-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururada siyaasadda Puntland ayaa ka horyimid doorashada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmooyinkan Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Qoraal wadajir ah oo ururada siyaasada Puntland u direen madaxweynaha Puntland iyo guddiga doorashooyinka ayaa lagu caddeeyay dhowr sababood oo aan doorashada muddeysan u dhici karin. Ururada siyaasaddu waxay sheegeen in aysan weli Puntland ka dhicin wacgelin bulshado, sidoo kale aan dowladda bixin dhaqaalihii ay ugu talashagay in lagu kabo ururada. Sababa kale ee aan doorasho ku dhicin karin waxay ururadu ku sheegeen saameynta doorashada federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran. Ururada ka horyimid doorashada hordhaca, waxaa kamid ah ururka madaxweyne Deni hoggaamiyo ee KAAH, waxaana saxiixiisu ka maqan yahay Mideeye. PUNTLAND POST The post Puntland: Ururada siyaasadda oo ka horyimid doorashada muddeysan ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka, kuna yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato. Warqada ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa lagu sheegay in dhulkaas la bixiyay islamarkaana laga sameyn doono maqaayad. Warqada heshiiska kuma cada muddo cayiman, hase yeeshee waxaa ku qoran in dhulkaas lagu wareejiyay Shirkada Xaawo Taako iyo in laga furi doono maqaayad casri ah. Xubno kamid bahda Fanka iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kumanaan lacag ah lagu badashay dhulkaan, islamarkaana ay tani qeyb ka tahay dhul boob muddooyinkaan ka socda Muqdisho, oo kusoo beegmay xaaladda kala guurka dalka. Inta badan dhul boobkan ayaa waxaa looga faa’iideynayaa shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay. Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya. Hoos ka arag warqadda lagu bixiyey dhulka The post DF oo iibisay dhul ka mid ah Tiyaatarka Qaranka + Caddeyn appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan laga soo saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wwasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ay ka hor imaadeen midowga Musharixiinta. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in habraacaan uu waafaqsan yahay heshiiskii ay 17-ki September Muqdisho ku saxiixdeen Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaasoo dhigayey in codeynta noqoto qaab dadban. Dhabancad ayaa sababta loo soo saaray habraacaan ku sheegay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti-duwanaanshihii ka taagneyd doorashada. “Sababta loo yiri odayaasha soo xulaya Xildhibaanada waa in ay aqoonsan tahay dowladda waxaa lagu ilaalinayaa midnimada beesha kursiga iska leh sababta oo ah waxaan ogeyn khilaafaadka ay sababeen doorashooyinkii dhacay sanadkii 2016-kii,” ayuu yiri. Mar wax laga waydiiyey in guddiga doorashooyinka heer dowlad gooleed uu ansixiyo ergada ay soo xulaan odayaasha ayuu Dhabancad ku adkeystay in kooxda farsamada heer maamul ay madax-banaan tahay, sida uu sheegay. “Wax kasta waxay kasoo ratib-mayaan heshiiskii 17-kii September oo qeexaya awoodaha guddiga. FEIT-ku (kan heer federaal) wuxuu kormeerayaa doorashooyinka, halka SEIT-ku (kan heer dowlad goboleed) ay hubinayaan in geedi-socodka doorashada ay tahay mid sax ah,” ayuu yiri isagoo la hadlay idaacadda Daljir. Guddiyada khilaafaadka ayuu sheegay inay u xil saaran yihiin sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf kasta oo ka yimaado xulista kuraasta Golaha Shacabka. “Marka dhamaan cidii hadashay [ee durtey habraaca] waxaan rabaa in aan u sheego in habraacan uu yahay mid fududeynaya in doorashadda noqoto mid xalaal ah, waana mid siinaya odayaasha qabaa’ilka ee iska leh kuraasta Golaha Shacabka in ay ayaga ergadooda la yimaadaan, waa mid siinaya musharaxiinta kuraasta xorriyad, wixii maamul ah waxaa iska leh guddiyada dowlada mas’uuliyadeena waa tan ka saaran dalka,” ayuu ku adkeystay. Habraaca doorashada ee dhawaan lasoo saaray ayaa waxaa ka hor yimid midowga musharixiinta