnam. Maadaama ujeeddada shirku ahayd in lagu gorfeeyo siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya Vietnam iyo Afrika iyadoo duruufa is -beddelka ku geedaaman yihiin ayuu Danjure Cawaale Kullane ka jeediyay halkaas khudbad ku saabsanayd xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Vietnam, isagoona xooga saaray xariirka ganacsi iyo midka beeraha oo uu sheegay in labda dal iska kaashan karaan. Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali Kullane ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jirto rajo wanaagsan iyo mustaqbal dhalaalaya oo ku saabsan xariirka labada dal ee Soomaaliya ee dalka Vietnam. Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa sidoo kale ah safiir dibad joog ah oo dowladda Soomaaliya ugu magacaaban safiirka Soomaaliya ee dalka Vietnam, isagoo inta badan ka shaqeeya xoojinta xariirka dalalkaas oo la dareemayo in uu jiro isbadal dhanka cilaaqaadka labada dal ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka AFrika iyo Vietnam appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo haatan u xiran Somaliland ayaa shaacisay inay saaka aroortii hore gurigooda oo ku yaalla Burco weerar ku soo qaadeen ciidan isugu jira Boolis iyo Milatari oo ka trsan maamulkaasi. Aasiya Faarax oo ah xaaska Wariye Coldoon aya abarteeda Facebook-ga ku sheegtay in ciidamadu ay si xoog ah ku soo galeen guriga, kadibna ay baaris ku sameeyeen. Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in ciidamadu ay argagax weyn geliyeen caruurta iyo haweenkii xilligaas ku sugnaa guriga Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon. “Ciidan Isugu jira malateri iyo Booliis badan ayaa abaaro 05:00 subaxnimo soo weeraray gurigii Samafale Coldoon, iyagoo argagax geliyey caruurtii iyo haweenkiiba.” ayey tiri. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Somaliland ay amar la’aan guriga kusoo daateen, iyada oo ku eedeysay inay baal mareen sharuucda caalamiga ah iyo dhaqanka. “Intaa waxaa dheer inay guriga bila idin u soo daateen iygoo baal maray xeerarkii caalamiga ahaa iyo tii dhaqanba.” ayey raacisay Aasiya Faarax. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo uu haatan Somaliland u xiran yahay Wariye Coldoon oo baahiyey warbixino isdaba joog ah,isla-markaana liddi ku ahaa dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey macalimad Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl Diimeed u timid deegaanada maamulka Somaliland. The post Ciidamada Somaliland oo ‘weeraray’ guriga Coldoon appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in ay dawladda Maraykanka ka wada hadleen marti gelinta qaxoontiga ka cararaya dalka Afganistan, islamarkaana ay isla qaateen arrintaasi inkasta oo aanu jirin heshiis wali la gaadhay. Warbaahinta AFP ayaa ku warrantay in masuul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland Jimcihii u sheegay in Somaliland diyaar u tahay magan gelinta qaxoontiga ka cararaya Afganistan oo dhawaan xulufada reer Galbeedku iskaga baxday, islamarkaana ay la wareegtay Daalibaan. “Mabda ahaan waanu isku raacnay in aanu qaabilno qaxoontiga Afganistan si ku meel gaadh ah laakiin, heshiisku wali waa hor dhac waana in farsamo ahaan laga shaqeeyo mana jiro wakhti cayiman oo la dejiyay in ay soo degaan,” ayuu yidhi masuulka AFP soo xigatay ee wasaaradda arrimaha dibadda JSL. Warbixintan ayaa intaasi ku dartay in Maraykanku wada hadal la wado dawladda Uganda oo iyana la doonayo in ay magan geliso qaxoontiga Maraykanku Afganistaan ka daad guraynayo. Somaliland Ready To Take In Afghan Refugees: Official Source
  4. Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa la sheegay in ay wadahadalo xal looga gaarayo khilaafka diblomaansiyadeed ee mudada u dhaxeeyay ay u bilaawdeen markii uu xafiiska la wareegay bishii January Biden. Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Gaashaandhigga Mareykanka Pentagon, ayaa la sheegay in uu wadahadalo la furay Militeriga Shiinaha. Taliyahan oo aan magaciisa la xaqiijin ayaa la sheegay in uu wadahadalada uu la yeesha militeriga shiinaha lagu gorfeeyay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka labada dal. Mareykanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay siyaasadiisa Amniga qeyb kaga dhigay la dagaalka qorshaha xukuumadda Beijing, kaas oo ay ugu yeeraan in uu halis ku yahay dunida. Madaxweyne Joe Biden ayaa horay u sheegay in dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee dunida uu yahay Imtixaan adag oo qarnigan caalamka uu wajahayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennet in diblomaasiyadda ay tahay xulashadiisa koowaad, balse uu ka fakari doono kuwa kale, haddii ay fashilmaan dadaallada dib loogu soo nooleynayo wada-hadallada Nukliyeerka Iran. Biden ayaa hadalkan sheegay kadib markii labada hoggaamiye ay Washington ku yeesheen kulankoodii ugu horreeyey tan iyo markii Bennet uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, bishii June. “Diblomaasiyadda ayaan marka hore hormarineynaa, waana arki doonnaa halka ay na geyso,” ayuu Biden ka yidhi kulanka Aqalka Cad. “Balse haddii diblomaasiyadda ay fashilanto, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashaooyin kale.” Mar waxa laga weydiiyo xulashooyinka kale kale ee Biden uu ka fakarayo, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki waa ay diiday inay ka hadasho. Bennet ayaa Aqalka Cad yimid ayada oo ujeedkiisu yahay inuu Biden ka dhaadhiciyo inuusan dib ugu laaban heshiiska Nukliyeerka Iran ee la saxiixay xilligii madaxweyne Obama, balse uu ka baxay madaxweyne Trump. Tan iyo markii Mareykanka uu heshiiska ka baxay 2018-ka, Tehran ayaa sare u qaaday kobcinta uranium-keeda oo ay gaarsiisay 63%, oo ku dhow heerka laga soo saari karo hub Nukliyeer, halka intii ay heshiiska ku jirtay ay aheyd kaliya 3.67%. Bennet ayaa sheegay inuu Aqalka Cad la yimid xeelad looga hartagi karo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah, taasi oo si gaar ah uu ula wadaagay Biden. Si kastaba, wuxuu qanacsanaan ka muujiyey in isaga iyo Biden ay ka mideysan yihiin in Iran aan marna loo ogolaan inay hesho hub Nukliyeer. “Iran waa dalka koowaad ee caalamka ee dhoofiya argagixisada, xasillooni darrada iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yidhi Bennet. Bennet ayaa sheegay in heshiis lala galo Iran oo ka qafiifin doona cunaqabateynada saaran uu ka dhiggan yahay inay heli doonto kheyraad ay kusii kobciso uranium-ka. Biden ayaa caddeeyey in damciisu yahay inuu helo waddo Iran loogu celin karo heshiiskii Nukliyeer ee 2015 ee uu galay maamulkii Obama ee Biden uu ka ahaa madaxweyne ku-xigeen. Washington iyo Tehran ayaa waxay wada-hadallo dhowr ah ku dhex-mareen Vienna, hase yeeshee waxay istaagaan markii Iran ay gashay doorashooyinkii lagu doortay madaxweyne Ebrahim Raisi. Ma cadda xilliga ay dib u bilaaban doonaan. Source