waxayna si gaar ah u dureyn cidda soo xulaysa ergada, cidda ka ansixineysa, warqada dambi-baarista iyo qarashka. The post Puntland oo shaacisay ujeed laga leeyahay HABRAACA cusub ee doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Afar mataana ah oo u dhashay Dalka UAE oo mar qudha ka wada qalin jebiyey Jaamacada Oxford-UK,Maxayse Barteen? Cabdiraxmaan, Aayah, Axmed iyo Osama-Waa afarta mataanaha ah ee ka qalinjebisay jaamacadda Oxford Brookes Afar dhalinyaro ah oo mataana ah ayaa markii ugu horreysay ka qalinjebiyay jaamacadda Oxford Brookes ee ku taalla UK. Aayah, Cabdiraxmaan, Osama iyo Axmed Shacbaan waxay kasoo jeedaan Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta. Dhalinyaradan 20 jirka ah waxay jaamacadda kusoo biireen 2018. Waxay kala barteen culuumta kala Injineernimada, dhaqaalaha, sharciga iyo maamulka dhaqaalaha. Axmed oo helay natiijada buunddada koowaad ayaa sheegay in nolosha jaamacadda ay si wanaagsan ula qabsadeen isaga iyo walaalahii la mataanka ah isla markaana ay casharro badan oo dhanka nolosha ah kasoo kororsadeen. Qaran News
-
Soomaali ku go’doonsan xadka Belarus iyo Luthania Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah ayaa ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania kuwaas oo markii hore ka tagay dalka Turkiga, waxay doonayeen inay tahriib ku galaan dalalka Yurub. Dadkan oo ay ku jiraan caruur iyo dad waayeel ah ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay halkaa ku haystaan isla markaana ay u baahan yihiin caawimaad. Qaar kamid ah dadkan ayaa BBC u sheegay in 7 maalmood ay ku go’doonsan yihiin dhul qabow ah oo u dhexeeyo labadaas dal. Waxay intaas ku dareen in labo qof ay ku dhinteen halkaas xilli ay ka carareen ciidamada ilaalada xadka Belarus. BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto arrintaas. Qaran News
-
Dagaal dib uga bilowday Degaanka Garba-ciise oo u dhexeeya Somalida & Canfarta Waxaa lagu soo warramayaa in saaka uu dagaal dib uga bilowday agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti. Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay degeneyd. Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise. Maamulka Soomaalida wuxuu sheegay in uu difaaci doono shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa waxaa muddo 7 bil ah ka maqan mushaharkooda, sida ay xubno ka tirsan oo codsaday inaan la magacaabin u sheegeen Caasimada Online, xilli maamulka uu wajahayo dhaqaalo la’aan baahsan. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa mushaar ay qaataan waxaa ugu dambeysya bishii 1-aad ee sanadkaan, waxaana jira qayla dhaan badan oo ay wadaan wasiirada “Ma cada sababta aan u heli la’nahay mushaarka hase yeeshee markaan waxaan joognaa xaalad adag,” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah Wasiirada Madaxweyne Qoor Qoor, oo naga codsaday inaan magaciisa shaacin. Xiriiro aan la sameynay Madaxtooyada Galmudug ayaa ku ogaanay in maamulka uu wajahayo lacag la’aan kadib markii ay waayeen lacagaha kabka ahaa ee loo soo marsiin jiray dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Qoor Qoor ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa lacago malaayin dollar ah oo ay u ballan-qaaday Villa Somalia looga xiray inuu fuliyo qorshaha madaxtooyada ee doorashada xildhibaanada, si lacagtaas loo siiyo. Waxa uu horey doorashadii Aqalka Sare ugu soo saaray dhowr xildhibaan oo ay wadatay madaxtooyada, balse weli lama siin lacagta loo ballan-qaaday, mana cadda wax uu sameyn doona haddii aan lasiin marka uu ballanta dhankiisa kasoo baxo. Wasiirada Galmudug ayaa lagu leeyahay lacag badan oo deyn ah sida aan xog ku helnay, taasoo ay ku daganaayeen hoteelo halka qaarkood ay ka cunteeyeen maqaayado. Galmudug ayaa ku soo biirtay maamulada maareyn la’a mushaaraadka shaqaalahooda gaar ahaan xubnaha ugu sarreeya maamulka, sida wasiirada iyo baarlamaanka. The post Xog: Wasiirada maamulka Galmudug oo ka qeylinaya xaalad haysata 7 bilood appeared first on Caasimada Online.