  6. Kabul (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee nooca Drones-ka ayaa weerar dhinaca cirka ah ka fuliyey bariga Afghanistan, iyada oo lagu beegsaday kooxda Isis-K oo ah urur-goboleed ka tirsan kooxda la magacbaxday dowladda Islaamka. Weerarkan oo ahaa mid aargoosi ah ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar, iyada oo lagu bartilmaameedsaday gaari uu la socday sarkaal kooxda Isis-K u qaabilsanaa dhanka qorsheynta. Wakaaladda wararka Reuters ayaa daabacday in duqeyntaas ay u dhacday sidii loo qorsheeyey, isla-markaana ay fulisay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ka soo duushay saldhig aan la magacaabin oo uu Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe. Sidoo kale militeriga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay rumeysan yihiin inay khaarijiyeen sarkaalkaasi, walow aysan shaacin magaciisa dhabta ah. Maalin ka hor ayey aheyd markii qaraxyo is xig-xigay oo ay sheegatay Daacish ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul, waxaana ku dhintay ku dhawaad 170 qof oo ay ka mid yihiin 12 askari oo ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Mareykanka. Kadib weerarkaasi Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inay baacsan doonaan kooxihii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee caasimada Kabul. Si kastaba weeraradan ayaa ku soo aadayo, xilli weli ciidamada Mareykanka ay wadaan daad-gureynta dadka ka baxsanaya Afghanistan, kadib markii ay la wareegtay Taalibaan. The post MAREYKANKA oo weerar aargudasha ah ka fuliyey wadanka AFGHANISTAN appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-London)-Manchester United ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaadhay kooxda Juventus iyadoo dib ula soo wareegtay Cristiano Ronaldo. United ayaa ogolaatay inay bixiso 12.8 milyan ginni 36 jirkaan, iyadoo heshiiska uu ku xidhan yahay shuruudo shaqsiyeed, fiise iyo caafimaad. Ronaldo ayaa dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u saftay Old Trafford ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid 2009kii. “Qof walba oo kooxda ka tirsan wuxuu rajeynayaa inuu Cristiano dib ugu soo dhaweeyo Manchester,” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay United. Ku dhawaaqista United ayaa timid kadib 24 saacadood oo ay soo baxayeen warar la xidhiidhinaya Ronaldo kooxda Manchester City, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in heshiis shaqsiyeed ay hore ugu heshiiyeen labadooda. Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa doortay inuu ku laabto United halkaas oo uu ku qaatay lix sano wuxuuna kula guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah, hal Champions League, labo League Cup iyo hal FA Cup – iyo sidoo kale Fifa Club World Cup iyo Community Shield – xilligaa oo tababare u ahaa naadiga Sir Alex Ferguson. Source
  8. Milatariga Mareykanka ayaa Sabtidii duqeyn la bartilmaameedsaday xubno ka tirsaan Daacishta Afghanistan, taas oo ay fuliyeen diyaarad aan duuliye laheyn, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Mareykanka. Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka laga fuliyay gobolka Nangarhar, bartilmaameedkiisuna uu ahaa qof la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay qorshaynta weerarradii ay dadka badani ku dhinteen oo ka dhacay Kabul. Captain William Urban ayaa sheegay in hal qof oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyntii Sabtidii. Illaa iyo hadda ma cadda in shakhsigan ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Kabul khamiistii, kaas oo lagu dilay 170 qof oo Afgaanistaan ah iyo 13-ka tirsan askarta Mareykanka. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay duqaymaha Maraykanku ka fuliyay Afghanistan appeared first on Puntland Post.