-
Xukumada S/land Oo Si Rasmi Ah Uga Hadashay Wararka Sheegaya Inay Qaabilayso Qaxooti Reer Afghanistan Ah Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP. Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in anay xukuumada Somaliland waxba ka ogayn wararka sheegaya in qaxooti reer Afghanistan ahi Somaliland imanayaan, isla markaana aanay jirin xog rasmi ah oo xukuumadu arrinka warbaahinta ka siisay. “Waxa laga yaaba in ay yihiin warar aan diblumaasiyada iyo saxafiyiinta soo dhaafin, lakin warka ah in Somaliland qaxooti Afghanistan ah qaabilayso, anagu warka mahayno, wararka laysla dhex marayaana waa warar aan wali ilo rasmi ah oo dhinacyada ah aan kasoo bixin” ayuu yidhi wasiir Koore. Wakaalada wararka AFP ee laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa warbixin ay daabacday 27 bishan ku sheegtay in sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Somaliland, oo aan magiciisa la sheegin, uu u sheegay in Somaliland ay qaabilayso qayb ka mid ah qaxootiga reer Afghanistan. Qaran News
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka, isaga oo digniin culus ka soo saaray xaaladda Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Macalimuu oo ka hadlayey arrimaha soo kordhay, gaar ahaan mas’uuliyiinta Jubbaland ee loo diiday Garbahaarey ayaa ka digay in markale dib loo soo celiyo khilaafaadka gobolkaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Gedo maamul ahaan ay hoostagto Jubbaland, isla-markaana loo baahan yahay in lagu shaqeeyo qodobadii ay isku raaceen ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda maamul goboleedyada. “Gobolkaan waxa uu hoostagaa DG Jubbaland, nin diidan & nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka & Madaxda Dowlad-Goboleedyada” ayuu yiri Cismaan Macallimuu. Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in horumarka gobolkan uu saameyn ku yeeshaan khilaafka soo noq-noqday, isaga oo tilmaamay inay shaqeyn waayeen mashaariicdii loogu-talagalay in lagu hormariyo deegaanka, sidoo kalena lagu caawiyo dadka dan-yarta ah. “Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray” ayuu yiri sii raaciyey Mr. Macalimuu. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle uu ku dhowaaqay in Jubbaland ay dhacday, maamul cusubna ay ka dhisayaan Garbahaarey, isaga oo intaas ku daray inuu dhammaaday muddo xileedkii 2-da sano ahaa ee Axmed Madoobe. Si kastaba khilaafka weli ka jiro Gedo ayaa ka mid ahaa arrimaha sida weyn la’isugu qabtay ee saameeyey doorashooyinka Soomaaliya oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey. The post Macallimuu oo digniin culus kasoo saaray GEDO + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale saaka dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu dib uga qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaarooyin kala duwan. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo magaalada Garba-Ciise iyo sidoo kale agagaarka tuulada Gawracan ee gobolka Siti. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay. Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu kusii fido deegaano horleh, isla-markaana uu sii xoogeysto, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus. Ma jir weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib uga qarxay magaalada Garba-Ciise iyo tuulada Gawracan ee gobolka Siti. Dagaalkan wuxuu imaanayaa, xilli shalay dowladda Itoobiyan ay war kasoo saartay xiisadda Soomaalida iyo Canfarta, iyada oo ballan qaaday inay wax ka qabaneyso. Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee Garba-Ciise appeared first on Caasimada Online.