  9. Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaan hoostaga magaalada Baladweyne lagu dilay dad beeraleey ah. Dadka la dilay oo gaaraya ilaa 6-qof ayaa la sheegay in lagu dilay dhul beereed qiyaastii banaanka ka ah magaalada Baladweyne 20-Km. Dilka ayaa sidoo kale la sheegay in uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay beela walaalo ah oo wada daga gobalka, kaas oo markii dambe sabab in ay halkaas lagu dilo dadka oo la sheegay in ay xilligaasi ku jireen xiridda baalayaadda cadeedda, Dilka dadkan ayaana dhacay shalay oo Jimca aheyd. Illa iyo hadda deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa la sheegay in uu ka socda abaabul labada beelood ah, waxaana xaalad deegaanka la sheegay in ay tahay mid kacsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ciidamadeeda Amartay in ay kala dhex galaan dagaalada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ka socda xadka ay labada Qowmiyadood ay wadaagaan. Ciidamada Federaalka ayaa sheegay in ay hadda kala qaboojiyeen dirirta labada qowmiyadood u dhaxeysa oo maalmihii la soo dhaafay dib u soo laba kacleysay. Kooxa hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Canfarta ayaa la sheegay in ay soo weerareen dad xoola dhaqato Soomaali ah kuwaas oo ku sugna deegaan u dhaw xadka labada dhinac ay wadaagaan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay markii labada qowmiyadood ay isku qabsadeen dhuldaaqsimeed ku yaallo xadka labada Gobol. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay xaaladda kacsan ee dagaalada Itoobiya. Guterres, ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo la ciidameyay, kuwaas oo loo abaabulayo in ay qeyb ka noqdaan dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda TPLF. “Waa wax aad looga xumaado in la arko dhallinyaro badan oo Itoobiyaan ah oo la qalabeeyay lana abaabulayo dadaalka dagaalka”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aantonio Guterres. Guterres ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in ay ka xun yihiin wadada lagu wado dhalinyarada halkii ay ku taamayeen in la dhiso Mustaqbalkooda. “Awoodooda ayaa la qeybiyay, halkii loo dhisi lahaa Mustaqbal qurxoon dhamaan Itoobiyaanka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Guterres . Ugu dambeyn Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in Mustaqbalka Itoobiya uu halis ku jiro. “Dhinac walba marka laga eego, mustaqbalka Itoobiya ayaa halis ku jira”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aantonio Guterres. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi oo ah caasimada wadanka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni oo shalay gaaray gudaha Nairobi uu dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay halkaasi, kadib shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa uu la leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay Kenya iyo saaxibada caalamiga ah ee ay leedahay Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online kulamadan ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa, maadaama lasoo saaray habraacoodii. Ujeedka kulamada uu Deni wado ayaa ah kuwa ku ugu xusul doobayo doorashooyinka soo socda, si uu galaan-gal xoogan ugu yeesha doorashada heer federaal, inkastoo warar hore usoo baxay ay shaaciyeen inay ‘suuragal tahay inuu isku soo taago xilka madaxweynaha’. Soomaaliya ayaa waxaa ay sanadkan galeysa doorasho adag oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin saameyn leh, waxaana socda olole xoogan oo loogu jiro doorashooyinka. Si kastaba dhowaan ayaa la filayaa in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Golaha Shacabka, sidoo kalena la dhammeystiro mida Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post DENI oo kulamo xasaasi ah ka wada Nairobi + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. For months, Mohamed Olow was not sure if the COVID-19 vaccine was safe. The 63-year-old Somali man lives on Columbus’ North Side, where a large Somali population resides. Source: Hiiraan Online
  14. Somaliland has agreed “(in) principle” to take in refugees from Afghanistan, a foreign ministry official said Friday, as tens of thousands of people desperately flee the war-torn nation following a Taliban takeover earlier this month. The militants have repeatedly promised a different kind of rule to their brutal regime of the 1990s that saw girls barred from school, women confined to their homes, most entertainment banned, and stonings and public executions used as punishments. But since their August 15 takeover of Kabul, many Afghans have grown increasingly desperate to escape the country before the Taliban’s deadline for evacuations expires at the end of the month. On Friday, a spokesman for Somaliland’s foreign ministry told AFP that Hargeisa had entered into discussions with US officials about temporarily hosting Afghan refugees. “We (in) principle agree… to host Afghan refugees for the transit period,” the official said, adding that the agreement was still at a preliminary stage, with technicalities still to be worked out and no date set for their arrival. The US government has also been in talks with Uganda about taking in refugees. On Wednesday, a charter flight carrying 51 Afghans — including men, women and children — landed in the East African country, with more evacuees expected to arrive in the coming days. The evacuations were in response to a request from Washington to temporarily host “at-risk” Afghan nationals who are in transit to the United States and other destinations worldwide, Uganda’s foreign ministry said. Media reports say Kampala has agreed to take about 2,000 refugees but this has not been confirmed. Earlier this week, the founder of Afghanistan’s only boarding school for girls said that nearly 250 schoolgirls, faculty and staff would decamp to Rwanda to continue their education for the next several months. Aid agencies have repeatedly said that the international response to support refugees in East Africa has been underfunded, with the UN World Food Programme slashing its monthly assistance to refugees in Rwanda by more than half this year. Somaliland declared independence from Somalia during the 1991 civil war and has thrived as a comparative beacon of stability. While some governments maintain informal ties with Hargeisa, Somaliland is not diplomatically recognised by any other nation. Somalia fiercely opposes Somaliland’s claims to independence and considers the region part of its territory, though in reality Mogadishu exercises little authority over its affairs. Boasting a long coastline on the Gulf of Aden and a vast desert interior, Somaliland has a functioning government and institutions, its own currency, passport and armed forces. The Barron’s news department was not involved in the creation of the content above. This story was produced by AFP. For more information go to AFP.com. © Agence France-Presse Source AFP Qaran News
  15. President Recep Tayyip Erdogan on Friday said Turkey held its first talks with the Taliban in Kabul, adding Ankara was still assessing the armed group’s offer to assist in operating the international airport. Source: Hiiraan Online
  16. Uganda said Friday it had foiled a suicide bomb attack against the state funeral of a top police and army commander who led a major African Union offensive against Al-Shabaab militants in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Somaliland has agreed "(in) principle" to take in refugees from Afghanistan, a foreign ministry official said Friday, as tens of thousands of people desperately flee the war-torn nation following a Taliban takeover earlier this month. Source: Hiiraan Online
  18. Wufuud ka kala socday Dowladda Puntland iyo Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ku yeeshay degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Shirkan waxa ka qayb galay madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga ,maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalaayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyink Bookh, Galxamur,Galaadi,Danood iyo hay’adaha amniga ee gobolka. Madaxda labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay wadashaqeynta Amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS Itoobiyaiyo. Shirkan intii uu socday ayaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga labada dhinac lidka ku ah. Shirkan ayaa gabagabadiisa laga soo saaray warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen Puntland iyo DDSI. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu Nairobi kulamo la xiriira Arrimaha doorashada uu kula leeyahay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya. Safarka madaxweynaha Puntland ee Nairobi ayaa yimid kadib Shirkii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ku soo xirmay kaas oo laga soo saaray habraaca jadwalka doorashada Aqalka hoose ee Baarlamka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Nairobi kulamo ka wada appeared first on Puntland Post.