-
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay nawaaxiga tuulada Saax-maygaag oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame. Laba Sahan ayaa iska helay miyiga lagu magacaabo Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-maygaag halkaas oo iska hor-imaad kooban ka dhacay. Degaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba malayshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda Boocame iyo Birta-dheer. 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo ayay labada dhinac ku dagaallameen tuulada Saax-maygaag waxaana weli is hor-fadhiya dhinacyadii dagaallamay. Sidoo kale waxa dhaqan-geliwaayay go’aanno kala duwan oo Puntland ka soo saartay si loo xakameeyo colaadda degaankaas oo ku salaysan muran dhuleed. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: iska hor-imaad ka dhacay miyiga Tuulada Saax-maygaag appeared first on Puntland Post.
-
Kabul (Caasimada Online) – Dhowr saacadood kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu sheegay in weerar kale oo lagu qaado garoonka diyaaradaha ee Kabul ay u badan tahay inay dhacaan 24 ilaa 36 saacadood ee soo socoda, ayaa Safaaradda Mareykanka ee Kabul ku boorrisay muwaadiniinta Mareykanka inay ka baxaan garoonka diyaaradaha. Digniinta amni ayaa ku boorrisay dadka Mareykanka inay ka fogaadaan agagaarka garoonka diyaaradaha, waxayna safaaraddu sheegtay in si degdeg ah looga baxo agagaarka garoonka, gaar ahaan albaabka Koofureed, agagaarka Wasaaradda cusub ee Arrimaha Gudaha, iyo iridda u dhow Kaalinta Shidaalka ee Panjshir ee dhinaca waqooyi -galbeed. Biden ayaa bayaan uu Sabtidii soo saaray ka digay weerarro ay suuragal tahay in lagu soo qaado garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kabul, xilli ay gabaabsi mareyso ka bixitaanka Mareykanka iyo xulufadiisa iyo daadgureynta muwaadiniintooda iyo dadka reer Afghanistan ee ka baxsanaya xukunka Taalibaan. Digniintan ayaa imaaneysa laba maalmood kaddib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 170 qof oo u dhashay Afghanistan iyo 13 askari oo Mareykan ah. Biden wuxuu sheegay inuu taliyeyaasha ciidmaada Mareykanka ku amray ilaalinta askarta Mareykanka ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, maadaama daadgureyntii dadkii tirada badnaa ay dhammaad ku dhowdahay, Isla markaana ciidamada Mareykanku ka baxayaan garoonka. Qiyaastii 2,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay Kabul 12-kii saac ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Aqalka Cad. Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo 14-kii Agosto, in Mareykank uu daadgureeyay ama gacan ka geystay daadgureyntooda qiyaastii 113,500 oo qof. Tan iyo dhammaadkii bishii July, Mareykanka ayaa dib u dejin u sameeyay 119,000 oo qof. VOA The post Mareykanka oo digniin culus soo saaray iyo cabsi ka taagan garoonka Kabul appeared first on Caasimada Online.
-
Rasaas xooggan ayaa maanta oo Axad ah laga maqlay nawaaxiga SAAX-MAYGAAG oo u dhexaysa tuulada Birta-dheer ee Gobolka Nugaal iyo degmada Boocame ee Gobolka Sool. Degaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa labada malayshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda Boocame iyo Birta-dheer, islamarkaana halkaas ku dagaallamay 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo. Wararku waxay sheegayaan, in Rasaasta la maqlay ahayd labad ciidan oo sahan ah, kuwaas oo iska helay miyiga u dhexeeya SAAX-MAYGAAG iyo SANGE-JEBIYE, inkastoo aan khasaaraha ka dhashay la ogayn. Waxa xusid mudan, in ay shaqayn waayeen go’aanno kala duwan oo Puntland ka soo saartay, si loo xakameeyo colaadda degaankaas oo ku salaysan muran dhuleed. PUNTLAND POST The post iska hor-imaad ka dhacay nawaaxiga tuulada SAAX-MAYGAAG appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Midowga Afrika, ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mudane Olusegun Obasanjo u Magacaabay Ergayga Ururka u Qaabilsan Gobolka Geeska Afrika. Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Komiishanka Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, taasi oo Khamiista soo gaadhay Warbaahinta. Wareegtada uu soo saaray Moussa Faki Mahamat, ayaa lagu sheegay in ujeeddada Magacaabista Olusegun Obasanjo ay tahay in Ururka Midowga Afrika uu kor u qaado isla-markaana xoojiyo Dedaalladiisa Horumarinta Nabadgalyada, Amniga, deganaansha iyo Wada-hadallada nabadeed ee guud ahaan Dalalka ku yaalla Gobolka Geeska Afrika. “Go’aanka Magacaabista Olusegun Obasanjo ayaa qayb ka ah in Midowga Afrika uu horumariyo Nabadgalyada, Amniga, Xasilloonida iyo Wada-hadallada siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka lagu shaaciyey Magacaabista Mr. Olusegun Obasanjo, waxaanu intaa ku daray “Guddoomiyuhu aad ayuu ugu mahadcelinaya Madaxweyne Olusegun Obasanjo inuu aqbalo xilkan siyaasadeed ee istiraatiijiga ah, iyadoo loo eegayo danta guud ee Ururka” Sidoo kale, Guddoomiyaha Komiishanka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu Mr. Olusegun Obasanjo uu yahay diblumaasi leh khibrad siyaasadeed oo badan, aqoon ahaana uu aad ugu xeel-dheer yahay Xaaladda xilligan ee Geeska Afrika. Guddoomiyaha Komiishanka Ururka Midowga Afrika, wuxuu beesha Caalamka iyo daneeyayaasha Geeska Afrika ugu baaqay inay Ergayga siiyaan Taageero kasta oo suurto-gal ah, iyadoo la filayo inuu Toddobaadyada soo socda soo gaadho Gobolka. Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah Diblumaasi khibrad badan u leh Qaaradda Afrika iyo Gobolka Geeska Afrikaba, ayaa Saaxiib dhaw la ah Somaliland, waxaana sannadkii 2019-kii uu safar ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu Marti-qaad ka helay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xilligaas, waxa Olusegun Obasanjo Casuumad loogu fidiyey Qasriga Madaxtooyada, waxaanu halkaa ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warramay Marxaladaha siyaasadeed ee Afrika, Qadiyadda Somaliland iyo Arrimo kale muhiim ahaa. Wareegtada lagu Magacaabay ayaa waxa ku xusan in Waajibaadkiisa ay ka mid tahay Wada-hadallada siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika, sidaasi darteed waxa suurto-gal ah inuu qayb libaaxle ka qaato Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo dabcan wax badan ka fahamsana kala duwaanshiyaha Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si faah faahsan uga hadlay wada-hadalladii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in haatan xal laga gaaray arrinta ciidamadii gadooday ee dhowaan qabsaday magaaladaasi, balse wuxuu tilmaamay in weli halkeedii ay tahay tabashada laga qabo HirShabelle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wada-hadalladan lagu baajiyey in dhiig lagu daadiyo degmada Beledweyne, kadib markii ay gudaha u soo galeen ciidamadii gadoodsan. “Wada-hadalka waxaa lagu baajiyay in dhiig lagu daadiyo Baladweyne, duubabka dhaqanka ayaa guul weyn ka gaaray in la xaliyo xiisadda, arrinta Hir-Shabeelle waa gooni balse marka ugu horreysa waa in dadka reer Beledweyne xaliyaan dareenka ka dhex jira” ayuu yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe oo haatan ku sugan gudaha magaalada Beledweyne. Dhinaca kale wuxuu Sanbaloolshe hoosta ka xariiqay in Beledweyne ay u tageen safarka Cali Guudlaawe iyo in la xaliyo tabashada reer Hiiraan, balse ay arrintu sii adkaatay, kadib markiiuu xoogeystay is jiid-jiidka u dhexeeya dhinacyada diidan dhismaha HirShabelle. “Meeshaan wada-hadal ayaan u imaanay si Madaxweynaha uu nabadgalyo ugu tago Beledweyne loona xaliyo tabashooyinka jira, balse waa wadahadalkii & meeshii aan rabnay in wax la dhigo is jiid-jiid ayaa dhacay, waxaa adkaatay in is faham laga gaaro” ayuu raaciyey. Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli weli HirShabelle aysan guda-gelin doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha aqalka sare, waxaana loo sababeynayaa xiisada siyaasadeed ee weli ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. The post Sanbaloolshe oo war cusub kasoo saaray xiisadda Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii Gobolka Cayn Guuleed Maxamed Nuux (Guuleed san-weyne). Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa guddoomiyaha cusub ee Gobolka Cayn lagu magacaabay Cabdifitaax Ciise Maxamed (Raawe). Dikreetada ayaaa loo cuskaday tala-soo jeedin ka timid wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland iyo xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Cayn. Guuleed San-weyne ayaa xilka hayay mudda sannad iyo sideed bilood ah kadib markii madaxweyne ku xigeenku magacaabay 4-tii December 2019. PUNTLAND POST The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.
-
Xulka Gobolka Haylaan ee ku guulaystay Koobkii Gobollada Puntland ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho halkaas oo ay dalxiis ku tegayaan. Xulkan oo xalay soo gaaray caasimadda Garoowe ayaa goor dhow ka amba-baxaya Garoonka diyaaradaha Garoowe waxaana ay ku sii jeedaan Muqdisho. Wasiirka Qorshaynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xulka ku casumay Muqdisho si ay dalxiis ugu soo qaataan halkaas. Sidoo kale waxa la filaya in ay ciyaar saaxiibtinimo la dheelaan kooxda Horseed ee ciidamada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xulka Gobolka Haylaan oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Bay ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saaka uu dagaal u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab uu ka dhacay degmada Qansax dheere. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilawday kadib markii Ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay kuu leeyihiin Degmada Qansax dheere. Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay dhankooda in ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka Al-shabaab ay ku soo qaadeen degmada Qansaxdheere ee Gobalka Bay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP. Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in anay xukuumada Somaliland waxba ka ogayn wararka sheegaya in qaxooti reer Afghanistan ahi Somaliland imanayaan, isla markaana aanay jirin xog rasmi ah oo xukuumadu arrinka warbaahinta ka siisay. “Waxa laga yaaba in ay yihiin warar aan diblumaasiyada iyo saxafiyiinta soo dhaafin, lakin warka ah in Somaliland qaxooti Afghanistan ah qaabilayso, anagu warka mahayno, wararka laysla dhex marayaana waa warar aan wali ilo rasmi ah oo dhinacyada ah aan kasoo bixin” ayuu yidhi wasiir Koore. Wakaalada wararka AFP ee laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa warbixin ay daabacday 27 bishan ku sheegtay in sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Somaliland, oo aan magiciisa la sheegin, uu u sheegay in Somaliland ay qaabilayso qayb ka mid ah qaxootiga reer Afghanistan. Source
-
Waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan lagu soo gaba gabeeyay kulamo Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo wax garadka gobalka Baladweyne uga socday. Kulamadaan oo ay qeyb ka ahaayeen madaxweynaha ku-xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle Yusuf Axmed Hagar Dabageed, Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Sambaloolashe, Madaxweynihi hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa looga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee mudada dheer ka taagan deegaanka. Shirka ayaa intii uu socday waxaa leysla gartay in xal horu dhaca ah loo helo khilaafka dadka degan deeganada Hiiraan kala dhaxeeya maamulka Cali Guudlaawe oo tan iyo doorashadiisa ay si adag uga soo horjeeden dadka deegaanka. Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in kulanka uu bilaw u yahay kulama xal lagu raadinayo oo maalmaha soo socda deegaanada gobalka Hiiraan ka dhici doona. Xiisadda iyo khilaafka ayaa sare u kacay kadib markii ay maalmo ka hor gacan ku heynta xarunta maamulka gobalka ee magaalada Baladweyne la waregeen ciidama gadoodsan oo diidan qorsha la sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tagayo magaalada Baladweyne. Dhanka kale ciidamada la wareegay magaalada Baladweyne ayaa lagu qanciyay in ay dib isaga baxaan guudaha magaalada wadahadalada ay noqdaan kuwa sii socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, Cabdullaahi Ciise Saalax oo wareysi siiyay