  20. Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa ka codsaday dadka ganacsiga ku leh laamiga dhinacyadiisa in aysan maanta furin goobahooda ganacsiga inta laga hubinayo bed-qabkooda. Qayba kamid ah laamiga weyn ee Garoowe ayaa shalay dadkii marayay sumoobeen kadib markii booyad halkaas martay kiimiko kaga daadatay. “Waxaan ka codsanaynaa dadka ganacsiyada ku leh laamiga dhinacyadiisa inaysan furin goobohooda ganacsi berri, inta laga hubinayo bedqabkooda” ayuu yiri duqa caasimadda. Sidoo kale wuxu sheegay in uu isbitaalka ku booqday shan qof oo ku sumoobay kiimikada kuwaas oo xaaladooda caafimaad ka soo ranayso. PUNTLAND POST The post Duqa Garoowe oo codsi diray kadib kiimikadii shalay ku daadatay magaalada appeared first on Puntland Post.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed ayaa August 18, 2021 booqasho ku tegay magaalada Ankara xilli dalkiisa ay colaad sokeeye ka taagan tahay (gobolka Tigray), xadka kala dhexeeya Sudan ay xiisad ka aloolsan tahay, murunkii biyoxireenka Niilna uu isku rogay xulufo uruursi. Heshiis Iskaashi Militeri oo ay Itoobbiya la gashay Turkiya ayaa laga yaabaa inuu wax ka beddeli doono cudud isku hallaynta Masar. Waxaase hadal hayn abuuray isku beegmidda booqashada Abiy Axmed iyo kulankii naadirka ahaa ee Madaxweyne Erdogan uu la yeeshay La-Taliyaha Amniga ee Iskutagga Imaaraadka Carbeed Sheikh Tahnoun bin Zayed al Nahyan. Kol haddii jajuubikii Afghanistan uu noqoday “hal bacad lagu lisay,” Abu Dhabi waxay halhaleel ku beddeshay siyaasaddeedii ku dhisnayd cudud (hawkish) ku muquuninta, si aysan u gefin kaalinteedii Badda Cas iyo Geeska Afrika ee isbeddelka nidaamka caalamka “geopolitical order” ku heshay. Sida uu qoray wargeyska Bloomberg, laba bilood ka hor shirkadda Mubadala Investment ee Abu Dhabi ayaa maal ku dhow bilyan doolar gashatay 3 shirkadood oo Turki ah (Bloomberg – 19/08/2021). Dib u hagaajinta xidhiidhkooda ganacsiga iyo maalgashiga ayaa saameyn baaxad leh ku yeelan kara xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Maal dhan 2.5 bilyan doolar ayuu Turkiga geliyey dalka Itoobbiya. Wixii ka dambeyay heshiiskii Riyadh iyo Dooxa waxaa muuqday in Imaaraadku ku dhacay go’doon weliba markii Turkiga uu soo jiitay Masaarida iyo Faransiiska oo ay dagaalka Liibiya iskaga soo horjeedeen. Kulanka lama filaanka ahaa ee Ankara ka dhacay ayaa astaan cad u ah in Turkiga iyo Imaaraadka ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan qaadista jiho ka duwan tii hore. Gulufka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka waxaa sababaya in maamulka Joe Biden uusan mar walba u hilinayn badbaadinta lammaane (partner) shar badan oo aan la isku hallayn karin. Imaaraadka oo kula tartameya Qadar nabaddoonnimada ayaa Itoobbiya iyo Sudan u soo bandhigay dhexdhexaadin. Reer Galbeedka, oo Imaaraadka u adeegsanayay sida hangoolka, si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee Geeska Afrika ayey qorrax ku soo baxday. Madaxweyne Erdogan ayaa si taxaddar leh ugu soo jeediyey Janan Cabdel Fattaax Cabdelraxmaan al-Burhan Madaxa Golaha Qaranka Sudan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta muranka xadka. Ankara ma hursana inay Imaaraadka u weheshato geedi-socodka dhexdhexaadinta labada dal, taasoo xidhiidhkooda ku soo kordhin doonto isku kalsooni. Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Kuwait oo gargelyo ka ahayd Abu Dhabi ay ku talisay inay Soomaaliya wadaxaajood la furto Imaaraadka. Walow uusan dadaalkaas najixin, haddana hagaajinta xidhiidhka Turkiga ayaa qayb ka ah ilaalinta danahooda Liibiya iyo Soomaaliya. Ilo wargaleen ah ayaa sheegay in Dooxa iyo Ankara oo daacad u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay isaga fogaadeen wixii ka dambeyey khilaafkii dhexmaray Farmaajo iyo Khayre ee u dhurtay afgambi Dastuur (Abril 12, 2021). Dhinaca kale, xallinta xiisadaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa laga yaabaa inuu daadka raacsiiso riyadii siyaasiyiintii ku xulufoobay calanka Abu Dhabi hoostiisa. Saadaasha hor dhac u ah cidda ku soo bixi doonta madaxtooyada ayaa tilmaameysa daljire aragti dheeri, oo karti iyo hufnaan kula dabaakhi kara dunida ku loolameysa danaha kala duwan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Saameynta heshiiska Turkey, Imaaraadka iyo Itoobbiya ee doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.