Telefishinka dowladda Puntland, ayaa cabasho ka muujiyay maraakiib jariif ba’an ku haya xeebaha degmadaas. Maraakiibta jariifka ah ayaa caqabad ku noqday hawl-maalmeedka kalluumeysatada degaanka, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsantahay wax-soo-saarka badda. Guddoomiyaha degmada Caluula ayaa sheegay in maraakiibta qaarkood oo ay rukhsad siisay xukuumadda Puntland ay dhibaato ku hayaan kalluumeysatada maxalliga ah ee degaanka. Guddoomiyaha ayaa Wasaaradaha ku shaqada-leh ka dalbaday, in ay wax ka qabtaan jariifka lagu hayo xeebaha degmada Caluula iyo guud ahaan Gobolka. Gobolka Gardafuu ayaa ka kooban shan degmo oo dhammaantood saaran xeebta, waxaana muddooyinkan dambe halkaas laga soo sheegayaa maraakiib jariif ah. PUNTLAND POST The post Maraakiib jariif ba’an ku haya Gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Kabul)-Turkiga iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamuli doona garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayada oo shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Turkish ay sugi doonto amniga garoonka, sida ku cad heshiis ay la galeen Taalibaan. Heshiiskan oo qabyo qoraal ah ayaa la dhammeystiri doonaa kadib markii ciidammada Mareykanka ay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda Afghanistan, toddobaadka soo socda. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ay qasab tahay inuu saxeexo heshiiska. Waxaa la filayaa inuu arrintan wada-tashi kala yeesho xulufadiisa NATO, gaar ahaan Mareykanka. Turkiga ayaa dhowaan soo geba-gebeysay ka bixitaanka ciidamadeeda ee garoonka kadib markii wada-hadallo ay la yeesheen hoggaanka Taalibaan lagu gaadhi waayey heshiis ay ciidanka Ankara kusii joogi lahaayeen garoonka kadib bixitaanka Mareykanka. Turkiga ayaa muddo toddobaadyo ah sahmineysay suurta-galnimada ah inay sugto amniga garoonka marka ay ka baxaan ciidamada Mareykanka. Faah-faahinta heshiiska qabyada ah Erdogan ayaa khudbad uu Jimcihii jeediyey ku sheegay in Taalibaan ay Turkiga u yaboohday fursad ay ku maamusho garoonka, hase yeeshee ay ku adkeysteen inay amniga ayaga sugaan. Si kastaba, labada dhinac ayaa hadda isku raacay heshiis qabyo qoraal ah oo xal u noqon kara arrintan, waxaana qodobada ugu muhiimsan heshiiska ay yihiin:- • Turkiga waxa ay Taalibaan u aqoonsaneysaa dowladda sharciga ah ee Afghanistan. • Turkiga iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamulaya garoonka diyaaradaha Kabul. • Ankara ayaa sugeysa amniga garoonka ayada oo loo marayo shirkad gaar loo leeyahay, oo shaqaalaheeda ay isugu jiri doonaan saraakiil hore uga tirsanaa millatariga iyo booliska Turkiga. • Ciidamada gaarka ah ee Turkey oo noqon doona kuwa dharcad ayaa sugi doona amniga shaqaalaha Turkish-ka ee garoonka, balse kama bixi doonaan xeendaabka garoonka. Mid ka mid ah caqabadaha hortaagan heshiiskan ayaa ah in dowladdii hore ee Afghanistan ay bishii October ee sannadkii tegay ay qandaraas lagu maamulayo garoonka siisay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Taalibaan ayaa u baahan inay heshiis gaar ah la gasho shirkadaas. Ciidamada gaarka ah oo sii jooga Turkiga ayaa weli waxaa u furan safaaraddeeda Kabul, kamana ayna soo daad-gureyn dalkaas diblomaasiyiinteeda muhiimka, oo uu ku jiro safiirka. Sidoo kale, xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Turkiga ayaa ku sugan Kabul, si ay u ilaaliyaan safaaradda, halka kuwa kale ay joogaan Islamabad, si haddii gurmad ahaan loogu baahdo loogu yeero. Sanadahii tegay, Turkiga ayaa ilaalineysay qeybta millatari ee garoonka, si looga hor-tago weeraro banaanka uga yimaada. Horraantii xagaagan, Ankara ayaa ku dhoweyd in Mareykanka la gasho heshiis ay kusii waddo howlgalkan, hase yeeshee deg-degtii at Taalibaan kula wareegtay dalka ayaa beddeshay xaaladda. Saraakiil Turkish ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in sii joogitaanka Afghanistan uu ka caawin doono inay ilaaliyaan danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi ee ay ka leeyihiin dalkaas. Turkiga iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamuli doona garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayada oo shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Turkish ay sugi doonto amniga garoonka, sida ku cad heshiis ay la galeen Taalibaan. Heshiiskan oo qabyo qoraal ah ayaa la dhammeystiri doonaa kadib markii ciidammada Mareykanka ay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda Afghanistan, toddobaadka soo socda. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ay qasab tahay inuu saxeexo heshiiska. Waxaa la filayaa inuu arrintan wada-tashi kala yeesho xulufadiisa NATO, gaar ahaan Mareykanka. Turkiga ayaa dhowaan soo geba-gebeysay ka bixitaanka ciidamadeeda ee garoonka kadib markii wada-hadallo ay la yeesheen hoggaanka Taalibaan lagu gaadhi waayey heshiis ay ciidanka Ankara kusii joogi lahaayeen garoonka kadib bixitaanka Mareykanka. Turkiga ayaa muddo toddobaadyo ah sahmineysay suurta-galnimada ah inay sugto amniga garoonka marka ay ka baxaan ciidamada Mareykanka. Faah-faahinta heshiiska qabyada ah Erdogan ayaa khudbad uu Jimcihii jeediyey ku sheegay in Taalibaan ay Turkiga u yaboohday fursad ay ku maamusho garoonka, hase yeeshee ay ku adkeysteen inay amniga ayaga sugaan. Si kastaba, labada dhinac ayaa hadda isku raacay heshiis qabyo qoraal ah oo xal u noqon kara arrintan, waxaana qodobada ugu muhiimsan heshiiska ay yihiin:- • Turkiga waxa ay Taalibaan u aqoonsaneysaa dowladda sharciga ah ee Afghanistan. • Turkiga iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamulaya garoonka diyaaradaha Kabul. • Ankara ayaa sugeysa amniga garoonka ayada oo loo marayo shirkad gaar loo leeyahay, oo shaqaalaheeda ay isugu jiri doonaan saraakiil hore uga tirsanaa millatariga iyo booliska Turkiga. • Ciidamada gaarka ah ee Turkey oo noqon doona kuwa dharcad ayaa sugi doona amniga shaqaalaha Turkish-ka ee garoonka, balse kama bixi doonaan xeendaabka garoonka. Mid ka mid ah caqabadaha hortaagan heshiiskan ayaa ah in dowladdii hore ee Afghanistan ay bishii October ee sannadkii tegay ay qandaraas lagu maamulayo garoonka siisay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Taalibaan ayaa u baahan inay heshiis gaar ah la gasho shirkadaas. Ciidamada gaarka ah oo sii jooga Turkiga ayaa weli waxaa u furan safaaraddeeda Kabul, kamana ayna soo daad-gureyn dalkaas diblomaasiyiinteeda muhiimka, oo uu ku jiro safiirka. Sidoo kale, xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Turkiga ayaa ku sugan Kabul, si ay u ilaaliyaan safaaradda, halka kuwa kale ay joogaan Islamabad, si haddii gurmad ahaan loogu baahdo loogu yeero. Sanadahii tegay, Turkiga ayaa ilaalineysay qeybta millatari ee garoonka, si looga hor-tago weeraro banaanka uga yimaada. Horraantii xagaagan, Ankara ayaa ku dhoweyd in Mareykanka la gasho heshiis ay kusii waddo howlgalkan, hase yeeshee deg-degtii at Taalibaan kula wareegtay dalka ayaa beddeshay xaaladda. Saraakiil Turkish ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in sii joogitaanka Afghanistan uu ka caawin doono inay ilaaliyaan danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi ee ay ka leeyihiin dalkaas. Source
